28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Maxkamadda CIIDAMADA oo dil ku fulisay Cabdiraxman Cali iyo Yaasiin Maxamed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo horay dilal u geystay, waxayna ka kala tirsanaayeen talisyada Booliska iyo Nabad Sugigdda ee magaalada Baydhaba.

Labada nin ayaa waxaa saaka lagu toogtay cara tuurka oo ah waqooyiga magaalada Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.

Waa toogashadii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhaceysa Baydhaba, waxaana shalay magaaladaan lagu dilay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu  ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.

Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

Golaha wasiirada oo meel-mariyay sharciyo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ayaa shir ay maanta yeesheen waxaa lagu ansixiyey Hindise-sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Shirkan oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan-Qaran lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Sharcigan ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiiradu ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Golaha ayaa shirkaan ku lafa-guray qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda, si loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, islamarkaana ay dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, kuwaasi oo qaarkood ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumadda ay ansixiyeen muddadaasi ayaa waxaa kamid ah; Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, sharciga NISA, kan aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, sharciga nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa, sharciga dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya, sharciga la-dagaalanka argagixisada iyo kan dhowrista xogta.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa TikTok

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu xadidayo dhaq-dhaqaaqa aalladda TikTok, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Maareeyaha Guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxda TikTok u qaabilsan xiriirka dowladda ee dalalka Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay tallaabooyinka ay labada dhinac iska kaashan karaan ee lagu hakin karo in TikTok lagu faafiyo wararka argagixisada, sida ay shaacisay HIQ.

Maareeyaha iyo madaxda TikTok ayaa sidoo kale lafa-guray sidii dadka Soomaaliyeed ee isticmaala madashaas ay uga heli lahaayeen xog sugan oo waafaqsan qiyamka, anshaxa, iyo shuruucda dalka.

Maareeyaha guud ee HIQ ayaa sheegay in siyaasadda TikTok-ga  ee ku wajahan Soomaaliya la waafajiyo shuruucda dalka sida: sharciga isgaarsiinta qaranka, sharciga saxaafadda iyo shuruucda kale ee saameynta ku leh adeegyada TikTok.

Hay’adda Isgaarsiinta iyo TikTok ayaa ugu dambeyntiina isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ka warbixinta iyo hoos u dhigista warbixinnada sharci-darrada ah ee ku jira madasha TikTok ee aan waafaqsanayn habraaca ilaalinta bulshada.

Dowladda federaalka ayaa hore si dag uga hadashay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo TikTok, ayada oo uga digay dhallinta in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya.

Waxaa dhowr jeer maxkamadaha dalka kasoo muuqday dhalinyaro aalladan kusoo bandhigay muuqaalo ay iska duubeen iyo waxyaabo ka hor imanaya shuruucda dalka.

Faahfaahin ku saabsan heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka Amniga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sharraxaad ka bixiyay heshiiska cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu gaaray Baydhaba.

Kamaal Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu daba socdo heshiisyadii April 2017-kii lagu saxiixay magaalooyinka Nairobi iyo London ee dalalka Kenya iyo Ingiriiska.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu mudnaanta ugu weyn siinayo ciidamada kala duwan ee Somalia, isla-markaana ay ku jirto tirada cusub ee la gaarsiinayo ciidanka.

“Heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ciidamadeena dhan ayuu kofor-gareynayaa ama uu u yahay saldhig,” ayuu yiri Kamaal Guutaale

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska lagu soo daray ciidanka Asluubta iyo kuwa Nabad Sugidda, halka uu markii hore ku koobnaa Booliska iyo Ciidanka Xoogga dalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tirada la gaarsiinayo illaa 30,000 oo askari oo aysan ku jirin ciidamada Cirka, kuwa Badda iyo ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska

“Tirada ciidanka Xoogga dalka waxaa la’isla gartay inay ahaato ugu yaraan 30,000 oo ay ka baxsan yihiin ciidanka Cirka, ciidanka Badda iyo ciidamada gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ah,” ayuu markale wareysigaan ku yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Markii hore ciidankeena heshiiska waxa uu ahaa 18,000, maanta waxaan gaarsiinay 30,000 wax kalena ulama dan lihin waxaa maanta dowladda Soomaaliyeed ay xoogga saareysa kala wareegida mas’uuliyadda amni ee ciidanka ATMIS”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahan ay diyaarisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana askari kasta oo ka tirsan ATMIS ay beddali doonaan ugu yaraan sadex askari.

“Askari kasta oo ATMIS ah oo baxa askari beddali lahaa ugu yaraan saddex askari oo u dhigma in lagu beddalo ayaa innoo diyaar ah, waana ku soconaa tiradii loo baahnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Oomaar: Axmed Madoobe wuxuu ninkii GEDO tago ka dhigay nin Israel tegay + Video

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay arrimaha Jubbaland, isagoo eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Oomaar ayaa sheegay in Jubbaland ay haysato nasiib darro weyn, sida uu hadalka u dhigay, isagoo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey caburin aan caadi aheyn oo maamulkiisu uu ku hayo bulshada.

“Anaga mucaarad kuma nihin Jubbaland, laakiin waxaa mucaarad ah ninka dadkii u dhashay deegaanka soo tarxiilaya, wuxuu doonayaa inuu burburiyo Jubbaland, qad cagaaran ayuu qabaa’ilkii dhex dhigay, ninkii Gedo tagaa wuxuu ula mid yahay nin tegay Israa’iil,” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wuxuu sheegay in Kismaayo ay ka jirto amni darro baahsan, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii lagu dilay magaaladaas, sidoo kale wuxuu sheegay in qofkii ay Shabaab ku dilaan Kismaayo aan tacsi loo dhigi karin, iyadoo dadka loo sheego in tacsidu ay buun-buunin u tahay guusha cadowga, sida uu sheegay Oomaar.

“Waxaan rabnaa in doorasho xor ah lagu qabto Kismaayo, taas oo waqtigeeda la qabto, dadka reer Jubbaland ee kala xirmay ayaa matrkaas fursad u heli doona inay wada noolaadaan,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdullahi Oomaar ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin uu kala kulmay Axmed Madoobe intii ay doorashooyinku socdeen, isagoo sheegay in loo diiday magaaladii uu ku dhashay ee Kismaayo inuu tago.

Wuxuu fariin u diray madaxweynaha iyo r/wasaaraha, isagoo yiri, “Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay Jubbaland ka qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.”

Wasiir Oomaar oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, xiligii uu Axmed Madoobe ka hor istaagay kursigii uu doonayey inuu Kismaayo ka soo qaato ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallo xasaasi ah oo u socda Falastiin iyo Israel

Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa shalay ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan wada-hadal nabadeed oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Masar.

Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo rabshadaha ba’an ee ka socda Daanta Galbeed kahor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Shirkan oo shan geesood ah ayaa daba socday shir-madaxeedkii Maraykanka uu garwadeenka ka ahaa ee 26-kii bishii February ka dhacay dalka Urdun, kaasi oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo sanado ah.

Waxaa lagu xaqiijinaya ballan-qaadyada Israel iyo Falastiiniyiinta ee ah in ay xaaladda qaboojiyaan balse waxaa ka soo horjeestay kooxaha labada dhinac oo ku guul-dareystay inay joojiyaan rabshadaha dhulka.

Kulanka Sharm el-Sheikh “ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka hal dhinac ah iyo sii kicinta, iyo in la joojiyo wareegga rabshadaha ee socda lana helo xasillooni”, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

“Tani waxay fududeyn kartaa abuurista jawi ku habboon dib u soo celinta geeddi-socodka nabadda,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Falastiiniyiinta ayaa rajeenaya inay yagleelaan dowlad madax-banaan oo ka dhisan Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo ay caasimad u tahay bariga Quddus –dhulalkan oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

Dhul-gariir dhimasho badan oo ku dhuftay dalka Ecuador

Cuenca (Caasimada Online) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador.

Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah, ayaa burburay markii dhulgariirku dhacay abaaro duhurnimadii waqtiga maxalliga ah ee dalkaasi, oo ku beegan (17:00 GMT).

Gobolka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waqooyiga dalka Peru, ayaa laga dareemay dhulgariirka, iyo gabar 14 jir ah oo ku dhimatay Tumbes, oo ku taal xuduudka, markii gurigeeda uu dumay.

Dalka Ecuador, Machala iyo Cuenca, ayaa ka mid ahaa magaalooyinka uu burburka soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid, iyadoo kooxaha gurmadka ay u gurmadeen dadka.

Xuddunta dhul gariirka, ayaa ku dhow Balao, oo qiyaastii 80km (50 mayl) u jirta magaalada labaad ee ugu weyn Ecuador, ee Guayaquil, halkaasoo ay ku nool yihiin illaa saddex milyan oo qof.

“Waan ka cararnay guriga,” Exon Tobar oo deggan Machala, ayaa u sheegay BBC. “Dhulku – waxaa ka dhax qarax aad u xooggan – wuu gariiray, wuxuuna sameeyay fiilooyinka korontada, daaqadaha, iyo wax walba.

Madaxweyne Guillermo Lasso, ayaa ka codsaday dadka dalka Ecuadore inay isdejiyaan, iyadoo saraakiishu ay qiimeynayaan khasaaraha. Waxa uu sidoo kale booqday isbitaal ku yaalla magaalada Macala, si uu ula kulmo qaar kamid ah dadka dhaawacmay.

Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 250 qof oo dhaawac ah lagu daweeyay magaalada Pasaje, ee gobolka El Oro, ku dhawaad ​​dhammaan dadkaasina ugu dambeyntii laga saaray isbitaalka.

Wadooyin dhowr ah, ayaa go’ay, kuwaasoo ay saameeyeen dhul go, halka dhowr guri, dhismayaal waxbarasho iyo xarumo caafimaad ay waxyeelo soo gaartay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay magaalada Cuenca ee gobolka Azuay, kaddib markii uu darbi ku soo dumay gaarigii ay wateen, halka saddex qofna ay dhinteen, kaddib markii taawar kaamerooyinka ammaanka ay ku soo dhaceen jasiiradda Jambelí, ee gobolka El Oro.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dhulgariirkan laga dareemay dhowr magaalo oo kale, sida Manabi, Manta iyo caasimadda Quito.

Waa dhulgariirkii ugu xooganaa ee ku dhufta Ecuador tan iyo sanadkii 2016, markaasoo dhul gariir dhacay ay ku dhawaad ​​700 oo qof ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

BBC

Somalia’s new security strategy: The full breakdown

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia’s federal and regional leaders recently reached an agreement to bolster the country’s national security.

The new “National Security Architecture” outlines plans for expanding the armed forces and police personnel to address the impending departure of African Union forces by the end of next year.

Under the newly signed agreement, the number of national armed forces will be increased to at least 30,000 soldiers, while the police force will consist of at least 40,000 personnel, according to documents obtained by Caasimada Online.

This revision updates a 2017 deal requiring a minimum of 18,000 military and 32,000 police personnel.

National Security Advisor Kamal Dahir Hassan Gutale said the Somali government is currently focused on transferring security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which has been in the country for over 15 years.

The goal is for the last AU soldier to leave Somalia by December 2024, allowing the nation to meet its security responsibilities.

Adjustments to security forces structure

The agreement, signed by Prime Minister Hamza Abdi Barre and federal member state leaders, stipulates that the new armed forces numbers do not include the navy, air force, and special commando units trained by the United States and Turkey.

The minimum age for army registration will be 18, and the retirement age will be raised to 62.

The National Intelligence and Security Agency (NISA) will maintain special armed agents until the current security conditions improve.

Federal member states, which currently operate their own intelligence agencies and armed agents, will discontinue these agencies once stability is achieved.

Additionally, the agreement calls for a custodial corps of 5,300 personnel, including 4,500 federal and 800 correctional officers.

Puntland’s position and upcoming operations

The leaders of the Puntland semi-autonomous region were absent from the recent meeting in Baidoa.

In January, these leaders expressed their intention to manage their own affairs akin to an “independent government” until the completion of the federal constitution.

As the Somali government moves forward with its new security plans, President Hassan Sheikh Mohamud recently attended the graduation of newly trained soldiers in Uganda.

In January, National Security Advisor Hussein Sheikh-Ali confirmed that the Somali government is currently training 3,000 soldiers in Uganda, with plans for troops from neighboring countries to join the upcoming military operations against al-Shabab.

Gutale revealed that an extensive offensive is set to begin during the Islamic holy month of Ramadan, commencing this Wednesday, expressing optimism for a significant victory by Somali forces.

“God willing, we hope Somali forces will achieve [a] big victory,” he stated.

Opinion: Why Somalia should reconsider bid to join EAC

More than a decade ago, Somalia unsuccessfully tried to join the East African Community.

Paradoxically, in the intervening years South Sudan and the DRC — countries that also have raging conflicts in them — joined the body in 2016 and 2022 respectively.

This is due to a number of factors, including the country’s longstanding political instability, terrorism, and general incompatibility with the EAC model.

For starters, Somalia has been plagued by political instability for more than three decades, making it difficult for the country to meet the EAC’s membership criteria.

Second, terrorism is a major concern, with al Shabaab and other extremist groups posing a threat to regional security and stability. Third, Somalia’s governance structures has been cited to “not fit the EAC model,” which it has been dully informed, are based on democratic principles, the rule of law, and market-oriented economic policies. Qualities which it honestly needs — desperately!

On the last week of January 2023, EAC’s Secretary General Peter Mathuki officially launched the verification mission to assess the country’s readiness to join the community.

During the official launch, Mathuki said a report would be presented to the heads of state summit, which was expected to take place in a month.

“The verification team is set to make findings relating to the institutional frameworks in place, legal frameworks, policies, strategies, projects and programmes, areas of cooperation with other EAC partner states and expectations from the membership,” Mathuki said. 

This was comforting to Somalia President Hassan Sheikh Mohamud, who on his part urged the EAC to expedite his country’s admission.

The President said Somalia’s admission to the community has been a long-awaited dream for the Somali people and government, urging Mathuki, to expedite the admission so that his country can be admitted to be EAC’s eighth member.

In reading and analyzing the region’s media coverage on this, I could not help but notice an article published by the Daily Nation, Kenya’s biggest newspaper and the most widely read in the East African region.

The writer, Gitau Warigi, says what I assume every policymaker probably thinks of Somalia’s admission to the EAC but wont say out loud.

Warigi writes: “Somalia is considered problematic in its current form…. It’s unstable, with no functioning institutions and with the worst terrorist problem in the region — that of al Shabaab. In this view, Somalia is a basket case that will bring nothing to the EAC except agony.”

The columnist also reminds his readers that the EAC did not ‘defer’ as was then said regarding Somalia’s request to join in 2012 but rather utter rejection. He makes an important note on the country’s incompatibility with the common law system in place across many member states as laid down by colonial Britain.

He also puts heavy emphasis on the lack of a complete constitution, arguing it has a provisional one and appears to be indecisive on where the capital should be.

He goes a step further to say: “Though Somalia is geographically in East Africa, it does not have much in common with its EAC neighbours. It doesn’t meet the fundamental legal requirements of the EAC Treaty. Aside from lacking a constitution, its territorial integrity is fluid. That is fatal.”

He adds: “And in a continent where religion matters, Somalia’s EAC inclusion would make it the only wholly Muslim member. Within EAC countries, Muslims are in the minority.”

This comprehensive piece degenerates real quick and talks of Somalia’s citizenship law, which he says offers citizenship to “all Cushitic people in the Horn of Africa such as the Oromo and Borana, and not just to Somali speakers.”

This couldn’t be further from the truth as Somali citizenship is strictly given to only those whose fathers are ethnic Somalis as the community has been patrilineal since time immemorial.

Warigi further speaks of Kenya and Ethiopia’s unease with Somalia’s malleable position on granting citizenship to anybody who is a Somali as both countries have significant Somali populations and their past hostilities over her irredentism.

Towards this he says,“A disconcerting number in the cabinet (Somalia’s) are Somalis from Ethiopia, which has bred suspicion from that neighbour”. The ‘Ethiopians’ include Prime Minister Hamza Barre, who comes from the same Shilabo region his late namesake and third president of Somalia, Siad Barre, was born.”

At this point, I cannot help but question why would a proponent of a prosperous EAC be alarmed by citizens of one nation making to the leadership in an another? Isn’t that good for regionalism?

But no! That is not his concern because of the aforementioned ills of the country were just setting the stage for his main issue as a Kenyan because, in his own words “Kenya harbours resentment over their maritime feuds. EAC members have their border issues. Kenya’s dispute with Uganda over Migingo. Ordinarily, though, such spats tend to be sorted out internally. However, Somalia has never hesitated to internationalise her quarrels. She was quick to take Kenya to the International Court of Justice over their Indian Ocean row.”

He then disingenuously ends his piece with the problem of terrorism as the ultimate deal breaker for Somalia’s ascent to the EAC.

One may wonder why I gave this much airtime to an opinion column, although that is a valid thought to have. His piece brings forth many issues I believe top EAC bureaucrats as well as the region’s lay people view the Horn of Africa nation Somalis call home, with the same if not worse lens.

It is important to note that DRC joined the community with tense relations and ever increasing confrontations with Rwanda (another member state). I cannot help but think to myself why is it easy for them and not Somalia to join. Your guess is as good as mine and Warigi’s article is a good starting point.

Instead of Somalia trying hard to join a body that has rejected its application already and with considerable hindrances in place, I would suggest one remedy: Increased integration with the Horn of Africa region and special agreements with individual EAC member states. This, in my opinion, can be achieved in the following ways.

On is focusing on political Stability: Somalia’s political history has been turbulent, with decades of civil war, piracy, and terrorism. However, the country has made strides toward political stability in recent years, which may be jeopardized by the uncertainty of joining the EAC. A more viable option for Somalia’s future is to focus on integration with its immediate neighbours, who have relatively stable political systems.

Second is tackling common regional problems such as terrorism, poverty, and environmental degradation. Constituent countries can address these challenges collectively by pooling resources and expertise to find lasting regional solutions.

Inclusion of Somalia in such efforts will be much easier, if it focuses on integration with its immediate neighbors.

Third is seeking natural trade and economic partnerships. Somalia’s proximity to neighboring nations in the horn of Africa such as Djibouti, Ethiopia, Eritrea and Kenya, means there is a natural opportunity for economic partnerships and trade.

These nations already have established trade agreements and economic integration, making Somalia’s inclusion in these agreements easier than trying to join EAC from scratch.

Fourth is exploiting cultural and historical ties. Somalia shares considerable cultural and historical ties with its neighbors in the horn. These nations practice the same religion and some similar cultural practices, making integration seamless. This cultural integration is not as apparent with the EAC, which poses a stark culture clash and makes integration much harder.

Finally, focusing on integration with its neighbours in the Horn of Africa would be far more beneficial. These nations’ shared history, culture, and natural resources make integration  more feasible, allowing Somalia to contribute to and benefit from collective efforts to address the region’s common challenges.

Zakaria Deeq is a journalist and trainee diplomat who focuses on international relations, conflict, security and statehood. 

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka…

0

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay ciidamadaan dhameystay tababarka, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Cutubyadaan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen.

Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul-istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen.

Sidoo kale ciidankaan soo dhameystay tababarka waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda taageerada naf hurnimada leh oo ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, intii uu ku guda jiray khudbadiisa wuxuu dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay tababarka ciidankaan.

Hoos ka daawo

Dagaal lagu dilay masuuliyiin, saraakiil iyo askar oo ka dhacay degmada Deyniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Deyniile waxay sheegayaan in dagaal culus uu caawa ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare dhimasho ah iyo dhaawacyo soo gaaray saraakiil sare.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile iyo saraakiil ciidan ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas, halka ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Ciidanka dagaalamaya waxaa kala hogaaminayey masuuliyiinta amniga ee degmada Deyniile iyo sarkaal wata ciidan abaabulan oo deegaanka ah.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Deyniile, ciidamada dagaalamay waxaa kala hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Maxamed Madoobe oo la sheegay inuu yahay Taliyaha amniga degmada Deeyniile.

Sidoo kale garabka kale waxaa hoggaaminaya nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Ajuuke oo wata ciidan deegaanka ah oo ka amar qaata, ninkaas waxaa la sheegay inuu yahay horjoogaha dhowr Kaam oo dad barakacayaal ah ay ku nool yihiin, kuwaas oo ku yaalla Deyniile.

Sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Deyniile, dagaalka waxaa ku geeriyooday taliye ku xigeenkii amniga ee degmadaas, waxaana ku dhaawacmay saraakiil magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iidle iyo Nin magaciisa  lagu soo koobay Fuusto Fuusto.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira guddoomiyihii waaxda Ciise-Cabdi ee degmada Dayniile Axmed Bacool iyo Cabdiraxmaan Ajuuke oo ka mid ahaa dhinacyadii hoggaaminayey ciidanka dagaalamay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin waxa sababay dagaalka ka dhex qarxay laamaha ammaanka degmada Deyniile iyo ciidanka kale oo la sheegay inay u abaabulan yihiin qaab deegaan.

Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha kale ee amniga weli war kama soo saarin isku dhacaan sababay khasaaraha culus, waxaana caawa degmada Deyniile ka jirta xaalad jaho wareer ah.

Heshiis cusub: DF iyo dowlad goboleedyada oo soo saaray bayaan 11 qodob ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland lagu soo gaba-gabeeyay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya iyo wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo agaasimaha guud ee warfaafinta gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shirkaan oo socday laba maalin agaasimayaasha guud ee warfaafinta, agaasime waxeedyo iyo la-taliyayaal.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan oo ka kooban 11 qoddob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isku raaceen in la ballaariyo goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labada heer, “iyada oo la xaqiijinayo ka wada-shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.”

Masuuliyiinta uu shirka wada-tashi u socday ayaa sidoo kale waxay isla qaateen mideynta howlaha hortabinta u leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska warfaafinta gobolka Banaadir.

“Shirka waxaa kasoo baxay dukuminti mideysan oo ka turjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hanaanka loo wajahayo caqabadaha iyo fursadaha jira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan.

Masuuliyiinta wasaaradaha ayaa isla qiray baahida loo qabo xilligaan in si deg deg ah looga wada-shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa laga xoreyn doono, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanadaasi ay kooxdu ka talineysay in ka badan 15 sano.

“Iyada oo laga duulaayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deegaanadii laga xoreeyay, masuuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg deg ah looga hawl-galo goobahaasi lagana fuliyo barnaamijyo warbaahineed oo la xiriirta wacyi-gelinta dadaalada xasillinta.”

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee warbaahinta iyo wacyi-gelinta, sidaas darteedna waxay ugu baaqeen hay’addaha kale ee dowladda labadeed heer iyo deeq bixiyaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:
Kismaayo 18–19 March, 2023: Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023.

Waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimayaasha guud ee wasaradaha warfaafinta, Agaasime Waaxeedyo iyo lataliyaal.

Shirka wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay:

  1. Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin.
  2. Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023
  3. Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta.
  4. Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay:
1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas’uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer.

2- Mas’uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.

3- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen.

4- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri.

5- Mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

6- Mas’uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir.

7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira.

8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta.

9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka.

10- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay’adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.

11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay.

-Dhammaad-
SAXIIXAYAASHA:
1- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska JFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Hirshabeele Mudane, Aadan Bare Maxamed Muuse.
3- Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur-Galbeed. Mudane, Cabdifataax Cali Yuusuf.
4- Wasiirka Warfaafinta, Hanuuninta Dadweynaha iyo Dalxiiska Jubaland. Mudane, Suleyman Maxamed Maxamud.
5- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Galmudug. Mudane, Abshir Cabdi Shiikhoow.
6- Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir Mudane, Hassan Ali Abdirahman (Wiish).

Historic win: Norway elects first Somali deputy leader

OSLO, Norway (Caasimada Online) – In a groundbreaking moment for Norwegian politics, Marian Hussein, a Somali-born refugee, was elected as the deputy leader of the Socialist Left Party (SV), defeating the pre-vote favorite, Lars Haltbrekken, during the party’s national convention.  

Hussein garnered 114 votes, while Haltbrekken received 101. 

The triumph came as a pleasant surprise for Hussein, who had modest expectations. In an interview with NRK, she expressed her gratitude, saying, “It’s overwhelming.  

It’s an enormous trust that I’m excited to manage on behalf of the community.” 

Hussein’s journey to leadership

Hussein arrived in Norway as a 10-year-old refugee from Somalia. Before entering politics, she worked in the healthcare sector and at the Norwegian Labour and Welfare Administration (NAV).  

Elected to the Parliament in 2021, she represents Oslo and serves as SV’s spokesperson for health policies. 

During the convention, Hussein emphasized her healthcare sector experience and minority background. She stated, “In politics, there are not many who look like me or have lived a life like mine.” 

Inspiring the multicultural youth

As a 36-year-old healthcare policy advocate with a background in nursing, Hussein’s presence in the party’s leadership is expected to boost diversity. She is the first Norwegian MP of African descent and the first to wear a hijab.

Hussein hopes her ascent in politics will inspire and motivate young people from diverse backgrounds to participate in Norway’s democracy. 

She asserts, “I think it will encourage more people to join our democracy and remember that Norway is a democracy that works, and we all must participate, both in elections and by organizing ourselves.” 

A new chapter for SV 

Kirsti Bergstø, a 41-year-old social policy advocate from Nesseby, Øst-Finnmark, was also elected as the new party leader during the convention.  

She succeeds Audun Lysbakken, who held the position for eleven years. 

Bergstø emphasized her commitment to change in her speech, saying, “I will do everything I can to ensure the change that people need in their lives now.”  

Despite the lack of a dedicated climate policy specialist in the new leadership trio, she also expressed confidence in the party’s continued commitment to a green and just transition. 

A tale of two candidates

Lars Haltbrekken, the 52-year-old former leader of both the Nature and Youth and the Norwegian Society for the Conservation of Nature organizations, highlighted his long-standing commitment to climate and environmental issues during the convention.  

He stressed the importance of renewable energy, nature conservation, and indigenous rights while firmly opposing human rights violations. 

Despite losing the deputy leadership election, Haltbrekken’s experience and dedication to environmental issues will continue to be an asset to the party. 

Looking ahead 

The newly-elected leadership faces the challenge of the upcoming local elections. Bergstø is determined to start the “real work” of securing red and green majorities across Norway. 

As the Socialist Left Party enters a new era with a diverse and determined leadership, the future of Norwegian politics can gain from the inclusion and representation of different voices and perspectives.

Sawirro: Xildhibaano BF ka tirsan oo maanta gaaray magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdiga uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ayaa ka kooban xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood.

Masuuliyiintan ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaladaasi oo in ka badan bil uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Garaadada ku sugan Laascaanood ayaa wafdigan ka kooban xildhibaanada labada Aqal warbixin ka siiyay xaaladda guud ee magaalada, ayada oo masuuliyiinta ay indhahooda kusoo arkeen baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Wafdiga ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay goobihii ku burburay dagaalka socda oo ay kamid yihiin goobo caafimaad, dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo madaafiicdu ku dhaceen.

Burburka xooggan ee soo gaaray dhismayaasha Laascaanood ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeyso Somaliland, oo la sheegay in ciidamadeedu ay magaalada ku garaaceen madaafiic aan loo meel dayin, taasi oo sidoo kale sii badisay khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Booqashada mudanayaasha ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedeaalka ayaa kusoo aadeysa, xilli uu maanta degan yahay jawiga magaalada, ayada oo shalay dagaal xooggan aagga xerada Goojacadde ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor-fadhiya duleedka magaalada Laascaanood, waxaana guul-dareystay dadaallo dhowr ah oo la rabay in xal looga gaaro xiisadda taagan kadib markii ay labada dhinac ku xireen shuruudo adag oo god kusii ridaya in waqti dhow uu wada-hadal furmo.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.

Sawirro: Wafdigii DF oo la kulmay madaxa Puntland iyo arrimo ‘la isla meel dhigay’

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdigii heer federaal ah ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal xooggan uu ka socdo in ka badan bil.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ka barakacay dagaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagax dhigo xarunta howl-galada gurmadka deg-dega ah, taasi oo shaqadeedu tahay la-taaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda gargaarka dowlad-goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Macalin iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu daaran yahay sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen kumanaanka ku barakacay dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

SODMA ayaa dhowr jeer diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood, ayada oo garab istaag u muujisay bulshada uu saameeyay dagaalkaasi.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200, 000 oo qof.

Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha dagaalkii shalay markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ah ee SSC.

Dagaalka oo ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan soddan qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Garaad Cabdisalaan Xasan oo kamid ah gaaradada ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in dagaalkii shalay ay 30 qof dhankooda kaga dhinteen.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in 60 qof oo kale ay kaga dhaawacmeen dagaalkii shalay oo kaliya, taasi oo muujineysa baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalka bil ka badan ka socda magaalada Laascaanood.

“Waa tirakoobnay khasaaraha oo dhimashadu waa 30, dhaawacuna waa illaa 60 qof oo inkasta oo uu kala culus yahay. In badan waa la qaaday, in kale oo hadeer iyo berri la qaadayaana way jiraan,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay garaadku “Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho iyo meeshii kale ee wax lagaga qaban karaba waa la gaynayaa dadka dhaawaca ah.”

Dagaalka shalay oo socday muddo siddeed saacadood iyo ka badan ayaa waxay labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay sheegeen in ay ku qabsadeen maxaabiis, baabuur iyo hub kala duwan.

Soomaliland weli si rasmi ah ugama hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, ayada oo maamulka Puntland ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa dagaalkii shalay, inkasta oo arrintaasi beeniyeen isimida ku sugan Laascaanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is hor-fadhiyaan labada ciidan, islamarkaana suurtagal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.

Daawo: La-taliyihii Farmaajo ee doorashada oo dalab u diray dadka reer Jubaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo ayaa si adag uga hor yimid mudo kororsiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo dalbaday in doorasho deg deg laga qabto Jubbaland.

“Reer Jubbaland iyo guud ahaan Soomaali waxaan leeyahay waxaa la joogaa xiligii aad ka xoroobi laheydeen dhibaatooyinka maamul ee idin heysta,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maamulkii Jubbaland uu ku uruuray Kismaayo, taasi oo kaliftay in dhulkii kale ee maamulkaas uu gacanta u galay kooxda Al-Shabaab, isagoo dadka reer Jubbaland ka dalbaday inay u istaagaan dhismaha maamul cusub iyo inay iska xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Raage ayaa sheegay inuu ogyahay in dadku ay is weydiinayaan sababta uu u diidayo mudo kororsiga Axmed Madoobe, isagoo taageersanaa mudo kororsigii Farmaajo.

Balse wuxuu ku dooday in qalad aan qalad lagu sixi karin, “Anigu muddo ayaanba soo moogahay wixii hore, laakiin hadda qofkii ka tirsan nidaamka Axmed Madoobe ee ka soo baxa waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri la-taliyihii dhanka doorashooyinka ee Farmaajo.

Bisha soo socota ee Abriil ayuu sheegay in lagu balansanaa in la bilaabo doorashada baarlamaanka Jubbaland, “Markii aan eegay sida ay wax u socdaan, waxaaba ka dhab ah maamulka Kismaayo muddo kororsiga aan meelaha ka maqleyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdi Cali Raage waxaa horay loogu diiday inuu kursi baarlamaan ka soo qaato Kismaayo, xilli uu ahaa la-taliyihii arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo.

Ninkaan oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu dalbanayey doorasho ka madax-banaan Axmed Madoobe oo deg deg uga dhacda Jubbaland.

Hoos ka daawo

 

Burundian bloodshed: Al-Shabab reveals bomber’s identity

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Somali-based Islamist extremist group, has on Sunday revealed the identity of the suicide bomber behind the devastating attack on March 7 in the Janay Abdalla area of the Lower Jubba region. 

The targeted camp housed the Somalia National Army and forces of the Jubaland Administration, one of Somalia’s five federal member states. 

The revelation comes as Somali forces continue to engage in a fierce conflict against the militants who have waged a brutal insurgency for approximately 15 years.

The suicide bomber’s background  

The group identified the suicide bomber as Dnayizeye Isack Khalid, also known as Showkani. 

Al-Shabab released a video of Khalid before the attack, showing him driving a truck loaded with explosives. In the recording, he claimed to be a Burundian national and a member of the Hutu tribe. 

Born in 1992, Khalid allegedly spent seven years in Somalia before carrying out the attack.

In their propaganda, Al-Shabab frequently emphasizes the involvement of foreign fighters, asserting they fight to liberate the Somali people from foreign military intervention. 

Al-Shabab took responsibility for the base attack, claiming the death of 89 soldiers – a figure yet to be independently verified. 

Abdulaziz Abu Mus’ab, the group’s military affairs spokesperson, informed Al-Shabab media that militants had seized 20 vehicles from government forces. 

He also mentioned that al-Shabab ambushed government reinforcements sent from Yontoy and Bar Sanguni bases east of Janaa Abdalle.

Somali government counters claim

Somali officials argue that they successfully “repulsed” the al-Shabab attack. 

Mohamud Sayid Aden, the deputy president of Jubaland state, told VOA Somali that Al-Shabab militants used explosives and armed fighters to assault Janay Abdalle, 60 kilometers west of Kismayo. 

“This morning, the Khawarij (deviants) attacked Janaa Abdalle base, a strategic base captured from them before,” he said at the time, adding that Somali troops successfully defended the base despite the use of explosives and suicide bombing.

Aden honored the fallen soldiers, stating, “Brave men are among the dead, and as opined in a fatwa (ruling) by the religious scholars, they will be in paradise.” 

He also disputed al-Shabab’s claims of high casualty figures among regional and federal forces.

Ongoing efforts against Al-Shabab

In January, Somali forces recaptured Janay Abdalla from militants as part of an intensified government campaign against them in which the president called “an all-out war.”

In recent months, the Somali army and local militias called “Macawisley” have recovered vast territories in the central Galmudug and HirShabelle states. This operation received support from US airstrikes.

Hussein Sheikh-Ali, the government’s national security adviser, revealed plans for a second phase of military operations involving extra troops from the three countries bordering Somalia: Djibouti, Ethiopia, and Kenya. 

Although driven out of Mogadishu and other major urban centers over a decade ago, Al-Shabab maintains a stronghold in rural central and southern Somalia. 

Additionally, despite the advances made by pro-government forces, militants continue to demonstrate their ability to strike back with deadly force against both civilian and military targets.

Last year, after the offensive launched, Al-Shabab executed its deadliest attack when two car bombs exploded at the education ministry in Mogadishu, killing 121 people in October. 

The incident was a stark reminder of the group’s resilience and capacity to launch high-casualty attacks despite losing ground to pro-government forces.

Sawirro: NISA oo dabaal-dag nooc cusub ah ka dhigtay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad taageero iyo soo dhaweyn loogu muujinayay sharciga cusub ee hay’adda Sirdoonkan iyo Nabad-gelyada Qaranka (NISA).

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiiro, xildhibaano, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee kasoo qeyb-gashay munaasabadan ayaa ku amaanay hay’addihii kala duwanaa ee dowladda ee meel-mariyay sharciga NISA oo si rasmi ah dhaqan-gal u noqday.

Sidoo kale waxay tilmaameen muhiimada uu sharcigan u leeyahay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, iyaga oo taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ku bogaadiyay arrintaan.

Sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa waxaa dhawaan ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare, kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 8-dii bishan saxiixay sharcigaan oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.

Si kastaba, hay’adda NISA ayaa 53 sano kadib yeelatay sharci soo maray marxalado kala duwan, waxaana la filayaa inuu soo afjari doono tacadiyadii maxaabiista ay xirto iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’adda.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo dalka ninkii isku qarxiyey Janaay Cabdalla

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii xooganaa ee todobadii bishan March lagu qaaday xero ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca nin ajnabi ah oo fuliyay qaraxii koowaad ee ismiidaaminta ee lagu bilaabay weerarkaas oo dhacay subax aroor hore ah, kaas oo sababay khasaare lixaadleh oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray.

Magaca ninkan ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Dnayizeye Isxaaq Khaalid, kaas oo loo yaqaanay Showkaani, sida uu ku sheegay muuqaal dardaaran ah oo laga duubay kahor weerarkaasi.

Ninkan oo waday gaari xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa wareysiga laga sii duubay oo ay haatan sii baahisay kooxda ku sheegay inuu u dhashay dalka Burundi oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhalasho ahaan uu kasoo jeedo Qowmiyadda Huutiga ee degtay dalka Burundi, isaga oo sheegay inuu muddo dheer joogay Soomaaliya.

Weerkii Janaay Cabdalle oo kamid noqday weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa sidoo kale waxay kooxda Al-Shabaab ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal oo tiro badan.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka.