27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Dood adag oo ka dhalatay weerar. uu Macalimuu ku qaaday Abshirow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa maanta weeraray guddoonka golaha shacabka, waxaana hadal uu golaha ka jeediyey ka dhalatay dood culus.

Macalimuu ayaa yiri “Guddoomiye waxaa tiri waa in xildhibaanadu soo xaadiraan kulamada golaha, waa arrin fiican, laakiin waxaan rabnaa in guddoonkuna soo xaadiro oo maalmaha arrimaha masiiriga ah laga hadlayo aan Abshirow kaliya naloo soo dirin, taasi baarlamaanka ayey liidnaan ku tahay ee hala bedelo.”

Intaas kadib waxaa soo istaagay oo makarafoonka qabsaday xildhibaano u doodaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow, kuwaas oo raali gelin ka dalbaday Macalimuu.

“Xildhibaan Macalimuu waxaan ka rabnaa inuu raali gelin bixiyo, sababtoo ah Abshirow wuxuu ka mid yahay guddoonka golaha, hadii nabad laga rabo baarlamaanka hasoo istaago Macalimuu raali gelina ha bixiyo, hadii kale guddiga xeer hoosaadka tallaabo haka qaado xildhibaankaas,” ayuu yiri Xildhibaanka bilaabay dooda ka dhalatay hadalkii xildhibaankaas.

“Walaalkey Macalimuu waa hafay ee hasoo istaago raali gelina ha bixiyo, Abshirow nin ka soo diro maaha ee waa guddoomiye la soo doortay,” ayey tiri Xildhibaan kale.

Intaas kadib Xildhibaan Macalimuu ayaa ku soo laabtay masraxa, wuxuuna sheegay in hadalkaas uusan gef kala jeedin ee maalintii dood adag ay jirto oo arrimo masiiri ah uu baarlamaanku ka hadlayo uu shir guddoon ka noqdo guddoomiye Abshirow.

“Hadii la dhibsaday hadalkaas oo guddoomiyuhu uu raali gelin ku qancaayo hala iga raali noqdo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana halkaas ku joogsatay doodii ka dhalatay hadalkiisa.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay doodda golaha shacabka ee mooshinka muddo kordhinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta guda galay dooda ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah, gaar ahaan muddo xileedka madaxweynaha iyo labada Aqal oo haatan la gaarsiinayo illaa 5 sanno.

Xildhibaanada ayaa si weyn uga hadlay mooshinkan oo soo billowday bishii Febraayo sanadkan, kaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahadi Guuleed.

Ugu horreyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdulaahi Cumar Abshirow oo kulanka ka hadlay ayaa meesha ka saaray in ka doodista mooshinkan uu waqtiga ka dhacay, waxaana uu tilmaamay in doodiisa lasii wadayo laga inta go’aaminayo.

“Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga sidaas darteeda waxaan rajeynayaa in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go’aan lagama gaarayo balse waxaa laga dood” ayaa ka yiri Abshirow.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bani’aadanimada ayaa ka horyimid mooshinkan wax looga beddalayo dastuurka, wuxuuna tilmaamay inuu wiiqayo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Mooshinkan waxaa ku jira ajandayaal lagu wiiqayo dib u xorreynta dalka, isaga dhan hala laalo, sababtoo ah muddo koroorsi nafteenaa halis u gashay, suuragalna maaha in maanta shaqo laga billaabo” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa sharci darro ku tilmaamay wax ka beddalka dastuurka, waxaana uu tilmaamay inuu billow u yahay muddo kororsi horleh.

“Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana waafaqsan dastuurka, waxaana muuqata in uu horgal u yahay [muddo kororsi] sharci darro ah. Hal sano ayaan banaanka joogay aniga oo muddo kororsi diidayo. Haddii ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah” ayuu isna yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil.

Dhankeeda Khadiijo Maxamed Diiriye oo xildhibaan iyo wasiir isku ah ayaa soo jeedisay in la taageero mooshinka, kadibna loo codeeyo.

“Maanta mar haddii aad soo bandhigteen mudane guddoomiye waa sidii la rabay waxayna ila tahay inaan sida uu yahay aan ugu codeyno” ayuu tiri Khadiijo Diiriye.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa isuguna sheegay in la damacsan yahay in mooshikan lagu ijaafeeyo xildhibaanada Soomaaliyeed, laguna rabo mooshin boor isku qaris ah.

Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan” ayuu yiri xildhibaan Cosoble.

Dooda xildhibaanada ayaa weli socota, waxaana kulankan uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo heshiis siyaasadeed ay doorashooyinka ka gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran.

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, kaas oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo ku qarxay agagaarka saldhigga Waabari.

Qaraxa oo ahaa miino, nooca baabuurta lagu dhajiyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmaad Garaar, kaas sidoo kale oo ah xogheynta gaarka ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, isla-markaana loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray baabuurka oo uu qaraxu ku haleelay bartamaha waddamada Maka Al-Mukarrama oo kamid ah meelaha mashquulka badan ee caasimada.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo sidoo kale cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lala eegtay Axmed Garaar.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kaba-Kutukade oo Xasan Sheekh u jeediyey eed yaab leh oo la xiriirta FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dagaal laba maalin kahor ka dhacay deegaanka Masagawaay ee Bariga Galgaduud.

Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade oo ah guddoomiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu shirqool weyn u dhigay ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ee ku sugnaa xerada ay kooxda weerartay ee Masagawaay, kaasi oo ay ka sheegatay guul aan la xaqiijin karin dhab ahaanshaheeda.

Kaba-Kutukade ayaa sidoo kale sheegay in Xasan uu arrintaas u sameeyay aargudasho ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay askartaan u dirtay Eritrea.

“Ciidanka inay halaagsamaan qorshihiisa qeyb kamid ah waaye, gacmihiisa kuma dili kareen ee gacmo Shabaab inuu ku dilo uu rabay. Annagana wixii ay mudnaayeen aan marsiinay,” ayuu yiri Kaba-Kutukade oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas ku daray “Waxay hub iyo qalab haysteen waa laga furtay, cagta la mariyay. Wixii meeshaas ka dhacay warbaahinta (kooxda) ayay yaaleen.”

Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab ee weerarkii Masagawaay, waxay dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in ciidamada dowladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab. Waxa kale oo ay sheegtay in saddex ka tirsan ciidamada qaranka ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Si kastaba, Hadalkan kasoo yeeray Kaba-Kutukade ayaa qeyb ka ah weerar qaawan oo kooxdu muddooyinkii dambe ku haysay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu markii uu tallada dalka kusoo laabtay ku dhawaaqay dagaal ka dhanka Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab oo wejigiisi koowaad laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayaa waxaa dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaasi oo Soomaaliya ku taageeraya cirib-tirka Al-Shabaab.

XAMZA oo soo saaray digniin culus oo ku socota dadka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta shirweyne muhiim ah ka daah-furay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in weerar qaldan ee la sheego ay la mid yihiin hub halis ah oo wax burburin kara, sida uu hadalka u dhigay.

“Wararka qaldan ee been abuurka ah, gaar ahaan marka ay faafinayaan argagixisada Khawaarijta iyo kuwa la midka ah waxay noqon karaan hub qatar ah oo wax burburiya.” ayuu khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Marka la baahiyo warar ama muuqaalo been abuur ah bulshadeenana ay istcmaasho wararkaas aan la faaf reebin waxaan si aan ku talagal aheyn u noqoneynaa wakiilada raqiiska ah ee argagixisada oo rabta inay sumcad disho dalkeena”.

Xamza ayaa ku taliyay in qof kasta looga baahan yahay inuu hubiyo xogta ama wararka inta uusan la wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed.

“Waxaa la yiraahdaa inta aad noqon laheyd ruuxa ugu horreeya ee been faafiya noqo ruuxa u dambeeya ee runta baahiya,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qarn ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortegayo wararka quseeya amniga guud ee qaranka.

Farriintan kasoo baxday ra’iisul wasaaraha  ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay dood ka dhalatay dagaalka Al-Shabaab oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo hadallo kul kulul isku marinaya qalabka waraabhinta.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay qorshaha isimo ka yimid Sool iyo Sanaag

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay jeediyay khudbadii Jumcaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii golaha wada-tashiga qaran ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay qorshaha Isimo dhaqan oo ka socda gobollada Sool iyo Sanaag oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo doorashooyinka ka socda Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ku dheeraaday ka hadalka heshiiskii ay dhawaan gaaleen madaxda golaha wadatashiga qaranka, kaas oo ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo wax ka bedel la qorsheynayo in lagu sameeyo nidaamka baarlamaaniga ah ee dalka.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay qaateen go’aan geesinimo iyo masuuliyad leh, talada dalkana dadka dib loogu celiyo, si taas loo gaarana ay soo saareen heshiiskaas, isagoo aad u sharaxay duruufaha dalka ka jira iyo sida ay macquul u noqoneyso shaxda ay dejiyeen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee gobollada Sool iyo Sanaag oo soo gaaray Muqdisho, kuwaas oo sida uu sheegay la tashi ugu yimid madaxda dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday in sida ay mudan yihiin loo soo dhaweeyo Isimada ka yimid Sool iyo Sanaag, isagoo balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka heli doonaan wixii ay uga soo baahdeen.

“Waxay noola yimaadeen talo, waan ka dhageysa doonaa, wixii dowladnimada Soomaaliya ay ka qabto Ayaan ka dhihi doonaa, mar kasta waxaan ka tali doonaa nabad iyo in dhiig Soomaaliyeed uusan daadan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan kaloo ka tali doonaa in qof Soomaaliyeed uusan taladiisa waayin oo dulmi uusan dareemin, dowladda Soomaaliya dulmi iyo xumaan lama rabto dad Soomaaliyeed oo meel degan, kana shaqey doonto inay isku dirto oo taladeeda ay isku dilaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo hadal qaaday arrimaha Puntland, isagoo sheegay in bayaankii ay ka soo saareen shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga hadleen.

“Reer Puntland waxaan la jecelnahay wanaag iyo inay guuleystaan, kaliya waxaan leenahay dadka rabitaankooda iyo dareenkooda hala tixgeliyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta jeediyey khudbadaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Turkiga + Ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya la-taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa isla markiiba kulamo gaar gaar ah la bilaabay madaxda sare ee xukuumadda Ankara oo uu kala hadlayo arrimo ku aadan iskaashiga labada wadan iyo xoojinta xiriirka xoogan ee haatan u dhexeeyo labada dowladood.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay Erdogan ayaa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi.

Labada madaxweyne ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan dhinaca magaalada Mandera.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaas ku sugnaa, waxaana xigay dagaal toos ah.

Ciidanka la weeraray ayaa waday howlgal roondo ah, waxayna si gaadmo ah ula kulmeen xubnaha Al-Shabaab oo uu iska hor imaad ku dhex-maray halkaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, isla-markaana uu ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan 1 askari uu ka dhintay, laba kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaadleh ku gaarsiisay ciidanka dowladda Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo la qorsheynayo in dhowaan dib loo furo.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, ayada oo  uga jawaabeyso dhaq-dhaqaaqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Aaran-Jaan mooyee, geeddi caano leh baa loo guuray

Geeddi caano leh! Ummaddu waa dhaqaaqday, waxayna degtay rug raali lagu wada yahay, rabina lagu sugo! xuquuq ka maqneyd bay haleen…Taladii dalka kaallintii ay ku lahaayeen baa maanta soo bidhaameysa! Oo waa in codkoodu yahay midka uu ninka talinaya ku yimid! Hadda waa codkaas keliya! dad-weynuhu xooggooda iyo saameynta siyaasadeed ee ay leeyihiin waa codkaas ay sanduuqa ku ridayaan oo keliya!…waa codkaas midka ay ummadaha horumaray tuuladooda ugu yar iyo dalka oo dhan ay ku dhiseen! Waa codkaas sababta uu habeenkii qofka muwaadhinka ah walwal gurigiisa ugu seexdo oo uusan cadow uga baqeyn!… Puntland iyo guud ahaan dalkeenaba waxaan u rajeyneynaa Geeddii Caano Leh oo lagu dego Rug Caano leh! Doorashada Puntland ka qabsoontay waxay ku tuseysaa oo marqaati cad u tahay sida shacabka Soomaaliyeed uu u yaqaano dowladnimmada uguna diyaarsanyahay inay madaxdooda iyaga soo doortaan! Waxaana Xusid mudan in magaalo iyo tuulo kasta oo dalka ah laga helayo Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan, aan yeeleyn in shacabku go’aansado aayihiisa sida hadaba ka dhacday Garowe! Waxaase ammaan mudan shacabka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland sida ay u maareeyeen SHayaadhiinul-Jinniga iyo Shayaadhiinul-Insiga 

ku soo duulay, heer arrintu gaartay in ciidammadii laga soo saaray Furrintii Dagaalkii Midnimo Qaran!….Aaran-Jaan?! 

Run ahaantii kooxda Aaran-Jaan intii magacooda la bartayba waxay Puntland ku hayeen dhibaatooyin baaxadooda leh oo xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqankaba leh, waxayna ka soo dhex baxeen oo ku dhismeen oo wax badan ay ka macaasheen marka laga reebo guud ahaan dabeecadda siyaasadda wasakhada ah ee dalka oo dhan saameysay khilaafaadkii soo jiitamay ee sida gaarka uga dhexeeyay siyaasiyiintii gobolka dhismihii Puntland iyo ka horba, waxayna dadk caadiga ah iyo siyaasiyiin badan rumeysnaayeen inay yihiin dulaaleey siyaasadeed, iyaguna waxay dhaqan ahaan u muuqdeen ama ahaayeen hadana yihiin dad ka ganacsada siyaasadda waxaana uu magacooda soo shaac baxay markii ay ku guuleysteen tijaabadoodii ugu horeysay oo ahayd taageerradii ay isku garab taageen ololihii doorashadii madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-SHiikh Max’ed Faroole 2009kii markii uu madax-weynenimmada Puntland ku guuleystay. Waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay u sameysmeen qaab koox siyaasadeed iyagoo aan ku talo gelin, in kastoo laga yaabo in xubnaha kooxda u waaweyn ay arkayeen ama dareensanaayeen samaysanka noocaas ah! 

Markii Cabdi-Raxmaan Faroole ku guuleystay madax-weynenimmada gobolka Puntland ayaa waxaa  markii u  horeysay banaanka u soo baxay magaca kooxda Aaran-Jaan oo aan horay u soo shaac bixin, waxayna kooxda u muuqatay inay kaalin weyn ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan midda Puntland. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weyne Faroole uu markuu ku guuleystay madax-weynenimmada Puntland uu soo dhoweeyay kooxdaas isagoo markaas u arkayay inay yeelan karaan saameyn siyaasadeed oo mug-weyn, wuxuuna shaqaaleysiiyay xubno ka mid ah kooxda, iyadoo waliba xubnaha qaarkood ay ka mid noqdeen golihii xukuumadda. Wixii markaas ka dambeeyay waxay ku taalbsadeen horumar muuqda iyagoo soo jiidanaya siyaasiyiintii waaweynaa ee Puntland, waxayna gaareen heerkii ugu sareeyay xiriirka siyaasdeed ee maamul-goboleedka Puntland muxaafad iyo mucaaradba, waxaana ay muuqdeen ama in badan oo siyaasiyiinta gobolk ah iyo shacabka u arkeen koox wax ku soo kordhin kareysa siyaasadda Puntland iyo midda guud ee dalka.

 Wixii markaas ka dambeeyay Aaran-Jaan waxay balaariyeen dhaqdhaqaaqooda iyo xiriirkooda siyaasadeed ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Puntland, xubnaha kooxda oo markii horaba u badnaa dad dhaqan marka laga eego xagga dhaqaalaha ayaa haddana badankood waxay muddo kooban ku tallaabsadeen horumar, waxayna noqdeen dad ka dhex muuqda mujtamaca weynaha Puntland dhankii laga eegaba, waxaana ku soo xirmay inta badan siyaasiyiinta gobolka oo u suurto geliyay heerka ay maanta gaareen oo ah inay hor joogsadaan masiirkii siyaasadeed ee dadka reer Puntland! Waxaa cajiib ah waxa lagu sababeeyay in dad la laayo oo magaalo dhan qoryo loo soo qaato oo la xabadeeyo!..waxaa yaab ah in dadkii ay xabbadahoodii dileen ama ku wax yeeloobay xabadahooda aysan kooxdu kaba hadleyn oo ay wali siyaabo kale u kibir hadlayaan!…

Waxaa is weyddiin mudan iyagu wali marna ma garameen?! Iyagu dalka dowlad uma aha, xil ay ummadda u hayaana ma jirin, xizbiyadii is diiwaan kama mid ahayn, shacabkaas bay ka mid ahaayeen!….shacabna dhibaatadiisa iyo cabashada siyaasadeed ee ay qabaan qaabab la yaqaan oo ay xeerarka dowladnimmada casriga u fasaxday baa jira, laakiin waxa Garowe ka hor joogsaday codeynta waxay ahaayeen danbiilayaal aan waxba ka duwaneyn Ciyaal-Weerrada Xamar rogay oo jaakada soo qaatay!… waxabana kama duwana burcad hubaysan oo magaallada ku soo duushay! Waxaa inkaar ka taagantahay dhaqanka siyaasiga Soomaaliyeed ee ah kii maalin xil loo dhiibo inuu u qaato xilkaas inuu gurigooda kala yimid oo mulkigiisa uu yahay! Saykooloji xil-kasnimo yari ku salaysan!…

Ragga hadda afka lagu hayo ee eedaha loo jeedinayo waxaa ugu weyn madax-weynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Seekh Max’ed Faroole oo waliba isagu la leeyahay waa maskaxda ka dambeysa iyo hoggaanka waxa dhacay, waxaana intaas ka daran oo Cabdi-Raxmaan Faroole uu eed ku mudanayaa in isagoo ah Xil-dhibaan Aqalka Sare ka aamusay dhammaan arrimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku masali lahaa maadaama uu ahaa oday Soomaaliyeed laguna bartay inuu si furan u difaaco dastuurka dalka u yaala iyo dowladnimmada, waaxaa kale oo uu Faroole gabay kaalintii odeynimo ee uga aaddaneyd difaacii midnimmada dalka oo si muuqata uu dhegaha uga ootay duullaanka ay Muuse Biixi iyo inta la siyaasadda ah ay doonayaan inay dalka ku kala gooyaan Xasan SHiikhii loo dhaariyeyna u uku taageeray!…Aamusnaanta Cabdi-Raxmaan Faroole eek u aaddan xaaladaha dalka ka jira waxay cadeyn u yihiin oo keliya inuu dhibaatooyinka jira raali ka yahay haddii uusan qeyb ka ahayn, oo uu kula socda Ismaaciil Cumar Geele, Xasan SHiikh Max’ud, Muuse Biixi iyo Max’ed Kaahin!…

Xubnaha kale ee soo bareeray, ee sida burcadnimmada ugu  soo duulay dowladdii Puntland ee ay qaarkood xubnaha ka ahaayeen waa waziiro hore ee maamul-goboleedka Puntland Xasan SHire Abgaal, Max’ud Faarax Warsame (Max’ud SHiddo), taliyihii hore ee ciidammada boliiska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-Yare) Col. Jimcaale Jaamac Takar oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka daraawiishta iyo Khadar Cabdi-Raxmaan Faroole, raggaan oo ay qaarkood xeer ilaallinta Puntland u soo jartay warqada lagu amarayo in la soo qabto, ayaa iyaga ilaa iyo hadda ficillada ay geysteen waxay qiil ugu dhigayaan inay ku hor joogsanayeen muddo kororso looga cabsanayo inuu sameeyo madax-weyne Saciid Cabdullaahi Deni!… Cabdi-Wali Cali Gaas, Cumar Cabdi-Rashiid, iyo Cali Xaaji warsame oo si cad u sheegay inay ka soo hor jeedaan doorashada isla markaasna la ra’yi ahaa  iyagu waxay ku gaabsadeen inay cabashadooda muujiyaan!…Jimcaale?! Jimcaale?!… 

Waxaa xusid gaar ah mudan dhaqanka askarinimo iyo xirfadda ciidan ee askariga Soomaaliyeed ineysan ahayn mid gaarsiisan heerkii askerinimo ee lagu yiqiinay askarta Soomaaliyeed ee u dhaartay dadkooda, dalkooda iyo diintooda!…Waxaan xasuusnahay Xasan SHiikh Max’ud oo xilligii Farmaajo isagoo ka faa’ideysanaya xaaladaha burburka iyo xirfad yarida askarenimo ee uu ciidanka dowladaa inuu  fariin u diray Alle ha u naxariistee Gen. Farxaan Jimcaale isagoo leh “Yaan lugaha dhiiqo laguu gelin!” macnaha diid amarka dowladda oo aniga I maqal!…Xaaladda Garowe kaalinta uu ka ciyaaray Col. Jimcaale waa mid aad uu meel uga dhacay dhaqankii askerinimo ee ummaddu ku ammaansatay, isagoo hareer maraya anshixii iyo asluubtii askeri dad iyo dal u adeegaya laga rabay. Waa laga yaabaa in khaladku uu ka bilowday in askarta iyo saraakiisha cusub ee xilliga burburka ku taba bartay aan la barin meesha ay tooganayaan ka hora inta aan la barin inay wax toogtaan!

Jimcaale, wuxuu fahmi waayay inuu yahay askari Soomaaliyeed hubka uu heystana haddii uusan ahayn mid heer federal ah uu yahay hub dowlad goboleed Soomaaliyeed ee uusan shakhsi gaar ah lahayn, wuxuu garan waayay hubkaas inaan amar looga qaadan karin cid ka baxsan dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleedka, waan midda keentay inuu hubkii ku rido  dadkii ay ahayd in lagu ilaaliyo isaga oo ka amar qaadanaya kooxda loogu magac daray Aaran-Jaan iyo Duqow-Jaan oo aan ahayn qaynuun ahaan kuwo amarkaas isaga siin kara ama ay tahay inuu ka amar qaato!…Sida badanaa askeriga taba-baran ee xariifka ah lagu yaqaano marka  ay jiraan khilaafaad gudaha ah oo noocaan oo kale ah oo uu amar diido sameynayo wuxuu ku mintidaa inuu sugo ammaanka xudduudaha ilaaliyana amniga gudaha iyo nabad gelyada shacabka iyo hantidooda, haddii kale wuxuu u hoggaansamaa sax iyo khaladba cidda ay ummadda wakiilatay oo ah dowladda, taaso ah midda ay mas’uuliyadda ammaanka shacabka saarantahay haddii uusan shacabka ka hor imaan!

Waxaa la ii xaqiijiyay Jimcaale inuu diiday talooyinkii sharciga ahaa iyo kuwii maan-galka ahaaba, oo u uku shaqeyniyay  telefoon ay u soo dirayaan dhowr nin oo xubno kooxda aan la aqoon goorta u uku biiray, isagoo ku tix gelinaya inay hubka iyagu leeyihiin isla markaasna ay soo kireysteen isaga iyo ciidammada la socdaba!…Cajiib! Sidee hubkaas nin aan dowlad ahayn u yeeshay?! SHarcigee baa siinaya?! Wuxuu fahmi waayay si askerinimo ah hubku iyo dhallin yaradaba inay isaga dimaddiisa yihiin oo aysan lahayn kuwo uu amar ka qaadanayo!….Ka waran askeriga Soomaaliyeed shisheeyuhu taba barteen ee dalka kuu dhex fadhiya ee mushaarka ay siiyaan?!….Dowladda federal-ka ah iyo maamullada dowlad goboleeddada sarkiisha ciidammada waxaa waajib ku ah in askeriga la baro lagu imtixaano mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka, in la baro Meesha (cadowga) uu tooganayo intaan la barin inuu wax toogto.

Waxaa iyadana jirta caado xun oo ay dhaqan ka dhigteen maamuladii Puntland Soo maray oo ah in madaxda xukunka ka tegeyso ay hubka rarato sidii ay iyagu gaar u leeyihiin. Arrintaas waxay noqotay mid aamusnaan lagu wada aqbalay. Qofka waziirka ah gadiidka ilaaliya iyo askarta muddada xileedkiisa markuu dhammado gurigiisuu geysanayaa, madax-weynaha sidaas si la mid ah! Marka maamulka Saciida Cabdullaahi Deni waa inuu hadda bilaabaa sidii loo heli lahaa nidaam hubka iyo ciidammadaba ay ugu baaqi noqonayaan  maamlka Puntland mar kasta iyo xilli kastaba, waana in la abuuraa xafiis gardaadiya dhaqan gelinta arrintaas oo waliba kor joogteeya.

Madax-weyne Deni, waxaa hor yaala furdaaminta arrimaha taagan, sida ay wax u muuqdaanna huri meyso in madax-weyne Deni ay is hor fariistaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee daneyniya inay u tartamaan madax-weynenimmada Puntland. Waxaana arrin mucaaradka loogu garaabi karo ah in madax-weynuhu uusan xilligaan furin Dastuurka Puntland, balse arrintaas loogu kaadsho baarlamanka la soo dooran doon iyo xukuumadda cusub ee imaan doonta , iyadoo had iyo goor laga fogaanayo tuhunka ka dhalan kara arrinkaas oo ah in hadba qofka xafiiska jooga uu isaga ku daneysanayo furitaanka dastuurka.  Arrimuhu ma sahlanaan doonaan waqtigana aad buu u koobanyahay, talooyinka qaarkoodna haddii aan si geesinimo ah loo wajihin xalka wuxuu noqonayaa mid fogaada, xalkana wuxuu ku jiraa iyadoo laysla fahmo in waxa laysku hayo uusan jirin qof keliya oo gaar u leh, waxaana run ahaantii aad macquul ugu dhowaa ammaanna mudan talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii loo xil saaray xallinta xiisadda Garowe ee uu hor kacayay Daahir Sanweylood. Waxaa iyadana muuqata xiisadda siyaasadeed Garowe ka aloosan, ee wali sii jiitameysa inaan daacad loo abbaarin, balse haddaan degdeg xal looga gaarin uu qiimaheedu ku kici doono Somaliland oo dalka ka go’ada oo waliba Laas-Caanood dib u qabsata!… markaas xaalka Puntland malee!…

Dhanka kale, marka intaas oo dhan laga soo tago haddii ay magaalladii Garowe ay u egtahay magaalo aan hoos immaan maamulka Puntland oo hoos tagata koox burcad ah oo Aaran iyo Duqow Jaan ah, oo dadkii deegaanka xal ka gaari waayay, waa in golaha shacabka uu sharciyeeyaa oo mooshin ka keenaan meeshii ay Dowlad Goboleedka Puntland salka dhigi lahayd oo ay ku shaqeyn lahayd, mana ah in sida Muqdisho xaalku ahaado Goof Dad Gaar ah mar kasta sheeganayaan oo aan laga  guuri karin laguna shaqayn kareyn! Dalka iyo dadku waa mid, dowladana waa in meesheey kalsooni ku qabto degto. 

Madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo dad badan oo xog-ogaal ah ay ku tilmaameen inuu isagu yahay ninka maal gelinaya waxyaabaha ka dhacay Garowe, islamarkaasna uu taageera aan is bedelin u hayo siyaasadda Muuse Biixi ayaa waxaan shaki ku jirin inuu u bareeray awood inuu wax ku maamulo, wuxuuna dayacay ammaanadii, waxaana durba soo shaac baxay khilaaf siyaasadeed oo uusan maanta shacabka Soomaaliyeed diyaar u ahayn, iyadoo burbur kasta oo maanta dhaca aysan sahlanaan doonin in dib looga soo noqdo!!Doorashada qof iyo codka ah ee ay Puntland hirgelisay waxay ka mudneyd bogaadin, maxaa yeelay markii hore haddii aad ka digay inay doorshadaas Puntland u horseedeyso burbur waxay ahayd inuu raali gelin ka bixiyo isla markaasna bogaadiyo, waxaase muuqata inuusan heerka biseylkaas gaarin, waayo horumarka dadka iyo dalka ayaa iska leh! Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya way dhaqaaqday, Geeddi Caano Leh bay guureysaa oo  lagu  degayo Rug Caano Leh Eebbe Idankii!….

W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Mareykanka oo doonaya inuu hagaajiyo xiriirka Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa booqan doona Boqortooyada Sacuudiga toddobaadka soo socda, si uu wadahadallo ku saabsan arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ula yeesho madaxda dalkaas, sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii sheegtay.

Washington ayaa dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka ay la leedahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa shidaalka.

Safarka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Blinken, oo daba socda booqasho uu bishii hore ku tagay lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa ku soo beegmaya kadib muranno ay ka mid yihiin dilkii weriye Jamal Khashoggi oo ay geysteen wakiillada Sucuudiga iyo go’aankii sannadkii hore ay kooxda OPEC+ ku joojisay soo saarista saliidda.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Blinken uu diiradda saari doono sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka Mareykanka ee Riyadh.

VOA + Reuters.

Daawo taliye Shub: Askariga iyo macallinka tababara hadii ay saaxiibaan waa la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa mamnuucay in haba yaraatee wax fasax ah la siiyo askari ka tirsan Asluubta oo tababar ku jira.

Taliyaha oo tababar u furay ciidamo meelo kala duwan la isaga keenay oo ka tirsan Asluubta ayaa saraakiisha tababarka bixineysa wuxuu ugu goodiyey in liiska laga saari doono hadii ay fasaxaan askari tababar ku jira.

“Hadii macalinku uu askariga tababarka ku jira fasaxo, oo wax un is fahan ah uu dhex maro labadooda waa laga saarayaa ciidanka,” ayuu yiri Jeneraal Mahad oo can ku ah magaca Taliye (Shub).

Taliyaha ayaa sheegay in askar laga keenay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ay ku jiraan ciidanka tababarka loo furay, kuwaas oo muddo sanado ah xuduuda seddax geesoodka ah ee Soomaaliya ay la wadaagto Kenya iyo Itoobiya ilaalo ka hayey.

“Ciidanka Doolow laga keenay wuxuu seexanayaa xeradaan gudaheeda inta tababarku u socdo ma jiro askari la fasixi karo, tababarihii askari fasaxana waan la xisaabtameynaa,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Wuxuu sheegay in ciidanka Gedo laga keenay uu muddo laba sano ah furinta joogay, gaar ahaan dhulka xuduuda ah, isla markaana ay u baahan yihiin in tababar lagu celiyo si loo tijaabiyo anshaxooda, sida uu taliyuhu sheegay.

“Meel xuduud 3-geesood ah ayey ciidankaan laba sano joogeen, waxaana halkaas isugu timaada bahasha aan diideyno, marka ma filaayo inay bad-qabaan, si loo ogaado halkaan ayey seexa doonaan, tababarkana waa qaadanayaan, maalin kasta salaadda subax ayuu orod u bilaaba doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha Asluubta.

Wuxuu sheegay in qorshihiisa uu yahay in ciidanka Asluubta uu noqdo ciidanka ugu wanaagsan ciidamada Soomaaliya, “Waxaan rabnaa in muddo kooban kadib la dhaho ciidanka Asluubta ciidan lamid ah Soomaaliya kama jiro.”

“Waxaan idinku dhaarinaa ilaahey, saraakiisha tababarka aan u xil saaranay, ciidanka yaan loola dhaqmin sidii dad caadi ah, yaan la idinka helin dul-duleelo, askariga aad tababareysaan hala saaxiibinina,” ayuu yiri Taliyaha Asluubta jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hoos ka daawo

Mooshin muddo kororsi ah oo berri la hor geynayo xildhibaanada golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri la isugu yeeray kulan la hor geynayo mooshin wax looga bedelayo muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka.

Ajendaha kulanka berri oo la sii shaaciyey waxaa lagu sheegay in xildhibaanada loo soo gudbi doono mooshinka wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka dalka.

Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigayaa 5-sano.

Guddi loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrintaan ayaa la filayaa inay berri golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas hadafkiisa yahay muddo kororsiga.

Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu xusay in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale go’aanadii golaha wadatashiga qaranka ay soo saareen waxaa lagu xusay in baarlamaanka federaalka la hor geynayo heshiiskaas si sharci rasmi ah loogu bedelo, taas oo ka dhigan in wax ka bedel lagu sameynayo qodob dastuuri ah.

Sidoo kale ajendaha caawa loo diray xildhibaanada golaha shacabka waxaa ku jirta in berri loo qeybi doono ilaa seddax hindise sharciyeed, si ay u soo akhriyaan.

1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka.

2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.

Seddaxdaas hindise sharciyeed iyo mooshinka wax looga bedelayo qodobada dastuuriga ah ayaa berri loo gudbinayaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida caawa lagu war-geliyey.

Museveni oo xog yaab leh ka bixiyey weerarkii lagu laayey ciidankiisa ee Buulo-Mareer

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku sheegay inay sabab u aheyd musuq-maasuq.

Museveni ayaa sheegay in ciidamo aan si wanaagsan loogu tababarin howlgallada dagaalka lagu geeyey Soomaaliya hab musuq-maasuq ah. 

Weerarka ayaan illaa iyo hadda aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhasha, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa gaarsiinaya khasaaraha dhimashada illaa 140 askari, ayada oo dhowr kalena ay u gacan galeen Al-Shabaab.

“Dhibaato ayaa ka dhacday Soomaaliya. Ciidamadeena shalay ayey dib ugu laabteen halkii lagu weeraray ee inta ay argagaxeen ee ay ka carareen,” ayuu yiri Museveni.

“Argagixisadii waa ay carareen, waxaana hadda heleynaa xaqiiq dheeri ah oo ku saabsan waxa uu khaladku ahaa. Khaladka wuxuu dhabtii ahaa musuq-maasuq, balse faah-faahin ayaa soo bixi doonta,” ayuu yiri madaxweynaha.

Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare oo ka mid ah taliska ciidamada ay sababeen dhibaatada.

“Waan heli doonnaa aqoonsiga kuwaas. Balse mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa Okia, oo ku sugnaa xarunta ciidanka ee Kampala. Waa midka askarta u sheegay inay cararaan. Marka waa xiran yahay,” ayuu yiri Museveni.

Weerarka ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan tayada taliska ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda.

Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada aysan u howlgelin sidii la filayey ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.

Waxa uu dhaliilay habka loo xulay ciidanka Uganda ee la geeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay in qaar cunooyinka kariya iyo kuwo ilaalo shaqsiyaad ah ay loo ekeysiiyey dagaal-yahano.

“Qaar ka mid ah saraakiisha abaabulka, ayaa magacyada ilaaladooda, kaaliyayaashooda iyo cunto kariyayaashooda ka dhigay dagaal-yahano oo u qaaday Soomaaliya,” ayuu yiri Museveni.

Hadalka Museveni ayaa waxaa laga fahmi karaa in Soomaaliya ay askarta u tahay fursad qaali ah oo kumanaan dollar ay ku sameyn karaan muddada ay joogaan, taasi oo keentay in la musuq-maasuqo habka ciidanka loo keeno.

Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda. 

Mareykanka oo shaaciyey xogta weerar uu ka fuliyey Soomaaliya oo lagu dilay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarkaas lagu dilay xubnaha Shabaab-ka ah.

“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah, sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono, si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ayaa muhiim u ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab oo meel dhexe soo gaaray, rajo badana laga qabo in dowladdu ay kooxda ka adkaato mar aan dheereyn.

Diyaaradaha Mareykanka waxay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan beegsiga kooxda, markii ay dagaalyahanadu galaan dhulka howdka ah, waxaana marar badan la arkay oo lasoo bandhigay meydadka tobanaan Shabaab ah oo dhul howd ah ay diyaaraduhu ku dileen.

Waxaa xusid mudan in dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay aad u yaraadeen duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya, inkastoo aan la shaacin sababta, balse waxaa si guud gaabis ugu yimid weerarradii ciidamada dowladda ay ku qaadi jireen dhulka ay joogaan Al-Shabaab.

Daawo: Madaxweyne XASAN oo khudbadii Jimcaha ku shaaciyey arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha Soomaaliya ee ku biiradda Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay aqbalaeen codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoshada Suuqa Bariga Afrika.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeenii ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika, dadkeenu waa kuwa ugu firfircoon Geeska Afrika, waana tan nagu dhiiri-gelisay inaan dirsano codsigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dhiman yihiin waxyaabo yaryar oo farsamo ah oo ku saabsan hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso dalladaas.

Hasayeeshee Madaxweynuhu wuxuu bulshada u cadeeyey in la aqbalay codsigii Soomaaliya ay ku dooneysay in lagu biiriyo wadamada ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Shuruucda ka mid noqoshada ururkaas waxaa la keeni doonaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inuu ogolaado,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray inay aqoonsi iyo sharciyo heli doonaan dadka Soomaaliyeed oo ku ganacsada dalalka todobada ah ee ku midoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika oo la qorsheynayo in Soomaaliya ay noqoto dalka 8-aad.

“Dadkeena maanta kadib waxay sharci ku heli doonaan dal kasta oo daladaas ka tirsan meesha ay ka joogaan, dib dambana looma qash-qashaadi doono, inta aan la rabaynay oo aan raadineynay waa intaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Sawirro: Ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda DADKA reer Muqdisho oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta dilay ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyey in Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabi jiray Cali Raaxo, wuxuuna kooxda wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado.

Waxaa lasoo bandhigay telfoonadii uu Cali Raaxo ka soo wici jiray dadka reer Muqdisho iyo meydkiisa oo la aqoonsa karo.

Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow, sida lagu sheegay qoraalka.

“Ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Danbiile Cali Raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan Khawaarijta.”

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh dowladda Soomaaliya ayaa xoogga isugu geysay beegsiga xubnihii Shabaab-ka ee dhibay dadka reer Muqdisho, kuwaas oo noqday kuwo la dilay iyo kuwo cararay.

Daawo: Cumar C/rashiid oo kashifay qorshe culus oo ay damacsan yihiin madaxda DF

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka ayaa ka digay muddo kororsi dambe oo ku lamaansan kan hadda lagu heshiiyey.

“Muddo kororsiga ay hadda madaxdu ku heshiisay wuxuu sii dhali doonaa muddo kororsi kale, madaxdu waxay ka tilaabsadeen dastuurkii dalka,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Wuxuu ku dooday in xittaa sanadka ay kororsadeen aysan ku qaban Karin doorasho qof iyo cod ah, “Dadkaan qaanuun ay heshiis ku yihiin ma jiro, dastuurkiina waa ka tilaabsadeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in heshiiskaan uu xasarad cusub ku abuurayo waxyaabihii muhiimka ahaa ee dowladda laga rabay inay deg deg uga guul keento, sida dagaalka Al-Shabaab.

“Iyadoo la galay wajigii labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo 2024-ka ATMIS la rabo in amniga dalka lagala wareego iyo waxa ay madaxdii dalku na hor keeneen, waa isku kaana qaba weysay, waxaan is weydiinay maxaa loo abuurayaa qalalaasahaan cusub,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale R/Wasaarihii hore wuxuu la yaab ku tilmaamay sababta go’aan sidaas u weyn loo gaaray iyadoo Puntland ay ka maqan tahay miiska wadahadalka.

“Wax kasta oo Puntland ay ku maqan tahay, wuxuu xil ka saaran yahay madaxweynaha iyo r/wasaaraha, waqtigii aan joogay xafiiska, sidaan oo kale Puntland waxay u diiday nidaamka 4.5, anigaa u tegay laba todobaad Ayaan Garowe fadhiyey, si doorashada dalka loogu heshiiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu su’aal geliyey sababta ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ula fariisa la’yihiin Saciid Deni, “Dalka iyo dadka inay isku hayaan ayaa laga rabaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka daawo

Xog: Xasan Sheekh oo ka talo-diiday xunaha ku dhow ka hor heshiiskii doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan sayray talooyin ay siiyeen xubnaha ku dhow kahor heshiiskii golaha wadatashiga qaran ay ka gaareen hanaanka doorashooyinka ee muranka dhaliyey, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskas ayaa isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladnimo ee dalka, ayada oo la qadaanayo nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, meeshana laga saarayo ra’iisul wasaaraha, dalkana la gelinayo doorasho qof iyo cod ah. 

Hase yeeshee, heshiiska ayaa wax durba ka horyimid caqabado ay ka mid yihiin maamulka Puntland oo saameyn ku leh awood qeybsiga dalka oo diiday, iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxweyne iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo ku macneeyey isku dya muddo kororsi. 

Xildhibaano iyo xubno ku dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha kala hadleen in xilligan aanu isku furin buuq siyaasadeed, maadaama uu xafiiska joogo sanad kaliya, dalkana uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. 

“Madaxweynaha waxaa looga sii jeeday dagaalka Al-Shabaab, mana jirin cid buuq ku haysa, balse hadda wuxuu isku soo furay albaab mucaarado xooggan, annaga waan kala talinay balse tiisa ayuu qaatay,” ayuu yiri xildhibaan ku dhow madaxweynaha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. 

“Waan ognahay in heshiiska aanu dhaqan galeyn. Waan ognahay in heshiis aan loo wada dhameyn oo Puntland aysan qeyb ka aheyn. Xitaa madax goboleedyada hadda taageersan qaarkood ayaa sanad kadib soo jeesan doona. Qodobada qaarna waa kuwo dastuuri ah oo u baahan in dastuurka wax laga beddelo.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska waxaa lagu eedeynayey inuu talo diid noqday, ayada oo xubnaha ku dhow ay hal hays ka dhigteen “albaabka ayuu xirtay.” 

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan la horgeyn doono baarlamanka, oo ayada oo aanu laga ansixin aanu meel mari doonin, mana cadda sida ay xildhibaanada uga falcelin doonaan. 

Museveni decries corruption, poor training in Somalia attack

Kampala (Caasimada Online) – In an extraordinary critique of the Ugandan Armed Forces, President Yoweri Museveni has attributed the recent devastating attack on a Ugandan army base in Somalia to corruption and inadequately trained soldiers.

During an NRM Caucus retreat at the National Leadership Institute Kyankwanzi last Thursday, President Museveni openly castigated the conduct of Ugandan soldiers in the face of the Al Shabaab assault.

He acknowledged the improper recruitment of unqualified personnel into combat roles and vowed to unearth the individuals behind these actions.

The assault on the Forward Operating Base in Lower Shabelle, approximately 140 kilometers from the capital Mogadishu, occurred last week.

The tragic event saw Al Shabaab insurgents claim the lives of numerous Ugandan service members, sparking nationwide outrage.

President Museveni described the soldiers’ reaction to the attack as panic and disorganization, which he claims allowed Al Shabaab to overrun the base and destroy equipment.

Corruption at the root

The heart of the issue, Museveni suggests, lies in corruption within the Ugandan People’s Defence Force (UPDF) ranks.

This corruption, he explains, allowed individuals ill-suited for combat roles, such as cooks and bodyguards, to infiltrate the ranks under the guise of fighters.

“But it seems at some stage, some of the people who organize, they put the names of their bodyguards, personal assistants, and cooks,” Museveni observed.

He strongly criticized this makeshift approach, implying it severely undermines the army’s effectiveness.

President Museveni announced the arrest of a key individual allegedly involved in the scandal. He identified one Major Okia, who reportedly instructed soldiers to flee the battlefield.

Museveni stated, “He is the one who told the soldiers to run away. So, he is under arrest.”

While President Museveni did not name the other individuals implicated, he promised to uncover their identities and hold them accountable.

A call for thorough investigation

In the wake of this disaster, Lt Gen Kayanja Muhanga, Land Forces commander, has been dispatched to Somalia to probe the attack that resulted in the tragic loss of many Ugandan soldiers’ lives.

Museveni iterated his disgust at the circumstances leading to the attack, describing deploying ill-prepared soldiers into a combat zone as criminal.

He assured the nation that further details would be released following the Board of Inquiry’s conclusion of its investigation.

As the country grapples with the gravity of the situation, President Museveni’s firm commitment to transparency, investigation, and accountability could herald a significant shift in addressing corruption and malpractice within the Ugandan military.

Boost for Somalia as EAC membership bid progresses

Nairobi (Caasimada Online) – Somalia’s dream of joining the East African Community (EAC) has been given fresh momentum as EAC member states adopted a verification report that bolsters Somalia’s bid for membership.

The 21st extraordinary Heads of State summit chaired by Burundi’s President Evariste Ndayishimiye featured the development and provided the conflict-torn nation a beacon of hope.

President Hassan Sheikh Mohamud has been instrumental in pushing for Somalia’s inclusion into the EAC, a quest he first initiated during his term from 2012 to 2017.

This was in conjunction with the Democratic Republic of Congo, which gained admission last year.

The membership bid came to the forefront again when President Mohamud attended the 22nd Ordinary East Africa Community Heads of State Summit in July of the previous year, reiterating, “I am here to make a formal bid for Somalia to join the East African Community.”

Implications of the verification report

The adoption of the verification report means that the EAC Secretariat and Council have been directed to initiate negotiations with Somalia and present a report at the next Ordinary Summit, where a final decision on the matter will be taken.

This information is captured in a communiqué signed by all member states.

Responding to the EAC’s decision, Somalia recognized the development as a significant milestone, stating that it is fully prepared to join the EAC.

The Foreign Affairs and International Cooperation issued a statement highlighting that Somalia’s membership will significantly enrich the EAC sister countries and contribute to regional integration and prosperity.

“Somalia expresses its gratitude and appreciation to the heads of state and General Secretariat of the EAC for the communiqué that was made public and reaffirms its determination and desire to engage in productive negotiations that would hasten the EAC’s confirmation of its membership and formal admission,” the statement reads.

Criteria for Membership

Membership in the EAC is guided by the 1999 Treaty for the Establishment of the East African Community, which stipulates adherence to universal principles of good governance, democracy, the rule of law, respect for human rights, and civil liberties, among other things.

A verification team comprising senior officials from the seven member states visited Somalia in January to assess the nation’s preparedness for membership.

The team’s mandate involved evaluating institutional and legal frameworks, policies, strategies, projects, programs, areas of cooperation with other EAC Partner States, and expectations from its membership.

The Council of the Ministers’ Summit approved the report during its 43rd ordinary session in Burundi in February.

EAC Secretary General Peter Mathuki underscored the potential benefits of Somalia’s membership.

He emphasized that the EAC could exploit Somalia’s coastline, the longest in Africa at 3,200 kilometers, to enhance trade.

Mathuki also acknowledged the growth in intra-EAC trade due to political goodwill among member states, reporting a surge to Sh1.2 trillion (US$10 billion) from US$7.1 billion in 2019.