27.5 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Sagaal QOF oo ku dhintay degmada Baardheere kadib markii ay ku dhaceen…

0

Baardheere (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay roobab daadad watay oo xalay ka da’ay degmada Baardheere, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhowaad 10 qof oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baardheere Buulle Ibraahim Xuseen oo u warramay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in dhibaato xoogan ay ka dhalatay daadad ku dhuftay demadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Buulle ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadan ay ku dhinteen illaa 9 qof, wuxuuna tilmaamay inay ku dhaceen tog kala qaybiya degmada, xilli ay ka tallaabayeen halkaasi.

“Walaalow meeshaan Baardheere dhibaataa ka dhacday nimcadii ilaahey ee xalay dhaceysay iyo roobabkii ayaa dad ay ku naf waayeen illaa 9 qof. Dadkaas oo ka tallaabayay tog kala qaybiya magaalada” ayuu yiri xoghaye Buulle Ibraahim Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhintay ay isku jireen dhalinyaro, carruur iyo dad waa weyn oo uu kamid yahay Macallin Dugsi Qur’aan oo caan ka ahaa Baardheere.

“Waxay isugu jireen dhalinyaro Sports ah, Macallin Dugsi Qur’aan waa uun bulshada qaybaheeda kalal duwan dadka meesha ku geeriyooday,” ayuu sii raaciyay..

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulka Baardheere iyo shacabka degmada ay haatan wadaan gurmad iyo sidii loo aasi lahaa dadkaasi.

“Xaafadaha waa la’isku soo baxay gurmad ayaa la sameynayaa dhammaan reer Baardheere sidii dadkaas loo aasi lahaa ayaan hadda taladeeda ku jirnaa,” ayuu markale yiri Buulle.

Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ay wajaheysay xaalado adag oo isbiirsaday, sida arrimo bani’aadanimo iyo kuwa amni darro intaba.

Daawo: Muxuu yahay shirka wada-tashiga qaran ee maanta ka furmay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Qaran ee Hindise-sharciyeedka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka dhacdooyinka muhiimka ah.

Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Aidarus M Hassan iyo mas’uuliyiin kale ee kascotay heerarka kala duwan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horreyn khudbad kooban ka jeediyay kulankaan, wuxuuna sheegay in hindise-sharciyeedkan uu nidaaminayo mid kamid ah adeegyadda asaasiga ah ee ay dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida; dhalashada, guurka, furriinka, caruur korsashada, dhimashada, diiwaan-gelinta qoyska, degenaashaha iyo arrimo kale.

“Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay wasaaradda arrimaha gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dadaalo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaan-gelin madaniya oo casri ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa kamid ahaa dadaaladaasi sida daraasado nidaamyada diiwaan-gelinta madanigaa, diyaarintii siyaasadda qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah iyo istaatistikada dhacdooyinka muhiimka ah oo golaha wasiiradu ansixiyeen bishii Agoosto 2019, dhismihiisa iyo howl-gelinta guddiga hagidda diiwaan-gelinta madanigaa oo ka kooban dhammaan madaxda hey’adaha kala duwan ee heerarka dowladda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hindise-sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda Qaran ee diiwaan-gelinta madaniga ah, kuwaas oo dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan, halka kaalinta dowladda federaalkuna uu u qeexan yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee golaha wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka qeyb-galayaasha kulankan wadatashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wadatashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday xero ku taalla gobolka SH/DHEXE

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Daaru-nimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Deegaanka la weeraray ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qaar kamid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo maalin kahor gadood uga soo baxay Daaru-nimca, inkastoo mar dambe ciidamadaas oo ka cabanayey daryeel la’aan lagu qanciyay inay dib ugu laabtaan saldhiggooda, kadib wadahadal ay la yeesheen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kula yeesheen magaallo xeebeedka Cadale.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay 20 askari, isla-markaana ay ku dhaawacday 10 kale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay gudaha u gashay xerada, isla-markaana ay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkian ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho & dhaawac.

Somaliland oo war kasoo saartay ‘arrin laga faafiyay’ maxaabiista Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa beenisay in maxkamad la geeyay ama la jidh dilay, qaar kamid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay si weyn usoo baxday in qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah.

Agaasimaha Waaxda Fulinta ee Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamad lasoo taagay maxaabiista dagaal ee u xiran Somaliland.

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in Komishanka Xuquuqul Insaanka iyo hay’addo kale oo caalami ah ay booqasho ugu tageen maxaabiista, islamarkaana ay indhahooda kusoo arkeen sida loola dhaqmay, oo uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

“Waxa jira warar been abuura oo la isla dhex-marayay oo ahaa in maxkamad la geeyay maxaabiista qaarkood ama jidh dil loo gaystay, ma jirin cid maxkamad la geeyay iyo cid wax kale oo wax loo dhimay,” ayuu yiri Cabdisamad Sacad Xasan.

“Maxaabiistaasi waxay guud ahaan inoo sheegeen in ay habla-dhaqanka iyo sida loo hayaaba tahay sidii ugu wanaagsanayd ama ugu fiicneyd, waxay noo sheegeen in xaaladooda caafimaad ay boqolkiiba boqol tahay, inkasta oo qaarkood xasaasiyad ka cabanayeen, kuwaana la tusay dhakhtar.”

Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda dhowrista maxaabista lagu soo qabto dagaalka, sida ku qoran Dastuurkeeda.

“Xaalada maxaabiista oo komishanka uu soo booqday wax cabasho ah kama ay sheegan meesha lagu hayo, waxaase jira warar been abuur ah oo la isla dhex-marayo oo waxaa caddeynaa in waxba kama jiraan ay tahay in maxkamad la horgeeyay ama tacadi kale lagula kacay.”

Hoos ka daawo

Somalia oo sanadkii tegay ay 43,000 qof ugu dhinteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha QM ee caafimaadka iyo daryeelka caruurta ee kala ah WHO iyo UNICEF ayaa shaaciyay in abaarta Soomaaliya sannadkii hore ay ku dhinteen illaa 43-kun oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kala-badh ay yihiin carruurta geeriyootay, kuwaasi oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano, sida lagu yiri warbixintaan.

Tirada la shaaciyay ee dadka ku dhintay abaarta Soomaaliya ayaa ka badan intii la filayey.

“Markii ugu horeysay qaab qiyaas ku saleysan ayaa laga soo saaray isla daraasadan si loo suuragaliyo dhacdo la filan karo oo loogaga hortago dhimashada abaarta la xiriirta, sadaashan oo u dhaxeysay Janaayo illaa June 2023 ayaa ku qiyaastay in boqol iyo shan qof ay u dhiman karaan maalin kasta dhibaatadan.”

Qiyaasaha daraasadan waxay muujinayaan in dhibaatada ay kasii daran tahay tii abaareed ee 2017 iyo 2018-ka.

“2023 heerka dhimashada ayaa la saadaalinaya in uu gaaro 0.42 dhimasho ah tobankii qofba bisha June ee sanadkaan,” sida lagu yiri daraasada ay sida wada-jirka ah u soo saareen Soomaaliya iyo hay’addaha QM ee caafimaadka iyo dayeelka caruurta ee WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo arrintaan ka hadlay ayaa muujiyay walaac xooggan ka muujiyay xaaladda abaareed ee dalka, isaga oo xusay in haddii la waayo samata-bixin deg deg ah ay sii kordhi karto tirada dhimashada ee sababto dhibaatadan.

“Waxaa sii wadeyna in aynu ka waalacno heerka iyo baaxada saameynta caafimaadka bulshada ay ku yeelaneyso dhibaatada cunada ee sii-daba dheeraatay ee Soomaaliya, islamarkaana waxaa ku rejo weynahay in haddii aan sii wadi karno tallaabooyinka caafimaadka joogtada ah iyo ka jawaabida arrimaha bini’aadanimo si loo badbaadiyo nolosha iyo ilaalinta caafimaadka kuwa nugul waxaa dib u riixi karna khatarta macaluusha iyo dhimashada, haddii la waayo taas dadkan naftooda ayay ku weynayaan.”

“Sidaas darteed waxaa ku boorineyna dhamaan bah-wadaagtayada iyo deeq bixiyaashu inay sii wadaan taageerada waaxda caafimaadka iyo dhismaha nidaam caafimaad oo adkeysi laheyn oo u adeega qof walba oo inyar u adeegayn.”

Wakiilka WHO oo isagna ka hadlay natiijada daraasadan ayaa yiri “Waxaa la tartamayna waqtiga si aan u badbaadino nafaha laga fogaan karo inay baxaan. Waxaa aragnay dhimashad aiyo cudurka inay soo baxnaaa marka gaajada iyo cunada ay sii dheeraadan, waxaa arki doonaa dad badan oo u dhimanaya cuduro marka la eego gaajada iyo nafo xumada oo isbiirsaday haddii aan hadda wax laga qaban.”

Dr. Maalik ayaa intaas sii raaciyay “Qiimaha wax qaban la’aantayadu waxay ka dhignaan doonta in naftooda ku waayi doonaan caruurta, haweenka iyo dadka kale ee jilicsan inaga oo rejo la’aan ah, marqaatina ka ah masiibada dhaceysa. Laga soo bilaabo billowgii abaarta WHO waxay si cad u sheegtay in abaartu tahay dhibaato caafimaad oo lamid ah dhibaatooyinka cunada iyo cimilada.”

Waalaca u weyn ee WHO ayaa ah in laga hortago dhimashada xad dhaafka ah ee si toos ah ama si dadban loogu aaneyn karo abaarta, ayada oo si gaar ah diirada loo saarayo haweenka iyo caruurta ka yar shanta sano.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

Bankiga Dhexe ee Somalia oo helay abaal marin caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso hay’adda Central Banking, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bangiga dhexe.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in abaalmarintan uu ku muteystay horumarka uu ka sameeyay dib-u-habaynta kaabayaasha maaliyadda ee dalka, gaar ahaan hirgelinta hanaanka lacag-bixinta Qaranka, oo isku xira dhamaan bangiyada dalka oo dhan.

Hanaanka lacag bixinta Qaran waxaa si buuxda loo hirgeliyay sanadkii 2022-kii.

Abaalmarinta ayaa waxa uu Bangiga Dhexe ku tilmaamay aqoonsi weyn oo ka tarjumaya dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen hawl-wadeenada iyo maamulka, oo horumar la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska hanaanka maaliyadeed ee dalka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay guddida abaalmarinta hay’adda Central Banking, ee u gartay abaalmarinta kadib markii ay qiimeyn la xiriirta hal-abuurka kaabayaasha lacag-bixinta ku sameeyeen Bangiyada Dhexe ee caalamk.a

“Abaalmarintan caalamiga ah waxay caddayn u tahay horumarka uu Bankiga Dhexe ka sameeyay dib-u-dhiska kaabayaasha maaliyadda ee dalka. Waxaan rajeynaynaa in guushani ay kor u qaadi doonto kalsoonida bangiyada addduunka ay ku qabaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Tani waxay horseedi doonta in bangiyadeenu la-macaamilaan kuwa caalamka oo ay sannado badan caqabado ka haysteen.”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xasillonida hanaanka maaliyadda iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1- Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.
2- Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
3- Sharciga Socdaalka.
4- Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha.
5- Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis.
6- Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha.
7- Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8- Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Sharciyada madaxweynaha saxiixay ayaa qaarkood ah kuwa muhiim ah sida kan Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Si kastaba, sharciyada qaar sidan kan la-dagaalanka argagixisada ayaa waxaa laga muujiyey walaacyo ah in si khaldan loo adeegsan karo, laguna beegsan karo ciddii la doono, gaar ahaan dadka siyaasad ahaan diidan dowladda, ayada oo lagu soo oogayo eedo argagixiso.

Mareykanka oo sheegay in dembiyo dagaal oo laga geystay colaadda Ethiopia

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada milateriga ee Ethiopia ee ENDF, ciidamada Eriteria, ciidamada xoraynta Tigray ee TPLF iyo xoogagga amxaaradu inay galeen dembiyo dagaal, intii lagu guda jiray iska-hor imaadadii ka dhacay woqooyiga dalka Ethiopia.

Xoghayaha ayaa sidoo kale u sheegay weriyayaasha in xubno ka mida ciidanka milateriga ee Ethiopia, ciidamada Eriteria iyo xoogagga Amxaaradu inay geysteen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ku jiraan dilal, kufsi, iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah.

Blinken ayaa sheegay in xoogagga Amxaaradu inay ku kaceen dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ay ka mid yihiin, inay si khasab ah u sameeyeen masaafurin ama ay ku kaceen isir sifayn ka dhan qowmiyadda Tigrayga ee ku noolayd galbeedka Tigray.

Go’aankan ayaa yimi ka dib safarkii uu toddobaadkii hore ku tegey wasiirku dalka Ethiopia, halkaas oo uu amaanay horumarka laga sameeyey hirgelinta heshiiskii nabadeed, hase ahaatee ka gaabsaday inuu dib u soo celiyo heshiiskii ganacsiga ee Maraykanka.

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed bishii November, taasoo soo afjartay colaad ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, boqolaal kun oo kalena ay soo waajaheen gaajo iyo barakaca malaayiin qof.

Afhayeenka xukuumadda Ethiopia Legesse Tulu oo laga dalbaday inuu ka jawaabo arrintin ayaan ka falcelinin, sidoo kale afhayeenka ra’iisal wasaare Abey Ahmed ayaan isaguna ka jawaabin arrintan.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada milaterige Ethiopia Colonel Getnet Adane, Wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Gebremeskel, afhayeenka TPLF Getachew Reda iyo afhayeenka xukuumadda gobolka Amxaarada Gizachew Muluneh ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo loo diray oo arrintan la xidhiidha.

VOA + Reuters

The hidden tragedy: 43,000 dead in Somalia in 2022

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A new report revealed that an estimated 43,000 people died during Somalia’s worst drought in 2022, with children under five years old accounting for nearly half of the fatalities.

This is the first official death toll announced since the drought severely impacted the Horn of Africa.

The study by the London School of Hygiene and Tropical Medicine and released Monday by the World Health Organization and the United Nations Children’s Agency predicts that at least 18,000 to 34,000 more individuals will die within the first half of 2023.

The hardest-hit areas include Bay and Bakool in southwest Somalia, as well as the capital city of Mogadishu, where displaced persons have sought refuge.

The looming threat of famine

According to the United Nations resident coordinator in Somalia, Adam Abdelmoula, “The risk of famine remains.”

Famine is characterized by the extreme lack of food and a significant death rate from outright starvation or malnutrition, combined with diseases like cholera.

To declare a formal famine, data must show that over a fifth of households face extreme food gaps, and more than 30% of children suffer from acute malnutrition. Over two out of every 10,000 individuals are dying daily.

While the UN and its partners have not declared a formal famine in Somalia for the time being, they describe the situation as “extremely critical.” In the country alone, over six million people are experiencing hunger.

Comparisons to the 2011 famine

Some humanitarian and climate officials have warned that the current trends are worse than those observed during the 2011 famine in Somalia, which claimed the lives of a quarter-million people.

Professor Francesco Checchi of the London School of Hygiene and Tropical Medicine told journalists that the death rate had been increasing as 2022 drew to a close.

Somalia and neighboring Ethiopia and Kenya are grappling with a sixth consecutive failed rainy season.

Rising global food prices, the ongoing conflict in Ukraine, and millions of livestock deaths due to climate change and insecurity exacerbate the situation.

As Somalia continues to battle thousands of fighters from al-Qaida’s East Africa affiliate, al-Shabab, the UN migration agency reports a record high of 3.8 million displaced people.

Last month’s food security assessment revealed that nearly half a million children in Somalia would likely be severely malnourished this year.

However, many humanitarian officials say the world’s attention has shifted elsewhere.

During a January briefing in Mogadishu, the UN resident coordinator informed visiting US ambassador to the UN, Linda Thomas-Greenfield, that “Many of the traditional donors have washed their hands and focused on Ukraine.”

Wasiir balan-qaad culus u sameeyey gabadhii soo bandhigtay murugada haysata

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsatay sheekada gabar shaqo doon ah oo boor ku soo qoratay “Walaal Shaqo isii” taas oo dhalisay hadal-heyn badan.

Warbaahinta Qaranka ayaa sii deysay warbixinta gabadhaas oo lagu magacaabo Iglan Cabdullahi Axmed, waxaana codsigeeda ka soo jawaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Sheekada gabadhaan ayaa dareen laheed waxayna sheegtay inay hooyadeed iyo walaalkeed ay Al-Shabaab qarax ku dileen, isla markaana ay koriso afar carruur ah oo waalid la’aan ah.

Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya Maxamed Barre ayaa deg deg uga soo jawaabay codsigii gabdhaan shaqo doonka ah, wuxuuna ka balan qaaday inuu shaqo siinayo, isagoo amray in berri oo Talaado ah laga shaqaaleysiiyo wasaaradda dhalinyarada.

“Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay  baaqa Iglan Cabdullaahi Axmed isagoo isla maanta amray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Kumeel gaarka ah ee gunnada qaata,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Sidoo kale wasiir Maxamed Barre ayaa ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed  marka ay tababarrada dhamaysato Eglan loo dalacsiin doono darajada (A) oo ah heerka ugu sareeya ee shaqaalaha rayidka ah.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee XFS ayaa sheegay inuu xil ka saaranyahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo cadeeyay in awoodda wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada ay koobantahay, laakiin kiiska Eglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay, isla markaana masuul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan.

Eglan Cabdullaahi iyo qoyskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha  weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay, iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal.

Gabadhaan ayaa warbixintii laga diyaariyey ku sheegtay in Hooyadeed iyo wiil la dhashay ay ku dhinteen qarax ay Al-Shabaab ka fuliyeen Mall-ka Xamarweyne, maalmo ka hor waxay dowladdu toogatay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga oo qaraxaas geeyey goobta.

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag wajahaya eedeymo culus, gubayna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa galabta soo bandhigay natiijada howlgallo ka dhan ah maan-dooriyaha oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay inay soo qabteen maan-dooriye badan iyo rag ku eedeysan inay ka ganacsadaan daraagiska.

Afhayeenka oo galabta warbaahinta kula hadlay degmada Kaaraan ayaa soo bandhigay juwaano ay ku jiraan waxyaabaha maanka-dooriya oo la gubay, kuwaas oo isugu jiray Calaq, Xashiish, Qamri iyo daawooyin loo isticmaalo maan-dooriye ahaan.

“Kalkaan waxaa marqaati ka tihiin inaan ku gubeyno lix juwaan oo Xashiish ah, calaq caagado ku jira iyo kaniiniyo ay isticmaalayeen kooxdaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dembiyada ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay geystaan dadka isticmaalaha waxyaabaha maanka-dooriya.

“Intii ay ciidanku ku jireen howlgalka waxaa la soo qabtay eedeysanayaal gacanta kula jiray muqaadaraadkaan, saldhigga Kaaraan ayaa lagu soo xiray rag ku eedeysan inay faraha kula jireen waxyaabahaan maankadooriya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale booliska ayaa shirkaan jaraa’id ku cadeeyey inay si gaar ah u beegsa doonaan dadka beerta Xashiisha iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.

“Howlgalkaan wuxuu saamey doonaa dadka beera Xashiish, dadka soo daabula iyo dadka ka ganacsada, sidoo kale dadka isticmaala ayuu saameynayaa howlgalkaan,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo

DF Somalia oo soo saartay go’aan culus oo saameynaya isbitaallada iyo dhaqaatiirta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aya soo saartay war-gelin lagu ogeysiinayo bulshada in la xakamey doono daawooyinka qaar, kuwaas oo la ogaaday in dadka qaar ay u isticmaalaan hanaan qaldan, iyagoo ka dhigtay maan-dooriye ama balwad.

Qoraal dheer oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in daawooyinkaas ay dadka Soomaaliyeed ee qabatimaha u geysan karaan dhibaatooyin caafimaad, sidoo kale waxaa la ogaaday in daawooyinkaan ay ka qeyb qaataan amni darrada.

Wasaaradda ayaa ku amartay isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay soo diraan dhakhaatiir loo tababaro sida loo xakameynayo daawooyinkaas.

Sidoo kale khatarkii ama isbitaalkii ka hor yimaada go’aanka wasaaradda waxaa loogu hanjabay ganaax ama xabsi, iyadoo la cuskanayo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda oo dhameystiran:

Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo, kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo la raacayo sida ku cad Sharciga mihnadlayaasha Qaranka Lr.31 Qodobadiisa 24aad, 25aad, 26aad iyo 27aad, waxaa si ku meelgaar ah loo diiwaangelinayaa dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawooyinkaas.

1) Si looga hortago si xun u isticmaalka Daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances), Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay faraysaa dhammaan Istibaalada Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadib dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, Wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin ku meel gaar ah ee laxiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas (controlled Substances license).

Hadaba, dhaqtarkii qora Daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista Daawooyinka la xakameeyo, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo, si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

Sidoo kale Dhaqtarkii qora xaddi ka baxsan intii loogu talagalay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dana kale, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

2) Si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waa in Isbitaal kasta soo gudbiyaa labo Dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka ubaahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo wasaaraddu waxay siin doontaa diiwaangelin kumeel gaar ah.

3) Si loo xaqiijiyo keydinta daawooyinka ay tahay in la xakameeyo waa in farmashiyaha ku yaala gudaha Isbitaalka uu lahaadaa qaanad leh quful iyo fure gaar ah oo ay masuul ka yihiin labada dawayaqaan ee u diiwan gashan Isbitaalka.

4) Dawa-yaqaanka ka shaqeeya farmashiyaha ku dhax yaalla Isbitaalka, waa inuu diiwaan geliyaa dhammaan daawooyinka la xakameeyo ee uu siiyay bukaanada loo soo qoray, si cadeynteeda looga heli karo markata oo uu kormeer u yimaado, haddii wax isdaba marin ah lagu arko, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

5) Qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan rajeeto uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaas, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

6) Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS.

  • Hadaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo kamid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala. 7) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada ayadoo aan oggolaansho laga haysan wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.
  • Hadaba farmashiyihii lagu arko asagoo gadaya daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda, waxuu galay fal Dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.

Wasaaradda Caafimaadka waxay ku wargelinaysaa dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulaka Gobalka Benadir inay meelmariyaan wargelintaan iyagoo la kaashanaya hay’adaha amniga iyo ku Caddaaladda heerarkooda kala duwan si loo hirgeliyo wargelintaan oo muhiimd u ah ilaalinta Caafimaadka, iyo amni darrada bulshadeena ka haysata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la xakameeyo ee maanka dooriya.

Maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay digniin ku socota dadka Muqdisho ee weli…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, kadib tallaabo ay qaaday maanta.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul ku yaalla degmada Wadajir, kaasi oo sanado loo haystay si sharci darro ah, iyada oo sidii qasabka aheyd ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Hadda kadib waxaa socon doona fulino qasab ah oo isdaba-joog ah oo ka socon doona magaalada, xilligaan wixii ka dambeysa qofka markuu xaqiisa yeesho wuxuu heli doona xaquuqdii ay maxkamadaha u xukumeen,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

“Waxaa uga mahad-celinayna Booliska gobolka Banaadir oo qeyb ka ah sugitaanka amniga iyo qabsoomida hawshaan, ayaga oo qaadanaya amarka maxkamadda fuliyay burburinta dhulkaan oo maanta u taaganahay in aan ku wareejino Maxamed Cabdiraxmaan oo wakiil u ah loo fuliyaha.”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka dhul ay maxkamad xukuntay iska haysta inay sida ugu dhaqsaha badan ugu hogaansamaan sharciga, haddii kale ay maxkamadda si qasab ah ku fulin doonto, sida maanta dhacday oo kale.

“Dadka caadeystay ama dad inta dhulka laga xukumay haddana iska haysta xilligaan wixii ka dambeeya majiri doonto. Maxkamadduna tallaabada sharciga ee waafaqsan ka hor imaanshaha fulimadaas ay qaadi doonto.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.

Hoos ka daawo

Goorta uu billaabanayo wajiga ugu xooggan ee dagaalka Al-Shabaab oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga uu dalka ka billaabanayo wajiga labaad ee ugu xooggan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin dalalka safka hore.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee howl-galadaasi uga billaaban lahaayeen dalka, islamarkaana uu qorshaha yahay inay billowdaan bisha Ramadaan.

“Waxaa jira diyaar-garow adag oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan ciidamada kale ee howl-galada ballaaran inta lagu guda jiro bisha Ramadaan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqdo kii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa kooxda, oo ayadu weli gacanta ku haysa deegaano muhiim ah.

“Howl-gallo xoog leh oo baaxad leh ayaa la rabaa in la qaado Ramadaanka, waxaa u rajeynayaa in ciidamada guul Ilaahay siiyo. Sidoo kale waxaa rajeynayaa in Ramadaankan uu noqdo Ramadaankii Khawaarij iyo Soomaaliya u kala dhamaan laheyd.”

Dalalka safka hore ayaa bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis iskaashi, kaasi oo dhigayay “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.”

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya.

Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaasi sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

“Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

DF Soomaaliya oo Muqdisho kasoo dejisay dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo tiradoodu dhameyd 11 qof, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta ee JFS, wasaaradda arrimaha dibadda Iyo hay’adda IOM.

Dhalinyaradaan ayaa muddo badan magafe ku heystay Liibiya waxaa soo celintooda iska kaashaday safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo wasaaradda arrimaha dibadda, hay’adda IOM iyo Midowga Yurub oo maal-galiyey.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta oo ka hadashay soo dhaweynta ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeynayo soo celinta dadka ku dhibaateysan dibadda, iyada oo u mahad-celisay madaxweynaha JFS.

Agaasimaha Arrimaha Diaspora-ha ee wasaaradda arrimaha dibddda, Ibraahim Guure Maxamed oo ka hadlay halkaasi ayaa asaguna uga mahad-celiyay dhinacyadii ka shaqeeyay soo celinta dhalinyaradaan oo muddo ku dhibaateysnaa dalka Liibiya.

Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe.

Horraanta sanadkii hore ayaa waxay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo gaarayo illaa 97 ruux, kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya.

Wararkii ugu dambeeyey rabshado maanta ka socda magaalada Nairobi + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi.

Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn.

Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay madaxweyne William Ruto.

Dowladda Ruto ayaa wacad ku martay inay mowqif adag ka qaadan doonto dibad-baxyada, kuwaaso oo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku adkeystay inay sii socon doonaan inkasta oo aysan ogolaansho ka haysan booliska.

Odinga oo ku adkeysanaya dibad-baxyada 

“Waxaan doonayaa in Kenyan-ka ay tiro badan kusoo baxaan oo ay muujiyaan qanacsanaan la’aantooda waxa dalka ka dhacay,” ayuu Odinga u sheegay dibad-baxayaal Axaddii.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaal isugu soo baxay meel u dhow xafiisyada dowladda ee caasimadda Nairobi, halkaasi oo la qorsheeyey in dibad-baxa ugu weyn uu ka dhaco.

Sidoo kale laba darsan oo dad ah ayaa lagu xiray faras magaalada Nairobi, kuwaasi oo badankood ah dhallinyiro, balse ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan mucaaradka oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha senate-ka ee xubnaha laga tirada badan yahay Stewart Madzayo.

Booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa

“Waxaan halkan u imaanay si nabadeed balse waxay nagu fureen sunta dadka ka ilmeysiisa,” waxaa sidaas yiri Charles Oduor oo ah 21 jir ka qeyb-galaya dibad-baxa faras magaalada Nairobi.

“Maalin kasta been ayey noo sheegaan. Aaway budadii galeyda raqiista ah ee ay noo ballan-qaadeen? Aaway shaqooyinkii dhallinyarada ee ay ballan-qaadeen. Waxa kaliya ee ay sameynayaan waa inay shaqaaleeyaan saaxiibadoooda.”

Dadka Kenya ayaa la tacaalaya qiimaha cuntada aas-aasiga ah oo sare usii kacaya iyo qiimo dhac xoog leh oo ku yimid lacagta shilling-ka markii loo eego dollar, iyo abaar xooggan oo ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

AFP

Xasan Shekeh iyo Museveni oo kulan ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda galay wajigiisi labaad,.

Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Somaliland oo 18 qodob kasoo saartay dagaalka Laascaanod

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta war cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhexeyso ciidamada milatariga maamulkaasi iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.

Guddigii uu Golaha Wakiilada Somaliland u xil-saareen arrinta Laascaanood ayaa maalmo kadib soo gabagabeeyay xog uruurintooda ku aadan arrinta magaalada Laascaanood..

Qoraal kasoo baxay guddiga oo ka kooban dhowr bog ayaa soo saaray 18 qodob oo la xiriira dagaalka Laascaanood, waxayna ka dalbadeen Golaha inay qaraar kasoo saareen.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka.
  1. In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa.
  2. In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caalamka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyayaasha kale
  3. In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka

baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sidaugu dhakhsaha badan uga baxaan.

  1. In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka.
  2. In Goluhu ka qayb qaato taakulada dadkii muwaadiniinta ahaa ee ku

barakacay dagaalka ka socda magaalada laascaanood, isla markaana u soo jeediyo hay’addaha Qaranka iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada in ay gargaar  gaarsiiyaan iyada oo la raacayo hanaanka qorshaysan ee Qaranka.

  1. In Goluhu Dar-dargaliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo wada jirkaQaranimada Somaliland.
  2. In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan kuwo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka.
  1. In, iyada oo la fulinayo heshiisyadadii hore ee la galay iyo baahiyaha guudee yaala, dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka.
  2. In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybahabulshada ee la isku marinayo baraha bulshada (si waafaqsan xeerka ciqaabta guud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad)
  3. In laga heshiiyo muranka doorasho ee hada taagan, si looga baxo khilaafaadka siyaasiga ah.
  4. In xukuumadu shaaciso dadka ay u qabato falalka argagixiso iyo danbiyada abaabulan.
  5. Adkeynta mas’uuliyadda baarlamaanaka si loo xoojiyo dimuqraadiyadda,kor u qaadida, ilaalinta iyo dhiirigelinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha, taageero wada hadalka, dhiirigelinta xallinta khilaafaadka gudaha, qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo midnimo qaran iyo gorgortan nabadeed oo dhex mara bulshada iyo hogaanka dhaqanka, Wax-garadka Sool iyo Xukumadda Somaliland.
  6. Waxay hoosta ka xariiqaysaa in caqabadaha dhaqan dhaqaale, kororka dhalinyarada iyo isbadelka cimilada ay sababi karaan xasilooni darro bulsho. Hay’addaha ku shaqada lihina ay ka qaataan doorka ka khuseeya.
  7. Waxaa inagu waajib ah ka hortaga faragelinta shisheeye ee khatarta kuah, midnimada, nabadgelyadda, Israacsanaanta dhuleed, Madax- bannaanida iyo dawladnimo Somaliland. Sidaa awgeed waa in goluhu sameeyaa xeerarka lagu ilaalinayo xuduudaha Badda, Berriga iyo Hawadda (si waafaqsan Qodbka 38aad farqadiisa 4aad xarafkiisa “B” ee Dastuurka.
  8. Waxay u soo jeedinayaan bulshada caalamka iyo dalalka dunidu inayaqoonsi buuxa siiyaan soomaliland.
  9. Waxay u soo jeedinaysa Golaha wax ka bedalka iyo kaabista xeerka llaalinta anshaxa iyo nabadgalyada guud iyo xeerka cüdanka booliska, iyo

curinta xeerka ciidanka qaranka iyo xeerka la dagaalanka argagixisada.

  1. In Golaha Guurtidu qaataan Doorkooda nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka gudaha.

Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maxkamad saartay tiro maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Ragga kasoo muuqday maxkamadda ayaa gaaraya illaa 9 nin, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qodobada 184, 185, 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaan ka hadlaya in ay Khiyaano-Qaran sameeyen, cadowna ay lasoo safteen.

Sagaalka nin oo haatan loo gudbiyay xabsiga Mandheera ayaa Somaliland waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, sida ay caddeynayaan dukumintiyo lagu baahiyay Intenet-ka.

Sidoo kale waxa ay Somaliland shaacisay magacyada ragga la xukumay ee lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga xerada Goojacade ee Laascaanood.

Maxkamadda ayaa xukun dilka ah ee ay ridday u cugsatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dowlad gobaleedyada ka jira iyo dowwladda federaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray, isla-markaana illaa haatan lagu dhaqmo.

Tallaabada ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.

Xog: Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa gadooday ciidankii laga keenay dalka Eritrea ee dowladda Soomaaliya ay geysay degaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo bishii hore lagu soo weeraray dhowr askarina looga dilay.

Ciidankaas oo gaarayey 300 oo askari ayaa maalmo ka hor ka soo baxay degaanka Daarunimca oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal, halkaas oo ku dhawaad hal bil ay ku sugnaayeen.

Ciidanka oo ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca ayaa lagu hakiyey degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lug ay ku yimaadeen, iyagoo aan wadan wax gaadiid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ciidan kale ka diray Muqdisho, kuwaas oo ciidanka ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca uga hor tegay degmada Cadale, waxaana lagu guuleystay in ciidankaas la celiyo, iyadoo aysan dhicin wax gacan ka hadal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidankaas aysan siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, sida raashin ku filan, gaadiid iyo sahay kale toona, taas oo ku kaliftay inay ka soo lugeeyaan deegaanadii la geeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya, taliska xoogga ayaa doonayey in ciidankaas lagu celiyo xoog iyo xeelad intaba, maadaama ay dhibaatooyin badan geysa karaan, hadii ay soo galaan Muqdisho.

Ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa hadda muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, balse warar soo baxaya waxay sheegayaan inay dowladda ku adagtahay inay daryeesho ciidankaas soo qaatay tababarka adag.

Hadda waxaa ciidankii soo gadooday iyo kumanaan askari oo kale la isugu geeyey degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo taliska xoogga dalka uu ka hoggaami doono dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe meelaha ay ka joogaan, howlgalkaas waxaa la qorsheynayaa in la bilaabo maalmaha soo socda.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi ayaa hoggaaminaya howlgalka, Biixi ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal, waxaana howlgalka laga bilaabayaa cirifka waqooyi ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo la qorsheeyey in ciidanka ka baxa Aadan-yabaal ay xoreeyaan deegaanada ay kooxdu ka joogto Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.