29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Muxuu Cawad ku macneeyey heshiiska Somalia iyo Cuba, 46 sano kadib dagaalkii 77?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku hehsiiyey inay sii ambaqaadaan xiriirkooda diplomaasiyadeed, heshiiskaas ayaa maanta ka dhaqan galay Muqdisho, kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire cusub oo Cuba ay u soo dirsatay Soomaaliya.

Amba-qaadka cusub ee xiriirka Cuba ayaa ku soo aadaya 46-sano, markii ay dowladda Soomalaiya xiriirka u jartay oo Muqdisho laga ceyriyey safiirkii Cuba.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey waxa ay ka dhigan tahay in Cuba ay hadda dib u soo celiso xiriirkeedii Muqdisho.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay aad u fiican tahay in dowladuhu saaxiibaan, isla markaana dowladda markaas joogta uu mar kasta waajib ka saaran yahay inay dalka saaxiibo cusub u raadiso.

Axmed Cawad ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dalka Cuba uu xiriir dhow la lahaa mudadii uu ahaa wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya, xiligaas oo ay ka wada shaqeyn jireen baadi goobka dhakhaatiir u dhalatau dalka Cuba oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay dalka Kenya.

“Markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba waxaan isku arki jirnay shirarka caalamiga ah, waana kala qaadan jirnay balamo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in mar kasta uu xogta dhakhaatiirta lagu heysto Soomaaliya uu la wadaagi jiray madaxda Cuba, markii ay NISA u soo gudbiso wasaaradda arrimaha dibadda.

“Cuba saaxiibo badan ayey dunida ku leedahay, hadda wax badan oo nooga xirana ma jiraan, laakiin anagu waan ixtiraami jirnay oo waxaan la wadaagi jirnay xogta dhakhaatiir looga heysto Soomaaliya, waxaana u sheegi jirnay inay noolyihiin oo ragga qabsaday ay dhakhaatiir u yihiin,” ayuu yiri Wasiir hore Axmed Cawad.

Mar la weydiiyey saameynta uu khilaafkii hore ku yeelan karo xiriirkaan cusub ayuu wasiir Cawad sheegay in arrimahaasi ay iska dhamaadeen, isla markaana ay Soomaaliya hadda saaxiib la tahay Itoobiya oo dagaalkaasi uu si toos ah ugala dhaxeeyey.

“Xabsi uguma jiri karno oo dib uma gocan karno mar kasta wixii horay u dhacay iyo xiriir horay u halaabay, Cuba hadda wax badan nalagama dhaxeeyaan oo xuduud lama lihin, ururro gaar ah kuma wada jirno, hadii ay garteen inay safiir noo soo dirsadaan oo nala saaxiibaan, ma jirto sabab aan u sii gocano colaadii 40 sano ka hor dhacday,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Sarkaal Al-Shabaab ah oo xalay lagu qabtay Muqdisho isagoo ku guda jira weerar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay xalay gacanta kusoo dhigeen nin dhallinyaro ah, kaas oo miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska.

Taliska ayaa sheegay in ninkaasi gacanta lagu soo dhigay, xilli uu falkaasi ku guda jiray, haatana ay ciidamadu baarayaan.

Taliska ayaa qoraalka ku sheegay in ninkani ay la xiriirinayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Dhanka kale Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay xalay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka Magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa baa qoraalka lagu yiri dhagarta shacabka.

“Ciidanka Booliska waxa ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.

Daawo: Cali Wajiis oo farta ku fiiqay dowlad shisheeye ‘oo dishay’ Saado Cali Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu aaminsan yahay in sirdoon shisheeye uu dilay Fanaanadii weyneed Saado Cali Warsame.

Sheekh Caliwajiis ayaa sheegay in isagoo ku sugan dalka Koonfur Afrika ay TV-ga ka daawadeen Saado Cali Warsame oo Sweden uga qeyb gashay xaflad weyn oo loo qabtay taageerada jabhadda ONLF oo dagaal culus kula jirtay Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Saado ay halkaas ka qaaday hees ay ku karbaasheysay madaxdii Itoobiya horay u soo hoggaamisay iyo kuwii markaas hoggaaminayey, iyadoo huwan calamada Soomaaliya iyo jabhadda ONLF.

“Nin markii goobta aan TV-ga ku daawaneynay ila fadhiyey ayaa nagu yiri gabadhaas Saado ah, markii ay ku laabato hadii ay todobaad sii noolaato Itoobiya aqoon uma lihi,” ayuu yiri Sheekh Caliwajiis.

Wuxuu sheegay in arrintii ay sidii ninku u sheegay noqotay oo Saado la dilay iyadoo shan maalmood Muqdisho joogta, maalinkii 6-aad, Shiiqa ayaa xogtaan ku shaaciyey wareysi uu siiyey TV-ga Dalsan.

“Anigu dalka ayaan ku soo laabtay, waxaan degay Hotel Ambasitoor, ayana waa timid, shan maalmood ayey Muqdisho joogtay, maalintii lixaadna waa la dilay,” ayuu yiri.

Sheekh Cali oo dib u xusuusanaya raggii dilay Saado Cali Warsame ayaa sheegay inay wateen gaari Qooqan ah oo rag aad u hubeysan oo BKM-yo wata ay saaran yihiin.

“Waxaa lagu dilay jiirada Hotel Ambasitor, ragga dilay waxay wateen gaari Qooqan ah oo ay saaran yihiin seddaxa ama laba qori oo Dabamiishaar ah (BKM) iyo ugu yaraan lix AK47, gaarigeeda ayaa gaariga lagu hor jaray waa la toogtay, ragiina waa iska dhaqaaqeen oo cid daba kacday ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Sheekh Caliwajiis ayaa yiri, “Aniga shaki iigama jiro in sirdoon shisheeye uu dilay gabadhaas oo Al-Shabaab aysan dilin,” Shiiqa ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaca dowladda uu ku tuhmayo inay dishay Saado Cali.

Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame ayaa markii la dilay waxay aheyd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sanado kadibna waxay dowladda Soomaaliya toogatay rag qirtay inay fuliyeen weerarkii lagu dilay.

Hoos ka daawo

ATMIS oo mowqif cusub ka qaadatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

El-Amine ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibada caalamka garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya, loona wajaho Al-Shabaab.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa khudbaddiisa ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya.

“Waxaan ogahay in dalkan wax badan laga qabtay” ayuu yiri Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu soo jeediyay in taageero caalami ah xilligan loo fidiyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef.

Madaxa guud ee hawlgalka ATMIS ayaa sidoo kale xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay arrintaan ka dhabeeyaan, si garab istaag loogu muujiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan ka qayb galay laba toddobaad kahor siminaar ay soo qabanqaabiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Kooxdiisa, dhammaan saaxiibada caalamkuna waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunaqabteynta hubkaga laga qaadi lahaa Soomaaliya”.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabteynta hubka ay Soomaaliyaa  u oggolaaneyso in ciidamada qalabka sida iay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.

Israel oo weerartay dad ku sugnaa Masjidka Al-Aqsa

Jerusalem (Caasimada Online) – Booliiska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii maanta oo Arbaca ah, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in sagaal gantaal looga soo ganay Qaza.

Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta.

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in toddobo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta nooca cinjirka ah kadib markii ay isku dhaceen booliska Israa’iil oo ku sugnaa dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay ka hortagayeen dhakhaatiirteeda inay gaaraan masaajidka.

“Waxaan ku fadhiyey kursi aan ku akhrisanayay Qur’aanka, waxay nagu soo tuureen bam-gacmeedyo, mid ka mid ah ayay laabta igaga dhuftay,” ayay tiri iyadoo ooynaysa haweeneyd da’ ah oo la tacaaleysay neefqaadka oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidamada booliiska Israa’iil ee qabsaday xarunta masaajidka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay ku qasbanaadeen in ay gudaha u galaan masjidka kadib markii sida ay sheegeen kooxo ay ku tilmaameen inay wadday ‘daandaansi’ oo wajiyada soo duubtay iyagoo wata, ulo iyo dhagxaan.ay gudaha ay masjidka isku soo xireen.

VOA + Reuters.

‘Sida kaliya ee Soomaaliya ula fal-gali karto adduunka’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay adduunka intiisa kale ku gaari karto dowlad-dhiska oo la xoojiyo, gaar ahaan sharci usameynta hay’addaha dalka.

Mudane Saalax ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aduunka la fal-geli karto haddii ay saxmaan nidaamkeeda maaliyeed oo leg sharciyad adag oo sugan, xilli dhawaan sharciyo la xiriira arrintaas la meel-mariyay.

“Ma nihin dad ku noolaan karo mugdi, halka uu adduun weynaha ku nool yahay ilayska. Ma ahaan karno dad yiraahda dadkayaga ID u sameyn mayno, bankiyadeenuna sharci yeelna maayan oo dhakhaatiirtayadana sharci yeelan maayan, adduun weynaha waa la fal-galeyna, sida Karoonaha la iskaga ilaaliyo ayaa la iskaga keen ilaalinaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay bankiyada dalka sida ay ugu dhiiradeen in dal shuruuc adag oo ilaalisa aan laheyn ay ku shaqeeyaan oo dhaqaale badan galiyaan.

“Waxaa farxad ah maanta 2010-kii maanta halkan maynu joogin, maanta halkan ayaa fadhina oo wax soo saar iyo wax-qabsi ayaa ka hadleyna. Meel aan shuruuc ka jirin in aad bankiyo furtaan waa rag ka rooni oo daruufta aad ku shaqeysan waa ogtihiin.”

Mudane Saalax ayaa waxa kale oo uu dul istaagay in xoogga la saaro wax soo saarka dalka, hanaanka maaliyadeed ee dalka, si ay Soomaaliya u hesho fursado caalami ah iyo sumcad intaba.

“Dowladnimada Soomaaliyeed waxaa lagu dul dhisaya kartida, karaamada, dadaalka Soomaaliyeed iyo shirkada Soomaaliyeed iyo Bankiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay munaasabad ay soo agaasimeen bankiyada dalka oo ka qabsoomtay Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qabta in sharciyada cusub ee ay sameeynayso ay yihiin kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, sidaas darteedna ay muhiim u yihiin dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Muxuu yahay ujeedka wafdiga uu Abiy usoo diray Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya Aadan Faarax.

Hoggaamiyaha xisbiga Barwaaqo waxaa kulankaas ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare.

Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo gaarsiiyay fariin uu kaga siday Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo.

Masuuliyiintaan ka socotay dowladda Itoobiya ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay sida ay Itoobiya u dooneyso xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee BFS ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnahaas la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdii uu ansixiyay goluhu mudadii ay joogeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay iskaashiga dowladda Itoobiya kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah oo Soomaaliya ay si weyn u dooneyso in la dagaalankooda lagu garabsiiyo.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag hab cajib ah dadka ku dhacayey + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku soo dhigay rag ku eedeeysan burcadnimo, kuwaasi oo dhac ka geysanayay isla degmada gudaheeda.

Raggaan oo gaaraya illaa saddex ayaa waxay laba kamid ah ku kala hubeysnayeen toorriyo iyo bistoolado caag ah, halka midka kaena uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj ay adeegsanayeen.

“Ciidanka Boliiska deegaanka Daarusalaam ayaa gacanta ku soo dhigay seddex kamid ah Burcadda Hubaysan kuwaaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in raggan sharciga la hor geyn doono, lana marin doono wixii ay ka helaan sharciga hortiisa.

“Sharciga ayaa la hor geenayaa waxa ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska usoo qabteen.”

Booliska ayaa isla maanta soo bandhigay laba eedeysane oo kale oo dhac ka geysanayay deegaanka Garasbaaleey, kuwaasi oo gacanta kusoo dhigeen ciidanka Booliska ee deegaankaasi.

Labada nin ee lasoo qabtay ayaa waxa uu mid kamid ah ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan GorGor, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

“Eedeysanaaya ayaa mid kamid ah ku hubeysnaay Bistoolad waxa uuna sheegay in uu ka Tirsan yahay C.X.D, gaar ahaan GorGor, halka midka kale uu yahay wade moota Bajaaj ay adeegsanaayeen.”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho kaga timid qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah burcaddii dhibaateyn jirtay bulshada.






Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga cusub ee arrimaha wada-hadalada Somaliland u qaabilsan dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo la xiriira wada-hadalada Somaliland iyo waafajijinta hal-ku-dhiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Ergayga kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee “Soomaali Heshiis ah,” kaas oo uu sheegay inay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada-jirka ummada Soomaaliyeed.

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markii la magacaabay 1-dii bishaan waxa uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulankii ay yeesheen uga wada-hadlay sida loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ku boorriyay Ergeyga inuu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee salka ku haya xal u helidda iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay Ergayga inuu xoogga saaro ka miro dhalinta hadafka dowladda federaalka ee ku qotoma in tabasho kasta oo jirta lagu wajaho wada-hadal iyo isu garaabid.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Dagaal Al-Shabaab ku dhex-maray JILIB + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa imanaya kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir.

Jaabir ayaa la sheegay inuu kamid yahay horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka kooxda ka tirsan ee weeraray guriga horjooge Jaabir ayaa waxay toos uga amar qaatan Mahad Karataay oo kamid ah hoggaanka sare ee kooxda, kadib khilaaf soo kala dhex-galay, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay shan xubnood ayaa ku dhintay dagaalkan tooska ah ee degmada Jilib ku dhexmaray kooxda, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray, kaas oo la sheegay inay qaateen isaga oo dhaawac ah maleeshiyaadkii soo weeraray.

Dhinaca kale, Dagaal-yahaano daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda Al-Shabaab Salmaan Muhaajir ayaa isku diyaarinaya inay weeraro ku qaadan xabsi ku yaalla gudaha Jilib, oo dhawaan lagu xiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaanib ah, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa shalay baahisay inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kooxda oo laba garab kala noqday, kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Khilaafka ayaa markii hore sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan Kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada Jubbaland.

Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Kabsuuma ay habeenimadii aheyd Khamiista gaari kala dageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda.

Maxamed Amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta, wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada Guriceel, sida warbixinta lagu sheegay.

Ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waana kan ay qorsheynayaan inay weeraraan xubnaha taabacsan horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda.

Si kastaba, Mahad Karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan horjoogaha cusub ee Ajaanibta Jacfar Suudaan oo kasoo jeeda Sudan, si ay uga taqalusaan garabkii Salmaan Muhaajir.

Sawirro: Taariikh cusub oo maanta lagu qoray VILLA SOMALIA xilli Xasan Sheekh uu qaabily saddex safiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taariikh cusub ayaa maanta laga qoray Villa Somalia, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah u hilmaamtay xusuusta dagaalkii 77, soona celisay xiriirka Cuba, oo ahaa dalkii u hiiliyey itoobiya, ee horseeday in laga adkaado Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada iyo Cuba ee Sooomaaliya loo soo magacaabay.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynuhu waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, danjiraha cusub ee Canada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah danjiraha dalka Cuba u fadhin doona Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxay danjireyaasha la wadaageen farriimo ay ka sideen madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan xiriirka ay la wadaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh iyo danjireyaasha Jabuuti, Canada iyo Cuba ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in soo celinta xiriirka dalka Cuba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa “Soomaali Heshiis la ah Dunida.”

Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya.

Cuba oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii.

Dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xilligaas xiriirka u jartay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyaga oo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas.

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.












Sawirro: Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay DF iyo dalalka safka hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Isku-duwidda Howl-gallada Ciribtirka Khawaarijta.”

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaya inta uu socdo isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, xilli uu soo gaba-gaboobay wejiga koowaad ee dagaalka.

Ujeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wejiga labaad ee howl-galka dib u xoreynta dalka, kaasi oo ay ka qeyb-gali doonaan ciidamada dalalka dariska ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey wasiirka gaashaandhigga JFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyada oo ay ka qeyb-galeen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaam taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Si kastaba, ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.








Dagaal mar kale ka qarxay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) –  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal markale saaka ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa SSC oo roondo waday iyo kuwa Somaliland oo si kadis ah isaga horyimid bariga magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday salaaddii subax kadib, isla-markaana uu soo gaaray illaa 7:00 subaxnimo, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa rasaasta iyo daryanka hubka laga maqlayay meelo ka baxsan aagga lagu dagaalamay.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada SSC ay dagaalkan ku qabsadeen gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.

Sidoo kalekale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay Laascaanood, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan.

Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Warbixin shaacisay tirada dadkii qaraxyada Soomaaliya ku dhintay sannadkii 2022

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha qaraxyada miinooyinka ah ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay.

QM oo warbixinteeda ku soo beegtay iyada oo maanta la maamuusayo maalinta loogu talagalay in la sameeyo wacyigelinta miinooyinka iyo in la dhiirrageliyo soo saaristeeda ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay ama kuwa ku dhaawac miinooyinka ee 2022-ki

Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya sanadkii tagay 2022-kii ay wayxeello gaarsiisay ,iino in ka badan 1,200 oo qof oo dhimasho & dhaawac soo gaaray, ayada oo warbixinta lagu sheegay in loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin guud, si loo soo afjaro halista taagan ee Miinooyinka iyo haraadiga walxaha qarxa.

Qoraalkan oo ay soo saartay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa wacyigelinta bulshada iyp dhiirragelinta kooxaha miinooyinka soosaara.

“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya” ayay tiri Anita Kiki.

Sidoo kale waxa ay boggaadisay doorka kooxaha gurmadka ee ka shaqeeya miino soo saarista, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,

Waa ay sii hadashay waxa ay hadalkeeda sii raacisay: “Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed” ayay mar kale qoraalka ku tiri Anita Kiki Gbeho.

Waxaa kale oo ay sii raacisay  “Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah” ayaa la raaciyay bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku badan moonooyina iyo haraadiga walxaha qarxa, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka degan goobaha looga tegay haraadigaas ee yaalla dalka.

PUNTLAND oo ka hortimid khidmad ay soo rogtay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hortimid khidmad ay dowladda Federaalka kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howlgala, xilli xiisadda labada dhinac ay sii korortay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyey mowqifka Puntland ee la xiriira xeerarka isgaarsiinta iyo khidmada dheeraadka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan quseyn xeerka la xiriira Isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Soomaaliya si iskeed ah go’aan uga gaartay.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri “inta laga gaarayo heshiis la xiriira dhaqaalaha, Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurka Puntland iyo xeerka isgaarsiinta iyo canshuuraha Puntland”.

Go’aanka maamulka Puntland ayaa yimid, iyadoo dowladda Federaalka ay hirgelineyso qorshaha khidmadda cusub, waxayna arrintan qeyb ka tahay khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo meeshii ugu xumeyd gaaray Janaayo 2023.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Si kastaba, go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Saciid Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sawirro: Safiirka Ethiopia oo la kulmay madaxda sare ee Somaliland kadib fashilkii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Amb. Delil Kedir Bushra ayaa shalay la kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Kulankan ayaa waxaa wasiir Kaahin ku wehlinayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu udaarna isbarasho iyo soo dhaweyn wasiirku u sameeyay Amb. Delil Kedir, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxay kulankooda uga wada-hadleen xaaladda nabad-gelyo ee Somaliland, xilli ay Laascaanood ka taagan tahay xiisad colaadeed, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Safiirka warbixin ka siiyey Nabad-gelyada buuxda ee ka jirta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horuumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabad-gelyada,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ayaa ugu dambeyntiina uga mahadnaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha soo dhowaynta uu u sameeyey.

Kulanka Safiirka Itoobiya iyo madaxda Somaliland ayaa imanaya xilli ay fashilmeen dhex-dhexaadin garwadeen ay ka aheyd Itoobiya, oo la rabay in xal looga gaaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dadaallada Itoobiya ayaa waxay horumar ka sameyn waayeen labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, “dadaallada Itoobiya ayaa u guul-dareystay kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya,” kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan.

Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaas god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Xaaladda Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo weji cusub yeelatay iyo halis soo korortay

0

Cape Town (Caasimada Online) – Xaaladda adag ee ay wajahayaan ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa haatan yeelatay weji cusub, ayada oo ay soo korortay halis kale oo ay wajahayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkaas.

Soomaalida ayaa markii hore lagu hayay dhac, dhaawac iyo dil ay kala kulmayaan burcad Koonfur Afrikaan ah, balse waxaa haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida.

Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hoggaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika ayaa ka faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinka afduubka ee lagu hayo ganacsatada Soomaalid ah

“Xaaladda si kale ayay isku bedashay, waxaana soo kordhay afduub,” ayuu yiri Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hogaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maalmihii u dambeeyay laba afduubtay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ahaa ganacsade dukaankiisa laga watay laba caruur oo Soomaali ah, kuwaas oo iyaga oo iskuul u socday waddada laga afduubtay.

Ceydaruus ayaa xusay in afduubayaasha ay qaadanayaan lacag madax furasho ah, isla-markaana ehellada dadka ay ku dhacday arrintaasi ay bixiyeen madax furasho.

“Afduubkani waa dhicii hore oo la casriyeeyay halkii ganacsiyadooda Soomaalida loogu tegi jiray inta sanadkan 2023-ka waa markii labaad,  muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa ayaa laga afduubay goobta ganacsigiisa muddo ka bacdina waa lasoo sii daayay hadda arrin ugu daran waxa ay tahay Soonkii kahor inyar ayaa waxaa dhacday ganacsade Soomaaliyeed ayaa laba wiil uu dhalay oo iskuulka u socday waddada laga kaxeystay , lana afduubtay, illaa iyo haddana waa la la’yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ceydaruus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in waxa geysanayaa dhibaatooyinkaas ay yihiin kooxo burcad Afrikaan ah, ayna yihiin kuwii horay dhaca iyo dila ku hayay Soomaaliyda.

“Waa burcad Koonfur Afrikaan uun oo qofka kaxeysaneyso oo afduubeysa wax kale oo caddeyn ah lama haayo oo aan aheyn inay Koonfur Afrikaan afduubanayaan” ayuu yiri.

Si kastaba, arrintan ayaa walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed, maadaama ay wajahayaan xalad adag oo amni darro ah.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero ku taalla Ruun-Nirgood + Khasaaraha

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay maanta weerar gaadmo ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana khasaare soo kala gaaray, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in la iska caabiyay Al-Shabaab.

“Qolada nabad diidka ahaa waxa ay sameeyeen weerar gaadmo ah ayay ku sameeyeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, marka waana laga hortegay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaare xoogan la gaarsiiyay xubnaha weerarka soo qaaday, dhankooda ay ka dhinteen laba askari oo kamid ahaa ciidanka deegaanka.

“Khasaare iyaga ayuu ku gaaray dad badan ayaa ka dhintay, annaga weerarkaas laba wiil ayaa nooga dhintay oo geesiyaal ahaa Allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana ay xaaladdu degan tahay.

“Waa la daba kacay, haddana waa la daba joogaa, waa ku guul darreysteen isku daygii ay sameeyeenm” ayuu markale yiri guddoomiyuhu

Ruun-nirgood oo dhowaan soo gashay gacanta dowladda ayaa waxaa todobaadkii hore weerar ku billowday qaraxyo ka fulusay Al-Shabaab, kaas oo khasaare badan geystay.

Maxay ka dhigan tahay in GUULEED loo magacaabo ergayga SOMALILAND?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah siyaasiyiinta ugu macnaha badan Soomaalida ayaa loo magacaabay ergayga dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Guuleed oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada ayaa markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah.

Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay wax horumar ah lagama sameyn wada-hadalada Somaliland, inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu xusho howshaan isla Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dadka qaar ku fasireen qirashada in Guuleed uu guul wax ku ool kasoo hooyay wejigii hore ee wada-hadaladii uu hormuudka u ahaa.

Xulashada in Guuleed ku haboon yahay booskan ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dadka arrimahaan faaqidaya waxay leeyihiin guuleed xasaasiyad badan kama qabto Somaliland, waana sababta caawisay doorkii hore, haddana abuureysa rejada labaad.

Midnimada waa mawduuc weyn, Somaliland waxay tirsaneysa nabaradii 1988 laakiin Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu ku jiraa siyaasiyiinta fara ku-tiriska ah ee aaminsan in la xalin karo tabashooyinka Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah.

Sidoo kale waxa uu qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.”

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen.

“Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Mareykanka oo howlgal ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa fuliyay howl-gal milateri oo lagu dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Suuriya, sida uu shaaciyay taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM).

Howl-galkan milateri oo shalay uu Mareykanka ka fuliyay gudaha Suuriya ayaa waxay noqoneysa dharbaaxadii ugu dambeysay oo soo gaartay koox mar cabsi ka abuurtay bariga dhexe.

Khalid ‘Aydd Ahmad al-jabouri ayaa mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarrada ISIS ee Yurub, isaga oo casriyeeyay qaab-dhismeedka hoggaanka ISIS, sida lagu lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Toddobaadkii hore, wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in Ruushku uu ka mudaaharaadayay isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Ruushka ayaa waxa uu ku tilmaamay “falalka daandaansi ah” ee ciidammada qalabka sida ee Maraykanku ka wadaan Suuriya.

Ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarkan, sida uu sheegay taliska CENTCOM.

Waxa uu intaas ku daray taliska dhexe ee Mareykanka in kooxdu “ay sii waddo inay matasho khatarta gobolka iyo meelo ka baxsan”.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6 ay howl-gal qorsheysan ku dileen gudaha Soomaaliya Bilal al-Sudani.

Al-Sudani ayaa kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, islamarkaana saameyn xooggan ku lahaa howl-gallada kooxda.

Mareykanka ayaa xilligaasi sheegay in al-Sudani uu soo gaaray inuu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, iyada oo markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.