27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay arrinta weli Al-Shabaab kusii haysa deegaano badan

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar taariikhi ah ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka xarooyeen kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay dagaalka socda, isaga oo dul istaagay sababta illaa hadda ku haysa kooxda Al-Shabaab deegaano badan oo ka tirsan gobollada dalka.

Waxa uu sheegay in sababta u weyn ee Shabaab ay weli uga sii talinayaan deegaanadaasi ay tahay in dadka deegaanka ay raali ka yihiin, oo aysan ka kicin sida ka dhacday deegaano badan oo dalka oo laga xoreeyay kooxda.

“Meelaha ay ku harsan yihiin waa meelaha dadkooda weli u kici waayay, laakiin meeshii dadkiisa uu istaagay hal Khawaarij ah oo jooga ma lahan, mana joogi karaan oo xataa rejo kama qabaan inay ku noqdaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa rabaa dadka reer Aadan Yabaal ay farriintaas qaadan oo cidkasta oo deegaankii ay ku tuhunsan yihiin inay Khawaarijta joogaan u sheegaan, raali ahaansho ayay ka walax tahay. Aniga waa la idili ma anaa la warami karan? Waa lala warami kara oo la eryi karaa waa raqiis oo dhiiraanan kuma joogaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku booriyay dadka ay weli deegaanadooda gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab ay kacaan oo iska xoreeyaan, “Askarta socota ee deegaankan ku dhimaneysa ee ku dhaawacmeysa uma dhalan deegaankan oo Soomaalinimo ayaa inta keentay oo dowladda ayaa keentay in loo hiilin waayo daw-mahan.”

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in deegaanada qaar ay ka dagaalamayaan dad aan aheyn kuwa deegaanka, halka ay aheyn inay uga hor-maraan kuwa Soomaalinimada iyo dowladda ay geysay deegaanadaasi, si looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

“Dadka markay go’aan gaaran oo sharafta, karaamada, haybada iyo Diinta iyo dadnimada ay leeyihiin difaacdaan lagama adkaan karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo

Farriinta ugu weyn ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee degamada Aadan Yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aadan Yabaal oo dhowr billood kahor laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay ayaa la filayaa inay noqoto mid kamid ah goobaha laga hoggaaminayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Magaaladan taariikhiga ah ayaa ku jirta soo kabasho tan iyo markii awood ciidan looga saaray kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay waday dadaalka dib u qaabeynta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Hal mid oo badi Soomaalida, gaar ahaan siyaasiyiinta ay isku raacsan yihiin waa in Xasan Sheekh ay ka go’an tahay inuu soo afjaro Al-Shabaab.

Safarka madaxweynaha ee degmada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadaya iyada oo shalay ay Al-Shabaab weerartay Ruun-nirgood oo aan wax badan ka fogeyn Aadan Yabaal, laakiin taasi ma baajin safarka madaxweynaha.

Wuxuu kale oo safarkiisa kusoo aadaya iyada oo hakadka dagaalka uu sababay in Al-Shabaab ay muujiso soo rogaal-celin iyo inay weerartay dhowr farriisin oo ciidanka dowladda ay lahaayeen.

Sida aan kasoo xiganay xubno ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah madaxweynaha ayaa la filayaa inuu iclaamiyo qabashada magaalooyin ay kamid tahay degmada Ceel-buur oo ay muddo dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa ka qeyb-galaya ciidanka Itoobiya, kuwaasi oo hadda soo galay dhanka Hiiraan, Gedo iyo Bakool.

Sidoo kale Kenya, Jabuuti iyo dalal kale ayaa wajiga labaad ee dagaalka ka qeyb-galaya, iyada oo ciidanka wajiga labaad aanay qeyb ka aheyn ama ay ku shaqeynayn magaca howl-galka Midowga Afrika ee la yiraahdo ATMIS, balse waxay toos uga amar qaadanayaan taliska ciidanka xoogga dalka.

Iyada oo dad badan ay sugayaan inuu wajiga labaad ee dagaalka halmar ka wada billowdo Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland, haddana dhinaca kale faah-faahino gaar ah oo aan helnay waxay sheegayaan in hadda mudnaan la siinayo in la isku wada furo Galmudug iyo HirShabelle oo kooxda Al-Shabaab halkaas laga soo wada saaro.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isagna ku sugan degmada Aadan Yabaal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba la aaminsan yahay in kab iyo ballan-qaad u helay wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxaa muuqata rejo ah in la joogo xilligii Soomaalida ka xoroobi laheyd fikirka argagixisada ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka Al-Shabaab ee hormuudka u yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa fursad weyn u arka in kooxaha argagixisada ah laga saaro dalka, si loogu gudbo wax soo saar iyo tartan caalami ah.

Sawirro: MUUSE BIIXI oo sameeyay dhoollatus, amar culus-na faray ciidamada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kormeer dhoollatus u muuqday ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, xilli uu maanta markale dagaal xooggan uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo saraakiil kala duwan oo ku sugnaa taliska guud.

Madaxweynaha ayaa warbixin la xidhiidha amniga iyo difaaca qaranka ka dhageystay wasiirka wasaaradda gashaandhiga oo uu wehelinaayo taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa madaxweynaha u sheegay in ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Qaranku marnaba ma aanay ahayn kuwo loo baqo ee waxay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Muuse Biixi ayaa intaas kadib waxa la sheegay in uu ciidamada Somaliland ku bogaadiyey kuna dhiiri-gelinayaa dadaalka, kartida iyo adkaysiga ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan dhulkooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

“Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kalena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qaranka.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu booqday xerada ciidanka birmadka, oo iyaga la sheegay inay “hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan hawlaha deg-dega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.”

Ugu dambayntiina waxa uu faray ciidamada kala duwan ee Somaliland inay laba jibaaraan dadaalkooda, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan “cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Muuse Biixi.

Isku socodka Muqdisho iyo BAYDHABA oo xayiran iyo xiisad xooggan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in maanta uu gebi ahaanba xiran yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ee gobolkaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah arrintaan ayaa imaneysa kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isbaaro dhigatay tuulada Sharay ee duleedka degmada Walanweyn, islamarkaana ay diideen in wadadaasi ay maraan wax gadiid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in halkaasi ku xayiran yihiin gaadiid badan oo isugu jira kuwa xamuulka iyo kuwa rakaabka, kuwaasi oo kusii jeeday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Arrintan oo maanta saameyn ku yeelatay isku socodka gadiidka iyo dadka ee waddada xiriirka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli ay soo baxayaan warar sheegayay in isbaaro dadka lagu baado lasoo dhigay dhanka galbeed ee degmada Walanweyn.

Isbaaradaasi oo maalmihii dambe taallay halkaasi ayaa waxaa la sheegay in lacag looga qaado gaadiidka, ayada oo masuuliyiinta maamulka degmada ay sharci darro ku tilmaameen isbaarooyinkaas, islamarkaana loola dagaalami doono sida Shabaab oo kale.

Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo ku-xigeenkiisa oo iyagu ah ka degmo ahaan maamulkii loo igmaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ka tagaan halkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore si adag uga digtay isbaarooyinka, iyada oo sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono, waxaana weli deegaano kamid ah gobollada laga soo sheegaya inay ka jiraan isbaarooyinkaas, oo bulshada dhib badan ku haya.

Somaliland oo war kasoo saartay dagaalkii maanta iyo ‘cidda hoggaamineysay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalkii maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in dagaalkii maanta ay ciidanka Puntland iyo kooxaha nabadiidka ay kusoo qaadeen fadhiisamaha ciidamadeeda ku sugan duleedka magaalada Laascaanood.

“Kooxaha huwanta ah ee isugu jira ciidanka maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa barqadii Maanta oo ah maalintii afraad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.”

Somaliland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in si adag ay iskaga difaaceen ciidamadeeda weerarka ay kusoo qaadeen kooxaha ay sheegtay in maalmihii u dambeeyay abaabulkooda uu socday oo uu hogaaminayo maamulka Puntland.

“Ciidanka Qaranku marnaba weerar maanu ahayn, oo wuxuu ilaalinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday tiraba dhawr jeer,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Dhinaca kale ee isku hayaan dagaalka Laascaanood ayaa waxay ku eedeysay in marnaba aysan xeerineyn xilliga lagu jiro ee bisha Ramadaan, “xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina faray.”

Marka laga yimaado sheegashada Somaliland, majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha SSC iyo maamulka Puntland, oo isagu dhawr jeer hore iska fogeeyay in uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dagaalka maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda magaalada ay aheyd mid deggan, inkasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Somalia

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaaminayaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Itoobiyaanka ee ka degay Beledweyne ayaa waxaa horkacaya General Tesfaye iyo General Xaaji oo kamid ah saraakiisha sar-sare ee dalka Itoobiya, waxaana safarkaan ku wehlinayay sarakiil kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka saraakiishaan ayaa u daaran sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona gobolka Hiiraan iyo qeybo kale oo dalka.

Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dhawaan bilaaban doona ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaran gobolka Hiiraan, ayada oo ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wafdiga Itoobiyaanka ee horkacayaan saraakiisha ciidamada ayaa waxay kusoo aadayaan, iyada oo Beledweyne uu dib ugu laabtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kuna dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono wajiga labaad ee howl-galka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxaa shalay ka dhacay howl-galadii u horeeyay ee muddo toddobaadyo ah kadib kooxda Al-Shabaab loogala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga oo ka tirsan gobolka, kuwaasi oo ay fuliyeen ciidaamo deegaanka ah oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in sababta dagaalka socday uu hakad-ka ugu yimid ay tahay inuu socdo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, oo ay sheegtay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Aadan Yabaal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha, oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Waxaa loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal.

Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay weerar iyo dagaal maanta ka dhacay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in markale uu maanta dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada, kaas oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidanka Somaliland oo weeeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay maqleen daryanka rasaasta iyo hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo saraakiisha SSC oo ku aadan dagaalka saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo beryihii u dambeeyay xaaladda magaalada ay aheyd mid deggan, in kasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa weli suuragalin wadahadalka labada dhinac, ayada oo dadka deegaanka ay shuruud ka dhigeen in marka hore la soo saaro ciidamada Somaliland.

Lama iga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan soconaya dagaallada kala duwan oo nabadeed, waxaana ku biiray odayaal ka baxay magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo deg deg ah oo la xiriirta xaaladda Baardheere

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, halkaasi oo ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sdiii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Xubnaha guddigan oo xukuumadda ah ayaa waxay kala yihiin;

  1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
  2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
  3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
  4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
  5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada, ayada oo todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys.

Saciid Deni oo weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulankii beesha caalamka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulan uu magaalada Nairobi kula qaatay wakiilada beesha caalamka, waxaa sidaas qoray wargeyska The East African ee Nairobi.

Kulanka, oo dhacay Isniintii, ayaa ka dhashay go’aanka ay Puntland ku sheegtay inay u dhaqmeyso “si ka madax-banaan” dowladda federaalka, iyo inay qaadacday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Baydhaba. 

Madaxtooyada Puntland ayaa kadib kulanka faafisay hadal u muuqday inay ku dhiiratay inay beesha caalamka u sheegtay sababta ay u qaadacday shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Waxaan u sheegnay sababta aan u qaadacnay kulamada,” waxaa sidaas yiri xubin ka tirsan madax-tooyada Puntland, isaga oo ula jeeda deeq bixiyayaasha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka.

Hase yeeshee, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Puntland lagu amray inay dib ugu laabato Golaha Wadatashiga Qaran.

“Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda in Puntland ay si wax ku ool ah uga qeyb-qaadato horumarka dowlad dhiska Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb-galka buuxa ee Golaha Wadatashiga Qaran,” ayey tiri safaaradda Mareykanka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka kooban madaxda sare ee dowladda federaalka, madax maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. 

Saciid Deni ayaa qaadacsanaa golaha tan iyo bishii December isaga oo ku doodaya in Puntland ay diidan tahay hannaanka federaalka iyo garsoorka Soomaaliya, ayna si madax-banaan u dhaqmeyso inta Soomaaliya ay ka yeelaneyso dastuur dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa horey u sheegay in ficillada Puntland ay yihiin kuwa aan habbooneyn. “Ka dowlad federaal ahaan. Waxaan u aragnaa dhammaan muwaadiniinteena kuwa siman, dowlad goboleedyadana waa la mid,” ayuu yiri madaxweynaha.

Tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweyne ee Muqdisho, Saciid Deni ayaa dib ugu laabtay Puntland, isaga oo billaabay “qorshe doorasho,” oo uu sheegay inuu u ogolaanayo shacabka Puntland inay codeeyaan.

Hase yeeshee mucaaradka Puntland ayaa qorshahaas ku macneeyey xeelad dib loogu dhigayo doorashada madaxweynaha Puntland oo ay tahay in la qabto bisha Janaayo 2024.

Deni ayaa hadda u muuqda nin cadaadis kala kulmay dhinacyo badan, una soo jeestay dagaal siyaasadeed dad badan ka yaabiyey.

Wuxuu la dagaalay dowladda federaalka, wuxuu ka careysiiyey mucaaradka Puntland oo u arka inuu doonayo muddo kororsi, wuxuuna hadda wajahayaa cadaadiska beesha caalamka oo ah inuu la heshiiyo dowladda federaalka.

Xog: Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya oo dalbanaya arrin ka dhan ah ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo ah dal ay ragaadiyeen colaado iyo xasillooni darro ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal ugu jirtay dib u dhiska ciidanka.

In kasta oo ay jiraan dadaallo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay ku taageerayaan geeddi-socodka, haddana tayada iyo qalabka ay heystaan millateriga waddanku ayaa wali ah mid mid ka hooseeya halkii la doonayay.

Caqabadaha ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dhismaha ciidamada waxaa ka mid ah cadaadis kaga imaanaya deeq bixiyayaasha oo  dalbanaya in lagu soo koobo tirada ciidamada oo kaliya 18,000 oo askari, taasi oo aad uga yar inta loo baahan yahay in si hufan loo sugo amniga dalka. 

Ciidanka ayaa hadda lagu qiyaasaa ku dhowaad 30,000, inkasta oo aan la ogeyn tirada saxda ah ee shaqeysa, maadaama askar badan ay magac ahaan un jiraan. 

Waxaa suurta-gal ah in beesha caalamka ogtahay in tirada 30,000 aysan sax aheyn, sidaas darteedna ay dooneyso in dowladdu la timaado tiro huban.

Xaaladda ayaa waxaa sii cusleeyay khataraha amni ee ka imanaya kooxda Al-Shabaab oo weeraro badan ka gaystay dalka, inkastoo sanadkii lasoo dhaafay guuldarrooyin culus la gaarsiiyey.

Hase ahaatee, horumarka laga sameeyay ciidan dhiska dalka ayaa ahaa mid gaabis ah, iyada oo caqabado badan ay soo food saarayaan dadaalladaasi.

Deeq bixiyayaasha ayaa ku andacoonaya in haddii la dhiso ciidamo badan ay aad qaali u tahay in la sii wado taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan ciidanka.

Laakiin, khubaro badan ayaa ku doodaya in ciidan ballaarani ay lagama huraan tahay, haddii ay Soomaaliya rabto inay si hufan u sugto xuduudaheeda, oo ay ilaaliso muwaadiniinteeda.

Soomaaliya waa dal weyn oo kala duwan, waxaana meelo badan oo dalka ka mid ah ka jira colaado iyo amni darro.

Helitaanka ciidan ballaaran oo tiro weyn, oo si wanaagsan u qalabaysan ayaa suurto galin kara in ay caqabadahaasi si ku filan wax uga qabtaan, sidoo kale waxay awood u yeelan lahaayeen inay taageeraan dadaallada dowladda ee lagu taaba galinayo gaarista hadafyada xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Arrinta tirada ciidamada kaliya maaha caqabada hortaagan militariga Soomaaliya. Arrimaha kale waxaa ka mid ah qalab la’aan iyo tababar la’aan, musuq maasuq iyo faragelin siyaasadeed oo lagu hayo arrimaha ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlaneyd sidii ay wax uga qaban lahayd arrimahaas, balse horumarrada la gaaray ayaa ah kuwo gaabis ah, waxaana weli ciidamada xoogga dalka ay yihiin kuwa aan heysan qalab ku filan oo tayo leh.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa haddana waxaa soo baxayay ifafaalooyin horumar oo wax ku ool ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladdu ay ku howlan tahay sidii ay saldhigyo ciidan oo cusub uga hirgelin lahayd dalka oo dhan. 

Dowlada ayaa sido dadaal ugu jirtay sidii loo kordhin lahaa tirada askarta ka tirsan ciidanka, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda ciidamada iyo sidii loo dhimi lahaa musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada Wadajir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeaal oo maanta lagu qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir.

Ciidamada ammaanka oo sidoo kale goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib madaafiicda lagu gaaracay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas iyo sidoo kae howlgallada xigay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan &  dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo ciyaal weerarada ee ka socda caasimada.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo horay loogu jabiyay dagaallada tooska ah ee ka socda gobollada dalka ayaa haatan culeyska ugu xoogan soo saartay magaalada Muqdisho.

Maxay Shabaab hal waqti u laayaan ciidanka? – Dhageyso sarkaal kashifay xog culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii looga adkaaday dagaallo ka dhacay maamullada Hirshabeele iyo GalMudug, kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday in ay qaaddo weerarro gaadmo ah oo ay ku beegsanayaan xeryaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Weerarkii ugu dambeeyey Al-Shabaab waxay ku qaadeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, kii ka horeeyey waxay ku qaadeen degaanka Daaruminca ee isla gobolkaas, sidoo kale xeryo ciidan oo muhiim ah ayey kooxdu weerartay todobaadyadii lasoo dhaafay.

Kooxdaan waxay weerarka fulisaa salaadda subax ka hor, inta uusan waagu beryin, taas oo ah taatiko aysan bedelin Al-Shabaab, ciidankuna ay mar hore barteen, balse ay ku guul dareysteen inay fashiliyaan weerarrada Al-Shabaab ee lasii ogaan karo.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed oo VOA la hadlay ayaa wax laga weydiiyey arrintaas, wuxuuna sheegay in sidaan aysan suurtagal aheyn in dagaalka lagu sii wado.

Cabdisalaan ayaa dalbaday in isla xisaabtan uu ka dhasho ciidanka ay aroor kasta Al-Shabaab leynayaan, iyadoo mararka qaar ay dhacdo in xitaa la dilo saraakiisha hoggaamineysa ciidanka, taas oo dembi weyn ka ah adduunka.

“Waa in laga baaraan dego halka la dejinayo ciidanka, in difaaciisa waqti la geliyo iyo in ciidanku xooraan yeesho, gaar ahaan inay NISA soo ogaato qorshaha Al-Shabaab ama dhul fog laga ogaado weerarka ku soo wajahan ciidanka, si loogu diyaar garoobo,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Sidoo kale Cabdisalaan wuxuu sheegay in jabka ku dhacaya ciidanka ay muhiim tahay in lagu suuliyo isla xisaabtan, “Todobaadyo gudahood waxaa la dilay saraakiil hoggaamineysay dagaalka ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, waxaasi adduunka kama dhacaan, waxaana looga hor tegi karaa isla xisaabtan,” ayuu yiri.

Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Al-Shabaab u fududeysay inay ciidanka laayaan ay tahay inay daroogo isticmaalaan ciidanku, gaar ahaan qaadka, wuxuuna tusaale u soo qaatay askar lagu  dilay gogoshii ay ku jiifeen oo qaad ag yaalo, kuwaas oo Al-Shabaab ay soo sawireen.

Hoos ka dhageyso warbixinta

Puntland oo dil ku xukuntay shabakad ka kooban 10 nin

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay shabakad ka tirsan kooxda Shabaab, taas oo ka kooban 10 nin.

Raggan ayaa waxaa lagu helay inay dilal ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu dambeyn ay soo qabteen ciidanka ammaanka.

Maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, waxaana ku jira xubno racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu riday.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal ah oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

10 nin ee la xukumay ayaa kala ah:- 1-Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi, 2-Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, 3-Xasan Jaamac Maxamed, 4-Maxamed Cali Axmad Muuse, 5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi, 6-Cabdulahi Faysal Xuseen, 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur, 8-Liibaan Aaden Muuse, 9-Cabdiqani Farxaan Abdulahi iyo 10-Cabdiraxman Cawil Maxamed

Sidoo kale waxaa raggan ku jira Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo loo heysto dill  Gaalkacyo loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan .

Labadan nin ayaa horay loogu riday xukun dil, balse waxa ay ka qaateen racfaan, ayada oo markale saaka lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qasaasta marxuum Jamaal Faarax.

Puntland ayaa horay xukuno dil ah ugu ridday xubno ka kal tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19  ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Deni in the hot seat: Donors confront Puntland’s president

0

NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) – Somalia’s international donors, including the US, UK, European Union, and the World Bank, gathered in Nairobi on Monday to express their concerns about recent actions by Puntland State President Said Abdullahi Deni. 

Puntland has been distancing itself from the federal government and boycotting the National Consultative Council (NCC) meetings aimed at working on the country’s permanent constitution.

A statement from the US Embassy in Somalia emphasized the importance of Puntland’s constructive engagement in Somalia’s state-building progress, including its participation in the NCC.

“International donors met with Puntland President Said Abdullahi Deni and underlined the importance of Puntland engaging constructively in Somalia’s state-building progress, including thorough participation at the National Consultative Council (NCC),” the embassy said.

Puntland’s decision to boycott NCC meetings since December has been met with disapproval from Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, who stated that the action is improper and that the federal government sees all citizens and federal member states as equal.

Deni’s boycott and Puntland’s history

Deni has boycotted the NCC meetings due to disagreements with the federalization of the judiciary and the separation of powers. He wants Puntland to act independently until Somalia establishes a new constitution.

Puntland, the oldest federal-state among the five, was established in 1998 and has had five presidents, with Deni being the latest.

Each president served a single term, even though they were eligible for re-election. Deni, who lost the presidency to Mohamud last year, has ambitions to break this pattern.

His aspirations have sparked division in Puntland, with critics accusing him of delaying reforms.

Puntland’s election Plan: Progress or delay?

Following his loss in Mogadishu, Deni returned to Puntland to unveil an “election plan” that he claims will enable locals to vote in the first universal suffrage.

However, his opponents argue that he wasted a year and a half seeking the federal presidency, which should have been used to lay the groundwork for Puntland’s governance.

Puntland’s constitution mandates universal suffrage as the voting model. However, it has often reverted to indirect elections due to insufficient resources, civic education, legal framework, and a capable electoral body.

Deni, whose term ends in January 2024, believes Puntland can implement one-person-one-vote, starting with local council elections in May, followed by the presidency. Critics argue that his true intention is to delay the vote.

Horseed Political Association, one of the oldest political movements in Puntland, has challenged Deni’s plan, calling for international intervention for a fair election process.

The association seeks a halt to the election plan until stakeholders can agree on modalities, including the structure of the local electoral body.

Deni’s opponents argue that his plan is designed to lock them out. Following the local elections in May, the three top-winning movements will register as political parties, eligible to nominate presidential candidates for the state in January.

Previous attempts and controversy

Mohamed Farole, Deni’s opponent and acting chairperson of the Horseed Association, pointed out that previous presidents did not have the legal framework that Deni currently has.

Past presidents, such as Abdirahman Farole, spent time establishing institutions but were accused of trying to extend their terms when they attempted similar projects. Deni’s opponents argue that he is leading Puntland into the same controversy.

Opposition groups claim that the electoral body has registered political associations that did not meet the criteria.

There are currently nine political associations in Puntland, four leaning toward the ruling Kaah association. Some associations boycotted the universal suffrage for local council elections in three districts of Eyl, Ufeyn, and Qardho in 2021, citing malpractices.

These included Horseed, Ifiye, Mustaqabal, and Run associations. Despite the boycott, international donors praised the pilot project.

Two potential scenarios could unfold depending on the mayoral elections’ outcome. Elected representatives may decide when the next parliament can sit, extending its life beyond the end of its five-year term in June.

This would allow the parliament to determine the date of the presidential elections, which could be later than January of the following year, granting Deni a more extended stay in office.

On the other hand, political associations that fail to secure enough seats in May will be unable to nominate candidates for the presidency.

Deni supporters highlight institution-building efforts

Deni’s allies argue that he is working towards establishing strong institutions in Puntland. Omar Hashi, a federal MP in Somalia, stated that President Deni focuses on implementing a local governance system in Puntland, starting with local council elections and later a state-level popular vote.

Regarding the NCC boycott, Hashi emphasized that Deni raised crucial concerns about federalism, specifically fiscal and power-sharing issues between the states and the federal government.

He urged listening to Deni and reaching a national consensus on these matters is essential.

Pro-Iranian forces and US military clash in Syria

WASHINGTON, US (Caasimada Online) – In a series of recent tit-for-tat missile and drone attacks in Syria, pro-Iranian forces and the United States have clashed, further escalating the conflict in the region.

The Iranian Advisory Committee in Syria issued an online statement on Friday, warning that they possess the “long arm” needed to retaliate against further U.S. airstrikes.

The statement followed a series of U.S. airstrikes targeting Iranian-backed militias in eastern Syria.

These strikes were in response to a suspected Iranian-made drone attack on Thursday. It killed one U.S. contractor, injured another, and wounded five U.S. troops at their base in northeast Syria.

During a state visit to Ottawa, Canada, U.S. President Joe Biden affirmed that the United States does not seek conflict with Iran but is prepared “to act forcefully to protect our people.” He added that this was the motivation behind the previous night’s airstrikes.

Iranian-backed forces target U.S. positions

In retaliation, Iranian-backed groups launched near-coordinated attacks on U.S. positions in eastern Syria on Friday, wounding one U.S. service member.

Charles Lister, director of Syria and Countering Terrorism and Extremism programs at the Middle East Institute, tweeted that these attacks involved Grad rockets and suicide drones, which exposed the inadequacy of U.S. deterrence measures.

Meanwhile, U.S. officials said two simultaneous attacks were launched against U.S. forces in Syria on Friday.

A rocket attack at the Conoco plant injured one U.S. service member. At the same time, several drones targeted Green Village, where U.S. troops are also based.

All but one of the drones were shot down, and there were no reported U.S. injuries at Green Village.

Casualties and damage from the conflict

The U.S. airstrikes, carried out by F-15 fighter jets, targeted three locations in the vicinity of Deir ez-Zour in eastern Syria.

The Syrian Observatory for Human Rights, an opposition war monitor based in the United Kingdom, reported that 11 Iranian-backed fighters were killed in these attacks.

Rami Abdurrahman, head of the Observatory, said three rockets were fired at the al-Omar oil field in Deir ez-Zour, which houses U.S. troops, in apparent retaliation for the U.S. airstrikes.

There were no immediate details on casualties from the new wave of attacks on Friday night in Deir ez-Zour city.

Analysts weigh in on the conflict

Experts offer their perspectives on the escalating conflict as the situation remains tense.

Dareen Khalifa, a seasoned Syria analyst from the International Crisis Group in Brussels, commented that although the reciprocal attacks are happening during a delicate political juncture, she does not foresee a considerable escalation.

She added, “These back-and-forth strikes have persisted for an extended period,” noting that they usually did not result in casualties.

Khalifa also suggested that the Biden administration would not be eager to escalate the conflict in Syria and will likely opt for a measured response.

The recent attacks come at a time when Saudi Arabia and Iran have been working towards reopening embassies in each other’s countries and as Saudi Arabia acknowledges efforts to reopen an embassy in Syria, whose embattled President Iran has backed Bashar al-Assad in his country’s long war. 

Garissa attack convicts’ sentences slashed

GARISSA, Kenya (Caasimada Online) – In a controversial decision, High Court Justice Cecilia Githua has reduced the prison sentences of two individuals convicted in the 2015 Garissa University terror attacks in Kenya.

The new ruling lowers the sentences for Hassan Edin Hassan and Mohamed Abdi Abikar from 41 years to 25-and-a-half years, acquitting them of membership in the al-Shabab militant group but upholding their convictions for conspiracy to commit a terrorist act. 

Security analyst Richard Tuya, based in Nairobi, expressed that the ruling hampers the battle against terrorism.

“This decision turns terrorism into an appealing enterprise in this country, as terrorists rationally weigh the costs and benefits of their actions. With punishments now lighter than the costs, it works in their favor,” he stated.

A mockery to victims’ families

The original 2019 sentence handed down by a lower court mandated 25-and-a-half years for conspiracy to commission and commit a terrorist act and 15-and-a-half years for being members of al-Shabab.

The recent ruling overturned the latter sentence and found that the prosecution did not provide sufficient evidence to prove the defendants were members of the militant group.

Tuya argued that the ruling disregards the suffering of the families of the 148 victims who perished in the Garissa University attacks.

“To me, I feel like it is a mockery, but now you can’t blame the courts because also the court relies on evidence that has been brought before it,” he said.

The fateful 2015 attacks

In April 2015, four gunmen stormed Garissa University and opened fire indiscriminately, killing 148 people.

The Somali-based militia group al-Shabab later claimed responsibility for the attack, stating that it was motivated by Kenya’s deployment of troops to Somalia.

In her ruling, Justice Githua maintained that the circumstantial evidence presented by the prosecution left no doubt that Hassan and Abikar were aware of the attack plan and were the actual perpetrators.

Consequently, she sentenced the two to 25-and-a-half years in prison for conspiracy to commit a terrorist act.

This decision has raised concerns among security experts and the public, as it may affect Kenya’s ongoing battle against terrorism.

Axmed Madoobe oo wajahaya xujooyinkii ugu adkaa ee kursigiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggamiyaha muddada dheer haya xukunka maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa cadaadisyo waaweyn kala kulmaya soo celinta gacan ku haynta gobolka Gedo, oo ah gobol muhiim u ah maamulkiisa,  taasi oo wiiqi karta xil-hayntiisa maamulka iyo awoodiisa siyaasadeed xili uu maamulka cusub la wareegay hoggaanka waddanka taageera ee Kenya.

Fashilka uu kala kulmay isku dayo badan oo uu kula wareegi lahaa gacan ku heynta Gedo oo ilaa hadda ka maqan gacanta maamulkiisa ayaa wiiqi karta aragtida maamulka cusub ee Kenya ee ku aadan Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ayaa ah goob istaraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama uu ku yaallo xuduudka Kenya, waxay gacan ku haynta gobolkaas muhiim u tahay maamulka Jubaland, wuxuu gobolka Gedo xudun u noqday khilaafkii daba dheeraaday ee u dhaxeeyay Jubaland iyo taliskii Farmaajo.

Haddaba, culeysyadani iyo kuwo kale, oo muddo soo jiitamayay oo heysta Axmed Madoobe oo muddo dheer xilka hayay, ayaa hadda u muuqda kuwo shaki galinaya sii joogistiisa madaxweyne ee maamulka Jubaland.

Cadaadiska uu wajahayo ayaa waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mucaaradad badan oo kaga imanaysa dowladda Federaalka Soomaaliya, beelaha dega gobolka Gedo, iyo xitaa dad ka mid ah qabiilkiisa oo olole ka wada Nairobi. 

Xubnaha ku shiray Nairobi waxaa ka mid ah rag miisaan culus oo ku beel ah Axmed Madoobe, sida wasiir Oomaar iyo Cabdi Cali Raage, oo horey aad ugu dhowaa Axmed Madoobe.  

Sidoo kale culeysyada Axmed Madoobe ayaa sii kordhay kadib markii maamulka cusub ee Kenya uu isbeddel ku sameeyay siyaasaddiisa ku aadan Soomaaliya, isagoo la yimid qorshe ka duwan maamulkii hore Uhuru Kenyatta oo si buuxda u taageersanaa maamulka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Ruto ayaa la sheegay inuu door-bidayo siyaasad ah inuu si toos ah ula macaamilo dowladda federaalka, islamarkaana uga dambeeyo arrimaha gudaha dalka, oo Jubaland ay ku jirto. 

Xeel-dheerayaasha siyaasadda gobolka ayaa aaminsan in haddii Axmed Madoobe uu ku guuleyean waayo in uu si hufan wax uga qabto caqabadahaas, oo uu dib u soo celin waayo gacan ku haynta gobolka Gedo, laga yaabo inuu wajaho cadaadis uu xilka uga degi karo, oo ka iman kara dhanka dowladda federaalka iyo xitaa Kenya. 

Sooyaalka maamulka Axmed Madoobe 

Jubaland waa maamul goboleed ka tirsan koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xuduud la wadaagaa Kenya.

Kenya ayaa ah saaxiibka ugu muhiimsan ee Jubaland, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay taageeridda xasiloonida amni iyo siyaasadeed ee gobolka.

Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaana muddadii uu xilka hayay uu xiriir dhow la lahaa dalka Kenya, waxa uuna dowladda Kenya ka helay taageero dhanka ciidamada ah iyo mid diblomaasiyadeed.

Taageeradaasi ayaa Axmrd Madoobe ka caawisay in uu awooddiisa kusi ballaariyo uuna adkeeyo xukunkiisa Jubaland iyo in uu ka hortago saamaynta ay ku yeeshaan qaybaha kale ee maamullada, sida dawladda faderaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta isbeddalka dhanka hoggaanka ah ee dhawaan ka dhacay dalka Kenya, uu ku yeesho hogaamiyaha Jubaland ayaa si dhow isha loogu hayaa. 

Maamulka cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne William Ruto ayaa laga yaabaa inaysan u taageerin Madoobe sidii dowladii hore. Sababtuna waxay tahay in maamulka Ruto uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo inuu hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, inkastoo xiligan uusan xiriirkooda uusan aad u wanaagsaneyn.

Waxaa intaas dheer in Madoobe uu sidoo kale wajahayo cadaadis uga imaanaya gudaha Jubaland. Waxaa jira walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo kooxaha siyaasadda ku jira oo ku aadan in Madoobe uu ku milmay talada dalka, islamarkaana uusan ka jawaabin baahida shacabka. 

Waxaa kaloo jiray eedeymo musuqmaasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu hoggaaminayay, sidoo kale.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa la macno ah in aan la hubin in Axmed Madoobe uu sii ahaan doono hogaamiyaha Jubaland.

Habdhaqanka Imaaraadka oo jahwareer ku riday dheelitirka siyaasadaha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkii hore, oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaxiib dhow la ah Imaaraadka Carabta, ayaa u suurta galisay in Imaaraadku uu dib uso ceshado saameyntii uu ku lahaa Soomaaliya oo aad u yaraatay inti uu xilka hayay maamulkii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. 

Galaan-galki siyaasadeed iyo tii ciidan ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tan iyo wixi ka dambeeyay doorashadi Xasan Sheekh dib usoo noolaatay una si ballaaratay. 

Hase ahaatee, in madaxweyne ay saaxiibo yihiin uu dib xilka madaxtinimada Soomaaliya u qabto ma aysan noqon mid ku filnaata dowladda Imaaraatka, oo dib u billowday dhaqan siyaasadeedkii adkaa ee ka waday Soomaaliya, taasi oo keentay in dowladda Madaxweyne Maxamuud ay gasho xaalad adag oo jahawareer ku riday siyaasadda madaxweyne Xasan ee isku dheellitirka xiriirada ay la leedahay Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamka. 

Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha ku sameystay maalgashiga weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo shirkadaheedu ay ku hawlan yihiin la wareegidda, maamulidda iyo dhismaha dekedaha dalka. 

Hase ahaatee, ku lug lahaanshaha siyaasadda iyo milateriga ee Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa ah mid muran badan dhaliyay. 

Dawladda Khaliijka ayaa lagu eedeeyaa inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay taageerto maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Waxa kale oo ay isku dayaysaa inay tababarto, oo ay qalabayso ciidamo Soomaaliyeed ee ka madax banaan taliska ciidanka dawladda, kuwaas oo loo arkay inay khatar ku yihiin madax-banaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa isku dayday inay isku dheelli tirto xiriirka ay la leedahay Imaaraatka Carabta, iyadoo sidoo kale qiimeyneysa xiriirada kale ee ay la leedahay quwadaha kale ee gobolka iyo caalamka, sida Turkiga iyo Qatar. Dalalkan ayaa Soomaaliya ka caawiyay dhinaca horumarinta iyo maalgashiga, iyagoo sidoo kale taageeraya dowladda iyo ciidamada qalabka sida sanado badan.

Laakiin Soomaaliya ayaa kala kulmeyea culeysyo badan siyaasaddeeda isku dheelitirka iyo qorshaheeda siyaasadda dibedda noqday mid aad u adag, kadib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo quwadaha kale ee gobolka. 

Tusaale ahaan, Imaaraadku iyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku khilaafsan habka uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga iyo qeybaha kale ee xiriirada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waddamo kale. 

Arrintaasi ayaa u muuqata mid galineysa xaalad Soomaaliya oo halis ugu jirto inay dhexda u gasho loolanka awoodeed ee gobolka, gaar ahaan kan u dhaxeeya Imaaraadka, Qatar iyo Turkey oo uu tartan adag ka dhaxeeyo waqti aad u dheer. 

Dhanka Soomaaliya, haddii ay si aad ah ugu dhowaato Imaaraadka, waxay halis u tahay inay ka fogaato saaxiibada kale ee muhiimka u ah. Sido kale, haddii ay iska fogeyso Imaaraadka, waxay halis u tahay inay lumiso maalgelin iyo taageero qiimo leh. 

Sida ay qabaan khubarada Geeska Afrika, Soomaaliya waxay u baahan tahay diblomaasiyad taxaddar leh iyo in si dhab ah loo wajaho xiriirka ay la leedahay quwadaha gobolka, iyadoo loo baahan yahay in la miisaamo faa’iidada ku jirta maalgashiga dhaqaale iyo taageerada militari ee Imaaraadka Carabta iyo khatarta ka iman karta faragelinta siyaasadeed ee ay waddo dowlada Imaaraatka Carabta.

Siyaasadda gacan-maroojiska ah

Imaaraatka Carabta ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamuud billowday hirgalinta siyaasad gacan maroojis ah, oo ku wajahan Soomaaliya, taasi oo ay uga gol leedahay inay ku ballaariso galaan-galka ay ku leedahay dalka, islamarkaana ay uga hortagto saameynta iyo danaga istaraatiijiyadeed ee dowladaha kale ay kaleeyihiin Soomaaliya.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya laga fahmi karo marka la eego ujeeddooyinka Istaraatijiyadeed ee ballaaran ee ay ka leedahay Gobolka, oo ay ka mid yihiin ka-hortagga saameynta Qatar, iyado ku fara adeygeysa helitaanka iyo gacan ku dhigista dekeddaha muhiimka ah iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah, si ay horumariso danaheeda dhaqaale. 

Arrimaha ugu muhiimsan ee siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Soomaaliya waxaa ka mid ah maalgashiga ay ku sameynayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedda magaalada Berbera. 

Sido kale, Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan ku bixiyey balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Boosaaso, iyada oo ujeedadu tahay in ay noqoto mid xudun u ah ganacsiga iyo siyaasada gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Imaaraadku waxa kale oo uu damcay in uu saldhig milatari ka samaysto Berbera, kaas oo u sahlaya in awood iyo saamayn ku yeesho mandaqada – hase ha ahaatee, waxa tan iyo wakhtigaas wixi ka dambeeyay ay lumisay gacan ku heynti saldhiga milatari kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu laalay heshiiski saldhigaasi ee Imaaraadka. 

Siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay beesha caalamka, iyadoo dalalka qaarkood ay soo dhaweeyeen maalgashiga Imaaraadku ku sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, balse qaar kale ayaa walaac ka muujiyeen saameynta sii kordheysa ee uu Imaaraadku ku yeelanayo Soomaaliya. 

Khubarada qaar ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay sii socoshada maalgashiga Imaaraadku ku sameynayo Soomaaliya, iyadoo la eegayo caqabadaha Imaaraatka ku hayo Soomaaliya oo cadaadisyo kala kulmeyea isku dheeli tirka xiriiradeeda ee waddamada kale oo ay dowladda Imaaraadku dooneyso iney iyada jaan goynteeda yeelato taasi oo ku riixi Soomaaliya heer ay iska diido marka dambe. 

Culeyska Imaaraadka Carabta 

Imaaraadka Carabta ayaa si firfircoon ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya tan iyo markii ay dalka ka billowdeen dagaalladii sokeeye 1991. Imaaraadku sanadihii la soo dhaafay waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadannimo, taageero ciidan, iyo maalgashiga mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Hase ahaatee, sannadihii u dambeeyay, faragelinta Imaaraadku ku leeyahay Soomaaliya ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo. 

Arrinta xiisada ka dhex abuurtay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta waxaa ka mid ah Saldhiga Milatari ee ay Imaaraadku marhore ka dhiseysay magaalada Berbera. 

Dowlada Soomaaliya ayaa tallaabadaasi u aragtay xiligaasi mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, waxayna ku eedeysay Imaaraadka inay saldhiggaas u adeegsadaan faragelinta arrimaheeda gudaha. Imaaraatka ayaa dhagaha ka fureystay arrintaas taasi oo keentay; in Soomaaliya ay mamnuucday in diyaaradaha Imaaraatka Carabta ay ka soo degaan garoomadeeda, waxayna joojisay qandaraas ay kula jirtay shirkadao laga leeyahay Imaaraadka oo ka shaqeyneysay dekedda Muqdisho.

Arrinta kale ee Soomaaliya welwelka ka qabta ayaa ah taageerada Imaaraadku siiyo maamulka la baxay Somaliland. Imaaraadku waxa uu dhaqaale badan galiyey Somaliland oo ay xataa la saxiixatay heshiis u ogolaanaya in Imaaraadku maamulo dekedda Berbera. 

Ciidamo ka baxay Muqdisho oo deegaano dhowr ah ka qabsaday AL-SHABAAB

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah, oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa maanta la wareegay degaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen.

Ciidamada, oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan, ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah; Qurcaleey, Jabileey iyo degaan kale oo hoostaga degmada Jalaalqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan.

Qabsashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee muddo toddobaadyo ah kooxda Al-Shabaab looga saaro degaan ka mid ah gobolka Hiiraan, ayada oo dhowaanahan uu hakad ku yimid dagaalka lagula jiro kooxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sababta dagaalka uu hakad-ka ugu yimid ku sheegtay inuu socdo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, oo ay sheegtay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu u hoggaamiyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee galbeedka Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in, in ka badan 3,000 oo Al-Shabaab ah la dilay, islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.  

Haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, oo sirdoonka Reer Galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000. 

Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada Al-Shabaab, marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda Al-Shabaab, oo ah 10,000 oo maleeshiyo.