29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Magacyada 75 shirkad oo tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan ku guuleystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa shaaciyay in 75 shirkadood ay ku guuleysteen tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo kasoo dhex baxay 142 shirkad oo wareega koowaad u gudbay.

Liiska shirkadaha ee uu soo saaray guddiga ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah Al-Qurdubah Travel Agency Haj & Omrah, Hami Travel, Al-Tawafuq Hajj & Umrah Travel Agency, Hage Travel Agency, Anfal Tours & Travel Limited, Laanjo Air Travel Agency, Best Fly Travel Agency, Safari Travel Agency iyo Ritaj Al-Hayat Travel & Tourism Agency

Guddiga ayaa meesha ka saaray eedeymo loo jeediyay oo la xiriiray xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan, iyaga oo sheegay in guddiga uu ku shaqeeyay habraacii loogu tala-galay tartanka wareegyadiisa kala duwan.

“Guddigu waxa uu mid mid u dul istaagay una baaray dhamaan galalkii iyo waraaqihii (Documents) kala duwanaa ee tartamayaashu soo gudbiyeen, arrinkaas oo sababay inay guddigu waqti aad u dheer oo maalin iyo habeenba leh ay shaqeeyaan, taas oo ay ka dhasheen guulo ay mireheeda u aayaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Sida uu shaaciyay guddigu shirkadaha haray ayaa waxay iskugu jiraan Shirkado, Xamlado aan soo dhameystirin shuruudihii laga rabay iyo Shirkado, Xamlado soo gudbiyay xog iyo waraaqo aan sax ahayn, iyo kuwo ku haray imtixaankii iyo wareysigii tooska ahaa (interview).

“Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 shirkadaha guulaystay wuxuu u kala qeybiyay darajooyinka kala ah; A, B, C. Kadib natiijads imtixaanka la hordhigay.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo saari doono qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1444/2023, si meesha looga saaro cabashooyinka soo laab-laabtay.

“Qarashka lagu xajin doono sanadkan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sameyn doonta daraasad deg deg ah, iyada ayaana wareegto kusoo saari doonta qiimaha sanadkaan lagu xaji doono Inshaa’Allah.”

Guddiga ayaa intii uu waday kala xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeega Xajka, waxa uu shaaciyay in qaarkood ay kusoo xareysteen tartanka dukumintiyo been abuur ah, sida Shati aan jirin oo loo eekeysiyay mid shaqeynaya oo sax ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale bilaabay baaris la xiriirta shirkadahaasi ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan tartankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayada oo lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen.

Sidoo kale waxa uu diginiin u diray dhamman shirkadaha iyo shaqsiyaadka isku-daya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga;




Deadly LasAnod conflict spurs US State Dept. action

WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – The United States State Department has expressed its growing concern over the ongoing violence in LasAnod, a disputed town in northern Somalia, joining other international partners and neighboring countries in urging a de-escalation of the conflict. 

In a statement released today, the State Department called for “adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution.”

The statement further warned that “continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis.” 

As a show of commitment to peace, the US has called on Somaliland to withdraw its security forces and requested militias in LasAnod to cease any offensive actions against Somaliland forces.

LasAnod conflict claims over 200 lives

According to authorities, the ongoing conflict between security forces and clan fighters in LasAnod has resulted in more than 200 deaths within a month.

The fighting, which began on February 6 and continues sporadically, caused significant damage to infrastructure and homes. 

The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes.

The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle.

Local leaders seek separation from Somaliland

On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in LasAnod to discuss resolving the conflict. 

They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia. 

They have also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area.

This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally.

The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence. 

LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia.  

Delayed presidential elections and visa restrictions

In addition to addressing the violence, the US State Department expressed concern over the delay of Somaliland’s presidential elections, which have been postponed since November 2022. This delay goes against the timeline outlined in Somaliland’s constitution. 

The State Department urged Somaliland authorities to “set a clear timeline and complete the elections as soon as possible.”

The United States has warned that it is prepared to use authorities under Section 212(a)(3)(C) of the Immigration and Nationality Act to restrict visa issuance for “current or former Somali officials or other individuals who are believed to be responsible for, or complicit in, undermining the democratic process in Somalia, including in Somaliland.”

Bangiga Adduunka oo war farxad leh kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka oo war kasoo saaray hanaanka deynta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Bangiga Adduunka ku bogaadiyay inay gaartay horumar si dalka uu unoqdo mid u qalma in si buuxda looga cafiyo deymaha, iyada oo la raacayo hindisaha waddamada deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Bangiga Adduunka ayaa waxa uu sheegay in dhowrka bilood ee soo socda uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda iyo hay’adda IMF, si ay Soomaaliya uga taageeraan sidii ay u gaari laheyd heerka HIPC ee dhameystirka hanaanka deyn cafinta.

“Deyn cafintu waxay noqon doonto mid muhiim u ah Muqdisho oo gacan ka geysan doonta in dalka loo furo fursado cusub oo maaliyadeed,” ayuu sidoo kale tilmaamay Bangiga Adduunka.

Keith Hansen, oo ah agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Ugand oo hadal ka jeedisay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Word Bank-ga iyo Soomaaliya ay soo wada mareen waddo dheer, islamarkaan xilligaan la gaaray natiijooyin wax ku ool ah.

“Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah. Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka waxaa looga baahan yahay inay sii wadan wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo in si deg deg ah loo fuliyo deyn cafinta,” ayuu yiri Keith Hansen.

Wasaaradda maaliyadda aya dhawaan marti-galisay shirka dib-u-eegista waxqabadka shaqo ee dalka oo socday muddo labo maalmood ah, kaasi oo wada-hadallo miro dhal ah ay ku yeesheen Bangiga, madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah DF oo ay ku jiraan qeybaha fulinta mashaariicda.

Kulankaan ayaa kusoo aaday waqti munaasib ah oo dalka uu udhaqaaqay dhanka dhameystirka deyn cafinta, sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka.

Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale.

Trump oo si rasmi dacwad loogu soo oogay iyo goorta maxkamadda la gaynayo

New York (Caasimada Online) – Xeer-beegtida New York ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, sababo la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jisha aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Tallaabada ay qaadeen xeer-beegtida ayaa Trump ka dhigeysa madaxweynihii ugu horreeyey ee hore ee Mareykan ah ee wajaha dacwado dambi.

Dacwad-oogistan taariikhiga ah ee 76 jirkan Jamhuuriga – oo beeniyey inuu wax khalad ah sameeyey – ayaa waxaa hubanti ah inay curyaamin doonto isku dayga uu dib ugu hananayo Aqalka Cad. 

Qareenka Trump Susan Necheles ayaa sheegtay in Trump maxkamadda la horgeyn doono Talaadada toddobaadka soo socda.

Xafiiska dacwad-oogaha degmada Manhattan Alvin Bragg ayaa xaqiijiyey inay qareenada Trump la xiriireen Khamiistii “si ay ugala shaqeeyaan isa soo dhiibistiisa” markaasi oo qodobada dacwadda shaaci laga qaadi doono. 

Trump ayaa dacwadda ugu gacan sayray inay tahay “maxkamadeyn siyaasadeed iyo faro-gelin doorasho,” isaga oo caro kala dul dhacay dacwad-oogayaasha iyo mucaaradkiisa Xisbiga Dimoqraadiga, wuxuuna wacad ku maray in tani ay dib ugu soo laaban doono madaxweyne Joe Biden. 

Isa soo dhiibista Trump, iyo suurta-galnimada ah in dacwadaha ay noqdaan illaa 30 qodob oo la xiriira wax is-daba marin ganacsi, ayaa ka dhigan in faro laga qaadi doono, loo sawiri doono sida maxaabiista, islamarkaana la jeebeyn doono, sida uu sheegay taleefishinka CNN. 

Xulufada Trump iyo wiilashiisa ayaa cambaareeyey tallaabadan oo ay sheegeen in looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo ololihiisa 2024, halka la loolamahiisa ugu weyn ee Jmahuuriga, barasaabka Florida Ron DeSantis uu dacwad-oogista ugu yeeray “mid aan Mareykan aheyn.”

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy, oo ah mas’uulka ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in dacwad-oogista “ay si aan dib loo dayac-tiri karin u waxyeeleysay” dalka.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka, lana filayo inuu kula tartamo doorashada 2024 Mike Pence ayaa ugu yeeray “mid laga caroordo” oo ka shaqeyn doonto kaliya “inay sii kala qeybsio” Mareykanka.  

Dacwadda kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.

Sawirro: Guddiga Axmed Madoobe ee Baardheere oo golaha wasiirada horgeeyay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ee gurmadka fatahaada degmada Baardheere ayaa hortegay kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Kulanka golaha oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa warbixin lagaga dhagaystay guddiga gurmadka fatahaada degmada Baardheere oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka jireen daadad ku fatahay, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dadweynaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa golaha warbixin la xiriira xaalada amniga guud ee Jubbaland looga dhagaystay Wasaarada Amniga oo ka warbixisay howl-galo ay sameeyeen ciidamada hay’adaha amaanka todobaadkii lasoo dhaafay.

Howl-galadaasi ayay sheegtay wasaaradda amniga maamulka Jubbaland in lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa golahu uu akhrintii labaad marsiiyay sharciga dhismaha hay’ada wadooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska, islamarkana qeybo kamid ah sharcigan wax ka badal ay golahu ku sameeyeen.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, xilli ay halkaasi ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa loo igmaday ka shaqeynta sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay.

Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada.

Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 20 qof.

PUTIN oo laga yaabo inuu booqdo Turkey, xilli ay ICC amartay in lasoo xiro

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga yaaba inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee April, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiya Recep Tayyib Erdogan.

Socdaalka Putin laga yaabo inuu ku tego Turkiga ayaa la xiriira daah-furka koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

“Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah,” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV.

Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasi oo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin.

Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda ICC.

Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu.

Mashruucan oo ku kacaya $20 bilyan ayaa waxay Turkiga u oggolaan doonta inuu ku biiro kooxda yar ee leh tamarta nukliyeerka rayidka ah.

Ruushka ayaa Isniintii beeniyey wararka Turkiga ee sheegaya in Putin uu qorsheynayo inuu booqdo Turkiga.

Muhaajiriinta ku dhimanaya badda Tunisia oo kordhay

Tunis (Caasimada Online) – Waxaa laga digay in tirada meydadka muhaajiriinta ee ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha ee laga soo badbaadiyay doonyihii ku burburay maalmihii la soo dhaafay badda Tunisia, ay ka badan yihiin tirada ay soo gudbiyeen kooxaha caafimaadka maxalliga ah.

Wakaaladda wararka dowladda ee TAP oo soo xiganeysa aggaasimaha caafimaadka ee gobolka Hatem Cherif ayaa sheegay in qolka meydadka ee Isbitaalka Jaamacadda Habib Bourguiba ee ku yaalla caasimadda gobolka uu soo gaaray 42 meyd oo muhaajiriin ah, isaga oo xusay in qolka meydadka uu qaadi karo oo keliya 35 meyd ah.

Meydadka ayaa laga soo saaray badda kadib markii doomihii ay la socdeen, maalmihii la soo dhaafay ay kula degtay xeebaha gobolkaasi.

Toddobaadkii hore qolka meydka, ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey 70 meyd ah. Cherif ayaa laga soo xigtay isagoo ka digaya in xilliga xagaaga uu soo dhawaado xawaaraha isku dayga socdaalka sharci darrada ah ee badda uu kordhi doono, baaba’a meydadkana uu noqon doono mid deg deg ah, sababo la xiriira heer-kulka oo kor u kacaya.

Mas’uulkan ayaa ka codsaday hay’adda socdaalka adduunka ee IOM in ay soo gaarsiiso haamaha qaboojiyaha, iyo gawaarida xamuulka ah ee lagu qaado meydadka isbitaalka.

TAP ayaa waxay xustay iney jiraan in ka badan 800 oo mayd ah oo Afrikaana oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha, kuwaasi oo ku dhintay badda, islamarkaana lagu aasay qabuuraha maxalliga ah ee Sfax ilaa sanadkii 2022-da iyo sanadkan.

Dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa sare u kac ku yimid isku-dayga tahriibayaasha aan sharciyeysneyn ee Talyaaniga uga gudbaya badda.

Axadii, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay dhimashada ugu yaraan 29 muhaajiriin ah, intii lagu guda jiray isku dayga inay badda ka gudbaan, gaar ahaan Sfax.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa imanaya, iyada oo olole lagu xirayo dadka Afrikaanka ee ku nool dalkaas iyo hadalkii ka dhan ahaa soogalootiga uu raalli-gelin ka bixiyey madaxweyne Kais Saied toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla xadka laba gobol

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano cusub oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Deegaanada ay Shabaab kala wareegeen gacan ku hayntooda ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Aflax iyo Cali Heelle.

Ciidanka huwanta ayaa sida la sheegay waxay howl-gallada ka wadaan xadka labada gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Howl-gallada ay sidoo kale waxaa lagu ekeeyay deegaano dhowr ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle u sheegay idaacada Shabelle.

“Howl-gallada oo tan iyo shalay ka wadeen ciidamada deegaanada kala qeybiya Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ah,” ayuu yiri Korneyl Maxamed Ibraahim Xeyle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay la wareegeen dhul baaxadiisu lagu qiyaasay 70-KM.

Howl-gallada ay ciidamada deegaanada kula wareegeen ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay wado qorshe lagu bilaabayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kuwaasi oo xooggooda ay ka dhici doonaan gobollada Jubbooyinka.

Si kastaba, Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay sheegtay dowladda

Cabdalla Muumin oo qormo xasaasi ah kasoo saaray xarigiisi, weerarna ku qaaday…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin oo la siiyay dhawaan ayaa qormo dheer kasoo saaray xarigiisi iyo tacadiyo uu sheegay in lagula kacay.

Cabdalla Muumin ayaa waxa uu sheegay inuu xanuusaday intii uu xirnaa, uuna helin daryeel caafimaad ee lagama maarmanka u ahaa xaaladdiisa, islamarkaana laga hor istaagay inay soo booqdan ehelkiisa.

“Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xanuunsanayey, iska daa inaan daawo helo’e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wariye Cabdalla Muumin ayaa waxa kale oo uu weerar ku qaaday Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari oo uu sheegay in dartood loo marsiiyay ciqaab nooc kasta ah, sida uu ku yiri qoraalkiisa.

“Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood.”

Hoos ka aqriso qormada Cabdalla Muumin oo dhameystiran:

Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10am illaa 3pm iyo dheeraad.

Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka.

Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11-kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay.

Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey.

In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa.

Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah.

Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad.

Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay.

Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay.

Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey.

Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah!

Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN!

W/Q: Cabdalla Axmed Muumin
Xoghayaha Guud ee Ururka SJS

20 horjooge oo laga dilay Al-Shabaab iyo ‘waxa ay u qaabilsanayeen’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la qaarajiyay 20 kamid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha baadda ah ee ka qaado ganacsatada.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo sida khaaska ah ilaalada ugu ahaa badda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed.

“15 Gaari oo ah kuwa ay ku ururin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaadkoodna la burburiyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta uga warbixineysay guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab kula jirto.

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee kooxda ay ku qaadan jirtay lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadi jirtay ganacsatada magaalada Muqdisho.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijta ee badeecadaha kasoo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha. Waxaa la joojiyay nidaamkii ay kooxdu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.”

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka qaatan dadka, sida Masaajida Cali-gaduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.

Goor sii horeysay oo maanta ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.

Hoos ka aqriso

Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadiskii ugu xooggana ee siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimamda Online) – Hoggaamiyaha muddada fog madaxda ka ah maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wajahaya cadaadiskii siyaasaddeed ee ugu xooggana in muddo ah.

Axmed ayaa lumiyay saaxiibadiisa siyaasadeed wixii ka dambeeyay doorashadii heer federaal iyo markii uu ku darsaday muddadiisa xil-haynta.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto waxay ahaayeen labada xubnood ee ugu dhaw Axmed Madoobe dhanka xubnaha Aqalka Sare ku metela Jubbaland.

Waxay sabab u ahaayeen in muddo ah inuu Axmed Madoobe helo taageero ka baxsan beeshiis hoose, waxayna kale oo si heer federaal ah u difaaci jireen xukunka Axmed Madoobe ee 10-ka sano Kismaayo dhaafin.

Hadda Fartaag iyo Iftin waxay banaanka u taagan yihiin in saaxiibkoodii siyaasaddu xukunka wareejiyo. Dhowr jeer oo ay hadleen bilihii ugu dambeeyay waxay ku doodeen in la arkay waxa uu Axmed Madoobe tari karo reer Jubbaland, sidaas darteedna loo baahan yahay weji cusub oo keeni kara hal abuur Jubbaland ku dhaafto Kismaayo.

Sidoo kale siyaasiyiinta Axmed Madoobe ku xisaabta ah xagga qabiilka sida Oomaar, Shakuul iyo xubno kale oo ka hadlay marxalada cusub ee Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay inuu doorasho qabto, xukunkana si nabad ah ku wareejiyo.

Bishii August 2019 ayaa Axmed Madoobe dib loo doortay, doorashadaas waxaa markii hore diiday dowladda federaalka ah, laakiin ugu dambeyn dowladdii Farmaajo aqoonsi laba sano ayay siisay Axmed Madoobe.

Markii tirinta laga soo bilaabo bisha August 2019 muddo xileedka Axmed Madoobe waxa uu ku eegyahay bisha August ee sanadkaan 2023.

Sida ku qoran Dastuurka Jubbaland muddo xileedku waa afar sano, hoggaamiyaha maamulkana laba jeer ayuu xeerka siinaya inuu maamulka hoggaamiyo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan bedddalay qodobka Dastuurka ee muddo xileedka isaga oo ka dhigay shan sano, waa sida ay sameeyen Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Siyaasiyiinta reer Jubbaland ayaa diidan illaa hadda halka sano, waxay u dagaalamayaan in bisha August ee sanadkaan Jubbaland doorasho ka dhacdo. Rejo dowladeed iyo Jubbaland mideysan kama dhex muuqato Axmed Madoobe ayay leeyihiin dadka sida weyn u naqdinaya siyaasadiisa.

Axmed Madoobe hadda ma haysto taageero shacab iyo mid siyaasadeed. Muddo fog waxaa loo arkayay siyaasi ku tiirsan dowladda Kenya, balse iyadana su’aal ayaa dul saaran kadib markii la sheegay in Nairobi ay dhankeeda ka fikireyso waji cusub oo ay kala macaamisho arrimaha Jubbaland.

Gobolka Gedo weli waa buddo gooni u tuman, gobolkaas baaxada leh ayaa si weyn looga diidan yahay nidaamka Axmed Madoobe.

Ciidan Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl-galka cusub ee lagu qaadayo Al-Shabaab ayaa soo galaya Jubbaland, kuwaasi oo la filayo inay qabteen illaa Bu’aale, haddii taasi dhacdo iyada oo aanay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaanka is qaadan waa culeys kale ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Jubbaland.

Waxaa jira war sheegaya inuu Axmed Madoobe kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta inay isaga iyo Itoobiya isku soo dhaweyso, taasi oo aan la ogeyn inay weli miro-dhashay.

Axmed Maxamed Islaam waxa uu raadinayo dariiq walba oo kusii joogi karo xukunka ayay leeyihiin dadka sida dhaw ula socda arrimahaasi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli caddeyn la’ mowqifkeeda arrimaha Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo warinaya inuu qorsheynayo in uu safar ku tego magaalada Garbahaarey, isaga oo raadinaya Jubbaland loo dhan yahay.

Laakiin waxaa aad u adag ayaa la leeyahay sida dadka reer Jubbaland loogu qancin karo in Axmed Madoobe uu sii joogo xafiiska, kaas oo ku guul-dareystay inuu dhawr iyo toban sano xukunkiisa dhaafiyo magaalada Kismaayo.

DF oo Muqdisho ka sameynaysa ‘aag nooc cusub ah’ markii u horeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka sameynaysa aag Warshadaha u gaar ah, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Aagga cusub ee Warshadaha ayaa waxa uu door muhiim ah ka qaadan doona kor u kaca dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga u ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza.

“Waxaa sameyn doona aag loogu tala-galay Warshado oo ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ay degi doonaan oo ah aag loogu tala-galay Warshado oo kaliya oo ka dhex baxsan deegaanka ay dadka degan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa rajeynaynaa in waqti dhaw inuu hirgeli doono aagga u gaarka ah Warshadaha, waa soo dhaweynayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kalee ajnabiga ah inay maal-gashadaan dalka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmo kahor dhagax dhigay Warshadda sameynta Burka oo ah tii ugu horeysya ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib.

Warshadaasi oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Mudane Xamza ayaa dhiirri-geliyay maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

“In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne GEELLE oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga Somaliland

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland, isaga oo war aan la fileyn kasoo saaray aqoonsiga maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Madaxwweyne Geelle ayaa wareysigan diirradda ku saaray qaddiyada Somaliland,wuxuuna shaaciyay xilliga kama dambeysta ah ee ay dowladdiisa aqoonsan doonto.

Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono kan ugu dambeeya ee aqoonsi siiya Somaliland, haddii ay aqoonsadaan dalalka kale ee ku yaalla caalamka.

“Waxaanu noqon doonaa dalka ugu dambeeya ee Somaliland aqoonsada, maxad u doonaysa in aad dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in Jabuuti ay macaamiil wanaagsan la leedahay dhammaan dalalka gobolka oo ay ku jirto Soomaaliya, sidaas darteedna ay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Jabuuti ay ka shaqeyneyso nabad ku wada noolashaha iyo ilaalinta xiriirka ay la leedahay dariskeeda.

“Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanida dhuleed ixtiraamayna” ayuu markale wareysigaan ku yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda waddanka Jabuuti.

Go’aanka kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa dhabar jab ku ah Somaliland oo haatan xiriiri xoogan la leh dalkaas, maadaama ay ku leedahay xafiis diblumaasiyadeed.

Si kastaba, dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba waddan oo daris ah ayaa haddana walaalo ah, waxaana usii dheer in Jabuuti ay bud dhig u tahay dowladnimada Soomaaliya, maadaama dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay magaalada Carte sanadkii 2000.

Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aano culus oo saameynaya Bajaajleyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno ku socda wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya gudaha dalka, gaar ahaan caasimada.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada.

Ugu horreyn golaha ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaas oo ka kooban 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya Muqdisho.

Golaha ayaa mamnuucay soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada haatan shaqeeya.

Sidoo kale golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay hirgelinta qodobadan oo si gaar ah u saameynaya Bajaajleyda.

Halkan hoose ka aqriso:-

1-Laga bilaabo 1-da bisha April ee sanandkan 2023 waxaa la hakiyay soo dejinta mooto bajaajta, mooto gaari iyo mootada laba lug leh, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2-Laga bilaabo 1-da April ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa mooto bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B),waxaana shaqadaasi fulinaya maamulka gobolka Banaadir.

3-Lama siin karo ruqsada wadista mooto bajaajta iyo mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18-sanno .

4-Laga bilaabo 1-da bisha May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo mootooyinka illaa ammar dambe.

5-Hirgelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’addaha amniga dalka.

Decoding Al-Shabab’s fiscal empire: A silent war in Somalia

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Despite efforts by the Somali federal government to disrupt the financial channels used by Al-Shabab, the extremist group’s extortion racket continues to expand.

The militant organization controls large parts of rural central and southern Somalia. However, it has lost some territory in recent military operations.

The scope of Al-Shabab’s financial empire

According to a study by the Africa Center of Strategic Studies, Al-Shabab has established a formal banking system, prompting the Somali government to implement the Anti-Money Laundering and Countering the Financing of Terrorism Act in 2016.

This legislation requires financial institutions to report transactions exceeding $10,000. However, many money transfer firms fear retaliation from Al-Shabab and avoid reporting such transactions. T

he group primarily relies on money obtained through Zakat, an Islamic form of taxation imposed on businesses, particularly in the transportation sector.

The United Nations estimates that Al-Shabab generates up to $120 million annually. Over $24 million of this revenue is funneled into purchasing sophisticated weapons from abroad, especially from war-torn Yemen.

These weapons enable the group to effectively confront the national army and foreign troops.

Challenges to disrupting Al-Shabab’s finances

The UN Office on Drugs and Crime has provided technical support to the Somali government to disrupt Al-Shabab’s financing sources, storage and transfer methods, and illegal taxation systems.

Despite this assistance, the federal government has struggled to curb the group’s exploitation of the financial system beyond targeting Al-Shabab’s financial officers and “taxation” checkpoints through conventional military operations.

Al-Shabab has displayed effectiveness and efficiency in revenue collection for years, often surpassing the federal government.

The lack of proper identification for the population, coordination, regulatory enforcement, corruption, and political will has allowed the militants to continue extorting money from locals.

Recommendations for combating Al-Shabab’s financial networks

To effectively block the group’s revenue collection, the Africa Center of Strategic Studies suggests that Somalia should prioritize the professionalization of infiltrated government agencies.

This includes those responsible for financial, intelligence, and judicial functions, crucial in shutting down Al-Shabab’s financing and money laundering.

Achieving this objective requires more than just financial sector development.

It also necessitates improved criminal investigatory work, enhanced law enforcement, and a shift in culture within the Federal Government of Somalia and the five Federal Member States toward transparency, accountability, and citizen service delivery.

Experience from other regions dealing with mafia-like influence shows these patterns can be reversed.

However, this requires sustained political will, incentives, and protections to encourage widespread cooperation with the government against Al-Shabab’s revenue generation schemes.

Recent government actions and ongoing operations

Earlier this year, President Hassan Sheikh Mohamud announced the closure of over 250 bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to Al-Shabab activities.

The group is known to finance violent extremists outside Somalia, including Mozambique and Nigeria.

President Hassan Sheikh also stated that business owners found guilty of remitting taxes to Al-Shabab would have their trading licenses revoked as part of a strategy to control financial flow.

The military has initiated the second phase of operations against Al-Shabab in various parts of the country, with the government maintaining a hard stance against the militants.

The United States and other international partners have pledged to invest in Al-Shabab defectors to motivate the national army to pursue the ultimate goal: crushing the extremist group.

As the Somali government and its allies continue to battle the militants, disrupting Al-Shabab’s financial networks remains crucial to weakening the group’s power and influence in the region.

DF oo war kasoo saartay ‘isbeddel weyn oo ku yimid’ dhaqaalihii kooxda Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka ayaa ku dhawaaqday guul weyn ay ka gaartay howlgallada xoreynta ee lagu beegsanayo Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladihii dambeeyay, wuxuuna tilmaamay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaad jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Dhanka kale wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgallada milatariga ee socda guul laga gaaray, isla-markaana kooxda jab lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmudug & Jubbaland.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in deegaano badan oo ka kala tirsan maamulladaas laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu bogaadiyay dadaalka ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.

Wararkii u dambeeyey ee dacwadda Donald Trump

New York (Caasimada Online) – Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka.

March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata.

Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha.

Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid yihiin Easter, Passover iyo Ciidul Fitri, islamarkaana la qorsheeyey fasax laba toddobaad ah oo ka billaabanaya 10-ka April, xeer beegtida ayey suurta-gal tahay inaysan kiiska soo qaadin illaa dhammaadka April, waxaa sidaas weriyey wargeysyada Washington Post iyo Politico oo soo xiganaya ilo-wareedyo.

Washington Post ayaa qoray in taariikhda ugu dhow ee xeer beegtida ay dib u billaabi karaan kiiska ay tahay 24-ka April.

Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in jeegagga lacagta aan si sax ah loo diiwaan-gelin, taasi oo keeni karta dambi yar oo la xiriira ka been sheegidda diiwaanka ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa taas loo dallacsiin karaa dambi weyn, haddii xeer-ilaaliyaha degmada uu xeer beegtida ka dhaadhiciyo in lacagta la qariyey ay qeyb ka aheyd in Trump uga faa’iideysto ololaha doorashada, isaga oo daboolaya fadeexad.

Ma jiro madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga ama ka tegay oo abid dacwad lagu soo oogay.

Trump ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan faro-gelinta doorashadii gobolka Georgia ee 2020 iyo weerarkii ay January 6, 2021 taageerayaashiisa ku qaadeen Congress-ka, kuwaas oo doonayey inuu xafiiska sii joogo kadib markii doorashada looga adkaaday.

Trump oo mar kale doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa dhammaan baaritaanada ku macneeyey “ugaarsi shaqsi” iyo dacwad-oogis siyaasadeed.

VOA + AFP

Mareykanka oo qaaday tallaabo la xiriirta Laascaano iyo jawaabta Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Mareykanka oo markale war cusub kasoo saaray xaaladda Somaliland ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood.

Safiirka Mareykanka ee xafiiska kasii tagaya Larry Andre oo xiriir la sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kala hadlay arrinta Laascaanood iyo doorashada Somaliland.

Larry Andre ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamada ka saaro aagga Laascaanood, si marka hore loo dhaqan-geliyo xabad joojinta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu awoodo in xaaladda uu dajiyo, si ay u billowdaan wadahadallada xal loogu raadinayo colaadda ka jirta halkaasi

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Biixi looga baahan yahay inuu caddeeyo xilliga ay dhacayso doorashada guud ee hoggaanka Somaliland oo horay dib ugu dhacday.

“Madaxweynaha Somaliland Biixi wuxuu awoodaa inuu abuuro jawi lagu kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Laascaanood, sidoo kale oo ku dhawaaqo habraaca doorashada mustaqbalka Somaliland, waxaana ku dhiirageliyay isaga inuu labada sameeyo,” ayuu yiri.

Dhanka kale Somaliland oo jawaab ka bixisay arrintan, kadib war qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka Telefishinka Somaliland.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu kula dar daarmay ciidamada maamulkaaasn inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, sidoo kalea ay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kar kooxaha kasoo horjeedo ee ku sugan Sool.

Tallaabadan ayaa u muuqata in weli Somaliland ay ku adkeysaneyso in qaab milatari oo kaliua ay u marto xalka Laascaanood, si ay usoo ceshasho gacan ku heynta magaaladaasi.

JOE BIDEN oo cadaadis xoog leh kala kulmay arrin ku saabsan Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis xoogan oo ku aadan Soomaaliya kala kulmaya xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.

Matt Gaetz oo ah xildhibaan ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in ciidamada Mareykanka dib looga soo saaro gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweynaha in uu ciidamada kasoo saaro Soomaaliya, si loogu celiyo dalkooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inay diyaariyeen qaraar ku aadan arrintaas, ayna u gudbinayaan Golaha Wakiilada, si loogu codeeyo, kadibna go’aan looga gaaro.

Waxa kale oo uu dalbaday in dowladda ay sharraxaad ka bixiso sababaha loo doortay in ciidamadooda uga howlgalaan Soomaaliya iyo danaha ugu jiro Mareykanka.

“Waa inay sharxaan sababta Soomaaliya ay ugu wanaagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha” ayaa doodiisa Matt Gaetz

Hadalkan kasoo baxay xildhibaankan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo aadayo, xilli uu horay ugu guul-darraystay, in ciidanka Mareykanka laga soo saaro gudaha dalka Syria.

Joe Biden ayaa bishii May ee sanadkan 2023-ka 500 oo askari usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqa Mareykanka ee ka dhanka ah Shabaab, waxaana ciidankaas oo horay Soomaaliya uga saaray madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee Soomaaliya ka taageera dhanka milatariga, wuxuuna qayb ka yahay dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, warkan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo haatan dowladda federaalka ay ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka.

Ninkii dilka iyo dhaawaca ka gaystay Masjid ku yaalla Muqdisho oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan darro ahaa ka geystay Masjid ku yaal deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay.

Sidoo kale eedeysanaha ayaa dhaawac halis ah u geystay wiil dhalinyaro ah isna Mu’adin ka ahaa masjidkaasi, sida uu shaaciyay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku sugnaa degmada Warta Nabadda, isla-markaana uu hataan soo galay gacanta dowladda.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska ee Gobolka Banaadir

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu ahaa Tabliiq, isla-markaana uu dilka iyo dhaawac uu u adeegsaday baangad.

“Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay masjidkana uu moddo joogay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee Booliska.

Labada dhibane ayaa saaladdii subax ee shalay midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, balse kadib waxaa dhacday arrintaan la yaabka leh.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka.