27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Madaxweyne XASAN Sheekh oo war aan la fileyn kasoo saaray kheyraadka badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad dheer ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay arrimaha kalluumeysiga iyo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya, isaga oo saaray war aan la fileyn oo ku aadan sida ay maraakiibta shisheeye uga macaashaan xeebaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dul-istaagay heshiisyada dowladda ee ku aadan kalluumeysiga badda Soomaaliya, si looga faa’iideysto.

Khudbaddan ayaa madaxweynaha waxa uu ku shaaciyay in 30-kii sanno ee lasoo dhaafay biyaha Soomaaliya looga kalluumeysanayay si sharci darro ah, isaga oo caddeeyay in kun markab ay haatan ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay la baxaan, isla-markaana ay xaalufinayaan kheyraadka kala duwan ee biyaha Soomaaliya.

“Maalin walba waxaad idaacadaha iyo social mediyaha ka maqashaan kuwa taagan oo dhahaya baddii waala la xaalufiyay. Caawa oo aan intaan ku hadlayno kun markab ka badan ayaa ku jira baddeena, oo kalluunkeennii daldalanaya oo mid kamida oo wax naga siinaya aanu jirin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qiray in badda Soomaaliya aan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, balse loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu wajahayo arrintaasi.

“Baddeena inaan ilaalsano dhaqaaley u baahan tahay marka hore. Dhaqaalahaas waa inaan iyada ka keennaa oo aan dhahnaa shirkad hebel 10 sano baddeena ka kalluumayso, waxaas ayaana ka rabnaa ee nasii,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale ayaa tilmaamauy in heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho dowladda federaalka la siyaasadeeyo, ayada oo fasiraad qaldan loo gudbinayo shacabka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in dowladdiisa ay xoogga saari doono dhaqan-gelinta heshiisyadaasi, si ay Soomaaliya uga kallumeystaan shirkado caalami ah oo dhaqaale siinaya Soomaaliya

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel marisay sharci gaar ah oo dhiiri-gelinaya maalgashiga badda, kaas oo la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, walow ay sharcigaas ka hortimid dowlad goboleedka Puntland ee fadhigeedu yahay Garoowe

Daawo: DF oo shaacisay tirada Al-Shabab ee lagu dilay wejiga koowaad ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wejigii koowaad ee howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu guuleystay in lagu xoreeyo dhul ballaaran oo muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladaas oo uu ku sheegay inay guuleysteen lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, lagu dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in guul weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana la xiray in ka badan 250 akoon oo ay laheyd kooxda.

“Dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha dowladda federaalka waxaa dadaal-gelisay sidii loo cuuryaamin lahaa garabka dhaqaalaha ee kooxda Khawaarijta ah. DF ayaa kuu guuleysatay inay xirto wax ka badan 250 xisaabaad oo ka furnaa ilaa 4 Banki ” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan ku howlan tahay sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa ciidamo Boolis ah, si halkaas loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka.

“Booliska Soomaaliyeed ayaa ku howlan gaarsiinta adeegga Booliska bulshada ku dhaqan deegaanada laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah,” ayuu markale yiri Wasiir Jaamac.

Soomaaliya waxaa haatan ku jira marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo intiisa badan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadalka DF kadib cadaadis la saaray

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sida laga war qabo maamulka Puntland dhawaan kama qayb galin shirkii Wadatshiga Qaran ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo ay ka qayb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabeelle iyo Jubaland waxaa looga hadlay hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Waxaa jiray shirkaan mid ka horreeyay oo Muqdisho ka dhacay bishii December ee sanadkii tagay, isla markaana ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo Puntland aaney saxiixin war-murtiyeedkii ka soo baxay.

Qodobbadii looga hadlayay ayaa kala ahaa garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, arrinkaa oo qeyb ka ahaa dhammeystirka fulinta qodobbadii war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii kaas ka sii horreeyay ee Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gabagaboobay isla Muqdisho 12-kii Sebtembar.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay sababta ay Puntland u saxiixi wayday qodobbadii ka soo baxay shirkaas bishii December 2022-kii ka dhacay caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay in markii uu arkay qodobbadaas ay ula muuqatay in nidaamka dowladda dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay.

Wuxuu intaa raaciyay in habka maamulka dowladeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed loo qaybinayo oo u muuqday mid kasoo horjeeda dastuurka Puntland, kan federaalka iyo doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dooddeedu tahay in marka hore wax la kala leeyahay marka ay timaaddo awoodaha uu qeexayo dastuurka federaalka laga wadahadlo oo la dhammeystiro. Qodobbada ay puntland ku dhegga ntahay waxaa ka mid ah qaybsiga khayraadka.

Dadka arrimahaan falanqeeya ayaa iyaguna qaba in Puntland ay soo celcelisay tallaabooyinka ay ku diidayso shirarka looga hadlo masiirka Soomaaliy

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay iska dhaga tirtay cabashadii ay Puntland ka muujisya shirkii Wadatashiga Qaran ee December sanadkii tagay lagu qabtay Muqdisho.

“Waxay ahayd in la xaliyo cabashadii hore ee shirkii hore inta aan kan la qaban,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane oo dhawaan ka qayb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ee waxy ila tahay.

Hadda maxaa soo kordhay?

Puntland ayaa hadda sheegtay inay mar kasta diyaar u tahay wadaxaajood ay la yeelato dowladda federaalka oo waayihii dambe uu xumaa xiriirkooda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii qoraal ay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku faafisay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya ay u sheegeen Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni muhiimadda ay leedahay in Puntland ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay qiray inuu jiro cadaadis Puntland lagu saaray in ay qayb ka noqoto shirarka looga hadlayo geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. “Cadaadis cid walba waa la saarayaa waligeeba waa la saari jiray ama siyaasi ha ahaato ama dowlad xubin ka ah dowlad, dowladda federaalka,”.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay,”Puntland waligeedba diyaar ayay u ahayd dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Caydiid oo BBC-da u warramayay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo sheegtay guul waaweyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegtay guulo waa weyn oo ay xukuumadda gaartay muddada ku dhow sanadka ee ay jirto. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.

“Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. 

“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo. Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

JUBALAND oo war kasoo saartay qorshaha xasaasiga ah ee ka socda gobolka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ku gacan seyray qorshe ay wadaan siyaasiyiin dhowr ah oo ku sugan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Gedo.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qorshaha maleeshiyo beeleed looga abaabulo deegaanadaasi, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ay noqon karto mid dhibaato weyn ku keeni karta maamulka.

Doodda u weyn ee wasiirka u cuskaday in maleeshiyo beeleed loo baahneyn xilligaan ayaa ah “in ciidamada Jubbaland ay garab ka helaya kuwa Kenya ee KDF ayna heystaan awood ku filan oo ay ku wajahaan xooggaga Al-Shabaab.”

Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sidoo kale xusay in xataa haddii ay dhacdo in dad loo qorayo kamid noqoshada dagaalka socda ay sameyn doonaan laamaha amniga oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid kasta oo loo qorayo kamid noqoshada dagaalka kooxda Al-Shabaab waxaa sameyn doona laamaha amniga oo aan anigu hoggaamiyo anigoo ah wasiirka amniga,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

“Waxaa diyaarin doonaa tababarkoofa iyo saanadooda, qof kaliya uma abaabuli karo maleeshiyaad ku fikir ah la-dagaalanka Al-Shabaab, mana ahan tallaabo u wanaagsan Jubbaland iyo dalka Soomaaliya-ba.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhaq-dhaqaaq kale oo aan ku imaan wada-shaqeyn iyo iskaashi maamulka ah “ay wiiqi karto dadaalada la doonayo in lagu cirib-tiro kooxda Al-Shabaab.”

“Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuu socda hadda, waxaa naga caawin doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, askarta dalalka deriska ah ayaa kasoo tallaabi doona xuduudka si ay gacan uga geystaan howl-gallada socda.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay socdaan qorshe ay wadaan siyaasiyiinta maamulkaasi, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Gedo oo ah abaabulka Macaawisleyda Jubbooyinka, si ay qeyb uga noqdaan howl-gallada Shabaab looga xoreynayo dalka.

Gobolka Gedo ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa gaarayay siyaasiyiin horleh, xilli uu gobolkaasi ka socda diyaar-garow loogu jiro inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya oo Brussels ku soo bandhigtay ‘fikir beddel cusub’ oo ku saabsan…

0

Brussels (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkan oo ay si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen Komishanka Yurub (DG-ECHO) iyo dowladda Sweden oo hadda haysa hogaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa waxaa looga hadlayaa baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha ku soo bandhigay “fikir bedel cusub” oo ku saleysan in caalamka uu dib u eegis ku sameeyo aragtida ay deeqaha iyo taakulada ku siiyaan Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur aya waxa uu madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka deg-dega ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna xilligaan baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo “sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd”, taasi oo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Madashaan bini’aadnnimo ee maanta ka furmatay Brussels ayaa waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha QM, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka gar-gaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag.

“339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar deg deg ah.”

Si kastaba, Xaaladda abaareed ee taagan ayaa waxaa uga sii daray kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada, waxayna madashaan diiradda saari doonta in la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

DF Soomaaliya iyo SUDAN oo kor u qaaday iskaashiga saddex dhinac oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan (SOMSUDAN).

Mudane Xamza ayaa intii uu kulanka socday xusay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo sheegay in maal-gashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran.

“Soomaaliya waxaa yaalla fursado maalgashi oo badan. Ganacsatada Suudaan waxaa weli si gaar ah u caawineysa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan.”

Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa dhankeeda waxay ra’iisul wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, ayada oo xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaasi oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taasi oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Suudaan ayaa waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaan kun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan daahfuray Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan oo muddo labo maalin ah ka socotay magaalada Muqdisho.

Madashaasi ayaa waxa kasoo qeyb-galay wafdi ka socday dowladda Suudaan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahlam Madani Mahdi, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shirkado ganacsi oo ka kala socday labada dal.









Itoobiya oo si kulul ugu jawaabtay Mareykanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay eedeyntan “mid kicin colaadeed’ ah.

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Itoobiya (ENDF), xulafadooda ciidamada Eritrea iyo ciidamada gobolka Axmaarada, iyo xoogaga kasoo horjeeda ee daacada u ah Jabhadda Xoraynta Tigrayga (TPLF) ay galeen dambiyo dagaal intii lagu guda dagaalkii socday labada sano ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

“Eedayntan oo kale waa mid aan loo baahnayn, waxayna hoos u dhigaysaa taageerada Maraykanka ee geeddi-socod nabadeed ee loo dhan yahay oo ka dhaca Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiraan dil ka baxsan sharciga, kufsi, bililiqo iyo barakicin dadka si xoog ah, waxaa diiwaan-geliyay hay’adaha Qaramada Midoobay, guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawday, kooxaha gargaarka madaxa -bannaan iyo warbaahinta oo ay ku jirto Reuters.

Dagaalkan oo salka ku hayay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya madaxda Tigrayga iyo dowladda federaalka, ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay gaajo, malaayiin kalena ay barakiciyeen.

Ku dhawaaqida Blinken ayaa timid wax ka yar hal toddobaad kadib markii uu u safray dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda dawladda iyo wakiil ka socda kooxda TPLF. Wuxuu ammaanay horumarka laga gaaray hirgelinta xabbad-joojintii bishii November.

Dhammaan dhinacyada ayaa dafiray mas’uuliyadda xadgudubyada lagu soo eedeyay.

VOA + Reuters.

Somalia’s turning Point: IMF steps up amid challenges

WASHINGTON, U.S (Caasimada Online) – Despite ongoing economic challenges, Somalia is set to receive financial support from the International Monetary Fund (IMF) following a staff-level agreement on the fifth review under the extended credit facility (ECF) arrangement.

The IMF board’s approval will enable the release of the funds to the nation, offering much-needed assistance in a time of crisis.

Somalia has faced a multitude of challenges, including a severe food crisis and the effects of drought.

Economic slowdown amid challenges

Laura Jaramillo, IMF mission chief, acknowledged these difficulties but praised the country’s strong reform momentum, stating that “program performance has been satisfactory.”

However, economic activity has been hindered by the drought and a general slowdown in global growth, resulting in elevated risks.

The IMF recently downgraded its growth estimates for Somalia’s gross domestic product (GDP) in 2022 and projections for 2023, with the figures now standing at 1.7% and 2.8%, respectively.

The organization attributed this decrease to the ongoing drought and subdued remittance inflows.

Average inflation reached 6.8% in 2022, driven by high food and fuel prices, but is expected to decline to 4.2% in 2023 as commodity prices recede.

Risks and commitments for the future

Jaramillo highlighted the elevated near-term risks, particularly the worsening food crisis, should rains not return in 2023 or if commodity prices continue to rise.

Nevertheless, she affirmed the authorities’ commitment to improving revenue collection and prioritizing spending while containing discretionary expenditure pressures in 2023.

The Somali government intends to submit a supplementary budget to parliament to pursue this goal, presenting a balanced fiscal position based on realistic revenues.

Emphasizing the vital role of development partners, Jaramillo noted that “timely financing and capacity development support from development partners is essential for the successful implementation of the authorities’ reform strategy.”

Contributions to the Somalia Country Fund are crucial in ensuring the smooth delivery of IMF technical assistance, supporting the goals of the ECF-supported program and the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative, a global debt forgiveness process.

Jaramillo also revealed that the authorities had reached debt relief agreements with most Paris Club members and the Kuwait Fund for Arab Economic Development (KFAED).

She added that they continue to seek agreements with other bilateral creditors, demonstrating Somalia’s commitment to pursuing economic reform in the face of adversity.

China and US policies in Middle East and beyond – OpEd

The United Stated of America remains the most dominant country in the world — economically, militarily, politically, and culturally. In that unique role, America has played a mostly positive role on the world stage. Especially, when compared to the Marxist and Fascist regimes that emerged in the past decades to challenge the ideals it promoted- democracy, freedom, and free market.

However, things started to rapidly change as the digital world opened the flow of information and the global south grew more discontent with the US’ over-imposing foreign policy that routinely secures American corporations’ zero-sum advantages. Since 1991 when it became clear that US had no superpower rival, the drive for an objective political self-assessment has diminished. 

In the last two decades, as the US was blindingly preoccupied with Afghanistan, Iraq, and chasing the ghost of terrorism across the globe, China emerged as a major competitor. Through strategic and economic partnerships and without interference on domestic issues, China cultivated significant political presence in strategically important countries worldwide.

China’s more assertive foreign policy

While President Joe Biden’s foreign policy is still influenced by corporate profiteers and Israel’s security concerns, President Xi Jinping was laser-focused on his country’s strategic objectives, economically, militarily, politically, and socially. The global TikTok phenomenon is just one example.

On Friday March 10, China unveiled its most successful diplomatic accomplishment- the peace deal it brokered between Saudi Arabia and Iran. the two regional rivals have announced their mutual agreement to restore full diplomatic relations and open their respective embassies within the next two months. That shocked many Western leaders, media, and think tankers from the old school that still considers China a powerful nation that lacks diplomatic finesse to achieve such objective.

This deal holds the potential to end two of the longest and most devasting wars, and the worst humanitarian crisis in the Middle East- Yemen and Syria. Yet China is not projecting itself as the ‘the new Sheriff in the Middle East.’ But rather, as a humble strategic partner who only managed to persuade two of its close friends to overcome their differences and collaborate on political, and economic matters of mutual interest. That kind of humble diplomacy that seeks no fanfare and is willing to share successes with other nations is what made China’s soft power the most potent is the world. Today, in addition to Iran and Saudi Arabia, there are more than a hundred countries that trade with Chinese Yuan. “Dedollarification” is going in full force.

Since the West torpedoed the Turkiye peace plan to end the Ukraine war, China is now the sole power to potentially help end the most destructive war in Europe since WWII. China’s special relationship with Russia is widely known. China also has an economic pact with Ukraine. Its ‘Silk Road’ railway–the 21st century’s most ambitious global economic network– is to run through Ukraine’s massive territory. 

Failure to keep up with changing times

Meanwhile, the U.S. foreign policy is facing a Kmart moment. A moment that resembles the slow death of the last decade of this, once upon a time, the most successful model in the US retail industry. In its glorious days, Kmart was famous for its iconic marketing ploy known as Bluelight Sale . Once the customers heard ‘Attention Kmart shoppers’ and a siren through the intercom, shoppers enthusiastically dashed to the section of the store where the blue lights were flashing to get great bargains. The Bluelight Sale gimmick was meant to sell slow-moving products. After decades of a lucrative marketing ingenuity and industry dominance, Kmart shoppers became desensitized to the power of the Bluelight Sale as other discount department stores started to offer competitive deals.

Need for strategic innovation

In international relations, as in business, if you cannot keep up with the changing times and your competitors’ innovative strategies, you will find yourself obsolete, irrelevant, or bankrupt beyond recovery.

To legitimately reclaim its leadership, the US would need to improve its global image and undergo a significant reinvention process that is propelled by a less selfish and indeed less arrogant foreign policy. And that cannot not happen without the following:

First; shed off the Neocon unipolar hubris that the US should throw around its muscle to get all the candies in the store without any payment, accountability, or apology. A good start may be to shut down a significant number of the 750 military bases around the world. 

Second; stop funding Israel’s apartheid regime, and stop the decades long abuse of the Security Council veto power so that Israel could get the absolute impunity it needs to shield it from UN sanctions and its leaders from facing criminal charges at the International Criminal Court. 

Third; stop the organized crime foreign policy that takes resources by force instead of by a negotiated fair deal. That infamous policy that is guided by, according to Noam Chomsky, a “godfather principle, straight out of the mafia (playbook).”

Fourth; stop interfering with other countries’ internal affairs to manipulate outcomes or implement regime-change schemes. The Muslim world and the global south are mindful of how US has suffocated democratic processes in various countries during the Arab Spring more than a decade ago. They are also vigilant on what the US might do in countries such Pakistan where, according to recent Gallup poll, former Prime Minister Imran Khan whom the US helped oust last year, commands 61% favorable rating. 

Fifth; avoid any hostile compition toward the BRICS block  lest that forceit to become a military alliance. Last December, I wrote about 2023 being the year when BRICS may turn into BRICTISS after Saudi Arabia, Iran, and Turkiye join that block. The two ‘I’s are now in and the ‘T’ is likely to join after elections.

Sixth; focus on your own neighborhood and cultivate win/win strategic partnerships with key actors in Central and South America. 

Seventh; Ukraine is a lost cause. It was a preventable war and the hundreds of thousands on all sides did not have to die. The sooner the US accepts that reality, the better it is for the whole world.

Eighth; so long as US’ policy toward Africa remains one driven by counterterrorism and is implemented by AFRICOM drones that are accountable to no one, there will never be a sustainable strategic partnership with key countries such as Somalia.

The writer is a former diplomat and geopolitical analyst. He is the author of  Broken Camel Bells: Somalia in the age of terrorism 2006-2022 

Daawo: Somalia oo ku dhow in xayiraadda hubka laga qaado – Maxaa maanta dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga arrinsanayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, shirkaas waxaa hoggaamineysa dowladda federaalka Soomaaliya.

La-taliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa ka qayb galay Shir looga hadlayo qorshaha qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Xuseen Macalin oo faahfaahin ka bixiyey shirkaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan awooda isugu geyneyso sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha caalamka, xubno ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysa shirka.

“Sanadkaan muhiimadaha ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya waa in laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaan isugu keenay shirkaan dhamaan hey’adihii ay khuseysay arrintaan, sida kuwa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka,” ayuu yiri La-taliye Xuseen.

Wuxuu sheegay in xubnaha beesha caalamka ee shirkaan ay ku casuumeen ay mudo dheer si gaar ah dowladda Soomaaliya uga taageerayeen, sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta ka saaran dhinaca hubka.

Waa shirkii 4-aad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaas oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyadoo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado cunaqabateyntaas, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah, waxay marar badan caalamka u cadeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cunaqabateynta.

Hoos ka daawo Xuseen Macalin oo faahfaahinaya shirka cunaqabateynta

Sawirro: Dhamaan madaxda DF oo isugu tagtay Tiyaatarka – Maxaa ka socda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Wakaaladda Murtida iyo Wacyi-gelinta ee Tiyaatarka Qaranka waxaa caawa ka socota munaasabad weyn oo lagu soo bandhigayo waxqabadkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xukuumadaan oo loogu magac-daray ‘Danqaran’ ayaa hadda jirsatay lix bilood, waxaana caawa masraxa Tiyaatarka Qaranka lagu soo bandhigayaa wixii u qabsoomay 6-daas bilood.

Munaasabadda oo hadda socota waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, xubnaha golaha wasiirrada, xildhibaanno, masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa inta ay socoto waxaa dadweynaha ka soo qeyb galaya ay su’aalo ka weydiin doonaan Xukuumadda, waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay.

Madaxshaan oo marka hore dood wadaag ah, waxay madaxda xukuumaddu ka jawaabi doonaan su’aalaha bulshada, iyadoo intaas kadibna lasoo bandhigi doono waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda.

Waa dhif munaasabadaha noocaan ah ee hey’adaha dowladdu ay ku soo bandhigaan wax qabadkooda, waliba ayagoo ogol inay toos uga jawaabaan weydiimaha ka imaanaya bulshada.

Dhamaan madaxdii ugu sareysay dalka ayey caawa kulmisay munaasabadaan ka socota Tiyaatarka Qaranka, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo ducomentry ay toos u daawa doonaan madaxda qaranka.

Intii ay jirtay xukuumadaan waxaa socday dadaalo badan oo dagaalka Al-Shabaab uu ugu horeeyo, waxaana lagu guuleystay in dhul badan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, oo ah dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay soo-jedintii R/W Xamza ee guddiga dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd saxiixay soo-jeedinta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka.

Xubnaha guddigan ayaa waxaa hore u ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golahaa Aqalka Sare ee BFS kadib soo-jeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama dastuurka federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

Guddigaan ayaa ka kooban shan xubnood, kuwaasi oo kala ah;

1. Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
2. Axmed Maxamed Jaamac: Xubin
3. Maxamed Cabdalla Saalax: Xubin
4. Farxiyo Muumin Cali: Xubin
5. Maxamed Xasan Idiris: Xubin

Sacuudiga oo shaaciyey maalinta 1-aad ee Ramadaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sacuudiga ayaa sheegay in bisha aan la arkin kadib markii la baaray, sida lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd soo baxay.

“Bisha Ramadaan lagama arkin Sacuudiga maanta, sidaas darteed Khamiista 23-ka March 2023 waxay noqon doontaa maalinta koowaad ee Ramadaan.”

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa sidoo kale sheegay in habeen dambe la bilaabi doono dukashada salaada taraawiixda.

“Salaada Taraawiixda ayaa si toos ah uga bilaaban doonta Labada Masjid ee Xaramka kadib Salaadii Cishaha ee habeen dambe.”

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in Khamiista ay soon tahay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Sarkaal AL-SHABAAB u qaabilsana diiwaan-gelinta ganacsiyada oo la xakumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Cali Abuukar Jimcaale Rooble oo lagu helay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda.

Cali Abuukar ayaa waxaa loo soo xiray 3-dii bishii November ee sanadkii hore kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab, waxaana uu sidoo kale kamid ahaa qeybta Amniyaadka, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in reerkiisa u dhoofiyeen dalka South Africa 2010-kii sanad kadib markii uu ku biiray Al-Shabaab, laakiin toddoba sano kadib dabayaaqadii 2017 ayuu kusoo laabta magaalada Muqdisho, isaga oo aysan waxba iska bedelin fikirkiisi.

Markaas kadib waxay kooxda u wakiilatay Cali diiwaan-gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, ayada oo mar kale ay ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Waxaa lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali Jabhad horjooge lagu magacaabo oo hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysata.”

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka ogolaaday 4-tii March ee sanadkan.

Garsoorka ayaa sheegay in waqti ku filan uu siiyay dhinacyada dacwadda, ayada oo habraacii maxkamadeed kadib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Ninkaan ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Faah-faahin laga helayo dil askari loogu gaystay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helay dil askar ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Askarigaan ayaa waxaa la sheegay in howl-gal uu ku jiray xilliga la dilay, ayada oo gacanta lagu soo dhigay ninkii dilka geystay, sida uu shaaciyay taliska Booliska Somaliland.

Taliska Booliska ayaa sheegay in askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Cali Axmed uu ka tirsanaa qaybta Booliska bariga Hargeysa, ama saldhiga booliska ee Macalin Haaruun.

“Askariga eedaysanihii dilay gacanta ayuu kusoo dhigay Booliska, waana xidhan yahay, kiiskiina waa la baadhayaa. Ninka dilka ku eedaysani ma fakan, in badan ayaa la raadiyay saaka waa ku dhawaad kii ayaa la helay CID-da ayuu ku xidhan yahay,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Somaliland.

Waxa uu intaas sii raaciyay afhayeenka u hadlay ciidanka Booliska Somaliland “Maxkamada ayaa loo gudbinayaa eedeysanaha isla maanta ama berri oo garsoorka ayaa la marinaya.”

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in baaritaanada hordhaca ah ay meesha ka saarayaan in askarigaas loo dil wax aanooyin qabiil ah, “Waxaa ka digeyna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo markhaatiyo la xiriira dilka askarigaas, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan garsoorka horgeyn doonaan eedeysanaha, si loo marsiiyo sharciga oo cadaalad u helo marxuumka oo ka tirsanaa booliska Somaliland.

“Dilka askariga waa dil si caadi ah u dhacay, kama muuqato in qabiil loo aaneeyay, ama loo dilay, sida baadhistu muujinayso, waxaanu ka digayna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay.”

Dilkaan ayaa imanaya xilli ay meel sare gaartay xiisadda dagaal ee magaalada Laascaanood, lagana soo warinayo gudaha Somaliland in dagaalka socda uu saameyn ku yeeshay amaanka guud ee magaalooyinka kale, ayada oo Somaliland lagu tiriyo meelaha ugu amaanka wanaagsan ee dalka.

DF oo sheegtay arrin yaab leh oo ay sameeyeen shirkado u tartamaya adeegga Xajka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeegga Xajka sanadka 1444/2023 ayaa weli wada hubinta iyo kala xulista shirkadaha sida saxda ah usoo buuxiyay shuruudihii ay hore u shaaciyeen, ee laga rabay shirkadaha doonaya u tartamida u adeegga Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa shaacisay in shirkadaha qaar ee soo xareystay tartanka adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ay codsigooda kusoo gudbiyeen dukumtiyo been abuur ah, sida shati been abuur ah, sida ay xaqiijisay wasaaradda Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo wasaradda Diinta iyo Awqaafta kala shaqeynayay hubinta iyo sugnaashaha dukumtiyada ganacsi ee shirkadaha soo gudbiyeen ayaa waxa uu sheegay in markii ay baaris ku sameeyeen shatiyada kadib ay usoo baxday in qaarkood yihiin been abuur, loo eekeysiiyay shati shaqeynaya.

“Waxaa u nimid Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ku howlan shaqo aad u muhiim ah shacabka Soomaaliyeed, oo waxaa la hubineynay shatiyada ay shirkadaha kusoo dalbadeen adeeggaasi, waxaa isdul-taagnay shatiyadaas oo qaar kamid ah ay sax yihiin, qaarna been abuur yihiin,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa uga digeyna shirkadaha been abuurka keena meelahan oo kale, waxaa uga digeyna in aysan markale kusoo qaldamin. Ha ogaadan in wasaaradaha ay isla wad shaqeeyaan oo hadda kadib halkaan la keeni doonin wax been abuur oo wax lagu soo dalban doonin.”

Wasiirka ayaa shirkadahaas uga digay arrinta ay ku kaceen iyo kuwa kale ee isku-daya in dukumentiyo been abuur ah kusoo xareystaan tartan muhiim ah oo noocaan oo kale ah, “Wixii ay muteysan doonaan gadaal ayaa ka sheegi doona shirkadaha been abuurka kusoo dalbaday.”

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa kal hore soo bandhigay shuruudaha laga rabo shirkadaha soo xareysanaya tartanka adeegga Xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka koobna dhowr iyo toban qodob oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Shuruudahaas ayaa waxaa ugu muhiimsana in shirkadaha soo xareysanaya tartankaan ay yihiin kuwa ka diiwaan-gashan wasaaradda ganacsiga iyo wasaaradaha oo haysta shatiga wasaaradda oo aan dhacsaneyn iyo diiwaankooda hay’adda IATA.

DF oo faah-faahisay weerarkii Al-Shabaab ee Daaru Nimca

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Daaru Nimca oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

General Biixi ayaa ayaa qiray in Al-Shabaab ay mar dambe u suuragashay inay gudaha u galaan qayb ka mid ah magaalada, waxaana uu tilmaamay inay kadib dileen dad shacab ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in xerada la weeraray ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, balse ay gurmad ka heleen ciidanka Xoogga dalka.

“Xabaddu markii ay muddo hal saac ah socotay khasaare badana loo geystay waxaa u suuroobay iyaga inay magaalada dhinac gees ah kasoo galaan oo halkaas dad shacab ah oo guryahooda jooga ku laayaan, laakiin nasiib wanaag waxaa ku soo gaaray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gurmad ah,” ayuu yiri Taliye Maxamed Tahliil Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe dagaalka lagu jabiyay xoogagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna ka tageen meydad, hubna laga qabsaday.

“Intaas kadib ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamadii deegaanka oo isla socda ayaa baacsaday, halkaas meydad ayey uga tageen, hubna waa looga qabsaday khawaarijta, aadbaana loo xasuuqay, loona baabi’iyay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhimashada ayuu xaqiijiyay inay gaareyso illaa 27 dagaalyahan, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana Daaru Nimca haatan gacanta ku haya ciidamada huwanta, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka.

“Hadda waxaa magaalada Daaru Nimca gacanta ku hayo ciidanka deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu markale yiri taliyaha ciidanka dhulka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday inay ku dishay ugu yaraan illaa 20 askari, isla-markaana ay ku dhaawacday 10 kale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay inay gudaha u gashay xerada, isla-markaana ay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda

Si kastaba, mudooyinkii u dambeeyay ayaa kooxda Al-Shabaab waxay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay go’aan la xiriira doorashada soo socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa marka hore shaaca ka qaaday go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota 2026, wuxuuna ku dhawaaqay inay noqon doonto qof iyo cod.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in la’isku dooran doono xisbiyo, si looga gudbo nimdaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay haatan ku dhisan tahay dowladda federaalka.

“Soomaaliya ilaahey idinkiis doorashada soo socota waa qof iyo cod xisbiyeysan oo xisbi la’isku doorto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Xisbiga waa suuq badeecado la keensado badeecada la keensanaayana waa caqli”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in furaha siyaasadda uu yahay abaabul iyo fakir, sidaas daraadeedna aan loo baahneyn tiro badni.

“Siyaasadda tiro badnaan ma’aha, laandheere ma’aha siyaasaddu waa abaabulnaan iyo fikir,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa diray fariin guud, wuxuuna ku baaqay in dowladdiisa lagala shaqeeyo amniga iyo hirgelinta doorashadaas, si ay u noqoto qof iyo cod ah.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana uu haatan baarlamaanka horyaallo qorshe wax looga beddalayo dastuurka, si muddo kordhin horleh loogu sameeyo hay’adaha dowladd, lagana dhigo muddo xileedkaooda muddo 5 sanno ah.

IMF oo shaacisay guul weyn oo Soomaaliya ay gaartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF ayaa warbixintaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno-yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka kharashaadka laga maarmi karo, iyadoo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa warbixinta ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kadib shirar fool ka fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cilmi.

Wasiir ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ka miro-dhalinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna tan iyo inta laga gaarayo Barta_Kama_Dambeysta ah ee Deyn-Cafinta oo aan dhawaan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhammaystiran.