28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xeero ku taalla Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada, kadibna ay dishay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Baardheere.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay kamid ah guddoomiyaha Gedo, Axmed Buulle Gareed.

Daawo: Siyaasiyiinta ugu culus beesha Axmed Madobe oo dhisay isbaheysi ka dhan ah

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay kulan looga tashanayey aayaha Jubbaland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin miisaan leh oo ku heyb ah Maadxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulan kadib siyaasiyiinta ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna dalbadeen doorasho ka madax-banaan Axmed Madoobe ay deg deg Jubbaland uga dhacdo, iyagoo cod dheer ku sheegay in la joogo waqtigii is bedelka oo Axmed Madoobe uu xukunka wareeji lahaa.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdulaahi Oomaar, wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdullahi Ciilmooge, Sheekh Shakuul, Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyihii hore ee Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa ka qeyb galay shirkaas ka dhacay Nairobi.

Ugu horeyn Sheekh Shakuul ayaa yiri, “Waqtigii waa dheeraaday Axmedow, 12 sano ayaad reer Jubbaland hor taagneyd, waa laguu sabray, marka saaxiibkey Axmed Madoobe waxaan kula talinayaa in si sharaf leh uu xilka ku wareejiyo.”

Gabagabadii shirkaas waxaa laga soo saaray bayaan dhowr qodob ah oo diiradda lagu saaray doorashada Jubbaland iyo amniga deegaanada maamulkaas oo qeybo badan ay Al-Shabaab ka joogaan.

Ergada shirkaas ka qeyb gashay waxay hoosta ka xariiqeen in doorashooyinka Jubaland oo dib u dhaca iyo awood sheegada Axmed Madoobe ay sababtay khilaaf aan ka dhamaan Jubbaland.

“Waxaan si adag uga digeynaa in maamulka Kismaayo ka jira uu kororsado mudo xileedkiisa, taasi hadii ay dhacdo waxaa masuuliyadda cawaaqibkii ka dhasha qaadanaya Axmed Madoobe,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankii ka soo baxay shirkii Nairobi.

Xubnahaan ayaa codsaday in bisha Agoosto ee sanadkaan inta aana la gaarin la guda galo doorashada Jubbaland, “Waa in xildhibaanada lasoo xulo inta aan la gaarin bisha shanaad ee sanadkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan muddo xileedkiisa ku darsaday muddo hal sano ah, taas oo ka dhigay in waqtigu uu ka dhamaanayo bisha Agoosto ee sanadka 2024-ka, halka siyaasiyiintaan ay doonayaan in bisha Agoosto ee sanadkaan la qabto doorashada Jubbaland.

Hoos ka daawo

Daawo: Gaari xamuul ah oo ku qarxay Suuq Bacaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoogan oo khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta ka kacay gudaha Suuq Bucaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dabka oo baabi’iyay goobo ganacsi, wuxuuna ka dhashay gaari TM-ah oo siday shidaal, kaas oo ku qarxay laanta Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Gaariga ayaa gebi ahaan ku basbeelay goobta, waxaana dabka uu ku fiday goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

“Baabuurka waa rarnaa shidaal ayuu waday, waxaana qarxay shidaalka kadib wuxuu qabsaday booyado shidaal oo ku jiray baqaar ganacsi oo meesha ka furnaa”, ayey tiri hooyo kamid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkan ku gubtay laba baqaar oo ay lahayeen ganacsato, makiinada lagu shiido xabad Soodada, waxaana sidoo kale gubtay gaariga.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo ku guuleystay inay mar dambe damiyaan dabkaasi, sida ay Shabelle TV u sheegtay hooyada ka midka ah ganacsatada ku dhaqan suuqaasi.

“Muddo saacad iyo bar ka badan wuu socday dabka basiinka ayaa bar loo damiyo la waayey ALXM hadda ilaahbaa damiyay, khasaare nafeedna ma arkin” ayey sii raacisay .

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn dalka, balse dabkan waa midkii ugu yaraa ee ka kaco inta la ogyahay taarikhda.

Inta badan ma’ahan wax cusub in dab uu ka kaco qaar kamid ah suuqyada magaalada Muqdisho, dhowr jeer oo hore ayay siddan oo kale u dhacday gubasho, waxaana sabab u ah waxa la isku ag gado sida baasiinka, dabka iyo wax yaabaha kale ee khatarta ah.

PUTIN oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay maanta wariyeen warbaahinta dalkaasi.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Putin uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer ay go’doomiyeen bilowgii weerarka Moscow ee Ukraine.

Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur.

Goobo dhowr ah ayuu booqday oo uu la hadlay dadka deegaanka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan dib u dhiska magaalada.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Jimcihii ku dhowaaqday inay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo iyana loo haysto eedyemo lamid ah kuwa Putin.

Ruushka xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.

“Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay soo saartay waaran lagu soo xirayo laba qof oo la xiriirta xaaladda Ukraine: Mr Vladimir Vladimirovich Putin iyo Ms Maria Alekseyevna Lvova-Belova,” ayay ICC ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Mr Putin uu qaadayo mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee dambiyada aan xusnay,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka ICC.

ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Putin ayaa la tuhunsan yahay inuu si toos ah mas’uul uga ahaa ficilladan iyo “inuu ku guul dareystay inuu si sax ah uga xakameeyo dadka rayidka ah iyo kuwa milatariga ah ee ka hooseeya dambiyada ay gaysteen ama oggolaaday inay gaystaan.”

Moscow ayaa ku gacan sayrtay go’aanada ICC, kuna tilmaamtay “inaysan wax macno ah la hayn.”

“Go’aanada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) wax macno ah kama lahan dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego dhanka sharciga,” waxaa sidaas tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova.

Xamza oo kulankii u horeeyay la yeeshay safiirka cusub ee Itoobiya, kala hadlay arrin…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Waare ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka Xamze iyo Waare ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo Itoobiya ay qeyb ka tahay howl-gallo wada-jir ah oo dhawaan bilaaban doona.

Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa dhawaan waxaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub.

Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Waare ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sidoo kale waxa uu uga mahad-celiyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, islamarkaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wada-hadallo gaar ah.

Si kastaba, Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Somaliland oo lagu eedeeyay inay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka L/Caanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Waxgaradka SSC ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dishay maxaabiis ay shalay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka Laascaanood.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaasi ay soo bandhigi doonaan, isla-markaana ay xogta rasmiga ah la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhankooda ay hayaan maxaabiis ciidan oo ay ka qabsadeen Somaliland, balse ay ula dhaqmaan si wanaagsan.

Dhanka kae ma jir wax jawaab ah oo eedeyntan ka bixisay xukuumadda Somaliland ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan xaaladda maxaabiista.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale ku warramaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is horfdhiyaan labada ciidan, isla-markaana suuragal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi.

Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.

Sawirro: Booliska Xamar oo soo bandhigay tiradii ugu badneed oo ciyaal-weero ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgal ku soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado.

Kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka.

“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Waa tiradii ugu badneed oo ciyaal-weero ooh al mar lagu soo qabto howlgal, sida lagu cadeeyey qoraalkaan, sidoo kale wuxuu boolisku soo bandhigay sawirrada kooxdaas gacanta lagu soo dhigay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa qaati ka taagan ciyaal-weero dhac iyo dilal u geysata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay bilowday howlgallo culus oo kooxahaas ka dhan ah.

Baacsiga ay dowladdu ku heyso ciyaal-weerada waxaa u dheer kan ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab, maalmihii iyo habeenadii lasoo dhaafay Al-Shabaab waxay sheegteen dilka tiro ciyaal-weero ah.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab waxay beegsi ku bilowday ragga ka ganacsada ama isticmaala maan-dooriyaha, taasi waxay cebsi badan oo dowladda aysan ka qabin ay ku abuurtay ceel-weerada iyo kuwa loogu yeero ‘cabtoyda.’

Nin dilay xaaskiisa iyo mid kale oo lagu toogtay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo horay dilal uga geysatay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa saaka aroortii hore ka dhacday cara tuurka oo ah waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tagay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.

Labada marxuum ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo ay horay dil ugu xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu  ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.

Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

Halisaha aan la ogeyn ee ku gadaaman sharciga cusub ee la-dagaalanka argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharciga dhawaan la-meel mariyay ee la-dagaalanka argagixisada ayaa sare u qaaday walaacyada ku aadan in loo isticmaalo siyaabo sharciga hareer marsan, xadgudubyo siyaasadeed iyo gabood fallo xuquuqda aadanaha ah.

Inkastoo inta badan loo meel mariyo loona dhaqan geliyo sharciyada la-dagaalanka argigixisada si looga hortago falalka argagixisanimo, loona ilaaliyo amniga muwaadiniinta, haddana waxaa jira welwel laga qabo in sharcigii dhawaan la ansixiyay ee la-dagaalanka argigixisada ee Soomaaliya uu horseedo ugaarsi siyaasadeed.

Mid ka mid ah welwelka aasaasiga ah ee sharciyada la-dagaalanka argagixisada ayaa ah in loo adeegsan karo caburinta mucaaradka siyaasadeed, suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqda aadanaha.

Walaaca ay qabaan dadka u dooda xuquuqul insaanka, ayaa ah in dowladdu ay u adeegsan karto qodobo kamid ah sharciga oo aanan si cad loo qeexin, kuwaasi oo dowladda ay u sameyn karto qeexidda ay doonto kadibna ku dabaqi karto beegsiga shakhsiyaadka ama kooxaha ku hawlan mudaaharaadyada nabadeed ama noocyada kale ee ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed.

Tani waxay abuuri kartaa saameyn togan oo ku saabsan xoriyatul qawlka iyo xoriyada madaniga ah, iyadoo laga yaabo inay dadku ka baqaan inay hadlaan iyagoo ka baqaya in lagu tilmaamo argagixiso ama laga qaado talaabooyin loo cuksan karo sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Walaaca kale ee ay dad badan qabaan ayaa ah in sharciyada la-dagaalanka argigixisada loo isticmaali karo in lagu gaysto xadgudubyada xuquuqul insaanka, sida, jirdil, xarig aan loo meel dayin, iyo dilal sharci darro ah ama qarsoodi ah, kuwaas oo dhammaantood la hoos-gelinayo eedeymo argagixiso oo la siyaasadeeyey.

Marka ay dhacaan falal noocaasi ah, dawladdu waxay ku doodi kartaa in tallaabooyinkan ay lagama maarmaan u yihiin la-dagaallanka argagixisada, laakiin dhab ahaantii, waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo in lagu aamusiyo mucaaradka siyaasadeed ama lagu bartilmaameedsado kooxo gaar ah, iyado loo eegayo fikradahooda siyaasadeed ama sifooyin kale oo dowladu ay u arki karto kuwo iyada ka dhan ah ama keenaya caqabado siyaasadeed.

Marka taas la eego, dawladdu waxay u adeegsan kartaa shuruucdan inay ku beegsato xisbiyada mucaaradka ah ama shakhsiyaadka dhaliila maamulka talada haya. Taasi waxay horseedi kartaa burbur ku yimaada hay’adaha dimoqraadiga ah iyo inay meesha ka baxdo ku dhaqanka sharciga.

Guud ahaan, iyadoo sharciyada la-dagaalanka argagixisadu ay noqon karaan aalado muhiim ah oo looga hortagayo falalka argagixisanimada, waxaa haddana la iska indha tiri karin walaaca laga qabo in ay dhaqan galintoodu ay horseedaan ugaarsi siyaasadeed. 

Dadka arrintani u dhuun daloola ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dowladuhu ay u adeegsato si isku dheelitiraan ilaalinta amniga qaranka iyo ilaalinta xorriyadda madaniga ah iyo qiyamka dimuqraadiga ah.

Mid ka mid ah siyaabaha walaacan wax looga qaban karo ayaa ah in la xaqiijiuo in qodobada quseeya amniga ay noqdaan kuwa hufan oo lagula xisaabtami karo hay’ada amniga si looga fogaado ku tagri fal ka imaan kara qeexid la’aanta qodobads qaar. Sida ay tilmaamayaan khubarada sharciga, taasi ayaa macneheedu yahay in la helo tilmaamo iyo habraac cad oo loo adeegsado tallaabooyinka amniga, iyo in hab-raacyadani ay noqdaan kuwo si cad ugu tilmaaman sharciga loo adeegsan doono arrimaha amniga. 

Waxa kale oo muhiim ah in la sameeyo habab kormeer iyo dabagal ah si loo hubiyo in tallaabooyinka amniga aan lagu takrifalin, sida ay tilmaamayaan khubarada xaga sharciga ah.

Talaabada kale ee muhiimka ah waa in la hubiyo in kuwa mas’uulka ka ah fulinta tallaabooyinka amniga ay yihiin dad si sax ah loo tababaray oo la baro xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha madaniga ah. 

Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in la hubiyo in tillaabooyinka amniga aan loo isticmaalin qaab ku xad-gudbaya xuquuqahan iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in muwaadiniintu ay ka si wanaagsan u fahmaan xaquuqahooda ku xusan dastuurka waddanka, si ay ugala xisaabtamaan dowladooda habka ay u meel marineyso tallaabooyinka amniga ee sharcigu u ogolyahay. 

Sida ay khubarada tilmaamayaan, muwaadiniinta ayaa ku muujin kara cabashooyinka ay qabaan qaab ay kamid yuhiin qabashada mudaharaadyo dadweyne, gudbinta cabashooyinkooda dhanka baraha bulshada, iyo noocyo kale oo dhaqdhaqaaq nabadeed ah, taasi oo gacan ka gaysan karta xaqiijinta in tillaabooyinka amniga loo isticmaalo, iyado la ilaalinayo xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta.

Haddaba asalka guud ee walalacyada laga muujinayo shuruucda cusub ee amnigu ayaa la xiriirta maadaama uu inta badan awoodo dheeraad ah siiyay hay’adaha amniga sida nabad sugida oo helaya awoodo ay ku baari karaan, ku xiri karaan, ugana soo oogi karaan dacwadaha ay doonaan shakhsiyaadka looga shakiyo ama ay ku eedeeyaan in ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

Marka sharciyadan ay yihiin kuwo si liidata loo qeexay ama aad u ballaaran oo fasiraad jaan go’aan aan laga bixin marka la diyaarinayay ama la meel marinayey, waxaa si khaldan loogu adeegsan karaa in lagu beegsado shaqsiyaad ama kooxo sababo siyaasadeed dartood. 

Tusaale ahaan, sharciyada qeexaya “argagixisada” ama “xagjirnimada” si aan caddayn ayaa loo isticmaali karaa in lagu beegsado dadka ka soo horjeeda siyaasadda dowlada, saxafiyiinta, ama u dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada iyo xuquuqul insaanka kuwaas oo aan dhab ahaantii ku lug lahayn dhaq-dhaqaaqyo rabshado ama khatar ah.

Intaa waxaa dheer, sharciyada ammaanku waxay sidoo kale baabi’in karaan xorriyadda madaniga ah iyo xuquuqda aadanaha haddii ay haystaan ogolaansho xad-dhaaf ah, oo lagu gaysan karo gabood falo ay kamid yihiin xarig aan sabab lahayn, ama noocyo kale oo ka bad-badis loogu soo gambado nidaam dawladeed. 

Gebagabadii, sharciga ayaanan ilaa hadda u muuqan mid ay ku jiraan hababka kormeerka, guddiyada dib u eegista madax-banaan, ama noocyada kale ee isla xisaabtanka si loo hubiyo in awoodahaas loo isticmaalo si habboon oo waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Yuusuf

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

 

Getachew oo loo doortay madaxweynaha Tigray-ga

Mekelle (Caasimada Online) – Golaha dhexe ee TPLF, ayaa waxaa la sheegay in Getachew Redan ay u doorteen inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega doorashadii uu qabtay.

Telefishinka Gobolka Tigray, ayaa sheegay in Getachew Reda ay kooxda TPLF u dooratay inuu noqdo madaxweynaha maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Tigrayga.

Sida ku cad heshiiskii ay dawlada dhexe iyo kooxda TPLF bilo ka hor ku gaadheen magaalada Pretoria, ayaa ahaa in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddaasi, iyadoo lagu go’aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo sameeyo gobolka Tigray.

Ka dib marka la dhiso ay maamulka ku meel gaarka ah ee gobolka, ayaa waxaa ansixin doono dowladda federaalka, sida ku cad heshiiska nabadda ee Pretoria.

Marka la eego matalaada maamulka ku meel gaarka ah, boqolkiiba 30 waxa la siin doonaa TPLF, 25% ciidanka Tigrayga, boqolkiiba 15 waxa la siin doonaa xisbiyada mucaaradka, inta kalena waxa la siin doonaa waxgaradka iyo ururada bulshada.

Waxaa xusid mudan in Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo maalmo ka hor booqasho ku tagay dalka Itoobiya uu la hadlay mas’uuliyiintii ka wada xaajooday heshiiska nabadeed ee Pretoria.

BBC

Shocking Ramadan rules spark outrage in Saudi Arabia

RIYADH, Saudi Arabia (Caasimada Online) – Saudi Arabia Minister of Islamic Affairs, Abdul Latif Al-Sheikh, has released a document outlining ten controversial rules to be observed during the Islamic holy month of Ramadan this year.

Among the regulations are limitations on mosque loudspeakers, surveillance of worshippers seeking seclusion during the last ten days, restrictions on donations, and a ban on filming or broadcasting prayers within mosques.

Specific rules outlined by the ministry

The document stipulates that imams and muezzins may only be absent for extreme necessities and that Tarawih (evening) prayers must not be prolonged.

It also mandates the completion of the tahajjud prayer before the dawn call to prayer, with sufficient time to avoid difficulty for worshippers.

Furthermore, the new rules prohibit using cameras in mosques to photograph imams and worshippers during prayers, as well as any media transmission or broadcasting of the prayers.

Imams are now responsible for authorizing the i’tikaaf (seclusion in the mosque during the last ten days) and obtaining relevant information about those participating.

Additionally, the Ministry has forbidden mosques from collecting financial donations for organizing meals to break the fast. Meals should be prepared and held in designated areas in mosque courtyards under the supervision of the imam and muezzin.

Controversial decisions and international backlash

The new regulations have ignited big controversy, including the limitation on loudspeakers emitting the call to prayer and the complete ban of their usage for prayers and recitations.

Critics argue that these rules, along with the prohibition on bringing children to the mosque for prayers, resemble restrictions imposed by former dictator of Tunisia Zine El Abidine Ben Ali, and the former Soviet Union.

Many Muslims worldwide have expressed outrage, viewing the rules as another attempt by Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman to curtail the influence of Islam in public life.

Critics also note the Saudi government’s promotion of musical concerts and Western artists, which they perceive as a strategy to appeal to international audiences and liberalize the Kingdom’s society.

Ministry spokesman addresses concerns

In a telephone interview with Al-Saudiya, the Ministry’s spokesman, Abdullah Al-Enezi, dismissed the concerns.

He stated that the Ministry does not prohibit breaking the fast in mosques but instead seeks to organize it within the framework of preserving the sanctity and cleanliness of the mosque.

Al-Enezi also addressed the ban on filming and broadcasting prayers, explaining that it aims to protect platforms from exploitation and prevent mistakes, rather than demonstrating mistrust of imams, preachers, or lecturers.

Read more Saudi Arabia News

Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigay cajalad ay ugu hanjabayaan saxaafadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadkan soo bandhigay cajalad dhif iyo naadir ah oo ay ku weerarayaan saxaafadda madaxa banaan, iyaga oo qeybaha kala duwan ee warbaahinta ku tilmaamay kuwa ay soo adeegsadeen wax ay ugu yeereen ‘cadawga islaamka’.

Cajaladda oo lasoo dhigay barta Telegram-ka, laguna baahiyay bogag Facebook oo si aan joogto ahayn kolba hawada loosoo galiyo, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka dambeyso qorshe ay sheegeen in saxaafadda ay ku jalaafaynayso halgankooda. Qaramada Midoobay ayay AS sheegtay in ay tabobaro u fidiso weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Saxafiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu soo qaatay cajaladda, waxaana ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo ku xigeenkiisa Daauud Aways iyo Cabdiraxmaan Al Caddaala, waxaa kale oo ka mid ah weriyeyaal ka tirsan idaacadaha BBC iyo VOA iyo kuwa gudaha.

Cabdinaasir Axmed Bashiir oo ka mid ahaa saxafiyiinta cajaladda lagu weeraray, laguna sheegay in ay Qaramada Midoobay soo tabobartay, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan cajalkan isaga oo dalka dibedda uga maqan, wuxuuna yiri “Kooxdani waxa ay saxaafadda ku weerarayso ma ahan kaliya maxaad u sheegeysaan ficilada foosha xun ee aan dalka ka samaynayno, ee sababta ugu weyn ee ay saxaafadda u weerarayaan ayaa ah in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka xiraan il kasta oo xog, aqoon, ka warqab iyo fahamba ay ka heli karaan, waayo tani waa tiirka koowaad ee lagu taago nidaam kasta oo kaligii talis ah, xukunkana maroorsada. Marka dadka laga xiro isho xogta, waxaa soo baxaysa bulsho dhego xiran oo wixii la doono loo sheegi karo, laga dhaadhicin karo, ayna sahlantahay in la xukumo”.

Cabdinaasir oo hadalka sii watay ayaa sheegay in markii kooxdani ay soo baxday dhawr iyo tobon sano ka hor meeshii ugu horeysey ee ay weerartay ay ahayd saxaafadda iyo shirkadii aflaamta turjumi jirtay ee Alfaghi, iyaga oo fagaaro ku gubey cajalado tiro badan oo aflaam Afka Soomaaliga ku turjumey “Sababta ma ahayn in ay xaaraan u arkaan diin ahaan, ee waxa ay ahayd in aysan doonayn in dadweynaha ay arkaan nooca nolosha ka jirta dunida kale, si ay u sahlanaato in lagu qanciyo in nolosha la bado ay tahay tan ugu fiican” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Bashiir oo kasoo shaqeeyay warbaahinta gudaha sida Goobjoog, Jubbaland TV iyo Radio Kismaayo iyo kuwa caalamiga ah,

Kooxdan ayaa la xusuustaa in ka sokoow in ay laysay saxafiyiin badan ay sidoo kale qaadatay dhammaan qalabkii idaacadaha Horn Afrik iyo kuwa kale, sida warlalisyadii FM-ta , kuwaas oo lagu xoojiyay idaacaddii Andulus ee kooxdani lahayd.

Xeeldheereyaal amni oo kala duwan oo shabakadani la hadlay ayaa sheegay in cajalkan uu yahay digniin iyo hanjabaad isku jirta, uuna muujinayo in ay soo socdaan dilal qorsheysan oo saxaafadda ka dhan ah. 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiraya dalka…

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ee magaalada Kampala, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidanka qaranka Soomaaliya ay si naf hurnimo leh u wajahayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxay dhiiggooda u hurayaan xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo Uganda ku sugan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinka kna tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo la wadaagaya guulaha ay dagaalka Al-Shabaab ka gaareen ciidanka qaranka ee ka dagaalamaya gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliya iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababarkii ay dowladda Uganda siisay u soo xiri doona ciidankaan ka tirsan xoogga dalka, in kastoo aan tiradooda la shaacin, hadana ciidankaas waxay dalka Uganda ku sugnaayeen ugu yaraan 3-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidamada lagu tababaray dalka Uganda, oo aan horey loo ogeyn, ayaa waxaa 1-dii Febraayo shaaca ka qaaday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa xilligaas sheegay in Soomaaliya ay dhowr toddobaad kahor ay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ayaa ciidanka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorsheeyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari.

“Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu yiri la-taliyaha dhinaca amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Somaliland oo digniin kama dambeys ah u dirtay Puntland kadib dagaalkii maanta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale digniin culus u dirtay maamulka Puntland, kadib dagaal xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Puntland ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta, kaasi oo si gaar ah uga dhacay aaagga xerada Goojacadde ee dulkeedka magaalada Laascaanood.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo la hadlay warbaahinta ayaa digniintan u diray maamulka Puntland, oo ku eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta, iyaga oo garab siinayay kooxaha huwanta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa digniin u direyna maamul goboleedka Puntland oo caadeystay marwalba in xadka Jamhuuriyadda Somaliland uu ku gafo oo soo gardareysto. Gacan adag ayaa lagu qaban doona oo Somaliland way ka guuleysan doonta,” ayuu yiri Wasiir Caateeye.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay caalamka ku wargelisay inay diyaar u tahay xal nabadeed iyo in weli ciidamadeeda ay dhowrayaan xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqeen.

“Bulshada caalamka waxaan u sheegayna oo ku wargelinayna inay rabaan maamulka goboleedka Puntland iyo huwanta iswadata in ay jabiyaan xabad joojintii iyo wada-hadalkii ay bulshada caalamka wadeen. Somaliland waxay ku dadaalaysa marwalba inay wado xabad-joojintii.”

Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-goboleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, iyada oo sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda.

Puntland ayaa dhankeeda iska fogeysa eedeymaha uga imaada xukuumadda Somaliland, ayada oo beenisay inay qeyb ka tahay dagaalka magaalada Laascaanood ka socda muddada ka badan halka bil.

Daawo: Xasan Sheekh oo laga dalbaday labo arrin oo la xariira dilkii xildhibaan Aamina

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa codsi u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib kulan uu kala qeyb galay beeshiisa oo Muqdisho lagu qabtay.

Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inuu baaritaan ku bilaabo kiiska dilkii Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay Beledweyne, xilli ay ka socotay doorashadii golaha shacabka.

“Hadii Xildhibaan Aamino aad u heysay wax abaal ah, maadaama ay kula shaqey jirtay, madaxweynow waxaan kaa rabnaa inaad bilowdo baaritaan, si loo ogaado cidii dishay,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan ayaa sheegay in beesha ay ka dhalatay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino ay madaxweynaha ka doonayaan inuu siiyo xuquuqdii ay xisbigiisa ku laheed xildhibaan Aamino.

“Madaxweynow waxaan kaa rabnaa in beeshaan Abti-Same ay kaa hesho in la eg xuquuqda ay heleen siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kula shaqeeya, ma dhiman Aamino ee waa dheeraatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cismaan.

Wuxuu dalbaday in maamuus qaran loo sameeyo Xildhibaan Aamino oo ugu yaraan loogu magac-darro mid ka mid ah xarumaha dowladda, “Madaxweyne Xasanow waxaan ognahay inay ku xanuujisay geerida Aamino, waxaan arkeynay inaad la ilmeysay, maanta adigaa dalka xukumee waxaan kaa rabnaa hiil,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Aamino oo ka tirsaneed xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UDP ayaa la dilay waqti xasaasi ah oo loolan doorasho lagu jiray, waxaana la tuhmayaa inay la mashimay ama la shirqoolay.

Allaha u naxariistee Aamino waxaa aad ugu doodi jirtay kiiska Ikraan Tahliil oo dalka gilgilay, ugu dambeyntiina waxaa ku baxda ayada, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ilaa hadda ma jiro baaritaan natiijo laga gaaray oo lagu sameeyey dilalkii isku ekaa ee loo geystay Xildhibaan Aamino iyo Ikraan Tahliil oo ka horeysay, labada gabdhood ayaa ka soo wada jeeday beesha Gaaljecel.

Hoos ka daawo Sheekh Cismaan

Daawo: Muxuu yahay qorshaha shirka Kismaayo uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ka furmay shirka wada-tashiga ballaarinta Idaacadaha dowlad Federaalka, dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen horumarinta iyo mideynta Idaacadaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhanka fikirka.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys oo faah-faahin ka bixiyay shirkan ayaa waxa uu sheegay in la isla qaatay isku-xirka idaacada dowladda dhexe iyo maamullada, loona xil-saaray arrintaasj guddi qiimeyn ku sameeya.

“Dowladda Fedreaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa waxaa ugu tala-galnay inay diyaar u noqdaan in bulshada ay ka wacyi-galiyaan dhibaatooyinta taagan sida; arrimaha Mukhaadaraadka iyo in farriimo mid ah u gudbiyaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

“Waa shaqo aan filayo in billowgeedii uu guul inoogu soo billowday markii aan billownay shirarka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Waa in aan halkaas kasii ambaqaadno istiraatijiyada wada-shaqeynteena.”

Shirkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee iskugu imaadan wasiirada warfaafinta ee federaalka iyo dowlad-goboleed, ayada oo shirkii u horeeyay uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixinaysay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’addaha heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka daawo

Trump ‘anticipates’ arrest on Tuesday, calls for support

NEW YORK, (Caasimada Online) – Former US President Donald Trump anticipates his arrest on Tuesday, pertaining to hush money allegedly paid to adult film actress Stormy Daniels before the 2016 election.

Trump called upon his supporters to protest through a post on his Truth Social platform.

The investigation revolves around the $130,000 payment made to Daniels, whose legal name is Stephanie Clifford, to prevent her from disclosing an alleged affair with Trump.

Prosecutors are currently deliberating on whether to charge Trump in the case, with widespread speculation suggesting that an indictment is probable.

Should the Manhattan District Attorney indict Trump, the 76-year-old would become the first former president to face criminal charges, which could severely impact his bid to win the Republican nomination for the 2024 presidential election.

Lawyer indicates Trump’s surrender 

On Friday, Trump’s lawyer informed CNBC that the former president would willingly surrender to face criminal charges if indicted by a Manhattan grand jury.

Trump has consistently denied having an affair with Daniels and dismisses the investigation as politically motivated.

Trump accused the Manhattan District Attorney’s office of corruption and political motivation in his social media post, claiming the investigation was based on a “fully debunked fairytale.”

The former president has also been given an opportunity to testify by District Attorney Alvin Bragg’s team but is expected to decline to avoid potential self-incrimination.

Experts believe that this invitation indicates an imminent charge against Trump.

Daniels agrees to testify

According to her lawyer, Charles Brewster, Daniels met with prosecutors on Wednesday and agreed to make herself available as a witness or for further inquiry if required.

Trump’s former lawyer, Michael Cohen, who has since turned against him, testified before a New York grand jury on Monday.

Cohen made the payment to Daniels and claims to have been reimbursed later.

If not adequately accounted for, the payment could lead to a misdemeanor charge related to falsifying business records.

This might escalate to a felony if the false accounting was intended to conceal a second crime, such as a campaign finance violation, as The New York Times reported.

Trump faces multiple criminal probes

Trump is currently under investigation in several criminal cases at the state and federal levels for potential misconduct before, during, and after his first term in office.

These investigations significantly threaten his possible return to the White House.

In Georgia, a prosecutor examines Trump and his allies’ efforts to overturn his 2020 election loss.

The grand jury, in this case, has recommended multiple indictments, as revealed by the forewoman last month.

Additionally, the former president is subject to a federal probe into his handling of classified documents and his possible involvement on January 6, 2021, assault on the US Capitol.

A history of incendiary messages

Mr. Trump’s call to “PROTEST, TAKE OUR NATION BACK!” resembles his provocative statements before the infamous January 6, 2021, rally at the White House Ellipse.

That day, he encouraged his supporters to march on the Capitol, where the certification of the 2020 presidential election was taking place.

Federal prosecutors are investigating his involvement in the events leading to the attack.

Far-right extremist groups and Trump’s supporters interpreted his tweet on December 19, 2020, as a clear invitation to action.

Promptly securing protective gear and establishing encrypted communication channels, extremist groups and Trump supporters prepared for action.

In one instance, heavily armed “quick reaction forces” were staged outside Washington for the event.

Leaders of organizations such as the Proud Boys and the Three Percenter militia movement employed bellicose language to incite their members, as their private messaging channels filled with plans to support Trump.

Post-indictment rally 

On Friday evening, Trump’s campaign announced a rally in Waco, Texas, potentially his first after an indictment.

This event is scheduled around the 30th anniversary of deadly clashes between federal officials and extremists in the area.

In anticipation of an indictment, New York officials are discussing security arrangements in and around the Manhattan Criminal Court.

Trump is expected to be charged in connection with the hush money payment his former lawyer, Michael D. Cohen, made to Stormy Daniels, who claimed to have had an affair with Trump.

Cohen made the $130,000 payment to Daniels to suppress her story about the affair.

Donald Trump oo shaaciyey in Talaadada xabsi la dhigayo

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu filayo “in la xiro” Talaadada, sababo la xiriira lacag la tuhunsan yahay inuu siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata kahor doorashadii 2016.

Trump ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay dibad-baxaan si ay u difaacaan.

Isaga oo soo xiganaya “xog” uu ka helay xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan ee New York, ayuu Trump wuxuu maanta kusoo qoray barta Truth, “Musharaxa hoggaaminaya Jamhuuriga iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa la xiri doonaa Talaadada toddobaadka dambe. Dibad-baxa oo dalkiina dib usoo ceshada.”

Baaritaanka lagu hayo Trump ayaa waxaa xuddun u ah lacag $130,000 ah oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 uu siiyey Stormy Daniels, oo magaceeda dhabta uu yahay Stephanie Clifford, si aysan u shaacin xiriir ay sanado kahor la lehyd Trump.

Qorshaha dacwad-oogayaasha 

Dacwad-oogayaasha ayaa ka tashanaya inay Trump kusoo oogaan dacwado ku saabsan kiiskaas, waxaana la hadal hayaa inay u badan tahay inay dacwad kusoo oogaan.

Haddii xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan uu dacwad kusoo oogo Trump, 76 jirkan ayaa noqon doona madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dambi lagu soo oogo.

Tani waxay sidoo kale meesha ka saari kartaa damaciisa ah inuu u tartamo magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024.

Qareenka Trump ayaa habeenkii Jimcaha wuxuu taleefishinka CNBC u sheegay in madaxweynihii hore uu is-dhiibi doono si uu u wajaho dacwadaha dambi, haddii ay kusoo oogaan xeer beegtida Manhattan.

Trump waa uu beeniyey inuu xiriir la lahaa Daniels, wuxuuna baaritaanka ugu yeeray mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Qoraalka uu maanta soo dhigay barta Truth, Trump wuxuu ku macneeyey “dusin ka timid xafiiska sharci-darrada iyo musuqa ah ee xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan.”

Daniels ayaa Arbacadii la kulantay dacwad-oogayaasha, waxayna “ogolaatay inay marqaati-fur sameyso haddii loo baahdo baaritaan dheeri ah,” sida uu sheegay qareenkeeda Charles Brewster.

Casuumad marqaati-fur

Bishan horraanteeda, Trump ayaa waxaa fursad loo siiyey inuu kahor marqaati furo kooxda xeer-liaaliye Alvin Bragg, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu diido, si uu uga fogaado inuu dambi is geliyo.

Khubarada ayaa sheegaya in casuumadda marqaati-fur ay astaan u tahay in Trump dacwad lagu soo oogi doono.

Talaadadii, qareenkii hore ee Trump balse markii dambe cadowgiisa noqday Michael Cohen ayaa ka-hor marqaati furay xeer-beegtida New York. Lacagta la siiyey Daniels ayaa waxaa bixiyey Cohen, oo sheegay in markii dambe dib loogu soo celiyey.

Lacagta ayaan haddii si sharci ah loogu darin xisaabaadka, waxaa ka dhalan kara dambi la xiriira ka been-sheegidda diiwaan-ka ganacsiga.

Waxaa sidoo kale ka dhalan kara dambi, haddii xisaab ka been-sheegidda looga dan lahaa in lagu qariyo dambi labaad oo ah ku xadgudub ka dhan ah xeerka maal-gelinta ololaha doorashada.

Trump ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo isugu jira heer gobol iyo heer federaal, kuwaasi oo isugu jira khaladaad uu sameeyey intii uu madaxweynaha ahaa iyo inta aanu noqon ka horba.

Wafdi heer federaal ah oo gaaray Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo wafdiga uu horkacayo oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan hay’adda ayaa waxa garoonka Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland.

Ujeedka safarka guddoomiyaha hay’adda maareynta masiiboyinka Qaranka ayaa u daaran sidii ay gargaar u gaarsiin la haayeen shacabka ku barakacay dagaalada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hay’adda maareynta masiiboyinka Qaranka (SODMA) ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ka soo dejisay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi.

SODMA ayaa dhowr jeer diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood, ayada oo garab istaag u muujisay bulshada uu saameeyay dagaalkaasi.

Dagaalka Laascaanood oo socda muddo ka badan hal bil ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeyn in ka badan 700 oo qof halka ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 200,000 oo qof.



Golaha Wadatashiga oo ku adkeystay arrin ay diiday P/L

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa la soo gaba-gabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Baydhaba, kaasi oo go’aan looga gaaray qorshaha ay Soomaaliya ku dalbaneyso deyn cusub oo balaayiin dollar ah.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isla gartay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban laba qoddob oo kala ah; astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga iyo wadaagga dakhliga.

“Golaha ayaa waxa uu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madax-bannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala noqonaya; hay’adda dakhliga Qaranka, guddiga goondeynta iyo dardar-gelinta dakhliga.”

Waxa kale oo lagu yiri war-murtiyeedka “Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.”

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ugu dambeyntiina qalinka ku duugay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo is-afgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.’

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhawaan si adag uga hortimid qorshaha ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga qaadato dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Arrintaan ayaa imanaysa xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.