28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xasan Sheekh oo xiriir la sameeyay Erdogan, kuna yiri….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo mar kale guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay madaxweyne Erdogan ayaa ku yiri ‘HAMBALYO’ sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah dhiggiisa Turkiga ula wadaagay farriinta hambalyada ah ee ku aadan guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoontay waddankaasi.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Sidoo kale ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii dhowaan ka dhacday dalka Turkiga oo ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub, dhanka kale taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda aad ugu farxey sheegayna in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd meelaha sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee dalka Turkiga.

Si kistaba, Ankara ayaa si weyn u taageerta Muqdisho, waxayna si gaar ah dowladda dowladda Turkiga uga qayb qaadataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.

Daawo: Muxuu MADAALE kusoo arkay degmooyinka bari ee gobolka Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay u kuur-galay xaaladda saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, si uu soo qiimeeyo amniga iyo waxa iska beddalay tan iyo markii la geeyay ciidanka xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro, kuwaas oo lagu soo tababaray Uganda.

Saddexda degmo ee uu booqday guddoomiyaha ayaa kala ah Kaaraan, Yaaqshiid & Heliwaa oo mar kamid ahaa degmooyinka ugu halista badan magaalada Muqdisho, maadaama ay ku xooganaayeen kooxaha ciyaal-weerada iyo burcadda oo dhibaato ku hayay shacabka.

Madaale ayaa ku hormaray degmada Kaaraan, wuxuuna tegay halka loo yaqaano Xaawo Casir oo uu kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tegay xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo fariisin kale ay ku leeyihiin ciidamada xasilinta, isla-markaana uu ku boggaadiyay shaqadooda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale arkay qaar kamid ah dadka deegaanka oo uu ka xaal wareysta amnigooda iyo haatan waxa ay dareemayaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay socdaalkooda, isaga oo si weyn ugu mahad-celiyay ciidamada ammaanka oo uu tilmaamay inay qabteen shaqo wanaagsan.

“Meelahaas aan tegnay waxaan kul kulanay ciidamo xarumahaas joogay si gooni gooni ah ayuu guddoomiyaha ula hadlay isaga oo uga mahadcelinaayo shaqada quruxda badan oo ay ku jiraan iyo midda bilihii lasoo dhaafay ay ku jireen,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, isaga oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggan gobolka Banaadir ciidamada waa ciidamadiinii har iyo habeen idinka ayay idin soo jeedaan amnigiina inay sugaan” ayuu raaciyay.

Si kastaba, ciidamadan ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka guud ee caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanadooda oo joogta ah.

Xogta sida ay dowladda Soomaaliya malaayiin dollar uga sameyso hawada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ka sameysa hawada Soomaaliya, kadib markii ay ku guuleysatay inay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawada dalka, sanadihii 2018 iyo 2019-kii.

Celcelis ahaan sanad kasta waxay dowladdu hawada dalka ka soo xareysaa lacag dhan $22 milyan, waxaana socda koror uu sameynayo kharashka dowladda ka soo gala hawada dalka.

Horay waxaa hawada Soomaaliya u maamuli jirtay Qaramada Midoobay, dhaqaalaha laga helana wuxuu toos ugu dhici jiray qasnadda QM. Lacagtaas inta badan kuma soo noqonayn Soomaliya, marka laga reebo qaar ka mid ah garoomada dalka oo Qaramada Midoobey ay dhistay.

Lacag cayiman oo tiradeeda la hubo lama hayo, laakiin waxaa la qiyaasayaa in ugu yaraan sannadkii hawada Soomaaliya laga heli jiray lacag $12 milyan gaaraysa oo ku dhici jirtay qasnadda Qaramada Midoobey.

Bisha June ee sannadkan hey’adda duulista hawada Soomaaliya waxay qorshaynaysaa in dhaqaalaha laga helo diyaaradaha mara hawada Soomaaliya ay gaarto $29 milyan.

Sidoo kale hey’addu waxay sheegtay in sanadba, sanadka ka dambeeya la hiigsanayo inuu sii kordho dhaqaalaha ka soo xarooda hawada Soomaaliya.

Markii ay Soomaaliya la soo weegeysay maamulka hawada waxaa 24-kii saacba hawada Soomaaliya mari jiray diyaarado gaaraya 220, balse hadda waxaa mara ku dhawaad 500 oo diyaaradood oo kuwa degaya aysan ku jirin.

Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan lacag, iyadoo ay ku xirantahay nooca iyo tankeeda, tusaale ahaan diyaaradaha Boeng 777 iyo Airbus 350 waxaa laga qaadaa lacag dhan $395 markiiba.

Lacagahaas waxay ku dhacaan bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxayna dowladdu uga faa’ideysataa adeegyadeeda, sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka.

Sannadkii 2018 ayay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka duulista hawada. Sanad kadibna 2019-kii waxay mar kale lasoo wareegtay dhaqaalaha laga helo hawada Soomaaliya, kaas oo hadda si toos ah ugu dhaca bangiga dowladda.

Sannadkan billowgiisii, kaddib markii shuruucda maamulka hawada Soomaaliya la dhammasytiray hay’adda duulisata hawada Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto Class A, halka ay markii hore ka hayd Class G.

Qiimeyntaas waxay muujineysaa in hay’addu ay si heerkeedu sareeyo u maamuli karto hawada dalka, iyadoo isticmaalaysa qalab casri ah, sidoo kalena ay kordhayaan lacagaha laga qaado diyaaraha isticmaala hawada Soomaaliya, taas oo sahashay in dhaqaalaha hawada uu mar kale kordho.

 

Wararkii ugu dambeeyey qorshaha xasilinta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police, xilli lasii adkeynayo amniga magaalada.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino looga dhageystay saraakiisha amniga.

Saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howl-galada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku bogaadiyay ciidanka xasilinta caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga.

Sidoo kale waxa yu ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula fal-galaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugida amniga caasimadda.

Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, ee lagu sugayo amniga caasimada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Maxay SOOMAALIYA uga dhigan tahay dib u doorashada madaxweyne Erdoğan?

Horudhac

Xiriirka ka dhexeeya laba dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid qotodheer taariikh ahaan oo waxaa la sheegaa in uu xiriirkaani jiray ilaa iyo xilligii Cusmaaniyiinta. Burburkii Cusmaaniyiinta kaddib, waxa ay marka kale Turkigu dib u cusbooneysiiyeen xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyaga oo safaaraddooda ka furay Muqdisho sanankii 1979-kii. Burburkii ku dhacay dowladdii Soomaaliya 1991 iyo dagaaladii sokeeya ee waddanka ka dhacay ayaa sababay in albaabada la iskugu dhufto safaaraddii Turkiga ee Soomaaliya.

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkigu waxa uu marka kale dib u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaas oo ay xaalad adag oo abaarihii ka jirtay gayiga Soomaaliya. Turkiga oo uu markaa Ra’isulwasaare ka ahaa Recep Tayyip Erdoğan ayaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda xukuumaddii markaas jirtay Ahmet Davutoğlu u soo diray Soomaaliya, wakhti yar kaddibna waxaa Soomaaliya safar aan caadi aheyn ku yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo markaas dalka Turkiga ka ahaa Ra’isulwasaare. Wixii intaas ka dambeeyay xiriirka u dhexeeya labada dal sare ayuu u sii kacay. Qormadaan gaaban waxa aan ku eegi doonaa xiriirka laba dal marka laga fiiriyo dhanka bini’aadanimada & diblumaasiyadda, amniga, ganacsiga/dhaqaalaha, horumarinta iyo bulshada inta uu hoggaaminayay dalka Turkiga Madaxweynaha dib loo soo doortay 28/05/2023 Recep Tayyip Erdoğan kaas oo waddanka sii hoggaami doono shanta sano ee soo socota.

Bini’aadanimada iyo diblumaasiyadda 

Safarkii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo markaas ahaa Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga uu ku yimid Soomaaliya 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya la daalaa dhaceysan abaar daran oo ku habsatay dad iyo duunyo/xoolo, waa lagu timaami karaa in uu ahaa safarkii rajada kaas oo Soomaaliya u furay alaabada iyo indhaha caalamka.

Turkiga ayaa ugu deeqay Soomaaliya malaayiin doolar, iyaga oo aan u soo marin hay’adaha kale ee caalamiga ah, balse iyaga ayaa yimid Soomaaliya oo si toos ah uga qayb qaatay samatabiximta walaalahood Soomaaliyeed oo markaa u baahnaa garab istaag iyo hiil walaal.

Turkigu waxa ay Soomaaliya u soo daabuleen deeqo bini’aadanimo oo iskugu jirta cunto, daawo, agabyada caafimaadka, dhar/hu’, agabyada hoyga (teendhooyin), iyo deeqo kale. Deeqdaas bini’aadanimo kaddib waxaa xoogeystay jaceylka iyo niyad samida ay shacabka Soomaaliyeed u haayaan shacabka iyo dowladda Turkiga.

Dhanka Soomaaliya, waloow aysan Soomaalidu HADDA laheyn tabar badan oo ay ku caawiso Turkiga haddane waxaa jirtay in markii dhulgariirkii argagaxa lahaa ee ku dhiftay dalka Turkiga horraatii sanadkaan ay shacabka Soomaaliyeed iska uruuriyeen yabooh lacageed oo ay ku garab istaagayaan markooda shacabka ay walaalaha yihiin ee Turkiga, waxa ayna gaartay lacag ay iska uruuriyeen qaddar ku dhow 5 milyan oo doolar, iyada oo Soomaalidu ka dhabeeyay murtida ku jirta heesta Soomaaliyeed ee tiraahda:

Ruuxa gala abaal,
Marbaa loo gudaa,
Ii soo gurmoo,
I soo gaadheey,
Sida gacal labaa,
Aan is garabsannee. 

Walow yaboohaas lacageed uusan gaareyn ama u dhoweyn intii ay dowladda Turkigu ugu deeqday Soomaaliya, haddane arrinkaani waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa wanaagga iyo is jacelyka ka dhexeeya laba dal shacabkooda walaalaha ah.

Turkiga weli waxa ay ka qayb qaataan xaalaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, waxaana Caasimadda dalka xarumo ku leh hay’adaha Turkiga ugu waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta sida KIZILAY, IHH, TIKA iyo kuwo kale. Sidoo kale, waxa ay Turkigu dalkooda si joogta ah ugu qaadaan shacabka ku dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay sidoo kale kaalmo caafimaad oo dibadda ah u fidiyaan dadka qaba xanuunada aan waddanka gudihiisa waxba looga qaban karin. 

Dhanka diblumaasiyada, kaddib safarkii barakysnaa ee Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwasaare uu ku yimid  Soomaaliya, waxaa Soomaaliya u furmay alaabada caalamka, waxaa dalka Soomaaliya safaarado ka furtay ama safiirro u soo diray dalal badan, waxaa waddanka yimid hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, waxaa daciifoobay firkraddii tabneyd ee laga aaminsanaa Soomaaliya ee tibaaxeysay in Soomaaliya tahay waddan dadkiisu u qeybsan yahay kuwo baahan, argagixiso, burcad badeed, maleeshiyo beeleed, ciidamo aan cidna ka amar qaadan oo aan dishibiliin iyo akhlaaq toona lagu arag, dad jaahil ah oo aqoon darro dillootay, caruur macluul u dhinta…iwm.

Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwasaare Turkiga ayaa ku dhiiraday in uu naftiisa ku soo biimeeyo Soomaaliya iyada oo xaalladda amni ee dalka ay aad uga hooseeysay halka aan maanta joogno, ficilkaas dhiiranaanta iyo geesinimada laga dheehan karo ee uu dalka ku yimid Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u furay indhaha caalamka. Hadda Soomaaliya waxaa yimaada madaxda waddamada caalamka iyo kuwa dariska ah, tusaale, waxaa Soomaaliya horraantii sanadka aan ku jirno yimid Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, walow maalmaha ay joogayaan madaxda caalamiga ahi waddooyinka Caasimadda la xiro si aan loo ilaaliyo badqabka madaxda loogana baaqsado ceeb ka soo gaarta dalka haddii la waxyeelleeyo marti heer caalami ah oo arrimo shaqo u jooga dalka, waxaase arrintaa waddo xirista ah dhib weyn ku qaba shacab weynaha Soomaaliyeed oo weli dagaal kula jira helidda qutul daruuriga maalin laha ah.

Turkigu waxa ay Soomaaliya ka furteen safaaradda ugu weyn ee ay ku leeyihiin dal Afrikaan ah, sidoo kale waxa ay dal ku galka u fududeeyeen Soomaali badan oo isugu jira siyaasiyiin, dad caafimmad ama waxbarasho u aada dalka Turkiga, kuwo badan oo ka soo laabtay qurbaha una raadinaaya caruurtooda waddan Islaam ah misna nabad ah oo ay Diinta Islaamka ku baraan inta ay ka gaarayaan da’da kala garashada, iyo kuwo kale oo Alle maal siiyay kuwaas oo ganacsiyo yar yar, kuwo dhexe, iyo kuwo waaweynba (hoteello shan xidigood ah) ka yigleelay dalka Turkiga.

Dalka Turkiga oo lagu tiriyo mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee adeegsada awoodda jilicsan/dabasan ee afka qalaad lagu yiraahdo (soft power) ayay u suuro gashay in ay boos fiican ku yeeshaan quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya diblulaasiyadda lagu laran bini’aadanimada (humanitarian diplomacy). Sidoo kale, dowladda Turkigu waxa ay siin jirtay dowladda Soomaaliya kab dhaqaale oo ay u kaalmeystaan miisaaniyadda dowladda Soomaaliya oo inteeda badan ku tiirsan deeqaha caalamiga ah, maadaama waxsoosaarka iyo dakhliga Soomaaliya uu hadda aad u liito, mase hubo in arrinkaas weli jiro.

Amniga

Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen ciidamo xoog, cudud, iyo tayaba leh kuwaas oo ka tilmaamanaa ciidamaha kale ee dowlaha asaageenna ah. Hase ahaatee, burburkii Soomaaliya waxa uu aad u saameeyay Ciidamadii Xoogga Dalka oo kala noqday kuwo xaabo looga dhigay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay 30-kii sano ee la soo dhaafay, kuwa waddan iskaga huleelay, kuwo u dhintay daryeel la’aan, kuwa weli la daalaa dhacaya dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo kuwii jabhadaha, iyo kuwo da’ noqday oo daryeel iyo caafimaad u baahan, iyo in laga faa’iideysto khibraddooda xagga ciidanka ah ee gaamurtay.

Tan iyo markii uu xoogeystay xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya imaashihiin Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwaaraha Turkiga u uku yimid Soomaaliya sanadkii 2011-ka, Turkigu waxa uu Soomaaliya u tababaray ciidamo fara badan kuwaas oo maanta qayb lixaad leh ka qaadana nabad ku soo dabbaalida gayiga Soomaaliya.

Sida aan la soconno waxaa jira waddamo badan oo ciidama u tababari jiray welina u tababara Soomaaliya, laakiin waxa aan isleeyahay Turkigu waxa uu uga duwan yahay waddamadaas in uusan dan gooni ah oo taban ka laheyn Soomaaliya, waloow ay jiri karaan dano ganaci iyo kuwo istiraatijiyadeed oo xilliga fog.

Billowgii tababarida ciidamada Turkigu waxaa uu ciidama la tababaraayo oo u badan dhallinyaro u qaadi jiray dalkiisa halkaas oo ay ku soo qaadan jireen tababar tayo leh oo dhammeystiran, kaddibna waxaa lagu soo celin jiran Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Xogga Soomaaliyeed. Sidoo kale, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka furay xero/saldhig ciidan oo weyn (TURKSOM) taas oo ay u dhammeeystiran yihiin dhamaan dhismooyinka, agabyada, iyo adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada la tababarayo. Arrintaan waxa ay Soomaaliya kA caawisay in ay hesho ciidamo tababar fiican, anshax, iyo tayo leh, loona dhammeystiray agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Ma filaayo in ay arrimahaani suuratageli lahaayeen haddii uusan dalka Turkiga hoggaamineyn Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Ciidamada ay Turkigu Soomaaliya u tababareen oo magacyo kala duwan leh, waxaa laga xusi karaa Gor-gor iyo Haramcad oo ah ciidamo u badan dhallinyaro geesiyaal ah oo lafdhabar u ah nabad ku soo dabbaalida dalka.

Dhaqaalaha/Ganacsiga

Turkigu waa xarun ganacsi taasoo ah buundo isku xira qaaraha Yurub iyo Eeshiya, waxa uuna xiriir ganacsi oo ballaaran la leeyahay waddo fara badan. Kahor sanadkii 2011-ka inta uusan dib u xoogeysan xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu ahaa afar milyan oo doolar kaliya. Balse, imaashiyii Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa albaaba u furtay ganacsato fara badan oo labada dhinacba ah. Dhanka Soomaalida, waxaa u fufudaatay ganacsatada in ay helaan fursad ama dal ku gal ay ku aadi karaan dalka Turkiga bal sida ay u soo indha-indheeyaan fursada ganacsi ee halkaas ka jira. Dhanka Turkida, waxaa waddanka Soomaaliya yimid ganacsato Turki ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dowladood ayaa galay heshiisyo laba dhinacle ah oo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya labadan dal. Hadda oo laga joogo laba iyo toban sano markii uu dib u dib u xoogeystay xiriika labada waddan ee walaalaha ah, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu yahay in ku dhow 300 oo milyan oo doolar, halkii uu kahor 2011-kii ahaa 4 milyan un, taas oo laga dheehan karo sida xowliga leh ee uu u koray xiriirka ganacsi ee labada dal, waloow uusan isku dheelitirneyn xiirrika ganacsi ee labada dal. Tusaale, sandkii 2020 xajmiga ganacsiga ee labada dal waxa uu ahaa 277 milyan (dhoofin: afar milyan oo doolar, soo dhoofin 266 milyan oo doolar), halkaas oo laga fahmi karo in faa’iida ganacsi labada dal u jarjeerto dhanka Turkiga (Dr. Saadaq, 2022). Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaalida ayaa dalka Turkiga ka soo dhoofsada agabyada caafimaadka ee kala duwan, daawooyinka, dharka, cuntooyinka, bacriminta beeraha iwm, halka ganacsatada Soomaalidu Turkiga u dhoofiyaan dalka sisinta iwm. Turkigu waxa uu weli albaab ganacsi u yahay ganacsato fara badan oo Soomaali ah oo kahor inta uusan xoogeysan xiriirka labada dal ku xirnaa waddamo kale sida Imaaraatka Carabta, Hindiya, Shiinaha iwm.

Horumarinta iyo bulshada

Kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka dhaqaale ee uu waddan ku tallaabsado. Burkii dowladdii Soomaaliya 1911, waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalha waddanka oo dhan sida waddooyinkii, dakadihii, garoomadii diyaaradaha, bangigii dhexe iyo kii horumarinta iwm.

Turkiga oo markii hore Soomaaliya u soo galy arrimo bini’aadanimo, ayaa markii dambe go’aansaday in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, walow la is dhihi karo waxa ay ka dhex arkeen fursad dhaqaale, haddane waxa aan meesha ka marneyn in ay arrintaa Soomaaliya wax badan ka caawisay. Mashaariicda horumarineed iyo kuwa bulsheed oo ay Tukigu Soomaaliya ka fuliyeen waxay iskugu jiraan: dhisitaanka waddooyin halbowle u ah isku socodoka gaadiidka ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaraha Aadan Cabdulle, Dekada Muqdisho, iyo waddooyin kale ee isku xira Muqadishu iyo magaalooyinka u dhow (tusaale, waddada isku xirta Muqadisho iyo Af-gooye, iyo tan isku xira Caasimadda iyo Balcad oo ay dowlad Qartar maalgalisay). Waxaa iyana jirtay in dawlad Turkigu ay Soomaaliya ka furaneyso laan uu Bangiga Ziraat Bank oo mid ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Turkiga taas oo dowladda Soomaaliya ka caawin karta in loo soo mariyo deeqada caalamiga ah iwm. Dhanka arrimaha bulshada, Turkigu waxa ay Soomaaliya ka dhiseen xarumo caafimaad oo waaweyn, waxaan laga xusi karaa xuramahaas Ex Isbitaal Digfeer oo hadda loogu magac daray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. 

Sidoo kale, waxa ay fureen goobo waxbarasho oo dhowr sida Dugsiga Farsamada Ganata ee Buulo-tiknilo iyo iskuulada Macaarif. Waxaa kale ay dowladdu Turkigu taageero iskugu jirta agab iyo tababaro siiyaan qaar ka mid ah jaamacada dalka.

Waxaa iyana xusid mudan, in Turkigu dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed siiyo deeq waxbarsho bilaash ah sanad kasta, iyada oo ay deeqahaas waxbarasha ka faa’iideysteen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo dalka Turkiga ku soo diyaariyay heerarka waxabarasho ee kala duwan (heerka koowaad, kan labaad, heerka seddexaad “PhD”), kuwo badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay ku soo laabteen waddan kaddib markii ay soo dhammeysteen waxbarashadoodii, iyaga oo kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Dalkooda Hooyo (Soomaaliya). Waxaa iska cad oo aan cidina inkiri karin in ay adkaa laheyd in Turkigu Soomaaliya ka fuliyo dhammaan mashaariicda amni, bini’aadanimo, hormarin, iyo bulsheed ee aan qormadaan uga hadalnay haddii uusan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan hoggaamineyn Turkiga. 

Talooyin

Doorasha kulul oo lagu celiyay kaddbib Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale dib loo doortay, waxa uuna waddanka Turkiga sii hoggaami doonaa shanta sano ee soo socoto. Soomaaliya waxaa la gudboon:

  • In inta uu Madaxweyne Erdoğan waddanka Madaxweynaha ka yahay looga faa’iideyso dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada kala geddisan ee dalka si ay awood buuxda ugu yeeshaan nabad ku soo dabbaalida dalka iyo in ay kala wareegaan ammaanka dalka ciidamada shisheeye ee hadda jooga (ATMIS iwm). 
  •  In maadaama Soomaaliya badbaadadeedu ku jirto in ay qaado waddada horumarka ee hannaanka xisbiyada badan ay shanta sano ee soo socoto arrinkaas uga faa’iideystaan dalka Turkiga oo ah dalka dimuqdaari ah lehna taariikh fac weyn oo xagga hannaanka xisbiyada badan iyo maamulidda doorashooyinka.
  •  Waxaa jiray is af-garadyo iyo heshiisyo badan oo dhex maray labada dal dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah heshiisyadaas waa la fuliyay qaar badanne weli lama fulin, marka in dhanka Soomaaliya, waxaa quman in ay dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo af-garadyada fulay iyo kuwa aan weli fulin, si dib loogu dardargeliyo heshiisyada aan weli la fulin kuwaas oo ay faa’iido togan (amni, dhaqaale/ganacsi, horumar iyo bulsho iwm) ugu jirto Soomaaliya.
  • In ay Soomaaliya (Guddiga Doorashadu) xiriir dhow la sameysaan Guddiga Doorashooyinka Turkiga oo ah Guddi fac weyn, lehna taariikh qoto dheer, kaas oo qabtay boqolaal doorashooyin oo kala duwan qarnigii la soo dhaafay. Taas u waddanka ka caawin karta in uu awood u yeesho qabashada heerarka doorashooyinka kale duwan iyo daadajinta iyo dhismaha dowlaha hoose ee dalka. Sidoo kale, waddanka Turkigu in uu heer sare ka gaaro arrimaha tirakoobka, doorashooyinka, amniga, aqoonsiga muwaadinka (identity),  socdaalka, arrimaha qaxootiga, caafimaadka, adeeg daadejinta, iyo maaliyadda (bangiyada iwm) waxaa aasaas iyo gundhig u ah hay’adahiisa gaamuray ee ka shaqeeya bixinta kaararka aqoonsiga, marka Soomaaliya oo hadda aasaaskeeda ku jirta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaan u soo jeedin lahaa in ay xiriir dhaw la yeeshaan hay’adaha dhiggooda ah ee dalka Turkiga kuwaas oo ka shaqeeya arrimahaan aqoonsiga iyo diiwaangelinta.
  • Waxaa jirtay in dhawaan guddi loo saaray dib u howlgelinta Somali Airlines oo muhimad weyn u leh dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub, waxaa iyana quman in guddigaasi xiriir dhow la sameeyo hay’adaha dowlaha Turkiga ee arrimahaas u dhuun doloola sida Turkish Airlines, hay’adaha duulista hawada ee Turkiga, iyo kuwa dalxiiska.
  • In siyaasad arrimo dibadeed oo degan laga yeesho xiriirka u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Tusaale, madaxweyne kasta oo Mareykanka loo doorto ama haka yimaado xisbiga dimuqraadiga ama kan jamhuuriga ah e, siyaasaddiisa ku aadan Israa’iil waa siyaasad jaan go’aan oo aan sinnaba si fudud isugu beddeli karin. Waxyaabaha yar oo lagu ammaani karo Madaxdii dalka Soomaaliya soo martay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah in mar kasta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga uu mar kasta ahaa mid togan, walow aan filaayo in aysan jirin siyaasad arrimo dibbadeed oo qoran dhanka Soomaaliya oo gundhig u ah arrintaas.
  • Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu u yara eg yahay xiriir ka dhexeeya xisbul xaakimka uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan, taas oo khatar ku keeni karta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya haddii xibsiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan looga adkaado doorashooyinka Madaxweyne soo socda. Walow ay dooda kala duwani ka jiraan, haddan hannaanka ay qaatay Turkigu ee (presidential system) ayaa la leeyahay uma saamaxaayo in Madaxweyne Erdoğan uu mar kale (seddexaad) isku soo sharraxo Madaxweynaha dal weynaha Turkiga. Marka Soomaaliya waa in ay arrintaasi ku sii baraarugtaa kana fooljignaataa maadaama Turkigu howlo fara badan oo isgu jira amni, ganacsi, bini’aadanimo, horumar, iyo diblumaasiyadba ka wado Soomaaliya oo hadda iyo xilliga fogba u baahan waddan sida Turkiga ah oo u noqda saaxiib iyo walaal garab istaag laga helo marka looga baahdo. Waxaane arrintaan sii xoojina in xisbiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan uu u yara eg yahay xisbi ku kor dhisan hoggaamiye Erdoğan, xisbiyada nuucaan ah ayaa la sheegaa in ay dafiicaan ama meesha ka baxaan haddii uu hoggaamiyahoodu meesha ka baxo (dhinto, gaboobo ama laga guuleyso).
  •  In Soomaaligu wax ka bartaan hay’adaha gaamuray ee dalka Turkiga, sida kuwa dhaqaalaha (bangiyada, hay’adaha maaliyadda, tirakoobka iwm), siyaasadda (arrimaha dibadda, tan gudaha), arrimaha bulshada (hay’adaha caddaaladda, caafimaadka, doorashooyinka iwm), amniga (difaaca, nabadeynta iwm).
  •  Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ay ummad hoggaamiyaa ayaa iyaguna hoggaamiya dalka Turkiga casriga ah ee dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka baran karaan geesinimada, dhiiranaanta, waddaniyadda, dulqaadka, sabarka, dad-isku-wadka, qiyamka, iyo lahaanshiyaha han-sare iyo aragti. 
  • Dadka Soomaaliyeed ee maalgashaday dalka Turkiga kuwaas oo ganacsiyada iyo guryaha ku leh waddanka Turkiga ama heysta dhalashada dalkaas, waxaa ay la gudboon in ay bartaan afka iyo qawaaniinta dalkaas si ay ugu noolaadaan waddankaas si habsami iyo xorriyadi ku jirto.

W/Q: A. Abdulle
Bare iyo cilmibaare

Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo kasii dartay

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca ee Maraykanka ayaa ka digaya “sare u kac ballaadhan” oo ku yimi daandaansi ay sheegeen inuu kaga imanayo diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Shiinaha, kaas oo ka socda hawada caalamiga ah ee marin biyoodka Koonfurta Shiinaha.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa aad isugu dhowaaday diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo diyaarado dagaal oo Shiinuhu leeyahay.

Laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda qariyey ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay abuuri karaan falal ammaan darro oo aan lagu talo gelin.

Salaasadii waxaa Maraykanku ay sii daayeen muuqaal ay ugu yeedheen “dhaqdhaqaaq gardaro ah oo aan loo baahnayn” kaas oo uu sameeyey duuliye dagaal oo Shiinaha u dhashay, falkaas ayuu kula kacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka, 26-kii bishan May.

Duuliyaha Shiinaha u dhashay ayaa hormaray diyaaradda Maraykanka, isaga oo u jirsaday illaa 122 meter, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska ciidamada Maraykanka ee Indo-Pacific, kaas oo dusha kala socda hawlgallada milateri ee gobolka.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa Arbacadii ku eedaysay Maraykanka, inuu masuul ka ahaa dhacdadaasi, iyaga oo sheegay in diyaaraddaasi ay sahan aad u dhow ku waday Shiinaha, taasoo halis ku ah amniga qaranka iyo madaxbanaanida Shiinaha.

Afhayeenka ayaa sheegtay inay tahay in Maraykanku uu joojiyo duulimaadyada noocaas ah ee halista keeni karaya.

Maxkamadda caalamiga ee The Hegue ayaa xukuntay inaanu Shiinuhu lahayn tixraac taariikheed oo tilmaamaya lahaanshohooda badda Koonfurta Shiinaha, laakiin Beijing ayaa iska indho tirtay go’aankaas.

Maraykanka ayaa si joogto ah, wuxuu hawlgallo uga fuliyaa, gudaha iyo hawada biyadda badda Koonfurta Shiinaha, si uu uga horyimaaddo, sheegashooyinka dhuleed ee Shiinaha, isla markaana uu u dhiirigeliyo in dalalka kale ay si xor ah uga gudbaan, iyaga oo isticmaalaya biyaha calaamiga ah, taasoo ay maraan kala badh, badeecadaha dunidu. hantidaas oo lagu qiyaaso dhawr trillion oo dollar, sannad walba.

Shiinaha ayaa sheegta guud ahaan biyahaas, halka dalalka Brunei, Malaysia, Philippines, Taiwan iyo Vietnam ay sidoo kale sheegtaan jaziirado ku yaalla gudaha biyaha koonfureed ee Shiinaha.

VOA

DENI: Xasan waxa uu dagaal ku hayaa xilka beel gaar ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dagaal ku hayo beesha iska leh xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Saciid Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Somalia, ayaa waxa uu sheegay in meeshii u sareysay uu marayo dagaalka beeshaasi uu ku hayo madaxweyne Xasan, kaasi oo gaaray inuu dhaho “ha la baabi’iyo xilkooda,” sida uu hadalka u dhigay.

“Ifa-faalaha madaxweynaha tan iyo markii uu xilka yimid wey ka muuqatay sida uu ula dhaqmayo xafiiska (ra’iisul wasaaraha) awood qeybsiga ay dad gaar ah u leeyihiin, ku tagri-fal badan ayuu ku sameeyay, awoodihiisi ayuu hoos geeyay xafiiskiisa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Hadda waxa uu si bareer ah u yiri maba jiri doono. Waxaa leeyahay madaxweynaha waxa uu ku dhaartay Dastuurka oo lagu doortay, waxaa ka rajeynayna inuu kan ku dhaqmo oo uusan ku xad-gudbin.”

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu sheegay in aysan suurta-gal aheyn in wixii hore loogu heshiiyay la beddelo, ayada oo aysan jirin sabab muuqato oo keenaysa in la beddelo.

“Wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah, marka la beddelayo waa in laga wada-hadlo, haddana sabab loo bedelo ma muuqato,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin siyaasadeed dhab ah, marka loo fiiriyo sida ay hadda wax ku socdaan.

“Awooddaha qanuuniga ah ee dowladda dhexe leedahay waddadii wey ka leexatay, Puntland-na wey caddeysay mowqifkeeda ayada oo raaceysa Dastuurkeeda iyo kan dowladda federaalka inay si gaar ah u dhaqmeyso inta laga helayo miyir qab iyo wax heshiis lagu yahay.”

Aqriso: Safiirka Mareykanka Larry André oo farriin cajiib ah uga tegay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka shaqada kasii dagaya ee Mareykanka u qaabilsna arrimaha Soomaaliya, Larry André Jr ayaa qormo cajiib ah ku maca-salaameeyay Soomaaliya oo muddo ka shaqeynayay.

Larry ayaa qormadiisan cinwaan uga dhigay “Mahadsanid Soomaaliya” wuxuuna ku aamanay Soomaalida dib usoo kabashada iyo horumarka ay sameynayaan, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay cidankeenna geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay u xoreeyeen bulshooyinkooda.

“Dagaalka harsan, iyadoo la adeegsanayo tababaro iyo qalabayn, Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinaayo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo ballaariyo madax-bannaanida Soomaaliya lana gaarsiiyo dhammaan dhulkeeda oo dhan.”

Amb. Larry ayaa sidoo kale waxa ka dhawaajiyay inuu ku rejo weyn yahay mustaqbalka Soomaaliya, uuna ixtiraam buuxda u hayo horumarka dadkeedu gaareen, isaga oo ka codsaday madaxda siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan inay dalkan horumariyaan.

Hoos ka aqriso qormadiisa oo dhameystiran;

Mahadsanid Soomaaliya

Waxaa qoray Danjire Larry André, Jr.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya jooga – run ahaantii dunida dacaladeeda – waxa ku habboonaan lahayd inay raacaan taladii Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Hadraawi u ku tiriyey gabaygii Sirta Nolosha:

Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su’aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila

Anigoo raacaya tusaalaha Ustaadka hadalka, ereyada aan oron lahaa waa “Mahadsanid, Soomaaliya.”

Waad ku mahadsantihiin wada shaqaynta wacan. Suuqyadii faaruqsanaa ayaa dib u soo noolaaday. Dugsiyadii ayaa dib loo furay.

Wadooyin maritaankooda halis ahaa ayaa hadda u banaan ganacsi, sahleyna safaradda qoysaska dib ugu midoobeen. Iskaashigeena amni wuxuu sahley bulshooyinkii dulmanaa ee baadda iyo xagjirnimada inay ku noolaadaan nabad oo ay bilaabaan inay dib u dhisaan horumarkooda.

Waxaa aad ii dhiiri galisay geesinimada ay muujiyeen ciidamada iyo dukaanleyda sida ay u xoreeyeen bulshoyiinkooda. Dagaalka harsan, iyadoo la adeegsanayo tababaro iyo qalabayn, Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinaayo dawladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo ballaariyo madaxbannaanida Soomaaliya lana gaarsiiyo dhammaan dhulkeeda oo dhan.

Waad ku mahadsantihiin tusaalaha wanaagsan. Intii aan safiirka ahaa, waxaan fursad u helay in aan la hadlo Soomaalida ku nool Hargeysa ilaa Kismaayo iyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Iyadoo wada sheekeysiga qaar uu ahaa mid aad u adag, ayaa intooda badan waxa ay igu beertay in aan ku farxey sida ay Soomaalidu heer kasta oo ay tahay bulshada uga go’an tahay in ay si buuxda u soo nooleeyaan dalkooda.

Waxaan ka fikiraa aabaha reer Hiiraan oo ii sheegay in wiilkiisa askariga ah uu jecel yahay Soomaaliya iyo dadkeeda iyo rabitaankiisa inuu u dhinto. Mid ka mid ah madaxda bulshada magaalada Baydhabo ayaa iiga waramay sida ay ugu dadaalayaan hay’adaha samafalka inay diiwaan geliyaan ragga, haweenka, iyo qoysaska si loogu ogolaado inay helaan gargaar aad loogu baahan yahay inta lagu guda jiray abaarta.

Ardaydii yarayd ee reer Muqdisho ayaa dhoolla caddaynaysay mar ay ka sheekaynaysay wax-akhris, waxaanay ku haminaysa inay macallimad noqoto. Kuwani waa sheekooyinka dhirigelineyso dib u soo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.

Tani waa sababta Maraykanku ugu rajo wayne yahay Soomaaliya midaysan, xoog badan, oo dimuqraadi ah, sababta aan u ahaanayno saaxiib la isku halayn karo oo dhinaca amniga ah iyo samatabbixinta bini’aadantinimo ee ugu weyn.

$1.3 bilyan oo gargaar ah oo ka timid Mareykanka – in ka badan 70 boqolkiiba dhammaan deeqaha bini’aadantinimada – waxay ka hortagtay macaluul waxayna joojisay gaajo. Biyo nadiif ah oo la cabbo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay bixisey dowlada Maraykanka ayaa ka hortagay in uu dillaaco daacuunka iyo jadeecada.

Si ay Soomaaliya u dhisato dal midaysan, adag, oo dimuqraadi ah, waxay u baahan tahay dhammaan dadkeeda.

Waad ku mahadsantihiin rabitaankiina. Markii aan imid bishii Janaayo ee sannadkii lasoo dhaafay, waxaa jiray qaar ku hanjabay in Soomaaliya ay dib ugu laaban doonto rabshadihii iyo sharci-darrada 1990-meeyadii. Waxaa jiray kuwo kale oo rabay in Soomaaliya hore u socoto.

Muuqaaladaasi waxa ay xasuusin weyn u ahaayen in guulihii aynu ka gaarno goobaha dagaalka, suuqyada iyo fasalada ay si degdeg ah u baabi’in karaan hagardaamooyin siyaasadeed oo aragti gaaban iyo dano gaar leh. Waxaan ka codsanayaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan inay dalkan horumariyaan.

Waxaa ni eegaya in ka badan 100,000 oo arday oo dib ugu soo laabtay iskuullada iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada iyo USAID. Waxaa ni eegaya 8,000 ee beeralayda ah ee ku xiran suuqyada oo ka faa’ideysta qalabaytan farsamooyinka waraabka beeraha ee la wanaajiyay oo ay maalgelisay dowlada Maraykanka.

Waxaan markii ugu horreysay booqday Soomaaliya 2001, 22 sano kaddib, waxaan ku rajo weynahay mustaqbalka Soomaaliya, waxaana ixtiraam buuxda u hayaa hormarka dadka Soomaaliyeed gaareen.

Saaxiibtinimadeyda iyo dadka Soomaaliyeed way sii jiri doontaa inta noloshayda ka dhiman. Mahadsanid, is arag dhambe Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka Larry André

Larry André waxa uu ahaa Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga soo bilaabo Janaayo 2022 ilaa May 2023.

Daawo: Dhinacyada diidan heshiiska golaha wadatashiga oo kordhay – Maxaa cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa soo saaray bayaan ay ku dhaliilayaan go’aanadii ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo lagu qeexay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Ururrada Bulshada Rayidka ayaa labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxay uga digeen uga digeen inay ansixiyaan heshiiskaas ay gaareen madaxda golaha wadatashiag qaran.

“Waxaa noo muuqata in go’aanada ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaran aysan ku dhisneyn qiimeyn, xog uruurin la sameeyey iyo la tashiyo lala sameeyey hey’adaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri Tahliil Shaatax guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka.

Sidoo kale guddoomiye Shaatax wuxuu sheegay in wax fursad ah aan la siin talooyinka iyo aragtiyaha ay qabaan Bulshada Rayidka.

“Waxaan walwal ka muujineynaa sameynta ay madaxda dowlad goboledyada ku yeela doonaan dhaqan gelinta heshiiskaan, hadii sida uu yahay uu ku dhaqan galo,” ayaa lagu yiri bayaanka Bulshada Rayidka.

Waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in doorashooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay ay kalsooni darro weyn ku abuureen shacabka Soomaaliyeed.

“Ururrada Bulshada Rayidka waxay soo dhaweynayaan in doorashooyinka dalka loo qabto sida ku qoran dastuurka oo ah qof iyo cod, sidoo kalena hor tebin la siiyo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS ayaa loogu baaqay in aysan ku deg degin ansixinta heshiiskaan, iyadoo aan la waafajin xaaladda dalka.

Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka waxay ku taliyeen in marka hore la sameeyo sharci doorasho oo la isku raacsan yahay, kaas oo qeexaya sida xubnaha guddiga doorashooyinka ay ku imaanayaan.

“Metelaada gobolka Banaadir iyo xoojinta qoondada haweenka waa in mudnaan la siiyo ka hor inta aan la gaarin dooda wax ka bedel lagu sameeyo nidaamka siyaasadda dalka ee baarlamaaniga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka Soomalaiyeed.

Hoos ka daawo

Somaliland oo shaacisay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah iyo ‘halka uu ku qarxay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah, arroornimadii hore ee maanta.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo sida la fahamsan yahay si toos ah ugu socda beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagaxisada oo qorsheynayay weerar is-miidaamin ah ay walxihii ay siteen ku qarxeen tuullada Sii-xawle.

Sii-xawle ayaa waxay ku taalla inta u dhaxeysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, ayada oo masaafo dhow u jirta magaalada Laascaanood ee ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Labo kamid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayay qaraxaas oo ahaa mid deg-deg ah, iyada oo afartii kale ay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Sida laga fahmi karo qoraalka Somaliland qaraxan ayaa ahaa mid si ku tala-gal aheyn ku dhacay, meel aan aheyn bartilmaameedkiisi rasmiga ah, kadib markii ay ciidanka fashiliyeen isku-dayga ay damacsanayeen kooxaha argagixisada.

Somaliland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in falalkan argagaxa leh ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay, islamarkaana ay ciidamadeedu ay si joogto ah ugu taagan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.

“Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wada-shaqeynta iyo sirdoonka la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka Somaliland inay socdaan baaritaano la xiriira dhacdadaan, ayna gadaal kala wadaagi doonto bulshada reer Somaliland iyo caalamka.

Daawo Xamza: Qof iyo koox meel fadhiya waxay doonayaan dalkani uma dabranaanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horreysay si adag uga hadlay sida looga fal-celiyay go’aanadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in qof ama koox meel fadhida aan loo dabreyn dalka waxay doonayaan, balse ay soconayaan waxa ay dadka Soomaaliyeed doonayaan.

“Dadka Soomaaliyeed meesha ay ku sii jeedaan ayaa garaneyn anagu, waxa ay doonayaan ayaa garaneyn. Wax hebel iyo hebel uu rabo ma soconeyso, laakiin waxa dadka Soomaaliyeed doonayaan ayaa soconaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Qof Soomaali ah oo meel fadhiya ama koox waxay doonayaan dalkaan uma dabranaanayo, waa la soconaa.”

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lasoo gaadhay xiligii ay Soomaalida isku filnaan laheyd oo isku tashan lahaayeen, iskana xoreyn laheyd Al-Shabaab, islamarkaana aan Dastuurkeena dhameystiri laheyn.

“Waa kasoo baxnay qaxooti-nimadii waa inay dhamaayo, gacan hoorsigii waa inuu dhamaado, khilaafkii waa inuu dhamaado, duleysigii Shabaabka iyo madax hoos u foorarintii waa inay dhamaato oo dowladnimadii naga bilaabata, illaa goorma sugeyna.”

“Haddaa hore usoo khaldannay maantaba in aan dhinac kale usii boodno ma ahan. Wixii maanta naga halaaba dadkeena dambe ayuu ka halaabaya. Dacaayadaha iyo mashaakilku ha iska socdaan, dalkaan waxaa dhaafin kara meeshaan qof lagu dhagan yahay oo hiigsigiisu cad yahay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in marjaca u dambeeya ee go’aanada Golaha Wadatashiga Qaranka uu yahay Baarlamaanka, oo isagu saxaya haddii ay dhacdo inuu wax khaldo, hase yeeshe aan cid kale loo joojineyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabsida badan ha la iska daayo wixii Madasha Qaranka ay soo gaadho Baarlamaanka ayay kusoo dhamaane, hadda qaldano Baarlamaanka hana saxo, marka waxa mashaakilka keenay muxuu yahay. Waxaa laga cabsanayaa un in aan dhaqaaqno.”

Sawirro: Isimida SSC oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isimida SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay maanta la kulmeen guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA.

Guddoomiye Maxamuud Macallim Abdulle ayaa qaar kamid ah Isimida dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ku soo dhoweeyay xarunta dhexe ee hay’adda.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana looga hadlay xaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan u gurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhankooda, Isimada dhaqanka ayaa hay’adda maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhasahy dagaalka.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Imaaraadka Carabta oo ka baxay isbaheysi uu kul jiray Mareykanka + Sababta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.

Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.

Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran.

“Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.

Bayaanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay, in warbixin uu Talaadadii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo isaga oo soo xiganaya ilo Mareykan iyo Khaliij ah sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen jawaab la’aanta Mareykanka ee qabsashada maraakiibta “ay fasiraad khaldan” ka bixineyso wada-hadallada labada dal.

Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan.

REUTERS, VOA

PUNTLAND oo garoonka Garoowe ku celisay ergeyga madaxweyne Xasan + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta ciidanka amaanka ee dowlad goboleedka Puntland ay is hortaag ku sameeyeen, Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh ee ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah.

Khadar oo ah wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu soo warramayaa in lagu celiyay garoonka diyaaradaha ee Generaal Maxamed Abshir, xilli uu ku soo wajahnaa dhanka gudaha magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ee garoonka ayaa la sheegay inay joojiyeen la-taliyaha madaxweynaha, kana hor istaageen inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Garoowe, taas oo buuq xoogan ka dhex dhalisay gudaha garoonka, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka lagu celiyay Khadar uu kasoo baxay dhanka madaxtooyada maamulka Puntland oo ay si weyn isugu hayaan arrinta doorashada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo uu dhacdadaan kasoo saaray la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qash-qashaadka lagu sameeyay safarkiisa.

Wiilka Faroole ayaa waxaa horay isaga saddex siyaasiyiin oo kale waaran soo qabasho ah u jaray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayada oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Arrinta ayaa waxaa mar dambe soo fara-geliyay waxgaradka Nugaal oo wadahadal ku dhameeyay xiisaddii taagneyd, kadibna soo saaray go’aano culus oo lagu heshiiyay.

Tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda Saciid Deni kala dhexeysa mucaarada weli ku sugan Garoowe, maadaama ay ciidamo ku heystaan duleedka magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo saddex degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Ciidan wata gaadiid dagaal oo xirtay aagga madaxtooyada PUNTLAND ee Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Puntland, halkaas oo lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taalla gudaha magaalada Garoowe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa waddada gashay madaxtooyada iyo wasaaradaha maamulkaasi, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada careysan oo dhex dagay bartamaha wadada oo ay ka galeen dhufeysyo xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa waddada ku gooyey Tekniko dagaal iyo dhagaxaan, taas oo keentay in gebi ahaan uu istaago dhaq-dhaqaaqa guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Puntland, kuwaas oo mushaaraadka ay ka maqan yihiin dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo keentay inay cabashadood asoo bandhigaan.

Arrintaan ayaa sameyn ku yeelatay shacabka iyo qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha Puntand, maadaama laga xirtay waddadii ay u mari lahaayeen mshaqada.

Saraakiisha ciidankan horkaceysay ayaa sidoo kale farriin u diray hoggaanka Puntland, waxayna ugu baaqeen inay siiyaan mushaarka ka maqan, kadibna ay furi doonaan jidka.

Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ah ay ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay kasoo baxeen fariisinkooda, iyagoo ka cabanaya mushaar la’ahaan kadibna xiray laamiga Boosaaso.

Daawo: QARAX weyn oo ‘dhulka la simay kaydkii hubka’ ee kooxda AL-SHABAAB

0

Jlib (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halakeeyay kaydkii hubka ee ugu weynaa ee ay Al-Shabaab ku lahayd koonfurta Soomaaliya, kaas oo uu yaalla degmada Jilib oo ay gacanta ku heyso kooxdu.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaalla Jlib oo kayd hub u ahaa Al-Shabaab, isla-markaana uu gebi ahaan basbeelay hubkii dhex yaalay.

Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay dab xoogleh oo guriga qabsaday, taasina ay sii adkeysay xaaladda goobta.

Dhacdadan ayaa dhacday saddex habeen kahor, gaar ahaan xilli salaaddii Maqrib ah, mana cadda waxaa dhaliyay qaraxa xoogan ee qabsaday keydkaasi hub ee Al-Shabaab.

Guriga uu qarax ka dhex dhacay ayaa ku yaalla dhabarka dambe ee Masaajidka Gurey ee degmada Jilib, halkaas oo ay isugu tegaan saraakiisha iyo xubnaha kale ee Al-Shabaab.

Ma shaacin warbaahinta dowladda khasaare kale oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo inuu baaba’ay kaydkii hubka ee Al-Shabaab u yaalay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in arrintan ay shaki weyn ka dhex dhalisay kooxda, isla-markaana lagu dhagay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Jeeri oo ah sarkaalka gacanta ku hayay kaydka, kaas oo ay warbaahinta dowladdu sheegtay inuu kasoo jeedo Galgaduud.

Xogaha iyo macluumaadka laga heli karo Jilib ayaa aad u yar, maadaama Al-Shabaab aysan ogoleyn in dhaq-dhaqaaq iyaga ka baxsan laga dhexe sameeyo halkaasi, isla-markaana ay mamnuuc ka tahay adeegga Internet-ka iyo sidoo kale midka guud ee isgaarsiinta.

Si kastaba, qaraxaan halakeeyay kaydka hubka ee ugu weyn koonfurta ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, xilii ay haatan kooxda wajaheyso guluf dagaal oo ay wado dowladda dhexe.

CC Shakuur oo qoraal xasaasi ah u diray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa warqad ku taariikhaysan 29-ka May, 2023 u diray Xasan Sheekh, taas oo uu uga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga iyo khilaafka dowladda iyo Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdiashuur ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamiyay nooc doorasho oo qof iyo cod ah, laguna beddalay nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska la saxiixay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskan uu baal-marsan yahay Dastuurka, isla-markaana lagu xad-gudbay awooddii Baarlamaanka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay

“Habraacyada iyo hannaanka lagu hirgelinayo ee uu goluhu soo saaray waxay baal-marsan yihiin qodobka 47-aad ee Dastuurka dalka ee dhigaya in Golaha Shacabka ah uu leeyahay awooda dejinta shuruucda la xiriirta xisbiyada iyo doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tallaabadan ku macneeyay in loo qaaday dhanka muddo kororsiga oo uu ku tilmaamay inuu yahay aafo siyaasadeed oo halis ku ah dowladnimada.

“Muddo kororsigu wuxuu ka mid yahay afar aafo siyaasadeed oo halis ku ah dowlad dhiska curdunka ah ee dalkeenna. Sababtuna waa afartaaba inay astaan u yihiin kali-talisnimo iyo xukun isku koobid duminada xukunka taagta daran ee ay ku taagan dowladnimada dalkeenna” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In la beddalo nidaamka Baralamaaniga ah, loona guuro nidaamka madaxtooyada waa go’aan u baahan talo siyaasadeed iyo taageero bulsho”.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, isaga oo madaxweynaha u soo jeediyay inuu qanciyo oo miiska wadahadalka ku soo celiyo Puntland, sidoo kalena Puntland dhankeeda aysan ku awood sheegan in aan laga tegi karin.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la qabto shirweyne wadatashi qaran ah oo ay ka soo qeybgalayaan siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga soo saaro talo mideysan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka iyo sida loo wajahayo.

Deni oo DF u diray dalab yaab leh oo la xiriira Somaliland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dalbaday in Somaliland ay ka soo qeyb-gasho wadahadallada madaxda Soomaalida ee golaha wadatashiga qaranka, si ay kaalin ugu yeelato go’aanada la gaarayo.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka jawaabayey wareysi uu BBC-da siiyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisu uu sii dhamaanayo ayaa taageeray sida ay safiirku uga hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland iyo arrinta Somaliland.

Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka Larry André ayaa wareysigaas ku soo jeediyey in Somaliland ay ka soo qeyb gasho wadahadallada dowlad-dhiska ku saleysan ee madaxda Soomaalida, waxaana soo jeedintaas taageeray madaxweynaha Puntland.

Saciid Dani ayaa yiri, “Waxa aan rabaa marka hore in aan soo dhoweeyo wareysi uu bixiyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ee hadda la baddalay, mar uu ka hadlayay golaha wadatashiga iyo in arrimaha taagan ee Soomaaliya in laga wada-tashado, oo uu ugu baaqay Somaliland in ay qayb ka ahaato oo ay timaado miiska.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Anagu waxaan leenahay haddii la rabo in laga baxo 30 sano xasilooni la’aanta jirta, waxaan ugu baaqayaa Soomaalida oo wadajirta in ay meel isugu imaato oo Somaliland ay ku jirto, oo si dhab ah loo wada-hadlo oo laga wada hadlo maxaa dalkaan dan u ah.”

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax kasta oo lagu heshiiyo iyadoo la kala maqan yahay aysan mira dhali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta la kala maqanyahay wixii lasoo saaro waa wax aan miro dhal ahayn, mowqifka Puntland horay ayaan caddeynay dastuurka ayey ku dhigantahay, waxa aan dooneyno waa dal Soomaaliyeed oo wadajira oo heshiis ah oo dimoqoraadi ah oo federaal ku saleysan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka ayaa wareysiga uu bixiyey ku yiri, “Waxaa aad loogu baahi qabaa in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto kala cadeynta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasi waxay ku imaan kartaa in la wadahadlo, waan jeclaan lahaa in Somaliland ay soo buuxiso kursiga uga banaan golaha wadatashiga qaranka.”

Mar uu ka hadlay khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe wuxuu yiri, “Puntland waa maamul si hagaagsan u dhisan oo sanado badan Soomaaliya ka jiray, door-weyn ayey Puntland ka qaadan kartaa dowlad-dhiska Soomaaliya oo waa u muhiim in lagu metelo madasha wadatashiga qaran.”

Danjire Larry André wuxuu intaas ku sii daray in Puntland ay wax un tirsaneyso, balse uu ugu yaraan laba jeer ka dalbaday inay u sheegto waxa ay ka qabaan arrimaha waaweyn oo golaha wadatashiga qaran ay ka doodayaan.

“Ugu yaraan laba jeer ayaan Deni weydiiyey waxa uu qabo, balse wax jawaab ah maanan ka helin, Puntland loogama maarmi karo dhismaha qaranka Soomaaliya, waa inay miiska la yimaadaan tabashada ay qabaan, taani waxay dhiira-gelinaysaa kala cadeynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu yiri safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka.

 

Axmed Madoobe oo ballan-qaad ka helay Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Tim Trenkle.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arimaha amniga, siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal-qaadeen dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Danjire Tim Trenkle oo madasha ka hadlay ayaa u ballan-qaaday hoggaamiyaha Jubbaland inay ka caawin doonaan howlgallada la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka oo uu ku wajahan wejiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dhankiisa u mahadceliyay safiir kuxigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taageeradooda ay muhiim u tahay dagaalka adag ee ku wajahan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeynmo xoogan la beegsadaa deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga kooxda.

Wuxuu sidoo kale Mareykanka agab milatari iyo tababar siiya ciidanka Danab oo saldhigooda ugu weyn uu kuu yaalla deegaanka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, ballan-qaadkan Mareykanka u sameeyay Jubbaland aya kusoo aadayo, xilli ay diyaar garoobeyso guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo hadda ka socda Kismaayo iyo Afmadow.

R/Wasaare XAMZA oo furay shirka hirgelinta hanaanka federaalaynta cadaaladda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.

Shirkan ayaa waxa uu dhiirri-gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey shirkii 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqan-geliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah uu muhiim u yahay shirkaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaw waxa uu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, islamarkaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka.

Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.