27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday Baarsanguuni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ku qaaday deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa dowladda iyo raggii weerarka ku qaaday Baarsanguuni.

Xoogaga weerarka qaaday ayaa si toos u beegsatay saldhig ay ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaankaais, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta marisay xeradaasi, isla-markaana ay gubtay gaadiid dagaal oo yiilay saldhiggaas.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhowaan ayey ahayd markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ay ku galeen saldhigga Janaay Cabdall oo u dhow Kismaayo, kaas oo ay ku dileen askar, kuna furteen hub iyo gaadiid.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkan ayey aheyd markii weerar kan lamid ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla degmada Ruun-nirgood, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

SCOTLAND oo dooratay ra’iisul wasaare MUSLIM ah

Glasgow (Caasimada Online) – Baarlamanka Scotland ayaa Talaadadii xaqiijiyey in Humza Yuusuf uu beddeli doono Nicola Sturgeon, si uu u noqdo wasiirka koowaad, taasi oo macanaheedu yahay in qaranka uu yeeshay ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa iyo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dal ka mid ah galbeedka Yurub. 

Yuusuf oo 37 jir ah, ayaa si dirqi ah Isniintii ugu guuleystay hoggaanka xisbiga Scottish National Party (SNP), si uu u qabto jagada ugu sarreeya Scotland, wuxuuna wacad ku maray inuu dib usoo nooleyn doono dadaallada istaagay ee Scotland ay ku raadineyso madax-banaani. 

Waxa uu kadib xaqiijiyey aqlabiyadda codadka xildhibaanada, codeyn shalay dhacday, si uu noqdo wasiirka koowaad, waxaana la dhaarin doonaan Arbacada maanta ah.

Ka hor codka xaqiijinta, Yuusuf ayaa qiray inay sugeyso shaqo adag, si uu buuxiyo booskii Sturgeon, balse wuxuu wacad ku maray “inuu sii wadi doono xaqiijinta Scotland togan, horusocod ah, kana muuqata saaxadda caalamka.”

“Waxaan si aan daal laheyn u raadin doonaa madax-banaani,” ayuu yiri, isaga oo ballan-qaaday inuu sida ugu wanaagsan u adeegsan doono awoodda baarlamanka.

Yuusuf ayaa Isniintii ballan-qaaday inuu noqon doono “jiilka madax-banaani ku hoggaamiya Scotland,” wuxuuna sheegay inuu London weydiisan doono inay ogolaato codeyn kale.

Hase yeeshee, xoghayaha dowladda UK ee Scotland Alister Jack ayaa sheegay inuu rajeynayo in hoggaamiyaha cusub ee SNP “uu meel iska dhigo waaliada madax-banaani doonka.” 

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa isla shalay u hambaleeyey Yuusuf oo ay yeesheen wada-hadalladii ugu horreeyey kadib guushiisa.

“Waxaan xiiseynayaa la shaqeynta Humza, si aan shacabka Scotland u gaarsiino arrimaha ahmiyadaha u leh,” ayuu yiri Sunak. 

Yuusuf ayaa wada-hadallada ugu yeeray kuwa miro-dhal leh, hase yeeshee wuxuu xusay in Scotland ay dooneyso afti kale, wuxuuna yiri “waxaan caddeeyey inaan filayo in rabitaanka dimoqraadi ee shacabka Scotland la ixtiraami doono.”

Yuusuf ayaa la dhaarin doonaa Arbacada maanta ah kadib markii uu soo ansixiyo boqorka UK. 

Hoggaamiyayaasha SNP ayaa ku faanay in Scotland ay noqotay dimoqraadiyaddii ugu horreysay Galbeedka Yurub ee doorata hoggaamiye Muslim ah. 

“Waxaan u maleynayaa in tani ay muujineyso in UK uu yahay dal soo dhoweeya kooxo kala duwan, gaar ahaan Scotland,” waxaa sidaas yiri Stephen Flynn oo ah hoggaamiyaha Scotland ee baarlamanka UK.

Humza Haroon Yuusuf, oo 7-dii April 1985-kii ku dhashay caasimadda Scotland ee Glasgow, ayaa ah wiilka qoys kasoo haajiray dalka Pakistan. 

Qorshaha saraakiil sare oo dowladda Mareykanka ay usoo dirtay SOOMAALIYA

0

Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiil ka socotay dowladda Mareykanka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweyntooda Maxaas guddoomiyaha degmada Muumin Maxamed Xalane, Taliyaha ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax kamid ah maamulka degmada.

Socdaalka saraakiisha Mareykanka ayaa ku qotoma dardar-gelinta wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiinta maamulka degmada Maxaas.

Saraakiishan oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka garab siin doona howl-galadaasi, ayaa waxay ku boggaadiyeen ciidamada dowladda, kuwa dib-u-xoreynta iyo qeybaha bulshada degmadaasi sida ay isaga dul-qaadeen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin.

Socdaalka Saraakiishan Mareykanka ah ayaa imanaya maalmo kadib markii gobolka Hiiraan ay gaareen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka saraakiishaan ayaa u daaran sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona gobolka Hiiraan iyo qeybo kale oo dalka.

Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dhawaan bilaaban doona ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaran gobolka Hiiraan, ayada oo ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo magaalada Beledweyne uu dib ugu laabtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kuna dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono wajiga labaad ee howl-galka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Digniin laga soo saaray halis kusoo food leh HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan fatahaado weyn oo uu sameyn karo webiga Shabeelle kadib markii roobab lixaad leh ay ka da’een dhulka sare ee dalka Ethiopia.

Waxaa laga cabsi qabaa in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan webiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay.

Hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo FAO ayaa warbixin ay soo saareen waxaa lagu sheegay in laba illaa saddexda maalmood ee soo socda uu webiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro.

Waxaa si weyn looga digay dadka degan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan inay sii daganaadaan aagaasi, ayada oo loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu biyaha webiga uu kor u kacay 1.25 Mitir, taasi oo dhawaan galaafan karta nolasha dad badan, iyada oo fatahaadu ku faafi karto sida laga casbi qabo dhul ballaaran oo aan la qiyaasi karin.

Webiga ayaa hadda fahataad ka sameeyay deegaano badan oo kuyaala degaanka Soomaalida, isaga oo dhibaato weyn u geystay dhul beereed.

Laba sanno kahor ayay ahayd markii ay fatahaad saameyn xooggan reebtay ay ka dhacday magaalada Beledweyne, taasi oo ay dad badan ku dhinteen, ayna hanti badan ku burburtay, waxaana muuqata in aan weli cashar laga baran dhibaatooyinkii hore ee ay sababeen fatahaaduhu.

Shiinaha oo hanjabaad cusub u diray Mareykanka

Beijing (Caasimada Online ) – Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto “daandaansi”.

Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay taageerayaan rabitaanka jasiiraddan in loo arko waddan gaar ah.

“Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing.

“Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin dhab ah,” ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Maraykanka ayaa sheegay in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joogto ah, isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta oo gardarro ah uga qaado Taiwan.

Tsai ayaa la filayaa in ay ka hadasho arrintan kahor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo ku hakan doonta magaalada New York.

Shiinaha ayaa hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo ciidamada qalabka sida ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay.

VOA + Reuters

Rep. Gaetz pushes to end U.S. military presence in Somalia

WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – Rep. Matt Gaetz (R-Fla.) has put forth a war powers resolution aimed at ending the United States military involvement in Somalia, with the sole exception of personnel safeguarding the U.S. Embassy.

This comes on the heels of Gaetz’s unsuccessful effort to recall American troops from Syria, which encountered resistance from both parties and was ultimately defeated in a 321-103 vote.

Evaluating military presence in foreign territories

In an official statement, Gaetz called into question the American public’s trust in military leaders and their rationale for occupying Somalia.

He demanded transparency, asking, “How do they expect Americans to believe their justification of occupying Somalia when they can’t even determine who in their own training programs will lead a violent coup afterward?”

Gaetz urged the Congressional War Machine to clarify the benefits of maintaining a military presence in Somalia for the American people.

If no adequate explanation is provided, Gaetz insisted, it is the responsibility of Congress to repatriate the troops stationed in Somalia.

The war powers resolution and potential outcomes

Under the proposed resolution, the House of Representatives would be required to vote on the matter within 18 days of its introduction.

Should it pass, U.S. armed forces would be mandated to leave Somalia by 365 days after the resolution’s adoption.

Gaetz expects opponents to cite the 2001 Authorization for using Military Force (AUMF) against Afghanistan as grounds for the continued deployment of troops in Somalia.

In a previous vote, House Republicans and Democrats united to block Gaetz’s resolution regarding the withdrawal of U.S. forces from Syria.

Critics claimed that the small force in Syria lacked proper congressional authorization, relying instead on the outdated 2001 AUMF enacted more than two decades ago.

‘Modernized authority and reduced global intervention’

Gaetz and other congressional members argue that an updated authority is necessary for deploying troops overseas and that the United States should cease its role as a “global police force.”

Gaetz expressed skepticism about the efficacy of the 900 American soldiers currently stationed in Syria.

“I do not believe that what stands between a caliphate and not a caliphate are the 900 Americans who have been sent to this hellscape with no definition of victory, with no clear objective and purely existing as a vestige to the regime change failed foreign policies of multiple former presidents,” he said.

As a House Armed Services Committee member, Gaetz submitted the resolution concerning Syria in late February following a U.S. Central Command report detailing a U.S. and Syrian Democratic Forces (SDF) helicopter raid in northeastern Syria.

The operation left four U.S. service members injured and resulted in the elimination of a high-ranking ISIS leader.

Twitter bounty puts defected Saudi colonel in peril

LONDON, UK (Caasimada Online) – Rabih Alenezi, a former Saudi police colonel who defected earlier this month, revealed his fears for his life after a bounty was offered on Twitter to find his location.

Alenezi, 44, contacted London’s Metropolitan Police when a verified account, allegedly belonging to a social media influencer in Jeddah, offered 10,000 Saudi rials ($2,662) to find the ex-officer.

Followers of the account increased the bounty and suggested London neighborhoods where Alenezi might be hiding.

Unexpected dissident in the spotlight

Alenezi never anticipated becoming a dissident and seeking asylum when he traveled to the UK in February.

However, after reflecting on human rights violations in Saudi Arabia, he began to speak out, urging Saudi police officers not to spy on people and to focus on fighting “normal crimes” and “bad people.”

His online dissent led to accusations of treason and further fueled his criticism of the Saudi regime.

Alenezi expressed his concerns about forced disappearances and criticized Crown Prince Mohammed Bin Salman’s Vision 2030 strategy.

He also raised the issue of the Howeitat tribe, which has reportedly been forcibly displaced to make way for the $500bn Neom megaproject.

Alenezi recounted how he avoided participating in operations to demolish homes for the project or spying on Shia Muslims in Qatif province by feigning illness or having prior commitments.

Alenezi privately warned his police colleagues about the Tiger Squad, a secret unit established under the crown prince for covert assassinations of Saudi dissidents both inside the kingdom and abroad.

He reminded them of the fate of those who killed journalist Jamal Khashoggi, and he believes the Tiger Squad still exists.

Impact of the defection on Saudi leadership

Alenezi’s defection has made him a target for hundreds of pro-Saudi social media accounts, as the Saudi leadership fears that other officers might follow his example.

The volume and intensity of online attacks against him have increased since his arrival in the UK. His Twitter account was briefly shut down, hacked, and remains inactive.

Abdullah Alaoudh, Saudi director at the Washington, DC-based Freedom Initiative, claimed the attacks on Alenezi are coordinated and systematic.

He noted that he has never seen a bounty offered before and believes the intent is to “make an example out of him” and possibly even assassinate him.

Twitter has been made aware of the situation but has yet to take action.

Alenezi’s case is closely monitored by other Saudi dissidents in the UK, who are concerned about the ease with which he was tracked down.

One activist, who fled Saudi Arabia last year, said that Alenezi’s experience frightened her even though she speaks out anonymously from abroad.

Ciidanka DF oo qabsaday degaano hoos taga Galcad iyo Shabaab oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay caawa kaabiga ku hayaan degmada Galcad ee gobolkaas oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku heyso.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanku ay galabta dhowr deegaan kala wareegeen kooxda, isla markaana ay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan degmada Galcad oo horay loo xoreeyey, balse mar kale gacanta u gashay Al-Shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta qaranka.

Sida lagu sheegay qoraalkaan kooxda Al-Shabaab jab xoogan ayaa loogu geeystay howlgalka lagu xoreeyey deegaanadaas ee maanta lagu qaaday saldhigyadoodii ku yaallay afartaas deegaan ee laga xoreeyey.

“Dhanka Kale argagaxisadu waxay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaas oo ay caawa hareerada ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda oo aad ugu foogan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Degmada Galcad oo caawa duleedkeeda ay ciidanku ku hoyanayaan waxaa horay looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, balse dib ayey ugu soo laabteen markii ay ka soo baxeen ciidamada dowladda.

In ciidanku ay ka soo baxaan degmadaas waxaa sabab u ahaa weerar culus oo kooxdu ay ku soo qaaday ciidamada Danab iyo Gor Gor ee Galcad ku sugnaa, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliye ku xigeenkii Danab Xasan Tuure iyo askar badan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay aad ugu xooggan yihiin aagga degmada Galcad, waxaana ku xiga Galhareeri iyo Ceelbuur oo saldhigyada ugu waaweyn ee bartamaha Soomaaliya ay ku leeyihiin.

Somalia president launches new Al-Shabab offensive

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – On Sunday, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud declared the start of the next stage in military operations to combat the extremist organization Al-Shabab, intending to drive out the militants from the remaining regions of the country.

President Mohamud made this announcement during a visit to the recently liberated Aadan Yabaal district, where he underlined the achievements of the Somali National Army (SNA) in the initial phase of the campaign against Al-Shabab.

Initial phase accomplishments

Beginning in August 2022, the first phase represented a pivotal moment in Somalia’s fight against Al-Shabab.

Supported by the United States and Turkey, the Somali-led offensive in central Somalia illustrated the SNA’s growing capabilities.

The SNA managed to secure strategic towns like Harardhere and Galcad, while local clan militias and international drone assistance served as supplementary forces.

The Somali government concentrated on disrupting Al-Shabab’s revenue streams during this stage. 

President Mohamud emphasized his administration’s dedication to stabilizing the region and offering essential public services in his address.

Next phase and potential challenges

President Mohamud believes the upcoming offensive operations phase will be less challenging than the previous one, given the national army’s invaluable experience.

Nevertheless, the long-term effectiveness of the offensive relies on the Somali government’s capacity to safeguard ordinary citizens and stop Al-Shabab from penetrating government-controlled areas.

Bolstering the Somali police force and adopting a “clear and hold” strategy will be essential in securing a lasting triumph over the extremist group.

The Somali government aspires to use this renewed offensive to eradicate Al-Shabab’s presence and restore stability and safety for its citizens.

Doubts over the government’s approach

As the Federal Government of Somalia readies itself for the next phase of operations against Al-Shabab, questions have arisen about the government’s strategy.

Former National Security Agency Director and current Member of Parliament, Abdullahi Mohamed Ali Samboolshe, expressed significant concerns about the government’s tactics, arguing that a direct confrontation between locals and Al-Shabab had been successful.

However, the government plans to have its forces lead the second phase, which may negatively impact the offensive.

“The key to victory in this war has been pitting the people against Al-Shabab… A delicate equilibrium between locals, the international community, and government forces is necessary. If one component is absent, success becomes unattainable,” MP Samboolshe said.

In response to Samboolshe’s remarks, Somali Minister of Defense Abdulkadir Mohamed Nur Jama stressed that liberation efforts are underway in HirShabelle and Galmudug, with plans to extend the conflict to other Al-Shabab-dominated areas of the country.

“Every region will be liberated; we are committed to assisting Somali citizens and ensuring that no one is left behind,” Minister Abdulkadir Mohamed Nur Jama stated.

Daawo: Maamulka gobolka oo $69,000 siinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolja Banaadir ayaa soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in 69 kun oo dollar ay u qorsheeyeen inay siiyaan ehellada 8-qof oo ku geeriyooday weerarkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay duugtoodii bixiyeen, hadana ay doonayaan inay lacagtaan gaarsiiyaan ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas.

“Qoys kasta waxaan ugu tala galnay afar kun oo dollar inta soo hartana waxaan sii doonaa dadka qaba dhaawacyada daran, lacagtaan waxaa iska soo uruuriyey shaqaalaha maamulka gobolka oo mushaarkooda qof kasta uu 10% ku deeqay,” ayuu yiri guddoomiye Guure.

Wuxuu sheegay in dadkii dhintay weerarkaas oo 8 qof gaaraya ay dhamaantood shaqaale ka ahaayeen gobolka, isla markaana aan la ruqsey doonin oo ehelladooda ay qaada doonaa mushaarkii ay qaada jireen.

“Dadkii shaqaalaha ahaa ee geeriyooday carruurtooda sidii ayey mushaarka u qaada doonaan, wax laga jari doono ma jiraan, in wax loogu daro maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka maaliyadda maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay ay isbitaallada ka baxeen oo intooda badan ay bogsoodeen, “Waxaan ka qeyb qaadanay baxnaaninta dadkaas, hadda dhamaantood isbitaallada waa ka baxeen,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Maanta waxaan qabanay munaasabad aan ugu duceynay shuhadadii, munaasabadaan waxaan dib ugu dhiganay in la baxnaaniyo dadkii ku dhaacawmay weerarkii, dhaawacyada waxaan u dirnay dhaxal koob,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Guure.

Hoos ka daawo

Financial renaissance: Somalia welcomes IBAN integration

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – In a historic move, the Central Bank of Somalia (CBS) has effectively integrated International Bank Account Numbers (IBAN) into the National Payment System (NPS) for all transactions.  

This groundbreaking development marks the first time that Somalia has embraced IBAN. As of March 27, 2023, every bank in the country has adapted IBAN.

The adaptation is projected to streamline payment processing, mitigate operational risks, and reduce delays in international transfers involving Somalia and countries compliant with IBAN.

Abdirahman Abdullahi, CBS Governor, shared his excitement for the initiative, declaring the NPS introduction as a “significant breakthrough for the nation’s financial sector that had long been cut off from international financial markets.”

Easing remittance flows  

The innovative payment system is expected to simplify remittances from overseas citizens, particularly the Somali diaspora, who have played a vital role in the nation’s economic resurgence.  

Prior to IBAN initiation, remittances were obstructed by strict anti-money laundering and counter-terrorism financing (AML/CFT) regulations. 

The CBS has implemented targeted measures to address AML/CFT concerns within the new payment system, which should alleviate apprehensions of foreign banks and regulators about payments destined for Somalia.  

In 2022, SWIFT, the international consortium, assigned International Bank Account Numbers to both the central bank of Somalia and all its commercial banks, empowering them to conduct cross-border transactions. 

Rising from the ashes of civil war 

In 1991, the civil war led to the near-complete collapse of Somalia’s financial sector, rendering the central bank and the nation’s banking sector non-operational for over 20 years.  

Transactions were carried out using cash, foreign currencies, or bartering. Rebuilding efforts for the Somali state commenced in the early 2000s, backed by the Somali diaspora and international aid organizations such as the World Bank and the International Monetary Fund. 

The successful implementation of the NPS and IBAN is predicted to accelerate economic growth, generate jobs, and enhance the overall quality of life in Somalia.  

A promising outlook for Somalia  

Moreover, Somalia’s reintegration into the global financial market may yield positive effects for neighboring East African nations, bolstering regional trade and collaboration. 

Lacking an interbank payment system, Somali banks had previously relied on transporting banknotes in secure vehicles for transfers.  

The development of a payment system emerged as a critical objective for CBS, which collaborated with the World Bank on a project that delivered expert guidance and funding for technology.  

The central bank initiated the system’s ‘soft launch’ in July 2021, with nine banks participating in the official launch in August. The final four banks joined in 2022. 

The incorporation of IBAN and the new payment system symbolizes Somalia’s return to the international financial arena.  

Two foreign commercial banks, Turkey’s Ziraat Katılım and Egypt’s Banque Misr have announced plans to establish branches in Somalia.

This development is anticipated to considerably boost investment in the country and facilitate the issuance of letters of credit for trade financing.

ATMIS oo ku biiraysa howl-gallada Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howl-galka (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulankaan ayaa waxay looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo howl-galka ATMIS, sidoo kale fulinta qorshaha sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan howl-galada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan cirib-tirka Khawaarijta iyo dardar-galinta howl-galada ka socdo dalka, isagoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howl-galada socda, taasi oo keentay in ciidamada xoogga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka go’an tahay in bulshada Soomaaliyeed kala shaqeeyaan amniga iyo barnaamijyada horumarinta, kahor December 2024, oo ah xilliga u qorsheysan inay soo gaba-gabeeyaan howl-galkooda Soomaaliya.

ATMIS ayaa door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed.

Si kastab, Ciidamada ATMIS ayaa saameyn muuqata ku haleyn howl-galada Muqdisho iyo kuwa gobolada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse taasi ayaa muuqata in hadda kadib wax iska bedeli doonaan kadib kulamo isdaba-joog ah oo ay hoggaanka ATMIS iyo madaxda DF.

Sawirro: DF oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaadiid dagaal kala wareegtay dowladda Turkiga, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Munaasibad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkaas ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya kula wareegay wasiirka gaashaandhiga xukumadda federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu sheegay in “hiil iyo hooba” ay la garab taagan yihiin xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Gaadiidkaan ay ku deeqday dowladda Turkiga ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu tayeeyo ciidamada xoogga, gaar ahaan GorGor, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga oo maanta la wareegay.

Gaadiidkaan dagaal ayaa waxay keenistooda ku soo aadaysa xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda dalka waxay kaalmo milateri iyo saanad ciidan ka helaysay dalalka saaxiibka la ah, kuwaasi oo muujiyay inay diyaar u yihiin inay ku taageeraan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxda DF oo isku raacay QORSHE ka dhan ah qaar ka mid ah askarta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay qorshe cusub oo qeyb ka ah sugida ammaanka magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in xubin kasta oo ciidanka Booliska ka tirsan ee isticmaasha waxyaabaha Maandooriyaha in ciidanka Booliska laga saarayo, sidaasna ay isku raaceen madaxda sare ee dalka.

“Waxa la dagaalameyna maandooriye oo ogtihiin dhibta uu ku hayo dadka iyo dalkeena, waxaa go’aansanay in aan ka suulino ciidanka dhexdiisa. Xubin kasta oo Booliska ka tirsan oo isticmaasha maandooriye nooca uu dooni ha ahaado in ciidanka kamid ahaan ayaa go’aansanay oo banaanka uga saarno,” ayuu yiri S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si adag ula-dagaalamayaan cidkasta oo ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, “Cid kasta oo waxaas ku lug leh oo gada, beerta, dibada ka keenta in tallaabo waafaqsan sharciga ka qaadno.”

“Waxaa la dagaalameyna nolosha qofka muwaadinka ah ee u adeegno iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo inagu ku jirno in aan ka hortagno waxa khatarta ku ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa kale oo uu xusay in taliska Booliska ay ka go’an tahay inuu soo celiyo sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka Booliska, oo sanadihii dambe si weyn u lumay kadib ficillada askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sameeynayo ciidanka ka howl-galla gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo hore u ballan-qaaday in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga.

Si kastaba, Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayey, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sababay dhimashada shacab badan.

SSC oo war cusub kasoo saartay qorshaha cusub ee Somaliland ee dagaalka

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah garaadada SSC ayaa markii u horeysay ka hadlay qorshaha milateriga Somaliland uu shaaciyay inuu dagaal ugu qaadi doono magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in qorshaha dagaal ee Somaliland uusan hadda bilaabaneyn, balse ay hore u ahaayeen ciidamadeedu weerar, kuwaasi oo burbur horleh gaarsiiyay magaalada.

Garaadka oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay iska dhicinayaan dadka deegaanka, oo aan cid kale u kaashaneyna, xilli ay xukuumadda Somaliland dhowr jeer ku eedeysay dhinacyo kale oo Puntland kamid tahay inay qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

“Waxan reer Sool ahayn anagu ma aragno, dadka joogaa waa dadkii deegaanka u dhashay, haday weerar soo qaadayaan awalba way soo qaadi jireen wax u dhimana ma jiraan,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Hadalka Garaadka ayaa imanaya xilli ay SSC sheegtay in dhawaaqa kasoo yeeray Somaliland uu banaanka usoo saaray wajigooda dhabta ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ay dhulkooda kaga xoreystaan.

“Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada deegaanka SSC ee dagaalka kula jira Somaliland

“Haddii ay dhacdo xabad joojin inay dhaqan-gasho waa haddii Somaliland ay Caynaba geyso ciidamadeeda,” ayuu yiri Jeneraal Saciid Shoodhe, oo xusay sida kaliya ee ku qaboobi karto xiisadda dagaal ee ka taagan xarunta gobolka Sool.

Milateriga Somaliland ay dhawaan ku dhawaaqay in dagaal qorsheysan oo milateri ku qaadi doonaan xooggaga kasoo horjeeda ee SSC, ayada oo dhawaaqaas kadib uusan weli wax dagaal ah ka dhicin magaalada, islamarkaana ay halkaasi gaareen madax-dhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.

Sawirro: Danjire Soomaali ah oo booqasho ku tegay Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dood xooggan iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay booqasho uu Danjire Ciid Beddel Maxamed ku tegay Israel, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay shir ku saabsan Iskaashiga Israel, Carabta iyo Afrika.

Ciid Beddel oo mar soo noqday ergeyga Soomaaliya ee QM, ayaa ka qeyb-galay kulan ay soo qaban-qaabisay Xarunta Arrimaha Dadweynaha ee Jerusalem (Jerusalem Center for Public Affairs), kulankaas oo halku dhiggiisu ahaa Shirka Caalamiga ah ee Israel, Carabta iyo Afrika.  

Danjire Ciid Beddel, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya ka qeyb-galkiisa shirka, wuxuuna amaanay heshiiska Abraham Accord ee Israel iyo dalal Carbeed oo dhowr ah sida Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco ay ku aas-aasteen xiriir diblomaasi.

Sida ay ogtahay Caasimada Online, Ciid Beddel wax xil ah iminka kama hayo dowladda federaalka Soomaaliya. 

Hase yeeshee, xildhibaan Cali Saciid Fiqi, oo horey usoo noqday danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, ayaa xukuumadda ka dalbaday sharaxaad ku saabsan booqashada Ciid ee Israel, iyo haddii ay wax ka ogtahay. 

Booqashadii Danjire Ciid Beddel uu ku tagay Jerusalem waxa ay shaki galisay xildhibaanada Soomaaliya. Waxay jeclaan lahaayeen inay ogaadaan inuu ku tagay Israel heer shakhsi ah ama ogolaanshaha wasaaradda arrimaha dibedda, Ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha. In la dhiso xiriirka dalalka shisheeye waxay u baahan tahay daah-furnaan,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi. 

Dhinaca kale, xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin booqashada Ciid Beddel ee Israel. 

Bishan horraanteeda, wargeyska Israel Hayom ayaa qoray in Tel Aviv ay isku dayeyso inay ballaariso heshiiska Abraham Accord, islamarkaana ay kusoo darto dalal ay ka mid tahay Soomaaliya. 

Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen uu wada-hadallo kula jiro dalalka Soomaaliya, Mauritania iyo Indonesia. 

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay marar badan muujisay inay daneyneyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel, inkasta oo labada dal aysan weligood xiriir yeelan. 

Dowladda federaalka ayaan ka jawaabin warbixinta wargeyska, hase yeeshee sanaddii tagtay, mar ay soo baxeen warbixino noocan ah waxaa beenisay Villa Somalia.

Caro ka dhalatay fal lagu gubay kitaabka Qur’aanka

Ankara (Caasimada Online) – Carro xooggan ayaa ka dhalatay fal ay kooxda midig-fog ee dalka Denmarka ay ku gubeen nuqul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, sida ay dhawaan muujiyeen muuqaalo aad ugu faafay baraha bulshada.

Xubno ka tirsan kooxdan oo loo yaqaano Patrioterne Gar Live (The Patriots Go Live) ayaa waxay falkaan ku baahiyeen Facebook Live, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb.

Falkan Islaam naceybka ayaa waxaa si weyn uga carooday dalal badan oo Muslimiin ah, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay arrintaas, oo ay ku tilmaamtay “fal aan la aqbali karin oo cunsuriyad ah oo kicinaya Muslimiinta, gaar ahaan xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale oo ka hadashay dhacdadaan waxay ku tilmaamtay “dambi naceyb”, iyada oo sheegtay in Ankara aysan marnaba aqbali doonin tallaabooyinkan noocaan ah.

Qatar oo iyaduna kamid ah dalalka Muslimka ah ee arrintaan ka dhiidhiyay ayaa waxay falalka kooxdan xagjirka ah ku qeexday fal kicin halis ah oo lagu kicinayo dareenka balaayiin Muslimiin ah oo ku nool dunida, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta.

Daawo: Warshado lagu sameynayay walxo halis ah oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo lagu sameynayay maan-dooriyaha Calaqa iyo Xashiishka.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Heliwaa ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen xaruntii ugu weyneyd ee lagu sameeyayay maan-dooriyaha.

“Xuruntii ugu weyneyd ee lagu sameynaayay Mukhaadaraadka iyo Calaqa iyo dadkii sameynayay ayaa halkan ku qabanay,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gacanta kusoo dhigeen illaa 30 haamood oo ay ku jireen Calaq, 10 warshadood oo lagu sameeyo iyo sidoo kale dadkii lahaa.

“Cawada halkan waxaan ku qabanay 30 haamood oo 26 ka mid ah ay buuxaan, midna ay bar tahay, saddexna ay faaruq tahay iyo 10 warshadood oo lagu sameynayay” ayuu yiri.

Dhankiisa guuddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ay gaari doonaan goobaha kalaabyada ah ee ku dhex yaalla caasimada.

“Goobaha kalaabyada ee gabdhaha iyo wiilasha xaaraanta isugu tegaan iyo meelaha Calaqa lagu gado kuligood waa meelaha bartilmaameedka noo ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha iyo kuwa ciyaal-weerada.

Afhayeenka AL-SHABAAB Cali Dheere oo ka jawaabay imaatinka ciidamada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay qorshaha ay dowladda federaalka dalka ku keeneyso ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaas oo qeyb-qadaanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda. 

Cali Dheere, oo si gaar ah u magacaabay ciidamada Itoobiya, ayaa qorshahaas ku macneeyey “duullaan cusub oo la damacsan yahay in Soomaaliya lagu soo qaado.” 

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uu ka socdo dagaal uu calanka u sido Mareykanka “kaasi oo lagu doonayo in meesha looga saaro ku dhaqanka shareecada islaamka,” sida uu hadalka u dhigay.  

Waxa uu yiri “inuu fashilmay wejigii koowaad ee dagaalka dowladda ay kula jirtay kooxdaas,” oo sida uu sheegay ay ka qeyb-galeen dowladaha NATO, gaar ahaan Turkey iyo Mareykanka, sidaas darteedna hadda dalka la keenayo ciidamo Itoobiyaan ah. 

“Xamlada wajigeedii hore markuu fashilmay ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya,” ayuu yiri. 

“Itoobiya waligeed qorshaha wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan Itoobiya.”

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa dhowaan xaqiijiyey in ciidamada dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, oo aan qeyb ka aheyn ATMIS, ay ka qeyb geli doonaan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in sababta hadda uu howlgalka hakadka ugu jiro ay tahay in la sugayo imaatinka ciidamadaas, si guluf weyn loo qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee kooxda Al-Shabaab looga saaray wejigii koowaad ee dagaalka, wuxuuna safarka qeyb ka yahay billowga wejiga labaad ee dagaalka.

Howlgal bartilmaameed ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday guryo ku yaalla gudaha degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada ay guryaha ay u daateen ay kala soo baxeen illaa dhowr qof, kuwaas oo ay horey usoo kaxeyseen, si ugu sameeyaan baaritaano dheeraad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ragga lasoo qabtay ayaa lagu eedeeyay inay ku howlanayeen falal amni darro, balse illaa iyo hadda saraakiisha ma faahfaahin howlgalka.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ka dhacaan falalka ammaan darri, waxaana muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday laamaha ammaanka ee dowladda.

Habeen hore ayaa howlgal kan lamid ah waxay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale oo laga shakiyay lagu xiray saldhigga degmada Wadajir.

Dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada ammaanka haatan ka wadaan caasimada ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu gudaha jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana dowladda Soomaaliya ay dajisay qorsheyaal looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay marti gelisay weeraro toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegatay kooxda Al-Shabaab.