30.6 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Militariga Somaliland oo ku dhowaaqay dagaal cusub

Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland ayaa markale sheegay inuu qaadayo tallaabooyin milater oo horleh, kadib dagaalkii shalay magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Somaliland oo hore u iclaamisay inay qaadeyso dagaal qorsheysan ayaa waxay markaan sheegtay inay dharbaaxo kulul ku dhufan doonto ciidanka huwanta ee isgarbasanaya, sida uu warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha u sheegay Jeneraal Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland ayaa waxa uu yiri “Ciidanka qaranku howl-galadiisii dagaal wuu sii laban laabayaa, talaabo lama ilaawaan ah ayay ka qaadi doonaan huwanta.”

“Niman soo duulay iyo argagixiso kusoo dhex dhuuntay iyo maamulka Puntland oo hadeer cadeystayba ayaa howsha dagaalka keenay,” ayuu yiri Jeneraal Bootaan oo sheegay in Somaliland aysan dhibaato ku aheyn dadka reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay shalay, gaar ahaan xerada Gooja-cadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay, ayna ka guuleysteen huwantii dagaalka kula jirtay, sida uu sheegay.

Dagaalka Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalkan u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa ku doodeysa in labadii bilood ee dagaalka socdo ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin, ayna ku koobneed is-difaac, balse hadda kadib aysan sii ahaan karin oo ay qaadeyso weeraro qorsheysan.

Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan dastuurka oo heshiis laga gaaray + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka, isaga oo shaaciyey in heshiis laga gaaray qodobada dastuurka qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka, oo soo jiitamayay muddo dheer.

Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda Dan-Qaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.

Ra’iisul Wasaaaha ayaa sheegay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.

Sidoo kale waxa uu is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahan yihiin wada-xaajood siyaasadeed, isaga oo xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardar’geliyaan howlaha horyaalla.

Mudane Xamza ayaa sheegay in shan kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, federaaleynta garsoorka, qaab-dhismeedka amniga qaranka iyo federaaleynta maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howl-galeen masuuliyaddii loo igmaday, islamarkaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.

Firaaqa ku yimid dagaalka Al-Shabaab oo ay ka dhalatay saddex dhibaato oo weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr bilood kahor sheegtay inuu dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, loona diyaar-garoobayo wejiga labaad.

Tani waxay dhashay in aanay dowladda dagaallo qorsheysan qaadin, taas caksigeedana kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay.

Hakadka ku yimid howl-galadii dardarta ku socday ee dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay Al-Shabaab ka faa’iiday saddex arrimood, oo kala ah; 

1. Lacag aruursi: Sida aan kasoo xiganay qaar kamid ganacsatada Muqdisho tan iyo markii uu hakadka ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee dowladda ku haysay Al-Shabaab waxaa bilowday in kooxda ay dib usoo cusbooneysiiso lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay ganacsatada Muqdisho.

Mid kamid ah jihooyinkii laga naafeeyay kooxda Al-Shabaab ayuu dhaqaaluhu ahaa, laakiin fursadan waxay kooxdu uga faa’iideysatay dhaqaale aruursi xoog leh.

Xogaha dheeriga ah ee mawduucan la xiriira ayaa waxay sheegayaan inay kooxdu u hanjabtay ganacsato ka cago jiiday bixinta lacagaha, taas oo keentay inay ganacastada qaar ka cararaan magaalada Muqdisho.

2. Aargoosi: Al-Shabaab waxay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda beelaha uu dagaalku kala dhaxeeyo muddooyinkii lasoo dhaafay. Fursada ay ka heleen dagaaladii cuslaa oo ka istaagay ayaa loo arka inay keentay in dadku isdhigtaan, iyaguna aargoosi sameeyaan.

3. Weeraro joogto ah: Kooxda Al-Shabaab waxay maalmo kahor weerar ku qaaday fadhiisimo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne iyo deegaanka Baarsaguuni ee gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose

Tan iyo markii dagaalada cuslaa laga joojiyay kooxda waxay Al-Shabaab weerar ku qaaday Galcad, Janaay-Cabdalle, Ruun-Nirgood iyo goobo kale, halkaas oo khasaarooyin badan ka dhasheen.

Inay kooxdu awoodo in weerar abaabulan ku qaado fadhiisimaha ciidanka dowladda Soomaaliya waxaa loo sababeeynayaa firaaqa ka dhashay ku mashquulka dowladda ee isku diyaarinta wejiga labaad ee dagaalka.

Intaan ka badan ma la sugi karaa Al-Shabaab?. Dadka arrimaha amniga ku takhasusay waxay sheegayaan in hab qaldan dowladda u wajahday kala wareega labada weji dagaal, taas oo dhashay firaaq faa’iido siiyay kooxda Al-Shabaab.

Intaan ka badan in aan la sugi karin oo ay tahay in dowladdu si uun u billowdo wejiga labaad ee dagaalka ayaa kamid ah tallooyinka lasoo jeediyay.

Wararku waxay sheegayaan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku jirto maalmihii udambeeyay ee diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, balse waxaa tallooyinka la bixiyay kamid ah in qeyb kamid ah shaqada dagaalka lasii wado, si loo dhimo fursadaha kooxda iyo dhibaatooyinka ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dowladda.

Somaliland issues threat: Tensions soar in LasAnod

LASANOD, Somalia (Caasimada Online ) – Somaliland Army’s 12th Brigade Commander, Faisal Abdi Botan, announced the army’s intent to launch an offensive against the SSC-Khatumo forces in LasAnod after heavy fighting erupted again on the town’s outskirts last Saturday.

Speaking to Somaliland-owned media from the Goja-Adde command near Las Anod, Botan emphasized that the national army would take “an unforgettable” step against the enemy while intensifying its operations.

The commander accused the Puntland administration of playing a role in the conflict and claimed that the opposing forces suffered heavy losses during Saturday’s skirmishes.

In contrast, SSC elders’ committee spokesman, Abdirizak Mohamed Hassan, asserted that they had killed 100 Somaliland soldiers and wounded another 100, adding that they had defeated the Somaliland army in the war.

Despite mediation efforts by various parties, attempts to reach a ceasefire have been unsuccessful.

While both sides have announced ceasefires at different times, the fighting has continued unabated.

US calls for de-escalation

The United States State Department recently expressed growing concern over the ongoing violence in LasAnod, a disputed town in northern Somalia.

In a statement released last Friday, the State Department urged “adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution.”

The statement also warned that “continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis.”

As a show of commitment to peace, the US called on Somaliland to withdraw its security forces and requested militias in Las Anod to cease any offensive actions against Somaliland forces.

Devastating impact on civilians

The conflict between security forces and clan fighters in Las Anod has resulted in more than 200 deaths within a month.

The fighting, which began on February 6, has caused significant damage to infrastructure and homes.

The mayor of Las Anod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes.

The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle.

The conflict trigger 

On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in Las Anod to discuss resolving the conflict.

They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia.

They also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally.

The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence.

LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia.

The ongoing conflict over this strategic location has intensified tensions between the two sides, further complicating prospects for a peaceful resolution.

Somalia: Campaign against al-Shabab must continue after the guns fall silent

An ongoing counterinsurgency offensive in Somalia in recent months has put the al-Qaeda-affiliated al-Shabab terror group on the run. The challenge now is to ensure that these gains are consolidated, and the momentum is maintained and leveraged for sustainable post-conflict stabilisation.

After a deadly hotel siege that killed more than 20 people in Mogadishu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud last August declared an “all-out war” on al-Shabab, reiterating his government’s commitment to redouble and intensify efforts in the fight against the militant group. Al-Shabab has carried out several daring attacks since Mohamud’s election last May, in addition to a cross-border incursion into Ethiopia and a raid on a military base on the Ethiopian-Somali border, both in July.

In line with current counterinsurgency thinking, Mohamud’s “all-out war” on al-Shabab is much more than a purely military campaign. It has three main components: ideological, financial and military. 

On the ideological level, Mohamud’s government has embarked on an effort to combat violent extremism. To that end, it has recruited the support of religious scholars to counter al-Shabab’s ideology, while also adopting the “Khawarij” label to describe the armed group, in a bid to strip it of religious legitimacy.

On the financial side, Mohamud’s campaign has included measures and mechanisms aimed at countering al-Shabab’s financing. The country’s Financial Reporting Centre is entrusted with regulating the flow of cash from all financial institutions, while the government is also introducing a Personal Identification Number (PIN) system for all Somalis to identify and track all financial transfers. 

Additionally, work is underway to tighten existing anti-terrorism financing and money laundering regulations, such as the 2016 Anti-Money Laundering and Countering the Financing of Terrorism Act, to shut down revenue flows to al-Shabab. Somali officials have also said that the government has closed around 250 bank accounts and suspended more than 70 mobile telephone numbers linked to the armed group.

Major setback

Militarily, since the president’s announcement, Somali security forces, aided by US Africa Command air strikes and local clan militias, have been engaged in high-intensity operations that have succeeded in dislodging al-Shabab from large swathes of territory in central Somalia, namely in the Hirshabelle and Galmudug states. Turkish military advisers have reportedly been assisting in operating armed drones supplied by Ankara. 

On 16 January, the Somali National Army, supported by allied local clan militias, captured several areas in Galmudug state, including the strategic coastal port town of Harardhere, northeast of the federal capital Mogadishu. This was a major setback for al-Shabab, as the town was a critical node in its supply chain.

But the operations have created logistical challenges for Somali forces amid overstretched supply lines and shortages of ground troops necessary to hold liberated territory. This has slowed planning for the expansion of offensive counterinsurgency operations, mainly towards the South-West and Jubaland states. In addition, al-Shabab has responded with a series of failed counterattacks and high-profile attacks against government and civilian targets in urban centres, including Mogadishu. 

The group has been pushed out of large areas before, only to regroup and recapture those areas, taking advantage of haphazard post-conflict stabilisation and reconstruction efforts. One failure of past efforts in Somalia stemmed from a lack of inclusive political and civic dialogue to determine priorities. Tensions between the federal government and federal member states have often undermined post-conflict reconstruction and peace-building efforts in the country.

Developing a roadmap

Yet, as the current counterinsurgency operations continue to make gains, there are signs that the federal government is looking towards post-conflict stabilisation in areas recently captured from al-Shabab. In November, the government announced that it would reopen schools in seized territories, with school supplies already sent to Hirshabelle state. 

So far, such stabilisation moves remain ad hoc, and do not seem to be part of a well-coordinated roadmap that could inform the government’s policymaking. In the past, the local populations of areas seized from al-Shabab have had little hope of benefitting from a weak government that could not provide requisite security and development. The armed group has often capitalised on the state’s failure to stage comebacks.

And in a country deeply divided along clan lines, the government’s reliance on a hodgepodge of clan militias for its counterinsurgency offensive is fraught with risks. It is unclear how long the anti-al-Shabab sentiment will provide the glue that keeps this alliance together. Experience shows that, when government forces have captured places from al-Shabab in the past, local clan disputes – kept under the lid of jihadist repression – have tended to come to the fore. The clan conflict between the Ayr and Duduble clans in Dhusamareb is a case in point

This underscores the importance of inclusive dialogue between relevant federal government, federal member state and civilian stakeholders in planning and setting priorities for development and reconstruction, which are important components of stabilisation in recently captured territories after the guns have fallen silent. 

Dialogue should also aim to tackle issues such as the sharing of power and resources at the national, regional and local levels. State failures and a lack of meaningful progress have long created a breeding ground for civil strife, terrorism and insurgency in Somalia. It is high time now to make every effort to ensure coordinated and effective post-combat stabilisation action, in order to prevent a relapse of violence or the resurgence of al-Shabab.

Khalil Fadl Osman is a Senior Research Fellow at the Center for Conflict and Humanitarian Studies in Doha. He worked for 15 years in different media and political affairs capacities at the UN in a range of geographic settings. He has also taught politics and international relations, and worked for several media organizations, including the BBC.

Muxuu Cabdikariin Guuleed ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.

Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Haddaba, Aan dul-istaago Cabdikariin Guuleed iyo waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah.

“Qadiyada Somaliland waa qadiyad la xalin karo, dhinaca kalana qadiyad sida loo maleynayo aan u sahlaneyn oo u bahaan wada-hadal iyo xog-ogaalnimo xoog badan lagu xaliyo ayay i dhaxal-siisay, sidaas daraadeed waxaa isleeyahay qadiyadaas qofkii xalin lahaa in aan aaminsanahay ayaa ahay ee xog-ogaalnimo, dareen, aqoon iyo dad aqoon ku xalin lahaa in aan ahay ayaa aaminsahay,” ayuu Guuleed ku yiri wareysi uu bixiyay kal hore.

“Dadka reer Somaliland waa dad lagu tacadiyay oo tacadigaas iyo dhibka gaaray ay tahay in looga garaabo. Cadow banaanka kasoo weeraray sidaas kama dhicin ee waa ciidankii qaranka, diyaaradihii qaranka, qofka daruuftaas iyo dadka meeshaas degan aan gaarin ma fahmi karo, aniga maalinta ay sidaas u burbursaneyd waa tagay oo waa joogay.”

Guuleed ayaa qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.”

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen.

“Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Somalia oo qaaday tallaabo muhiim u ah ku biirista ururka AGOA ee Mareykanka iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay inay ku biirto AGOA, oo udub dhexaad u ah siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la-macaamilka ganacsiga ee Afrika.

Soomaaliya ayaa rabta inay ku biirto 36 dal ee Afrikaanka ah, iyaga oo ka faa’iideysanaya sharciga kobaha iyo fursadaha Afrika ee AGOA.

Codsigan ayay dowladda Soomaaliya uga dhawaaqday intii lagu guda jiray xafladda codsiga AGOA ee Soomaaliya, taasi oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xilka kasii degaya, Larry André oo isagu muujiyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay ballaarinta iyo casriyeynta iskaashiga Afrika iyo Soomaaliya.

“Mareykanka waxa uu diirada saari doona la shaqeynta Soomaaliya iyo dadkeeda si loo helo xalal cusub oo lagu xaliyo caqabadaha cusub iyo kuwa mudada dheer soo jiray, loogana faa’iideysto cilmi-baarista iyo teknoloojiyadda cusub iyo in la maal-gashado illo xooggan oo mustaqbalka fog ah iyada oo wax laga qabanayo baahiyaha deg-dega ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadahani waxay abuuri doonaan jawi xasiloon oo la saadaalin karo ganacsiyada si ay ugu shaqeeyaan waxayna gacan ka geystaan hubinta in kheyraadka loo isticmaalo si hufan. Waxaas oo dhan iyadoo maskaxda lagu hayo, safaaraddu waxay sharaf u tahay inay bixiso xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilka ganacsiga ee Mareykanka.”

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha dhaqaalaha, Xasan Aadan Hoosow ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in AGOA uu sahlayo Afrika inay badeecadahooda u suuq geeyaan dalka Mareykanka, iyaga oo aan laga qaadeyn khidman/canshuur (duty-free).

“Dadaalkii dheeraa ee ay dwladdu ku bixisay abuurka xiriir gaacsi ee aan dunida la yeelano kadib, waxaan si rasmi ah u billowdnay hanaanka ku biiritaanka heshiiska ganacsiga Afrika iyo Mareykanka ee loo yaqaano Africa Growth and Opportunity Act (AGOA),” ayuu yiri Xasan Aadan Hoosow.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Wada-hadalada u gogol xaaray horumarka arrintaan laga gaaray maanta waxay qyb ka ahaayeen mirihii laga soo hoyay shirkii US-Africa Summit ee Washington ka dhacay December, 2022.”

AGOA ayaa tan iyo markii uu ansixiyay Congress-ka Mareykanka 2000 waxay udub dhexaad u ahayd siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la macaamilka ganacsi ee Afrika, waxayna Soomaaliya u sahli doontaa inay wax soo saarkeeda u dhoofiso suuqyada Mareykanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si ay u buuxiso shuruudaha adag ee uqalmitaanka AGOA waa inay horumar dheeraad ah ka samaysaa samaynta dhaqaale ku salaysan suuqa, ku dhaqanka sharciga, siyaasadda kala duwanaanshaha iyo xaqa nidaamka cadaaladeed.

Somaliland oo sheegasho cusub maanta kasoo saartay dagaaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland Genaral Faysal Cabdi Bootaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay duleedka magaalada Laacsaanood ayaa si adag kaga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi.

Bootaan ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul lagu dhuftay ciidamada huwanta oo uu tilmaamay inay markii hore weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka Somaliland.

“Tallaabada adag ayaa laga qaaday ciidanka huwanta ee weerarka soo qaaday ciidanka qarankana waxay heegan u yihiin inay difaacaan karaamadooda, sharafkooda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Generaal Faysal Cabdi Bootaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay, gaar ahaan xerada Goojacadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay.

“Maanta oo labada bisha afaraad ay tahay waxaan caddeynayaa inaan taliskii Goojacadde joogno in nabad-gelyo ay tahay inaanu nabad qabno,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Somaliland, isaga oo ugu hambaleeyay guul uu sheegay inay dagaalka kasoo hoyeen ciidamadooda.

“Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu bishaareyneynaa in ciidanka qaranku guuleystay oo la jabiyay ciidanka huwanta iyo Puntland,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhankeeda SSC ay guullo waa weyn ka sheegatay dagaalkii ay shalay ciidanka Somaliland kula gashay duleedka magaalada Laascaanood.

Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada ku dhowaad 300 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof iyo sidoo kale waxaa ku barakacay boqolaal kun oo ku noolaa halkaas.

Falcelin cajiib ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay magacaabidii Ergeyga Soomaaliya ee arrimaha Somaliland, xilkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Inta badan dadkii faallada aragtidooda ku dhiibtay qeybta commenti-ga ee bogga Facebook-ga Villa Somalia waxay taageereen magacaabida Cabdikariin Guuleed, qaarbaa arrintaan la aaday xisadda Laascaanood ee ka dhaxeysa SSC iyo Somaliland, halka dadka qaar ay madaxweyne ku tilmaameen nin ay ka go’antahay in saaxiibadiis uu meeleysto.

Caasimada Online waxay soo uruurisay qaar ka mid ah commentiyadii laga dhiibtay dikreetada ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu magacaabay Cabdikariin Guuleed, gaar ahaan waxaan soo xulanay faalooyinkii asluubeysnaa.

Hoos ka eeg qof kasta magaciisa iyo aragtidii uu dhiibtay:

Maxamed Cali Geelle ayaa yiri “Waa ninkii soo bilaabay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland waagii uu Wasiirka Arimaha Gudaha ahaa, waana ninkii is hor fadhiisiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo.”

Axmed Gaashaan, “Mr. Gulleed back to the stage Masuuliyada Alle hala qaado hana ku guuleeyo.”

Hanad Karaama “Waa tallaabo bogaadin mudan, waana aragti wanaagsan in wadahadallada gobollada waqooyi dib loo soo celiyo, Mahadsanid Madaxweyne.”

Cabdulqaadir Axmed Gaaciye “Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu ku kacayaa khiyaano qaran, waana shirqoon kadhan ah midnimada iyo qarannimada #Soomaaliya magaabistaan laga soo abaabulay #Jibuuti, maanta wax la yiraahdo #Somaliland majiraan waxaa jiro qabiilo Soomaaliyeed oo reer waqooyi ah, iyagiina maanta isdilayaan, halkii diiradda la saari lahaa qabiilka khaldan ee soo duulay in reer #SSC la dhabarjayo waa cadaawad muuqato oo aan la qarsan.”

Ibraahim Cabdishakuur Mire ayaa yiri, “Congratulations, H.E Abdikarim Hussein Guled Waa oday Soomaaliyeed oo wada-hadalkaas hogaamin kara.”

Sunni Careys Feyte “Somaliland ninkii keeni lahaa is coming, xaajo yaqaan, afmaal ah, oo miiska uu fadhiisto micno ka keeni kara Abdikarim Hussein Guled Hamabalyo Madaxwayne.”

Saacid Cali “Ninkaan arrimaha Somaliland waa ku fiican yahy 2013-kii markuu Wasiirka ahaa meel fiican ayuu soo gaarsiiyay hoosha.”

Xalwo Xirsi Kaarshe “Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waa xariif wlhi, Musharixiintii uu kursiga kaga guulaystay wuxuu ka dhigay wada Ergayo.”

Cabdirisaaq Cismaan Xirsi “Xasan Sheekh waa ninka colaada heerkaas gaadhsiiyey, Somalia gacantiisa ayey ku burburaysaa mar labaad, maleeshiyada gooni u goosadka ah ee SNM meeqa ayaad wadahadal beena kula jirtay? Xasan Sheekh waa cadowga koowaad ee reer SSC, waana ku ognahay insha Allah, waana kula xisaaabtami doonaa inaad dhiigayaga ku faraxsantay waanu ognahay.”

Sawirro: AL-SHABAAB oo billowday xeelad ay uga hortageyso dagaalka DF

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta dab la qabadsiiyay deegaanka Huldooyaale oo dhaca koonfurta gobolkaas.

Deegaankan oo hoostaga degmada Baxda ayaa waxaa gubay maleeshiyaad la sheegay inay soo abuuleen Al-Shabaab, kuwaas oo dab qabadsiiyay guryo ay daganaayeen shacab.

Ujeedka arrintan ka dambeeya ayaa waxaa lagu sheegay inay koxoda gol-leeyahay inay ku fashiliyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee haatan ka socda gobollada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka magaalada Baxda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha lagu gubay Huldooyaale ay ka dambeeyaan Shabaab.

“Waxay Khawaarijta ugu talagashay inay dagaallada Soomaaliya ka socda oo iyaga lagu dabar goynayo inay ku xagal daaciyaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baxdo.

Sidoo kale mid kamid ah saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, ayaa isuguna sheegay in maleeshiyaadka fuliyay dhacdadaan ay fuliyeen amar ay soo siiyeen Al-Shabaab, isla-markaana qorshahooda uu yahay fashilinta dagaalka gobolka Mudug.

“Dadka meeshaan gubay waxay u egyihiin dad lasoo faray xilligan laguma jiro mar qabiil qabiil loo diriro, waxaan tan u aragnaa in lagu fashilinaayo wejiga labaad ee dagaalka,”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan eedeyntan cusub ee loo jeediyay.

Si kastaba, Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Aabe iyo 7-carruurtiisa ah oo ciil dartiis ugu wada biiray ciidanka DF Soomaaliya

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, waa aabbaha 7 dhalinyaro ah oo 5 kamid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, halka labada kalena ay ku bexeen gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Labada wiil ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Jaamac Maxamuud Ceyrow iyo Faarax Maxamuud Ceyrow waxay kamid ahaayeen ciidamada militariga Soomaliya, dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa lagu dilay Muqdisho.

G/Sare Maxamuud Ceyrow iyo afar dhalinyaro ah oo uu dhalay ayaa hadda ka tirsan ciidanka dowladda ee Al-Shabaab ka xoreynaya dalka, waxayna ku sugan yihiin degmada Xarardhere ee gobolka Mudug oo dhowaan ay dowladdu ka xoreysay Al-Shabaab.

Aabahaan iyo afar ka mid ah dhashiisa ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey Xarardheere, halka kan kale uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuba ka tirsan yahay ilaalada xarunta baarlamanka ee Galmudug.

Waa saddex gabdhood iyo labo wiil, marka lagu daro Faarax iyo Jaamac oo la dilay, sidaas ayey ku noqonayaan toddoba. Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suuragashay in reerkan oo dhan ay noqdaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sababaha ku kaliftay.

Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, ayaa la weydiiyey su’aashaas wuxuuna ku jawaabay, “Xilli aan ku nooleyn Xarardheere aniga iyo ilmaha aan dhalay ayey Al-Shabaab soo galeen degmada, aniga waxaan aad u diiddanaa aragtidooda, waxay iigu baaqeen in aan iyaga ku biiro waana ka diiday, xilligaasi aniga oo haysta ciidan aan badneyn ayaan Al-Shabaab dagaal culus la galnay, markaas wixii ka dambeeyay magaalada ayaan isaga soo baxay.”

G/Sare Ceyrow ayaa intaas ku sii daray, “Ilmahayga kuma aanan qasbin in ay askar noqdaan, balse iyaga ayaa door biday in ay iga barbar dagaallamaan intii ay gumeysi ku noolaan lahaayeen.”

Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu ka hadlay sida uu u arko in carruurtiisa ay ka barbar dagaallamaan, “Waxaan ku faraxsanahay in ilmahayga ay diyaar u yihiin xoreynta deegannada dalka, ma jiro hal cunug oo aan dhalay oo dhahaya waxan ku noolanayaa meel ay joogaan Al-shabaab, ama shacab ayaan ahaanayaa ee ha I dilaan ama ha I daayaan, dhammaandood waxay doorteen in ay u noolaadaan si geesinimo leh,” ayuu yiri.

Sawirro: Nin sixir hanti badan uga dhacay magaalada Hargeysa oo lasoo qabtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeya Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin sixir ku dhici jiray shacabka magaaladaasi.

Ninkan lagu magacaabi Xamse Yuusuf Maxamed ayaa Booliska uu sheegay in qaab sixir ah uu ku dhacay hanti fara badan, isla-markaana dabagal dheer kadib lasoo qabtay.

“Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska.

Xamse Yuusuf  oo ah eedeynaha lasoo qabtay ayaa laga soo xiray  hoteel ku yaalla bartamaha Hargeysa, waxaana lasoo bandhigay Baastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah moobeelo iyo agabyo kale oo yiilay qolka uu ka daganaa hoteelka.

“Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Boolisku waxay so qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa oo uu daganaa mudo laba sano ah, waxaana isla gobtii lagu tagay Baastoolad,Dahab iyo Maar isku jira,Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah,5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ee taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu muddo labo sano ah daganaa hoteelka laga soo qabtay, taas oo dad badanla yaab ku noqotay.

Ugu dambeyn Booliska magaalada Hargeysa ayaa fariin u diray shacabka ay maqan yihiin alaabta tirada ee lagu soo qabtay ninkaasi, ayadoo loogu baaqay inay yimaadaan taliska

“Fadlan Cidii garata Alaabtaasi ee ay ka maqanyihiin ha la xidhiidhaan Xafiiska Baadhista Saldhiga dhex Ee Hargeysa,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Booliska Somaliland.

Dhacdaan ayaa la yaab ku noqotay, waxaana aad loogu baahayay baraha ay ku wada xiriirto bulshada oo ay su’aallo isku weydiinayay inta badan dadweynaha.

Ciidamada dowladda oo howlgal kusoo furtay shacab ‘u afduubnaa’ Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgal culus ka sameeyay agagaarka degmada Buuloburde oo ka tirsan gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buuloburte, Xasan Maxamed Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku dhibaateynaayeen dadka shacabka ah.

“Kooxaha Khawaarijta waxay isbaaro u dhigteen dadka usoo ganacsi tega degmada Buuloburde, iyaga oo waxa ay haystaan ka qaatan” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay soo bad-baadiyay dad shacab ah oo ‘u afduubnaa’ kooxda, sidoo kalena ay soo daayeen gaadiid ku xayirnaa halkaasi.

“Waxaan maqalnay in kooxaha Khawaarijta ay dad shacab ah iyo gawaari ay ku haysteen halkaasi waana ku baxnay, runtii dadkiina waa kasoo bad-baadinay,” ayuu sii raaciyay.

Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray “Dad tobaneeyo ka badan ayay ahaayeen waxay saarnaayeen mootadan saddex lugaaleyda la yiraahdo iyo gawaaridaan raashinka wada”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay si dirqi ah uga baxsadeen xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa goobta ay weerareen ciidamada dowladda ee lagu hayey dadkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay howlgallo ay Al-Shabaab ku beegsadeen dadka shacabka ah ee la socda gaadiidka ku safra waddooyinka gobolkaasi.

Si kastaba, gobolkan oo dhaca bartamaha dalka, isla-markaana hoostaga HirShabelle ayaa xudun u noqday kacdoonka shacab ee ka curtay dalka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Ciidanka ammaanka oo rag hubeysan ku qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Waabari, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadaasi, sida uu shaaciyay taliska Booliska.

Howlgalkan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa lagu soo qabtay laba eedeysane oo ku sugnaa degmada Waabari, isla-markaana ku howlanahaa dhaca dadweynaha

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey degmada dhexdeeda 01-04-2023 abaaro 21:00pm” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mid kamid ah eedeysanayaasha uu ka tirsan ciidamada lagu so tababaray Eritrea, isla-markaana uu watay bistoolad, halka kan kalena uu ahaa darawal mooto Bajaaj ay ka socdeen alabada nin ee howlgalka lagu soo qabtay

“Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad, wuxuuna sheegay inuu ka tirsanyahay ciidanka C.X.D ee lagu soo tababaray dalka Eretaria, halka kankalana uu wade ka ahaay mooto Bajaaj ay adeegsanayeen” ayaa markale lagu yiri warka Booliska.

Taliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay lagu xiray saldhigga Waabari, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay faraha kasii baxaysay, waxaana ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac.

Sidoo kale waxaa sii dheer oo ay reer Muqdisho dhibaato weyn ay ku qabaan kooxo ciyaal-weero ah oo ka jira qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa haatan wada howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, lagulana dagaalamayo burcadda hubeysan iyo kooxaha ciyaal-weerada.

Sawirro: Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee AMISOM loo beddelay ATMIS.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika ayaa halkii sano ee lasoo dhaafay ku howlgelayey magaca ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo dalka ka mid ah.

Wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay hadda xor ka yihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dowladdu ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

R/Wasaaraha ayaa sheegay xukuumadiisu ay dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex jiho ah oo muhiim ah, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay horseedeen jab-xoog leh oo gaaray kooxda.

Wuxuu intaas sii raaciyay in waddamada dariska la ah Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

Madaxweyne Xasan oo siyaasi weyn u magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee saacadihii u dambeeyey uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka horeeyey oo galabta loo magacaabay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Waa laba nin oo miisaan siyaasadeed o oculus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xilsaaray iyo guud ahaan xaaladda dalka, Waare ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha samafalka, nabadeynta iyo hee madaxweyne dowlad goboleed.

Halka cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Daawo: Maxaa ka jira inuu wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza iska dhiibay Canada?

0

Mennesota (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay in wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya uu iska dhiibay dalka Canada, balse hadda wuxuu bixiyey wareysi uu uga jawaabayo wax aka jira arrintaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdixakiin Jimcaale Aadan ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wuxuu beeniyey warka sheegaya inuu iska dhiibay dalka Canada.

Wuxuu sheegay in dalka Mareykanka ay tageen isagoo qeyb ka ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineysay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo shir caalami ah uga qeyb galay xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Sidoo kale Wasiir Cabdixakiin ayaa sheegay in marnaba uusan u safrin, isla markaana uusan u socan dalka Canada, isagoo shaaciyey in saacadaha soo socda uu u safrayo Muqdisho.

“Aniga xitaa waan la yaabay warkaas markaan arkay, hadalkaas waa marin habaabin, hadda waxaan joogaa Mareykanka, waxaana u socdaa Muqdisho, qolada iga been abuurtana waan garanayaa waan la xisaabtamayaa markii aan dalka ku laabto, marnaba qorshaha iiguma jirto inaan Canada aado, waxaan u socdaa Muqdisho,” ayuu yiri Cabdixakiin Jimcaale.

Wasiir Cabdixakiin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey sababta uu uga haray wafdigii wasaaradiisa ee wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay hoggaamineysay.

Wuxuu ku jawaabay in Soomaalida ku nool Minnesota uu soo booqanayey, isla markaana uu kula kulmay dad isku xiran oo ka wareystay xaaladda dalka iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda muhiimadda koowaad ay siineyso xukuumadaan.

Mar la weydiiyey sida uu u arko iyo hadii uu kala kulmo falcelin uusan ku farxin booska loo magacaabay ee wasiir ku xigeenka haweenka Soomaaliya ayuu ku jawaabay inuu aad ugu faraxsan yahay booskaas, isla markaana uu ka mid yahay masuuliyiinta loo igmaday inay hoggaamiyaan haweenka Soomaaliyeed oo aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somaliland resists US pressure in LasAnod conflict

HARGEISA, Somalia (Caasimada Online) – In response to international criticism, particularly from the United States, Somaliland Foreign Affairs department issued a statement reiterating the right of the self-declared republic to defend its territorial integrity.

The statement praised “the restraint and professionalism” of Somaliland’s Armed Forces, even as violence in LasAnod continues to escalate.

“The Republic of Somaliland has the right to defend its territorial integrity, and our Armed Forces have been doing so with restraint and professionalism,” the statement read.

It further accused external forces of interference in the conflict, alleging that the ceasefire principles had been violated despite Somaliland withdrawing troops from LasAnod.

Somaliland alleges of involvement by armed groups

Somaliland claims armed groups, including Al-Shabaab, Puntland Security Forces, and the Somali National Army (SNA), are involved in the LasAnod conflict.

Puntland and the Danab Special forces, a contingent of the SNA, has repeatedly denied these accusations.

Over 200 lives have been lost in the ongoing fighting between Somaliland security forces and the SSC-Khatumo forces, who advocate for self-determination.

Many LasAnod residents prefer administration by Mogadishu rather than Hargeisa, the regional capital of Somaliland.

US expresses concern, calls for withdrawal

The United States voiced concerns over the escalating conflict and urged Somaliland to withdraw its security forces from LasAnod.

Additionally, the US supported efforts by the Somali Federal Government to mediate the conflict through traditional elders.

“We call on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles. We call on the militias in LasAod to refrain from any offensive actions against Somaliland forces,” the US statement read.

The US also welcomed Somaliland President Bihi’s commitment to meeting with the delegation of elders in Hargeisa.

The United States noted with concern the delayed presidential elections in Somaliland since November 2022, which surpasses the timeline outlined in Somaliland’s constitution.

The US called on Somaliland authorities to establish a clear timeline and conclude the elections as soon as possible.

The struggle for LasAnod

Since yesterday, the city of LasAnod has been bombarded by Somaliland troops attempting to retake the city from local community fighters.

These fighters are advocating for a separate state under Somalia’s Federal System.

The fighting, which began on February 6 and continues sporadically, caused significant damage to infrastructure and homes. 

The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes.

The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle.

Sawirro: Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Mudug, gaar ahaan aagga uu dagaalku ka socdo ee koonfurta gobolka Mudug.

Ugu yaraan laba nin ayaa saacadihii lasoo dhaafay iska dhiibay aagga magaalada Bacaadweyn ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda, daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab ay isku hor fadhiyaan.

Ragga ka soo goostay Al-Shabaab ee galabta lasoo bandhigay waxaa lagu kala magacaabaa Bishaar Shardi Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Xaasey) iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar oo isna magaciisa afgarashada uu ahaa Salaaxu-diin.

Raggaan oo muddo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan ku heyteen duurka gobolka Mudug, halkaas oo dhowr bilood ay kula dagaalamayaan ciidanka qaranka.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo gacanta ku haya raggaan isku soo dhiibay ayaa Caasimada Online u sheegay in maleeshiyaad badan ay qorsheynayaan inay ka soo goostaan kooxda, balse ilaalo adag la dul-dhigo ama la dilo kii looga shakiyo inuu is dhiibayo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kordhay Shabaab-ka isku dhiibaya ciidamada dowladda, markii laga soo tago xubnaha sida is-dabajoogga ah isaga dhiigay Galmudug, waxaa jira xubno kale oo iska dhiibay gobolka Bay.

Todobaadkii ugu dambeeyey ku dhawaad 10 dagaalame ayaa iska dhiibay aagga Baydhaba, waxayna wareysiyada lala yeeshay ku sheegeen inay dhiibaato badan ku qabeen ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, isla markaana ay ku soo goosteen si dirqi ah.

Kooxahaan ka soo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, wuxuu go’aankoodu ku soo aadayaa xilli aad u xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo inuu noqdo kii lagu soo afjari lahaa Al-Shabaab ama aad loogu dhimi lahaa awoodooda.

Qof kasta oo ka soo goosta Al-Shabaab ama la qabto isagoo aan dil geysan waxaa jira nidaam ay u dejisay dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah wadamada caalamka ay ka taageeraan.

Nidaamkaas ayaa dhigaya in isisoo dhiibaha hubka laga dhigo oo loo sameeyo dhaqan celin iyo xaqiijin inuu ka tanaasulay fikirka xagjirka ah, waxaana lagu xareeyaa xeryo si adag loo ilaaliyo oo ay ugu weyntahay Xero Sarandi oo ku taalla Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Waare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Soomaaliya waxaa Waare loogu magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo talisyadooda faray inay la shaqeeyaan ergeyga cusub, si uu u guto waajibaadka loo igmaday.

Ujeedka magacaabistan ayaa waxaa sidoo kale lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

“Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada,.

Waxaa kale oo uu ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyeyay Al-Shabaab u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Si kastaba,  Maxamed Cabdi Waare oo kamid ah siyaasiyiinta aan la gamban hadallada ayaa ku biiraya safka uu ku jiro xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna horay loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaalbilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha dalka.