27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Dad badan oo ku dhintay roobka Gu’ga oo ka curtay qaar ka mid ah gobollada dalka

0

Baardheere (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka curtay oo ka da’ay roobka Gu’ga, meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo xoog leh.

Gobollada Gedo, Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo werinayaa khasaaraha ugu badan, ugu yaraan 3-qof ayaa saacadihii u dambeeyey ku geeriyootay magaalada Baardheere.

Dadkaan waxaa dilay daadad ku soo rogmaday magaalada iyo fatahaad uu sameeyey wabiga Jubba, horay ku dhawaad 10 qof oo kale ayuu roobkaan ugu dilay Baardheere.

Caasimada Online waxay heshay magacyada 3-dii qof ee ugu dambeysay dadka uu roobku ku dilay Baardheere oo isku qoys ah, waxayna kala yihiin, Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wiil yar oo ay dhashay Ikraan.

Gobolka Mudug roobku wuxuu ku dilay Geel badan, kadib markii ay Biriq ku dhacday, waxaana lasoo bandhigay muuqaal muujinaya geelaha oo wada baqtiyey.

Dhuusamareeb waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo roobkaan uu geystay inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin inta uu la egyahay, hadana magaalada waxaa harqiyey daadad ku soo rogmaday.

Waxaa la sheegay inuu soo fatahay biyo xireen dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada, taasi oo sababtay in guud ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ay biyo harqiyaan.

Waxaa socda dadaallo ay shacabka iyo maamulladu wadaan oo biyaha looga saarayo magaalooyinka Baardheere iyo Dhuusamareeb, khasaaraha ugu badan wuxuu gaaray Baardheere oo guryo badan iyo buundadii magaalada ay burbureen, dad ka badan 13 qofna ay ku dhinteen.

Magaalada Xudur oo ka mid aheyd magaalooyin ay dadka ku nooli wajahayeen abaarta ugu daran ayaa saacadihii lasoo dhaafay roobsatay, sidoo kale deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa laga soo werinayaa inay ka hoortay nimcada rabbi.

Maxaa ka jira in afhayeenka Somaliland ay ciidan hubeysan ku weerareen xafiiskiisa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa markii u horeysay ka hadlay warar si weyn u baahay oo sheegayay in ciidamo hubeysan ay xafiiskiisa ku weerareen.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ayaa beeniyay wararkaasi oo saacadihii ugu dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada, isaga oo ku tilmaamay kuwa qeyb ka ah weeraro joogta ah oo lagu hayo, sida uu sheegay.

“Warbaahinta bartilmaameedka ka dhigta Saleebaan Koore mar ay yidhaahdaan waa la weeraray iyo mar ay yidhaahdaan wuu iscasilay, subax kasta oo soo kaco war ayaa la ii sheegaa, marka dad badan oo ku yaqaan iyo kuwa ehelka ayuu dhibaya warka beenta ah oo u qaadanaya run,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Somaliland.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale waxa uu xusay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoro, islamarkaana anay dhibaynin, laakiin markasta ay ehelkiisa ka murugoodan oo ay run u qaataan, “Qof aan u jawaabayo majirto ee dadka ay gilgilayso ayaa waxaa leeyahay waxaasi waa waxba kama jiraan.”

“Kuwa qoraya sii badiya ayaa odhan lahaa cayda,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo muujinaya in aysan wax saameyn ah ku laheyn weerarka uu sheegay inuu uga socda baraha bulshada.

Hadalka afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ciidamo ka gadoodsan askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka caraysan dagaalka socda.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli aan weli xal loo helin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay bishii labaad, islamarkaana uu sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka magaalada.

DF Soomaaliya oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan 9 gobol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm.

“7-da casho ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in degmooyin kamid ah gobolada Sanaag, Bay, Jubbada Hoose, Gedo iyo Hiiraan ay heli doonaan roobab aan badneyn oo qiyaastii cabirkoodu yahay inta u dhaxeysa 5 illaa 10mm, sida ay muujineyso saadaashu.

“Haddii roobka la filayo toddobaadkan ay u da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay geysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameya naf iyo maalba,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday SODMA.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan.

“Bulshooyinka miyiga degan waxaa talo lagu siinayaa inay ka taxadaraan biyaha ugu horeeya ee uu roobku dhigo, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara cuduro, sidaas darteed waa in la ilaaliyaa nadaafada iyo faya-dhawrka.”

Qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Dadka ku nool gobolada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose waxaa loo soo jeedinayaa in meel okor fiican leh ay geeyaan xoolaha jilicsan, si ay uga badbaadan saameynta ka dhalan karta biyaha roobabka xoogan ee la saadaalinayo.”

Xog: Kaalinta Imaaraadka Carabta ee qorshaha laga damacsan yahay ciidanka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn u soo ifbaxay kaalinta dowladda Imaaraadka Carabta ee qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku kordhineyso ciidanka kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tababar dalka Uganda ugu soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ayadu bixisay kharashka ku baxay tababarka ciidankaas, waxayna arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Xasan ayaa sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

“Waxaan rabaa in halkan uga mahad-celinaya walaalaha Jamhuuriyada Carabta ee midowday ee Imaaraat, oo iyaguna qeyb ka qaatay in maanta meeshaan soo istaagtay oo diyaar la ah in garab istaag noocaas ah ay Soomaaliya ku garab istaagaan, waa wax weyn oo dalal badan oo caalamka jooga aysan noo qaban,” ayuu yiri.

“Imaaraadka Carabta iyo madaxweynahooda waxaa leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiino. Haddii caalamka sidan noo garab istaagay oo dhinac walba nalooga yimid oo tababar iyo qalab nala siiyay kadib hadda gadaal usoo jeesano waxaa ku tilmaameynana dad aan macno laheyn oo aan jirin, mana ihin waan hubaa 100%, waxaa nahay dad dadnimo, dal iyo Diin leh waa iska kicinayna cadawga.”

Heshiiska iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka 

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

“Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.”

Marxaladaha uu soo maray heshiiska labada dhinac

Golaha Wasiirrada ayaa markii ugu horeysay la horgeeyay heshiiskan, ayada oo dood dheer kadib dib loogu celiyay wasaaradda gaashaandhiga, wuxuuna golaha ku ansixiyay kulankii labaad ee lagu soo celiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ayaa markii uu soo shaac baxay waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos-geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xilligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Midowga Afrika: Al-Shabaab ayaa la wareegi doonta Soomaaliya haddii aan…

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Midowga Afrika ayaa markii u horeysay sheegay in Soomaaliya ay la wareegi karto kooxda Al-Shabaab haddii aan wax laga qaban dhaqaale xumo baahsan oo soo foodsaartay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika Danjire Bankul Adewe ayaa sheegay in ku dhawaad 20-kun oo askari oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawi karin, haddii aan dhaqaale loo helin.

“Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howl-galaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in Al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe.

Danjire Adewe ayaa xusay in sababta ugu muhiimsan ee dhibaatada dhaqaale ee howl-galka ATMIS ay tahay lixdan milyan oo doolar oo Midowga Yurub ka dhimay maalgelinta uu bixin jiray sababo la xiriira wax uu ugu yeeray “danaha iska soo horjeeda.”

Adeoye ayaa ka qayb-galay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb-galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS.

Waxa uuna rejo ka muujiyay “in dhamaan dalalka ay gacan ka geysan doonaan buuxinta farqiga dhaqaale ee $89 milyan ah,” gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Hadalka Adewe ayaa imanaya xilli uu dalka ka socdo dagaal xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, islamarkaana ay saameyn muuqata ku laheyn dagaalkan ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada Talyaaniga oo badbaadiyay in ka badan 700 tahriibayaal iyo 33 kale oo…

Rome (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 750 tahriibayaal ah labo howl-gal oo kala duwan oo ay sameeyeen xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Waxaa lasoo wariyay inay ugu yaraan shan qof oo kasoo baxay xeebaha Tunisia ay ku dhinteen badda, halka 33 kalena weli lagu la’yahay.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ilaa 295 qof laga soo badbaadiyay doon kalluumeysi oo lagu qabtay meel 167 km u jirta xeebta bari ee gobolka Calabria.

Sidoo kale waxaa qiyaastii 450 kale laga soo badbaadiyay markab kale oo kalluumeysi oo 185 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Syracuse ee koonfurta Sicily ee dalkaasi.

Howlaha samatabixinta muhaajiriinta ee Talyaaniga ayaa isha lagu hayay tan iyo bishii Febraayo 26-keedii kadib markii markab ku degay meel u dhow xeebta Calabria ay ku dhinteen ugu yaraan 88 qof, 10 kalena la la’yahay.

Doontan ayaa la arkayay kahor inta aysan degin balse maraakiibta Booliska ayaa ku guuldareystay in ay gaaraan, cimilo xumo awgeed.

Laakiin siyaasiyiinta iyo hay’adaha samafalka ayaa su’aal ka keenay sababta maraakiibta Ilaalada Xeebaha, oo u diyaarsan howlgallada badan aysan u soo badbaadin muhaajiriintan.

Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda amniga guud iyo dagaalada dib-u-xoraynta ee ka socda inta badan deegaanada Jubbaland, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa bogaadiyay howl-galada socda, iyaga oo ugu baaqay shacabka ree Jubbaland inay garab istaagan ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu golahu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo hay’ada wadooyinka Jubbaland, kaas oo ay soo gudbisay wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta, islamarkana dhawaan loo gudbin doono baarlamaanka.

Kulanka Golaha ayaa waxay wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ku soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ciidamada iskaashanaya howl-galo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 28 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.

Howl-galadaasi ayaa sidoo kale waxay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ku furteen hub kala duwan, islamarkaana lagu burburiyay xarumo ay ku dhuumaleysanayeen xubno badan oo Shabaab ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidanka.

Wararkii ugu dambeeyey isu soo dhowaanshaha dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa taleefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kulmaan “dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas maanta sheegtay Riyadh.

Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan, ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna labada mas’uul “ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadan” oo maanta ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay twitter-ka.

“Labada wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowaan yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in kulanka la filayo ee wasiirada uu yahay tallaabada xigta ee heshiiskii lama filaanka ahaa ee lagu dhowaaqay 10-kii March, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China, si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasi kadib 7 sano oo uu go’naa.

Riyadh ayaa xiriirka jartay kadib markii dibad-baxayaal Iranian ah ay weerareen safaaraddeeda 2016-kii kadib markii Sacuudiga ay xukun dil ku fuliyeen wadaad shiico ah oo lagu magacaabay Nimr al-Nimr.

Heshiiska ayaa dhigaya in Sacuudi Carabiya iyo Iran ay dib u furaan safaaradaha laba bil gudahood, islamarkaana la dhaqan-geliyo iskaashi amni iyo mid dhaqaale oo la saxiixay 20 sano kahor.

Axaddii, sarkaal Iranian ah ayaa sheegay in madaxweyne Ebrahim Raisi uu casuumad uu ku booqdo Sacuudiga ka helay Boqor Salman, inkasta oo Riyadh aysan weli xaqiijin.

Heshiiska Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Reer Galbeedka sababo la xiriira barnaamijeedka Nukliyeerka, ayaa suurta-gal ay tahay inuu dib u qaabeyn ku sameeyo xiriirada gobolka oo dhan.

© AFP, VOA

Omar’s crusade: Challenging the rise of Islamophobia

WASHINGTON, USA, (Caasimada Online) – On Thursday, US Congresswoman Ilhan Omar introduced a resolution condemning Islamophobia worldwide and commemorating the 2019 Christchurch mosque shootings, which claimed the lives of more than 50 Muslim worshippers in New Zealand.

Co-sponsored by 20 Democratic members of Congress, the measure was introduced on the first day of the Muslim holy month of Ramadan and one week after the UN observed its first annual day to combat Islamophobia.

At a press conference held at the US Capitol, Omar noted, “This year, [Ramadan] is also a time of increasing terror and attacks against our Muslim brothers and sisters across this country and around the world.”

A growing concern

In 2022, the Council on American-Islamic Relations reported over 6,000 cases of bias against Muslims, encompassing immigration and workplace discrimination, government overreach, and incarceree rights.

The UN special rapporteur on freedom of religion published a report in 2021 stating that suspicion, discrimination, and hatred towards Muslims had escalated to “epidemic proportions,” citing France and India as examples.

Similarly, a Canadian government report revealed a 71% increase in attacks against Muslims in 2021.

Congresswoman Rashida Tlaib, a co-sponsor of the measure, acknowledged during Thursday’s press conference, “We all know that we have so much more work to do to combat racism, xenophobia, Islamophobia, and hateful policies that fuel it.”

A previous attempt

In 2021, Omar proposed a different resolution addressing anti-Muslim sentiment aimed at establishing a US envoy for Islamophobia, mirroring the existing one for antisemitism. The bill passed the House in December 2021 but awaits a Senate vote.

The newly introduced resolution comes on the heels of the fourth anniversary of the Christchurch mosque attacks, which occurred on 15 March 2019.

In these attacks, a lone gunman dressed in camouflage gear and armed with assault rifles and shotguns killed 51 worshippers and seriously wounded over 40 others across two mosques in Christchurch, New Zealand.

Before the attacks, a manifesto was posted on the 8chan internet forum, revealing the assailant’s intention to target a small Muslim community to send a global message.

Muslim leaders worldwide condemned the attacks, attributing them to politicians and media outlets promoting Islamophobic rhetoric and a global rise in white supremacy.

A call for unity

Omar emphasized the global impact of the Christchurch attacks in a statement on Thursday, saying, “The attack in Christchurch, motivated by an extremist ideology of white supremacy, anti-Muslim hate, and the so-called replacement theory, resonates deeply for Muslims in nearly every corner of the globe.”

The congresswoman also pointed out the broader implications of rising hate, noting, “We also know that this increase in hate is not isolated to only Muslims.

Church bombings, synagogue attacks, and racial hate crimes are also rising. In order to confront the evils of religious bigotry and hatred, we must understand that all our destinies are linked.”

US ‘committed to relaxing’ Somalia’s arms embargo

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia’s remarkable strides in weapons and stockpile management have been applauded by the US government.

At the Weapons and Ammunition Management Conference’s closing ceremony on Wednesday, Larry André, US ambassador to Somalia, recognized the ongoing accomplishments of the Somali government.

Ambassador André emphasized the crucial steps President Hassan Sheikh Mohamud’s administration took to fulfill the benchmarks of the sanctions regime.

He stated that the modifications to the current resolution signify Somalia’s progress and demonstrate the nation’s ongoing efforts.

Furthermore, these actions benefit Somalia and address the criteria set by the UN Security Council for the eventual lifting of the sanctions regime.

US pledges continued support

The US ambassador expressed his country’s unwavering dedication to backing Somalia’s progress and ensuring that Somali forces can acquire the weapons required to vanquish al-Shabab, all while reducing the likelihood of weapons falling into the wrong hands.

André highlighted the productive five-year collaboration with the HALO Trust and Somali Security forces, which has eliminated 15 tons of obsolete and unstable ammunition.

This partnership has provided training for over 225 personnel in physical security and stockpile management, adhering to international best practices to ensure facilities’ safe and efficient use.

“We constructed and upgraded 25 buildings to comply with security standards, including the SNA’s primary arms storage, Halane Armory, situated just minutes from the conference venue,” André remarked.

The ambassador praised the essential work of the HALO Trust, which has significantly improved the safety of the armory for both the Somali security force personnel and the nearby residents.

He added that the conference would reinforce the existing partnership and elevate Somalia’s weapons and ammunition management practices to global standards, ultimately bolstering the Somali people’s shared commitment to peace and security.

Relaxing the arms embargo  

In November of the previous year, the United Nations Security Council opted to maintain an arms embargo on Somalia despite strong objections from the nation’s government.

The resolution stated that al-Shabab still presented a considerable threat to regional peace and stability, necessitating sanctions to undermine its operations.

However, the British-drafted resolution made adjustments to the arms embargo, reflecting improvements in the Somali government’s handling of weapons and ammunition.

The revised resolution allows Somalia to import portable surface-to-air missiles, high-caliber mortars, anti-tank guided weapons, select aircraft and vessels adapted for military use, and combat drones for deployment by its security forces and police.

This is permitted unless the UNSC committee overseeing sanctions raises objections within five working days of receiving notification from the Somali government.

Initially imposed in 1992, the UNSC’s arms embargo aimed to curtail the flow of weapons to feuding clan-based strongmen who had overthrown leader Mohamed Siad Barre the year before, plunging the nation into a devastating civil war.

By 2012, Somalia had established a functional transitional government, focusing on restoring stability despite enduring armed assaults and crippling droughts that have driven thousands to the edge of famine.

Under President Mohamud’s leadership, the Somali government has initiated a renewed offensive against al-Shabab, also targeting its financial network.

US deputy ambassador Robert Wood conveyed his hopes that the Somali government will maintain its momentum in achieving the benchmarks, which could further relax the arms embargo.

Magacyada 142 shirkad oo ka gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa shaaciyay in 142 shirkadood ay kasoo gudbeen wareega koowaad ee tartanka adeega Xajka.

Liiska shirkadaha ee uu soo saaray guddiga ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah E-top Travel Agency LTD, Beledweyne Travel and Cargo Agency, Banaadir Travel Hajj and Umrah Services, Cajami Travel Agency, Injaaz Travel and Tourism Agency iyo HiilSom Travel and Freight Solutions.

Shirkadaha kasoo gudbay wareega koowaad ayaa waxa uu guddiga la yeelan doona wareysi toos ah masuuliyiintooda, ayada oo maanta uu guddiga la kulmay qeybtii u horeysay ee shirkadahaan.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu qabanayo haddii ay jiraan shirkado cabasho ka qaba hanaanka ay kusoo baxeen 142 shirkadooda ee kasoo gudbay wareega koowaad ee tartanka adeega Xajka ee sanadkaan.

“Haddii ay jiraan muwaadiniin cabasho qabta ha usoo gudbiyaan cabashadooda guddiga hana keenaan xarunta wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023.

Guddiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kala xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo la shaaciyay in qaarkood ay kusoo xareysteen tartanka dukumintiyo been abuur ah, sida Shati aan jirin oo loo eekeysiyay mid shaqeynaya oo sax ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale bilaabay baaris la xiriirta shirkadahaasi ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan tartankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayada oo lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen. Sidoo kale waxa uu diginiin u diray dhamman shirkadaha iyo shaqsiyaadka isku-daya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

Hoos ka arag liiska shirkadaha

SOMALIA: The $90 million race against Al-Shabab

ADDIS-ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) – The African Union (AU) made an urgent appeal for nearly $90 million on Wednesday to fund its peacekeeping force in Somalia.

The force supports the nation’s military in their ongoing battle against al-Shabab extremists.

Ambassador Bankole Adeoye, the AU Commissioner for Political Affairs, Peace, and Security, expressed concern that the 19,600-strong AU force could not function effectively without filling this funding gap.

Ambassador Adeoye noted that the current Somali government is taking a proactive approach against al-Shabab, launching a full-scale offensive rather than merely reacting to the group’s attacks.

“There’s a need to encourage that offensive onslaught,” he said.

This change in strategy comes as local communities and militias, pushed to the brink by al-Shabab’s harsh taxation policies and the country’s worst drought on record, have become increasingly involved in fighting the extremist group.

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud declared “total war” on the thousands of al-Qaida-linked al-Shabab extremists last year.

For over a decade, they have controlled parts of the country, carried out devastating attacks, exploited clan divisions, and extorted millions of dollars in their quest to establish an Islamic state.

ATMIS’s financial struggles

A significant factor contributing to the AU’s financial troubles is the European Union’s $60 million funding cut due to competing interests.

Following his conversation with reporters, Ambassador Adeoye attended a high-level meeting with UN member nations to discuss financing for the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

He hoped that all countries, particularly Gulf nations, the global south, and the EU, would contribute to filling the $89 million funding gap.

A year ago, the UN Security Council unanimously approved the establishment of ATMIS to support Somalia until their forces assume full responsibility for the country’s security by the end of 2024.

If the AU force does not receive the necessary funding within the next 21 months, Adeoye warned that al-Shabab could eventually assume the responsibilities of a state in Somalia.

“The implications are huge,” he said, urging the international community not to lose focus on the situation.

US steps up military assistance

As Somalia has seen success in battling al-Shabab, the United States has increased its military assistance. On March 1, 61 tons of weapons and ammunition arrived in the capital, Mogadishu.

Ambassador Adeoye drew parallels to the support given to Ukraine in its Fight for sovereignty, stating, “Now the Somalis are doing the fighting, and we need to all encourage that fight by ensuring that the peace support operation of the African Union does not fail.”

A lack of resources, however, could affect the withdrawal date for the AU force. Adeoye warned that an uncoordinated AU withdrawal would be worse than the chaotic withdrawal of US-led NATO forces from Afghanistan in August 2021 and would impact the entire region.

Al-Shabab’s resilience continues

According to Adeoye, Somali forces have “improved tremendously militarily” and on the political side, having worked with the AU in supporting elections last year.

However, he acknowledged that al-Shabab has been in Somalia for almost 20 years and is adapting to a more robust Somali security force.

“They are resilient, so we must be above game,” said Adeoye. In addition to resources for training and paying troops, he urged support for acquiring state-of-the-art offensive weapons from countries with the means to make an impact.

Abuu Cabaas, Muscab iyo xubno badan oo Shabaab ah oo lagu dilay howlgal

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo Nabad-sugidda Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayaa waxay ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay ku dileen 23 kamid ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen laba horjooge oo kala ahaa; Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).

Howl-galka qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaanada Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen in howl-galkaan ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanadaasi ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Shabaabka.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-galo ay maalmihii dambe ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameynayeen gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah laguna furtay hub kala duwan.

Howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay weli xoogan yihiin deegaano kamid ah maamulkaasi.

Dowladda ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna shaacisay in tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee howl-galada socda in lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

Somaliland oo wajaheysa culeysyo ciidan iyo cadaadis diblomaasi oo caalami ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa la kulmaya culeysyo waaweyn oo ah xagga ciidanka iyo cadaadisyo diblomaasiyadeed, oo caalami ah xili ay sii socdaan colaadaha sii daba dheeraanaya ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Marka la’eego dhinaca militariga, maamulka madaxweyne Biixi ayaa culeysyo waaweyn kala kulmayay ciidamada SSC tan iyo markii ay billowdeen colaadaha 6-dii Febraayo, waxaana gacanta maamulkiisa ka baxay guud ahaan magaalada Laascaanood, oo ay iminka maamulayaan ciidamada SSC.

Dhowr isku day oo weerar oo rogaal celis ah oo ay qaaday Somaliland oo wali isku dayeysa inay dib u hanato gacan ku haynta Laascaanood ayaa guul dareystay, iyadoo la sheegayo inuu taageero ciidan ka helayay dhawaanahan waddanka Jabuuti oo uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo maamulka Somaliland oo la sheegay inuu qalab iyo saanad ciidan uu siinayay dhawaanahan.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo Somaliland ay heystaan culeysyada militari iyo horumar la’aanta ciidanka ee dhanka dagaalada ka haysata, haddana waxa uu madaxweyne Biixi la kulmay caqabado diblomaasiyadeed oo waaweyn. 

Colaadda ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka, iyadoo dhowr dal iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Somaliland inay gaysatay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. 

Taasi ayaa keentay in maamulka Muuse Biixi uu la kulmo go’doon diblomaasiyadeed, iyadoo dalal ay ku jirto dowladda Ingiriiska ay ku soo rogeen xayiraado xagga taakulada maaliyadeed ee ay siin jireen maamulka Somaliland iyo tallaabooyin kale oo lagu cadaadinayo inuu soo afjaro colaadda, oo uu taa bedelkeeda uu wadahadal la furo dhinacyada la-dagaalamaya maamulkiisa.

Ka sokow dadaallada socda, dhowrki bilood ee ugu dambeeyay, waxaa jiray calaamado muujinaya cadaadis diblomaasiyadeed oo la saaray Somaliland oo iminka ay kaso hareen saaxiibadeedi caalamiga ahaa, marka laga reebo Jabuuti kaliya.

Dhanka kale, dowlada Ethiopia oo ay ku eedeysay Somaliland inay taageero siiso kooxaha la-dagaalamaya ayaa dhanka kale door muhiim ah ka qaadaneysa dhex dhexaadinta labada dhinac, si ay isugu keento miiska wada hadalka, marka horana ay sameeyaan xabad joojin.

Sidoo kale, waxaa jiray isku dayo kale oo lagu doonayay in lagu billaabo wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeya dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso oo ay dhinac kale ka wadaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo wadamada reer Galbeedka, inkastoo sida la sheegay aanan wali laga sameyn wax horumar ah oo la taaban karo xili Somaliland ay ciidamo farabadan kusii daabuleyso goobaha dagaaladu ka socdaan, taasi oo hoos u dhigeysa rajooyinka laga qabo in ay soo gaba gaboobaan dagaaladaasi oo ay kudhinteen kumanaan ruux oo labada dhinac ah.

Si kastaba, ha ahaatee, colaadda gobolka Sool ayaa weli ah mid aan xal loo helin, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonaan, iyada oo ay colaadahaasi ay abuureen dhibaatooyinka bini’aadantinimo ayna ku bara kaceen boqolaal kun oo qoys. 

Sawirro: Imaaraadka oo gadiid dagaal oo aad u badan ka dejiyay Kismaayo + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gadiid dagaal oo fara badan kala wareegay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo uu soo bandhigay maamulka.

Jubbaland ayaa shaacisay in gaadiidkan oo ah midkii ugu badnaa ee Imaaraadka uu halmar kasoo dejiyo dalka ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada maamulkaasi

Deeqda Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa agab ciidan, sida ay shaacisay madaxtooyada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Dowlada Jubaland ayaa dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Gaadiidkan dagaal ee Imaaraadka uu geeyay maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in dowladda Imaaraadka ay gaadiidkan oo ah kii ugu badnaa ee uu halmar keeno dalka ay iyadu adeegsan doonto, halkaasi oo dhawaan ka dhisaneyso saldhiga milateri.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Imaaraadka uu la wareegayo garoonka diyaaradaha, dekedda Kismaayo iyo dhulbaaxad weyn leh oo maamulka Jubbaland ah.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa dhismaha ciidanka, ayada oo saameyntoodii ee gudaha Soomaaliya ay dib usoo laabatay tan iyo wixii ka dambeeyay isbadelkii 15-kii May ka dhacay dalka.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kal hore gaaray heshiis si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militariga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiska Imaaraadka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amniga.

Soomaaliya ayaa marka ay hesho tababar sax ah oo dhanka ciidamada iyo saanad muhiimka u ah ayaa waxay yeelan doonta awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amniga ee gudaha iyo dibadda, sida ay qabaan madaxda dalka.

Mareykanka oo war farxad leh kasoo saaray xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa rejo wanaag ka muujisay dadaaladda ay dowladda Soomaaliya ku rabto in looga qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inay qaadeyso tallaabooyin muhiim ah “si loo daboolo halbeegyada cuna-qabateynta.”

“Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka la mahadiyo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Wax ka-bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo,” ayuu yiri safiirka Mareykanka, Larry Andre.

Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxa uu xusay in maaraynta hubka ay xilligaan Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Amaanka ee QM ee qaadista nidaamka cuna-qabataynta saaran dalkeenna.

“Shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo ciidamada Amniga Soomaaliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo rasaas duugowday, oo aan la isticmaali karin iyo kuwa xasiloon.”

Andre ayaa sheegay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay in uu sii wado taageerada Soomaaliya iyo in la xaqiijiyo in ciidamadeeda ay helaan hubka ay u baahan yihiin, si uu uguuleysto dagaalka ay dowladda ku cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab.

“Iskaashigayadu waxa uu tababaray in ka badan 225 shaqaale ah iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa’iidaysto (oo aysan u gelin gacmo qaldan) si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.

Gobolka Tigray oo maanta yeeshay madaxweyne cusub

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta sheegtay inay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF u magacowday madaxa dowladda ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray kadib heshiiskii soo afjaray laba sano oo dagaal qaraar ah.

“Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu u magacaabay Getachew Reda madaxweynaha maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray,” waxaa sidaas bayaan lasoo dhigay twitter-ka ku yiri xafiiska Abiy.

Magacaabista ayaa timid maalin un kadib markii baarlamanka Ethiopia uu kooxda TPLF ka saaray liiska rasmiga ah ee ururada argagixisada, taasi oo ah tallaabo lagu xoojinayo heshiiska nabadeed ee dowladda iyo mucaaradka ay gaareen November 2022.

TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay.

Getachew, oo la-taliye u ah hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa sidoo kale mar ahaa wasiirka isgaarsiinta dowladda federaalka, xilligii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn, oo xukunka hayey 2012 illaa 2018.

Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan.

Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka.

Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea.

© AFP, VOA

DF oo baareysa shirkado sameeyay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay baaris ku bilowday qaar ka mid ah shirkaha ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta tartankii loogu jiray adeegga Xajka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan dhowr shirkadood oo ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan rtankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska xeer-ilaliya guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Sido kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla-markaana lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale fartay hay’adaha shaqada ku leh arrintan inay si deg-deg ah xafiiska ugu soo gudbiyaan warbixinada la xiriira baaritaankaasi.

“Xafiisku waxa uu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay si deg-deg ah usoo gudbiyaan dhammaan warbixinada khuseeya baaristaanka,” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale diginiin u diray dhamman shirkada iyo shaqsiyaadka isku haya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

“Wuxuu xafiisku halkan digniin culus ugu dirayaa dhammaan shirkadaha iyo dadka isku dayaya been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan ,” ayaa markale lagu yiri

Ugu dambeyn xafiiska ilaaliyaha Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in warbixinada la xiriira dambiyada ay usoo gudbiyaan xafiiska.

Golaha wasiirada DF oo loo gudbiyay arrin xasarad badan ka abuurtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan Bajaajleyda, arrimaha  amniga iyo dagaalka Shabaab.

Ugu horreyn Golaha ayaa warbixin gaar ah ka dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddigan oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban illaa 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan Bajaajleydu.

Golaha ayaa ballan-qaaday in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax looga qabto dilalka joogta ah ee ay la kulmaaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay  Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sidoo kale Golaha Wasiirad ayaa adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay fuliso Al-Shabaab.

Xalay ayaa ugu dambeysay kooxda Al-Shabaab ayaa madaafiic xoogan ku garaacay xaafado ka tirsan caasimada, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jabiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA magaalada Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa markale maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo diray baaq culsu.

Karaash ayaa marka hore farriin u diray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan amniga inta lagu jiro Ramadaan.

“Hay’adaha amniga waxaan kula dardaarmayaa inay adkeeyaan bishatan nabad-gelyada  oo dadaal dheeraad ah muujiyaan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntand ay aad uga xuntahay shacabka la barakciyay magaaladaasi ee haatan ku soomayo, xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

“Laascaanood dhibaatada ka socota aad iyo aad ayaan uga xunahay dadka reer Laascaanood ee aan ku soomeyn guryahoodii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahana reer Puntland, isaga oo ka dalbaday inay gurmad u fidiyaan dadka reer Laascaanood.

“Waxaan kula dardaarmayaa dadka reer Puntland, inay afuriyaan dadka kasoo barakacay Laascaanood oo ay ka warqabaan,” ayuu markale yiri Axme Karaash.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ka hadashay arrinta magaalada Laascaanood, waxayna eedeym xoogan kala kulantay maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana dagaalka uu galay bishii labaad oo xiriir ah, ayada oo labada dhinac ay ka biyo diideen hirgelinta xabad joojinta.