28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Rag weerar ka qorsheeyey halka ay joogaan A/Madoobe iyo Laftagareen oo la qabtay

Baraawe (Caasimada Online) – Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baraawe ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, iyagoo sida la sheegay maleegay qorshaha howlgallo culus oo ay ka fuli rabeen magaalada Baraawe.

Magaaladaas waxaa ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in ragga la qabtay ee ka tirsan Al-Shabaab ay ku howlanaayeen qorsheynta weerarro culus, balse laga hor tegay.

Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cabdi oo hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay raggaan Shabaabka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xooraan dheer kadib ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3-da nin ee Shabaab-ka ah.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubay seddaxda nin ee lagu soo qabtay howlgalkaas oo indhaha ka xiran.

Howlgalka lagu soo qabtay raggaan ayaa saameeyey dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada Baraawe, waxayna saraakiishu sheegeen inay ku guuleysteen inay soo wada qabtaan raggii la helay xogtooda ee dhagarta maleegayey.

Si gaar ah waxaa la shaaciyey in xogta soo qabashada raggaan ay ka dambeeyeen ciidanka aan muuqan ee dharcadda  NISA, kuwaas oo door muhiim ah ku leh sugidda amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xoogga saareysa inay ka hor tagto weerarrada ka imaanaya Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dhanka sirdoonka, waxaana mudooyinkii dambe sidaan oo kale loo fashiliyey weerarro dhowr ah.

Xogta dagaalkii Masagawaay iyo sida ay wax u dhaceen

Mesagawaay (Caasimada Online) – Dagaallo qaraar ayaa ka dhacay magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore weerar ku qaadeen ciidanka dowladda eek u sugan magaaladaas.

Laba sarkaal oo dhinaca amniga ah ayaa warbaahinta u sheegay in maanta kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada, kadibna ay xerada ciidanka ka qaateen gaadiid dagaal.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka horyimaadeen ciidamo kasoo gurmaday magaalada Ceeldheer, kuwaas oo dagaal xooggan la galay, waxaana ciidankaasi ay ku guulaysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan hubkii iyo baabuurtii ay ka qaateen saldhigga Mesagawaay, sida uu sarkaalkaasi sheegay.

Tobannaan askari ayaa la sheegay in dagaalkii maanta ay labada dhinac uga dhinteen.

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidamada qaranka ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab.

Dawladdu waxay sheegtay saddex ka tirsan ciidamada qaranka ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Masagawaay iyo weerar kale oo dhabba-gal ah oo ay u gaysteen ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca Ceeldheer ay ku dileen 73 ka tirsan ciidamada dawladda.

Wararka ku saabsan dhimashada labada dhinac ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin weli. Dadka degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyey iska horimaad culus uu ka dhacay magaalada kadib weerar ay al-Shabaab soo qaadeen.

Isha: VOA

Sawirro: DF oo dalab cusub u gudbisay dowladda Britain

Muqdisho (Caasimada Onlilne) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale si diiran u soo dhaweeyay Danjire Michael oo dhawaan loo soo magacaabay hoggaaminta safaaradda UK ee Muqdisho.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Dhinacyada ay UK ka taageerto Soomaaliya waxaa ka mid ah dhanka dhismaha ciidamada qaranka, waxayna UK mid ka mid ah saldhigyada lagu tababaro ciidamada Soomaaliya ku leedahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab, ayaa caalamka si joogto ah uga dalbata gaageero dhanka howlgallada ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa safka hore uga jirta dowladaha Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxda Al-Shabaab, dhismaha ciidamada qaranka iyo dhinacyada hormarka bulshada.

Mr. Michael Nithavrianakis ayaa dhawaan loo soo magacaabay danjiraha cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa danjiraha ka dalbaday inuu dardar geliyo taageerada ay UK siiso Soomaaliya.

Hal sano kadib maxaa iska beddelay ciidankii dowladda ee weerari jiray siyaasiyiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, ciidanka ayaa mar haystay xukunka muddo 21 sano ah. Laakiin dib u curashada Jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya waxaa aad looga foojigna in askartu siyaasadda ku dhex-milanto.

Nidaamkii dhawaan awoodda laga wareejiyay ee madaxweyne Farmaajo ayaase u muuqday inuu dib u qaabeynayay inay ciidanku markale xeyndaabka siyaasadda kusoo laabtan.

Intii uu xukunka hayay madaxweyne Farmaajo, ciidanku waxay fuliyeen weeraro siyaasadeed oo dhimasho sababay, madax maamul-goboleed ayay xukuno u boobeen, xildhibaano ayay soo noqdeen, sidoo kalena hanti xooggan ayay si musuq lagu sheegay ku heleen oo ay qaarkood dabaqyo kaga jeexdeen caasimadda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hoggaaminaya Soomaaliya wuxuu dhowr jeer isaga oo mucaarad ah ku baaqay inay ciidanka ka dhex baxaan loolanka siyaasadda, oo ay diirada saaran amaanka dalka iyo dagaalka Al-Shabaab, laakiin lagama qaadan talladaas.

Sanad kadib markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Xasan Sheekh ciidanku waxay maanta intooda badan joogaan furimaha dagaalka, qaarna caasimadda ayay ku guuleysteen inay ka dhigaan mid amni ah oo ka wanaagsan sidii hore.

Kama hadli karaan siyaasad, muddadaasi sanadka ahna ciidanku kama geysan wax duulaan siyaasadeed ah maamul-goboleedyada iyo federaalka intaba.

Inkasta oo xilliyada ay ciidanka badi siyaasadda ku milmaan ay tahay waqtiyada doorashooyinka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dib u habeynta ay ciidanka ku sameeyeen iyo inay siyaasadda ka saareen ay dhaxal-siisay guullo waaweyn oo dhanka amniga ah.

“Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda, oo sanadka aan joognay aysan dhicin. Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2-aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE idmo.”

“Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib Diini ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah.”

Al-Shabaab oo iska fogeysay ‘la-taliyihii Axmed Godane’ ee ay NISA soo bandhigtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa iska fogeysay La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda Axmed Godane oo dhawaan ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kadib markii usoo gacan galay.

NISA ayaa waxay sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen qaaddiga maxkamad beenaadka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane.

Kooxda Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadashay ninkaan iyo warka kasoo baxay NISA, ayaa iska fogeysay, ayada oo sheegtay in ninkaan uusan ahayn sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, balse uu ahaa nin shacab ah oo macalin ka ahaa mid kamid ah macaahidda Qur’aanka ee degmada Jilib.

Kooxda ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu macalin ka ahaa machad lagu magacaabo Xuffaadul-Waxyeyn, kaasi oo Qur’aanka iyo Axaadiista lagu xifdisiiyo carruur ay da’doodu ka yartahay 15 sanadood, sida ay sheegtay.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay NISA in ay soo qabtaan dadka shacabka ah oo isugu jira rag iyo dumar kadibna ku shaabadeeyaan inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan kooxda, “oo qaarkood ugu dambayn dil toogasho ah lagu fuliyo,” sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda oo ay iskaga fogeysay La-taliyihii Godane ee usoo gacan galay hay’adda NISA.

Ma ahan markii u horreysay ee kooxda iska fogeyso shaqsiyaad ay soo bandhigto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee Dr. Fanax, kaasi oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, oo uu ku geystay dilal badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay markaas baahisay warbaahintooda.

Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah, waxaana ugu dambeyntiina lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Sawirro: Ganacsiga Soomaaliya oo lagu xirayo midka caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu muhiim u yahay isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq-geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya.

Mudane Xamza oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, islamarkaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kaluun, muus iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxa ay hadda diyaar u tahay in la maalgashado, taasi oo ay xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri-galinayso shirarka noocaan ah ee muhiim u ah isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka.

Somalia’s Political Landscape: Struggles for consensus and moving forward

On May 25, 2023, the National Consultative Council of Somalia issued a controversial statement. It discussed preparations for implementing a “one-person, one-vote” system in Somalia, extending the terms for both regional and federal governments, and changing the government’s structure.

Somalis had differing opinions about the statement. Some believed it aimed to centralize the government structure, shifting from the president and prime minister, based on the 4.5 formula, to a president and vice president. Others saw a need to change the current government structure, which had not delivered the expected results to the Somali people. The statement sparked debates among Somalis about the topics it covered.

Two days later, President Hassan addressed the Parliament. Those who listened to him without first reading the statement tended to agree with him. He told the parliamentarians what they wanted to hear, presenting himself as willing to do the right thing. He explained that the decision reached by the National Consultative Council was a political agreement; it was an initial step before presenting the agreed-upon items to the Parliament for discussion.

The council took these steps because Somalia has made no progress in the last 30 years. President Hassan added that radical measures were necessary to move forward, as previous governments had failed to take action. He emphasized that the statement issued by the council was not final or binding; it depended on the Parliament, which represented the Somali people. His intention was to take bold steps to start discussions. However, the Somali people would make the final decision through their representatives in Parliament. Anyone who listened to his speech would find nothing to object to.

However, there were significant differences between President Hassan’s speech and the actions he took. He did not mention that not all members of the National Consultative Council agreed on the statement they wanted Parliament to discuss. For instance, President Deni of Puntland state did not attend the meeting and did not sign the statement, even though his name was included. 

Any political issue or change of government structure should be discussed and agreed upon by all members of the National Consultative Council. Only then should the agreement be submitted to Parliament for approval or rejection. If all stakeholders have reached a political agreement, it becomes easier for Parliament to approve it.

But President Hassan followed the same path as previous presidents, which has resulted in Somalia’s current condition after over 30 years. This path does not prioritize reaching a consensus and is based on dictatorial tendencies. If one or two stakeholders disagree, then instead of allowing time and finding a way to include them in the process, other leaders decide to move forward without the involvement of the opposition. 

These leaders knew that these stakeholders were unwilling to compromise — because they saw fault — and would not support the leaders’ plan. The only option the leaders saw was to move forward by any means necessary, but it did not produce the expected outcomes for the Somali people. President Farmajo and President Muse Bihi took this approach, and we have seen where it led them. 

A recent example was when President Said Abdullahi Deni attempted to hold an election without the consensus of all nine registered parties. When he realized that six parties agreed with him, but two parties did not want to proceed with his expedited process, he decided to move forward with the election by stating that the majority agreed. 

Similarly, President Hassan’s advisor stated that the majority of the council agreed with the statement, and since President Deni had been invited but refused to attend, the council should not wait. It is unclear where the council agreed on the majority rule or if, by their absence, members forfeit their rights and finalize the decision. 

In the Puntland election, which was not agreed upon by all stakeholders, resulted in only 172,000 people voting. Three districts, including the capital, chose not to participate. Three officers have been killed and seven wounded thus far.

President Hassan’s plan of proposing one person, one vote will likely end up similar to the Puntland election. If Puntland State is not on board, it is well-known that the election will not take place there. What is the purpose of holding an election that does not include Puntland State and may face opposition from others against the election process proposed by President Hassan?

The best way for Somalia to move forward is for the leaders to finalize the constitution based on consensus. It was reported that the last time President Deni did not attend a meeting, the council decided to send three regional presidents to meet with him, listen to his concerns, and discuss compromise as a means to facilitate progress for the Somali people. President Hassan was on the right path then, but his recent action shows that he was not sincere, to begin with.

The Somali people desire a system of one person, one vote. They may want to change the government structure and even consider extending the terms of both regional and federal governments, but only if there is political agreement among all stakeholders. Anything else will result in Somalia taking one step forward and two steps back. President Hassan should seek to bring Puntland and Somaliland to the table if Somalia genuinely desires to move forward.

By: Mohamed Abdiqafat Haji Hissein
Email: [email protected] 

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

DF oo shaacisay khasaaraha WEERARKII Masagawaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kaas  oo ay Al-Shabaab ku qaadaay deegaanka Masagawaa ee Galgaduud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ay ka war hayeen dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen weerarka ay ku soo qaaday gudaha deegaankaasi.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay in howlgalkan guuleystay ay dishay in ka badan 30 kamid ahaa xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay intaasi ku sii dartay in ciidamadu ay la wareegeen saddex gaari oo ay wateen ragga duulaanka ku soo qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

“Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale” ayey tiri dowladdu.

Dhankeeda dowladdu waxa ay shaacisay in weerarkan ay uga dhaawacmeen ugu yaraan illaa 3 askari, isla-markaana ay haatan xaaladoodu ka soo raynayso.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay “Waxaa socda hawlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijtii la jabiyay”.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare.

Saciid Deni oo caddeeyay mowqifka PUNTLAND ee heshiiska golaha wadatashiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada soo baxay oo ay ka maqneyd xilligii la gaarayay, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dalka loo wado meel qaldan, isla-markaana ay tahay sababta ay horay ugu diideen ka qayb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Puntland qayb kama ahan go’aanadii soo baxay, kuwii hore waxaa uga baaqsanay oo aan u saxiixi weynay waxaan aragnay in dalka meel qaldan loo wado,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Puntland ay u dhaqmeyso si madax bannaan, isla-markaana uu farayo Dastuurkeeda, sida uu ku dooday.

“Dastuurka Puntland waxaa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay baabi’inta xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu horay ula wareegay guud ahaan shaqadii uu lahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

“Sida uu madaxweynuhu u dhaqmayay waa arkeynay wuxuu awal baabi’iyay awood qeybsigii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo awoodihiisa uu qaatay, haddana wuxuu yiri maba jiro” ayuu mar kale ka dhawaajiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay haddii la rabo in la xaliyo xasillooni la’aanta Soomaaliya in mar hore Somaliland ay miiska timaado oo xalka wadajir loo raadiyo.

ATMIS ‘oo ka aar-gudatay’ Al-Shabaab kadib weerarkii magaalada Buulo-Mareer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo aarguteen Al-Shabaab oo Jimcihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare xoogan.

ATMIS oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Xoogga dalka ay ka daba-tageen xubnihii Al-Shabaab ee weerarkaas ka dambeeyay, isla-markaana ay soo laayeen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.

Sidoo kale howlgalka ayaa intaasi kusii daray inay soo furteen hubkii ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka qaateen weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Buulo-Mareer.

“Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS.

Waxaa sidoo kale taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya uu carabka ku dhuftay inuu sii wadi doono howlgallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya” ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ka mid noqday kuwii khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada ATMIS ayaa waxaa cagta lagu mariyay guud ahaan saldhigooda magaaladaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda horay u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe shalay tiradaasi wey kordhiyeen waxayna gaarsiiyeen in ka badan 200. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Sawirro: Dekedda Baraawe oo maanta la dhagax dhigay

0

Baraawe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Baraawe.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal-gashtaan deegaannadooda, gaar ka ahaan dadka ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu xusay hadii dadka deegaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal-gashtaan, ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo maanta gaaray magaalada Baraawe ayaa waxaa xarunta degmada loogu sameeyay kulan soo dhoweyn.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiyaha uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, islamarkaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed gaar ahaan caasimadda ku amanay nabad jaceylka iyo sida ay u daneeynayaan horumarinta deegaankooda.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan yihiin sidii gacan looga geeysan lahaa mashaariicda ka socota dalka, Baraawe-na ay noqoto caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan oo shaaciyay arrin uu hoggaankiisu la kowsaday oo ka dhaxleen dowladdii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS, ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay la kowsatay xaalad aad u murugsan oo amni iyo ciidan si weyn u kala qeybsan oo faraha kula jiray siyaasadda.

“Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in durbadiiba ay dowladdiisa qaaday tallaabooyin uu ku macneeyay “dhiig-joojin” iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

“Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda. ”

“Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka shanqadhiyay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga 2-aad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu noqonayo midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab haddii ALLE oggolaado.

“Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb-qaato.”

“Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-Shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynuhu sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara, “Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-Shabaab.”

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa laga soo warramayaa inay ka hortageen ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab inta aysan soo gelin gudaha deegaanka ay dagaal kala hortageen ciidamada, kaas oo ka dhacay bannaanka deegaanka, sidaasna waxaa ku fashilmay weerarka, sida ay ku warantay wabaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka inta uu socday khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay dhowr xubnood oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay weerarkan wuxuu sheegay in lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay inay firxadeen raggii duulaanka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in khasaaraha iyo faahfaahinta guud ay dib ka shaacin doonaan.

“Waa mahadsanyihiin Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Saaka dhabarka ka jabiyay Khawaarijta aagga Masagawaa, faahfaahin idin farxad galisa ayaa soo socota insha allaah, alle ayaa mahadsan”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare.

Daawo: Muxuu yahay howl-galka cusub ee dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo inuu dhowaan uu dalka si rasmi ah uga billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa mar kale ujeedka dagaalkan waxaa faahfaahin ka bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka Shabaab, si dalka looga xoreeyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku goday in wejiga labaad ee howlgalka oo ay ka qayb-qaadan doonaan dalalka dariska ah uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.

“Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle oggolaado” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb qaato.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay doorka culumada ee ku aadan dagaalka ay iclaamisay dowladdiisa, maadaama ay horay Fatwo uga saareen la dirirka Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay heli karaan ay dooneen taageero, si meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab.

“Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab aysan dowladdu ka laheyn dan siyaasadeed, balse u jeedka uu yahay in shacabka laga dul-qaado kooxdaan oo weeraro saf-ballaaran ah ka fulisa dalka oo dhan iyo xitta dalalka dariska ah.

“Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sawirro: Xamza oo hal arrin la wadaagay Isimada SSC

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah ismimada dhaqanka SSC-Khaatumo ee maalin kahor soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa casho sharaf u sameeyay isimada oo ay wehlinayeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ee horay u tegay Laascaanood iyo Hargeysa.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay odayaasha uu kulmay xaaladda cakiran ee Laascaanood oo ay dhowr bilood ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Xamza ayaa hal arrin la wadaagay isimada uu la kulmay taas oo ku saabsan Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in aa l aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, ra’iisul Wasaaraha Soomaaloya Xamza Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haatan taagan.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa Garaadada uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kusoo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya oo ah halka looga arrimiyo waddanka.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Khaladka laga fahmay heshiiska golaha wadatashiga

Minnesota (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Wadatashiga Qaranka uu baahiyay War-murtiyeedka shirkii u dambeeyay ee ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxaa xoogeysaneyay walaaca laga qabo heshiisyada ay Madaxda Golaha ku gaareen shirkaasi.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa si adag uga hortimid, iyaga oo ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba, Maxay tahay arrinta hoos u dhigeysa walaaca laga muujinayo heshiiskan?

Aamiin Haaruun oo ah sharci yaqaan degan Minnesota ayaa waxa uu sheegay in go’aanadda kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin heshiis siyaasadeed, oo hadda iyo kow u baahan dhaqan-gelin, ee aysan aheyn qaraar kama dambeys ah oo meel-maraya.

Garyaqaan Haaruun ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskan siyaasadeed ee gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uu ka dhigan yahay “isku-day hal abuur iyo talo soo jeedin”, taasi oo u baahan in laga doodo wixii wanaagsan laga qaato, wixii kalena laga tuuro.

“Sharcigan dhaqan-gal ma ahan, sidaasna maha. Sharci waa wixii Baarlamaanku ansixiyo, guddiyo iyo dooda badan kadib oo hadana madaxweyne saxiixo,” ayuu yiri Garyaqaan Aamiin Haaruun.

“Heshiisyadani waa isku day hal abuur iyo talo soo jeedin loo baahanyahay in laga doodo oo wixii wanaagsan laga qaato, wixii aan fiicnayna laga tuuro. heshiisyadani ugu yaraan waxay furayaan dood iyo aragtiyo wax lagu dhisi karo.”

Garyaqaanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doodaha noocaan oo kale ah abuurayaan fursado lagu curiyo fikrado loo aayi karo iyo albaabada doodo Qaran.

“Qaranka waxaa lagama maarmaan u ah in mar waliba doodo lagu jiro lagu hagaajinayo dowladnimada iyo adeegyada dadka loo hayo. Sidaas ayaa haboon in loo fahmo.”

Dowladda IMAARAADKA oo hawada sare ka sameyn doono SAHAN ballaaran

Dubai (Caasimada Online) – Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System).

Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey.

Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021.

Hay’adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars.

Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa.

VOA + AP

Promoting democracy in Somalia: Tackling clan politics and building a sustainable future

Tackling those who support clan representation in Somali politics requires a multi-pronged approach that addresses both the underlying causes of the problem and the immediate challenges posed by clan-based politics.  

Firstly, it is important to acknowledge the historical and cultural factors that have contributed to the prevalence of clan identity in Somali society and to work towards promoting a more inclusive and representative political system that accommodates the diversity of the population.  

Secondly, efforts should be made to empower civil society organizations and independent media to promote alternative narratives and challenge the dominance of clan-based politics in public discourse. Additionally, targeted interventions such as education and awareness-raising campaigns can help to build a more informed and engaged citizenry that is less susceptible to divisive and exclusionary political rhetoric. 

Finally, regional and international actors can play a role in supporting democratic institutions and processes in Somalia and promoting a more stable and peaceful political environment that is less reliant on clan affiliations. 

Those who have benefited from clan politics of 4.5  in Somalia including political elites, local & International NGO’s, Think-Tank groups, and other influential individuals who leverage clan affiliations to secure power, resources, and influence and using their misinformation and propaganda, it is important to address the underlying incentives that drive support for clan-based politics, such as the resources and access to power. 

This can be achieved through increased transparency and accountability in government, as well as the promotion of alternative channels for political participation and representation that are based on merit and competence, rather than clan identity. Additionally, efforts should be made to build alliances across clan lines and promote a shared sense of national identity that transcends narrow clan interests.  

This can be achieved through initiatives that promote inter-clan dialogue, cultural exchange, and civic education, as well as the promotion of positive narratives that highlight the benefits of cooperation and collaboration across clan lines.

An important aspect of promoting democracy in Somalia is the role of competent diplomats who can effectively sell the President’s vision on the world stage. A skilled foreign minister who has the capacity and resources to enhance Somalia’s diplomatic relationships can play a critical role in advancing the country’s agenda and building positive relationships with other nations. By promoting Somalia’s economic potential, cultural heritage, and strategic importance, competent diplomats can help to attract foreign investment, foster trade partnerships, and promote cultural exchange. A skilled foreign minister can help to build alliances with other countries, enhance Somalia’s security and defense capabilities, and promote the country’s interests in regional and international organizations. Ultimately, competent diplomats who are able to effectively represent Somalia’s interests on the global stage can help to promote democracy, stability, and prosperity in the country, and enhance its standing as a respected member of the international community. 

The legacy that a President Hassan Sheikh can achieve for bringing people to elect their leaders through a democratic process is significant and long-lasting. By promoting free and fair elections, a President Hassan can also help to establish a culture of democratic participation and civic engagement that fosters a more responsive and accountable government.  

This can lead to greater transparency, increased public trust in government, and a more stable political environment that is less prone to conflict and violence. Additionally, a President Hassan Sheikh must prioritizes democratic reforms can that can help to build institutional capacity and strengthen the rule of law, laying the foundation for sustainable economic growth and development. By championing democratic principles and practices, President Hassan can also serve as a role model for other leaders and inspire citizens to take an active role in shaping the future of our country. Ultimately, if President Hassan  successfully promotes democratic values and practices can leave a lasting legacy of progress, prosperity, and peace for future generations. 

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him [email protected] @osmando

Al-Shabaab oo laga dilay siddeed xubnood, lagana qabtay laba sarkaal oo sare

0

Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay maanta ka sameeyeen deegaano ku dhow-dhow Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Howl-galkan ayaa waxay ciidamadu ku dileen siddeed ka tirsan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare.

Howl-galka ayaa waxa uu dhacay xilli ay ciidamadu ku jireen roondo sida uu sheegay taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Taliye Cismaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labada sarkaal sare ee lasoo qabtay ay kooxda u qaabilsanayeen sirdoonka iyo canshuur uruurinta ee gobolka Galgaduud.

“Ciidanka Xoogga dalka waxa ay dileen 8 ka tirsan argagixisada, waxaana gacanta ku soo dhigay laba sarkaal oo sare oo u qaabilsanaa sirdoonka iyo canshuur uruurinta kooxdan ee ku sugan gobolka Galguduud, waxaan u gudbin doonnaa maxkamadaha ay khuseyso si loo soo qabto,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi ayaa waxa kale oo uu sheegay in howl-galladan ay guulo ka gaareen ciidamada, islamarkaana ay sii soconayaan inta la cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Howl-galladan ayaa imanaya kadib markii ay maalmo kahot ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Uganda oo qirtay in qaar ka mid ah askarteeda ay u gacan galeen Al-Shabaab + Tirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarki ay Jimcihii dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer.

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa arrintaas u xaqiijiyay VOA, balse ma shaacin tirada askarta la qabsaday ee u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

“Waxay noqoneysa mala-awaal,” ayuu yiri mar la weydiiyay tirada ciidanka la qabsaday. Sidoo kale waxa uu sheegay inay koox u direen Soomaaliya, oo soo baarta xaaladda, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan natiijada baaritaankaas.

Dhinaca kale, Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda hore u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe shalay tiradaasi wey kordhiyeen waxayna gaarsiiyeen in ka badan 200. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Saldhiga Buulo Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxa uu afhayeenka sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay ku sugnaayeen hal urur oo dhan 221 askari, islamarkaana ay Al-Shabaab buun-buunineyso tirada dhimashada.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, wuxuuna qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Museveni ayaa soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab, ee weerarka ku soo qaaday saldhiga Buulo Mareer.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen. Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howl-gallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM,” ayuu yiri.