27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Faahfaahin: Dagaal galabta ka dhacay Hiiraan iyo degaano laga saaray Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab, dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Baareey oo dhaca koonfurta magaalada Beledweyne.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay galabta weerareen deegaankaas oo fariisin ay ku lahaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal waqti kooban socda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa ku warramaya inay cagta mariyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee deegaankaas ku sugnaa, isla markaana ay dileen dhowr dagaalame, inkastoo aysan soo bandhigin tiro rasmi ah.

Sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay Dooman ay Al-Shabaab uga soo tallaabi jireen dhinaca galbeed ee wabiga Shabeelle oo ay ku badan yihiin.

Deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee ku teedsan wabiga Shabeelle waxaa weli ka socda howlgal culus oo guddoomiye Cali Jeyte uu hoggaaminayo, waxayna labadii maalmood ee lasoo dhaafay Al-Shabaab ka saareen in ka badan 20 deegaan.

Howlgalkaan waxaa qeyb ka ah ciidan xoog leh oo Taliyaha qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Tawane Axmed Maxamed iyo Taliyaha guutada 5-aad ee qeybtaas Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ay hoggaaminayaan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa maalin ka hor sheegay in markii ay isku furan deegaanada dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ay u sii gudbi doonaan dhinaca galbeed ee gobolka oo deegaano badan ay Al-Shabaab ka joogaan.

Qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo xoog leh, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dhulka la isku yiraahdo gobolada dhexe, sida uu yahay qorshaha dowladda.

 

Daawo: Maxaa ka jira in SOMALILAND laga helay qabriga ABGAAL Cismaan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda beelaha Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga ninkii ay ka soo farcantay beelweynta Abgaal oo ku aasan deegaan lagu magacaabo Abdaal oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa.

Wafdigaan oo isugu jira xubno ka soo baxay Muqdisho iyo xubno ka soo jeeda Somaliland, isla markaana isku baheystay magaca Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga Sheekh Abgaal Cismaan.

Suldaan Hooley oo hoggaaminaya wafdiga Irirsamaale ee Muqdisho ka baxay iyo Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa halkaas kula hadlay warbaahinta.

Suldaanka ayaa sheegay in beelaha Hawiye ay Somaliland ka codsanayaan in dhulkaan loo waqfo Sheekh Abgaal Cismaan oo ku aasan.

“Tani waxay cadeyn u tahay in Irirsamaale wda dhashay, odayaashii kale ee Hiraab sida Maxamuud Hiraab (Duduble) waxay ku aasan yihiin Boorame, awoowgeen Abgaal Cismaan inaan qabrigiisa soo booqano maanta waxay nooga dhigan tahay wax weyn,” ayuu yiri Suldaan Hooley.

Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa bulshada deegaankaas uga mahad celiyey sida ay u daryeeleen qabriga, “deegaankaan waxaa horay u saldhigtay awoowgeen Abgaal Cismaan, hadda waxaan ka dhisi doonaan goobo lagu barto diinta Islaamka,” ayuu yiri Cabdullahi Cumar.

Zakariye Nuur oo ka mid ah dhalinyarada ku jirta wafdigaan, isla markaana ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa sheegay in imaamka guud ee beelaha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo muftiga weyn Sheekh Cismaan Xidig ay gabar ka mid ah wafdigaan oo Caasha Cagoole la yiraahdo u soo wakiisheen inay qabriga ka ag-dhisto masjid iyo goobo lagu barto diinta Islaamka.

Hoos ka daawo

 

Puntland oo tooganeysa 14 nin oo Shabaab ah + Sawirro

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dilal ka geystay deegaanada Puntland.

Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka 14-kaan nin ee dilka lagu xukumay, kuwaas oo kala ah:

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo  Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah  ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Liibaan  Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

Halka Cabdixakiin Jamaac  Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.

Biden oo kordhiyey xaaladda deg-degga ah ee Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda degdegga ah ee qaran ee ku saabsan Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darrada ka jirta Soomaaliya.

“Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu u jeediyay aqalka Congress-ka.

Falalkii joogtada ah ee burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee uu saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran sanadku markuu ahaa 12-kii April, 2010.

Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xiriira dhoofinta dhuxusha, taasoo dhaqaale ballaaran ka soo geli jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliyeed iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ahayd go’aano dhowr ah oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu xafiiska la wareegay ballan qaaday in la dagaalanka Argagixisada uu udub dhexaad u noqon doono dadaallada lagu xasilinayo Afrika.

Xigasho: HOL

Taliye ODOWAA oo tegay furinta hore ee dagaalka SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ka socda gobolkaas oo inta badan looga guuleystay Al-Shabaab.

Odowaa ayaa maanta gaaray deegaanka Ceel Cali Axmed oo 15 sanno kadib laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, isaga oo booqday xeryaha ay dagan yihiin ciidanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed & kuwa deegaanka, isaga oo kula dardaarmay in laba jibaaraan dadaalkooda, ayna ka hortagaan Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ciidanka ku amaanay sidii Al-Shabaab iga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga adkaanyo Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah deegaanadaasi.

Booqashada Odowaa ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidanka ee ku yaal gobolka Sh/Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi.

Si kastaba, Hiiraan iyo Sh/Djexe  ayaa xudun u noqdeen kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka.

Sawirro: Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Shabaab.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha maamulka degmada Buuloburde Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud, Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali, saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda iyo hogaanka Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaana Kiligubadle, Xarar iyo Boocaaale, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ku burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada goobaha ay cagta mariyeen iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla deegaanada ay qabsadeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Hiiraan looga dhawaaqay wejiga labaad ee howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka haatan ka socda dalka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deeganka.

HURUUSE oo fasiraad yaab leh ka bixiyay xiriirka cusub ee dalka cadowga ah ee Cuba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirka ay haatan dowladda federaalka la yeelatay Cuba oo horay u horseeday guul-darradii dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya, islamarkaana Cuba taageertay Xabashida.

Wasiir Huruuse oo fasiraad ka bixiyay xiriirka cusub ee labada dal ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ku jabneen in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Cuba.

“Cuba haddii ay shalay cadowgeenna ahayd , maanta inaan saaxiib noqono waxba kuma jabna” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aanay jirin sabab diideysa in Soomaaliya ay haatan dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd Cuba oo horay go’ay, kadib markii ay la safatay Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan in aysan cidna cadow ka dhiganin, isla-markaana la raacayo hal ku dhigga madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.

Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka.

Ciidamada dowladda oo ka ruqaansaday GALCAD iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shalay la wareegay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa kasii ruqaansaday degmadaasi, si ay u gaaraan deegaanada kale ee hoos yimaada oo ay haatan ku yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq dhaqaaqyo culus ka bilaabeen deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay isku fidiyeen hareeraha deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in halkaasi laga saaro Al-Shabaab, lagana hortago weeraro ay soo qaadaan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Galcad oo ah magaallo muhiim ah ayaa waxaa shalay subax la wareegay ciidamada Danab iyo GorGor, kadib markii ay ku qaadeen weerar dhowr jiho ah.

Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda Galcad ay tahay mid degan.

Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure.

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Waare? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya dhowaan u magacaabay xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan sidii adeeg bulsho loo gaarsiin lahaa deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday xukuumaddiisa ay la shaqeyn doonto ergeyga, isla-markaana ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale Xamza ayaa kula dardaarmay ergeyga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo Al-Shabaab, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalkeena.

Dhankiisa, Maxamed Cabdii Waare ayaa mahadceliyay sida ay usoo dhaweysay xukuumadda, wuxuuna sheegay inuu la yeelan doono wada shaqeyn wanaagsan.

Maalmo ka hore ayey aheyd markii la magacaabayay Waare oo horay usoo noqday madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ujeedka magacaabistiisa ayaa waxaa lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

“Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo gudaha u galay maxkamadii ugu weyneed ee Al-Shabab

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka oo saacadihii lasoo dhaafay qabsaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya inay gudaha u galeen xaruntii ugu weyneed maxkamadda Al-Shabaab ee degmadaas.

Sidoo kale ciidanka oo howlgallo culus ka fuliyey gudaha degmada Galcad ayaa qarxiyey dhowr miino oo goobo kala duwan ay Al-Shabaab ku sii aaseen, inta aysan isaga cararin degmada Galcad.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta la wadaagay sawirro muujinaya ciidanka oo qarxiyey miinooyin badan, gudahana u galay xaruntii ugu weyneed ee maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Galcad.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoreeyey Galcad ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmadaas iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada magaalada, iyagoo u cadeeyey in mar dambe aysan ka bixi doonin magaalada oo Shabaab uusan dib ugu soo laaba doonin.

Shacabka ku nool degmada Galcad ayaa baqdin ka qaba inay ciidanku mar kale soo baneeyaan degmadaas, iyagoo ka gaabsanaya inay wax un cilaaqaad ah la yeeshaan ciidanka, maadaama ay dhibaatooyin kala kulmi karaan Al-Shabaab, hadii Galcad ay mar kale gasho gacanta kooxda.

Saraakiisha ciidanka xoogga hoggaamineysa ayaa odayaasha iyo bulshada ku nool degmada Galcad u xaqiijiyey inay ku socdaan qorshe dagaal oo dhameystiran, isla markaana ay sii raacdeysa doonaan Al-Shabaab oo Ceelbuur iyo Galhareeri ay u sii gudbi doonaan.

Ciidanka qabtay Galcad ayaa u sii gudbay dhowr deegaan oo ku teedsan magaaladaas, kuwaas oo Al-Shabaab ay isaga carareen, waxaana lagu wadaa in maalamaha soo socda uu ciidanku u sii gudbo deegaanada ay kooxdu ka joogto gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowladda oo horay Al-Shabaab uga xoreeyey Galcad ayaa soo baneeyey magaaladaas, kadib markii weerar afjar ahaa ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaana Galcad lagu dilay ciidan badan iyo taliye ku xigeenkii kumaandooska Danab Xasan Tuure, taas oo adkeysay in ciidanku sii joogo Galcad.

Mar kale ayaa wajiga labaad ee dagaalka lagu daah-furay xoreynta magaalada Galcad oo muhiim u ah qorshaha dagaal ee dowladda Soomaaliya, waxayna magaaladaan istaraatiijga ah ay ciidanka u sahleysaa inay ka abaabulaan howlgallo culus oo ay ku xoreeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee gobollada dhexe ay xiligaan Al-Shabaab ka joogaan.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus u diray dhallinyarada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa mar kale farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhalintaas ugu gacan haatiyey inay ku soo noqdaan dadkooda oo naftooda badbaadiyaan, isagoo balan qaaday in qofkii ka soo hara Al-Shabaab uu xornimo iyo ammaan ku noolaa doono.

“Walaalayaal, dalkaan iyo dadkaan ayaad ka dhalateen oo dal kale ma lihidiin, kasoo noqda waxaa ku jirtaan, u soo noqo dadkaaga iyo diintaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin sabab maanta ku qasbi karta in wiil Soomaaliyeed uu cabsi god kula jiro, isagoo dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ka codsaday inay isaga soo baxaan dhibka ku heysta duurka.

“Walaal ma jirto sabab aad maalmo badan god ugu jirto oo ugu dhex-saxarooto cabsi darteed, maxaad ku muteysatay ciqaabtaas aad naftaada gelisay? Hadii lagu siray, hadda ayaan kuu sheegeynaa diin iyo dadnimo wax aad difaaceyso habayaraatee ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo khudbadaan maanta ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaciyey go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho iyo in laga ganacsado oo dalka laga soo dejiyo agabka ciidamada ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan.

Hadalka madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dagaal culus ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, sidoo kalena ay dowladdu la tacaaleyso amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho oo inta badan ay ka dhacaan falal argagixiso.

Hoos ka daawo

Hindiya oo $2 milyan ugu deeqday howlgalka ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa ku dhowaaqday taageero dhaqaale oo ay ugu yaboohday howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayan 2 milyan oo dollar ku tabarucday Sanduuqa Qaramada Midoobay, si ay ugu taageerto Howlgalka ATMIS.

Ruchira Kamboj, oo ah ergeyga joogtada ah ee dowladda Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in dowladdeeda ay ku wareejisay jeeg dhan US$ 2 milyan, taas oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hindiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa ay Hindiya sheegtay in taageeradeeda ay ku aaddan tahay bixinta jawi ammaan oo suurtagelinaya ka hortagga weerarada argagixiso ee ay geystaan Al-Shabaab.

Taageeraadan dhaqaale ayaa kusoo aaday, xilli ay baahi weyn u qabtay ATMIS oo horay u dalbatay taageero maaliyadeed, si u sii wado howlgalkeeda Soomaaliya.

Si kastaba, Hindiya ayaa horay afar milyan oo dollar ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay inuu u baahan yahay lacag ku dhow $90 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

China oo dhoolatus militari ka billaabay aagga TAIWAN

Shiinaha ayaa hareeraha Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah Sabtidii, si ay u muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca ee Taiwan ay sheegtay inay si deggan uga jawaabi doonto.

Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka, ayaa si weyn loo sugayay kadib markii Shiinuhu uu cambaareeyay kulankii uu afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykank Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul ay iyadu leedahay, iyada oo Shiinuhu aanu weligiis ka fogaan inay xoog u adeegsato si ay jasiiraddaas u maamusho.

Dowladda Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda eedeymaha Shiinaha.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay inay la socoto xaaladdan, isla markaana ay si weyn u feejigan tahay, ayna ka jawaabi doonto sida ku habboon, si ay u difaacdo ammaankeeda.

VOA – Reuters

Daawo: Guulo ‘laga gaaray’ dagaalka Hiiraan iyo qorshaha xiga

0

Booco (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hoggaaminaya howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday koonfurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaano badan ay ka saareen kooxda, isla markaana ay burburiyeen doomihii ay uga soo talaabi jireen wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay tageen dhowr deegaan oo maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab shacabka ku dhibaateynayeen, isagoo balan-qaaday in howlgalkaas uusan doonin oo galbeedka Hiiraan ay u sii gudbi doonaan.

“Deegaano badan ayaan ka saarnay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana uga sii gudbeynaa deegaanada dhaca galbeedka Beledweyne ilaa aagga degmada Buuloburde, ma joogsa doono, waana bilowday jawigii labaad ee dagaalka,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in sifeynta Al-Shabaab looga faa’iideysto bishaan barakeysan ee Ramadaan, isagoo dadka reer Hiiraan uga digay inuu ku dhaco nabar ay Al-Shabaab u wadeen, taas oo sida uu sheegay ay uga badbaadi karaan inay ka fogaadaan, isakana difaacaan kooxda.

“Walaalayaal Shabaab ka fogaada, hadii aad ka fogaa weydaan gacanta aan u wadno Shabaab ayaa idinku dhici doonta, waxaan ognahay inay been idiin sheegayaan ee ka diida oo ka taga meelaha ay joogaan,” ayuu yiri Cali Jeyte oo warbaahinta kula hadlay degaanka Booco.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay howlgalka socda ku burburiyeen ugu yaraan lix doomood oo Al-Shabaab ay uga soo gudbi jireen wabiga Shabeelle, si ay dhibaatooyin uga geystaan dhanka bari ee wabiga deegaanada dhaca.

Ciidankaan uu hoggaaminayo guddoomiye Cali Jeyte ayaa cagta mariyey ugu yaraan 18 deegaan oo Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku imaanayeen maalmihii lasoo dhaafay, waxaana aaggaas isaga cararay dhamaan xubnihii kooxda.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo Hiilweyne ugu tegay ciidan loo diyaariyey xasilinta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiil-weyne oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxaa xeradaas degan ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda, kuwaas oo dalka dib loogu soo celiyey, kadib markii dhawaan uu tababar u soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamadaan oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay inay ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka argagixisanimo eek a dhacay magaaladaan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo u turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka ku adkeeyey inay tusaale u noqdaan ciidamada kale ee shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka ay kala dhaxeyso.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidankaan oo kumanaan askari ah ayaa dhawaan ku soo laabtay Muqdisho, kadib dhowr bilood oo tababar culus uu uga socda dalka Uganda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii uu ciidankaas tababarka ugu soo xiray wuxuu ka sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay tasiilaadka ku baxay tababarka ciidankaan.

La-taliayaha madaxweynaha Dr. Baadiyow oo farriin u diray ‘Sacad iyo Wagardhac’

0

Galinsoor (Caasimada Online) – La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka hadlay gogol ay iskugu yimaadeen beelaha Sacad iyo Wagardhac oo isku haysta degaanka Galinsoor ayaa halkaas ka jeediyay baaq ku aadan in la qaboojiyo xaalada iyo in laga hor tago colaada soo laab-laabatay ee ka jirta Galinsoor.

Gogoshaas nabadeynta ah waxaa dhigtay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka, waxaana loo qabtay beelaha Sacad iyo Wagardhac oo sanado badan ku dagaalamayey aagga degaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in ay tahay wax laga naxo in aano qabiil xiligaan ay ka jirto deegaanada Soomaalida oo qofkii qof dila aan loo dilin ee la dilo qof kale oo aan wax ogayn, taasi oo uu ku sheegay mid aan waafaqsanayn diinta islaamka iyo dhanka suuban ee Soomaalida.

“Hadii heshiis la galaayo shuruuda uu ku najaxo heshiiska maxay tahay? halkaan maka muuqataa heshiiska shuruudihii uu ku najixi lahaa? waxaan oran karaa haa, hadii waqti la galiyo oo daacad laga yahay heshiiskaan waa uu najixi karaa, wasaaradaha arimaha gudaha ee DF iyo Galmudug waa in ay arintaan garab siiyaan, arintaan waxay ku jirtaa shuruudaha uu shirkaan ku najaxayo,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in heshiiskaan haduu hir galo uusan ahayn mid u dhaxeeya Sacad iyo Wagardhac, balse uu yahay heshiis Soomaaliyeed, taasi oo uu ku macneeyay in beelahan walaalaha ah uu dagaal kooda soo socday in ka badan ‘nus qarni.’

“Shuruuddii dib u heshiisiinta ayaa ka muuqata halkan, oo ah in labada dhinac ay ka muuqato diyaagarow, dowladdana waa la socotaa, marka shirkan waa heshiis guuleynaya iyo nabad Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri

Dr. Baadiyow ayaa intaas ku sii daray, “Caawa shirkan jidka nabadda waa in ay heshiis naga tahay, wax kasta waa la xallin karaa, insha allaah waana la xalinaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay Galmudug dhulka ugu barwaaqo badan Soomaaliya, sida ay sheegeen quburo caalamka, wuxuuna tilmaamay in 33 sano kadib ay tahay wax laga xumaado in qabiil la isku dilayo weli, “Dad walaalo ah oo isla nool in aad noqotaan ayaa idiin muhiim ah,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Daawo: Xasan oo amar culus kusoo rogay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaciyey go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

“Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaaladaan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni darrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xiran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan  Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan.

“Waa mamcuun gaari Cabdibile ah in magaaladaan lagu dhex arko gaari Cabdibile ah oo qori saaran yahay, sidoo kale waa qiyaano qaran waana mamnuuc in masuul ka tirsan dowladda uu xoog ku dhaafo bar control oo askari maskiin ah uu taagan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Masuulkii diida in gaarigiisa la baaro wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay Shabaab kalkaal, isagoo carrabka ku adkeeyey in loo hoggaansamo masuul iyo shacabka awaamiirta ciidanka.

“Agabka ciidanka, sida gaadiidka, dharka iyo wixii lamid ah waa mamnuuc lama keeno karo, iska ogow ganacsadow, dowladda ayaa la wareegi doonta hadii aad lasoo degto gaadiid ciidan ama tuute ciidan, waxyaabaha kale ee waxa qarxa laga sameeyana iskaba dhaaf,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si adag u sheegay in amniga Muqdisho uu muqadas yahay, “Qofkii arrimaha aan ka digay lagu qabto yaan laga soo daba hadlin, hadii uu bar control xoog ku dhaafo ee la dilo ka hadal ma leh, hadii mid agabka gaadiidka ka ganacsada hantidiisa lala wareego, cid ka soo daba hadli karta ma jirto, ogaada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo

Afar fasiraad oo laga bixiyey in taliye SHUB dib loogu magacaabo xilkiisii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) u magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Jeneraal Mahad waxa uu hadda ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa markii labaad ee xilkaan loo magacaabay.

Hore dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa doorkan ugu dhiibtay laakiin Xildhibaanimo ayuu ka doorbiday xilligii kala guurka. Haddana Xildhibaanimada ayuu kasoo tegay oo inuu hoggaanka Asluubta kusoo laabto ayuu doorbiday.

Magacaabistiisu dadka qaar kedis kuma ahayn kaas oo la hadal hayay labaatankii cisho ee lasoo dhaafay, laakiin dib u magacaabistiisa waxaa ku hareeraysan farriimo siyaasadeed oo deg deg loo xukumi karin.

Ninkan waxay isku xisaab hoose iyo xidid yihiin hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Afar fasiraad ayaa loo sameeyay dib u magacaabista Jeneraal Shub, waxaana qaba afar dhinac oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah;

1. Kooxda Lafta-gareen: Waxay leeyihiin tani waa caddeynta in aan isqaadanay inaga iyo Xasan Sheekh oo aanay jirin wax halis ah oo ku saabsan sii joogista Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed.

Taliye Mahad wuxuu dhawaan tegay magaalada Baydhabo, wuxuuna saxaafadda ka sheegay inuu uyimid difaaca maamulka Lafta-gareen, oo uu sheegay in la rabo in Muqdisho laga dumiyo.

Hadalkaas ma seejin xilka Taliyaha Asluubta. Iyada oo aan Lafta-gareen door la siinin, laga talo-gelin, abaal sheegashana looga dhigin uma badna in xilkaan la iska siiyay Taliye Shub.

Sidaas darteed dadku waxay leeyihiin doodda kooxda Lafta-gareen waa la aqbali kara. Sidoo kale waxay qabaan inay tani xoojineyso hoggaanka Lafta-gareen.

2. Mucaaradka Lafta-gareen: Kooxdan waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay rabto inay qanciso beesha hoose ee Lafta-gareen, oo Muqdisho awood laga siiyo si ay u sahlanaato bixintiisa.

Sidoo kale in Taliye Shub uu xil ka qabto dowladda dhexe waxay hor istaagaysa ayay leeyihiin inuu banaanka usoo istaago in dowladdiisa dagaal kala horyimaado.

Qaarna waxay leeyihiin Jeneraal Mahad in Alsuubta lagu soo celiyo, Xildhibaanimada uu qaato wiilkiisa ama Lafta-gareen, kadibna ay soo baneeyaan Koonfur Galbeed ayaa la isla fahamsan yahay.

Laakiin kooxda dooddaan qabta waxaa dileysa in dowladda dhexe aanay weli muujin inay damacsan tahay inuu isbeddel deg deg ah ka dhaco Koonfur Galbeed.

3. Dadka ku dhow-dhow Villa Somalia: Kooxdan waxay leeyihiin maadaama la gali rabo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Xasan Sheekh wuxuu rabaa Koonfur Galbeed mideysan oo daacad ula shaqeysa.

Sidaas darteed Taliye Shub iyo Lafta-gareen waxaa lagula heshiiyay in culeyska laga qaado, dowladda lagu soo dhaweeyo, iyaguna ay dagaalka hormuud fiican ka noqdaan.

Kooxdan waxay ku dooddayaan inta dagaalka socdo aan isbeddel la aadi karin, laakiin dagaalka kadib uu Xasan Sheekh dib u qaabeyn doono maamullada. Cilaaqaadka Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud ma xumeyn waayihii dambe.

4. Dadka dhinacyadan ka baxsan: Waxay iyaguna sheegayaan in Villa Somalia ay haysato wixii ay ka rabtay Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle, oo ah; Ogolaanshaha shidaal qodista, dhameystirka Dastuurka, heshiisyada Kalluunka, Deyn Cafinta iyo da-dajinta shuruucda dalka.

Maadaama ay Madaxtooyada Haa ka haysato afartaasi maamul-goboleed, in iyagana lasoo dhaweysto oo xilal loo siiyo dadkay wataan waa lagu qasban yahay si loo qurxiyo wada-shaqeynta iyo dhameystirka geediga ay ku taameyso Villa Somalia.

Si kale markii loo dhaho waa dan isweydaarsi ayay leeyihiin dadka iyaguna fallanqeeyay qoddobkaan ee aan danta gaarka ah uga dhex jirin.

Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka billowday…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabelle.

Howl-galadan ayaa si gaar ah waxay uga billowdeen deegaano ku yaala Koonfurta magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku teedsan hareeraha Wabiga Shabeelle.

Howl-galada wejiga labaad ee ka billowday deegaanada dhaca hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Ciidamada iskaashanaya ayaa lagu soo waramaya in howl-galada ay qaadeen ku burburiyeen 10 doomood oo ay Al-Shabaab u isticmaali jirtay in ciidamadooda ay u soo gudbaan deegaanada dhanka bari ee gobolka Hiiraan oo horay looga saaray kooxda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidmada iskaashanaya ay si buuxda ula ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah, kuwaasi oo kala ah Beerxaano, Tarashante, Ceelahele iyo deegaano kale oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay tagi jireen mararka qaar.

Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadd la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte oo maalmo ka hor Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa dadka reer Hiiraan uga digay laba khatarood oo mid tahay dhagarta Al-Shabaab iyo fatahaad laga cabsi qabo inuu geysto wabiga Shabeelle.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.

Air strikes launched as Mideast tensions soar

GAZA (Caasimada Online) – Israel launched pre-dawn air strikes on Friday targeting the Palestinian militant group Hamas in the Gaza Strip and Lebanon.

The attacks came in response to dozens of rockets fired at Israel from both territories.

Tensions have surged between Israel and Palestinians during the Jewish Passover and the Muslim holy month of Ramadan, leading to international calls for restraint.

The strikes, which occurred around 4 am (0100 GMT), hit both the Gaza Strip and southern Lebanon, according to an Israeli army statement.

This marked the first time Israel confirmed an attack on Lebanese territory since April 2022.

Israeli forces targeted “terror infrastructures belonging to the Hamas terrorist organization in southern Lebanon.”

AFP journalists heard explosions in both Lebanon’s Tyre region and the Gaza Strip. At least three explosions were heard near Tyre shortly after Friday’s strikes.

Abu Ahmad, a nearby Palestinian refugee camp resident, reported hearing explosions and said, “At least two shells fell near the camp.”

Clashes at Al-Aqsa Mosque

The recent surge in violence follows clashes between Israeli police and Palestinians inside Jerusalem’s Al-Aqsa mosque on Wednesday.

The mosque is considered Islam’s third-holiest site. On Thursday, the Israeli army reported that more than 30 rockets were fired from Lebanese territory into Israel, the most significant escalation on the northern border since Israel and Hezbollah fought a 34-day war in 2006.

Following the rocket attacks, explosions were heard in the Gaza Strip.

The Israeli army confirmed it had targeted two tunnels and “two weapon manufacturing sites” belonging to Hamas “as a response to the security violations of Hamas during the last few days.”

Calls for restraint

Hours before the air strikes in southern Lebanon, several missiles were fired from Gaza toward Israel.

The Israeli army said its air defenses intercepted 25 rockets, while five hit Israeli territory.

In response, the army stated it “will not allow the Hamas terrorist organization to operate from within Lebanon and holds the state of Lebanon responsible for every directed fire emanating from its territory.”

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu warned, “Israel’s response, tonight and in the future, will exact a heavy price.”

Meanwhile, Hamas condemned the “appalling Israeli aggression” and held Israel “fully responsible for the consequences of such grave aggression.”

The Palestinian health ministry reported “partial damage” to the Al-Dorra children’s hospital in Gaza City due to the overnight strikes, labeling the act “unacceptable.”

Army spokesman Lt. Colonel Richard Hecht said the Israeli army was aware of the Palestinian allegation and was investigating it.

The United Nations Interim Force in Lebanon (UNIFIL), which patrols the area along the Israeli border, called for restraint.

“Both sides (Lebanon and Israel) have said they do not want a war,” UNIFIL said in a statement, adding that force leader Major General Aroldo Lazaro was communicating with authorities from the two sides.

UNIFIL warned that “the actions over the past day are dangerous and risk a serious escalation.”

Hezbollah warns for Israel 

Lebanese militant Hezbollah warned it would back “all measures” that Palestinian groups might take against Israel after the Al-Aqsa mosque clashes.

The group has close ties with Hamas and Islamic Jihad, another Palestinian militant group based in the Gaza Strip.

The rocket attacks occurred a day after Hamas leader Ismail Haniyeh arrived in Lebanon for a visit.

Haniyeh stated late Thursday that Palestinians would not “sit with their arms crossed” in the face of Israeli “aggression” against Al-Aqsa.

Source: News Agencies