29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Daawo: Wiil iyo aabihiis oo ku dhintay Caabudwaaq kadib markii maanta uu…

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay bartamaha degmada Caabudwaaq kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dabka ayaa ka dhashay booyad nafta ku shubeysay kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, waxaana gubtay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan ay ku dhinteen wiil iyo aabihiis, halka ay siddeed qof oo kalena ay waxyeelo soo gaartay, kuwaas oo qaarkood neef qabatoobay.

Sidoo kale dabka ayaa ku fiday bakhaaro ganacsi oo ku yaalla halkaasi, maadaama la waayay wax gaadiid dab damis ah, taas oo sii kordhisay khasaaraha.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in mar dambe lagu guuleystay daminta dalkaasi.

“Khasaare weyn oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhacay meesha tusaale haddii aan kaga soo qaado wiil iyo aabihiis ayaa ku go’ay illaa 8 qof ayaa waxyeelo soo gaartay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka iyo ganacsatada Caabudwaaq, isaga oo ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa gaadiid dab damis ah.

“Reer Caabudwaaq waxan dhihi lahaa markii la’isku qabsado boos 20 mitir ah sida aan isku leyno waa naqaanaa ee sida aan gaadiid dab damis ah aan usoo gadan laheyn falkeeda in la galo ayaa haboon,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay oday kamid ah dadka degaanka.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mid kamid ah ganacsatada ku dhaqan halkaasi, kaas oo sharraxay goobaha gubtay iyo waxyaabaha lagu iibanayay.

“Bakhaaradaan caalami ayay ahaayeen raashiin, shidaal wax walbaa yaalay way gubteen dadka islaamka ah waxaan ka codsaneynaa in loo gurmado dadkaasi,” ayuu yiri.

Magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga kacay dab khasaare xoogleh geystay, waxaana degmada ay leedahay hal gaari oo dab damis ah, kaas oo aan hadda shaqeyn, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Daawo: Ciidan ka kooban 3 qeyb oo howlgal culus ka fuliyey Dayniile + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Baanadir, kaas oo lagu baacsanayay kooxaha ciyaal-weerada iyo kuwa dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo ahaa mid culus, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliska Dayniile, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRT ee Booliska Soomaaliya iyo kuwa Chekh Point-yada guur guura, kuwaas oo isku fidiyay degmadaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale gudaha galay waaxaha ay ka kooban tahay Dayniile, halkaas oo ay ku arkeen kooxo kamid ah ciyaal-weerada, kuwaas oo qaarkood lasoo qabtay.

Taliyaha saldhigga Dayniile Axmed Cali Yalaxow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, isaga oo shaaciyay ujeedka ay ka lahaayeen.

“Waxaan sameynay howlgallo aan ku kormeereyno guud ahaan waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Dayniile annaga oo rabna inay dadka nabad ku afuraan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Booliska Soomaliyeed.

“Dadka ku nool degmada Dayniile waxaan ugu baqayaa inay la shaqeeyaan Booliska Soomaaliyeed har iyo habeen cabashadooda waan ka jawaabeynaa,” ayuu raaciyay.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin ciyaal-weerada iyo kooxaha burcadda ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga, si looga hortaga falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Dagaal mar kale ka qarxay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka markale saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay aagga xerada Qoojacadde oo ay shalay iyo maantaba ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan ay barbar socdeen madaafiic ay ciidanka Somaliland la beegsadeenb xarumo ku yaalla Laascaanood, taas oo adkeyneysa xaaladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale guullo ka kala sheegtay dagaalka maanta, waxaana Somaliland ay sheegtay inay qabatay gaadiid dagaal iyo sidoo kale tiro maxaabiis ah.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka saaka ay qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.,” ayaa lagu yiri waraxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay mar weliba ilaalineyso xabad joojintii horay looga dhawaaqay, si aysan u fogaan dhibaatada taagan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanoodm” ayey markale tiri wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland

Qoraalka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya ” Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland.”

Dagaalkan ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo sidoo kale barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Somaliland oo qoraal ku weerartay Mareykanka, farriin-na u dirtay beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online)- Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay beesha caalamka kula wadaagayso walaac ku saabsan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo ka dhalatay dil loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo shisheeye ay soo galeen Laascaanood, xilli ay magaaladaas joogeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo ka jawaabayey tabashooyin ka yimid xubno ka mid ah bulshada deegaanka.

“Dadaal niyad sami leh oo lagu xakameynayo rabshadaha iyo soo celinta xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dib ula soo noqotay ciidamadeeda ammaanka Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay inay taageertay Ergooyin nabadeed oo ay odayaasha beelaha Somaliland ku bilaabeen wadahadal, isla markaana ay soo dhaweeyeen hindisaha ay dawladaha deriska ah ku dhexdhexaadiyeen joojinta colaada.

“Dadkii kiciyay khilaafkan ayaa diiday dhammaan dadaalladaas. Taas beddelkeeda, waxay sii wadeen hurinta, qalalaasaha iyo war-xumada si ay u sii khalkhaliyaan xasiloonida mandaqada, ugana soo horjeedaan qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Somaliland waxay kaloo sheegtay in labadii bilood ee u dambeeyay ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin.

 “Iyagoo ku dadaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen xasillooni-darrada iyo in ay ka fogaadaan in ay sii kororto millatari si ay uga hortagaan waxyeellada loo geysto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in wada xaajoodkii lala yeelan lahaa hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka lagu fashiliyay weerarro sii kordhaya oo ay gaysteen kooxo badan oo hubaysan.

“Kooxahan ayaa isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga soo barakiciyay goobihii ay ku noolaayeen ee Soomaaliya, iyadoo Maraykanku taageerayo hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada, xubno ka tirsan ciidamada Puntland, iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu ku jiro Taliyaha ugu sarreeya ee guutada 4-aad ee Maraykanku tababaray,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland waxay qoraalkaan ku sheegtay in taliyahaas oo hogaami jiray guuto ka mid ah ciidanka Danab markii dambe lagu dilay weerar lagu beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland.

“Sida dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed, ciidammadeenna waxay si is-xakameyn iyo karti-xirfadeed ku dheehan tahay,” ayaa bayaanka lagu yiri.

Somaliland waxay sheegtay in aysan weli jawaab u helin codsiyo ay dirtay, kuwaas oo ku aaddanaa taageerada Maraykanka, si ay ugu qanciso maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee Laascaanood, ama in odayaasha deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. 

“Taasi waxay keentay in maleeshiyaad hubaysan ay si xisaab la’aan ah ugu soo daabusho magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey hoggaamiyeyaasha deegaanka ee doonaya inay wada-hadallo siyaasadeed la yeeshaan dawladda, isla markaana u suurto-gelisa jawi u oggolaaday argagixisada.” 

“Ku guul-darrida Maraykanka iyo kuwa kaleba inay si wax-ku-ool ah, si dhab ah, iyo niyad-jab ku-talaabsadaan waxay khatar gelinaysaa maleeshiyaadkan iyo sii-dheeraynta colaadda,” ayaa qoraalka Somaliland lagu yiri.

Somaliland waxay sheegtay in mar labaad ay u soo jeedinayso dawladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dadka reer Somaliland soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland.

“Caqabadahaas oo ay doonaanba ha ahaadeene, waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.”

Ugu dambeyntii bayaanka Somaliland waxaa lagu yiri “Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalkeena. Haddaba, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo diyaariyaan qorshaha doorashooyinka.”

Saddex arrin oo dunida ka dhici kara oo laga digay

New York (Caasimada Online) – Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digay in haddii aan la helin balaayiin doollar oo lagu quudiyo malaayiin qof oo baahan ay dunidu 12-ka ilaa 18-ka bilood ee soo socda arki doonto tahriib xad-dhaaf ah, xasillooni-darro ka dhacda dalalka, caruur iyo waayeel gaajoonaya.

David Beasley ayaa Mareykanka iyo Jarmalka ku ammaanay in ay kordhiyeen lacagaha ay bixiyeen sanadkii hore, waxaana uu ku boorriyay Shiinaha, dalalka Khaliijka, bilyanneerada, iyo dalalka kaleba in ay iyana kor u qaadaan kaalmada ay bixiyaan.

Wareysi uu bixiyay ka hor inta uusan xilka hay’addan ugu weyn ee gargaarka toddobaadka soo socda ku wareejin safiirka Mareykanka Cindy McCain, ayuu guddoomiyihii hore ee gobolka South Carolina ku sheegay in uu “si aad ah uga walwalsan yahay” in WFP aysan heli doonin lacag gaareysa 23 bilyan oo doollar oo ay sanadkan u baahan tahay si loo caawiyo 350 milyan oo qof oo si quus ah ugu baahan raashin kuwaasi oo ku kala nool ilaa 49 dal oo caalamka ah.

Waxa uu sheegay in haddii ay u badato ay soo xaroon doonto 40 boqolkiiba lacagtaasi marka loo eego sida ay hadda wax ku socdaan.

WFP ayaa qalalaasahan oo kale wajahaysay sanadkii hore, balse nasiib wanaag madaxa WFP ayaa awooday in uu ku qanciyo Mareykanka in uu dhaqaalaha uu bixiyo ka badiyo 3.5 bilyan oo uu gaarsiiyo 7.4 bilyan, halka Jarmalkuna uu ka kordhiyay 350 milyan uuna gaarsiiyay 1.7 bilyan uu doollar, laakin waxa uusan hubin in ay sidaasi mar kale sameyn doonaan sanadkan.

Waxa uu sheegay in dalalka kale ay u baahan yihiin in ay kordhiyaan kaalmada, iyadoo Shiinaha oo ah dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan uu sanadkii hore siiyay WFP kaliya 11 milyan oo doollar.

Beasley ayaa ku ammaanay Shiinaha guusha uu ka gaaray in uu gaajada si aad ah uga yareeyey gudaha dalkiisa, laakin waxa uu sheegay in sanadkii hore uu Shiinuhu bixiyay wax ka yar 20 senti halkii qof, halka Mareykanka oo ah dalka ugu dhaaqalaha weyn caalamka uu isla sanadkaasi bixiyay lacag dhan 22 doollar qofkii.

Beasley ayaa sheegay in Shiinuhu uu “shaqqa aad u muhiim ah ka qabtay quudinta dadkiisa, haddana aan u baahannahay caawimaaddiisa qeybaha kale ee dunida” gaar ahaan dalalka saboolka ah ee Afrika.

Agaasimaha guud ee WFP ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha looga baahan yahay in ay mudnaanta siiyaan baahiyaha bini’aadantinimo ee saamaynta ugu wayn ku yeelan doona xasilloonida bulshooyinka caalamka.

Waxa uu si gaar ah u tilmaamay dhowr goobood oo ay tahay in mudnaanta la siiyo sida gobolka Saaxil ee Afrika iyo bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya, waqooyiga Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya; sidoo kale Suuriya oo saamaysay Urdun iyo Lubnaan; iyo Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika oo tirada dadka u soo haajiray Mareykanka ay hadda shan jeer ka badan tahay sidii ay ahaan jirtay sanad iyo bar ka hor.

VOA + AP

Xasan Sheekh oo ku wajahan GALMUDUG iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shaaciyey in Galmudug ay dhawaan marti geli doono shirka golaha wadatashiga qaranka oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu tagaan.

“Bisha shanaad dhamaadkeeda waxaan marti geli doonaa shirka golaha wadatashiga qaranka oo dabajooga kii Baydhaba lagu qabtay, marka Madaxdu waxay uga hadli doonaan doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta, sida ay isku afgarteen,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Cali Ciid ayaa sheegay in bil kadib uu shirkaas oo ah kii 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka uu Dhuusamareeb ka dhici doona, iyadoo wax kasta ay is bedeleen, sida uu rajeynayo.

“Waxaan rajeynayaa wadanka oo xor ah in kulankaasi uu ka dhaco Dhuusamareeb, iyadoo Shabaab laga guuleystay, in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulankaas ka soo qeyb-galo, isagoo Dhuusamareeb ku yimid safar dhulka ah oo soo maray wadada oo Shabaab laga xoreeyey, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Cali Ciid.

Hadii kooxda Al-Shabaab laga saaro deegaano faro ku tiris ah oo hadda ay gobollada dhexe ka joogaan, waa suurtagal in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar dhulka ah ku tago Galmudug, hadii ay dhacdana waxay u noqa doontaa guul-weyn.

Bilo ka hor waxaa dadka Soomaaliyeed la yaab ku noqotay in ciidan ka socda dowladda Soomaaliya oo laga diray Muqdisho oo safar dhulka ah ku tageen Galmudug, iyagoo sii maray bariga gobolka Hiiraan oo dagaalo culus ay ka socdeen.

Ciidankaas ayaa safarkaas dhulka ah ku tegay Gaalkacyo, si lamid ah Jeneraal Biixi Taliyaha ciidanka dhulka ayaa todobaadyo ka hor dhulka isaga safray Xarardheere ilaa Muqdisho.

Hadda, inta badan Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka socda abaabul dagaal oo lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku dambeeyaan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu amray inta aysan dhamaan bishaan Ramadaan in la xoreeyo Ceelbuur oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab uga hareen iyo deegaanada kale.

Hoos ka daawo

Weerar lagu beegsaday mas’uuliyiin oo ka dhacay degmada WANLAWEYN

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) –  Wararar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kahsaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyada ee dagmadaas oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta ka dhaqaaqay.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in mar qura ay rasaas ooda uga qaadeen labada mas’uul, xilli ay dhex socdeen bartamaha degmada Walnaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa intaasi kadib dagaal kooban uu dhex-maray ragga weerarka geystay iyo sidoo kale ilaalada la socotay guddoomiyaha Wanlaweyn iyo ku xigeenkiisa maaliyadda.

Inta la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Marxuumka geeriyooday oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Ibraahim (Abow), wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah deegaanka.

Ma cadda waxa ay yihiin maleeshiyaadka weerarka geystay iyo sababta ay u beegsadeen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi

Wanlaweyn ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta khilaafaad dhanka maamulka ah, waxaana haatan taagan xiisad u dhexeyso guddoomiyaha maamulka degmadaasi iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada, kaas oo ilaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah.

FAAHFAAHIN ku saabsan qarax ka dhacay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax loo adeegsaday oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo uu geystay khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa bam-gacmeed lagu qaaday gaari ciidan oo uu la socday dambi baaraha saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, Cabdi Mahad Xuseen Afrax (Gaandi Boonbale), kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay laba qof oo kale, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Saddexda qof ee ku dhaawacantay weerarkan, isla-markaana uu ku jiro Gaandi Boonbale ayaa haatan lagu dabiibayaan isbitaalka Dhagacadde ee ku yaalla magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha amniga ee Puntland.

Saraakiisha ciidamada ammaanka iyo weli maamulka degmada weli kama hadlin qaraxaas iyo sidoo kale howlgallada xigay intaba.

Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaase badanaa Gaalkacyo weerarada ceykan oo kale ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay kordheen howlgallada ka socda koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo lagu sugayay amniga, hadane sidaas oo ay tahay waxaa weeraro qorsheysan magaaladaas ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Puntland ayaa horay u qaaday tallaaboyin ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna gacanta ku dhigtay, kadibna ay toogatay xubno ka kala tirsanaa labadaas koox.

Ciidamada DF oo toogasho ku dilay 14 ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Makuude oo qiyaastii todobo KM dhanka koonfurta ka xiga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen illaa 14 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo isku dayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada ee deegaanka Makuude, isla-markaana ay ka hortageen qorshaha weerarkaas.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa soo bandhigay maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay halkaasi, halka dhaawacyo kale ay la careen ragga weerarka soo qaaday.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyadana guul ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay inay ku beegsatay xarumo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in khasaare lixaadleh ay gaarsiisay ciidamaduu ku sugnaa goobaha la weeraray, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka deegaanka Makuude ee gobolka Baay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

11 qof oo ku dhintay goob cunto lagu qaybinayay

0

Islamabad (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in isbuurasho ay ka dhacday xarun lagu qaybinayey cunto bilaasha oo ku taalla dekedda Koonfureed ee Karachi

Dhacdadan waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 11 qof halka uu dhaawac soo gaaray shan qof oo kale.

Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in badi dadka uu dhaawaca iyo dhimashadu soo gaadhay ay yihiin haween iyo caruur.

Isbuurashadan ayaa ka dhacday barxadda wershedda Karachi, halkaas. oo la doonayey in shaqaalaha loogu qaybiyo cunto bilaash ah, bishan barakaysan ee Ramadaanta awgeed.

Hase ahaate boqollaal qof ayaa ka soo buuxsamay goobta kuwaas oo ku soo qabaabay inay saami ka helaan cuntada, waxaana goobta ka bilawday is-riixriix, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo laamaha ammaanku.

Dalka Pakistan oo ay ku nool yihiin in ka badan 230 milyan oo qof ayaa la baaxaa degaya duruufihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo foodsaara muddo tobanaan sano ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Pakistan ayaa ku dhawaaqay in bisha barakaysan daqiiq bilaasha la gaadhsiiyo malaayiin qof oo sabool ah, si ay uga soo kabtaan sicir bararka saamaynta ku yeeshay.

VOA + Reutes

Daawo: Wasiirka Caafimaadka oo labada XAAS ee Madaxweynaha ugu magac-daray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Cali ayaa lacag uusan tiradeeda sheegin u geeyey Hooyo Maryan oo xalay umushay afar gabdhood, Hooyadaan ayaa laga keenay deegaan hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale wasiirka ayaa lagu sharfay inuu magacyo u bixiyo gabdhaha Hooyo Maryan, wuxuuna labo kamid ah ugu magac-daray labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la kala yiraahdo Qamar iyo Sahra.

Wasiirka Caafimaadka ayaa gabdhaha mid ka mid ah ugu magacdaray agaasimaha isbitaalka ay carruurtani ku dhalatay ee Banaadir, waa Dr. Fartuun.

“Labo ka mid ah Maamooyinka qaranka ayaan ugu magacdarayaa, midna Qamar ayaa la dhahaa, midna Sahro, labada kale waxaan u kala bixiyey Fartuur iyo Xalwo, waxaan idin leeyahay adiga iyo carruurtaada caafimaad allaha idin siiyo, halkaan waxaa ku jirta kaalmo yar oo aan ugu tala galay inaa sahay ka dhigato, maadaama aad miyi ka timid,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka ayaa balan-qaaday in si gaar ah ay uga warqabi donaan Hooyo Maryan iyo carruurteeda, maadaama ay aad u jilicday oo afar ilmo ah ay caloosha ku siday sagaal bilood.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan.

Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay mataanahaan ku dhashay isbitaalka Banaadir, maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijiyey in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.

“Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta.

Hoos ka daawo

Cali Ciid oo qiil yaab leh u raadiyay muddo kororsigii Axmed Qoor Qoor + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey muddo kororsigii ay sameysteen hey’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Ciid ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen baarlamaanka Galmudug, si lamid ah baarlamaanada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle.

“Golaha sharci dejinta Galmudug ayaa wax ka bedelay mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah, sida baarlamaanka iyo golaha wasiirrada, afar sano ayey horay u aheyd, balse waxay ka dhigeen shan sano, aniga iyo Madaxweyne Qoor Qoor kama aanaa dalban inay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tallaabadaan muddo kororsiga ah ku tilmaamay sunno siyaasadeed oo Soomaaliya muddo ka soo jirtay, isagoo sheegay in dhamaan maamullada dalkaan ka jira ama soo maray ay ka siman yihiin mudo kororsiga.

“Qoor Qoor ama aniga, ma jirto cid dalbatay muddo kororsi, waana go’aan masiiri ah oo baarlamaanku qaatay, si lamid ah dowlad goboleedyada kale, sidii Puntland horay uga dhacday oo Faroole sameeeyey, Somaliland ayey ka dhacdaa, dowladda dhexe ayaa sameysa mar kasta, mark aka gudub waa sunno siyaasadeede,” ayuu yiri Madaxweyne Xali Daahir Ciid oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay Tvga Qaranka.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka jirto dowladnimo rasmi ah, isagoo ku faanay inay dhawaan marti gelinayaan shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka dhici doona.

Mar la weydiiyey in beelaha Galmudug isla leh ay isku raacsan yihiin ama raali ka wada yihiin muddo kororsigaa, ayuu sheegay in Galmudug ay ka soo gudubtay qabiil oo dowlad dhisan ay tahay.

“Galmudug waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, qabiilna waa ka soo gudubtay, hadda mala dhihi karaa dowladda Soomaaliya 50 qabiil ayaa isla leh? Waa maya, sidaas si lamid ah Galmudug waa dowlad dhisantay, go’aanka uu baarlamaanku qaatana waa mid masiiri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hoos ka daawo

Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay biriijyada (buundooyinka) waxyeelada ba’an soo gaartay ee Imaaraadka Carabta uu maal-galiyay ee mashruucii Berbera (Berbera Corridor).

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxay xukuumadda iskaga fogeysay faddeexada ka dhalatay mashruucaasi, iyada oo sheegtay in Imaaraadka uu toos ula galay heshiiska fulinta mashruucaasi shirkadaha fuliyay.

“Somaliland waxa kaliya oo doorkeedu ahaa la wareegida mashruucan marka uu dhamaado muddo cayiman kadib oo ah marka uu mashruucan ka baxo muddada tijaabadda (Liability Period,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in shirkadaha NBHH iyo Conser ay iyagu lahaayeen dhismaha waddada iyo biriijyada, iyo naqshada & kormeerka shaqada maalinlaha ah, kuwaasi oo heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan Abu-Dhabi Fund for Development.

“Waxaa jiray heshiis u dhaxeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Imaaraadka (UAE) oo dhigayay in xaga Somaliland laga soo magacaabo guddi farsamo, iyaguna qeyb kama ahayn heshiiska u dhaxeeyay shirkadaha dhismaha waday iyo Imaaraadka, wuxuuna doorkooda ku koobna kaliya korjoogtayn.”

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in shirkadaha mashruucan fulintiisa lahaa ee heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Abu-Dhabi (ADFD) ay diyaar u yihiin “in la saxo hadba wixii khaladaad ah ee soo baxa.”

Mashruuca Berbera Corridor oo la filayay inuu yahay mashruuca ugu heer sareeya ayaa tan iyo markii la galay xilli roobaadka waxaa soo baxeysay faddeexad muujineysa in mashruucan la musuq-maasuqay, islamarkaana aan waddooyinka iyo biriijyada uu maal-galiyay Imaaraadka aysan tayadooda wanaagsaneyn.

Hoos ka arag sawirada biriijyada waxyeellada soo gaartay iyo qoraalka wasaaradda






Daawo: Qisada cajiibka ah ee hooyo afar carruur hal mar ku dhashay isbitaal Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Maryan Maxamed Xasan ayaa la xaqiijiyey in afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan.

Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay ku dhashay isbitaalka Banaadir.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun waxay warbaahinta u sheegay in markii ugu horeysay ay la kulmeen kiis noocaan ah, iyadoo Allaah uga mahad naqday inay ku guuleysteen inay adeeg caafimaad u heleen hooyo Maryanm iyo carruurteeda oo hadda wada caafimaad qaba.

“Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta dowladda.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir ayaa sheegay inay si caadi ah u umuliyeen hooyo Maryan, iyadoo aan laga qaadin wax kharash ah, maadaama isbitaalka Banaadir ay leedahay dowladda Soomaaliya oo wasaaradda caafimaadka uu hoos tago.

“Waan ku faraxsanahay in Hooyo Maryan oo nooga timid gobolka Shabeellada Dhexe aan caawino, bulshada waxaan ugu baaqayaa in Hooyo Maryan ay ka war qabaan, waa qof aad u iimaan badan oo ku faraxsan carruurtaan afarta ah ee halka mar u dhalatay,” ayey tiri Agaasime Fartuun Shariif.

Ugu dambeyntii agaasimaha isbitaalka Banaadir waxay sheegtay inay ka sii war qabi doonaan Hooyo Maryan, sida amba bixinteeda, maadaama ay ka timid gobolka iyo tallaalka ay u baahan yihiin carruurteedu.

Hoos ka daawo

Al-Shabab’s revenue plunge amid government crackdown

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Somali government has asserted that the Al-Shabab militant group is facing a financial crisis due to declining revenue collection.

The government claims that its efforts to shut down suspected bank accounts and mobile money accounts, as well as targeting militant taxation officials, have reduced the group’s revenue by half.

This development marks a turning point in the ongoing battle against Al-Shabab, as it signifies the potential weakening of the extremist group.

Al-Shabab’s revenue sources and financial system

According to the US Treasury, Al-Shabab relies on money obtained through extortion of local businesses and individuals, fees collected on goods, and facilitating illicit trades.

The Africa Center of Strategic Studies reveals that the group has even established a formal banking system, prompting the Somali government to enact the Anti-Money Laundering and Countering the Financing of Terrorism Act in 2016.

This legislation requires financial institutions to report transactions exceeding $10,000. Despite this law, many money transfer firms avoid reporting such transactions for fear of retaliation from Al-Shabab.

Challenges in disrupting Al-Shabab’s financial networks

Despite receiving technical support from the UN Office on Drugs and Crime, the Somali government has faced difficulties in curbing the group’s exploitation of the financial system.

Al-Shabab has demonstrated effectiveness and efficiency in revenue collection for years, often surpassing the federal government.

Factors such as a lack of proper identification for the population, coordination, regulatory enforcement, corruption, and political will have allowed the militants to continue extorting money from locals.

Recommendations for combating Al-Shabab’s finances

To effectively block the group’s revenue collection, the Africa Center of Strategic Studies suggests that Somalia should prioritize the professionalization of infiltrated government agencies, including those responsible for financial, intelligence, and judicial functions.

This requires more than just financial sector development; it also necessitates improved criminal investigatory work, enhanced law enforcement, and a cultural shift within the Federal Government of Somalia and the five Federal Member States toward transparency, accountability, and citizen service delivery.

Government crackdown and ongoing operations

President Hassan Sheikh Mohamud announced earlier this year the closure of over 250 bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to Al-Shabab activities.

The military has also initiated the second phase of operations against the group in various parts of the country.

International partners, including the United States, have pledged to invest in Al-Shabab defectors to motivate the national army to pursue the ultimate goal of crushing the extremist group.

Sawirro: Ciidamada DF iyo kuwa ATMIS oo howlgal cusub ka billaabay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si wada-jir ah howl-gallo uga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxay magaalada ka sameeyeen howl-gallo baaritaanno ah oo isugu jiray baro kontarool deg deg ah oo la dhigay waddooyinka waaweyn iyo kuwa gala xarumaha dowladda iyo xafiisyada.

Howl-galladan oo uu horkacayeen koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliye ku-xigeenka Booliska, Madaxa kooxda ATMIS Joint iyo Cali Maxamed Cusmaan oo ah madaxa howl-galinta saldhigga Booliska degmada Wadajir, ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

“Muhiimada kormeerkan wadajirka ah ayaa ah in dadka deegaanka ay ogaadaan in ATMIS ay ka garab shaqeyneyso habeen walba si loo hagaajiyo ammaanka,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Booliska.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in wada-shaqayntu ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto xaqiijinta in Muqdisho nabad noqoto inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka iyo kadib.

Waxaa uu intaasi kusii daray “in ATMIS iyo Booliska Soomaaliya looga baahan yahay inay feejignaadaan,” si ay u fashiliyaan ama uga hortagaan weerar kasta oo ay qorsheynayso Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Howl-gallada wadajirka ah ee caasimada ayaa imanaya xilli ay Booliska ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale deegaanada maamul-goboleedyada ka wadaan howl-gallo wada-jir ah, midaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo tayada ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaban, ATMIS ayaa hadda kadib door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed.




Dagaal mar kale ka qarxay Laascaanood xilli Mareykanka uu soo saaray digniin culus

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka markale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood, waxaana qaarkood sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen xooggaga SSC.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka socda uu xoogiisu yahay mid madafiic la is-weydaarsanayo, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka saaka, iyada oo xaafadaha qaar ee magaalada ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha.

Ciidamada Somaliland maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka bari ee magaalada, kadib markii uu milateriga ku dhawaaqay inuu Laascaanood ku qaadayo dagaal qorsheysan.

Dagaalka saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa uu imanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maxay ka dhigan tahay tallaabada Mareykanka u qaaday Somalia ee cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dalka Mareykanka ayaa shalay Soomaaliya usoo magacowday safiir aan caadi aheyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. 

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Richard H. Riley, IV ayaa beddelaya Larry André Jr oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. 

Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Mareykanka?

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso in Mareynkanka uu ahmiyad siinayo Soomaaliya.

Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in haatan Mareykanka uu sare uu sii qaadayo xiriirka Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso sidii hore.

“Tan waxay ka tarjumeysaa in dowladda Mareykanka ay sare usii qaadeyso, ahmiyadna ay siineyso oo kasii sarreysa tii hore oo ay siin jirtay Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh fursad badan, isla-markaana ay ku loolamayaan dowlado waa weyn, si ay uga faa’iideystaan.

“Soomaaliya waxay maanta kamid tahay dalalka meesha ay adduunyada dhacaan aad iyo aad indhaha loogu haayo ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd 30 sano. 

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara isla-markaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

 

Sawirro: Danjire Maxamed C/llaahi oo arrimo muhiim ah kala hadlay dowladda Serbia

0

Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Serbia Dr. Siniša Mali.

Kulankan gaar ah oo ay labada Mas’uul  yeesheen ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Inta kulanku socday waxaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya ay hardanka ugu jirto iyo hanaan casri ah oo canshuur uruurinta ka saacidi kara in dowladda Soomaaliya loo helo.

Sidoo kale wasiirka ayaa r/wasaraha ahna wasiirka maaliyadda Serbia kala hadlay sida ay wadashaqeyn dhow u yeelan karaan Bankiyada labada dal, wadashaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha maaliyadda labada dal iyo isku xirka rugaha ganacsi ee Soomaaliya iyo Serbia.

Arbacadii ayay aheyd markii uu xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade uu soo booqday Wasiirka Hormarinta Serbia Dr. Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Kulankii Arbacadii ayaa gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Dr. Siniš Mali.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir aad u qota dheer oo Diploomaasiyadeed, una muuqda mid sii xoogeysanaya waayadan dambe.

Mareykanka oo u hanjabay Somaliland, kuna amray inay ciidankeeda lasoo baxdo

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin culus kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood, oo ay sheegtay inuu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

“Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.”

Washington ayaa sidoo kale ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay sida wax ku oolka ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ula tacaaleyso xiisaddan iyo inay odayaal dhaqameed u dirtay, iyo ballan-qaadka madaxweyne Muuse Biixi ee ah inuu wafdigan kusoo dhoweyn doono Hargeysa.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca doorashada madaxweynaha Somaliland. 

“Waxa kale oo aanu ka walaacsannahay in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dib u dhacday ilaa November 2022, taas oo aad uga gudubtay wakhtiga ku cad dastuurka Somaliland. Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Somaliland inay jadwal cad dejiyaan ayna doorashada ugu dhameystiraan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa ugu dambeyn madaxda Somaliland uga digay xayiraado inay wajihi karaan xayiraado dal-ku-gal.

“Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha ee madaxda hadda iyo kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ka qayb-qaadanayaan wiiqitaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.