29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Taliye SHUB oo dib loogu magacaabay xilkiisii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo sidoo kale siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Taliyaha Asluubta ayaa waxaa markale dib loogu magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kadib oo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Generaal. Mahad Cabdiraxmaan ayaa haatan ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale taliye Mahad ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Taliyaha cusub ayaa la faray inuu si degdeg ah xilka ula wareego, isla-markaana uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Taliye Mahad oo loo yaqaano Shub uu waayey xubnimadiisii Baarlamaanka, isaga oo dib loo soo buuxin doono kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha.

Dhanka kale Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Ugu dmabeyn, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo la xiriira arrimaha maalgashiga iyo horumarinta dhallinyarada oo ay xukuumaddu gashay, kuwaas oo kala ah;  Heshiis Is-Af-garad iyo iskaashi ee dhinacyada Maalgashiga, Aqoonta & Horumainta Xirfadaha oo ay gaareen (Soomaaliya & Suudaan) iyo Heshiis Is-Af-garad ee Arrimaha Dhallinyarada oo ay galeen ( Soomaaliya & Qatar).

Daawo: Madaale oo sheegay qorshe cusub oo Al-Shabaab ay ka billaabeen Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna quqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii jugta qaraxyo xoogan laga maqlay caasimadda, kuwaas oo ay booliska ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo dheemish ah.

Jugta ayaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Wadajir, Hodan. Waaberi Xamarweyne iyo Warta Nabadda.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab markii ay ku fashilmeen weeraradii tooska ahaa ay bilaabeen qarxinta baco dheemish ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka laga lahaa qaraxyadan ay tahay in lagu qalqal-geliyo shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdsho.

“Hadda inta aan fadhinay halkan dhowr meel ayay wax ka dhac dhaceen marka bacyaal inta ay wax kasoo buuxiyaan ayay dadka ku argagixinayaan,” ayuu yiri gudduumiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si meel looga soo wada jeesto, loogana hortago weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimada.

“Waa inaan xoogeynaa isugu geyno sidii aan magaaladaani kuwa kusoo dhex dhuuntay ee mushkilada ku dhex wado aan isaga qaban laheyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay dhibaatada ay ciyaal weerada ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in lasoo abaabulay.

“Ciyaal weerada inta aysan nagu ag korin oo sidii Shabaab dhowr iyo 10 sanno kadib aanu ku baraarugin inaan hadda iska qabano, maxaa yeelay waa abaabulan yihiin gadaal ayaana laga taagan yahay, marka waa inaan ka daba tegnaa,” ayuu markale yiru Yuusuf Madaale.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad ah ka geysteen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabay Cabdi Cubeyd oo aha Imaam Masjid, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa dilay koox burcad ah oo sidoo kale ka dhacay taleefan, wuxuuna Cabdi imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana gaaray goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wad hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgalka xigay ee la sameeyay.

Laba todobaad kahor ayay aheyd markii dil kan lamid ah degmadaas loogu geystay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid, kaas oo ay isna dileen kooxo burcad ah.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan falalka ammaam darri, waxaana dhibaatada ugu badan ka geysta kooxo burcad iyo ciyaal-weero.

Si kastaba, dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Sawirro: Weerar qaraxyo loo adeegsaday oo lagu qaaday xarun ku taalla Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket.

Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku neef qabatoobay dabka qabsaday xarunta oo baabi’iyay hantidii taallay dhismaha la weeraray.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhanka kale duqa Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo ka hadlay weerarkan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in ay wadaan baaris ku aadam dhacdadaasi.

Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso.

Madaxweyne XASAN Sheekh oo xaqiijiyay inuu taageero militari ka dalbaday 3 dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay taageero militari ka dalbadatay dowladdaha Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Dalalkan ayaa kaalin weyn ka qaadan doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, ayada oo wejigii hore ee dagaalka ay natiijo wax ku ool ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay wargeyska Financial Times ayaa tilmaamay “in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab ay ka heli doonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah” marka loo eego wejigii hore ee howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah.

Ciidamo ka socda Ethiopia ayaa soo gaaray dalka, halka ay dhawaan iman doonaan ciidan ka socda Jabuuti iyo Kenya, kuwaasi oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, islamarkaana ka qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan laga soo sheegayay gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, ayada oo gaba-gabo uu yahay wejiga koowaad ee dagaalka.

Wejigii hore ee hawl-galka ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Ciidamada dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa’iilada ee deegaanka, ayaa ku guuleystay in 15 sano kadib ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaano ay maamulayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

Sawirro: Ciidamada DF oo galay hawd ay Al-Shabaab ku dhuumanayeen kadibna…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxd Al-Shabaab ayaa laga xoreeyay goobo dhowr ah oo ay uga dhuumaaleysanayeen dhulka howdka, sida ay goordhoweyd shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo GorGor ayaa saacadihii lasoo dhaafay Shabaab ka xoreeyey goobahaasi ay uga dhuumaaleysanayeen ee dhulka howdka ah oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirada goobaha la sheegay in laga xoreeyay Al-Shabaab, waana kuwa laga qotay hawdka jiqda ah, halka qaarkood dush sare lagaga daday jiingado.

Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta iskaga cararay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howl-galkaas fuliyay ee DANAB iyo GorGor.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen inay sii baacsanayaan firxadka kooxda Al-Shabaab ee isaga carartay goobahaan ay godadka ka qoteen.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore guulo waaweyn uga sheegatay wejiga koowaad ee dagaalka, iyada oo sheegtay in lagu xoreeyay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose.







Daawo Guuleed: Qaddiyada Somaliland waa qaddiyad aad u adag oo u baahan in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xalay kulan la qaatay xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay qadiyadda masuulka looga dhigay, xilli ay muddo hakad ku jiraan wada-hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Mudane Guuleed ayaa waxa uu sheegay in qaddiyada Somaliland ay tahay qaddiyad adag oo u baahan in si gaar ah loo eego, si xal looga gaaro tabashooyinka gaarka ah ee qabaan reer Somaliland.

“Qaddiyada Somaliland iyo ahmiyada ay leedahay wax badan iska weydiin mayno oo midnimadii, wada-jirkii, is-garabsigii iyo walaalnimadii ayaa meeshaas ku jirta,” ayuu yiri Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergeyga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad-dhiska Soomaaliya uu ka dhaqaaqi la’yahay maqnaashaha Somaliland, maadaama dhadhaaraddii saddexda ahaa uu mid maqan yahay “Dhariga marka dhadhaarada mid maqan yahay ma taagnaanayo dhariga, dabkii la rabay inuu wax kuleyliyo oo kariyo wuu bakhtiinaya, marka qaddiyada Somaliland waxa uu ku jira xalka umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.”

Guuleed ayaa markale ku celiyay in loo baahan yahay in Somaliland laga siiyo garowshiyo, loogana hadlo si walaalnimo iyo tolnimo kujirto, si xal looga gaaro tabashadooda oo uu sheegay inaysan aheyn dad meel cidlo ah ka duday, sida uu hadalka u dhigay.

“Midnimadii 60-kii la sameeyay in dareenka Somaliland uusan aheyn wax dhawaan yimid waxaa ku daliil ah in midnimadii oo hal sano jirin ayaa inqilaab la iskaga dayay Waqooyiga 61-dii. Waxaa aaminsanahay maalintaas haddii dadkii masuuliyada dalka hayay ay dareemi lahaayeen arrintaas khatarta ay leedahay dhibaatada dhacday iyo siday u dhacday ma dhacdeen, laakiin waxaa suurta-gal ah in la fududeystay.”

Waxa uu sheegay inuu qabo in si dhab ah loo wada-hadlo oo labada dhinac, isaga oo xusay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

“Meesha ay bahasha ka damqaneyso waa in la taabto, wada-hadalada aan daadihin doono waxaa rabaa in hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jirra, oo dhaawaca korkiisa la dhayin ee la dilaaciyo boogta laga gungaaro waxa tabashada tahay, si aysan berri usoo laaban oo xal waara oo la iskaga raali yahay loo gaaro.”

Hoos ka daawo

Shiinaha oo xildhibaanada Maraykanka uga digay inay la kulmaan Tsai Ing-wen

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanada Maraykanka ayaa Arbacadii waxay iska diideen digniin ka soo baxday safaaradda Shiinaha oo ku aaddanayd inaanay la kulmin madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen oo booqasho ku joogta gobolka California.

Xildhibaano ka kala tirsan labada xisbi oo gaadhaya illaa 17 mudane oo uu wehelinayo afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha Taiwan, makatabadda Ronald Reagan ee ku taalla Simi Valley, California.

Warbaahinta Maraykanka ee Punchbowl ayaa sheegtay in qaar ka mida xildhibaanada Maraykanka ee kulankan ka qaybgelayey, inay saacado ka hor heleen fariimo email ah oo muujinaya “sida Shiinuhu uu uga walaacsan yahay [la kulankooda Tsai]”

Fariin qoraal oo ay VOA ka heshay sarkaal ka tirsan safaaradda Shiinaha oo lagu magcaabo Li Xiang, ayaa lagu sheegay in “dhinaca Shiinahuhu uu si weyn uga soo horjeedo, nooc kasta oo isdhexgal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Taiwan, sidoo kalena ay ka soo horjeedaan safar kasta oo masuuliyiinta Taiwan ay ku yimaadaan Maraykanka, iyo weliba nooc kasta oo kulan ah oo dhex mara iyaga iyo masuuliyiinta Maraykanka”

Xildhibaanada Maraykanka ayaa sheegay inaanay wax isbedela ku samaynayn qorshahooda.

“Shiinuhu ma go’aamin karo cidda xubnaha ay xubna Congress-ku kula kulmayaan ciidda Maraykanka. Xildhibaanku wuxuu ka qaybgelayaa kulanka dhexmaraya madaxweyne Tsai iyo afhayeenka aqalka wakiillada ee McCarthy” sidaas waxaa VOA u sheegay afhayeen u hadlay xildhibaan John Curtis.

Guddida joogtada ah ee xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa u sheegay VOA in tiro ka mida xildhibaanada u safray California inay heleen fariinaha safaaradda.

Emailka ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaraya Tsai, McCarthy iyo xildhibaanada kale, inuu dhaawacayo siyaasadda “Shiinaha ee midka ah”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa ku adkaysanaysa in socdaalka (transit) masuuliyiinta Taiwan inuu yahay safar gaar ah oo aan rasmi ahayn, iyaga oo sheegay in madaxweyne kasta oo Taiwan ahi, inuu safar sii gudbid ah(transited) ku maray Maraykanka, Tsai-na ay noqonayso markii todobaad ee ay lugta geliso Maraykanka.

VOA

Daawo: Cali Guudlaawe oo arrinta isbaarooyinka dusha ka saaray saraakiil ka tirsan DF

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gudoomiyay shirka golaha wasiirrada maamulkaas ayaa sheegay in isbaarooyinka yaalla deegaaanada HirShabeelle ay u yaalaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey gabagabadii shirkaas ayaa sheegay in isbaarooyinka yaalla deegaanada HirShabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan saraakiil la wada yaqaano oo HirShabeelle aysan shaqo ku laheyn.

Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in ciidanka iyo saraakiisha ay isbaarooyinku u yaallaan ay hoos tagaan wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka, isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay arrintaan, balse aan waxba laga qaban.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadka deegaanadaas ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka oo taliskooda iyo madaxda dalka uu uga dacwooday marar badan, sida uu sheegay.

“Isbaaradu qaar ka mid ah militeriga ayey u taallaa ee madaxda qaranka waxaan leeyahay, cidda isbaaratu taallo waa la yaqaane yaan laga leex-leexane sharciga la hor geeyo oo taallaabo halaga qaado,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Dhinaca kale, Shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada HirShabeelle waxaa looga hadlay arrimaha amniga, dardar-gelinta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan bilaaban doona iyo muhiimada dardar-galinta howlaha hortabinta u leh maamulka.

Madaxweynaha Golaha Xukuumada la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Hirshabeelle, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay isku diyaariyaan ka qeyb-galka howlgalladaas.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka wasaaradda ee hagaajinta garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taargooyinka gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka HirShabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Howlgal culus oo Cali Jeyte uu hoggaaminayo oo ka bilowday koonfurta Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Howlgal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka billoowday deegaanno dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa lagu xoreeyey deegaano badan oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay isaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanka oo gudaha u sii gelaya deegaano dhowr ah, waxaana ciidanka hoggaaminayey guddoomiye Cali Jeyte.

Deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, waxaa weli ku sugan kooxda Al-Shabaab, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte oo maalmo ka hor Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa dadka reer Hiiraan uga dishay laba khatarood oo mid tahay dhagarta Al-Shabaab iyo fatahaad laga cabsi qabo inuu geysto wabiga Shabeelle.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan ka mid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.

Booliska oo war kasoo saaray QARAXYO culus oo caawa laga maqlay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Af-furkii kadib, dhowr jug ama qarax ayaa caawa laga maqlay dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan nooca ay yihiin waxa dhacay.

Meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in waxa dhacay ay hoobiyeyaal yihiin, inkastoo aan weli la helin xaqiiqo rasmi ah oo ku saabsan waxa dhacay oo aad u dhawaq weynaa dhowr degmana ka dhacay, intii u dhaxeysay af-furka iyo cishaha.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban ka soo saaray waxa dhacay ayaa baahiyey inay dheemish ahaayeen qaraxyadii la maqlay.

Sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in meelaha qaar laga hor tegay waxyaabihii la dhigay oo sida uu boolisku shaaciyey shacabka caasimadda lagu qalqal gelinayo.

“Waxaan ku war-galineynaa shacabka ku nool caasimadda, in wax khasaare ah aysan geysan dhawaqa la maqlay oo ahaa ‘qaraxyo dheemish ah’ oo cadowga ummda Soomaaliyeed uu ku qalqal-galinayo shacabka muslimiinta ah oo ku jira waqtigii af-furka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goobaha qaar waxaa laga hor tegay waxyaabihii ay dhigeen iyagoo aan qarxin.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ka nabad gashay weerarradii is dabajooga ahaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysa jirtay, gaar ahaan qaraxyadii.

Waxaa xusid mudan in bisha Ramadaan oo kooxdaan ay aad weerarro uga geysa jirtay Muqdisho ay hadda mareyso kala bar, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Somalia President: Victory over al-Shabab nears

0

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia’s president, Hassan Sheikh Mohamud, expressed confidence in his new military offensive against Al-Shabab, the al-Qaeda-linked Islamist group that has terrorized the Horn of Africa for years.

In an exclusive interview with the Financial Times, Mohamud stated, “Two things are there to defeat Al-Shabab: one is military, another is ideological. The ideological war will continue for some time, but in the military one, I believe we’ll defeat them.”

Since August, government forces have made significant territorial gains, mostly in central Somalia, in the most significant Somali-led campaign against Al-Shabab in 15 years.

A financial crackdown has led to freezing hundreds of bank and mobile money accounts, holding a combined “couple of million dollars.” A drive to convince Somali clerics to condemn Al-Shabab as “anti-Islamic” is underway.

Turkey, the African Union, and others back the offensive. A senior US official familiar with the conflict said the alliance between the Somali army and regional clans, who know the terrain and can identify Al-Shabab, was a “pretty powerful combination” and “fundamentally different” from previous attempts to crush the Islamists.

Challenges and future goals

Despite progress, analysts warn of significant challenges ahead. Omar Mahmood, a senior Somalia analyst at the Crisis Group think-tank, said, “Al-Shabab continues to mount resistance in parts of central Somalia, and fighting Al-Shabab in its southern strongholds will probably be a tougher slog.”

To tackle these challenges, the Somali government has enlisted military support from neighboring Djibouti, Ethiopia, and Kenya, countries that have also suffered Al-Shabab attacks.

“We’ll have more forces and capability right now than we had in the previous phase,” Sheikh Mohamud said.

Al-Shabab, which emerged around 2006 during an Ethiopian invasion of Somalia, is known for suicide bombings and brutal attacks, including the 2013 raid on Nairobi’s Westgate shopping mall.

The US has called it “the largest and most deadly al-Qaeda network in the world,” providing the terror group’s central command with “tens of millions of dollars.”

US support and the path to peace

US support for Somalia comes from a “persistent” military presence of 450 troops, established last year by President Joe Biden.

This partially reverses the decision by his predecessor, Donald Trump, to withdraw troops.

The US has a long and troubled history in Somalia, including an Al-Shabab attack on one of its bases in Kenya in 2020 that killed three service members and the infamous 1993 downing of two Black Hawk helicopters in the death of 18 US soldiers.

President Mohamud’s ultimate aim is to pressure the militant group into such a tight corner that it has no option but to negotiate for peace.

“Al-Shabab still feels it can survive, and we also believe the opportunity for negotiations is not yet mature,” he said. “But in the end, this will end up with negotiations.”

DAACISH oo sheegatay qaraxii ATMIS ee Muqdisho iyo waxa loo adeegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii dorraad ka dhacay wadada KM4, agagaarka xarunta CID-da, kaasi oo sababay dhaawacyada saddex qof.

Qaraxa ayaa waxa qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, kuwaasi oo ka yimid dhanka Tarabuunka, kuna sii jeeday Isgoyska Zoobe.

Daacish ayaa qaraxaan ku sheegatay qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka kooxda, kaasi oo lagu sheegay in Daacish ay ka dambeysay weerarkaasi oo Muqdisho ka dhacay maalintii Isniintii ee toddobaadkan.

Qaraxaasi ayay sheegtay Daacish-ta Soomaaliya in loo adeegsaday Miino nooca dhejiska ah, taasi oo keentay in si lama filaan ah u holco gaariga kamidka ahaa Kolonyada ATMIS, kaasi oo ahaa gaari nooca xamuulka ah.

Qaraxa Isniintii oo ahaa mid jugtiisu cusleyd ayaa si rasmi ah loo cadeyn waxa ka dambeeyay, kaasi oo dhaliyay gubashada baabuurka, ayada oo ATMIS ay sheegtay in Miino loo adeegsaday, halka Taliska Booliska Soomaaliya uu sheegay in la baarayo waxa dhaliyay qaraxa oo aanay caddeyn.

Taliska booliska oo ku jaha-wareeray nooca qaraxaas ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “Qaraxa ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.”

Booliska ayaa intaas ku sii daray inay socdaan baaritaano lagu ogaano waxa sababay qaraxaas, 3-da qof oo ku dhaawacmay qaraxaas waxay ahaayeen gabdho laamiga geeskiisa Qaad ku iibinayey.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka nabdooneed qaraxyadii ay geysan jireen kooxaha argagixisada, waxaana taas u sabab ah dagaalka gobollada dalka uga socda kooxahaasi.

Sawirro: Shirkii Muqdisho oo ay kusoo biireen saraakiil shisheeye ah oo horleh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ku soo biiray saraakiil militari oo ka socota dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Shirkan oo uu guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa waxaa looga hadlayay isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab

Shirkii maanta ayaa waxaa diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howl-galka, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dalalka safka hore.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.









Somalia and Cuba end 46-year diplomatic hiatus

0

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia and Cuba have taken a significant step towards mending fences by agreeing to resume diplomatic relations after a 46-year hiatus.

Somalia’s Minister of Foreign Affairs, Abshir Omar Jama, announced the news via Twitter, stating, “Having established diplomatic relations between 1972-1977, we welcome the resumption of diplomatic relations with the Republic of Cuba governed by cooperation and mutual respect.”

On Tuesday, Juan Manuel Rodriguez, Cuba’s ambassador to Somalia, was among three ambassadors who presented their credentials to Somalia’s president, Hassan Sheikh Mohamud.

Prior to this, Jama met with Rodriguez on Monday, expressing his honor at receiving the “credentials of the newly appointed Ambassador of the Republic of Cuba to the Federal Republic of Somalia.”

Rodriguez also serves as Cuba’s ambassador to Kenya.

Healing old wounds 

The two nations severed their diplomatic relations in 1977 during the war between Somalia and Ethiopia, when the Cuban government under Fidel Castro sent thousands of Cuban troops to support the Soviet-backed Ethiopian government.

Former Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad reflected on this history, emphasizing that while Somalia and Cuba do not share cultural and geographical connections, the country cannot afford to “self-imprison” itself to the past.

Awad pointed out that resuming relations with Cuba is a gain for Somalia, and it is not in their interest to “relive past hostility.”

He further noted that Somalia enjoys good diplomatic relations with Ethiopia and Russia.

The plight of Cuban hostages 

One immediate concern for Cuba is securing the release of two Cuban doctors who were abducted by the al-Shabab militant group in northern Kenya in April 2019.

Awad revealed that during his tenure as foreign minister, he was contacted by Cuban Foreign Minister Bruno Rodriguez Parrilla regarding the two hostages.

Awad assured the Cuban authorities that the doctors were alive, working as medical professionals for their captors.

He also pledged that Somalia would, “to the best of our ability,” play a role in securing the doctors’ freedom.

According to Awad, al-Shabab has not made any official demands for the release of the doctors. The group has previously released foreign hostages after alleged ransom payments.

The renewed diplomatic relations between Somalia and Cuba may provide a crucial opportunity to address this issue and work collaboratively toward the safe return of captive doctors.

Somaliland oo sameysay sheegasho cusub xilli uu dagaal culus dhacay xalay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo sheegtay inay gacanta ku hayso amaanka guud ee gobolkaasi.

Somaliland oo muddo ku siman laba bil kula dagaalamaysa xarunta gobolka Sool ciidamada SSC ayaa sheegtay ciidamadeeda ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka Sool, xilli ay gacantood ka baxday magaaladii xarunta u aheyd gobolkaasi.

“Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu yidhi Cateeye xilli magaalada Laascaanood ay mudo 2 billood ka badan ka maqantahay gacanta Somaliland,” ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Wasiir Caateeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu xalay dagaal culus markale ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka xalay ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalin kahor khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka oo geeriyooday iyo Xasan oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Turkiga ku yeeriyooday Allaha unaxariiste Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, kuna soo shaqeeyay xaaladdo adag isaga oo qeyb ka ahaa shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah.

Waxaa kamid ah xilalka sare ee Ismaaciil Hurre Buubaa uu soo qabtay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirkii Maaliyadda Somaliland, burburkii dowladdii Militariga ahayd, isaga oo kadib kamid noqday xubnihii kasoo muuqday dowladdii Carta iyo middii Kenya lagu soo dhisay ee 2004-tii.

Geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin, iyaga oo Alle uga baryey inuu jannada ka waraabiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa iyo dib-u-dhiska dalka.

“Ismaaciil waxa uu door weyn kasoo qaatay xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kumeel-gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.”

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xasan oo shaaciyay arrin uu wejiga labaad ee dagaalka ‘ku qasbi doono’ Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan wejiga labaad ee dhawaan bilaaban doona ayaa waxa uu shaaciyay “in kooxda ay ku qasbi doonaan miiska wada-hadalka.”

Madaxweynaha ayaa rejo wanaag ka muujiyay in duullaanka cusub ee milateri ee dhawaan ka bilaaban doona dalka looga adkaan doono kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh.

“Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska afka dheer ee Financial Times.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay “sidii uu kooxda ugu celin lahaa meel cidhiidhi ah oo aan ka ahayn inay nabada qaataan,” sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militariga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri madaxweynaha oo Financial Times wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wada-hadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin dhamaadka, tani waxay ku dambayn doontaa wada-hadal.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli dhawaan uu dalka ka bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay Al-Shabaab ay lumisay deegaano horleh oo sanado badan ay ka talinayeen, taasi oo lagu qiyaasay saddex meelood meel meelaha ay ka joogaan gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay in wejigii hore ee dagaalka kooxda Al-Shabaab looga dilay in ka badan 3,000 oo ku jireen horjoogayaal, halka 3,700 oo kalena lagu dhaawacay.

Deegaanada lagu xoreeyay isla wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay dowladda ku sheegtay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegaanno kale oo istaratiij ah.

Dagaal culus oo mar kale ka dhacay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo mar kale xalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhashay weerar ay qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Goojacadde, waxayna kadib iska caabin kala kulmeen ciidanka SSC.

Dagaalka ayaa billowday abaare 9:45 P.M. Waqtiga Bariga Afrika, isaga oo socday ku dhawaad 50 daqiiqo oo xiriir ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayay meelo fog-fog.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay ku dhex-maray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay oo ay haatan gaarayaan ciidamo kale gurmad ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalin kahir khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan.

Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Daawo: DF oo shaacisay magacyada xubnaha isa soo dhiibay ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxqabadka dowladda ee todobaadkii tegay iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhinacyada kala duwan leh ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxay todobaadkan ku dhawaaqday in guud ahaan la cuuryaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta,” ayuu sii raaciyay wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgal todobaadkan ka dhacay duleedka Baydhaba lagu dilay 14 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday ciidanka huwanta.

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheen tirada xubnaha kasoo goosanaya kooxda ee isku soo sii dhiibayo dowladda federaalka.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubno badan oo ay ku jiraan saraakiil ay iska soo dhiibeen deegaanada Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah raggaasi:-

1-Cabdi Xasan Xul-Baalle oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab oo iska soo dhiibay gobolka Shabeelaha Hoose.

2-Bishaar Shardi Maxamed iyo Yuusuf Saleebaan Abuukar (Salaaxu Diin) oo iyaguna isku soo dhiibay ciidanka daraawiishta Galmudug.

3-Horjooge Xuseen Daahir Maalin (Dhagey) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ee Galmudug.

4-Horjooge Calas Axmed Ibraahim Barre ayaa lagu soo qabtay howlgal kale oo ka dhacay Galmudug