27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Biden oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Richard H. Riley, IV u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. 

Riley ayaa waxaa uu beddelayaa Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. 

Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uu hadda hayaa xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada. 

Riley wuxuu horey usoo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Peshawar ee dalka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal hoggaan kasoo qabtay, iyo safiir ku-xigeen safaaradda Mareykanka ee Oslo, Noway.

Sida lagu sheegay bayaanka Aqalka Cad, Riley wuxuu sidoo kale xilal kaaliye kasoo qabtay safaaradaha Mareykanka ee Kabul, Afghanistan, Qaahira, Masar, Sanca, Yemen, London, England, Moscow, Russia, Beijing iyo Chengdu, China, iyo Kingston, Jamaica.  

Kahor inta aanu xilka la wareegin, Riley wuxuu u baahan yahay inuu helo codka xaqiijinta Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasi oo qaadan karta dhowr bilood.  

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano. 

Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

Gabdho SOOMAALI ah oo carruur u dhalay DAACISH oo lagu xiray dalka NORWAY

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amniga ee dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay laba haween oo Soomaali- Norwegian ah, kuwaas oo laga soo qaaday xabsi ku yaalla dalka Suuriya.

Gabdhahaas ayaa sanadkii 2013-kii waxay ku biireen ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxay halkaas carruur ugu dhaleen rag ka tirsanaa Daacish.

Dowladda Norway ayaa heshay xogta xaalad adag oo ay ku noolyihiin carruurta ay dhaleen haweenkaas, waxayna dowladdu go’aansatay in  dalka Norway ay dib ugu soo celiso ilmaha iyo hooyooyinkood oo ku dhibaateysnaa Suuriya.

Suni Siciid Saalax oo ah weriye ku nool waddanka Norway oo BBC la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyey kiiska hablahaas oo hadda dowladda Norway ay xabsiga u taxaabtay.

“Dhabdhahaan waa Soomaali, xalay ayaa laga soo dejiyey Norwey, isla markiiba xabsiga ayaa loo taxaabay, dowlada ayaa muddo dheer naawileysay in gabdhahaan lasoo celiyo, si loo daryeelo carruurtooda, ugu dambeyntiina hadda ayey suurta gashay,” ayuu yiri

Weriye Suni Siciid ayaa sheegay in arrinta gabdhahaan ay aad uga dheregsan yihiin dadka reer Norway, iyadoo aqoonyahano badan ay kiiskooda buugaag ka qoreen.

“Gabdhahaan Norway ayey ku dhasheen, waxay ahaayeen caan, sababtii ay ku tageen Suuriya buugaag ayaa laga qoray, waxay guursadeen laba nin oo Daacish ah oo carruur ay u dhaleen, sida sharciga ah dowladda Norway waxaa xaq loogu leeyahay inay daryeel helaan carruurtaas oo ku noolaa xeryo qaxooti oo ku yaalla dalka Suuriya,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay in labada gabdhood ay mid wadato hal cunug, halka tan kale ay wadato laba carruur ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Suuriya, balse markii dambe labada gabdhood waxaa lagu qanciyey in dib loogu soo celiyo Norway.

“Sababta loo xiray waa in gabdhuhu ay ku wada eedeysan inay guursadeen rag argagixiso ah, kuwaas oo mid kasoo jeeday Norway, kan kalena wuxuu ahaa Carab, marka waxaa loo heystaa inay falal argagixiso ka qeyb galeen oo niman argagixiso ah ay guursadeen,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay in carruurtii la geeyey goob lagu baxnaaniyo, halka labadii gabdhood xabsiga la dhigay, “Ilaa hadda cid ka hadashay ma jirto waxa xiga xarigaan, wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegtay in masuuliyadda saaray ay aheyd in carruurtaan muwaadiniinta ah lasoo badbaadiyo, arrinta haweenka xirana ay u deynayaan hey’adaha ammaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay wareysiyo badan kadib ay macquul tahay in dhabdhahaas maxkamad lasoo taago, “Uma badna in sharciga lagala laabanayo, laakiin waa khasab waa la maxkamadeynayaa,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid oo ku sugan dalka Norway.

Cabdi Xasan HUBAALE oo isku soo dhiibay dowladda

0

Qoryooley (Caasimada Online) –  Wararka aan ka heleyno gobolka Shaneelaha waxay sheegayaan in maanta ay degaan hoostaga degmada Qooryooley oo ka tirsan gobolkaasi uu iska soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xasan Hulbaale, sida lagu sheegay muuqaal laga duubay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu kooxda ka tirsanaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, isla-markaana uu ka howlgalay meelo kala duwan oo kamid ah gobollada dalka

Cabdi Xasan Hulbaale ayaa ahaa madaxii Al-Shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley, wuxuuna isku dhiibay ciidamada 14-ka Octobe ee ku sugan deegaanka Janaale.

Ninkan ayaa sidoo kale door-weyn ku lahaa dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeelaha Hoose oo ay inta badan kooxda ka fuliso weeraro toos ah iyo qarxyo khasaare geysta.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi isa soo dhiibay ee muddada sanadaha ah ka tirsanaa kooxdaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah isaga dhiibta gobollada dalka, maadaama dagaal culus uu uga furan yahay dhankaas, sidoo kale waxaa kooxda halkaas ku heysta go’doon adag oo dowladdu ay gelisay.

Dagaalka tooska ah ee koonfurta iyo bartamaha dalka uga socda kooxda AL-Shabaab, waxaa u dheer go’doon la saaray inta badan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana kusii dhowaaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha Shabaab ee isku soo dhiibay dowladda , waxaana loo sababeynayaa cadaadiska la saaray kooxda.

Dowladda oo ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Cali Dheere ee fashilka dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaasi oo uu ku sheegay in uu fashilmay wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah.

Cali Dheere oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta ku hadashay afka kooxda ayaa waxa uu sheegay inuu fashilmay wejiga koowaad oo uu sheegay inay qeyb ka ahaayeen dowladaha NATO, gaar ahaan Turkey iyo Mareykanka, sidaas darteedna hadda dalka la keenayo ciidamo Itoobiyaan ah.

“Xamlada wajigeedii hore markuu fashilmay ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya,” ayuu yiri.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale oo la hadlay VOA ayaa beeniyay sheegashada Cali Dheere, isaga oo sheegay in wejiga koowaad ee dagaalka laga gaaray guulo wax ku ool ah.

“Macnaha fashil waa in loogu noqdaa haddii xoreynta Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Koonfurta Mudug iyo qeybo kamid ah Galgaduud ay fashil tahay. Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda waxay suurta-galiyeen dhamaan guulahaas ay gaareen ciidamadeenna amaanku muddo aad u yar,” ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in hadalka kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ee ahaa in Mareykanka uu soo abaabulay duulaaka Soomaaliya “ay tahay mid aan waxba ka jirin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la dagaalamayaan dhalinyaro askar ah oo Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran, dagaalkana yaqaan, “Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500KM, welina way ku daba jiraan,” ayuu yiri Kamaal Daahuir Xasan Guutaale.

Guutaale ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dhamaan waddamada safka hore ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ay oggolaansho u haystaan inay ka qeyb-qaataan howl-gallada lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya, ayna dowladda ka caawinayaan sidii looga guulaysan lahaa kooxda, loona soo afjari lahaa.

Ciidamada PUNTLAND iyo Daacish oo ku dagaalamay Bari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa sameeyay Ururka Onkod oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay degmada Ballidhidin ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka kadib uu meesha ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaa lagu sheegay warkan in Daacish la gaarsiiyay jab xoogan.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda, inta uu dagaalka socday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac loo geystay xubnaha kooxda Daacish ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa dhulka buuraha ee gobolka Bari.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula dagaalamay kooxda Daacish oo fariisimo ku leh halkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, howlgalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay gobolka Bari ku dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan gobolkaasi.

ABIY Axmed oo shaaciyay inuu wada-hadal la furayo OLA iyo xaaladdaha ku xeeran

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wada-hadal la yeesho jabhad sharci-darro ah oo inta badan ka hawl-gasha gobolka Oromiya.

Hadalkan Abiy Axmed ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyada oo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celiyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November laga gaaray colaadda ka taagneyd waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.

“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Abiy ayaa waxa uu intaas sii raaciyay “In ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA)”. Sioo kale waxa sheegay inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda.

Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay “mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn.”

Odaa Tarbii oo ka jawaabaya hadalka Abiya ayaa waxa uu yiri “10-ka isku day ee uu soo hadal qaaday ma ahayn isku dayo dhab ah oo uu kula xiriiray hoggaanka OLA.”

Ururka OLA ayaa lagu daray liiska argagixisada ee dalka Itoobiya waxayna dawladdu ku eedaysay inay xasuuq ba’an u gaysato qoomiyadaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Axmaarada ee ku dhaqan gobolka Oromia oo ah kan ugu wayn maamul goboleedyada dalkaas.

Al-Shabaab oo la shaaciyay inay bedeshay horjoogayaal iyo xiisad ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bedeshay qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare, xilli ay deegaan dhowr ah ku lumisay dagaalka ka dhanka ah ee ka socda dalka, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay in xog ay heshay xaqiijineyso in hoggaanka sare ee Shabaab uu Salmaan Mujaahir oo kasoo jeeda dalka Kenya uu hawl-gab ka dhigay, kuna go’doomiyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Salmaan Muhaajir oo ahaa horjoogihii Ajaaniibta ee kooxda ayaa waxa booskiisa lagu bedelay Jacfar Al-Sudaani oo kasoo jeeda dalka Suudaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Horjoogihii hore ee Ajaaniibta kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale laga jartay dhaqaalihii uu ka heli jiray kooxda, kadib markii la sheegay in loo saariyay hoos u dhaca dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta ee dagaalka socda.

Xogta ay heshay dowladda ayaa intaas kusii daraysa in Ajaaniibta kooxda ay u kala jabeen laba garab oo kala taabacsan horjoogihii hore ee la go’doomiyay iyo horjoogaha cusub ee lagu bedelay.

Daba-yaaqada bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in hoggaanka kooxda Al-Shabaab u go’doomiyay horjoogayaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, kuwaasi oo markii hore daacad u ahaa kooxda.

Horjoogayaasha go’doonka la galiyay xilligaasi ayaa waxaa kamid ahaa; horjooge Xasan Afgooye iyo horjooge Farxaan Kaahiye oo go’doon ku ah degmada Jiliba oo aysan dhaafi karin.

Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha.

Sidoo kale Farxaan Kaahiye oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa ayaa isaguna hore u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys xooggan kala kulantay dagaalka dhowrka nooc ah ee dowlada Soomaaliya oo garabsaneysa dadka deegaanka ay ku qaaday, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.

Isimida SSC oo shuruud ku xiray ‘si loo kala badbaadiyo’ Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo shuruud ku xiray si ay u aqbalaan xabad-joojin lagu kala badbaadinayo labada dhinac.

Isimida ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen xabad-joojin ay ka codsadeen ergadii dhawaan ka tagtey magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku xireen in Somaliland ay dhankeeda si buuxda u aqbasho, islamarkaana ay ciidamadeed kala baxdo gobolka.

“Waxa ay noo sheegeen in ay doonayaan nabad, inay doonayaan dhiiga dadka Muslimiinta ah in ay kala bad-baadiyaan, in ay doonayaan xabad-joojin. Anagu waanu ka aqbalay dhankayaga, waana aanu soo dhawaynay, wixii farsama ahna in laga wada-hadlo dhinicii kalena ay la aadaan” ayuu yiri Suldan Aw-Seed oo ku hadlayay afka garaadada SSC.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku rejo wayn yahay in dhex-dhexaadinta ay odayaashu isku xilqaameen ay guulaysato, islamarkaana ay magaalada Laascaanood noqoto goob nabdoon oo dadkii ka baro kacay ay dib ugu soo noqdaan.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay ergada madax dhaqameedka ee dhawaan Muqdisho uga yimid inay gacan ka geystaan dhex-dhexaadinta colaadda ka taagan Laascaanood ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe kadib laba maalmood oo ay ku sugnaayeen Laascaanood.

Odayaashan ayaa wada dadaalo ay ku tagayaan magaalada Hargeysa, inkasta oo lasoo warinayo in xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ay diidan tahay dhex-dhexaadinta ay wadaan odayaasha kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay ku dhawaaqday Somaliland inay qaadeyso tallaabo milateri kadib muddo ay sheegtay inay ku jirtay is-difaac oo aysan ciidamadeedu weerar aheyn dagaalka socda labada billood ee xiriirka ah, sida uu sheegay milateriga Somaliland.

Somalia reclaims 1/3 of Al-Shabab territory: Revival begins

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – According to Larry André, the U.S. ambassador to Somalia, Somali government-led military operations have successfully reclaimed a third of the territory previously held by al-Shabab militants.

In an email to VOA Somali, André stated that this progress represents “one step further toward Somalia’s full revival.”

Since January, the United States has provided weapons and training to the Somali national forces to aid their efforts against al-Shabab.

The U.S. has specifically trained an elite Somali army unit known as Danab, or “lightning,” which has spearheaded the offensive against the militant group.

Militant group claims operations failed

The Somali government recently announced that military operations in the past six months had dealt a significant blow to al-Shabab.

On March 25, the Ministry of Information reported that 3,000 militants were killed and 3,700 injured during the first phase of military operations, which took place between August of the previous year and January.

Additionally, 70 towns and villages were liberated from al-Shabab control.

Despite these reports, al-Shabab has claimed that the first phase of military operations was unsuccessful. Ali Mohamoud Rage, the group’s spokesman, also known as Ali Dhere, accused the U.S. of rallying forces against the militant organization.

In an interview with an al-Shabab-affiliated radio station, Rage stated that the original plan was to eliminate al-Shabab within six months, calling the first phase “futile.”

Somali security official counters claims

Kamal Dahir Hassan Gutale, the national security adviser to Prime Minister Hamza Abdi Barre, dismissed Rage’s assertions.

Gutale argued that the definition of failure would need to be revisited if liberating regions such as Middle Shabelle, Hiran, South Mudug, and parts of Galgadud is considered a failure.

Gutale emphasized that the “Somali people and their government made possible all those successes reached by our security forces in a very short time.”

Gutale also refuted Rage’s claim that the U.S. orchestrated the Somali military offensive, pointing out that al-Shabab is facing “young Somali soldiers who are well-trained, battle-hardened, who took the battle towards the front lines.”

He added that these soldiers have liberated over 500 kilometers from al-Shabab and continue to pursue the militant group.

Criticism ahead of second phase of operations

Government officials have announced that the second phase of military operations will begin during Ramadan. However, this phase has already faced criticism prior to its official launch.

Abdullahi Mohamed Ali Sanbalolshe, former director of the National Intelligence and Security Agency, argues that preparations for the second offensive place too much focus on the government’s role and insufficient emphasis on the participation of local fighters who contributed to the first phase’s relative success.

Sanbalolshe stated that local fighters had limited awareness about the new offensive and accused the government of devaluing the roles of clans, locals, and states.

He claimed that the second offensive’s participation appears limited to the government, unlike the first phase, which involved the broader Somali community.

Defense Minister responds to criticism

In response to these concerns, Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur rejected the notion that the government undervalues the role of local fighters.

He emphasized that the fight against al-Shabab belongs to the Somali people and that regional collaboration achieved previous successes.

Nur added that most locals do not require government information about military offensives. They proactively approach the government to ask for support.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan ka kooban 17 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 17 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay degmada Aadan Yabaal iyo dadaaladda ay dowladda ka wado deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga xoreeyay.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dib u howl-galisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal kadib sanado badan oo Al-Shabaab ay xireen.” – “Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada laga xoreeyay Khawaaijta ay dowladda gaarsiin doonto adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.”

Sidoo kale waxaa warbixinta toddobaadlaha ee dowladda lagu soo qaatay howl-galada ka socda Muqdisho iyo qorshaha qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, taasi oo mareysa meel aad u wanaagsan.

Hoos ka aqriso

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, March 29, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.

3- Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

7- Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

9- Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

10- Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.

11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.

12- Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.

14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.

15- Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

16- Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.

17- Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.

Somaliland oo faah-faahisay dagaalka ay ku qaadeyso magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inuu dagaal qorsheysan ku qaadayo magaalada Laascaanood ayaa waxa uu markale sheegay in howl-galka ay qaadayaan ciidamada uu yahay mid lagu soo dabaalayo nabadii iyo deganaashihii ka jiray halkaasi.

Milateriga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in howl-galkooda uu yahay mid lagu soo afjarayo xiisadda colaadeed ee Laascaanood, islamarkaana lagu soo nabad-gelyadii hore uga jirtay gobolka.

Sidoo kale waxaa qoraalka Milateriga Somaliland lagu xusay in saldhiga Goojacadde oo fadhiisin u ah ciidamada Somaliland uu haysto taageero caalami ah, kaasi oo la sameeyay tan iyo markii u qarxay dagaalka SSC iyo Somaliland ee Laascaanood.

“Howl-galka nabad soo celinta ee hadda socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo deganaasho lagu soo celiyo Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka Milateriga Somaliland oo iclaamiyay inuu dagaal qorsheysan ku qaadi doono xarunta gobolka Sool.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Somaliland “Saldhiga Goojacadde waxaa aas-aasay ciidamada difaaca Soaliland, waxaana taageeray Qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka.”

Dagaal Laascaanood oo socda bishii labaad oo xiriir ah ayaa waxa uu milateriga Somaliland uu maalmo kahor sheegay in uu dhankiisa uu kasoo baxayo is-difaaca, ayna qaadayaan dagaal qorsheysan oo dib loogu soo celinayo Laascaanood gacanta maamulka.

Dhawaaqa kasoo baxay ciidanka Somaliland ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, kadib muddo ku siman laba bilood ah oo ay Somaliland xabad-joojin ku dhawaaqaysay, ayada oo Isimida SSC ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin dagaalka ay la dagaalamaan Somaliland.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.

DF oo baaris ku bilaabeysa shaqsiyaad la tuhunsan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa goordhoweyd shaaciyay in loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, oo ay ugu horeyso kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inuu qaadayo tallaabo ka dhan ah shaqsiyaadka lala xiriirinayo eedeymahaasi, taasi oo ku aadan baarista iyo dacwad oogista tuhunsanayaasha, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo gaaray kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, kiisaskaas oo ay xafiiska usoo gudbisay xarunta warbixinada maaliyadda jFS (FRC) ee dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer-Ilaaliyaha Guud.

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadka shaqo ee ka saaran baarista iyo oogista dembiyada, waxa uu tallaabada ku habboon ka qaadanaya kiisaska soo garay iyo shakhsiyaadka la tuhusan yahay.”

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay dhamaan falalka lidka ku ah sharciga, wuxuuna ugu baaqay in la dhawro xeerarka iyo shuruucda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay waday dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda, kuwaasi oo inta badan ay kooxda si baad ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Waxay dowladda ku guuleystay tan iyo markaas inay xirto in ka badan 250 akoon iyo 70 lambar oo kooxda u adeegsan jirta qaadista lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadaan ganacsatada, iyada oo muwaadiniinta Soomaaliyeed looga digay inay ka fogaadan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda, gaar ahaan la xiriirta embiyada lacag dhaqidda iyo maal-gelintooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hore u sheegtay in hadda kadib ay “si buuxda ula wareegi doonto hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqida ama maal-gelinta argagixisada.

Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Al-Shabaab laga qabsaday + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay guulaha laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda looga qabsaday dagaalka socda.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in saddex meelood meel dhulkii ay gacanta ku haysa Shabaab laga fara-maroojiyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka oo intiisa badan ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

“Hawl-gallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen Al-Shabaab,” ayuu ku yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre qoraal uu udiray VOA.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri Safiirka “Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa waxa uu natiijada ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku aamanay ciidamada huwanta ah oo iyagu wada dadaalada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan ka talinaysay qeybo kamid ah dalka.

Mareykanka ayaa dagaalka socda uga qeyb qaatay duqeynta diyaaradaha Drone-ka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday xubnaha kooxda, hub iyo saanad ciidan oo uu siiyay Soomaaliya iyo la-howl-galka ciidamada DANAB ee uu tababaray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3-kun oo ah maleeshiyaadka ururkaas, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyay in kabadan 70-gobood, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa kusii siqaya wejigii labaad, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Mu’addin dil argagax leh ka geystay MASJID ku yaalla duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday waaxda Carafaad oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii uu nin mu’adin ah masaajid ku yaalla deegaanka ka geystay fal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Mu’adinka ayaa la sheegay inuu dilay Imaamkii Masjidka, kadib shaqaaqo ka dhex-dhacday gudaha masjidka, waxaana sidoo kale uu dhaawacay wiil kale oo dhalinyaro ah.

Dhacdada ayaa timid kadib muran soo kala dhex-galay wiilka yar oo gacan yare u ahaa imaamka iyo wadaadka mu’adinka ah, waxaana meesha ka dhacay gacan ka hadal.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in imaamka oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi uu isku dhigay wiilka yar, kadib markii mu’adinka uu soo qaatay baangad, waxayna baagadii ku dhacday marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Labada nin ayaa saaka saaladdii subax midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, sida uu sheegay qofka goobjoogaha ah.

“Saaka Garasbaaley shaqaaqo aan la yaabnay ayaa ka dhacday laba nin oo masaajidka midna imaam ka ahaa midna mu’adin ayaa is qoomay oo is dilay. Labaduba salaadda subax mid waa aqimay midna dadkii ayuu tujiyay,” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kal wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida uu falkan u dhacay, maadaama uu wax uu ka dagan yahay xaafadda uu ku yaalla masjidka ay wax ka dhaceen.

“Waxa wax dilay waa mu’adinka waxa la dilayne waa imaamkii marka salaadda subax laga kala baxay oo laga kala tegay waxaa ku haray isaga iyo ninka imaamka ahaa oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi Qur’aan iyo gacan yaraha imaamka oo isna kabiir ka ah dugsiga, kadibna wiilka kabiirka iyo ninkaan wax dilaayo ayaa diriray sawir laga qaaday ayaa la’isku qabtay kadib ninkaas canuga ayuu dili rabay imaamkii canuga ayuu isku hordhigay shan baangad ayaa ku dhacday meesha ayuuna ku ruux baxay,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Canuga dilka ka billowday ee sababta uu ahaana hadda isaga oo labada gacan ay go’an yihiin wuxuu yaallaa isbitaalka, waana dhaawac liito,”.

Allaha u naxariistee Imaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle, halka isna ‘mu’adinka dilka geystay’ magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen, kaas oo la sheegay in dhacdada kadib uu goobta isaga baxsaday.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ee dowladda iyo maamulka degaanka Garasbaaley oo ku aadan falkaas.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka.

Ciidamo haya 250 kasoo goostay Al-Shabaab oo soo bandhigay arrin lagu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada qaabilsan ilaalada xarunta ugu weyn ee lagu dhaqan-celiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab ee Sarendi, kuna taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo baahi soo wajahday.

Mid kamid ah askarta ilaalisa xeradan oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii bilood ay ugu dambeysay aysan qaadan mushaar, sidoo kalena aysan heysan raashin.

“Annaga waxaa nahay ciidankii ka howlglayay dhaqan-celinta Soomaaliya, taas oo ah midda Shabaabka dadka kasoo goosta, cabashadaa aan qabno waxaa weeye qodobka koowaad waa mushaar la’aan, qodobka labaad waa garaam la’aan. Mushaarka wuxuu naga maqan yahay muddo saddex bilood ah,” ayuu yiri askariga la xiriiray Idaacadda VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay gaarayaan illaa 86 askari, isla-markaana ay hayaan 250 qof oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay isku soo dhiibeen dowladda.

“Waxaa nahay 86 askari oo rag iyo dumar isugu jiro waxaana heynaa 250 kasoo goostay Al-Shabaab oo dhaqan-celin ahaan loo keenay xerada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Askarigan ayaa sababta ugu weyn ku sheegay in hay’adda IOM oo gacanta ku heysay xeradaas ay shaqada joojisay, kadib markii uu dhammaaday heshiiskeedii

“Horta sababta waxaa markii hore noogula sheegay qolooyinka deeq-bixiyayaasha ah heshiiskii inuu ka dhammaaday,” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka codsaday inay soo farageliyaan arrintooda, maadaama ay shaqo adag u hayaan qaranka.

Dhinaca kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo isna la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay jirto cabashadaas, balse waxa uu tilmaamay in arrintaan heshiis laga gaaray bishii hore, IOM-na ay sii wadi doonto shaqada, isla-markaana shaqaalaha xarunta ay heli doonaan mushaaraadkooda, kadib March.

“Is jiid-jiid dheer kadib hadda heshiis ayaa laga gaaray oo ah inay hay’adda IOM howsha sii wado, marka heshiiska waa la saxiixay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aSoomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi doonto xarumaha dhaqan-celinta Al-Shabaab ee ku yaalla dalka.

Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday inuu hub halis ah siinayo DF Soomaaliya

Brussels (Caasimada Online) – Madaxa siyaasadda arrimaha dibdda Midowga Yurub ayaa sheegay in ururka uu hub halis ah u diri doono dalal ka baxsan Ukraine “oo aad u daneynaya taageero hub culus,” kuwaas oo Soomaaliya ay ku jirto.

Isaga oo ka hadlayey Madasha Amniga iyo Difaaca ee Schuman ee magaalada Brussels, Josep Borrell ayaa sheegay in jawaabta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine ay beddeshay “sida Yurubta u arkaan amnigooda iyo difaacooda.” 

Waxa uu xaqiijiyey in tallaabadii ugu horreysay ee taageero ay hub halis ah ku siin doonaan dalalka Soomaaliya iyo Niger dhowaan. 

“Dalalka aan saaxiibada nahay, sida Soomaaliya oo kale waxay doonayaan taageerada hub halis ah. Sidaas oo kale ayaan u sameynay Ukraine, waana u sameyn karnaa kuwa kale,” ayuu yiri Josep Borrell.  

Hadalka Borrell ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay billowday qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo hadda hakad ku jira muddo dhowr bil ah. 

Wejigii koowaad ee dagaalka ayey dowladdu ka gaartay guulo la taaban karo. Wasaarada difaaca ayaa sheegtay in wejiga koowaad lagu dilay in ka badan 3,000 oo Shabaab ah, lagu dhawacay 3,700, islamarkaana lagu xorreeyey 70 deegaan.

Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Maxaa ka jira inay heshiis gaareen odayaashii ka tegay Muqdisho iyo kuwa SSC?

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka ee SSC ayaa war cusub kasoo saaray halka ay marayaan dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay haatan ku biIreen odayaal dhaqameed ka tegay Muqdisho.

Suldaan Mustafe Aw-Seed oo kamida ah isimada dhaqanka ee SSC oo warbaahinta kula Garoowe ayaa marka hore ka hadlay wararka ayaa sheegaya in odayaashaas iyo SSC ay gaareen heshiis ku saabsan xiisadda Laascaanood, isaga oo been abuur ku tilmaamay.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in illaa iyo hadda ay wax wada-hadal ah la galeen odayaasha ka socda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ee gaaray Laascaanood.

Suldaanka ayaa xusay in kaliya odayaasha ay soo dhoweeyeen, una fududeeyeen inay gaaraan magaalada Laascaanood, ayaga oo u maray dhanka magaalada Garoowe.

Aw-Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay soo dhaweynayaan doorka ergada nabadeed ee ka tegtay Xamar, isla-markaana ay aqbalauaan xabad joojinta, haddii ay dhankeeda diyaar u tahay xukuumadda Somaliland, ayna la baxayso ciidamadeeda.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay rajeynayaan inay ergadu gaaraan dhanka magaalada Hargeysa, si ay farriintooda nabadeed u gaarsiiyaan Somaliland.

Hadalkan kasoo baxay ismimada dhaqanka ee SSC ayaa kusoo aadayo, xilli odayaasha ka tegay magaalada Muqdisho ay kasoo laabteen magaalada Laascaanood, isla-markaasna la filayo inay sii amba qaadaan dadaalkooda oo ay gaaran dhinaca maamulka Somaliland.

Lama oga sida ay wax noqonaan doonaan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Somaliland aysan ogoleyn dhex-dhexaadinta odayaasha kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Weriye Mohamed Abdi Muudey oo ka badbaaday weerar ay kusoo qaadeen Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey agaasimahii ciyaaraha ee Taleefishinka Astaan TV Mohamed Abdi Muudey, kadib markii uu diiday amar ay kooxda ugu yeertay. 

Mohamed Abdi Muudey, oo dirqi uga badbaaday in kooxda disho, ayaa waxaa horey u yeertay maxkamad Al-Shabaab, balse waa uu diiday inuu tago. 

Koox hubeysan oo ka tirsan maleeshiyada ayaa Mohamed Abdi Muudey ayaa soo weeraray xalay oo ay taariikhdu aheyd 28-ka March 2023. 

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka guriga Mohamed oo ku yaalla dagmada Wadajir. Muudey ayaa markii uu ka shakiyey dableyda cararay kadibna waxay ka daba rideen rasaas balse wuuu ka badbaaday.  

Weriye Mohamed Abdi Muudey

“Al-Shabab ayaa laba mar iiga yeertay maxkamad ku taalla Shabeellada Hoose, balse telofonka ayaan ka dansaday,” ayuu yiri Mohamed Abdi Muudey.

“Waxey ila noqotay markii igu danbeysay ee dunida markii an maqley rasaasta, kadibna waan cararey, saacado badan ayaan aamini wayay in rasaas ay ku dhicin jirkeyga. Hadda ma garanayo waxa ii xigi doono laakiin wan sii wadi doonaa shaqooyinkaygii ciyaaraha,” ayuu ku daray.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goor dambe gaarey goobta weerarka uu ka dhacay, balse kooxdii ayaa la sheegay inay baxsatay. 

Muudey ayaa horey diiday inuu joojiyo tabinta ciyaaraha tooska ah ee garoomada kubadda cagta iyo ciyaaraha haweenka, sida ay Al-Shabaab ku amartay. Muudey ayaa kol horey sidoo kale ka badbaadey duqeyn ururka Al-Shabaab ay la beegsadeen garoonka Stadium Mogadishu, xilli uu ku gudo jiray tabin toos ah. 

Al-Shabab ayaa garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Mogadishu xertay 2018-kii kadib amar kasoo baxey, waxayna sidoo kale ay haweenka ka mamnuunceen cayaaraha.

Daawo: Madaale oo kashifay walxo khatar ah dekedda iyo garoonka laga soo dejiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa sheegay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, halkaan ayuu guddoomiyuhu ka sheegay degmada Wartanabadda.

Howlgal culus oo ciidanka booliska ay ka fuliyeen Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qabtay maan-dooriyihii ugu badnaa, waxaana lagu soo bandhigay dhowr degmo.

“Waa u jeediin Xashiishkaan, dhalinyaro badan iyo nin oday ah oo ka ganacsa jiray waa lasoo qabtay, gurigii ay maandooriyahaan ku sameyn jireenna waa lala wareegay.”

“Tani waa nasiib darro, wiilal jaamacado dhigta ayaa ku dhex jiray ragga aan soo qabanay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay saldhigga booliska degmada Wartanabadda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay heleen xogta halka lagu beero Xashiishkaas, “Waxaa Xashiishkaan lagu beeraa beero ku yaalla Sh/Dhexe, waxaana xogtaas la wadaagi doonaa cidda ay khuseyso,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Sidoo kale waxaan ogaanay in dekedda iyo garoonka Muqdisho laga soo dejiyo maandooriyaha, waxaan leenahay maamullada xaruntaas hubiya waxyaabaha idin soo maraya.”

Guddoomiyaha gobolka, ku xigeenkiisa dhinaca amniga iyo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka ayaa xalay tegay xaruntii ugu weyneed ee Calaqa lagu samey jiray oo ku taalla degmada Heliwaa, halkaas oo loogu tegay 30 fuusto oo Calaq ah iyo raggi ka ganacsanayey.

“Sida argagixisada loola dagaalamayo ayaan ula dagaalami doonaa maandooriyaha, si dadkeenu uga badbaadaan maamulka gobolka Banaadir wuxuu xoogiisa isugu geynayaa suulinta maandooriyaha,” ayuu hadalkiisa ku soo daray duqa Muqdisho.

Hoos ka daawo

Shabaab ka gudbay wabiga Shabelle oo WEERAR iyo dagaal ka geystay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saaka Al-Shabaab ka geysteen duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Baardheere oo hoos yimaada magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle iyo ciidamadii ku sugnaa saldhigga la beegsaday

Dagaalkana ayaa waxaa sidoo lale ka qayb qaadanaya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo garabsiinaya ciidamada dowladda ee lagu weeraray halkaas.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkan waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga timid kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu weli socdo dagaalka.

Xaaladdda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo gurmad ah ay ka baxeen Beledweyne, kuwaas oo kusii jeeda deegaanka lagu dagaalamayo ee gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin ka hor guddoomiye Cali Jayte Cismaan uu ku dhawaaqay in galbeedka Hiiraan ay ka bilaabi doonaan wajiga labaad ee howlgallada la dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday weerarada & qaraxyada ay la beegsaneyso saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee gobollada dalka.