27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Ku dhowaad 20 qof oo ku geeriyooday AFMADOW

0

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag  ay taagan tahay degmada Afmadow ee gobolkaasi, kadib markii uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo sababay dhimasho fara badan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maamulka Jubbaland, Mudane Maxamed Cismaan Jeemis oo la hadlay warbaahinta ayaa ka deyriyay xaaladda degmada Afmadow, gaar ahaan dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Jeemis ayaa xaqiijiyay in cudurka ay u dhinteen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn, isla-markaana ay sii kordhinayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gureen Ceelashii biyaha macaanaa ee ku yaallay degmada, taasina ay uga sii dareyso xaaladda ka jirta galkaasi.

“Dhimashada haatan waxay mareysa 17 ruux dad badana way la ildaran yihiin Shubanka oo mar walba dadka uu soo ridanayo ay sii kordhayaan, maadama Ceelashii biyaha macaan ay gureen oo biyaha la cabo haatan ay yihiin kuwa dhanaan ah taas oo sii kordhineysa in cudurka uu kordho dadka uu soo rosanayo” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cismaan Jeemis.

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka, ganacsatada iyo shacabka, isaga oo ka codsaday inay u gurmadaan dadkaasi.

Dhanka kae Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale booqday Afmadow, waxayna gaarsiiyeen deeq daawo ah iyo raashin.

Xaaladda Afmadow ayaa haatan mid adag, waxaana sidoo kale magaalada dareemayaa xaalado bani’aadanimo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Afmadow ayaa waxaa sidoo kale dhibaato ku haya kooxda Al-Shabaab oo ku sugan hareeraha degmadaas oo dhowr jeer oo hore ay weeraro culus kusoo qaadeen.

Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo gulufka ay damacsan yihiin in lagu xoreeyo dalka, xilli la guda galayo wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay toddobaadyada soo socda qaadi doonaan hawlgal ballaaran, oo yoolkuna yahay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga sifeeyo dhulka ay maamulaan.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalkan uu daaran yahay, sidii kooxaha argagixisada looga suulin lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan oo idil.

“Toddobaadyada soo socda qorsheyaasha u degsan Shabaab, waxaan ugu talagalnay dhammaan inaan uga sifeyno dhulka ay ku jiraan, marar badan baana dhahnay waan ka sifeynaynaa, wayna dhacday oo sidii bay u dhacday oo uga sifeynay,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ku hadalqabsaday “Haddana ciidamada guluf xoog leh, ayagoo garbo siman u socda ayay ku wajahan yihiin meelaha ay haystaan oo dhan.”

Jananka ayaa intaasi ku daray “Waxaan bilaabaynaa duulaan iyo guluf colaadeed, waana maqli doontaan, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa Shabaabka lagaga saaray, inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga ciribtiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab.

Shabaabka ayaa wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib muddo dhowr iyo toban sano ah oo ay dalka ka dagaalamayeen.

AXMED Canshuur Xasan Jacfar oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala galbeedka Jowhar.

Axmed Canshuur oo magaciisa afgarashada ee kooxda uu ahaa Jacfar ayaa waxa uu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka socda, “Markii ay maqlaan erayga Macaawisley deegaanka ay joogaan ayay usii go’aan meel u jirto dhowr iyo soddan kiloomitir.”

Jacfar ayaa ka qeyb-galay dagaalo badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shabaab ay markii hore ku maran-habaabiyeen Diinta, oo uu sheegay inay ka dhiganayaan marmarsiyo ay kusoo gambanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore waxay ku sheegayaan in waxa ay wadaan ee u dagaalamayaan inay yihiin wax xaq ah oo Diin ah. Markii aad gudahooda tagto waxa ku arke waxyaabo kale oo badalan oo diinba aheyn oo meel kala imaadeen la kaseyn,” ayuu yiri ninkaan sanadaha badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka tirsanaan jiray Jabhaadka ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu amiir ka yahay nin lagu magacaabo Cabaas, “waxay deganaan jireen buurta Hiya-sooman oo ciidanka ka kiciyeen.”

“Anigoo fahansaneyn waxyaabaha dadka ku qaldayaan ayay igu duufsadeen oo waxay igu yiraahdeen Jihaad ayaa jiree kusoo biir, waxaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo kala duwan, kuwa ugu waaweyn waxaa kamid ahaa gobolka Mudug, Bacaadweyne iyo Wisil.”

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Shabeellaha Dhexe oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay Axmed Canshuur ayaa waxay ugu baaqeen in dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda ay isa-soo dhiibaan ayna kusoo dhaweynayaan gacmo furan.

“Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow waxaa lagu wareejin doona hay’adda Nabad-sugida si loo soo marsiiyo dhaqan-celin.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano horleh looga qabsaday.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diray fariin culus + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad ku aadan dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in laga faa’iideysto barakada iyo khayrka bisha Ramadaan, ayada oo Alle SWT loo dhowaanayo.

“Ramadaan fursad waayay sanadkii hal mar ayey timaadaa dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay ka faa’iideystaan oo ay Alle ugu dhowaadaan waxa ay Alle ugu dhowaanayaana ay noqdaan dalka, dadka iyo diinta u hiilinteedam” ayuu yiri Xasan Sheeh.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la’isku gurmado, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku nool gudaha waddanka, isla-markaana aan heysan afurka.

“Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee gacantooda gaaban tahay waxa ay heystaan ay yar yihiin haloo gargaaro, hana laga garab istaago,’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu ku baaqay in sidoo kale la’is cafiyo, maadaama la guda galay bishii barakeysan ee Ramadaan.

“Bishaan waa bishii barakeysneyd hala is cafiyo waalkaa ay wax kaa soo gaareen cafi, cid kasta oo wax kaa tirsaneysana cafis weydiisyo, adiguna cafi” ayuu madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maamuud ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo maslxadda, nadda iyo isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Canada

0

Toronto (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu dilay wiil Soomaali ah oo ka dhacay bariga magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarkan ayaa waxaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay laba qof oo marxuumka la socotay, walow aysan boolisku shaacin halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid ah labada la dhaawacay uu Soomaali yahay, kaas oo loola cararay isbitaaka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Madar Xasan oo 21 sano jir ahaa, waxaana la toogtay isaga oo ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taalla Toronto.

Booliska ayaa haatan wada baaris ku aadan dhacdadaasi, waxaana falkan loo soo xiray Axmed Maxamed iyo Samiir, kadib markii ay soo bexeen tuhuno muujinaya inay ku lug lahaayeen weerarkan.

Saraakiisha booliska ma shaacin sawirrada labada eedeysane ee lasoo xiray iyo sidoo kale wadamada ay u dhasheen.

Sidoo kale waxa ay baarayaashu codsadeen in lasoo xiriiraan dadkii ka agdhowaa goobta uu falka ka dhacay, si ay ula wadaagaan xogaha ay hayaan, una fududaato in gacanta lagu soo dhigo danbiilayaasha.

Waa dilkii labaad oo maalmo gudahood loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Canada, waxayna aheyd todobaadkii hore markii magaalada Edmonton lagu aasay Usaama Ibraahim oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Si kastaba bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada, gaar ahaan dhalinyarada ayaa la daala dhacaya dhibaatooyin, ayada oo uu sii kordhay beegsiga iyo dilalka lagu haayo.

Malaayiin dollar oo loo raadinayo ciidanka ATMIS

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

“Haddii ciidamada Midowga Africa aysan helin dhaqaale ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor inta aysan masuuliyada amniga wareejin, waxa ay la macno noqon kartaa in al-Shabaab ay ugu dambeyn la wareegi doonto mas’uuliyadda dowladnimo ee Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Bankul Adewe.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay in 60 milyan oo dollar oo Midowga Yurub uu ka dhimay dhaqaalihii uu ku bixin jiray sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray ‘dano tartamaya.”

Adeoye ayaa ka qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyay oo ay kasoo qeyb galeen waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS.

Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalkan ay gacan ka geysan doonaan taageerada dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo Midowga Yurub.

VOPA + AFP.

Shabaab badan oo lagu dilay howlgal ka dhacay 5 degaan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo ciidanka Nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa howl-gal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howl-galkaan xooggan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo kala ah Biibi, Maalka dhaqajo, Beerxaani, Qudus, Yaaq-dabayl.

Howl-galkan ayaa lagu dilay shan xubnood oo kamid ah dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.

Taliye Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay inay nolosha kusoo qabteen xubno Al-Shabaab ah, ayna sidoo kale howl-galadaasi ku furteen 5 qori oo ah nooca Soomaalida u taqaan AK-47.

“Howl-galada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab waa sii wadeyna illaa inta dhulkeena ka xoreynayno Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab.

Howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay weli xoogan yihiin deegaano kamid ah maamulkaasi.

Dowladda ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna shaacisay in tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee howl-galada socda in lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

From clans to ballots: Somalia pledges universal suffrage

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia announced a significant shift in the nation’s electoral process during a meeting with legislators at his palace in the capital, Mogadishu.

The president committed to conducting the next national elections through universal suffrage, moving away from the indirect voting system that has consistently led to crises.

“God willing, the next election will be one-person-one-vote, based on a political party system,” Mohamud declared. He emphasized the importance of party platforms as the “market for selling political ideas.”

Half a century of indirect voting

The Horn of Africa nation has not experienced a one-person, one-vote election in over 50 years. Traditionally, Somali elections have utilized an intricate indirect model.

Under this system, state legislatures and clan delegates elect members of the national parliament, who then select the president.

Clans have long been the central organizing principle in Somali politics, with influential roles like a speaker, prime minister, and president divided among the primary clans.

However, clan rivalries have repeatedly fueled strife and political disputes, creating opportunities for the Al-Qaeda-linked Al-Shabab militants to exploit.

Challenging clan dominance and militant groups

President Mohamud addressed the issue of clan-based politics, stating, “Politics is not about dominance, it is about the organization of ideas, and therefore, clan politics is not relevant to Somali national politics.”

He expressed optimism about the country’s future, saying, “I can see a bright future for this country.”

Since regaining office, Mohamud has pledged to tackle various issues, from violence by Al-Shabab militants to rising inflation and an intensifying drought that could force millions into famine.

The president has launched an “all-out war” against the militants, urging Somalis to help eliminate the extremist group, which he likened to “bedbugs.”

A second term amidst challenges

Last year, Mohamud emerged victorious from a field of 36 candidates, securing the presidency for a second term.

His re-election followed a prolonged political crisis resulting from the federal government and regional states’ failure to agree on a presidential selection mechanism.

Mohamud’s first term (2012-2017) was marred by corruption and internal strife allegations.

Despite progress by pro-government forces, Al-Shabab militants have demonstrated their capacity for lethal attacks against civilian and military targets.

As Somalia prepares for its next polls in May 2026, President Mohamud’s commitment to universal suffrage represents a potential turning point in the nation’s political landscape.

Trump’s ticking time bomb: Grand jury delays decision

NEW YORK (Caasimada Online) – As the country anticipates a possible historic indictment of former President Donald Trump, a New York grand jury failed to convene as expected on Wednesday.

This delay has pushed back the decision, potentially into next week, and added a new twist to the drama surrounding the hush money paid to porn star Stormy Daniels.

The prospect of Trump being indicted has been steadily building, especially after the former president announced he was expecting to be arrested.

In response, New York City has been on high alert for days, with barricades outside Trump Tower and a strong police presence.

However, the expected grand jury session was called off, and unnamed law enforcement officials reported to multiple US outlets without providing a reason. According to The New York Times, such interruptions are not unusual.

The jury panel, which typically meets on Thursdays, may not gather again this week, Insider cited one source as saying. This means the earliest a decision could be reached is Monday.

Unprecedented consequences

If the panel eventually votes to indict, 76-year-old Trump would become the first former or sitting president ever to be charged with a crime.

This unprecedented move could significantly impact the 2024 election campaign, in which Trump is running to regain office.

It would also raise the possibility of a former world leader being arrested, booked, fingerprinted, and potentially handcuffed.

Despite the potential spectacle, The Times reported that Trump favors the idea of being paraded in front of cameras by law enforcement, a tactic known as a “perp walk.”

On the other hand, Prosecutor Alvin Bragg likely wants to avoid any such spectacle that could provoke Trump’s base.

The grand jury and the hush money case

Bragg formed the grand jury in January after investigating the $130,000 payment to Stormy Daniels in 2016.

Grand juries operate behind closed doors to prevent perjury or witness tampering before trials, making it nearly impossible to follow their proceedings.

A spokesperson for Bragg informed AFP that she couldn’t comment “on grand jury matters.”

Even after the panel decides, it is unclear when Bragg would announce any charges.

Legal experts suggest it could take some time before Trump, currently at his Mar-a-Lago resort in Florida, is arraigned before a Manhattan Criminal Court judge.

The payment to Daniels was made just weeks before the 2016 election, allegedly to prevent her from going public about an affair she claims she had with Trump years prior. Trump denies the affair and has labeled the inquiry a “witch hunt.”

Trump’s former lawyer and the Legal implications

Trump’s ex-lawyer-turned-adversary Michael Cohen, who testified before the grand jury, states that he made the payment on Trump’s behalf and was later reimbursed.

If not adequately accounted for, this payment could result in a misdemeanor charge for falsifying business records.

The charge could be elevated to a felony if the false accounting was intended to cover up another crime, such as a campaign finance violation, which carries a penalty of up to four years in prison.

Analysts argue that this legal theory is untested and challenging to prove in court, making jail time uncertain.

The long road ahead

An indictment would initiate a lengthy process that could last several months or longer. As the case moves toward jury selection, it would face numerous legal challenges and pose a security headache for Secret Service agents protecting Trump.

While Trump has called for demonstrations if he is charged, protests thus far have been small and muted, despite fears of unrest akin to January 6, 2021, riot at the US Capitol. New York police have set up barricades outside the courthouse and Trump Tower.

Trump is facing multiple criminal investigations at the state and federal level over possible wrongdoing, many of which are more serious than the Manhattan case.

These include his efforts to overturn his 2020 election loss in Georgia, handling classified documents, and potential involvement in the January 6 rioting.

Observers are divided on the implications of an indictment for Trump’s 2024 chances. Some believe it could harm his prospects, while others argue it might bolster his support among his base.

As the nation awaits the grand jury’s decision, the outcome could send shockwaves through the political landscape and set a historical precedent.

DF Soomaaliya oo 21 qodob kasoo saartay xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 21 qodob, qodobadaas ayaa lagu soo koobay waxyaabihii u qabsoomay dowladda todobaadkaan gabagabada ah, bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayey Arbaco kasta soo saartaa dowladdu.

Hoos ka akhriso qodobada bayaanka todobaadlaha ah ee dowladda:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadka uu dalka leeyahay sida shidaalka iyo kalluunka looga faa’ideysan doono horumarka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan hiigsiga 2060 ee sameynta Soomaaliya horumarsan oo casri ah, xilligaas oo ku began 100-Guurada markii ay Soomaaliya xorrowday.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqanka cusub ee ay bilowday ee ku aaddan isla xisaabtanka kadib markii Muqdisho daaha looga rogay bandhigga waxqabadka dowladda iyo isla xisaabtanka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo barashada xirfadaha kala duwan ee caalamka ka jira si ay dunida ula tartamaan.

5- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeyso waxqabad iyo isla xisaabtan isla socda si loo xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda Yowero Museveni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo Uganda tababar ku qaadanayey.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kaga wadahadley barnaamijka fulinta wejiga labaad ee dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay siddeed sharci oo cusub oo kala ah a) Sharciga La Dagaalanka Argagixisada. b) Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. c) Sharciga Socdaalka. d) Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. e) Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo. Kheyraadka Dhulka Hoostiis. f) Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. g) Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. h) Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku baaqey in la joojiyo dhiigga ku qubanaya Laascaanood.

10- Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriira dhanka horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bankiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo kala shiray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefonnada gacanta fulinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya kulamo kula qaatey madaxda milateriga dalkaasi, kana wadahadley iskaashiga labada dal ee dhanka amniga.

13- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgaleen madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo. Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka iyo dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka.

14- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in degaanno kor u dhaafaya 70 laga xoreeyay argagixisada Khawaarijta Al Shabab tan iyo markii ay bilowdeen hawlada ka dhanka ah argagixisada.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo in ka badan 30 ka mid ah Khawaarijta Al Shabab ku dilay Shabeellahe Dhexe.

16- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi maalgashi ah.

17- Wasiiradda Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo shir ku saabsan iskaashiga warbaahinta dalka ugu soo gabagaboobey magaalada Kismaayo.

18- Wasaaradda Dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga maandooriyaha.

19- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xeer nidaamiye ka soo saartey lacagaha laga qaadayo adeegyada maxkamadaha.

20- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal marin caalami ah oo lagu siiyey hufnaanta shaqo iyo adeegga.

21- Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 11 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

=========== DHAMMAAD==========

Madaafiic caawa lagu garaacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaqa Madaafiic ayaa caawa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaa oo baqdin xooggan ay ka muujiyeen dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Madaafiicda jugtooda la maqlay oo tira ahaan toban ku dhow ayaa waxay ku dhaceen degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda, kuwaasi oo aan la ogayn halka ay sida rasmiga ah ugu dhaceen.

Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ay geysteen madaafiicdaas.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka geysata weerarrada noocaan ah, iyagoo kaga dan leh arbushaad amni, maadaama aysan wax bartilmaameed ah laheyn madaafiicda ay ku garaacaan caasimadda.

Shacabka magaalada Muqdisho ku nool ayuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa weerarrada madaafiicda ah ee kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysato, balse waxay ku faanaan inay bartilmaameedsadeen masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Weerarkaan madaafiicda loo adeegsaday ee caawa Muqdisho ka dhacay ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Inta badan Al-Shabaab waxay kordhiyaan weerarradooda markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado oo umadaha Islaamka ah ay aad u jecelyihiin.

Dowladda Soomaaliya, weli kuma guuleysan inay xakameyso weerarrada madaafiicda loo adeegsado ee Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, waxaana la aaminsan yahay in gudaha ama daafaha dhow ee caasimadda laga soo rido hoobiyaha lagu garaaco shacabka reer Muqdisho.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo soo dadajineysa qaadista xayiraadda hubka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa maanta soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan.

La-taliyaha oo xiritaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar-galinta qorshayaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran dalkeenna.

‘’Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo kamid ah halbeegyadii loo baahnaa, kuwa dhimana sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiri doonaa,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan riyo iska fudud in la qaado cuna-qabataynta hubka ee waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna.”

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan.

Waa shirkii afaraad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyada oo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cuna-qabataynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.

Daawo: Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Xamar – Yaa ku guuleystay Koobka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta soo xiray tartanka kubadda cagta ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir oo sanadkaan ay koobka qaadeen cayaartoyda degaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa  u hambalyeeyey xulka deegaanka Gubadley oo ku guuleystay Koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey xulka degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray cayaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in cayaartoyda, macallimiinta iyo maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Waxaan rajeynayaa  in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is-dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Hoos ka daawo

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay inuu la kowsaday go’doon siyaasadeed iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay caqabadihii kala duwana ee uu la kulmay markii uu xilka qabtay ayaa waxa uu sheegay inuu la kowsaday iyada oo dalka ku jiro go’doon siyaasadeed.

“Waxaa la ii magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha dalka oo ku jiray wax lagu tilmaami karo go’doon siyaasadeed oo aan xiriir wanaagsan la laheyn in badan oo kamid ah caalamka oo ay ku jiraan qaar kamid ah dowladaha deriska,” ayuu yiri.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waa uu sheegay in xilka uu yimid xilli ay dadka la qabsadeen dhaqan ah la-noolaanshaha Al-Shabaab, taasi oo cinwaankeedu yahay af-daboolan dahab, sida uu sheegay.

“Waxaa jirtay amni darro baahsan oo sababtay in cadowga Khawaarijta si buuxda u kontaroolaan noloshada bulshada, gaar ahaan Ganacsiga iyo Garsoorka oo waxaa daafaha caasimada ka furna maxkamado ku sheeg loo dacwoodo iyo xarumo dadka lagu boobo, xoolahoodana si baad ah looga qaato.”

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayuu sheegay inay yeelaneysa dhaqan ka gedisan xukumadihii ka horeeyay, kaasi oo dhabaha u xaaraya isla xisaabtan ku dhisan in xilku yahay masuuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in wasiiradiisu diirada saari doonaan deyn cafinta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-heshiiinta, suulinta kooxda Al-Shabaab iyo daryeelka dadweynaha.

“Waxaa ogolnahay haddaan nahay xukuumadda Dan-Qaran in nala xisaabtan madaxweynaha Jamhuuriyada, labada Aqal ee BF iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, diyaarna u nahay in aan dhageysano taladooda iyo toosintooda oo ka jawaabno su’aalahooda.”

Hadalkan oo Xamza uu ka sheegay munaasabad ay xukuumadiisu kusoo bandhigeysay waxqabadkeeda ayaa loo arkaa mid uu ku durayo xukuumadihii ka horeeyay, gaar ahaan tii u dambeysay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Daawo: Madaxda DF oo war kasoo saaray bisha Ramadaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyey inay ka faa’iideystaan fursadaan oo si fiican ay u cibaadeystaan, “Bishaan Ramadaan waa fursad sanadkiiba halmar nasoo marta,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan, “Walaalkaaga ay wax kaasoo gaareen iska cafi, cid kasta oo wax kaa tirsatana cafis weydiiso,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay umadiisa.

Madaxweynaha ayaa codsaday in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba heysan, kuwaas oo macquul ay tahay in afurka ay waayaan, isagoo xusuusiyey inta wax heysata inay gacantoodu gaarto inta liidata.

“Wax siiya inta aan heysan, si Ilaahey noogu wada gargaaro, aan u naxariisano dadkeena danyarta ah oo aan ku kaalmeyno wixii aan awoodno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi ayaa isna yiri, “Fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay xoojiyaan caawinta iyo garab istaaga, qoysaska danta yar, gaar ahaan kuwa u nugul culayska dhaqaale ee bishan.”

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta, loona baahan yahay in laga faa’iideysto.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa dhalatay waxaana laga arkay gobollada Soomaaliya qaar, sida Gedo iyo Mudug, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka arkay bisha.

Bishii dhamaatay ee Shacbaan ayaa maanta la buuxiyey 30-keeda, waxaana la isku raacsanaa in Khamiista berri ay tahay maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dowladaha Islaamka ugu weyn ayaa shalay ku dhawaaqday in Khamiista la soomayo, maadaama Arbacadii maanta la buuxiyey 30-ka Shacbaan, kadib markii shalay la arki waayey bilashada bisha Ramadaan.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay degaanada Al-Shabab looga qabsaday wajiga koowaad ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah deegaano horleh, kuwaasi oo ay kooxda ka talinaysay sanado badan.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saxiibada caalamka ayaa waxay halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen in kabadan 70-gobood, sida lagu shaaciyay bandhigga Waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Dagaal ayaad ku jirtaan, waa in aan la joojin annagana kan xukuumad ahaan garabkiina ayaanu nahay, wuuna soconayaa dalkana waan ka xoreyneyna kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Deegaanada lagu xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka socda ayaa waxay isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Waxaa la isku furay waddooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan, Buulabarde iyo Maxaas, ayada oo dowladda sheegtay in laga hortagay dhaq-dhaqaaqa kooxda iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley.

Sidoo kale deegaanada Masagawaa, Moqokori, Galcad Qayib, Masaajid Cali-gaduud iyo Janaay Cabdalle oo marina muhiim ah ayaa gacanta lagu dhigay intii uu socday wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidan badan oo tayo leh oo lagu soo carbiyay dalka iyo dibadd, iyada oo ka duleeysa baaxada dhulka u baahan in la xoreeyo ee weli ku jira gacanta kooxda.

“Waxaa la dar-dargaliyay qorista iyo isku dhafka ciidan cusub iyada oo loo maray habraaca khurista ciidamada xoogga dalka, islamarkaana laga soo kala qoray guud ahaan gobolada dalka si ay qeyb uga noqdaan howl-galka socda ee Khawaarijta looga saarayo dalka.”

Xukuumadda ayaa sidoo kale shaacisay in wejigii koowaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa kooxda, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sawirro: DF oo Talyaaniga kala wareegtay gawaari qufulan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay gawaari nooca qufulan ah oo xabaddu karin, kuwaasi oo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkan la wareegay Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiidkan ayaa waxaa loogu tala-galay ciidamada Booliska Daraawiishta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka socda dalka.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda gadiidka ay dowladda kula wareegayso ayaa sheegay inay wax badan ka tari doonaan dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Talyaanigu waxa uu qeyb weyn ka yahay dhismaha ciidanka Daraawiishta oo waxay gawaaridan wax badan ka tarayaan howl-galada socda, sidii goobo fog fog oo ciidanka ka howl-galaan oo aan ugu gaari laheyn, si kalsooni leh oo ciidanku wataan gaadiid ay xabadu karin, ayna wax badan ka badalaan howl-galka ciidanka ku jiraan,” ayuu yiri.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xaggaa ayaa dhankiisa u mahad-celiyay dowladda Talyaaniga, isaga oo xusay inn ay taageero hagar la’aan ah la garab taagan yihiin ciidanka booliska.

“Waxaa ka mahad-celinayna baabuurta xabaddu karin, waxaa codsaneyna in ciidanka Daraawiishta ah ee Jabuuti noogu tababartaan lambarkooda noo kordhisaan, sababta oo ah waxaan u baahanahay ciidan fara badan oo ciidamadii meeshii ay xoreeyaan kala wareega oo suga amnigooda deegaanadaasi,” ayuu yiri.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howl-galada ka dhanka kooxaha argagixisada.

Talyaaniga ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan siiya dhanka tababarada ciidamada, ayada oo dhawaan taliska Booliska uu Jabuuti u diray ku dhawaad 100 askari oo usoo tababarayo Talyaanigu.

Daawo: Aadan Madoobe oo soo jeediyay in DF ay qaado dilinta cagaaran ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan amniga caasimada Muqdisho oo uu sheegay in weli ay sareyso khatarta ka taagan, xilli uu socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre usoo jeediyay in wasaaradaha laga saaro “dilinta cagaaran” ee ay ku jiraan, islamarkaana xarumahooda gudaha magaalada loo soo saaro.

“Dilinta cagaaran in aad qaadan ayaa la idinka rabaa wasiirada oo la dago magaalada, Deyniile iyo Warshadaha in aad degtaan ayaa ka idinka baahan yahay. Shacabka magaalada diyaar ayuu idin yahay,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay horseedayso in si wada-jir ah looga shaqeeyo amniga caasimada, isaga oo tusaale usoo qaatay isbeddalka ka hirgelay dalka Ciraaq oo uu dhawaan ku tegay socdaal.

“Nimankaas dadka waa laga garanaya shacabka ma qarinayaan ee caasimadda amaankeeda aan meel saarno, taas ayaa ku darsanaya amniga dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran.

“Aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo waxaa aadnay Ciraaq – Baghdad. Waa ogtihiin marxalado badan ayay soo mareen. Dilin cagaaran ayay sameeyeen oo magaalada qeyb yar kaga koobnaayeen laakiin hadda waa ka gudbeen dilintii cagaaran, kadib markii ay usoo dhexgaleen bulshada.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay hayso dhabihii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, oo khatar amni ku ah Soomaaliya.

“Runtii sida uga jawaabteen waa idinka mahad-celinaya, waa la dadaalay dhanka amniga oo ciidamada qalabka sida iyo madaxdeenaba waa dadaaleen oo argagixisada waa lala dagaalay.”

Hoos ka daawo

Baarlamanka Ethiopia oo maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta kooxda TPLF

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka.

“Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo TPLF,” ayuu yiri baarlamanka.

TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay.

Intii uu socday dagaal aad u xun, TPLF ayaa mar kusoo dhowaatay inay soo galaan caasimadda Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa dib u celiyey ciidamada daacadda u ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan.

Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka.

Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea.

©AFP, VOA

Taliyeyaasha booliska gobolka BANAADIR oo isbeddal lagu sameeyay maanta (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa isbeddal ku sameeyay inta badan taliyeyaasha Booliska ee magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa isku shaandheyn uu sameeyay waxa ay saameysay taliyeyaasha qaybaha iyo kuwa saldhigyada ee degmooyinka gobolka Banaadir, ayada oo sidoo kale saraakiisha qaar ay xilalkoodii waayeen, halka kuwa kale oo cusubna la magacaabay.

Wareegtada kasoo baxay xafiiska taliyaha guud ee Booliska ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka taliyaha qaybta Waliyow Cadde loogu magacaabay Gaashaanle Daa’uud Caraale, halka taliyaha qaybta Bari ee gobolka Banaadir loo magacaabay, Macallin Aadan.

Sidoo kale Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa isna loo magacaabay taliyaha qaybta Galbeed, ayada oo xilkaas laga qaaday Yaasiin Farey.

Sidoo kale waxaa la’isku beddalay qaar kamid ah taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna wareegtada u saameysay sidatan:-

Taliyaha saldhigga degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay degmada Dharkenley, halka taliyaha saldhigga Dharkenley isna loo beddalay degmada Cabdicasiis.

Dhankiisa taliyaha saldhiga degmada Cabdicasiis ayaa waxaa la geeyay saldhigga Waaberi, ayada oo xilkaas laga qaaday taliyihii horay u hayey

Sidoo kale taliyaha saldhigga degmada Shibis ayaa waxaa loo beddalay degmada Yaaqshiid, sida ku cad wareegtada.

Dhinaca kale waxaa taliyeyaal cusub loo magacaabay saldhigyada booliska ee degmooyinka Xamarweyne & Xamarjajab, kadib xilalka laga qaaday taliyeyaashii joogay degmooyinkaas.

Si kastaba, isbeddalkan ayaa kusoo aadayo, ayada haatan dowladda Soomaaliya ay qorshe gaar ah u dajisay sugidda amniga caasimada, maadaama la galayo bisha Barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay bishaan gudadeeda fuliso kooxda Al-Shabaab.