29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Ciidamada dowladda oo dib la wareegay GALCAD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan DANAB iyo GorGor ayaa saaka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in si nabad-gelyo ah kula wareegeen degmada Galcad, iyada oo Al-Shabaab-kii ku sugna ay ka carareen magaalada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in haatan ay ciidamada xoogga dalka ay bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga magaalada Galcad ee gobolma Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay, loona sii gudbi doono deegaanada kale ee gobolkaasi.

“Wixii markaan ka dambeeya waxaa loo gudbi doono deegaanada kale ee (Al-Shabaab) ay ka joogaan gobolkaasi iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri General Odowaa Yuusuf Raage.

Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda degmada Galcad ay tahay mid degan.

Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda LAASCAANOOD kadib dagaallo ka dhacay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda guud ee magaalada.

Laascaanood oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyonkuwa deegaanka ee SSC, ayaa waxaa saaka laga dareemaya xaalad deganaan ah.

Sidoo kale waxaa weli jirta cabsi xooggan oo qabaan dadka deegaanka, maadaama labada dhinac ay weli isku hor-fadhjyaan goobihii lagu dagaalamay ee duleedka magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi gaareen gurmadyo kala duwan, kuwaasi oo labada dhinac ah, si uu midba midka kale uu isaga difaaco hadii uu weerar kaga yimaado ama dagaalka uu dib u qarxo.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa habeen hore ku dagaalamay bariga magaalada Laascaanood, kaasi oo labada dhinac ay ka sheegteen guulo horleh, xilli ay Somaliland qorsheynayso inay qaado tallaabo militari oo ka dhan ah xooggaga kasoo horjeeda.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabasan.

Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed, illaa hadda majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada.

Djibouti’s president mediates Somali talks renewal

DJIBOUTI (Caasimada Online) – In an effort to resume stalled talks, Djibouti President Ismail Omar Guelleh has arranged a meeting between President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud and Somaliland regional leader Muse Bihi Abdi.

Guelleh, who has recently advocated for mediation between Somaliland and the Federal Government of Somalia, contacted both leaders. However, a date has yet to be set for the start of the meeting. 

In June 2022, Djibouti hosted a three-day meeting that brought together former Somalia president Mohamed Abdullahi Farmajo and Bihi.

 The talks, chaired by President Guelleh and attended by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, ultimately failed to reach a deal, and relations have since deteriorated.

Appointment of special envoy  

This week, President Hassan Sheikh appointed former Galmadug President Abdikarim Hussein Guled as a special envoy for Somaliland talks.

Muse Bihi Abdi has welcomed Guled’s appointment as a positive step forward.  

Guled was selected for his experience, having previously led delegates engaged in dialogue with Somaliland representatives in the UK, Turkey, and other countries during the first term of Hassan Sheikh as president. 

Over the past three months, Somaliland troops have clashed with SSC-Khatumo forces, disregarding ceasefire calls from members of the international community.  

Doctors report that the ongoing violence has resulted in over 200 deaths in LasAnod. 

Local forces in the Sool, Sanaag, and Cayn regions are pushing for self-governance and demanding separation from Somaliland after 15 years, seeking to establish a separate state as part of greater Somalia.

Djibouti’s mediation: A potential solution? 

While it remains unclear how long it will take to establish order in the contested regions, the anticipated mediation by Djibouti could break the deadlock. 

The SSC elders have declared they are not part of the breakaway region. 

As the international community watches with anticipation, the upcoming talks present an opportunity for progress in resolving the longstanding conflict between Somali leaders.

Sharci ay si adag uga hor-timid Puntland oo si rasmi ay u ansixisay dowladda Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meel-marisay sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo iyadu xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Sharcigan uu saxiixay wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ayaa waxaa qeyb ka ah maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howl-gala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub  iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha la-socdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faah-faahinaya ujuurooyinka iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqsadaha kale ee Kalluumeysi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Sharcigan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana si toos ah uga hor imanaya Dastuurka dalka.

“Haddaan la xurmeyn qodobka Dastuuriga ah ee sida tooska ah u faraya in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay ka wada xaajoodaan kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqoneysa deganaanshaha amni ee dalka, taasi oo horsedi doonta xasilooni daro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland.

Puntland ayaa diidan gebi ahaanba hanaanka ay dowladda dhexe iskugu soo koobtay shati bixinta Kalluumeysiga iyo guud ahaan Sharciga Kalluumeysiga, oo ay sheegtay in aan laga talo-gelin, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn.

Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ gobolka Galgaduud iyo khasaaraha

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in degmada Ceeldheer uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubno ka tirsan kooxda ugu dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda dagaalka ayaa yimid kadib markii horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa isku fahmi waaywen in la dhameystiro oo la dilo maleeshiyaad kusoo dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaano hoostago magaalada Galcad ee gobolkaas.

Dagaalkan ayaa waxay kooxda iskaga dishay illaa 3 horjooge, halka sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo ka tirsanaa kooxda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxda ay deegaanka Cowswayne ee degmada Ceeldheer ku xir-xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa howlaha degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostago.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.

Xog: Madaxweyne Geelle oo Jabuuti isugu keenaya Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan ayaa waxa uu kusoo beegamaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha Somaliland, kaasi oo ah shaqsi aysan xasaasiyad ka qabin Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo ah shaqsiga uu madaxweyne Xasan u magacaabay arrimaha wada-hadalada Somaliland, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka Muuse Biixi, taasi oo wadada u xaareysa in labada dhinac ay markale iskugu imaadan miiska wada-hadalka, si loo sii ambaqaado wada-hadallada oo sanado hakad ku jiray.

Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa intaas kusii daraya in madaxweyne Muuse Biixi uu aqbalay kulanka uu Geelle iskugu keenayo Jabuuti hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, si dib loogu billaabo wada-hadallada labada dhinac.

Dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland, ayada oo xusid mudan tahay in dowladdii hore ee Xasan ay meel fiican soo gaarsiisay wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Dadaaladda dib loogu bilaabayo wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada oo markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah, ayaa kulamo ka billaabay magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa la kulmay madaxda iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, si ay ugu biiriyaan aragtidooda ku aadan wada-hadallada looga dhigay madaxa, isaga oo ka dhawaajiyay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Si kastaba, Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Taliye ka goostay militariga Somaliland oo ku biiray SSC iyo arrimo uu shaaciyay

Buuhoodle (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ku biirayo xooggaga SSC oo ay si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland.

Maxamed Deeq Muxumed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in is-casilaadiisa ay timid kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada uu ka tirsanaa ee Somaliland ay u geysteen bulshada gobollada uu kasoo jeedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu difaacayo shacabkiisa, taasi oo ka dhigan in Taliyihii hore ee guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland uu ka barbar dagaalami doono xooggaga SSC oo Somaliland isku hayaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

“Aniga oo aha Gaashaanle Dhexe Maxamed Deeq Muxumed Cabdi, ahna taliyaha guutada 95-aad ee ciidanka qaranka ee Carowayn, waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii ciidanka qaranka aan u hayay, aanan la fikir ahay bulshada reer SSC,” ayuu yiri taliyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha Buuhoodle.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa igu kalifay in aan is-casilo waa tacadiyada ciidanka ay u geysteen bulshadeyda, waana difaacaya shacabkeyga.”

Go’aanka uu qaatay taliye Maxamed Deeq ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankiisa, iyaga oo sheegay in taliyaha uu dadkiisa u damqaday.

Isimida SSC iyo xooggaga taabacsan ayaa dhowr jeer ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay dhibaatooyin horleh ka geysteen deegaanada SSC, hase yeeshe waxaa eedahaasi iska fogeysay xukuumadda Somaliland, oo iyadu ku andacoota in markasta ciidamadeeda weerar lagu yahay.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, illaa haddana majirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah, ayada oo ay burbureen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la rabay in miiska wada-hadalka la iskugu keeno xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC, waxayna weli labada ciidan isku horfadhiyaan duleedka magaalada.

Iran iyo Sacuudi Carabiya oo wacad ku maray inay Bariga Dhexe ka dhigaan…

Beinjing (Caasimada Online) – Diblomaasiyiinta ugu sarreeya Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa Khamiistii ku kulmay Beijing, ayaga oo ballan-qaaday inay ka wada shaqeeyaan in “amni iyo xasillooni lagu soo dabbaalo gobolka qalalaasaha badan ee Bariga Dhexe, kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China.

Bayaan wadajir ah oo lasii daayey kadib wadahadallo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian iyo dhiggiisa Sacuudi Carabiya Amir Faisal bin Farhan, ayey labada dhinac wacad ku mareen inay sii wadaan inay ka wada shaqeeyaan horumarinta xiriirka.

“Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in dabagal lagu sameeyo dhaqan-gelinta heshiiskii Beijing iyo dardar-gelintiisa, si loo ballaariyo kalsoonida labada dhinac iyo dhinacyada iskaashiga, islamarkaana gacan laga gaysto abuurista amni, xasillooni iyo barwaaqo lagu soo dabbaalo gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Tehran iyo Riyadh ayaa ku dhowaaqay heshiiska ay dhex-dhexaadisay Beijing bishii March, si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda oo go’ay toddoba sano kahor markii dibad-baxayaal ay weerareen safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Booqashada labada wasiir ee Beijing ayaa timid, ayada oo sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay ku sugnaayeen caasimadda Shiinaha, si ay madaxweyne Xi Jinping ugala hadlaan inuu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Isu soo dhowaanshaha lama filaanka ah ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa dib u qaabeyn kara xaalada Bariga Dhexe oo sanado badan ay la degeen rabshado.

Labada dhinac “waxay ka wadahadleen oo ay is-weydaarsadeen fikrado iyadoo xoogga la saarayo dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka labada dal iyo tallaabooyinka fulinta ee ku aaddan dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay bayaan.

Taleefishinka Sacuudiga ee Al-Akhbariya ayaa baahiyey muuqaallada labada wasiir oo is gacan qaadaya ayaga oo hortaagan calamada labada dal, islamarkaana dhoola caddeynaya.

Sida ku qoran heshiiska la gaaray bishii tegtay, labada dal ayaa lagu wadaa inay safaaradaha iyo qunsuliyadaha dib ugu furaan muddo laba bil gudahood ah, islamarkaana dhaqan-geliyaan heshiisyo iskaashi amni iyo dhaqaale oo la saxiixay 20 sano kahor.

Wadahadallada wasiirada arrimaha dibedda ayaa waxaa xigi doona in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu booqdo magaalada Riyadh.

Raisi ayaa aqbalay casuumad uga timid boqorka Sacuudiga Salmaan, waxaa sidaas Isniintii xaqiijiyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iran Mohammad Mokhber.

VOA + AFP

Ethiopia oo qaaday tallaabo lagu wiiqayo awoodda ciidan ee maamullada

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay doonayso in dhammaan ciidamada gaarka ah ee is-maamullada ay burburiso, iyada oo ku kala dareysa midkood ciidamada qaranka ee militriga, kuwa federaalka ama kuwa booliiska ee gobollada.

“Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh. Waxay billowday tallaabooyin wax ku ool ah oo u oggolaanaya ciidamada gaarka ah ee gobol walba in lagu kala daro ciidamada kala duwan ee amniga,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay.

Itoobiya waxay ka kooban tahay 10 gobol oo leh heer madax-bannaani udhexeeysa iyo inay yeeshaan ciidan gobol oo iyaga u gaar ah iyo xuquuqda adeegsiga luuqadooda.

Tallaabadan ay qaaday dowladda federaalka Ethiopia ayaa waxaa loo arka isku-day lagu dhimayo awoodda iyo madax-bannaanida maamul-goboleedyada, gaar ahaana gobollo gaar ah.

Saacado kahor inta aan lagu dhawaaqin go’aanka dowladda, warbaahinta gudaha ee gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu wayn dalkaas ayaa sheegay in iska hor-imaad dhexmaray ciidamada heer qaran iyo heer deegaan.

Iska hor-imaadkaas ayaa yimid kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ay diideen in ay hubka wareejiyaan, taasi oo qayb ka ah isku dhafka ciidamada.

Gizachew Muluneh, afhayeenka gobolka Axmaarada ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiyada faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Warbixin ay soo saartay dawladdu waxay ku xaqiijisay inay xiisadi ka dhalatay gobolka Axmaarada, balse waxay ku eedaysay khaladka fahamka siyaasadda iyo kooxaha darafyada ah ee ka tirsan ciidamada gobolka.

Ciidamada Axmaarada ayaa taageeray xoogaggii federaalka ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo horjeeday xooggaga kacdoonka waday Waqooyiga Tigray, markii uu dagaalku ka qarxay halkaas 2020-kii.

Somaliland oo Puntland ku eedeysay ‘qorshe xuduud qabyaaladeed oo halis ah’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowlad-goboleedka Puntland in xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay uga faa’iideysaneyso sameynta waxay ugu yeertay “xuduud qabyaaladeed”.

Somaliland ayaa waxay sheegtay in damaca maamulka Puntland uu ka leeyahay dagaalka ka socda Laascaanood uu saameyn aan mahdin ku yeellan karo xasilloonida iyo deganaanshiyaha Geeska Afrika, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada.

“Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada Laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore maamulka Puntland ku eedeysay inuu qeyb ka yahay dagaalka Laascaanood, hase yeeshe maamulka ayaa iska fogeeyay eedeynta ay xukuumadda u jeedisay, iyada oo sheegtay “in dagaalka Laascaanood ay qeyb uga noqon karaan oo keliya marka ay ka dalbadaan Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood.”

Maamulka Saciid Deni ayaa qaba in dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland inay iskaga filan tahay, una baahneyn taageero uga timaada maamulkooda, inkasta oo gudaha maamulkaasi uu ka socdo abaabul beeleed lagu taageerayo xooggaga kasoo horjeeda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabaalo nabad-gelyo, inkasta oo dhawaan ay ku dhawaaqday in dagaal qorsheysan ay ku qaadi doonaan Laascaanood, si ay dib ugu soo celiyaan gacanta xukuumadda.

“Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran.”

Isku soo wada-duubo, Dagaalka Laascaanood ayaa socda in ka badan laba bil, illaa haddana majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada, marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed.

Villa Somalia oo shaacisay qorshaha 2025 ee amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in qorsheynayso bisha koowaad ee sanadka 2025-ka ay la wareegto amniga guud ee dalka.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in dowladda ay isku diyaarineyso inay xaqiijiso amniga guud ee dalka, iyada oo dagaalka socda kusoo afjareysa kooxda Al-Shabaab.

“Soomaaliya waxay isku diyaarineysa dhowr hadaf oo ah howlo waqti dheer soo jiray oo ah in Soomaaliya ay aragto waqti dheer kadib iyada oo Al-Shabaab ka jirin, sidoo kale ciidamada taageerada na-siinayay oo wax badan nala soo qabtay ee ATMIS sidii aan u macasalaameyn laheyn ayay Soomaaliya isku diyaarineysa,” ayuu yiri.

“Marka gulufkan iyo abaabulkan waxa uu asal u yahay sidii labadaas hadaf loo gaari lahaa; sidii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa, ATMIS-na loo macasalaameyn lahaa. Shaqo badan ayaa ka horeysa in la gaaro hadafyadaasna.”

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda isku diyaarineyso la-wareegida masuuliyada amniga dalka, “Inaga oo isku filan oo taageerada caalamka nasiinayo aad u yar tahay in aan dalka la wareegi karno iyada oo dhibaatooyin la kulmeynin.”

Waxaa maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kaasi oo diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howl-galka.

Masuuliyiinyta Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa isla gorfeeyay sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.

Puntland oo war xasaasi ah kasoo saartay magacaabista Guuleed, eedeyn culusna u jeedisay DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markale ka hadashay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu umagacaabay Ergeyga arrimaha Somaliland.

Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay in Xasan Sheekh uu xilligaan magacaabo Ergeyga Somaliland, ayada oo dagaal in ka badan laba bilood uu ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo ka koobna lix qoddob ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada Xasan Sheekh uu qaaday ay u muuqato “Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.”

Puntland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in magacaabista Ergeyga Somaliland ay muujiinayso wel-wel iyo shaki in aan dowladda federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo.

“Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland.

Puntland ayaa waxay ugu baaqday xukuumadda dowladda federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC.

Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka Puntland oo dhameystiran

WAR-SAXAAFADEED

Magacaabis la yaab leh

In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan.

Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa.

Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray “Ergayga wada-hadalada Somaliland”.

Haddaba, sidee loo akhrin karaa, maxayse ka dhigan tahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed?

1) Waxaa loo akhrin karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa.

2) Dhayalsi iyo hoos u dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.

3) Waxay muujiinaysaa wel-wel iyo shaki in aan Dowladda Federaalka ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland.
Waxay kaloo dhinac marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC.

4) Hadalada dhiilada leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali gelinna laga bixiyo.

5) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan ka gaaraan iyagoo xor ah.

6) Waxaan ugu baaqaynaa dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga ee Gobolka Sool.

Dhammaad

Dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale ka billowday galbeedka SITI

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dowlad-deegaanka Soomaalida, gaar ahaan gobolka Siti ee dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in markale uu dagaal ka billowday deegaano ka tirsan galbeedka gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfar.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay Canfartu ay weerar kusoo qaadeen deegaano ka tirsan galbeedka gobolka Siti, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan dagaalkan dib uga dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka maanta uu xoogiisa ka dhacay goob lagu magacaabo Dabamara oo dhacda galbeedka gobolka Siti, waxana weli adag sida xog faah-faahsan looga heli karo dagaalkan dib u qarxay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay.

Soomaalida ayaa durtaba guulo ka sheegatay dagaalkan, sida laga soo xiganayo dad ka agdhaw goobaha dagaalku ka socda, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijin kara sida ay maanta wax u dhaceen.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda dowlad-deegaanka Soomaalida iyo dhinaca dowlad-deegaanka Canfarta ee Itoobiya oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay gobolka Siti.

Dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah.

Si kastaba, waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan horey la iskugu dayay in xal looga gaaro colaadda Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii wax natiijo ah laga gaari waayay.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarkii qaraxyada ee Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket.

Ilo wareeedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaasi oo dhaliyay khasaare xoogleh, ayada oo goor dambe ay halkaasi gaareen gaadiidka dab-damiska.

Khasaaraha ka dhashay weerarka

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay dukaanka, iyada oo dhismahan uu ahaa meheradda ugu weyn ee laga dukaameysto ee ku yaalla Boosaaso iyo guud ahaan Puntland.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay weerarkan ayaa gaaraya hal milyan iyo bar doollar, sida ay muujinayo khasaarha hordhaca ah ee illaa hadda la diiwaan-geliyay.

Cidda ka dambeysa weerarkan iyo ujeedka

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, sida uu warbaahinta u sheegay Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabddalla Xasan, inkasta oo uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha amniga gobolka Bari oo ka hadlay weerarkan ayaa farta ku fiiqay kooxda Daacish, oo iyadu saldhigyo ku leh gobolka Bari.

Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday xarunta ganacsi ayaa sidoo kale waxaa loo badinaya inuu la xiriiro lacagaha baada ah ee kooxdaasi ay ka qaado ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso.

Daawo: Beelo ay 40 sano colaad ka dhaxeyso oo dib u heshiisiin loogu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku martigeliyay madal afurin nabadeed ah iyo gogol daahfur u aheyd dib-u-heshiisiinta beelaha Sacad iyo Wagardhac.

Kulanka ay wasaaradda arrimaha gudaha qabatay ayaa ku yimid codsi uga imaaday labada beel, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

“Kulankan waxaa isla leh, oo uu ahaa codsi odayaal labada beelood ee Wagardhac iyo Sacad, waxa looga hadlayo iyaga ayaan u deyneynaa, inanga gogosha ayaan laheyn,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Labada beelood ee loo dhigay gogosha dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa la sheegay inay ka dhex jirtay colaad daba-dheeraatay oo 40 jirsatay, wuxuuna kulanka Muqdisho ka qabsoomay hordhac u noqonaya kulamo nabadeed oo kale oo u dhaxeeya labadaan beelood.

“Ujeedka kulanka waa in ay jirto colaad muddo dheer oo 40 sano jirsatay oo dhexdooda taalay, oo aan weli dammin, xilli beelaha kale ay wax badan dhameeyeen, kulankan waa mid horudhac ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in colaadda u xooggan ay ak jirto magaaladii uu ku dhashay ee Galinsoor, “Colaadda waxa ay ka jirtaa Galinsoor oo ah goobtii aan ku dhashay, in aan qeyb weyn ka cayaaro waajib ayey igu tahay, waa wax laga heshiin karo, waayo wixii Soomaali dhexmaray ayaa dhexmaray.”

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in xilligaan colaadda loo baahneyn, iyaga oo kula dardaarmay odayaasha dhaqanka ee labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan nabadda.

Hoos ka daawo

Diyaarad uu maamulka AXMED MADOOBE u diray GEDO oo loo diiday inay tagto

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad uu maamulka Axmed Madoobe u diray degmada Baardheere loo diiday inay tagto halkaasi, oo ay ka taagan tahay xaalad bini’aadannimo oo adag.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaarada ayaa siday gargaar uu maamulka Axmed Madoobe ugu tala-galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawan ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan guddi u magacaabay xaaladda ka taagan Baardheere, sidii ay u gaarsiin lahaayeen gargaar deg deg ah oo lagu samatabixiyo dadkii ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay halkaasi,.

Maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa si weyn uga carooday tallaabada lagu hor istaagay diyaarada gargaarka siday ee ay u dirayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga uu maamulka degmada ku sameeyay diyaaradda ay maanta u diri lahaayeen Baardheere, taasi oo uu sheegay in lagu caawinayay dadka aad ugu baahna gargaarka loo siday.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka degmada ay markii hore ka wada socdeen dirista diyaaradda gargaarka siday, balse markii ay ka duuli rabtay garoonka Kismaayo lagu wargeliyay inaysan tegin karin Baardheere.

“Xalay iyo Habeen hore waxaa wada hadleynay guddoomiyaha degmada Baardheere, waxay noo sheegeen inay nasoo dhaweynayaan oo alaabtaas oo dhaweynayaan, maadaama aysan jirin qof siyaasi ah oo alaabtaas la socda. Saaka waxaa soo baxay war ah inaysan ogoleyn in gargaarkaas la geeyo, guddoomiyihii waxaa la siiyay amar ay bixiyeen nimanka madaxdiisa ah,” ayuu yiri

“Waxaa rabaa in shacabka reer Baardheere toos ula hadlo, dhibaato idinku dhacday waan ognahay oo waan ka damqaneyna, asbuucyadaan dhan waxaa ka shaqeynaynay in aan idin soo gurmano, diyaaradii tooska halkan uga soo direynay waxaa diiday qolada meesha joogto guddoomiyaha ha ugu horeeyo iyo qolada gobolka ka shaqeysa.”

Wasiirka ayaa sheegay in uu ka xun yahay in la siyaasadeeyo gargaarka, isaga oo faray dadka reer Baardheere inay iska dhiciyaan masuuliyiinta diidan in gargaar ay u baahan yihiin la gaarsiiyo, “Waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Baardheere arrintaan waa inay ka feejignaadan oo iska dhiciyaan nimankaas meesha jooga.”

“Waxaa la yaab leh in dad dhibaateysan oo fatahaad iyo abaaro hore uga horeeyeen in la yiraahdo xitaa alaab idin socota, iskaba daa dad siyaasi ah ee alaab socoto la idinma keenayo. Shacabka reer Gedo dhamaan waa inay arrinta ka dhiidhiyaan oo u istaagan.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo, islamarkaana dhowr jeer oo ah deegaanadaas loo diiday inay tagaan masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland iyo xildhibaano xiriir dhow la leh madaxweyne Axmed Madoobe.

Somaliland oo soo saartay go’aano uga sii daraya dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay Hargeysa ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdio, ayada oo ugu horreyn warbixin looga dhageystay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo golaha la wadaagay xog ku saabsan amniga iyo dagaalka Laascaanood.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa warbixin ku saabsan Dhaqaalaha ka dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire oo madasha ka hadlay.

Intaas kadib golaha ayaa diiradda saaray xiisadda magaalada Laascaanood, waxayna soo saareen 4 qodob oo uga sii daraya dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi.

Golaha ayaa marka hore boggaadiyay guullo ay sheegeen in ciidanka Somaliland ay kasoo hooyeen dagaalka iyo sida ay u difaacayaan deegaankooda.

Go’aanada ay Somaliland soo saartay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan ay waddo Puntland, isla-markaana ay ku doonayso inay ku samayso xuduud qabyaaladeed.

Halkan hoose ka aqriso go’aanada soo baxay:-

1-Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidamada Somaliland sida ee heeganka iyo difaaca har iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud.

2-Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.

3-Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha.

4-Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran.

Askari ka tirsan ciidanka DF oo dilay darawal mooto Bajaaj

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwna ayaa ka soo baxaya dil maanta wade mooto Bajaajle loogu geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsan ciidanka Taraafikada, kaas oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kahor dilka ay murmeen marxuumka iyo askariga, taas oo keentay in uu rasaas u adeegsado wadaha mootada oo isla goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa falkan ka dhashay banaanbax ay dhigeen dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeeday dilka loo geystay marxuumka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacado kadib goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala eryay dibad-baxayaasha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay dilal loo geysanayo wadeyaasha kaxeeya Bajaajta oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo shaqo abuur ka dhigtay mootadaasi.

Si kastaba, cabashada dhalinyaradan ayaa gaartay dowladda federaalka waxaana xal u helida dhibaatooyinkan shirar ka yeeshay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo sidoo kale soo saaray go’aano lagu xakameynayo mootooyinka Bajaajta ee la keeno dalka.

Guddoomiye Cali Jayte oo qarax lagula eegtay duleedka Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, xilli ay marayeen duleedka Beledweyne.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in guddoomiye Cali Cali Jayte iyo ciidamo la socday lagula beegsaday deegaanka Beerxaani ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari ciidan oo kamid ahaa kolonyada galbineysay guddoomiyaha oo xalay ku hoyday deegaanka Baardheere ee gobolkaasi.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale ciidamada la socday Cali Jayte ayaa howlgal kooban ka sameeyay halka lagu qarxiyay, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyuhu ku dhawaaqay howlgal culus oo ka bilaabanaya koonfurta Hiiraan, si looga saaro Al-Shabaab.

Kooxda ayaa inta badan ku xoogan deegaanadaasi, waxayna kasoo talaabadaan wabiga, ayaga oo kadib weeraro culus ka fuliya waddooyinka isku xira degmooyinka gobolkaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howlgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray magaalada Beledweyne, isagoo ballan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba, guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan ka mid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Iran-Saudi Arabia: Turning the tide of regional rivalry

BEIJING, China (Caasimada Online) – In a historic diplomatic breakthrough, the foreign ministers of Iran and Saudi Arabia met in Beijing on Thursday, pledging to work together towards regional “security and stability.”

The meeting followed a surprise China-brokered agreement announced in March, which aimed to restore relations between the two Middle Eastern rivals after a seven-year rift.

Iranian Foreign Minister Hossein Amir-Abdollahian and his Saudi counterpart, Prince Faisal bin Farhan, released a joint statement after their discussions.

They emphasized the importance of implementing the Beijing Agreement to build mutual trust, expand cooperation, and create regional security, stability, and prosperity.

The agreement, brokered in March, marked the first step towards restoring relations between Tehran and Riyadh, which were severed in 2016 after Iranian protesters attacked Saudi diplomatic missions.

A new era of cooperation

The Iranian foreign ministry said that the two sides had “negotiated and exchanged opinions with the emphasis on the official resumption of bilateral relations and the executive steps towards the reopening of the embassies and consulates of the two countries.”

Under last month’s agreement, both countries will reopen their embassies and missions within two months and implement security and economic cooperation deals signed over 20 years ago.

The rapprochement between predominantly Sunni Muslim Saudi Arabia and Shiite-majority Iran, which has long been at odds with Western governments over its nuclear activities, could significantly alter relations across the region.

Both nations have supported rival factions in several conflict zones, including Yemen, Syria, Lebanon, and Iraq.

Their reconciliation could pave the way for potential peace talks and conflict resolution in these areas.

China’s diplomatic success

China’s active mediation in bringing the two Middle Eastern rivals together marks a significant challenge to the United States’ long standing role as the primary outside power broker in the region.

Joel Rubin, former US Deputy Assistant Secretary of State for Legislative Affairs, told AFP that Beijing’s role could boost confidence in the agreement’s longevity.

He noted, “Because China is a strong backer of Iran, Saudi should have more confidence in Iran’s ability to comply with the agreement.”

Ali Vaez, Director of the International Crisis Group’s Iran Project, said Thursday’s meeting “suggests that the process hasn’t gone off track since the Beijing announcement last month.”

However, he added that whether this development is a tactical détente or a step toward a more strategic rapprochement remains to be seen.

Restoring diplomatic ties

Iran and Saudi Arabia held several rounds of talks in Baghdad and Oman before their historic meeting in Beijing.

Their agreement has set a precedent for other Gulf countries to restore diplomatic relations with Tehran.

Last year, Iran received an Emirati ambassador after a six-year absence, and Iran recently named its own ambassador to the United Arab Emirates.

Kuwait also sent its first ambassador to Tehran since 2016. Iran has expressed openness to rapprochement with Bahrain, a close Saudi ally.

With diplomatic channels reopening and the potential for a new era of cooperation between Iran and Saudi Arabia, the future of the Middle East may be marked by increased security, stability, and prosperity.