27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Axmed Nuur: Al-Shabaab hooyaday ayay si arxan darro ah horteyda ugu dileen

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya saameynta ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ay todobaadkan Al-Shabaab ku qaadeen xerada deegaanka Daaru Nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaankaasi.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ahayd Hooyo Xaawo Maxamuud Calasow (Xaawo Sagale) oo caan ka ahayd deegaanka Daaru Nimca, taas oo si arxan darro ah loo dilay.

Axmed Nuur oo ah wiil 13 sanno jir ah oo ay dhashay marxuumadda ayaa ka sheekeeyay sida loo dilay hooyadiis, wuxuuna sheegay in marka hore la dhaawacay, kadibna la dilay.

“Marka hore lugtaa xabad looga dhuftay garabka ayaan kasoo qabtay guriga ayaan keenay, kadib guriga ayay soo garaaceen waa laga furi waayay waa soo jabsheen meel ayaan ka hoos galay xabadihii ayay ku fureen waana ku dhammeystireen,” ayuu yiri Axmed Yare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Madaxa ayay shan uga dhufteen waa ku wadeen illaa ay ka dhimato aniga haddii ay guriga ka baxeen ayaa ka orday”.

Wiilkan yar ee Hooyadiisa lagu hordilay ayaa sidoo kale wacad ku maray inuu u aargudan doono, isla-markaana uu la dagaalami doono kooxda Al-Shabaab.

“Ninkii Hooyaday dilay aniga ma dhaafayo haddii aan arko xittaa wixii Shabaab ah waan dilaa, inta aan wax heysatana waan iska celinayaa,” ayuu markale yiri Axmed Nuur.

Dhankiisa Cabdi Taakow ah oo nin hoggaamiya ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan Daaru Nimca ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dishay gabar yar oo saddex sano jir aheyd, taas oo uu tilmaamay in dhaawac ahaa loo qaaday, balse mar dambe ay geeriyootay.

“Canug saqiir ah oo saddex sano jirta ayey dileen dhaawaceeda inta la qaaday ayay dhex ku dhimatay waa lasoo celiyay intan ku aasnay,” ayuu isna yiri Cabdi Taakow.

ABSHIR Axmed Macalin oo sanado badan kadib isku soo dhiibay ciidamada dowladda

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Abshir Axmed Macalin oo sanado badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howl-gala degaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Abshir ayaa ka tirsanaa qeybta ay kooxda ugu yeerto “Jabhadaha”, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galay dagaalo dhowr ah, gaar ahaan kuwa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Baay.

Ninkaan ayaa waxa uu sheegay inuu u dulqaadan waayay dhibaatada kooxda ku haysata Duurka, taasi oo ku kaliftay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Waa u adkeysan waayay rafaadka ku haysta duurka iyo sida ay uga been sheegayaan Diinteena suuban ee Islaamka, iyo weliba dhibaatada joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ku hayaan,” ayuu yiri Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Abshir Axmed Macalin ayaa waxa uu baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku haray kooxda Al-Shabaab in ay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo sheegayay in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin iyo in ay u adkeysan waayeen howl-galada kooxda uga socda qeybo badan oo dalka.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wajiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka yihiin dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Wasiirka difaaca oo ka jawaabay eedeyntii Sanbaloolshe ee dagaalka (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeymo uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe u jeediyay qaabka ay dowladda u dejisay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, islamarkaana aysan ka qeyb-galin dadka deegaanka oo iyagu door muhiim ah ka qaatay wajigii koowaad ee dagaalka.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wasiirka Gaashaandhiga oo VOA ay arrintaas wax ka weydiisay ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan ka leexan nidaamkii ay markii hore ku billowday dagaalka ee ka tala-gelinta dadka deegaanka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

“Dagaalkan waa dagaal shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin oo shacabka iyo dowladda ay iska kaashanayaan, guulaha la gaaray waxaa lagu gaaray iskaashiga shacabka iyo dowladda, haddana kii ayaa ku raadjoogna oo deegaan walba oo la xoreynayo dadkiisa ayaa ka tala-gelina,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

“Inta harsan waxaa rejaynayna in shacabka Soomaaliyeed ay iska kiciyaan oo u istaagan, hadda kahor kaalmo fiican ayay na-siiyaan shacabka. Waa aaminsahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed nin maanta raba in Khawaarij deegaankiisa u joogaan majirto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ay doorkooda ka qeyb-gelineyso dadka deegaanka, hase yeeshe ay qorshaha dagaal uu qorsheeyo dowladda oo ay iyadu dejineyso, iyada oo marnaba iska fogeyn shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhamaan deegaanada aan ka howl-galno shaqooyinkii loogu tala-galay in shacabka nagala qabtaan wey kala qeyb-qaadanayaan waajibaadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Cid kasta oo maamulada iyo deegaanada waa kaashanayna oo waa howl-galina.”

Hoos ka dhageyso wareysigaan oo qeybihiisa hore uu wasiirku kaga hadlayo arrimaha dagaalka Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM oo diiday dalabkii Ruushka

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.

Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa ka aamusay ama sheegay inaan loo baahnayn in baadhitaan lagu sameeyo arrintan.

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baadhis samayso, iyada oo ay baadhis wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.

Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stream 1 Nord Stream 2 ayay inteeda badan maalgelisay dawladda Ruushku.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaadi aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogolaanshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

VOA + AP

Madaale oo sharciyeeyay ‘lacag laaluush ahaan loo qaadan jiray’ + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dhawaaqay in la sharciyeeyay lacag dheeraad ah oo laaluush ahaan looga qaadan jiray dadka usoo adeeg doonta xarunta gobolka.

Lacagtan oo laga qaadi jiray dadka raba waraaqaha dhalashada ayaa markii hore si loogu fududeeyo adeeggooda laga qaadi jiray lacag badan oo dheeraad ka ah midda rasmiga ah, hase yeeshe guddoonka ayaa shaaciyay in meesha laga saaray lacagihii laaluushka ahaa ee sida hoose loo kala qaadan jiray, islamarkaana ay hadda ku dhaceyso akoonka dowladda hoose ee Xamar.

“Dadka waa dad deg-degsan oo raba in loo boobsiiyo meeshii la gacma-gacmeysan jiray dadka waxaa dhahnay $5 oo dowladda Hoose ogtahay oo akoonkeeda ku dhacaya ayaa laga qaadaya, shantaas doollar waaxda ayaa dib loogu celinaya oo amuuraheeda dib loogu celinayaa,” ayuu yiri.

“Ka badan lagama qaadi karo qof deg-degsan $5, kuwa caadiga ah $15 ayuu bixinayaa ee warqada dad-dhigista (dhalashada). Ciddii ku xad-gudubta dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay lamid tahay kuwa been abuurka sameynaya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray shaqaalaha gobolka, oo uu sheegay in ciddii lagu qabto iyada oo laaluush ka qaadeysa dadka adeegga soo doontay ay sharciga la tiigsan doonaan.

“Kuwa ka shaqeeya goobaha ku xisaabtama ayaa leeyahay sharciga ayaa la idinla tiigsan doona. Dadweynaha waxaa u sheegayna ka dhaafa dadka laaluushka kala daba-wareegaysan deg-deg hadda rabto $5  shaciga bixineysa wax ka badan lagama qaadi karo, hadda qof caadi ah tahay lacagta caadiga ah ayaa iska bixineysa wax walwal ah ama degdeg ah ma jiraan.”

Inta badan hay’addaha dowladda ayaa waxaa aad looga cawda marka loo adeeg doonto in dadka lagu baarto oo laga qaado lacago aan ku dhicin akoonada dowladda, taasi oo dhowr jeer ay cabasho xooggan ka muujiyeen dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

Dhageyso: Sanbaloolshe oo si weyn u dhaliilay wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ku billaabeyso wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool ah.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad uu hoos u dhac weyn ku yimid marka la eego dhanka la-socodka bulshada gudaha iyo dibadda, ka qeyb-galka qabaa’ilka iyo dhinacyadii kale ee qeybta ka ahaa wejigii koowaad ee dagaalka.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa u maleysa in ahmiyadii la rabay in la siiyo qabaa’ilka, deegaanada iyo maamulada ayaa hoos loo dhigaya, waxaa kor loo qaadayo tii ciidanka sida muuqatana horumar weyn waa laga gaari la’yahay.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoos u dhacday taageeradii dowladda ee dadka deegaanka ee qeybta ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay muujineyso sida ay dowladda keligeed iskugu soo koobeyso dagaalka wejigiisa labaad.

“Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo ayaa la guuleysanaya. Meesha waxaa timid wax la dhaho isla-jaan qaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa isla jaan-qaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo daddaalada ay qeyb uga noqonayaan dalalka deriska dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, “Qofkasta oo dhagax nagula tuuraya Shabaab waa soo dhaweynayna, Shabaab waa khatar caalami ah oo gobolka ah, oo khatar Soomaaliya ah.”

Hoos ka dhageyso

DF oo war kasoo saartay wejiga labaad ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo faah-faahin ka bixiyay wejiga labaad ee dagaalka ee dhawaan bilaaban doona.

“Shaqadii soo bilaabatay billo ka hor ayaa weli socota, meel gaar ah oo meel hebel ayaa dagaal ka qaadeyna aan ku leeyahay majirto laakiin dib u xoreynta Khawaarijta si fiican ayay u socotaa,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda federaalka.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa waxa uu sheegay in diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socda, islamarkaana ay dhawaan shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war farxad-geliya, “Waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga bushaareynayo in taako kamid Khawaarij joogto xabadda kama joogsan doonto.”

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dagaalka iyo diyaar garowga wejiga labaad ay ka wada socdaan dagaalka meelo badan oo dalka, ayna ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo kaashanayo cid walba oo dowladda ka garab siin karta arrintaas.

“Qorshaha dalka guud ahaan waa in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, dib u xoreyntaasi weli waa socota illaa ay ka dhamaato lama joojinayo. Diyaar-garowga iyo dagaalkaba waa socda,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dowladda Soomaaliyeed qof alaala iyo ciddii nagu kaalmeysa in Khawaarij dalka laga saaro waa kaashaneysa, cid walba way nagala qeyb-galeysa oo aan u aragno in Khawaarijta dalka nagala saarayso, garabna siineysa shacabka Soomaaliyeed.”

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan laga soo sheegayay gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, ayada oo gaba-gabo uu yahay wajiga koowaad ee dagaalka.

Wejigii hore ee hawl-galka ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

Faah-faahin laga helayo nabadoon lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka oday nabaddoon ah oo maanta loogu geystay degmada Kaaraan, xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi.

Koox hubeysan ayaa Nabadoon Cali Cumar Carraale AUN ku toogtay goob ganacsi oo ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyada oo dableyda geysatay dilkaan ay markiiba iskaga baxsadeen goobta.

Nabaddoon Cali ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo dilkiisa lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo dadka deegaanka uu kasoo jeedo kula jiraan dagaal xooggan.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, oo la xiriira dilka Nabaddoonkan loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dilka Nabaddoonkan ayaa imanaya xilli uu xalay degmada Kaaraan ka qabsoomay shir looga hadlayay amaanka degmadaasi, oo ay ka qeyb-galeen maamulka gobolka, saraakiisha ciidanka, maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Kaaraan ayaa noqotay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulankaas.

Si kastaba, Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ay wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay hormarkii degmadaasi.

‘Hotel Rwanda’ hero liberated: What’s next for Rusesabagina?

KIGALI, Rwanda (Caasimada Online) – Paul Rusesabagina, an outspoken critic of the Rwandan government and the central figure in the acclaimed movie “Hotel Rwanda,” has been released after spending more than 900 days behind bars.

Rusesabagina, a Belgian citizen with US permanent residency, is set to return to the United States following the Kigali government’s decision to commute his 25-year sentence on terrorism charges.

The high-profile imprisonment had drawn international attention to Rwanda’s pattern of suppressing political dissent and freedom of speech under President Paul Kagame.

Disputed conviction and health concerns

In September 2021, Rusesabagina was found guilty of supporting an armed rebel group in a trial that his advocates claimed was a farce.

The 68-year-old’s health had deteriorated, and his family alleged he endured torture during his 939 days in detention.

Following his release, a US official confirmed that Rusesabagina was brought to the Qatari ambassador’s residence in Kigali.

He is anticipated to remain there for a few days before traveling to Qatar, which was crucial in securing his release, and then to the United States.

Rusesabagina’s sentence and those of 19 co-defendants were commuted by presidential order, as announced by Justice Minister Emmanuel Ugirashebuja.

However, he noted that under Rwandan law, “commutation of the sentence does not extinguish the underlying conviction.”

International reactions to the release 

US President Joe Biden expressed happiness at Rusesabagina’s release, calling it a “happy outcome.”

Secretary of State Antony Blinken also conveyed gratitude to Rwanda for the release, and Belgium likewise welcomed the decision.

Rwanda commended the United States and Qatar for their roles in resolving the case. A source knowledgeable about the negotiations revealed that talks began in late 2022.

A breakthrough occurred last week during discussions between Kagame and Qatar’s emir, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani.

From hotel manager to political adversary

Rusesabagina faced accusations of supporting the National Liberation Front (FLN), a rebel group held responsible for attacks in Rwanda in 2018 and 2019, which resulted in nine deaths.

Although he denied any involvement in the attacks, Rusesabagina was a founding member of the Rwandan Movement for Democratic Change (MRCD), an opposition group believed to have the FLN as its armed division.

Rusesabagina was arrested in August 2020 after a plane bound for Burundi was diverted to Rwanda, an event the United Nations has labeled as an “abduction.”

He had departed Rwanda in 1996, settling in Belgium with his family.

Clemency in exchange for disengagement

In a letter from October 2022, released by the Rwandan government on Friday, Rusesabagina pledged to “leave questions regarding Rwandan politics behind me” and spend the remainder of his life in the United States in return for clemency.

He also expressed “regret for any connection my work with the MRCD may have had to violent actions taken by the FLN.”

The case involving Rusesabagina has long been a point of contention between Washington and Kigali, with Blinken addressing the issue during his visit to Rwanda in August last year.

Rusesabagina’s family filed a $ 400 million lawsuit in the United States against Kagame, the Rwandan government, and other individuals for allegedly abducting and torturing him.

Victoire Ingabire, another Kagame critic who was previously imprisoned on terrorism charges before being released in 2018, contends that the move is aimed at stifling Rwanda’s opposition.

“Once the Rwandan courts have convicted a person, they are stripped of their rights to engage in politics, and a presidential pardon does not restore those rights,” Ingabire explained.

The real-life story behind “Hotel Rwanda”

Rusesabagina gained instant fame with the release of the 2004 film “Hotel Rwanda,” in which Don Cheadle starred.

The movie depicted his experiences as a hotel manager during the 1994 genocide when his family and hundreds of mainly ethnic Tutsi guests sought refuge in the Mille Collines hotel as violent mobs murdered people just outside the hotel gates.

Rusesabagina is credited with saving approximately 1,200 lives during the 100-day massacre that killed around 800,000 Rwandans.

After leaving Rwanda, Rusesabagina emerged as a vocal critic of Kagame. His relentless opposition to the man who has been Rwanda’s de facto leader since the genocide led to him being labeled an enemy of the state.

His release and subsequent commitment to distance himself from Rwandan politics could be seen as a victory for the Kagame government, which has a history of silencing dissenting voices.

As Rusesabagina embarks on a new chapter in his life in the United States, the world will be watching to see how his story progresses and how his release will impact the broader fight for free speech and political dissent Rwanda.

Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib.

Warshadaan oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

“In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Wax weyn ayay ka bedeli doonta baahida aan qabno, ayada oo ognahay inta aan soo dhoofsano iyo lacagta adag ee inooga baxda bur, in aan gudaheena kasoo saarano waxay keenni doonta horumar wanaagsan oo dhinicii dhaqaalaha iyo bulshadaba ah Ilaahay idinkiis.”

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

SSC oo jawaab culus kasoo saartay hanjabaadii S/Land, kuna dhawaaqday inay…

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hanjabaadii kasoo yeertay Somalilad, ee la xiriirtay in dagaal qorsheysan ku qaadi doonto magaalada Laascaanood.

Jeneraal Saciid Shoodhe ayaa waxa uu sheegay in dhawaaqa kasoo yeeray Somaliland uu banaanka usoo saaray wajigooda dhabta ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ay dhulkooda kaga xoreystaan.

“Caalamka ayay qaldayaan qorshaha ay ku socdaan in ay maati dooxyihiin, in dal iyo dad anay lahayn burburinayaan, in ay awood sheeganayaan, way is bideen laakiin u suurtoobi mayso,” ayuu yiri Jeneraal Saciid Shoodhe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada SSC iyagu ku guulaysan doonaan dagaalka Somaliland ku dhawaaqday, ayna ka xoreynayaan dhulkooda ciidamada Somaliland, “Anaga ayaa gacanta sare yeelan doona oo waan jabin doonaa ciidamada Somaliland.”

Jeneraal Shoodhe ayaa waxa kale oo uu beeniyay sheegashada Somaliland ee in Puntland iyo dowladda federaalka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood, isaga oo sheegay in dhinacyadaas aysan ciidan ka joogin magaalada, inkasta oo halkaasi ku sugan yihiin saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa beeleedyo ka yimid Puntland.

“Haddii ay dhacdo xabad joojin inay dhaqan-gasho waa haddii Somaliland ay Caynaba geyso ciidamadeeda,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada deegaanka Laascaanood ee dagaalka kula jira Somaliland, oo xusay sida kaliya ee ku qaboobi karto xiisadda dagaal ee ka taagan xarunta gobolka Sool.

Hadalkan Jeneraal Shoodhe ayaa imanaya kadib markii ay ciidamada hogaamisa ciidanka milateriga Somaliland ay ku dhawaaqeen in dagaal qorsheysan oo milateri ku qaadi doonaan xooggaga kasoo horjeeda ee SSC.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland.

Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.

Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo Somaliland ka jira, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay ku soo ceshato gacan ku heyntii magaalada Laascaanood.

Afhayeenka u hadlay militeriga Somaliland ayaa cadeeyey in qorshaha Somaliland uu yahay inay awood ku soo ceshadaan gacan ku heynta Laascaanood, isla markaana ay qaadi doonaan weerarro culus oo ka dhan ah xoogagga Laascaanood qabsaday.

Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in koox uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay soo weerareen ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Iyada oo lagu jiro bishii Illaahay bilaha ka doortay ee Ramadaan ayey xulufadi G21 maanta ay soo weeratay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waan hambalyeeynayaa guusha ay gaadheen ciidanka qaranku” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye Feysal Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu si buuxda u soo dhaweeyay dagaalka la qorsheeyey in ciidamada Somaliland ay ku qaadaan xoogagga ka dagaalamaya Laascaanood.

“Waxaa kale oo aan soo dhaweynayaa istiraatijiya-da cusub ee ciidanku qaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa maalmo ka hor madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay in qorshe dagaal ama nabadeed uusan u heyn Laascaanood, wuxuuna cadeeyey inuu taageerayo in awood militeri lagu xaliyo arrinta Somaliland ka soo wajahday Laascaanood.

Cabdidheere Cabdullaahi oo ah Afhayeenka militeriga Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in dagaal buuxa oo ciidanka Somaliland ay ku qaadi doonaan xoogagga dagaalka kula jira, ee qabsaday Laascaanood.

Daawo: Ciidanka NISA iyo booliska oo howlgal culus ka sameeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale oo laga shakiyay lagu xiray saldhigga degmada Wadajir.

Nasri Axmed Maxamed oo ah taliyaha booliska ee degmadaas ayaa ka warbixiyay baaritaanka ay sameeyeen, wuxuuna ujeedka ku sheegay amni xaqiijin.

“Waxaan u soconay waa inaan ka shaqeyno amnigiina iyo bad-qabkiina waxaan u carareyno waa inaan idinka idin shaqeyno,” ayuu yiru Taliye Nasri Axmed.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada.

“Idinkana waxaan idinka codsaneynaa inaan nala shaqeysaan oo aad booliska ku xirantaan lambarka gaaban aad soo wacdaan” ayuu markale yiri taliyaha saldhigga Wadajir.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo howlgalka qayb ka ahaa ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee degmada.

“Wax kasta xun waxaan rabnaa inaan meel uga soo wada jeesano inaan ogaano inaan isku dan-nahay” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, maalin uun kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafadda Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Macallin Mahdi oo ka digay arin ay sameeyaan ciidanka iyo saraakiisha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Mumin (Macallin Mahdi) oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin culus u diray saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howl-gala magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday inay soo badatay marka howlgallada la sameynaayo in dadweyne aan dambi gelin meel la’isugu geeyo, kadib sawirro laga qaado, lana baahiyo.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dambi ay tahay in qof aan waxba geysan xoriyadda laga qaado, kadibna warbaahinta la horeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa batay ayadoo howlgallo la galaayo in dadka meel la’isugu keeno oo xorriyadda laga qaado in media iyo warbaahinta laga sii daayo. Qofka muwaadinka ah in isaga oo dambi lagu haynin inta meel la keeno xorriyadda laga qaado la sawirro waa dambi,” ayuu yiri taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan dadka deggan caasimada aysan wada aheyn dambiileyaal, sidaas darteedna loo baahanyahay in la dhowro sharafka muwaadinka.

“Dadka Muqdisho deggan qof kastaa dambiile ma’ahan qofkii dambi leh ayaa warbaahinta laga sii deyn karaa, laakiin 500 boqol oo qof in meel la’isugu keeno inta aad duubtaan lasii daayo oo la dhaho waa dambiileyaal arrin wanaagsan ma’ahan,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray saraakiisha ciidamada ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ka waan toobaan arrintaasi oo ah mid aad usoo laa laabatay.

“Wax bannaan ma’ahan wax loo baahan yahayna ma’ahan, waana wax laga qurux badan yahay in la’iska dhaafo ayaa la rabaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta badan dadka lagu soo qabto howlgallada habeenkii ka dhaca Muqdisho hal meel la’isugu geeyo, ayada oo goobtaasina looga qaado sawirro kadibna mar dambe lasii daayo sida marar badan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale oo shaaca ka qaaday degmada ugu dilalka badan XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa xalay shir uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey ammaanka degmadaasi.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay madasha ayaa ka dhawaajiyay inay wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka amniga, wuxuuna farriin toos ah u diray Madaale oo kulanka fadhiyay, isaga oo ka codsaday inuu la dagaalo ciyaal weerada.

“Ninka shalay qoray wax ku dhici jiray maanta laba Maqar ayuu iska soo qaadanayaa waxa uu ku leeyahay ciyaal weero ayaan ahay, marka guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in magacaan ciyaal weerada ee dadkii lagu laayay in uu wax ka qabtom” ayuu yiri mid kamid shacabka ku dhaqan Kaaraan.

Dhankiisa duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah.

“Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan waa degmada ugu dhaca badan waa degmada ugu baaba’san waa degmada ugu mugdiga badan waayay,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale waxaa uu sababta ay ku timid arrintaan ku sheegay wada shaqeynta la’aanta ka dhex jirta shacabka degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga.

“Waxaa yeelaayo dadkeeda ayaana diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihiin waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno,” ayuu markale yiri duqa Muqdiso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ay ku hayaan gudaha Muqdisho, isaga oo sheegay inay markasta soo daba kacaan odayaal iyo waalidiinta qaar, isaga oo taasi ka digay, wuxuuna sheegay in dadkaasi iyaguna ay la dagaalami doonaan

“Ciyaal gaangiistarada burcadda ah haddii lasoo qabto odeyga daba jooga iyaga ayuu lamid yahay hooyada daba joogtana iyaga ayay lamid tahay” ayuu ku daray guddoomiyuhu.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ay  wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay hormarkii degmadaasi.

Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo geeriyooday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Allaha unaxariiste Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuusanayay magaalada Kismaayo, islamarkaana uu xanuunnkii hayay ugu dambeyn u geeriyooday saaka.

Faah-faahin dheeraad ah lagama hayo nooca uu ahaa xanuunka hayay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi ee ugu dambeyn maanta ugeeriyooday AUN.

Geeridka Xildhibaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin kala duwan oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka reer Jubbaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullaahi.

“Waxaan tacsi u diraya guud ahaan shacabka reer Jubaland, Xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaanka ay ku timid geerida naxdinta leh, Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Kismaayo,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxa uu intaasi sii raaciyay qoraalka madaxweynaha Jubbaland “Maruuxmka waxaan alle uga baryaya inuu naxariistii jano ha waraabiyo.”

‘Madaxweyne Xasan Sheekh ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu hayaa Imaaraadka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii u horeysay si lama filaan ah uga hadlay saameynta Imaaraadka Carabta ee dalka ee dib usoo laabatay, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Cosoble oo qormo culus kasoo saaray arrintaan ayaa marka hore shaki-galiyay ogolaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhaq-dhaqaaqa xawliga ah ee Imaaraadka uu ka bilaabay dalka, isaga oo dhawaan gadiid dagaal oo badan ka dejistay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Soomaaliya ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa,” ayuu madaxweynihii hore ee HirShabelle ku yiri qormadaan.

Hoos ka aqriso qormada Cali Cosoble oo dhameystiran:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sheekh Maxamud-kii runta ahaa ayaa hadda dhex fadhiya Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta talooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya.

Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sheekh Maxamuud ahaa waa na laga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa.

Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo aysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino.

Ogaada koobiga ayaa raba inuu bixiyo kalluunka, shidaalka, dekedaha iyo kheyraadka dalka oo dhan, laakin kan originalka ah waxaa ma oggola, lagumana soo hadal qaadi karo. “Koobi original ma noqdo.”

Haddaad maanta igu tala diidaan maalin ay xeero iyo fandhal kala dhaceen ayaad ii markhaati furi doontaan.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee HirShabelle

Wararkii ugu dambeeyey ee odayaasha ka tegay Xamar ee ku sugan Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen dadaallo ku aadan sidii loo dhexdhexaadin lahaa Somaliland iyo SSC.

Odayaashan oo kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa waxaa hoggaaminaya Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Ugu horreyn odayaasha ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan goobahaya ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Ujeedka ayaa ahaa in ay indhahooda kusoo arkaan masaafada ay isku jiraan labada dhinac, una qiimeeyaan xaaladda ka jirta halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ergadan nabadeed ee ka baxday Muqdisho ay gudaha usii geli doonaan Laascaanood, si ay u kormeeraan magaaladaas oo bubur uu soo gaaray.

Sidoo kale waxay wadahadallo la yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC, ayada oo diirada lagu saarayo sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa wadahadal.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay labada dhinac ay ku dagaalameen duleedka Laascaanood, kaas oo sababay khasaare horleh.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray.

Daawo: Dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe oo looga dhowaaqay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa go’aan culus ka gaaray in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo iyo inuu sii xukumo Jubaland.

Kulankaas oo Muqdisho lagu qabtay waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdullahi Fartaag iyo Sanetor Iftiin Baasto, waxaana lagu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah odayaashii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aysan suurta-geli doonin in Axmed Madoobe safar ku tago gobolka Gedo, iyagoo ku dhawaaqay in awood ciidan looga hor tago damaca madaxweynaha Jubbaland, sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Axmed isku xishoo, umadda adigu ma lihid, waa fashilantay, Daarood oo dhan ayaa ku soo nacay, kuwii dad kuugu dhawaa ayaa Nairobi ku shiray oo ku diiday,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri, “Maalin kasta Axmed Madoobe wuxuu qorsheeyaa inuu Gedo aado, wuxuu ku haminayaa inuu maamul isaga taabacsan u magacaabo Gedo, waxaas been waaye Axmed, Gedo waa kaa xiran tahay, cid kaa wakil ah xitaa ma tegi karto.”

Senator Iftiin Baasto oo saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe ayaa kulankaan ka sheegay in Axmed Madoobe fashilmay oo Jubbaland uusan sii hoggaami karin.

“Jubbaland qof hoggaamiya ma weyneyso eek a hor wareeg saaxiibkey Axmedow, waa lagaa soo cabtay, waxna waa qaban weysay, 12 sano kadib waan kugu qanci weynay ee Axmedow naga raali ahaaw,” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.

Dhankiisa, Senator Fartaag ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsi iska dhaafe aan Axmed Madoobe laga yeeli doonin in doorashada soo socota ee Jubbaland ka dhaceysa uusan door ku yeela doonin, maadaama labadii jeer ee dastuurku u ogolaa uu soo hoggaamiyey Jubaland.

Hoos ka daawo

Madaxweyne PUTIN oo ku dhowaaqay war xasaasi oo la xiriira hubka Nukliyeerka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal awaadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka.

Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin doonto Minsk, ayuu Putin sii raaciyay.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubkaasi nukliyeerka kaddib shaacinta rakibitaankiisa.

“Ma hayno sabab aan wax uga badelno istaraatiijiyadda hubkayaga nukliyeerka,” wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

“Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u difaacno xulafadayada Nato.”

Maamulka ka arrimiya waddanka Belarus ayaa xulafo aad u dhaw la ah maamulka Kremlin-ka ka taliya, waxaana ay taageereen duullaankii Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa taleefishinka qaranka ee Ruushka Sabtidii u sheegay in hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko uu muddo dheer soo hadalqaadayay arrinta ah in xeelad dagaal ahaan hubka nukliyeerka loogu rakibo gudaha dalkiisa.

“Arrintaas waa iska caadi,” ayuu yiri. “Marka koobaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.”

Ruushka ayey u badan tahay inuu 1-da July dhammaystiro dhismaha goobta lagu rakibi doono hubka nukliyeerka ee la dhigi doono Belarus, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin.

Tiro yar oo hannaanka gantaallada Iskander oo xeelad dagaal ah, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu rido hubka nukliyeerka, ayaa la geeyay waddanka Belarus, ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Ma uusan caddayn marka hubkaasi la gayn doono Belarus. Gaynta hubkaas-se waxa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay tan iyo bartamihii 1990-meeyadii markaas oo Mocsow ay hub nukliyeer ah u yaalleen meel ka baxsan dalkeeda.

Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa imanaya xilli madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu soo cusboonaysiiyay codsigiisii ahaa in xulafadiisa reer Galbeedka ay siiyaan taageero dheeraad ah oo milateri.

Horraantii todobaadkii tegay, illaa 18 dal ayaa saxiixay heshiis ay dalkaas uu dagaalka la degay muddo sannad ah ku siinayaan ugu yaraan hal milyan oo aaltalari.

Hase yeeshee wareysi uu madaxweyne Zelensky siiyay wargeys ka soo baxa waddanka Japan, ayuu ku sheegay in Ukraine ay suuragal tahay in bariga dalkaasi aanay ka qaadin duullaan rogaal-celis ah illaa ay ka imanayso rasaas dheeraad ah.

Isha: BBC