28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Maxaa loo xiray boggii Facebook ee Cali Yare Cali?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hawada laga saaray bartii Facebook ee guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali, kadib markii uu baahiyey qormooyin ay dhibsadeen dad badan, kuwaas oo hey’adaha ammaanka dalka uu ku suurad xumeeyey.

Ninkaan oo ka falclinayey dagaalkii Mesagawaay oo Al-Shabaab ay sheegeen inay ku furteen hub badan ayaa sheegay inuu xog ku helay in hubka si ku tala gal ah loogu gacan geliyey kooxda.

Sidoo kale wuxuu bartiisa Facebook inta aan laga xirin ku soo qoray in amniga Muqdisho laga iibsaday Al-Shabaab oo bil kasta lacag la siiyo, si qaraxyada iyo weerarrada ay uga dhaafaan caasimadda.

Cali Yare wuxuu dowladda weydiiyey su’aal u dhigneyd, “Maxaad Al-Shabaab ugala heshii weyseen weerarrada ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ee furimaha ku yaalla, si lamid ah heshiiska aad kula gasheen joojinta weerarradii Muqdisho?”

Dad badan oo ka falceliyey qormooyinkii uu Cali Yare baahiyey saacadihii lasoo dhaafay ayaa muujiyey sida ay uga xumaadeen hadalladaas ay sheegeen inay meel ka dhac ku yihiin hey’adaha ammaanka oo muujinaya dadaal aan horay oo arag.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay meesha ka saarto weerarradii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ay ka geysa jireen caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale dhul baaxad leh ayaa kooxda laga saaray halkii sano ee xukunka uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana socda qorshe hor leh oo dowladdu ay dooneyso inay ku soo afjarto kooxda waqti kooban.

Maqaallada uu Cali Yare ka qoray arrimaha ammaanka dalka ayaa u horseeday inuu waayo oo laga xiro bartiisii Facebook, mana jirto cid la ogyahay oo toos u beegsatay ama sheegatay inay xirtay Facebook-gii Cali Yare, inkasta oo aad loogu tuhmayo dowladda.

Sidoo kale Cali Yare oo is xijiya madaxweynihii hore Farmaajo ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay falcelin adag oo kaga timid bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu foogan arrimaha ammaanka dalka, maadaama lagu hanweyn yahay in dowladdu ay ka adkaato Al-Shabaab.

Xamza oo amar cusub kusoo rogay wasiiradda DF kahor wejiga labaad ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo war cusub kasoo saaray sugidda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in dhawaan xukuumaddu ay bilaabi doonto wejiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Al-Shabaab kaga sugan tahay dalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay hormuud u yihiin bulshada loogana baahan yahay ku hoggaaminta dagaalka si ay ugu dhiirradaan, wuxuuna faray xubnaha golaha wasiirada XFS inay tagaan furimaha dagaalka.

“Shacabku hoggaankooda halkaan ayay fadhiyaan, Haddii Wasiirku iska aamuso ama xishoodo oo uu dhaho ayaantaan Xamar wey ii fiican tahay dhib kama jiree oo dagaalkiiba waa dhammaaday haddii uu saas u maleeyo arrintu sidaas ma ahan, waxa aan u baahanay in aan baxno oo wasaaradda gaashanadhigga qorshe keento oo wasiiradu howl-galkaas uga qeyb qaataan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kaliya aan looga harin in la sugay nabad-galyada balse loo baahan yahay in lasii xoojiyo, lana gaaro deegaannada ay weli joogaan kooxda Al-Shabaab, si looga qabsado oo looga xoreeyo.

“Ajande qaran oo weyn waxaa inoo ahaa arrinta amniga, arrintii Amniga waxaa rabnaa in aan dardargelino, waxa aan u baahanahay in aan dardargelin la imaano oo Xukuumaddu hormuud ka tahay oo wajiga labaad ee dagaalka ah loogana qaybqaadanayo sidii horay looga qaybqaatay oo kale.”

Waxa kale oo uu xusay in amnigu uu yahay ajende qaran oo u baahan in dowladda iyo shacabka ay iska kaashadaan cirib-tirka iyo ka hortagga kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waa inay la timaado qorshe cad oo lagu dhaqaaqayo si wejiga labaad ee howl-gallada loo guda-galo. Haddii aan goobtii dagaalka tagin oo ay iyagu shilinka bixin oo la hadlin, shacabka hoggaankiisu halkan ayay fadhiyaan.”

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Wejigan ayaa noqon doona mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, sida uu hore u sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Sacda Mire oo abaal-marin qaali ah ku guuleysatay

London (Caasimada Online) – Sacda Mire oo ah gabar Soomaali ah ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto dadka ku guuleystay abaalmarinta Wayfinder Award ee ay bixiso National Geographic Explorer.

Dadka la siiyo Abaalmarinta Wayfinder waa shaqsiyaad isu soo taagay inay yihiin jiilka soo socda ee hogaamiyayaasha saamaynta leh, iyo hal-abuurayaasha shaqadooda muhiimka ahi nagu dhiirigaliyo inaan wax ka barano.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla wadaago in aan helay Abaalmarinta Wayfinder oo aan ku biirayo bulshada caalamiga ah ee National Geographic Explorer,” ayay barteeda Twitter soo dhigtay.

Sada Mire waa cilmi-baare aasaarta qadiimiga ah oo Soomaali Iswidhis ah. Waa taariikhyahanad u ololeeya kor u qaadidda hidaha dhaqanka sida baahida aasaasiga ah ee bini’aadamka waqtiyada dagaalka.

Sacda waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga aasaarta qadiimiga, in ka badan toban sano, waxay ahayd khabiirka kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran cilmiga aasaarta qadiimiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa maareeyaha aasaaska waaxda cilmiga qadiimiga ah ee Somaliland. Waxay sidoo kale tahay agaasimaha iyo aasaasaha machadka Horn Heritage Foundation, iyada oo ka shaqeysa cilmi-baarista iyo ilaalinta hiddaha Geeska Afrika oo dhan.

Goobaha taariikhiga ah ee Somaliland ay Sacda ku soo aragtay

Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO.

Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.

Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano ka hor ah.

Isha: BBC

Maxaa looga hadlay kulanka Isimida SSC iyo madaxweyne Axmed Madoobe? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Isimida dhaqanka SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhageystay Garaadada dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa dhankooda madaxweynaha Jubbaland uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan ee u sameeyay.

Isimida SSC ayaa sidoo kale waxay u bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray guusha usoo hoyatay Soomaaliya ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.  

Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. 

Madaxweynaha oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.

Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa shalay ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Aqriso: Lix cashir oo ku jiray farriintii uu CC Shakuur toos ula wadaagay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin dhowr nuxur xambaarsaneyd u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Farriinta Cabdiraxmaan ayaa la xiriirtay natiijadii dhawaan kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Dhowr qoddob oo macno leh oo farriintaasi ku jiray ayaa kusoo koobeyna warbixintaan, kuwaasi oo kala ah;

1. Muddo kororsiga

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sheegay in muddo kororsiga uu kamid yahay astaamaha kali-talisnimada iyo mid kamid ah waxyaabaha duminaya tiirarka dowladnimada.

Wuxuu Xasan ugu baaqay inuu meesha ka saaro muddo kororsiga, uuna maamullada ku amro inay xilligoodii ku qabtaan doorashada.

Wax ka beddelka muddada xil-haynta waxa uu ku taliyay in loo dhaafo guddiga gacanta ku haya Dastuurka, sidoo kale waxa uu Madaxweynaha weydiistay inuu dadweynaha la hadlo, una caddeeyo in isbeddelka muddada xil-haynta uu ka bilaaban doono muddo xileedka soo socda.

Qoddobkan waxa uu jawaab u yahay mashruuca shanta sano iyo maamullada loo kordhiyay.

2. Dastuur-jabin

Warsame waxa uu soo dhoweeyay doorasho qof iyo cod ah, laakiin jidka loo maray waxa uu sheegay inay kasoo horjeedo qoddobka 47-aad ee Dastuurka dalka, kaas oo Golaha Shacabka xaq u siinaya dajinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo xisbiyada.

Tani waxay ku wajahan tahay qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo Baarlamaanka ka imaan, balse ka timid siyaasiyiin.

3. Ka-guurida nidaamka Baarlamaaniga ah

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir waxa uu sheegay in ka guurida nidaamka baarlamaaniga ah ee Soomaaliya waqtiga dheer kusoo dhaqmeysay loogana guurayo midka Madaxtooyada, inuu u baahan yahay afti Dastuur iyo cod dadweyne.

Wuxuuna ku tilmaamay mid ka gudda-weyn Golaha Wadatashiga Qaran.

Soomaaliya ayaa sidoo kale hore ugu soo dhaqantay nidaamka Madaxtooyada, intii uu dalka ka talinayay kacaanku, inkasta oo 1987-dii Maxamed Cali Samatar la siiyay kursiga ra’iisul wasaaraha, haddana majirin faa’iido weyn oo la dhaxlay.

Cabdiraxmaan waxa uu ku dooday in xasilloonida dalka iyo dardar-gelinta howlaha dowladda in aanay ku xirneyn qaab dhismeedka, balse ay ku xiran tahay sida Dastuurka iyo sharciga loo ilaaliyo, iyo sida loo dhaqan-geliyo isku dheeli-tirnaanta awooddaha dalka.

4. Maxaa damaanad ah?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu su’aal ka keenay waxa dhacay haddii madaxda maamullada ay qaban waayan doorasho marka la gaaro bisha June 2024 ama 30-ka November 2024, wuxuuna madaxweynaha weydiiyay sida ay shacabka ugu qanci karaan madax afar sano wax tallaabo ah u qaadin doorasho qof iyo cod ah, inay hadda hal sano dalka ku xoreyn karaan kuna qaban karaan doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in xilligaasi muddo kororsi labaad uu dhici karo, maadaama aan la hayn wax damaanad qaadaya in madaxda maamullada ay qabanayaan doorasho.

5. Midnimada iyo heshiiskii golaha wadatashiga

Warsame waxa uu sheegay in heshiiskii 27-kii May, inuu u muuqdo mid gaar u ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama aan la sugin Puntland oo ka maqneyd, dhinaca kalena qabatay doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu Puntland kusoo celiyo Golaha, si loo helo go’aano mid ah. In lasii kala maqnaado waxay walaac ku tahay midnimada.

6. Tallooyin

Tallooyinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur u diray madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kamid ah in xooggiisa isugu geeyo dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, uuna iska xiro waxyaabaha curyaaminaya dagaalka.

Inuu qabto shirweyne qaran oo looga hadlayo dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, hanaanka doorashooyinka iyo haykalka dowladnimada iyo inuu dhinaca kale meesha ka saaro muddo kororsiga, ayaa kamid aheyd tallooyinka uu Warsame sida tooska ah ugu direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland ‘oo cagta mariyay’ fariisimihii Al-Shabaab ee…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Ururka 5-aad ee guutada 16-aad iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-galo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada iskaashanaya ayaa waxay howl-gallada qorsheysan ka sameeyeen deegaanada kala ah; Yaaq-dabeyl, Qudus, Sariiraha, Aboodinka iyo Barja oo dhamaantood ah deegaano ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha howl-galka hoggaamineysay ayaa sheegay in deegaannada howl-gallada laga sameeyay ay Al-Shabaab ku lahaayeen saldhigyo waaweyn oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateen jireen.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howl-galladaasi ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda ku-laheyd deegaanadaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddadii uu socday howl-galka ay deegaanadaasi ka sameeyeen ciidamada iskaashanaya ay gubeen gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Cabdiraxmaan Gaagaale.

“Howl-gallada waa soconayaan oo waa sii wadeyna,” ayuu yiri Taliye Carab oo sheegay inay sii wadayaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland horay uga sameeyay marar badan howl-galo noocaan oo kale ah oo ay kula dagaal-yahaanada kooxda ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Jubbaland.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Si kastaba, inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay hogaamineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka.

Mucaaradka SOMALILAND oo ka horyimid qorshaha madaxweyne Muuse BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka, kaasi oo ay ka biya diideen hoggaanka labada xisbi mucaarad.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in mucaaradku anay gali doonin doorasho aan tan madaxtooyada ahayn, xilli uu madaxweyne Muuse Biixi uu qorsheynayo in doorashadaas ay ka gadaal marto doorashada ururada.

Guddoomiye Faysal ayaa waxa uu sheegat in aanay suurta-gal ahayn in xilligaan doorashada ururada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, maadaama uu ku dooday inay sharciyad ku fadhin arrintaas.

“Horta doorasho ururo dhicimayso, nin ka doorasho urur doonayow reerkiinu haduu kuu codeeyo yaa kale kuu codaynaya, suurtagalna maaha, sharcina maleh, adduunkana kama dhacdo” ayuu yiri Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu aanay gali doonin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada, “Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa uu sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi ee uu ku fadhiyo kursiga u sareeya Somaliland.

“Somaliland adiga ayaa dabada haya hadii aynaan dhexdeena ka heshiinin oo aynaan wax ku heshiinin, waxad kaligaa wadi kartaa ma jirtee dalka uun baad khatar galinaysa,” ayuu Guddoomiye Faysal hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu la kulmo hoggaanka mucaaradka, si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taagan yahay.

Daawo: DOOD xooggan oo hareysay waxqabadka safaaradda Soomaaliya ee Brussels

Brussels (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Belgium-ka, ayaa dareen ka muujiyay lacagaha laga qaado dadka u soo doonta safaarada Soomaalidu ku leedahay Magaalada Brussels waraaqaha aqoonsiga, kuwa dhalashadda iyo baasaboorka Soomaaliga.  

Jamaal Caraaye oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Antwerp iyo Guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida dalkaasi Eng. Maxamed-deeq ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay waxqabadka iyo kaalinta safaarada.  

Jamaal Caraaye, oo ka qeybgalayay dood ku saabsaneyd waxqabadka safaarada iyo kaalinta safiirka, wuxuu sheegay in safiirku uu safaaradii Qaranka ka dhigay goob sida uu doono u maamulo. 

“Safiir Yoonis, wuxuu kaga duwan yahay safiiradii hore dadka la shaqeeyo iyo xittaa kuwa uu mushtamaca ka xushay waa dad uu is leeyahay waad isticmaali kartaa. Dowladda Soomaaliya waa in ay il-gaar ah ku eegtaa waxa ka soconaya safaarada, in magacii iyo heykalkii Dowladnimada loo isticmaalo dan shaqsi ah waxeey dhaawaceysaa kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay Dowladooda. Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ka codsaneynaa in ay tixgeliyaan farriintii Jaaliyadeenu ugu soo fartay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowaan nagu soo booqday Antwerpen,” ayuu yiri Jamaal Caraaye, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan dad aqoonyahanno ah oo isku dayay in ay safiirka la shaqeeyaan markii ay arkeen inuu yahay shaqsi safaaradii ka dhigay maqaayad uu isagu maamulo ay howshii isaga tageen.  

“Safaaradi waxeey ku shaqeysaa nidaam iyo shuruuc, qof kasta na wuxuu leeyahay waajibaad dastuuri ah iyo meeqaam. Marka laga hadlayo nidaamka diblumaasiyada, howsha safaarada waxaa mas’uul ka ah Qunsulka, safiirku wuxuu leeyahay maamuus gaar ah, waxaa safaarada ka socda haddaad ogtihiin iyo haddii kale ba waa “dis-respect” lagu sameeyay gabadha Qunsulka ah ee dhowaan la soo magacaabay. Waxaan rabaa inaan safiirka weydiiyo hal su’aal; Siddeey ku dhici kartaa in safaaradii oo leh intaas oo baabuur oo adiga laftigaaga hadda aad soo iibsatay baabuurkii 2-aad, isla markaana aad degan tahay dhismihii safaarada adiga iyo shaqsi kale, inaad Qunsulkii safaarada  dejisay Magaalo kale oo aad tiri subax walba tareen ku soo shaqa-tag. Qunsulka ma haysato baabuur, waxeeyna degan tahay guri “sharing” ah; Arrintaasi kuma aha ceeb iyo weji-gabax keliya Dowladda Soomaaliya waxeey kaloo fadeexad ku tahay nidaamka diblumaasiyada,” ayeey tiri Istaahil Maxamuud Shire oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Gent. 

Eng. Maxamed-deeq oo ka mid ah ganacsatada hormuudka u ah Soomaalida, wuxuu muujiyay aragti ka duwan tan Jamaal Caraaye, wuxuuna safiirka ku tilmaamay shaqsi ey tahay in lagu ammaano siduu u soo celiyay haykalkii iyo sharaftii ay safaaradan Brussels laheyd.  

“Qofka doonaya inuu qiimeeyo waxqabadka safiirka, anigu waxaan qabaa inuu safaarada tago, soo arko qaabka ay u shaqeyso iyo adeega ay bulshada u qabato. Waa jiraan dad badan oo ka cabanaya lacagaha ay safaaradu ka qaado dadka waraaqaha iyo baasaboorada ka soo doonta, dhaqaalahaas na waxaa lagu kabaa baahida dadka safaarada ka shaqeeya iyo adeegyada safaaradu u baahan tahay,” ayuu yiri Eng. Maxamed-deeq.  

Eng. Maxamed deeq, waxaa kale uu sheegay in dhowaan shir lagu maamuusayay sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Xassan xaflad ay qabteen in safiirku kala soo qeybgalay. 

HOOS KA DAAWO DOODA KU SAABSAN WAXQABADKA SAFAARADA. 

Xog: Xildhibaano u ololeynaya in Somaliland lagu daro liiska argagixisada

0

Garoowe (Caasimada Online) — Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubnahan ayaa waxay doodda u weyn ee u cuskanayaan qorshahaan ay ku rabaan in Somaliland lagu daro liiska argagixisada, ku saleeyay duulaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida laga soo xiganayo Xildhibaanadan, waxay qorsheynayaan in soo jeedintan ka dhanka ah Somaliland horgeeyaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo.

”Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanood-ba ka sameeyay ee falalka bahalnimada ah, ” ayuu yiri xildhibaan kamid ah kuwa wada qorshahaan ka dhanka ah Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha laga soo doorto deegaannada SSC ayaa hormuud ka ah qorshahaan lagu rabo in Somaliland lagu daro liiska argagixisada ee la horgeynayo Baarlamanka Puntland.

Somaliland iyo bulshada reer SSC ayaa si weyn u kala fogaaday tan iyo markii uu qarxay dagaalka Laascaanood, kaasi oo qaatay billooyin dhowr ah, uuna ka dhashay khasaare xooggan.

Si kastaba, Go’aannada Baarlamaanka Puntland ayaa la sheega in inta badan saameyn xooggan ku leeyihiin xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee hadda isku hayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Arrinta ayaa imaneysa xilli xukuumadda Somaliland ay wajaheyso culeysyo waaweyn oo ah xagga ciidanka iyo cadaadisyo diblomaasiyadeed, oo caalami ah xili ay sii socdaan colaadaha sii daba dheeraanaya ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Colaadda ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka, iyadoo dhowr dal iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen Somaliland inay gaysatay dambiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Senegal: 9 qof oo ku dhintay rabshado ka dhashay xukunka hoggaamiyihii mucaaradka

Dakar (Caasimada Online) – Sagaal qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo ka dhacay guud ahaan dalka Senegal, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha saaka oo Jimce ah, kadib markii maxkamadi ay labo sano oo xarig ah ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka Ousmane Sonko.

Xukunka “dhallinyarada musuqmaasuqa” ayaa laga yaabaa inay ka saarto Sonko, oo ah ninka aadka u mucaaradsan ee Madaxweyne Macky Sall, inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee sannadka soo socda.

Kiiskan ayaa si weyn u kala qaybiyay waddanka Senegal, waxaana ka dhashay rabshado goos-goos ah, balse dad lagu dilay kuwaas oo waxyeello u geystay sumcadda dalkaas ee xasilloonida.

Kadib xukunkii Khamiistii, iska hor imaad ayaa dhex maray booliiska iyo dibad baxayaasha, basaska ayaa lagugubay caasimadda Dakar, iyadoo qalalaase laga soo sheegay meelo kale oo ay ku jirto magaalada Ziguinchor, halkaasoo Sonko uu duqa magaalada ka ahaa tan iyo 2022-kii.

“Waxaan ogaanay in aan ka xunnahay rabshado sababay burburka hantida guud iyo kuwa gaarka ah iyo, nasiib darro, sagaal dhimasho ah oo ka dhacay Dakar iyo Ziguinchor,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Antoine Diome oo hadlayay telefishinka qaranka.

Sonko oo hore u ahaan jiray shaqaale dawladeed, waxa uu si weyn uga soo muuqday doorashadii madaxtooyada ee 2019, isagoo kaalinta saddexaad.

AFP, VOA

Riyadii Soomaaliya ee EAC oo rumoobeysa iyo DF oo war cusub kasoo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Riyadii Soomaaliya ee ku biiritaanka suuqa iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa u muuqata inay rumoobeyso, kadib dadaallo muddo socday.

Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa maanta ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabadan, oo lagu tilmaamay “guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalkeena.”

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay arrintqqn, ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wax weyn ku soo kordhin doonto wadamada walaalaha ah ee EAC, islamarkaana ay ka qayb-qaadan doonto is dhex-galka iyo barwaaqada gobolka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhawaynaysaa ansixinta “Warbixinta Xaqiijinta” ee codsigeeda ay soo saareen Madaxda Waddamada Bariga Afrika, kaasoo dib u eegis iyo falanqayn lagu sameeyay shir-madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee 31-kii May lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Waxa kale oo lagu yiri “Qaadashada warbixinta hubinta ayaa ah tallaabo xusid mudan iyo marag ma doon ah in Soomaaliya ay diyaar u tahay oo ay si buuxda u qalabaysan tahay in ay ku biirto EAC.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyay in kalsoonida uu kasoo baxay shir-madaxeedka codsiga Soomaaliya ee ah inay ka mid noqdaan EAC iyo xirfadda ay muujisay xoghaynta.

“Soomaaliya waxay mahad-celin iyo bogaadin u soo jeedinaysaa madaxda xubnaha ka ah iyo xoghaynta guud ee bulshada Bariga Afrika.”

Bayaanka dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in tallaabadan ay xaqiijinayso go’aankeeda iyo rabitaankeeda ku aaddan inay gasho wada-hadallo miro-dhal ah oo soo dadajin kara xaqiijinta EAC ee xubinnimadeeda iyo si rasmi ah ku biiristeeda.

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Safiirkii is-casilay ee Somalia u fadhiyay Sacuudiga oo qaaday tallaabo cusub

0

Jeddah (Caasimada Online) – Safiirkii dhawaan is-casilay ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya ayaa xilkii si rasmi ah u wareejiyay, sida uu Danjiraha ku shaaciyay qoraal uu soo saaray.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa xilkii safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ku wareejiyay sii-haya xilka, Mudane Abshir Warsame.

Saalim ayaa uga mahad-celiyay dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sacuudiga, howl-wadeenada safaaradda, Qunsliyada Guud ee Jeddah iyo weliba munduubiyada OIC, sidii ay ula shaqeeyeen muddadii uu ku sugnaa Sacuudiga, uuna hayay xilka safaaradda.

Saalim Macow Xaaji ayaa dhawaan is-casilay, kadib markii uu si weyn uga cowday Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Saalim ayaa qoraal uu hore u soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeyb-galka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023.

“Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.”

Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo.

Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.”

Si kastaba, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu kamid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana la hadal hayey in la beddeli doono.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo xaalad ka abuuray waddada Jowhar iyo MUQDISHO

Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xaalad amni darro ka abuuray waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ka dib markii ay soo saldhigteen deegaanka Qalimow oo isku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyadan ayaa Arbacadii shalay waxay waddada Qalimow ka kaxeysteen illaa toban gaari oo dad rakaab ah ay la socdeen, mid ka mida uu qaad u siday Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay gaadiidkaasi iyo rakaabkii la socdayba ay geeyeen deegaanka Basra, oo ku taala waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Shabaabka ayaa dib u xoriyadooda u siiyay qaar ka mid ah dadkii socotada ahaa, halka qaarka kalena ay ku hayaan deegaankaasi

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka ay Shabaabku ku reebteen Basra ay ku jiraan dad ganacsato ah.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in mintidiinta lagu arkayo deegaanka Qalimow, oo muhiim u ah isu socodka Balcad iyo Jowhar.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka ku safra waddada Jowhar iyo Muqdisho, oo billihii ugu dambeysay ay soo badanayeen dadka ku safra waddadaasi.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli ka hadlin Shabaabka hubeysan ee soo degay waddada Qalimow.

Sawirro: Ciidanka ATMIS iyo kuwa DF oo howlgal culus ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanyta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ay ka sameeyeen agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamada huwanta uga fuliyeen waddada u dhaxeysa Balcad iyo deegaanka Galooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa qaaday hawlgal dagaal oo isku dhaf ah oo lagu qaadey wadada udhaxeysa Balicad iyo Galooley oo dhan 10 Km oo badanaa dadka safarka ah ay ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.

Sidoo kale ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla-markaana lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ciidamadu ay ka hortageen weerar ay abaabulayeen xubnaha Al-Shabaab si ay ugu soo qaadaan ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda.

“Hawlgalkaa waxaa lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen maleeshiyadu waxaa kaloo lagu ciribtirey Al-Shabaab qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka” ayay sii raacisay ATMIS.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray duleedka Balcad ayaa weli sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaas, maadaama uu halkaas ka socda abaabul xoogan.\

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo inta badan laga saaray gobolkaas oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Daawo: Cumar Cabdirashiid oo dalab xasaasi ah u diray guddoonka baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa mar kale si adag uga hadlay go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya ee magaaada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa mar kale ku celiyay diidmadiisa ku aadan heshiiska ay doorashada iyo nidaamka dalka goluhu ka gaareen, ayada oo ay maqan tahay Puntand,

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda maamul goboleedyada wuxuuna tilmaamay in xilligan aysan laheyn fikir ay dadka ku metalaan, maadaama uu kasii dhammaanayo muddo xileedkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ka horyimid nidaamka loo guurayo, gaar ahaan in xilligan dalka uu yeesho madaxweyne iyo ku xigeen, ayada oo meesha laga saarayo ra’iisul wasaaraha.

“Dad hadda waxaa jiraa ku dhaa federaal system aduunka madaxweynuu leeyahay iyo ku xigeen Mareykankaa kamid ah, annaga Mareykan ma nihin dad hadda dagaal ahli ah kasoo baxay ayaa nanay dal iyo State la dhisaayo ayaa nahay” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore.

Sidoo kale wuxuu farriin ku aadan heshiiskan u diray guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka isaga oo sheegay in looga baahan in marka hore ay dadweynaha siiyaan fursadooda, kadibna ay tahay in la ansixiyo, marka la arko taageerada shacabka.

‘Waxaan rabaa halkan inaan baaq uga diro guddoonka Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi labadaba in aysan ku deg degin arrintan, waxaa la rabaa inay hakiyaan baahashaan dib ugu celiyaan wadatashi bulshada rayidka, siyaasiyiinta. Bulsha taageerto marka la helo oo ku filan in baarlamaanka la horgeeyo,” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Sharmaa’arke ayaa xusay in haddii lagu deg dego go’aankan inuu dalka kala qaybsamayo, isla-markaana uu khilaaf horleh imaanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii sidaan afduubka lagu geeyo Baarlamaanka ee lagu ansixixo dalka iyo dadka waa ku qaybsamayaa” ayuu mar kale wareysigan ku yiri ra’iisul wasaare hore  Cumar Cabdirashiid.

Khadar Faroole oo xog ka bixiyay arrintii lagu sameeyay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, sidoo kalena haatan ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dhaqaalaha ayaa faahfaahiyay is hortaag ay shalay Puntland ku sameysay xilli uu kasoo baxayay garoonka Garoowe, kuna soo socday dhanka Muqdisho.

Ergeyga ayaa marka hore sharraxaad ka bixiyay qaabka looga celiyay garoonka General Maxamed Abshir iyo sida ay ula dhaqmeyn saraakiisha loo soo diray.

“Markii ay diyaaraddu soo degtay oo ay rakaabku is diyaarinayeen ayaa waxaa ii yimid laba wiil oo dhalinyaro ah oo garoonka Garoowe ka shaqeeya oo aan si fiican u aqaano waxay igu yiraahdeen taliyaha Booliska na soo wacay, wuxuuna yiri Khadar ma bixi karo”ayuu yiri.

Khadar ayaa shaaca ka qaaday in amarka lagu celiyay uu bixiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), balse aan loo soo marin hannaan sharci ah.

“Wax sabab ah oo ay sheegeen iyo wax qoraal ah oo ay hayeen malaha” ayuu mar kale yiri Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Aniga hadda waan safri karaa Boosaaso garoonkeeda maantadan aan kula hadlaayo, laakin waxaa sharaf ii ah inaan sharciga ilaaliyo”.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday eedeynta horay loogu jeediyay ee la xiriirta dagaalkii ka dhacay Garoowe, maadaama xeer ilaalinta ay u jartay waaran soo qabasho ah, isaga iyo saddex siyaasi oo kale oo kamid ah mucaaradka sida weyn ugu kacsan madaxweyne Deni.

“Eedeynta way jirtaa, laakin ma’ahan mid sharci ah anigu waxaan ahay shaqaale dowladda federaalka ah waaran ima jari karo state-ka Puntland marka hore xasaanadda qofka waa in dowladda dhexe ay kasoo qaado” ayuu yiri ergeyga madaxweyne Xasan ee dhaqaalaha.

Arrimahan ayaa uga sii dari kara xiisadda haatan ka taagan magaalada Garoowe oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo ay heystaan mucaaradka maamul goboleedka Puntland.

Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo laba degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Golaha Wasiirada DF oo shaaciyay go’aan la xiriira heshiiskii golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyaha ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa diirrada lagu saaray go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee todobaadkan lagu soo gabagbeeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho/

Golaha ayaa su buuxda u taageeray heshiiskii laga gaaray doorashooyinka, laguna beddalayo nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.

Xamza ayaa tilmaamay in sidoo kale mas’uuliyad gaar ah ay ka saaran tahay amniga, gaar ahaan xoreynta dalka, si looga saaro Al-Shabaab.

“Annaga ka xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Shabaab kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Sidoo kale waxa uu faray golaha wasiiradu in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan ka xukuumadan ahaan inay xoogan la saaro deyn cafinta dhammeystirka Dastuurka oo muhiim u ah heshiiska .

“Hadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya” ayuu raaciyay.

Xog: Sababta RUUSHKA u caawinayo DF Soomaaliya

Moscow (Caasimada Online) – Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isagu toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor.

Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab.

Lavrov ayaa shaaciyay qorshahaan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Mr. Haruuse.

Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Sidoo kale ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka oo gocday xiriirkii hore ee dalkiisu la lahaa Soomaaliya wixii ka horreeyay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ay ka tashadeyn u diyaargarowga shirka madaxda Ruushka iyo Afrika ee lagu wado in uu qabsoomo bisha Juulaay. Sarkaal sare oo qeyb ka ahaa wafdiga wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee Moscow tagay ayaa BBC u xaqiijiyay in Lavrov balamahaas u fidiyay Soomaaliya inta uu socday shirka labada dhinac, iyo xitaa shirkii jaraa’id ee ay wadajirka u qabteen labada wasiir.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka dheer ka bixiyo wada hadallada labada dhinac. Reer galbeedka ayaa hadda Ruushka ku eedeeyaa inay dalal dhowr ah oo Afrika ku yaal ka joogaan askar calooshood u shaqeystayaal oo ka tirsan kooxda Wagner la yiraa. Waxaa la tuhunsan yahay inay ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, Mozambique, Libya iyo dalal kale.

Isha: BBC

Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay Laascaanood + Khasaaraha

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta ciidamada milatariga Somaliland ku qaadeen qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Saaka aroortii-bey soo bilaabeen nimankii Soomaali diidka ahaa, madaafiicda waxay la dhaceen halkaas, illaa dhaqtarka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaafiicda ay dhaliyeen khasaar isugu dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

“Dhaawacyo yar yar mooyee wax khasaare ah ma ogi, guryo gubtana way jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastab, waxaa Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.