30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Sawirro: Soomaaliya oo dib u billowday xiriirka dalka horseeday guuldarradii dagaalkii 77

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya.

Dowladda Cuba ayaa oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii.

Xiligaas dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xiriirka u jirtay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyagoo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa nuqul ka mid ah warqahada aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire cusub oo dowladda Cuba ay u soo dirsatay Soomaaliya.

“Kadib markii la aasaasay xiriir diblomaasiyadeed intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweyneynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka Wasiir Abshir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa sharaf ii ah inaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Cuba u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Juan Manuel Rodríguez.”

Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor.

Ruushka oo isku xilli ay xiriirka u jartay Soomaaliya isaga iyo Cuba, weli dib uma furan dafaaradiisii Muqdisho, balse burburkii kadib wax un cilaaqaad ah waa dhex mareen qaar kamid ah madaxdii soo hoggaamisay dalka.

Sawirro: Booliska oo war ka soo saaray khasaaraha qaraxii ka dhacay KM4 – Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin looga bixiyey qarax galabta ka dhacay degmada Hodan, kaas oo sababay dhaawacyada seddax qof.

Qaraxa ayaa waxa qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, kuwaasi oo ka yimid dhanka Tarabuunka, kuna sii jeeday Isgoyska Zoobe.

“KM4 agagaarka xarunta CID-da, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay gaari noociisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa  kolonyo Ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Qaraxaas waa la garan waayey waxa uu ka dhashay, waxaana loo badinayaa in gaariga ATMIS uu ka dhashay, sida ay Caasimada Online la wadaageen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Taliska booliska oo weli ku jaha wareersan nooca qaraxaas ayaa qoraalkaan ku yiri, “Qaraxa ayaa ka dhashay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qof oo shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.”

Booliska ayaa intaas ku sii daray inay socdaan baaritaano lagu ogaano waxa sababay qaraxaas, 3-da qof oo ku dhaawacmay qaraxaas waxay ahaayeen gabdho laamiga geeskiisa Qaad ku iibinayey.

“Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadda waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Hodan oo goobta soo gaaray daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay wuxuuna la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in khasaaraha nafeed ee qaraxaas ka dhashay uu ku egyahay dhaawaca 3-da hablood.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Hodan wuxuu sheegay in gaarigii uu qaraxaasi qabsaday ee ciidanka ATMIS aysan waxweyn gaarin oo lugihiisa uu ku socon karo.

Waxaa dib loo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, oo markii hore ay xirteen ciidanka ATMIS kadib markii uu dhacay qaraxa.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka nabdooneed qaraxyadii ay geysa jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah dagaalka gobollada dalka uga socda kooxda.

Sawirro: Shirka amniga qaranka oo arrimo muhiim ah lagu ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka iyo ciribtirka Khawaarijta.

Shirkan Amniga ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay shuruucda hor-tebinta u leh amniga iyo qaadista cuna-qabteynta hubka ee Soomaaliya saaran, taasi oo muddooyinkii dambe laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howl-gallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa waxaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee WAANO, taasi oo hoos-tageysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaal saddex jiho leh ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo laga gaaray guulo wax ku ool ah, kooxdana looga xoreeyay deegaano ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhawaan sheegtay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab, oo uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda, islamarkaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo ay ugu horeyso Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waaweyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.

Shabaab hubka ku kala gudbin jiray Bajaaj oo maanta la xakumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ahaa wade Mooto Bajaaj oo xubnaha kooxda ugu kala gudbin jiray hubka noocyadiisa kala duwan.

Maxamed Farxaan ayaa kooxda Al-Shabaab waxa uu kaga biiray Xamar bishii lixaad ee sanadkii hore, waxaana ku tashkiiliyay ku biirista kooxda saaxiibkiisa, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkan ayaa waxa uu tababar saddex maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey, waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, kadibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faa’isa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, sida ay warbaahinta dowladda kasoo xigatay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkan hubka Mooto Bajaaj ugu kala gudbin jiray xubnaha kooxda ayaa la sheegay in uu mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

“Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha. Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.”

“Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalana uu ka baxsaday gacanta ciidamada,” ayuu yiri xafiiska xeer ilaalinta ciidamada.

Maxamed Farxaan Bashiir ayaa waxa uu laamaha amaanka usoo gacan galay daba-yaqaada sanadkii hore ee 2022-ka, muddo uu baxsad ka ahaa cadaalada, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida, “ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.”

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday 19-kii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Decoding Guled’s appointment: Strategy or compromise?

Abdikarim Hussein Guled ‘s appointment received a mixed reaction from those it concerned. President Muse Bihi and his team in Hargeisa have called to congratulate him on the new role. SCC-Khatumo went a further step and issued a statement in which it both welcomed him and distanced itself from his mandate. Having noted this, a couple of things need to be said about his appointment.

First, Guled belongs to the Sacad clan of the Habar-gidir, who are counted as allies by the Isaaq elites in Somaliland. This puts him in a tight position. On the one hand, the ululation for his appointment in Hargeisa reflects that he is expected to be a friend rather than a neutral facilitator. On the other hand, the Daarood elites, key stakeholders in the talks, may watch him carefully and expect him to bring Somaliland back to the union with no major compromises. 

More importantly, Guled led the stalled talks between Somaliland and Somalia’s federal government. None of the points agreed upon in that meeting were implemented, including the contentious issue of aviation. The expectation, therefore, is that Guled should pick up where the process was left off. Already, one of the opposition parties in Somaliland, UCID, made a remark to this effect. However, neither Mohamoud nor the federal member states would accept such a concession. 

Second, President Hassan Sheikh Mohamud’s appointment is more tactical than substantive. It is part of his strategy of eliminating his possible contenders for the 2026 elections, one by one in the political process. Look no further than Abdirahman Abdishakur, whose appointment as the envoy for the drought dried up his political party. Almost everyone left him because he was in a position without a portfolio, where he could not benefit his followers in any way remotely comparable to his boss and friends.

As for the present appointment, in addition to its likely effect on the upcoming reshuffle, it may embroil Guled in the same dilemma as AA. It may also further put him in a difficult position where his master erects more complications than necessary to make sure that he fails in this role. This sinister intention is particularly likely to be made easier by the fact that the issue is more complex than the eye captures, as Guled himself acknowledged. For this reason, the messenger is more important than the message.

Having highlighted the problems apparent in the appointment, the following could be a better alternative to approach the issue: 

  • Set up a ministry dedicated to the unification, staffed by lawyers and experts in international relations, to explore options and possibilities in which Somaliland could be engaged.
  • Leadership of the ministry should be drawn from Somalis other than the Daarood and Dir elites. Hawiye, too should be included in the precluded list since the administration in Hargeisa drums up the Irir rhetoric at a time when the Hawiye is at the helm of the power in Somalia.

Abdifatah Ismael Tahir is former member of Somali Parliament and Research Associate at The University of Manchester.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM-4 oo ay ku yaallaan goobo ganacsi oo waaweyn iyo xarumo dowladeed.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegaya in uu qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin.

Kolonyada ciidamada ATMIS ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Tarabuunka, islamarkaana ay kusii socdeen dhinaca Isgoyska Zoobe.

Qaraxan ayaa dhaliyay khasaare kala duwan, waxaana cirka isku shareeray qiiq iyo uuro uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada ATMIS ay rasaas badan fureen kadib markii uu dhacay qaraxa, illaa haddana si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada.

Waxaa gebi ahaanba hadda xiran waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, waxaana hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

QM oo qaaday tallaabo ka dhan ah Somaliland oo la xiriirta SSC

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in gargaarka gobollada SSC oo horey loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay usoo wareejiyaan dhinaca Puntland, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee xukuumadda Somaliland iyo SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa timid kadib markii tirakoob la sameeyay ay soo baxday in dadkii ka baracay colaadda Laascaanood ay badi ku sugan yihiin Garoowe iyo deegaanada hoosyimaada gobolka Sool oo ay gacanta ku hayso SSC, oo iyadu diiday in dadkeeda gargaarka loo soo marsiiyo Somaliland.

Hay’adda UNICEF ee QM ayaa shalay saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar iskugu jira daawo iyo qalabka nadaafadda geysay magaalada Garoowe, si loo sii gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka kasoo barakacay dagaalka Laascaanood.

Garaadada SSC ayaa la sheegay inay ka gil-gisheen in mucaawinooyinka beesha caalamka iyo deeqaha kale ee loogu tala-galay dadkooda loo soo wareejiyo dhinaca SSC, oo aan loo soo marin Somaliland, oo iyadu weli diidan in gobolllada SSC ay gacanteeda ka baxaan.

Somaliland ayaa culeys badan ka wajaheysa caalamka tan iyo markii uu billowday dagaalka, iyada oo dhawaan uu Mareykanka uu luuqad adag kula hadlay xukuumadda Somaliland, oo lagu eedeeyay inay Laascaanood ka geysatay duqeymo aan loo meel dayin.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku andacooneysa in caalamka uu rumeystay haddalada iyo dhawaaqyada kasoo yeeray dhinacyada kasoo horjeeda ee Puntland iyo SSC, oo iyagu laadii bilood ee dagaalka socday weerar ku ahaa ciidamada Somaliland, oo ay sheegtay inay ku koobnaayeen is-difaac.

Dacwadda Donald Trump: Maxaa maanta dhacaya?

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.

Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump, oo ah madaxweyne hore oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada hortagaya maxkamadda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka.

Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor iman doono 2:15pm Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada.

Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan.

Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar u noqon doonaan.

“Saraakiisha waxaa la geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York.

Kahor inta aan dacwadda lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016.

Daniels ayaa sheegtay in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray.

Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024.

Dacwadda Trump ayaa ka dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga
Trump ayaa sheegay inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo siyaasado ay dhiiri-geliyeen.

Reuters, VOA

Manhattan prepares for Trump’s court debut

NEW YORK, Caasimada Online) – New York City is preparing for the arraignment of former President Donald Trump on Tuesday, as he faces criminal charges related to hush money paid to a porn star ahead of the 2016 election.

Security measures are being tightened around Manhattan, particularly near Trump Tower and the Manhattan Criminal Court building, where demonstrations are expected.

The former president plans to travel from his Mar-a-Lago estate in Palm Beach to New York City on Monday.

According to an adviser, he will spend the night at Trump Tower before appearing at the courthouse on Tuesday morning.

Trump’s lawyers said he would enter a not-guilty plea during the arraignment, scheduled for 2:15 p.m.

New York police have erected barricades around the courthouse and Trump Tower in anticipation of protests.

The New York Police Department released a statement saying, “Officers have been placed on alert, and the department remains ready to respond as needed and will ensure everyone can peacefully exercise their rights.”

In addition to these measures, some courtrooms on the higher floors of the courthouse will be shut down as part of the security precautions.

The charges and legal strategy

While the specific charges from the grand jury indictment have not been disclosed, the investigation has centered around a $130,000 payment to adult film actress Stormy Daniels, who claimed she was paid to keep silent about a sexual encounter with Trump in 2006.

Trump has denied the affair and maintains his innocence. His allies argue that the charges are politically motivated, stemming from an investigation led by Manhattan’s Democratic District Attorney, Alvin Bragg.

Joe Tacopina, one of Trump’s lawyers, stated that the defense team would “dissect” the indictment once it is made public and explore “every potential issue” to challenge the charges.

Tacopina anticipates filing a motion to dismiss the case at some point.

Public response and legal proceedings

U.S. Representative Marjorie Taylor Greene expressed her support for Trump, tweeting an invitation to join her at a protest near the courthouse on Tuesday.

She stated, “They’re not coming after President Trump; they’re coming after us. He’s just in their way.”

Trump is expected to appear before Justice Juan Merchan, who also presided over a criminal trial last year involving Trump’s real estate company, which was convicted of tax fraud. Trump himself was not charged in that case.

The judge has requested both sides to submit their positions on allowing cameras and video in the courtroom and will decide on Monday.

Meanwhile, Trump’s lawyer, Tacopina, said it is unlikely there will be a “perp walk” due to security concerns, as the Secret Service protects former presidents.

Trump’s political future

Donald Trump, now 76, served as president from 2017 to 2021 and announced his bid in November to run for the presidency in 2024.

If successful, he would deny Democratic President Joe Biden a second term in office.

The outcome of this case could significantly impact Trump’s political ambitions and his standing within the Republican Party.

Following the arraignment, Trump will return to Florida and deliver remarks at Mar-a-Lago at 8:15 p.m. on Tuesday (0015 GMT on Wednesday), as announced by his office.

As the legal battle unfolds, the nation will watch closely how the former president navigates these uncharted waters, making him the first U.S. president to face criminal charges.

SSC oo war lama filaan ah kasoo saartay magacaabista Cabdikariin GUULEED

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee SSC ayaa ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan noqday ergeyga arrimaha Somaliland, kadib markii uu maalin kahor u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

SSC ayaa marka hore shaacisay inay soo dhaweyneyso magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay uga soo shaqeeyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, balse waxa ay isamadu sheegeen in arrintan aysan quseyn xiisadda magaalada Laascaanood.

Mid kamid ah ismida dhaqanka ee SSC oo lagu magacaabo Garaad Saleebaan ayaa xusay in dhankooda aysan wax shaqo ku laheyn wadahadaladaasi, balse ay guul u rajeynayaan.

“Annagu wada-hadaladaas nama quseeyaan. Wixii Soomaali weyn ka tahay baynu ka nahay, waanse jecelnahay in wada hadaladaas ay miro dhalaan oo Soomaali midowdo, iskuna soo noqoto,” ayuu yiri Garaad Saleebaan oo u hadlay SSC.

Sido kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu ay doonayaan sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen Soomaaliya, si ay dadkooda iyo walaalahooda wax ula qaybsadaan.

“Waxaan u dhimanaynaa oo dhulkeenna loo burburinayaa inala go’a”, innaguna waxaan leenahay “idinla go’imayno”,” ayuu markale yiri Garaad Saleebaan.

Dhankiisa waxaa horay magacaabista Cabdikariin Xusee Guuleed horay usoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabid, isaga oo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dhanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Odinga’s unexpected shift: Dialogue over disruption

NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) – In a surprising turn, Kenyan opposition leader Raila Odinga announced on Sunday that he is calling off the planned “Mega Monday” protest scheduled for April 3.

Instead, he will engage in dialogue with the government after two weeks of chaotic street demonstrations.

The protest’s cancellation came after President William Ruto proposed the creation of a bipartisan parliamentary committee to address concerns over the electoral process.

The opposition, however, reserves the right to resume demonstrations if meaningful engagement is not achieved.

Escalating tensions 

Since anti-government protests erupted on March 20, three people have died. Businesses and properties have been looted, causing alarm among Kenya’s neighbors and allies.

Kenya is considered a stable democracy in a volatile region. International entities such as the United States, Britain, and the African Union have called for restraint and a peaceful resolution to the chaos.

During a nationwide address earlier in the evening, President Ruto urged Odinga and the opposition to work through parliament rather than take to the streets.

“I urge my brother Raila Odinga, and the opposition, to call off the demonstrations and to give this bipartisan approach a chance for us to take the country forward,” Ruto said, imploring Kenyans to remain peaceful and law-abiding.

The struggle for power

Odinga, a five-time presidential election loser, has accused President Ruto of stealing last year’s elections and refuses to recognize him or his government. He recently released new claims that “prove his victory” in the election.

In response to the proposed bipartisan parliamentary committee, Odinga cautiously accepted the offer, stating that his party “reserves the right to call for demonstrations should this process not bear fruit.”

During his press conference, he emphasized the importance of maintaining constitutional rights to assemble, demonstrate, petition, and speak.

However, President Ruto has made it clear that he will not form an alliance with his rival, stressing the importance of preserving accountability and oversight within the government.

“Once you compromise accountability and oversight, you are in much trouble,” Ruto said.

He added that the focus should be on engaging the opposition on issues important to the Kenyan people, ensuring that the system of checks and balances remains intact.

Press freedom under threat

The ongoing unrest has also significantly impacted press freedom, with the Media Council of Kenya reporting at least 25 cases of attacks on journalists “at the hands of state and non-state actors” during the demonstrations.

The United States expressed deep concern about these incidents on Friday, highlighting the importance of safeguarding freedom of the press amid political turmoil.

The international community will closely monitor the situation as Kenya moves towards a possible resolution through dialogue and a bipartisan parliamentary committee.

With the government and the opposition seeking a peaceful end to the chaos, the country’s democratic stability hangs in the balance.

Daawo: Xogta iyo wararkii u dambeeyay ee ‘khilaafka ka dhex qarxay’ Al-Shabaab

0

Jilib (Caasimada Online) – Waxaa haatan cirka isku sii shareeraya khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa si faah-faahsan looga hadlay khilaafka u dhexeeyay hoggaamiyeyaasha kooxdan oo laba garab kala noqday.

Khilaafka ayaa sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan Kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada Jubbaland.

Warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Kabsuuma ay habeenimadii aheyd Khamiista gaari kala tageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda.

Maxamed Amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta, wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada Guriceel, sida warbixinta lagu sheegay.

Ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna tani sii hurineysaa khilaafka ka dhex jira Al-Shabaab.

Khilaafkan ayaa daba socda xilka qaadistii lagu sameeyay Salmaan Muhaajir oo mar dambe xabsiga la dhigay, kadibna lagu beddalay nin kale oo lagu macaabo Jacfar Suudaani.

Mahad Karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan ninkan kasoo jeeda Suudaan, si ay uga taqalusaan garabkii Salmaan Muhaajir.

Si kastaba, khilaafka dhanka maamulka ee ka dhex jira Al-Shabaab ayaa marar badan soo noq noqday, wuxuuna sababay in dhowr jeer ay dhexdooda wada dagaalamaan.

Muxuu madaxweyne Muuse BIIXI ka yiri magacaabista Cabdikariin GUULEED?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nagacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin kahor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan ka fahamsan siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu rajo wanaaagsan ka muujiyay inay markale dib u billaaban doonaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo horay hakad u galay.

Dhankooda mucaaradka Somaliland ayaa shalay soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac.

“Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin kahor Madaxweynihii hore ee Galmudug CabdikariimGuuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Fallanqeyn: Ergada gaarka ah ee madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kordhayay bilihii u dambeeyay, tan iyo dib u doorashadiisii 15-ka May 2022-ka.

Madaxweynaha ayaa wax ka yar sanad magacaabay 4 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sagaal maalmood kadib doorashadiisi madaxweynaha waxa uu 24 May, 2022 u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya

Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa 14-kii August 2022-ka wuxuu umagacaabay Ergayga u qaabilsan Dallada Bulshada Bariga Afrika, isaga oo madaxweynaha uu dardar-gelinayo qorshaha kamid noqoshada dalladaasi.

Xasan Sheekh ayaa maalin kahor waxa uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ergayga gaarkanah ah ee u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada.

Isla shalay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ergeyga arrimaha Somaliland u magacaabay madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee isla shalay uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh. Waana laba nin oo miisaan siyaasadeed oo culus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xil-saaray iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Si kastaba, Magacaabista shalay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay sanad-guuradii koowaad ee markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland oo ka hortimid magacaabista Guuleed, kuna tilmaamtay ‘mid dulmi ah’

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay sameeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland, iyada oo ku doodey in xilligeeda la joogin magacaabistabuu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday madaxweynaha lagu dulminayo xuquuqda gobollada SSC, oo xilligaan ay is-hayaan xukuumadda Somaliland.

“Maanta waxaa u baahan in xuquuqdooda la ilaaliyo dadkii ku noolaa magaalada Laascaanood ee guryahoodii laga barakaciyay oo in ka badan 80,000 ay Itoobiya u barakaceen oo ay geedaha hoostooda ku jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Puntland Maxamuud Dirir.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya xilligaan oo dagaal ka socdo xarunta gobolka Sool ee Laascaanood looga fadhiyay magacaabidda ergayga arrimaha bini’aadinnimo ee dadka ku barakacay colaadda ka taagan gobolkaasi.

“In aad u magacowdid (madaxweyne) ergay gaar ah oo beesha caalamka kala shaqeeya isku dubaridka gargaarka looo fidinayo dadkaas, si ay guryahoodii ugu noqdaan ayay aheyd maanta oo lagaga fadhiya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalia.

Si kastaba, Puntland ayaa hore qiil uga dhigatay Somaliland, oo ay sheegtay in aan dastuurka la dhameystiri karin illaa laga keenayo Somaliland, kadib markii ay ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.

DF oo war cusub kasoo saartay khilaafkii ka taagnaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay khilaaf ka taagan xiriirka kubadda cagta.

Labada garab ee isku haya xiriirka kubadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ku qabsaday laba doorasho oo iska soo horjeeda, ayada oo laba garab mid walba iskii u doortay guddoon.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay doorashadii hoggaanka xiriirka.

“80% is-afgarad ayaa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii hoggaanka doorashada xiriirka kubbada cagta Soomaaliay,” ayuu yiri Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre.

Waxa uu sheegay in Cali Shiino uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee ay aqoonsan yihiin, isaga oo wasiirku xusay in dhawaan la qaban doono xaflad la isugu keenayo dhinacyada isku haya xiriirka, “si guud ahaan loo dhameeyo khilaafkii muddada ka jiray xiriirka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay  diyaarinayaan siyaasadda qaran ee Isboortiga dalka, taasi oo uu sheegay inay hagayso isboortiga dalka, si looga baaqsado khilaafyada inta badan ka dhasha arrimaha la xiriira.

Cali Shiino ayaa kamid ahaa guddoonka bishii Febraayo ay labada garab ku doorteen magaalada Muqdisho iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo labaduba isku haystay hoggaanka doorashada xiriirka.

Khilaafka ka taagna xiriirka iyo doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhacay ayaa mugdi galisay mustaqalka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, inkasta oo haatan ay muuqato in wasaaraddu ay isku soo dhaweysay dhinacyadii is-hayay, si hoggaan mid ah u yeesho xiriirka.

Daawo: Muxuu ahaa ujeedka SHIRKA uu xalay guddoomiyay Madaale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta taliska guud ee qaybta gobolka Banaadir.

Shirkaan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka amniga siyaasadda ee gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka, taliyaha booliska gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada booliska ee degmooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kulankan oo uu jeedkiisa ku sheegay inuu ku saabsanaa is barasho, maadaama todobaadkii hore taliyeyaal cusub loo magacaabay qaybaha booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada degmooyinka.

“Waxaa halkan ka dhacay shir ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir dhammaantood iyo saraakiisha Booliska, waxaa looga hadlaayay amniga Muqdisho iyo sidii ay isku baran lahaayeen taliyeyaasha lasoo magacaabay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta uu socday shirka diiradda lagu saaray ammaanka guud ee caasimada, isla-markaana la’is dhaafsaday xogo badan oo la xiriira amniga.

“Waxa uu ahaa kulan aad iyo aad u qiimo badan oo wax badan la’is dhaafsaday,” ayuu sii raaciyay guddoomiye Yabooh.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidanka Booliska iyo kuwa NISA ee haatan howlgallada ka wada degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay in guul laga gaaray.

“Sida aad ogtihiin maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ammaankeeda aad iyo aad ayuu usoo hagaagayay ilaahbaa mahad leh waqti iyo juhdi ayaana lagu bixiyay, waxaan aad iyo aad u amaanaa ciidanka booliska iyo kuwa NISA sida ay u wada shaqeeyeen” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada ay ka socdaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal-weerada.

Sawirro: Cabdi Xaashi oo arrimaha Somaliland kala hadlay ergeyga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay Ergeyga arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Somaliland ka soo jeeda.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka yahay wadatashiyo taxane ah oo uu la yeelan doono masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada.

Guuleed ayaa bilaabaya fikrado uruurin ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland ee loo igmaday, waxaana laga doonayaa inuu xal dhab ah ka keeno arrimaha is diidan ee labada dhinac.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa aad looga jecelyahay koonfurta Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland ayaa ergeyga cusub la wadaagay sooyaalkii taariikheed ee labada gobol ee waqooyi iyo koonfur – Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Arrimaha kulankaan lagu gorfeeyey waxaa ka mid aha aka sheekeynta taariikhda midnimadii la yagleelay sanadkii 60-kii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo xafiiska Ergeyga gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u igmatay arrimaha Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha Aqalka Sare xogtii iyo talooyinkii uu siiyo, kuwaas oo Guuleed uu ku tilmaamay “dhaxalgal.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa garwadeen ka noqonaya midnimo ama kalago’ wixii ay isku afgartaan Soomaaliya iyo Somaliland oo hadda habayaraateen wax un wadahadal ah aysan u socon.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in ergaygaan, Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu Soomaaliya ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha waxa uu soo bilaabay wadahadallada labada dhinac, in kastoo markii dambe ay fashilmeen, kadib markii dowladdii uu hoggaaminayey Farmaajo ay ku guul-dareysatay inay sii wado wadahadallada Somaliland.

Daawo: Cali Jeyte oo laba khatarood oo waaweyn uga digay dadka reer Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin u diray dadka reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada ku nool magaalada Beledweyne, isagoo uga digaya laba khatarood.

Khatarta koowaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa fatahaad laga cabsi qabo in wabiga Shabeelle uu ka geysto magaalada Beledweyne iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in digniino culus oo khatarta fatahaadda ku saabsan ay ka soo gaarayaan dhanka dalka Itoobiya oo wabiga Shabeelle uu ka soo burqado.

“Reer Hiiraan iyo guud ahaan reer Hirshabeelle waxaan u sheegayaa in dhulka uu maro wabiga Shabeelle ay naga soo gaarayaan farriimo digniin ah, dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida ayey naga soo gaarayaan digniinahaas,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa carrabka ku adkeeyey in uusan ku talineyn in hadda laga sii qaxo Beledweyne iyo goobaha kale ee fatahaada uu ka geysan jiray wabiga Shabeelle, balse uu dadkiisa ugu baaqayo inay feejignaadaan.

Farriinta labaad ama khatarta labaad ee Cali Jeyte uu ka digay waa dhagarta Al-Shabaab, isagoo dadka reer Hiiraan ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dhagarta uga imaan karta kooxdaas ay dagaalka adag la galeen.

“Waxaan ku war gelinayaa dadka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan cadowga dhagarqabaha ah ee dagaalka ba’an ay la galeen, hadda waxaan ku jirnaa qorshihii ugu dambeeyey ee lagu ciribtiri lahaa, waxaana ku amaanayaa ciidamada geesiyaasha ah ee u diyaar garoobay soo afjaridda cadowgaas,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Digniintaan ka soo yeertay guddoomiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadeysa iyadoo dalka uu ka curtay roobka Guga, isla markaana digniino badan laga soo saarayo fatahaado ay geystaan wabiyada mara Soomaaliya.

Dhawaan wabiga Jubba ayaa fatahaad ka geystay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo in ka badan 10 qof ay fatahaaduhu ku dileen, sidoo kale xoolo iyo guryo ayuu baabi’iyey wabiga Jubba oo fatahaad ka geystay gobolka Gedo.

Hoos ka daawo Cali Jeyte

Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay magacaabistii uu sameeyay Xasan Sheekh

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac.

Guddoomiye Waraabe ayaa waxa uu sheegay in Ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo magacaabay Somaliland uu wax badan ka soo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada.

“Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa xusay in Cabdikariin Guuleed uu kaalin ku lahaa wada-hadalladii dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Jannaayo 19, 2014-kii.

“Wax badan oo heshiis ku aheyn wada-hadalladii ay nala galeen dowladdii Xasan Sheekh oo markii uu yimid Farmaajo la baabi’iyay ayaa dooneyna in aan ka wada-hadalno. Waa in wixii aan ku heshiinay iyo waxa wada qabsan karnaba marka hore ka wada-hadalno.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.