27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Sawirro: Guuleed oo arrimaha Somaliland kala shiray Geelle

Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta madaxtooyada dalkaas ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan dib loo bilaabo wadahadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha Jabuuti la wadaagay warbixin ku saabsan howsha culus ee hortaalla, wuxuuna madaxweyne Ismaaciil taageeray qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso ka mira-dhalinta wadahadaladaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa intii uu socday kulankaas wuxuu Cabdikariin Guuleed u muujiyay sida ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u doonayaan in nabad iyo xasilooni ay ku wada noolaato umadda Soomaaliyeed.

Kulanka uu Cabdikariin Guuleed madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qeyb ka ah kulamo badan oo Ergeygu uu qorsheynayo inuu la yeesho madaxda dalalka Geeska Afrika.

Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada.

Daawo: Taliye SHUB oo xilka la wareegay iyo ballan-qaadkiisi ugu horreeyay oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa shalay si rasmi ah dib ula wareegay xilkaasi, kadib munaasabad ka dhacday Hoolka Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay ku-simihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Cabdikariin Cali Afrax iyo taliyaha cusub ee dhawaan lasoo magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo ugu horeyntii uu halkaasi hadal ka jeediyay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macalin ayaa waxa uu bogaadiyay ku-simihii taliyaha ciidanka Asluubta General Cabdikariin Afrax sida howsha uu uwaday intuu uu joogay taliska, isaga oo tilmaamay in taliyaha cusub uu yahay nin shaqadaan yaqaana horena usoo qabtay.

“Magacaabista Taliye Mahad waxay ku tusineysa sida ay madaxweynaha iyo xukuumadda dhamaan uga go’an tahay in shaqada dowladnimada ay socoto oo aysan ka go’in, oo aan qof cusub oo shaqo barad ah la idin keenin, waa taliye gaamuray oo shaqadiisa yaqaan ayaa la idinku soo ceshay runtii waxay ahayd hiilo ciidanka Asluubta aan u hiilinay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo isagu dib ula wareegay xilka taliyaha ciidanka Asluubta ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta iyo tayeynta ciidanka Asluubta Soomaaliya.

“Iskuma cusbin ee waa isku soo noqonay, warka waa noo dambeyn doona. Taliye xigeenka shaqada sii waday waa mahadsan yahay. Waxaan ogahay in aad ciidan fiican tihiin, marwalba waa sheegaayay in ciidanka kuwa ugu fiican inaad tihiin,” ayuu yiri.

6-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhibanada BFS in uu markale noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka.

Dib u magacaabistan ayaa ka dhigan in Taliye Mahad oo loo yaqaano Shub uu waayey xubnimadiisii Baarlamaanka, isaga oo dib loo soo buuxin doono kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha.

Hoos ka daawo

Sawirro: Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaano hor leh ka qabsaday Al-Shabaab

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa maanta gudaha u galay deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay sanado badan maamuleysay.

Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Ceeljuqow ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta ay isaga carareen Shabaab-kii ku sugnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ceeljuqow ayaa waqooyi ka xiga degmada Galcad oo maalmo ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab, waxayna ciidanku sii mareen degaan kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Butbut, kaas oo Al-Shabaab ay baneeyeen inta aysan gaarin ciidamada duulaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka galabta gudaha u galay degaanka istaraatiijiga ah ee Ceeljuqow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-gaari oo kooxda Al-Shabaab ay ka carartay.

Gaadiidkaan oo looga dabategay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceeljuqow oo kooxdu ay uga carartay ayaa dadka deegaankaas waxay sheegeen inay Al-Shabaab lahaayeen, waxayna saraakiishu sheegeen in sababta ay gaadiidkaan uga carareen ay tahay baqdin ay ka qabaan in la duqeeyo.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, mudadii 15-sano aheyd.

Taliye Odawaa iyo guddoomiyaha Maxaas ayaa ciidankii ayaa ciidanka u gudbiyey fariinta dowladda ee dagaalka la qorsheynayo dhamaan gobollada dhexe looga saaro Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Saney Cabdulle ayaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehliyey kormeerkaan, waxayna u khudbeeyeen boqolaal ciidanka xoogga iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisley.

 

Hormuud: Advancing tech and education in Somalia

Hormuud Telecom has been providing telecommunications services to Somalia for over 20 years. The company was founded in 2002 and has since grown to become one of the country’s largest telecommunications providers, offering a wide range of services such as voice, data, and mobile money transfer. 

Hormuud Telecom has been instrumental in the development of Somalia’s telecommunications industry, which has been critical to the country’s economic growth and social development. The company has made significant investments in modernizing the country’s telecommunications infrastructure, including the deployment of fiber optic networks, which has helped to improve the quality and reliability of telecom services. 

Hormuud Telecom has been involved in several social and philanthropic initiatives in Somalia, in addition to providing telecommunications services. The company has built hospitals and clinics, established schools, and provided scholarships to students, and contributed to relief efforts during times of crisis.  

Despite operating in a difficult environment, Hormuud Telecom has remained committed to providing Somalis with high-quality telecommunications services. Its success demonstrates the Somali people’s resilience and determination, as well as the critical role that telecommunications plays in driving economic and social progress in the country.  

Hormuud Telecom also runs Hormuud University, a private university in Mogadishu, Somalia. The university was founded in 2014 with the goal of providing high-quality education to Somali students, particularly in the fields of engineering and technology.  

Hormuud University provides undergraduate and graduate programs in engineering, computer science, and business administration. The university places a strong emphasis on hands-on training to provide students with the skills and knowledge they need to succeed in their chosen careers.  

Hormuud University’s main goal is to produce highly trained engineers who can help drive the development of Somalia’s telecommunications and technology sectors. The university collaborates closely with Hormuud Telecom to ensure that its curriculum is relevant to industry needs and that graduates are well-prepared to enter the workforce.  

Hormuud University is assisting in the development of a new generation of highly skilled professionals who can contribute to the growth and development of Somalia’s economy through its programs and initiatives. Its role in producing highly trained engineers is critical, as this is an area of critical need for the country’s ongoing development. 

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him [email protected] @osmando

Daawo: Xukuumadda oo soo saartay ‘qaraar’ xasaasi ah oo 15 qodob ka kooban

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.

Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa saxaafadda u akhriyey xeerka cusub ee ‘xakameynta hubka caasimadda.’

“Ujeedada laga leeyahay xeerkaan waa in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimadda ay u leedahay inay helaan xasilooni iyo nabad,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay wasiir Xagaa.

Qodobka koowaad ee xeerkaan waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdibilaha iyo dharka ciidanka.

“Gaadiidka iyo hubka la mamnuucay waxaa magaalada Muqdisho ku dhex adeegsan kara ciidan howlgal idman ku jira,” ayuu dhigayaa qodobka 3-aad ee xeerkaan.

Dowladda Soomaaliya waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, isla markaana ay noqonayaan hanti dowladeed.

Qodobka 5-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in diiwaan gelinta iyo bixinta qursadda hubka lagu dhex qaadanayo caasimadda ay bixineyso wasaaradda amniga.

“Waxaa reeban in cid aan ka tirsaneyn ciidamada amniga ay Muqdisho ku dhex wadato hub aan ruqsad laheyn, ciidamada ilaalada ee ruqsadda heysta waa inay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin, markii ay shaqada ku jiraan,” ayaa lagu yiri qodobka 7-aad.

Masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada ayuu xeerkaan farayaa inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga caasimadda Muqdisho.

Qodobka 9-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in la diiwaan geliyo dhamaan hubka lagu dhex heysto caasimadda Muqdisho, sida qoryaha fudud ee AK47 iyo bistooladaha.

“Cid kasta oo jebisa qodobada xeerkaan waxaan lala tiigsanayaa xeerka ciwaabta ciidamada” ayaa lagu yiri qodobka 14-aad ee xeerkaan oo dhaqan galay 6-dii bishaan, markaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirrada, sida uu wasiir Xagaa ku shaaciyey shirkaan jaraa’id.

Hoos ka daawo

Khasaare ka dhashay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa salaadii maqrib kadib tiro hoobiyeyaal ah ku garaacday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu yaraan shan hoobiye oo Al-Shabaab ay soo rideen ayaa intii la af-furayey ku dhacday qeybo ka mid ah degmada Wartanabadda oo Villa Somalila ay ku taallo iyo degmada Boondheere.

Inta la xaqiijiyey labo ka mid ah ilaalada wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay inay ku dhinteen hoobiye ku dhacay guriga wasiirka oo ku dhex yaalla Villa Somalia.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa la sheegay inuu ka badbaaday hoobiyaha ku soo dhacay gurigiisa, waxayna ilo dhanka ammaanka ah Caasimada Online u xaqiijiyeen in waxa lagu garaacay aagga Madaxtooyada ay Hoobiye ahaayeen.

Kooxda Al-Shabaab oo war kooban soo saartay ayaa sheegatay in madaxtooyada Soomaaliya ay madaafiic ku garaaceen. balse ma shaacin khasaare ama bartilmaameed gaar ah.

Habeeno ka hor sidaan oo kale ayaa qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah dhowr jug looga maqlay, balse markii dambe waxay hey’adaha ammaanku sheegeen in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish lagu qalqal gelinayey bulshada.

Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho, gaar ahaan aagga Madaxtooyada ka geysta weerarro ay u adeegsadaan qoriga hoobiyaha, kaas oo inta badan ay ku dhibaateeyaan dad shacab ah, maadaama ay iska ridaan oo wax bartilmaameed ah aysan laheyn.

Weerarkaan caawa ka dhacay Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa xilli ay dowladdu ku howlan tahay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo galabta ay xukuumadda ka soo baxeen amarro uu horay u shaaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Amarradaas ayaa lagu xakameynayaa hubka culus ee lagu dhex qaato caasimadda, si loo dhimo fursadda ay Al-Shabaab u heli karaan inay hub culus gudaha caasimadda weerar uga geystaan.

Dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray Ceeldheer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhex-maray dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubnaha Shabaab-ka ku dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, waxaana la sheegaya inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda waxaa sii kordhay khasaaraha dagaal-yahaanada iyo horjoogayaasha ka tirsan kooxda, kaasi oo gaaray illaa 20 ruux.

Sidoo kale waxaa dagaalkaasi dhex-maray xubnaha kooxda ka dhashay dhaawac gaaraya illaa 40, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in horjoogayaasha kooxda ay amartay in dhaawacyada la dhameystiro, si aan waqti dheeraad ah loogu lumin, xilli uu qeybo kamid ah dalka ka billowday wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka ay qaateen horjoogayaasha kooxda ee lagu dhameystirayo dagaal-yahaanada ku dhaawacmay dagaalkan dhex-maray isla kooxda Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tirada dhimashada oo hadda la xaqiijiyay inay mareyso illaa 20 ruux.

Dhawaan ayay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Al-Aqsa Mosque: Passover incursions spark unrest

JERUSALEM (Caasimada Online) – On Sunday, numerous Israeli settlers and ultranationalists, supported by heavily-armed law enforcement, besieged the Al-Aqsa Mosque in occupied East Jerusalem during Passover celebrations.

While throngs of Israelis explored the mosque’s courtyards starting at 7:30 am local time, Palestinian entry to the site was restricted.

At the same time, Israeli forces targeted Palestinians who sought to reach the mosque overnight for dawn prayers, barring worshippers under 40.

Israeli forces evacuated the Old City, the location of the Al-Aqsa Mosque, in anticipation of widespread Israeli incursions.

Consequently, a mere 30,000 Palestinians could attend the Ramadan Taraweeh night prayer on Saturday, a significant decline from the 130,000 estimated attendees during previous nights this month.

To avoid being expelled from the mosque by Israeli forces, hundreds of worshippers sequestered themselves in the Qibli prayer hall on Saturday night.

International condemnation

Following last week’s repeated attacks by Israeli forces against worshippers inside the Qibli mosque, global denunciation surged.

Jordan, the guardian of Jerusalem’s Islamic and Christian sites, criticized the incursions on Sunday and attributed responsibility for the consequences to Israel.

The Jordanian foreign minister issued a statement condemning the incursions and the violation of the historical and legal status quo agreements at Al-Aqsa.

Long-standing international agreements, collectively known as the status quo, identify Al-Aqsa Mosque as an Islamic site, prohibiting unsolicited visits, prayers, and rituals by non-Muslims.

Despite this, Israeli groups have consistently breached this sensitive accord by coordinating with authorities to facilitate daily raids on the site and conducting prayers and religious ceremonies without Palestinian or Jordanian consent.

Concerns of illegal control

By designating specific times for Palestinian access to Al-Aqsa Mosque and permitting settlers to visit and pray, Palestinians worry that plans are underway to partition the mosque between Muslims and Jews, akin to the division of the Ibrahimi Mosque in Hebron in the 1990s.

Israel’s governance of East Jerusalem, including the Old City, contravenes various tenets of international law, which maintain that occupying powers hold no sovereignty over occupied territories and cannot enact permanent changes.

While Israeli police demonstrated restraint towards Palestinians within Al-Aqsa Mosque over the weekend, they maintained a strong presence on-site.

This unusual behavior follows last week’s recorded and widely disseminated violent assaults on worshippers, which incited increased aggression.

In an apparent response to the Al-Aqsa confrontations, militants launched rockets from Gaza and Lebanon toward Israel on Thursday, injuring at least two Israelis.

Shootings in the occupied West Bank also intensified, resulting in the deaths of two Israeli settlers and injuries to two soldiers.

In response to growing tensions, the Israeli military and law enforcement announced plans to increase their forces and prolong West Bank closures until Wednesday.

Palestinians from the West Bank with permits to work in Israel or visit Al-Aqsa Mosque will be denied entry.

Israeli Defense Minister Yoav Gallant directed soldiers to deploy within Israel’s central district to support police efforts.

Somaliland oo taageero u raadinaysa qorshaha dagaal ee Laascaanood + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa billowday inay taageero gudaha ah u raadiso qorshaheeda dagaal ee magaalada Laascaanood, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay magaalada dib ugu soo celin doonto gacanteeda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta kulan la qaatay tobanka urur siyaasadeed ee usoo baxay tartanka xisbiyda Somaliland.

Kulankaan ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta Laascaanood, oo in ka badan laba bil uu ka taagan yahay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu horeyntii warbixin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda Laascaanood.

Tobanka Urur Siyaasadeed ayaa oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Kaah, Ogaal, Rejo, Talo-wadaag, Mideeye, Waaberi, Urur Barwaaqo, Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa dhankooda madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay usoo jeediyay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood.

Sidoo kale waxay tilmaameen inay difaaca Somaliland ku barbar taagan yihiin dowladda, islamarkaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan xukuumadda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyey madaxda Ururada Siyaasadda sida ay u barbar istaageen xukuumadooda iyo dadkooda, isaga oo soo dhaweeyay tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Somaliland ay sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabacsan.

Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba Waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku haya halkaasi.











Booliska Muqdisho oo toogtay Al-Shabaab ku guda jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa waxa uu talisku sheegay inuu miinada ku aasayay hareeraha laamiga deegaanka Garasbaaley, halkaasi oo ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka ay ka sameeynayeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan uu sameeyay iska caabin, taasi oo keentay in la toogto, uuna halkaasi ku dhinto, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“Cid wax ku noqotay qaraxaasi majirto, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa. Ciidanka Booliska waxa ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.

SAWIRRO: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Erdogan ay usoo dirtay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota dowladda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Taliye Sulub ayaa saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ku qaabilay xafiiskiisa, iyaga oo ka wada-hadlay sidii loo dardar-gelinta tababarada iyo tayeyna ciidanka Booliska Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa tababarada uu Turkiga siiyo ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Saraakiishaan ka socday Turkiga ayaa Taliye Sulub u sheegay inay ka go’an tahay dardar-gelinta tababarida iyo tayeynta ciidanka, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhank ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad-celiyay saraashiisahan iyo dolwadadooda sida ay dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin, gaar ahaan tayeynta iyo tababarada ciidamada Soomaaliya.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxiibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciidamada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh.

Sidoo kale waxa uu Turkiga door muuqda kulahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, isaga oo si dhaw ula shaqeynayay taliska ciidanka, si loo wiiqo awoodda kooxda, wuxuuna fuliyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka duqeymo dhowr ah oo lagu beegsaday dagaal-yahaanada kooxda.

SSC oo soo saartay go’aano culus oo ka dhan ah S/LAND

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay joojiyeen wixii dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhaxeyn jiray deegaanada Somaliland iyo kuwa SSC.

SSC ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanada SSC-Khaatumo aysan imaan karin hay’addo ka howl-gala gudaha Somaliland, islamarkaana aysan wax shaqo ah ka qaban karin, haddii ay dhacdana tallaabo adag ka qaadi doonaan.

“Marka aan aragnay duulaanka iyo dagaalka cadownimada ah ee kusoo qaaday dadkayaga iyo deegaankayaga, iyaga oo tixgelineyn Islaamnimo, Soomaalinimo iyo derisnimo midnaba. Laga billaabo 15-ka bisha April 2023 maamulka SSC waxa uu joojiyay dhamaan ganacsigii ka dhaxeeyay SSC iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Isimida SSC.

“Sidaas darteed marka laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa reeban in wax ganacsi ah nooga yimaado Somaliland, sidoo kalena mid ka socda ka gudbo deegaanada SSC-Khatuumo.”

Isimida ayaa faray in laamaha amaanka ee SSC ay fuliyaan amarka kasoo baxay ee lagu joojiyay ganacsigii ka dhaxeeyay Somaliland iyo SSC, iyo awaamiirta kale ee kasoo baxday guddiga garaadada 33-ka ah.

“Wax hay’add ah oo ka howl-gasha dhinaca somaliland ma iman karto deegaanada SSC kamana howl-gali karto, waa la joojiyay, haddana waa ku celinayna. CIidamada amaanka waxaa la farayaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo kusoo xad-gudubta awaamiirtaas la bixiyay.”

Bayaanka kasoo baxaya Isimida SSC ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in hay’addaha laga mamnuucay ay yihiin kuwa ka howl-gala gudaha Somaliland, sidaas darteed ay deegaanadooda u furan yihiin hay’addaha kale ee ka howl-gala Soomaaliya inteeda kale.

“Hay’addaha fadhigooda yihiin deegaamada Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ma iman karaan deegaanada SSC illaa amar dambe. Laakiin dalka Soomaaliya intiisa kale hay’ad alaale ka imaaneysa min Kismaayo oo ugu shisheeysa ilaa Bosaaso, waa ka howl-gali karaan deegaanada SSC.”

Go’aanadan cusub ee kasoo baxay Isimida SSC ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee kala dhaxeysa Somaliland, islamarkaana ay Somaliland ku dhawaaqday in dib gacanteeda ugu soo celinayso magaalada Laascaanood.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa socda in ka badan laba bil, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Mogadishu’s streets: Disarming a city overrun with guns

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – In an effort to restore stability in Somalia’s capital, President Hassan Sheikh Mohamud announced a ban on carrying weapons in the streets of Mogadishu.

In addition to prohibiting military gear imports, the new regulations also seek to combat the widespread presence of firearms in the city.

During a Friday prayer sermon at his presidential compound, President Mohamud declared that carrying guns in Mogadishu’s streets would no longer be allowed.

“One cannot justify having machine guns mounted on vehicles and rocket-propelled grenades in the streets for protection from a hiding al-Shabab militant armed with a pistol,” he stated.

The president warned that those who failed to comply would face the consequences, as the government would “fight against those who fail to abide by the measures.”

Import restrictions on military gear

Mohamud also banned the import of all kinds of military equipment, from uniforms to boots.

“No businessman can bring any military gear into the country, let alone weapons. The traders cannot even import Abdi Bile vehicles in the country,” he said.

The Abdi Bile, named after a Somali American runner, is a popular Toyota pickup model often used to mount self-propelled anti-aircraft guns in Somalia.

General Mohamed Farah Aliyow, a veteran Somali military general and Toronto-based security analyst, sees this move as a significant step toward restoring stability in Mogadishu.

The city has lacked a reliable security plan since the collapse of the Siad Barre military regime in 1991.

Business owners, government officials, and lawmakers have employed heavily armed security teams to protect their lives and properties in recent years.

This has resulted in a city overrun with firearms despite decreased open sales.

Offensive against Al-Shabab

The announcement of the weapons ban came hours after government media declared the second phase of the government’s war with al-Shabab militants in the Hiran region of Central Somalia.

Last week, officials reported the conclusion of an eight-month-long military operation against the militants.

On Friday, the Somali National Army, supported by local clan militias, seized control of several villages in the Hiran region.

Hiran regional governor Ali Jeyte Osman stated, “The liberated areas have been hideouts of al-Shabab militants, but not strong bases; we will pursue them to their strongholds in the West of Beledweyne town.”

The Somali government claimed that between August 2022 and January 2023, 3,000 al-Shabab militants were killed and 3,700 injured, with 70 towns and villages liberated.

However, the militant group argued that the first phase of military operations had failed.

Independent sources have not been able to confirm the claims of either side, particularly regarding the number of casualties.

In a March interview with VOA’s Somali Service, Hussein Sheikh Ali, the national security adviser for the Somali president, disclosed that Djibouti, Ethiopia, and Kenya would send new troops to support Somali forces against al-Shabab in the second phase of military operations.

The timeline for their arrival remains uncertain.

Ciidamada ITOOBIYA iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku dagaalamay DIINSOOR

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada milatariga Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa saldhigga iyo ragga weerarka qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale adeegsadeen madaafiic si weyn looga dareemay degmada Diinsoor iyo hareeraheeda.

Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dhawaqa rasaasta iyo hubka culus si weyn looga maqlayay gudaha magaalada, maadaama ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Xaaladdda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxaha weerarka soo qaaday.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka, ayada oo uga jaawabeyso dagaallada haatan ku socda ee ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo guullo laga gaaray.

Funding woes threaten Somalia’s peace mission

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) faces challenges in achieving crucial benchmarks for stabilization in the Horn of Africa nation, raising concerns about the mission’s progress.

Issues like inadequate funding and unmet targets for security sector reform threaten the success of ATMIS.

Benchmarks at risk amid funding shortfalls

This week, the African Union Peace and Security Council (AUPSC) reported that while ATMIS has improved offensives against extremist groups and enhanced overall security in Somalia, some critical steps in the stabilization process may fall behind schedule.

The 15-member AU organ highlighted funding shortfalls as a critical concern, posing risks to the development of Somalia’s security forces.

“The Council expresses deep concern over the inadequate, unsustainable, and unpredictable financing for ATMIS, including the significant funding shortfalls, which continue to persist,” stated the AUPSC in a communique from its meeting in Addis Ababa.

The Council is again urging the UN Security Council to hold a special session on multi-year funding for ATMIS, a request initially made last year.

International community urged to support Somalia 

The European Union (EU), a traditional funder of the mission, has called for increased international support in funding, security forces training, and assistance for Somalia’s internal power-sharing reforms.

With only 20 months left before ATMIS exits the country, Somalia’s transition hinges on this support.

By the end of 2024, the AU force must complete a full transition, relinquishing territory under its control and handing over all security duties to the Somali Security Forces.

However, according to EU Special Representative for the Horn of Africa, Dr. Annette Weber, the ambitious timelines for significant Somali security sector reform are not being met.

“Now, almost exactly a year into the ATMIS mandate, very few of these benchmarks have been achieved,” Dr. Weber said, urging implementation and long-term planning.

The AU has emphasized that ATMIS’s successful offensives must be accompanied by strategies and actions to extend governance and state authority in newly liberated areas.

This includes launching emergency aid programs and refurbishing infrastructure destroyed by Al-Shabab.

ATMIS is responsible for helping achieve the Somali Transition Plan (STP) and the Somali National Stabilization Strategy.

To accomplish these goals, it must bolster security, facilitate access to aid in liberated areas and support Somali government institutions, particularly the security forces. However, these tasks require significant funding.

Delays in rebuilding Somali security forces

In November 2022, the AU Peace and Security Council postponed the scheduled drawdown of 2,000 personnel by six months.

This decision signaled gaps in rebuilding the Somali security forces to assume responsibility for policing and defending the country gradually.

Ambassador Mohamed El-Amine Souef, Special Representative of the African Union Commission for Somalia Chairperson, praised ATMIS for securing territories and reducing Al-Shabab activities.

“Our ability to degrade Al-Shabab has now seen our forces increase their ability to secure Somalia’s main supply routes and to protect main population centers and vital installations and facilities,” he explained.

Despite these gains, ATMIS faces an uphill battle to ensure Somalia’s long-term peace and security due to funding shortfalls and unmet benchmarks in the transition process.

Shukri Cali Mahad Alle oo xalay lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan haweeney ugu geysteen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Cali Mahad Alle, taas oo kamid aheyd dadka deegaanka ee deggan Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogteen Shukri, xilli ay ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda, ayada oo kadib ay baxsadeen ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee degmada Dayniile, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda uu dilku ka dhacay, balse weli kama hadlin dhacdadaas iyo howlgallada xigay.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee loo beegsaday, loona dilay marxuumad Shukri Cali Mahad Alle oo si weyn looga yaqaanay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Haweeneydan ayaa sidoo kale kamid ahayd howlwadeennada Tallaalka ee xaafadaha ugu taga caruurta u baahan Talaalka Dabeysha.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Si kastaba, dhibaatooyinkan amni darro ayaa dhacaya, xilli ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Finland oo Soomaaliya kala hadashay arrin aan laga fileyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa ka warbixiyay booqasho uu Jimcihii kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda sare ee dalka.

Pekka Haavisto oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in madaxda dowladda uu kala hadlay arrimo ku aadan dagaalka Ukraine, taasi oo aan la fileyn in wax laga weydiisyo Soomaaliya, maadaama aysan wax saameyn ah ku laheyn.

Wasiirka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday in dowladdiisa ay kaalin ka qaadato xal u raadinta colaadda daba dheeraatay ee ka socota dalka Ukraine, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee waddanka Finland.

“Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayaa lagu yiri bayaanka Pekka Haavisto.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qoraalka kasoo baxay Finland ee ay ku shaacisay in Soomaaliya ay kala hadashay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in  labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dowladood.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse oo faahfaahiyay wadahadalkaas ayaa dhankiisa boggaadiyay kaalinta Finland ee nabad dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Finland horay ayay dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay, In Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhaxeeya”.

Si kastaba, Finland ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxayna taageero siisaa dowlada federaalka.

Cagjar oo ku gacan-sayray go’aankii Abiy ee dhismaha taallada Kaaramardha

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si adag ugu gacan seyray hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo sheegay inuu taallo ka dhisayo buurta caanka ah ee Kaaramardha.

Abiy Axmed ayaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu soo bandhigay buug uu ka qoray dagaalkii 1977-kii ay Itoobiya la gashay Soomaaliya wuxuu ka shaaciyey go’aanka lagu dhisayo “Geesiyadii Itoobiya ee dagaalkii Kaaramardha lagu dilay” sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa ka qeyb galay xafladii uu Abiy ku soo bandhigay buugaas oo loogu magacdaray “Jiilka isku tegay.”

Dhaqaalaha ka soo uruura buugaas ayuu Abiy sheegay in deegaan kasta uu qeybtiisa heli doono, balse deegaanka Soomaalida qeybta ku soo aadda taallo loogu dhisi doono ‘ciidankii ay Soomaaliya uga leysay buurta caanka ah ee Kaaramardha.

Hadaba bulshada deegaanka Soomaalida ayaa si weyn uga falcelisay hadalkii ka soo yeeray Abiy Axmed, waxaana arrintaas hadda ka hadlay Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey tacadiyadii deegaanka ka dhacay.

“Taallo dad Soomaaliyeed bahdileysa ma dhiseyno, mana hindisin, mana ogolaaneyno in dad kale oo aan Soomaali aheyn dhulka Soomaaliyeed taallo looga dhiso,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaali Galbeed.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay in hadii taallo la dhisayo ay noqon doonto mid loo dhisayo geesiyaashii u dhashay Soomaalida ee naftooda u waayey difaaca dadka iyo dalkooda, balse aan loo dhisi doonin kuwii sameeyey tacadiyadii horay u dhacay.

“Hadii taalooyin la dhisayo waxaa loo dhisi doonaa wixii tacadiyo dhulkaan ka dhacay kuwii loo geystay ee sababay in xafladaan xusuusta ah aan maanta dhigano, sida halgamayaashii ONLF, SNF iyo kuwii kale ee dalkaan u soo halgamay ayaa loo dhisayaa hadii taallo laga dhisayo deegaankaan,” ayuu yiri Cagjar.

Dhinaca kale lacagtii uu sheegay Abiy in taallada Kaaramardha lagu dhisayo wuxuu Cagjar sheegay in lagu dhisi doono goobaha lagu xanaaneeyo carruurta ee deegaanka Soomalaida.

Hoos ka dhageyso

Cali Guudlaawe oo xil culus u magacaabay mas’uul iska soo casilay GALMUDUG

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto soo saaray ayaa xalay magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi.

Xilkan culus ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib so jeedin ka timid Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka ee maamulka Hirshabelle.

“Waxaa Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal loo magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle. Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha, wuuna saxiixay” ayaa lagi yiri digreetada soo baxday.

Gacal ayaa sidoo kale horay ula soo shaqeeyay Galmudug, wuxuuna ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaaas, isaga oo xilkaas uun iska soo casilay laba maalin kahor.

Sidoo kale wuxuu horay u soo noqday Xeer Ilaaliyaha guud ee Hirshabelle ayada oo haatan markale loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta iyo sida ay ku suuragshay in ninkan uu isku dabo maro Galmudug iyo HirShabelle, waxaana Caasimada Online ay ogaagay inuu dhashay labada maamul oo haddane daris sii ah.

Dhanka kale madaxweynaha HirShabelle oo wareegto kale soo saaray ayaa xalay kala diray garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe oo bilihii lasoo dhaafay loo jeedinayay dhaliilo xoogan.

“Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray
Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe. Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.” ayaa lagu yiri wareegtada kala dirida golahaas.

Go’aanka lagu kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sidoo kale soo jeediyay Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Garsoorka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Fursadda nabadeed ee dagaalka Laascaanood waa Biixi oo ciidankiisa Oog keena

Colaadda Laascaanood ka bilaabantay bishii Febraayo 6-deedii ee sannadkan 2023 ilaa haddana socotaa, xal in loo helo daayoo, xataa waan-waan baan muuqan. Alloow noo naga soo qabooji. 

Haddaba sida uu sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, md Biixi keliya ayaa awoodeeda leh inuu soo af-jaro colaaddaas. Sidoo kalena isaga ayey ku xidhan yahay inuu sii wadista colaadda iyo dhiigga muslimiinta ee macno darrada u daadanya. Marley-ba isaga ayaa arrin ka go’aa.  

Dagaalka Laascaanood, 3 istraatejiyood ayaa u furan md. Biixi inuu qaado, si loo soo af-jaro sida ugu dhakhsaha badan, ta ugu wacanina waa istraatijiyada fursad wacan u leh keenidda joojinta dhiigga dadka, naf-baxa oo is-taaga iyo nabadda oo soo dhowaata.  Waana kuwan istraatejiyad kasta iyo maxsuulka mid walba laga fili karaa goonideeda. 

Istraatejiyad 1: inuu md Biixi ku adkaysto joogidda ciidamadiisa ee Laascaanood, waa sida uu hadda ku socdo e’. Maxsuulku istraatejiydan laga fili karaa waa dagaalka oo iska socda, riiq dheeraada, maal iyo naf badanina ku baxaan. Sidaasina waa nabadda oo laalanta, dhiig iyo dhaqaale bax joogta ah oo maalin kasta ku socda maamulka Somaliland (SL). Ugu dambayna waa maamulka SL oo hoosta ka duma (implosion) iyo mashruucii gooni-isu-taagga SL oo halkaas ku dhinta.  

Istraatejiyad 2: inuu Biixi ciidamadiisa geeyo meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Oog. Maxsuulka lag filia karo istraatejiyadan waa dagaalka oo nafis lagu kala qaato, laakiin waxay keeni dhexdhexaadinta labada dhinac oo adkaata, SSC-Khaatumo oo bilawdo dagaal jabhadeed iyo dirir beelaha dhexmarta. Sidaa darteed, istraatejiyaddani nabad keeni mayso, waa isku-dhac joogta ah, waanay adkaan doontaa in maamulka SL dib uga hirgalo gobolka Sool.   

Istraatejiyad 3: inuu md Biixi ciidankiisa keeno oog (tuulo Isaaq): Haddii uu doorto istraatejiyadan, waxay keeni xabadda iyo  dhimashada  oo is-taaga , dhiigga iyo dhaqaale baxa dadka iyo maamulka SL oo joogsada, dhexdhexaadinta iyo nabadaynta oo fursad wacan hela. Khatar yar uun baa jiri karta oo ah in hoggaanka SSC-Khaatumo uu diidmo xooggan kala hor-yimaado dhexdhexaadinta iyo nabadaynta. Waqtiga ayaa se daawayn oo waa laga kula bogsan, insha Allahu. Laakiin dhanka md Biixi waa ku weji-gabax, wax weyn se ma aha; dulqaad iyo samir ayaa lagaga gudbi karaa. Qofna yuu ku naaloon in shacabka Dhulbahante isu soo dhiibaan maamulka SL. SNM ba isuma soo dhiibin Siyaad Barre. 

Haddaba, waxa falanqeyntaa kore laga soo dheegan karaa in istraatejiyada 3aad tahay ta keliya ee u furan md. Biixi, si loo badbaadiyo Somaliland, dhiig muslina loo baajiyo, nabadayntuna fursad wacan u hesho. Hadal waa run kama rays. 

Ugu dambayn, qofkii haya istraatejiyad kale, iyadoon gabbood laga dhigan heesta qaranka, qaranka iyo gooni-isu-taagga, oo nafta dadka lagu badbaadinayo, dhiig-baxa dhaqaale-na  lagu hakinayo, nabadayntana lagu siinayo fursad wacan, ha soo bandhigo. Al-Miidaan waasic.

Wa Billaahi towfiiq
Maxamuud Cabdillaahi Axmed
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.