27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

R/W Xamza oo u yeeray saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiska Amniga Qaranka hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Booliiska, Nabad-sugidda, gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka, waxaana looga hadlay amniga caasimada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxay hay’addaha amniga iyo maamulka gobolka ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan.

“Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii guud ahaan loo adkeyn lahaa amaanka, xilli ay kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si loo xoojiyo amaanka muwaadiniinta.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay laamaha amniga in kor u qaadan howl-galada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, si aysan Khawaarijtu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxda Al-Shabaab ay inta badan kordhiso falalka amni daro ee ka geysato magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Daawo: Jeyte oo billaabaya dagaalka, kuna dhawaaqay qorshihiisa dagaalka kadib

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmahaan safar ku marayey Muqdisho iyo dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, isagoo shaaciyey qorshaha uu damacsan yahay.

Cali Jeyte ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Hiiraan uu ka bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, qorshihii safarkiisa ayuu sheegay inuu ku qotomay sii socoshada dagaalka Al-Shabaab.

“Dadka reer Hiraan waxaa maanta ku war-gelinayaa inay u diyaar garoobaan dagaal, dagaal hadii uu bilowdo waa in la kala adkaado, meel dhexe oo la istaago ma jirto, u diyaar garooba dagaalka aan Shabaab dhameystirnee,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu iclaamiyey shir ay isugu imaanayaan reer Hiiraan 20-ka bisha Juun ee soo socota, isagoo rajo ka muujiyey in xiligaas ka hor laga guuleysa doono Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan meel kasta oo ay joogaan, Shabaab kadib, 20-ka bisha Juun ilaa 1-da July, waxaan ka rabnaa inay Beledweyne isugu yimaadaan, si aan uga tashano aayaheenna,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay Shabaab ka xorey doonaan inta ay ka joogaan Hiiraan, wixii intaas ka dambeeyana ay ka tasha doonaan waxa xigi doona dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa in dadkeenu aqligiisa mideeyo, gogosha ay dadku isugu imaanayaan anagaa dhigeyna, qof kasta oo ahlu cilmi ah oo wax garata oo reer Hiiraan ah ha yimaado gogosha ka fidsan Beledweyne,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Qorshaha uu ka leeyahay gogoshaas ayuu faahfaahiyey Cali Jeyte wuxuuna sheegay in aragtida dadka reer Hiiraan uu mideynayo, kadibna ay ku dhaqaaqayaan meeshii dantooda ay ku jirto, “Waxaa laga yaabaa in la is dhaho war odagu dadka ma dagaal kale ayuu geli rabaa? War maya dagaal barwaaqo ah ayaan idin gelineynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo

 

Somalia strikes: 3,000 Al-Shabab fighters killed in offensive

MOGADISHU, Somalia – The Federal Government of Somalia, under the leadership of President Dr. Hassan Sheikh Mohamud, claimed significant progress in its ongoing military operations against the Al-Shabab terror group. 

In a statement on Saturday, The government stated that “more than 3,000 Al-Shabab fighters have been killed, and 3,700 others injured since the military offensive began.”

According to the Defence Ministry’s report, “approximately 70 towns and villages have been liberated from Al-Shabab’s control by the Somali National Forces, with crucial support from local communities.” 

The successful operations allegedly mark a turning point in the decade-long struggle against the extremist group, which has caused immense suffering for the people of Somalia.

Swathes of territories Recovered 

In recent months, the Somali army and local militias called “Macawisley” have recovered vast territories in the central Galmudug and HirShabelle states. This operation received support from US airstrikes. 

Hussein Sheikh-Ali, the government’s national security adviser, revealed plans for a second phase of military operations involving extra troops from the three countries bordering Somalia: Djibouti, Ethiopia, and Kenya.

Although driven out of Mogadishu and other major urban centers over a decade ago, Al-Shabab maintains a stronghold in rural central and southern Somalia. 

Additionally, despite the advances made by pro-government forces, militants continue to demonstrate their ability to strike back with deadly force against both civilian and military targets.

Last year, after the offensive launched, Al-Shabab executed its deadliest attack when two car bombs exploded at the education ministry in Mogadishu, killing 121 people in October. 

The incident was a stark reminder of the group’s resilience and capacity to launch high-casualty attacks despite losing ground to pro-government forces.

Security operation in Mogadishu 

As the country approaches the second phase of the military offensive, the government is preparing for a major security operation in the capital, Mogadishu. 

This move aims “to protect the city and its civilians from potential retaliatory attacks by the weakened terror group, particularly during the Holy Month of Ramadan,” according to the Internal Security Ministry.

The Ministry emphasized that the safety of the people will not be compromised and that the upcoming operation is designed to ensure their protection. 

The Federal Government of Somalia has steadfastly committed to combat Al-Shabab since President Hassan Sheikh took office on May 15, 2022.

 Additionally, the government reaffirmed its dedication to conducting military operations in compliance with international humanitarian law, human rights law, Islamic law, and Somali customary rules of warfare. 

This commitment demonstrates the government’s focus on defeating Al-Shabab and preserving the safety and well-being of Somali citizens.

DF Soomaaliya oo shaacisay dilka 3,000 oo Al-Shabaab ah iyo dhaawaca 3,700

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in, in ka badan 3,000 oo Al-Shabaab ah la dilay, islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.  

Haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, oo sirdoonka Reer Galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000. 

Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada Al-Shabaab, marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda Al-Shabaab, oo ah 10,000 oo maleeshiyo.  

Dowladda ayaa muddaddii uu dagaalka socday soo bandhigtay qaar ka mid ah Shabaabka la dilay, balse tirada lasoo bandhigay uma badneyn sida tirada ay sheegatay dowladda. 

Warka kasoo baxa dowladda ayaa imanaya yada oo dhowaan la billaabayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in howlgal amni oo xooggan laga billaabayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loo xaqiijiyo ayey tiri, in xubnaha baxsadka ah ee Al-Shabaab aysan waxyeelo u gaysan shacabka caasimadda. 

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in howlgalkan lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo shacabkeeda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramaadan.

Mahdi Guuleed oo shaaciyey sida uu ku dhaqan-geli karo muddo kororsiga dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo haatan ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga la damacsan yahay in loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka iyo sida uu ku dhaqangeli karo intaba.

Mahdi Guuleed oo guddoomiye u ah guddiga loo xil-saaray arrintan, gaar ahaan kasoo tala-bixinta wax ka beddalka qodobo kamid ah Dastuurka ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan muddo korosriga dowladda, kaas oo ay in badan ka horyimaadeen siyaasiyiinta dalka.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu wax ka beddalo Dastuurka, gaar ahaan muddo xileedka dowladda.

“Wax kasta oo sharci ah oo Dastuur ah oo aan ka hor imaaneyn Shareecada Islaamka iyo Mabaadii’da aas-aasiga ah ee Qaranimadeena Baarlamaanku waa karaa inuu sameeyo iyo inuu joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Baarlamaanka madaxweynuhuu dhalaa la xisaabtamaa, maamuus ka xayuunbin ayuu kusoo oogi karaa, ra’iisul wasaaruhuu la xisaabtamaaa, xukuumadduu dhalaa, la xisaabtamaa, kala noqon karaa kalsoonida,”.

Mahdi Guuleed oo u warramay SMS Somali TV ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu dhaqan-geli karo qorshaha muddo kororsiga dowladda, wuxuuna sheegay inay ku xiran tahay kaliya inay ka  fariistaan xildhibaanada labada Aqal, si ay uga gaaraan go’aan wadajir ah.

“Sida qodobka 36 uu dhigayo saddex meelood, laba inay Dastuurka wax kaga beddali karaan awoodda Dastuurka ayaaba siiyay”. ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo buuq siyaasadeed, waxaana si cad uga horyimid, siyaasiyiin caan ah, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo kuwa kale oo badan.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano.

Si kastaba, arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAXYO ku qaaday Ruun-Nirgood

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalin kahor tegay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray ciidamada ku sugnaa saldhigga, walow aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xerarada, islamarkaana ay dishay askar badan, kuwa kalena ay dhaawacday

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay in ay gubtay gawaari ay lahaayeen ciidamada dowladda oo yiilay gudaha xerada/

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

DF oo faragelisay dagaalka magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay magaalada Laascaanood u dirtay ergo nabadeed, si ay xal ugu raadiyaan xiisadda dagaal oo u dhexeyso labada dhinac.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ergada ay dirtay dowladda dhexe ayaa ah odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, kuwaas oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabin doono maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Isimadan oo ka baxay Muqdisho ay haatan gaareen magaalada Garoowe oo ay wadahadal kula yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC.

Inta badan wadahadalladan waxaa lagu gorfeyn doonaa sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa sidii xal loogu heli lahaa xiisadda Laascaanood.

Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegeyan in ergadan ay tegi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, si ay dhankooda kulamo ula soo yeeshaan madaxda sare ee maamulkaasi, ayaga oo kala hadlaya arrimo ku saabsan dagaalka Laascaanood.

Waa markii ugu horreysay oo ay tallaabo noocaan ah ay dowladda federaalka u qaado dagaalka Laascaanood oo galay bishii labaad oo xiriir ah, kaas oo sababay dhimashada dad kudhow 400, halka ina ka badan 1000 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan rayid.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray.

Taliyaha Danab oo jawaab kasoo saaray arrin la xiriirta dagaalka Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Danab ee Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan warar dhowaanahan qabsaday baraha bulshada oo ku aaddan sakaal horey uga tirsanaa Danab oo lagu dilay magaalada Laascaanood. 

Maxamed Suleymaan, oo soo noqday taliyaha ururka afaraad ee Danab, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku dhintay dagaal duleedka Laascaanood ku dhex-maray ciidamada deegaanka iyo kuwa maamulka Somaliland. 

Taliyaha Danab, Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa sheegay in Maxamed uusan wax xil ah ka heyn Guutada Danab, markii uu ku dhintay dagaalka Laascaanood, islamarkaana Danab uu 2011 uga tegay sababo shaqsi. 

“Waxaan xaqiijin karnaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn Guutada Danab ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii nasiib darro uu ku dhintay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu yiri.  

Beeryare ayaa sheegay in hadafka koowaad ee Danab uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagixisada ee gudaha Soomaaliya. 

“Waxaan rabnaa in aan carrabka ku adkeyno in Danab ay si buuxda uga go’an tahay ujeeddadaas oo aysan geli doonin wax dagaal beeleed ama arrimo la xiriira qabiil,” ayuu yiri taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare.  

“Waxaan rajeyneynaa in bayaankan uu meesha ka saari doono isfaham waaga jira, islamarkaana uu cadeynayo doorka Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” 

Hadalka Beeryare ayaa xoojinaya mid horey uga soo baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka ee qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Xog: Qorshaha cusub ee IMAARAADKA oo gaadiid dagaal ka dejiyey Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalin ka hor magaalada Kismaayo ka dejisay gadiid dagaal, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdibilaha, gaadiidkaas ayaa muuqaalkiisa loo soo bandhigay warbaahinta.

Tirada gaadiidkaas waxaa la sheegay inay kor u dhaafayso boqol gaari, waxaana soo baxaya xogo la xariira qorshaha ay dowladda Imaaraadka Carabta ka damacsan tahay in intaas oo gaadiid ah ay ka dejiso Jubbaland.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Imaaraadka Carabta waxay qorsheynayaan in saldhig ciidan ay ka furtaan Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Gaadiidkaan waxay lagu furayaa saldhigga sida ay sheegeyso xogtaan, waxaana saldhigaas lagu tababari doonaa qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya oo ka amar qaada doona Imaaraadka.

Markii gaadiidkaas laga soo dejiyey Kismaayo TV-ga maamulka Jubbaland wuxuu baahiyey sawirrada Cabdibilayaasha, iyagoo sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay Imaaraadku ugu deeqeen gaadiidkaas.

Hadii Kismaayo laga furo saldhigga militeri ee Imaaraadku qorsheynayo waxay tababari doonaan ciidan Soomaaliyeed oo daacad u ah, taas oo laga cabsi qabo inay Soomaaliya uga fushadaan danahooda gaarka ah ama mararka qaar ay cadaadis saaraan madaxda dowladda Soomaaliya, markii ay dantooda ka waayaan.

Dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaxiib dhow ka dhigatay Imaaraadka oo dowladdii Farmaajo ay aad isaga fogeysay, waxayna hadda dowladaasi saameyn deg deg ah ku yeelatay tababarrada ciidamada Soomaaliya.

Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan ku biiraya xoogga dalka tababar ugu soo xiray Uganda ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda Imaaraadka Carabta oo sida uu sheegay bixineysa tasiilaadka tababarka ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.

Imaaraadka Carabta waxaa lagu xusuustaa in sanadkii 2017-kii ay dalka ka cayrisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo, xiligaas waxay xero lagu tababarro ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen gudaha Muqdisho, gaar ahaan xerada Jeneraal Gordan ee degmada Hodan.

Waxyaabihii uu madaxweyne Farmaajo uu diiday sii socoshada qorshihii Imaaraadka ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in ciidankii Soomaaliyeed ay tababareen uu ayaga daacad u noqday, isla markaana ay ku dhiiradeen ama qorsheynayeen inay dano u gaar ah awooda ciidankaas ku fushadaan.

Daawo: Barakac ka socda Baardheere iyo khasaaraha dhimashada oo sii kordhay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa weli ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay daadadkaasi, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaaladaas ku geeriyooday illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmada Baardheere, gaar ahaan toga sameeyay fatahaadda.

“Dadka hadda dhintay waa 6 qof oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin iyo saddex kale oo carruur ah illaa iyo haddana dhibaatada way taagan tahay,” ayuu yiri qor kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay tahay markii labaad, isla-markaana todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

“Waa markii labaad oo uu togan fataho oo dhibaato ay ka dhalato Isbuucii lasoo dhaafay oo qura 9 qof ayaa ku geeriyootay saddex qofna way ku dhaawacmeen,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in weli uu barakac xoogan ka socdo degmada Baardheere, wuxuuna tilmaamay qoysaska barakacay lagu qiyaasayo illaa 2,800 oo qoys.

“Dadka ku barakacay fatahaadda uu geystay togan oo musiibada ahaa waxaa lagu qiyaasayaa illaa 2,800 oo qoys, waxaana weli socda burburka,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan Baardheere.

Macdantii Uranium-ta ee laga waayey Liibiya oo la helay

0

Tripoli (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka, ayaa Jimcihii u sheegtay dalalka xubnaha ka ah, inay heshay inta badan, macdantii Uranium-ta dabiiciga ahayd ee dhowaan laga waayey dalka Liibiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reutes.

Macdantan oo xaddigeedu gaadhayey illaa 2.5 Ton, ayay hore u sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ee IAEA inay ka wayday goobtaas, iyada oo ka digtay inay ka dhalan karto khatar la xidhiidha amniga hubka nukliyeerka iyo mid kale oo la xidhiidha dhinaca shucaaca ka dhalan kara.

Inkasta oo xaddiga macdantan Uranium-ta dabiiciga ahi aanu gaadhayn inta looga baahan yahay in laga sameeyo bam nukliyeer ah, iyo inay u baahan tahayba in dib loo farsameeyo, lana tayeeyo si loo isticmaali karo, haddana hay’adda IAEA ayaa ka walaacsan in halisaha ka dhalan karayey haddii la waayo.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada ee Dalka Liibiya ee ka taliya dhinaca bari ee dalkaasi, waxay sii daayeen bayaan ay ku sheegayaan inay heleen foostooyin lagu kaydiyey macdanta Uranium-ta ee dabiiciga ah, iyaga oo ka helay bakhaar u dhow isla goobta.

Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii waxay kormeer ku samaysay goobta ay yaaliin foostooyinkaasi, iyaga oo sheegay inay weli maqan yihiin tiro aad u yar oo ka mid ah macdantaas Uraniumta dabiiciga ah.

VOA + Reuters

Xogta Xildhibaanka ugu soo hormara kulamada BF oo maalina aan ka maqnaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan (Dhabancad), guddoomiyihii ku meel gaar ahaa ee doorashada geliyey dalka sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, isla markaana ah Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha shacabka ayaa la sheegayu inuu yahay xildhibaanka ugu waqti ilaalinta badnaa kulamada golaha.

Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay in markii ay jiraan kulamada golaha uu ugu soo hormaro xildhibaanada, sidoo kale wuxuu sheegay in halkii sano ee baarlamaanka uu ku jiray uusan ka maqnaan hal kulan oo goluhu yeeshay.

Odagaan ayaa 65 ka soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya, sanadkaan ayuu markii ugu horeysay ku soo biiray baarlamaanka 11-aad, waxaana loo doortay guddoomiye ku meel gaar ah oo dalka geliya doorashadii guddoonka baarlamaanka, maadaama uu noqday shakhsiga ugu da’da weyn.

Kulamada golaha shacabka ayaa dhaca todobaadkii 3-maalmood inta uu furan yahay kalfadhi kasta, labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad inuu yahay qofka ugu da’da weyn golaha kama hor istaagin inuu noqdo qofka ugu soo hormara xaadirinta kulan kasta.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya lagama helo sifadaan iyo in balanta la ilaaliyo, waxaana maalmaha qaar dhacday in kulamo uu ahaa qofka ugu horeeya ee hoolka soo galay ay kooram la’aan u baaqdeen.

“Waa qasab wixii lagu balamay in lagu dhaqmo, waxaa xildhibaanada la faraa 9:00 am inay yimaadaan, marka waxaan ku tala galaa in ciidanka ila socda aan meel ay ku sii nastaan aan geeyo, waqtigana aan ilaaliyo, wixii lagu balamo inaad fuliso waa nidaamka aduunka ka socda, laakiin markii aan rabaan imaanayaa hadaa dhahdo, waxaas nidaam maaha,” ayuu yiri Dhabancad uu u waramay Universal TV.

Xildhibaan Dhabancad ayaa sanadkaan ka hor wuxuu ahaa diblomaasi in ka badan 60 sano ka howlgelayey wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si weyn uu ugu soo raaxeystay u shaqeynta dowladda Soomaaliya.

“Shaqada dowladda waxaan si rasmi ah ugu soo biiray 02-03-1958-kii, intii uusan Talyaanigu ka bixin dalkeenna, waxbarasho ayuu Talyaanigu ii diray, waxaan dalka ku soo laabtay maalmihii xorriyadu dhalaneysay, 1-dii Luuliyo markii uu dalku xoroobay, 2-dii Luuliyo waxaan ka mid ahaa shaqaalihii lagu aas-aasay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, 62-kii sano ee lasoo dhaafay waxaan ka shaqeynayey arrimaha dibadda dalkeena,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad.

Somalia: Police and militants clash near Mogadishu

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A fierce battle erupted between the Somali police unit Haramcad and Al-Shabab militants on the outskirts of Mogadishu on Thursday night, causing an unknown number of casualties on both sides. 

The fighting began when Somali police launched a multi-directional ambush attack on Al-Shabab’s positions at Ali Mahdi field, near Mogadishu’s Dayniile district.  

A statement from the Haramad Police Command reported, “Following the Isha prayer, Mujahideen police forces launched an assault on enemy positions in the Ali Mahdi field from multiple directions. After an intense confrontation, the police forces successfully overpowered the Al-Shabab militias.”

While the police claimed victory over the Al-Shabab militants in the area, they did not announce any official casualties.  

This is not the first time the Haramad Police forces have attacked Al-Shabab facilities in the Ali Mahdi field in the Deynile district. 

In collaboration with the National Intelligence and Security Agency (NISA), the police have launched several attacks in recent months. However, they have been unable to liberate the area entirely. 

Increased vigilance during Ramadan

At the weekly Council of Ministers meeting on Thursday, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre, there was a call for increased vigilance against problems planned by Al-Shabab during the holy month of Ramadan.

In related news, Jubaland’s President Ahmed Madobe chaired a regional cabinet meeting on Friday, discussing security and road management in the Jubaland region, located in southern Somalia near the border with Kenya. 

The council of ministers addressed the ongoing military offensive by Somali and Jubaland forces against Al-Shabab fighters. 

Additionally, the cabinet approved the initial reading of legislation aimed at creating the Jubaland Road Authority, an entity tasked with constructing, maintaining, and managing roads and bridges within the region.

This law will soon be presented to the Jubaland Parliament for approval.

Support for armed forces against Al-Shabab 

Considering the precarious security conditions in the Lower Jubba region, the cabinet called on Jubaland residents to back the armed forces in their battle against Al-Shabab.

In early March, Al-Shabab militants seized a military base in Janay Abdale, 60 km west of the port city of Kismayu, a location they had previously lost to the army in January.  

As part of the continuing offensive that initially started in central Somalia and shifted south, Jubaland forces recaptured Janay Abdale from Al-Shabab in January.

Authorities have revealed that in the last two days, Somali and Jubaland government forces carried out coordinated operations across different parts of the Lower Jubba region, leading to the deaths of 28 Al-Shabab combatants. 

Even with heightened pressure from the military and allied clan-based militias, which initiated a significant offensive last year, Al-Shabab has consistently shown its capacity to strike back with major assaults, presenting a persistent challenge to the region’s stability. 

Imaaraadka oo heshiisiinaya Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed – Maxaa socda?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas ayaa xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

Isku soo dhaweyntaan uu Imaaraadku hoggaaminayo ayaa hadda maraysa heer gabagabo ah, sida ay ilo wareedyo xil kas ah Caasimada Online u xaqiijiyeen.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan u safri doona dalka Itoobiya, si loola kulansiiyo Abiy Axmed, heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Imaaraadka, waxaana lasoo afjarayaa madmadowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe.

Khilaafka Abiy iyo Madoobe wuxuu soo bilowday markii ay siyaasadda dalka isku qabteen Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in Itoobiya ay qorsheysay in xiligaas Axmed Madoobe lasoo qabto, balse uu iska difaacay.

Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana la qorsheeyey in Madaxweynaha Jubbaland uu maalmaha soo socda tago Addis Ababa, si loola kulansiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sida ay tibaaxeyso xogtaan.

Qeybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidan xoog leh oo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyey inay ciidanka dowladda federaalka la xoreeyaan gobolka Jubbada Dhexe oo ah halka gobol oo si buuxda ay Al-Shabaab uga maamulaan Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Axmed Madoobe ma ogola in ciidanka Itoobiya ay gobolkaas ka bilaabaan howlgal aysan gar-wadeen ka aheyn Jubbaland.

Qorshaha xoreynta Jubbada Dhexe waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya, balse Axmed Madoobe ma ogola in howlgal aysan Jubbaland hoggaamineyn lagu xoreeyo gobolkaas oo looga hormaro caasimada rasmi ah ee maamulkaas oo ah Bu’ale.

Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militeri iyo mid amni.

Taliyaha booliska oo go’aan culus ka gaaray askari muuqaalkiisa la baahiyey isagoo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa ciidanka ka ruqseeyey ama ka saaray askari saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyey isagoo xabad ku riday nin shacab ah, waxaana la sheegay in muwiidinkii uu ka soo dacwooday askariga.

Xalay fiidkii ayaa la soo qabtay askarigaas, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska, waxaana la hor geynayaa maxkamad, iyadoo deg deg looga ruqseeyey ciidanka.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, waxaana la horgayn doonaa sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu go’aamiyey in askarigaas laga ruqseeyo kamid ahaan-shihiisa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”

Booliska Soomaaliya oo bulshada farriin u diray ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Ciidanka Boliisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, hadii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Boliiska 991.”

Agagaarka isgoyska Soobe ayuu askarigaan ku xabadeeyey muwaadinka, waxaana baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal muujinaya isagoo toos qoriga ugu haya ninka shacabka ah oo la sheegay inuu meherad ama goob ganacsi ku lahaa halkaas.

Sidoo kale booliska Soomaaliya wuxuu qoraalkaan ku shaaciyey in la dilay rag xalay soo qorsheeyey weerar ka dhan ah Masjid ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan Taleex, kadib markii ay ciidanku ka war-heleen xogta ragga Shabaabka ahaa ee qorsheeynayey weerarka.

“Xalay abaare 08:10 ayeey dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta waxay dhagar u soo maleegeen shacab aan waxba ka galabsan oo ku cibaadeysanayay Misaajid ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Taleex.  Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay in aysan dhagartaasi gaarin shacabka, waxaana halkaas lagu dilay mid ka mid ah Khawarijtii weerarka soo qorsheysay oo meydkiisa iyo hubkiiba gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Ciidanka DF oo toogtay rag Shabaab ah oo qorshe yaab leh ka waday Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab.

Ragga la dilay ayaa ku hubaysnaa laba qori, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saaraayeen ragga Shabaab-ka ahaa ee maanta lagu dhex dilay suuqa Bakaaraha iyo Darawalkii Mootada u waday.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka ragga la toogtay, oo ku hubeysanaa qoryo AK47 ah, ma cadda in la dilay darawalkii mootada ku waday ragaan yo nolosha lagu qabtay.

Kooxdaan waxaa la sheegay inay qalqal gelinayeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sida la sheegay ka cagajiiday inay canshuur siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha kooxda, hadda Al-Shabaab waxay wajahayaan dhaqaalo darro weyn, kadib markii ay cunaqabateyn adag saartay dowladda Soomaaliya.

Kooxda ayaa laga xiray dhamaan akoonadii lacagta loogu diri jiray, waxayna ganacsatadu fursad u aragtay in Al-Shabaab aysan la heyn akoon lacag loogu diro, halka kooxdu ay dooneyso in lacagta siyaabo kale loo siiyo.

In kastoo xogta canshuurta weli la siiyo kooxda ay aad u yartahay in la helo, hadana Caasimada Online waxay ogaatay in ganacsatada qaar ay ku doodeen, in lacag kaash ah aysan bixineyn, halka Al-Shabaab-na ay ku adkaatay inay helaan akoon ay ku aamini karaan dhaqaalaha soo gala.

Xeeladaan cusub ee askarta hubeysan ay ugu soo direen suuqa Bakaaraha ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay kaga danleeyihiin cabsi gelinta ganacsatada ka cagajiideysa inay bixiyaan dhaqaalaha ay bil kasta soo dalbato kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirka mootadii ay wateen ragga la dilay oo lasoo bandhigay, waxaana ka cudur daaraneynaa in meydka raggaas aanaa soo dhigi karin halkaan.

Mucaaradka Somaliland oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ay sheegeen inay sababtay talo xumo ay sameeyeen labada dhinac ee isku haya halkaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay colaadda sii daba-dheeraneysa ee Laascaanood inay masuuliyadeeda leeyihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood.

Faysal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muddo ka badan bil uu qaato xal u helida dagaalka Laascaanood, isaga oo usoo jeediyay labada dhinac ay dhaqan-geliyaan xabad joojin bilaa shuruud ah, si la iskugu yimaado miiska wada-hadalka.

“Waxaan garaadada leeyahay Alle ka cabsada, umada masaakiinta ah ee guryahoodii ka qaxday maanta anoo ogaa barwaaqada ay ku noolaayeen, lagu qasbay in ay qaxooti noqdaan oo wax uuna Alle badine aad badeen madaxweynaha Somaliland taladiisii xumayd iyo idinka oo ka dhicin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

“Waxaa loo baahan yahay in xabad joojinta la ilaaliyo oo la wada-hadlo, ciidankana la geeyo meeshii la isku afgarto, waxaan soo jeedinayaa in ciidamada kale ee gurmad ahaan u yimid ay ka baxaan gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu meel adag iska taagay qorshaha looga soo horjeedo gooni-goosadka Somaliland iyo midnimada Soomaaliyeed ee lagu karkarinayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Somaliland la kala jar-jari maayo oo waxay ahaanaysa mid, mana dhaceyso in maamulo kale laga dhex sameeyo Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu kusoo noqdo Somaliland, isaga oo ka dalbaday xukuumadda inay la timaado qorshe ka duwan xabad oo xal kama dambeys ah looga gaadho xiisadda dagaal ee in ka badan bil ka taagan Laascaanood.

Dagaal culus oo Haramcad iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmo ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa xalay waxa uu Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa sida aan xog ku helnay waxa uu yimid kadib markii ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen xarunta ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kooxda la weeraray ee Shabaabka ay wadeen qorshe ay weerar kusoo qaadaan Muqdisho, balse ay ka war-heleen booliska, kadibna ay weerar ku qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka.

Xog horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shabaabka laga dilay laba maleeshiyo, mid kalena laga dhaawacay, halka ciidamada Haramcad laga dhaawacay hal askari. 

War kasoo baxay Taliska markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagula wareegay xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Daynile, sidoo kalena dagaalkii ay la galeen ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen.


“Ciidamada Haramcad waxay weerar lixaad leh ku qaadeen Saldhiga ay ururka Al-Shabaab ay dhawaan ka samaysteen Berta Ali Mahdi ee duleedka Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir , Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo kuwa nabadiidka ah, Weerarka oo billawday xilligii salaada Cishaha kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee Beerta Ali Mahadi,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska ee Haramcad

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.”

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka. 

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ay weerareen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Dayniile, balse ay dib uga soo laabteen.

DF oo sheegtay ‘cidda hor-taagan’ in dalka ay ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin guud ka bixisay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si bulshada Soomaaliyeed awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in qabsoomida doorashadaasi ay hortaagan tahay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu gacanta ku haysa qeybo kamid ah dalka.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay tahay caqabada u weyn doorashada qof iyo cod ah hortaagan, isaga oo xusay in kooxda si gaar ah u ugaarsato dadka doorashooyinka qeybta ka ah, ayna weli haystaan deegaanada qaar.

“Kooxda Argagixisada ayaa hortaagan doorashada qof iyo cod ah, oo ka haysta deegaanada dad badan oo xaq u leh inay codeeyaan, kuwii codeyn lahaana hanjabaado iyo waa idin dileyn usoo gudbineysa, oo mararka qaarkood dilay dadkii ergada ahaa ee doorashada dadban kasoo qeyb-galay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in aysan macquul noqoneyn in deegaanada ay dowladda hadda maamusho kaliya doorashada laga qabto, islamarkaana uu dhigay hanaanka qof iyo codka ah in dalka oo dhan laga wada qabto doorashada oo aan laga tagin dadka ku nool degaannada ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

“Intaas Malyan oo Al-Shabaab ku hoos nool waa laga tagay oo inta magaalooyinka joogta ayaa codeynaysa oo intiina cabsi ayay ku codeynayaan taasi suurtagal ma ahan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aragtidiisa iyo dowladda waxay tahay in dalkaan sanadkaan iyo sanadaha soo socda wax Al-Shabaab la yiraahdo la iska ilaawo. Taas macnaheedu waxa weeyi laba sano markay dowladdan jirto waa laga taqalusay Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ka dhabeynta qorshaha doorashada qof iyo cod oo ah hanaan doorashada dalka dib loogu celinayo gacmaha bulshada, si awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan.

Ahlu-Sunna oo iclaamisay go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomow.

Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Roobow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan.

“Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.”

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Roobow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda.

Dooda u weyn ee Sheekh Soomow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay.

Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka.