27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

BF oo sii wada wax ka beddelka lagu muransan yahay – Maxaa maanta dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah, kaasi oo lagu sii amba-qaadayo wax ka beddelka dastuurka oo muran xooggan ka taagan yahay.

Guddoonka ayaa xalay mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya u diray farriimo wargelin ah, oo looga dalbanayo inay soo xaadiraan kulan maanta, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada guddoonka baarlamaanka doonayo in lagu dhameystiro dastuurka KMG ah.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka beddelka dastuurka, cutubyada 7-aad iyo 8-aad, gaar ahaan qodobbada 109-aad illaa 119-aad iyo qodobbada 120-aad illaa 129-aad.

Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa.

Guddoonka Baarlamaanka oo gadaal ka riixaysa Villa Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu soo afmeero wax ka beddelka dastuurka ka hor furitaanka wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka ay ka dhaceen buuq lagu diidan yahay qorshahan.

Guddiga dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale u kala jabay laba garab, iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka, Senator Cabdirisaaq Cismaan, iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ay ka horyimaadeen sida loo wado wax ka beddelka dastuurka.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay Muqdisho u yimaadeen wada-hadallada Dowladda Federaalka, si xal looga gaaro arrimaha taagan, gaar ahaan hanaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho, si la iskula qaadaa-dhigo halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Doodda ugu xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii ridday furitaanka shirka.

SOMALILAND oo qiratay arrin uu sheegay madaxweyne Xasan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu saxiixayo heshiiska Abraham Accords, kaas oo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu qeyb ka yahay sababaha Israa’iil ay aqoonsi u siisay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan wareysi siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu ku saleysnaa heshiis ay ku jireen qodobo ay ka mid tahay saxiixa Abraham Accords.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir oo la hadlay BBC ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid dhab ah, isagoo si cad u sheegay inay saxiixayaan heshiiska la yiraahdo Abraham Accords.

Heshiisyada Abraham Accords waa kuwo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalalka Carbeed, xiriirkaas oo ahaa mid xun tan iyo markii la aas-aasay Israa’iil.

Intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sanadkii 2020, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay heshiiskaas, iyagoo jebiyay caado-reebitaan soo jireen ah. Taas ayaa ka dhigtay dowladihii Carbeed ee ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil muddo rubuc qarni ah.

Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna ku xigay, iyagoo ku biiray heshiiska Abraham Accord. Sidoo kale, dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiiska.

Haatan, maamulka Somaliland ayaa u arka ku biirista heshiiskan mid loogu gogol xaarayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.

Si kastaba, aqoonsi la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga gobolka.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda, una adeegsaneysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ka horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Xog: Golaha Mustaqbalka iyo Xasan Sheekh oo yeelanaya kulankoodii u horreeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay yeeshaan kulankoodii u horreeyay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan oo noqonaya mid qado ah ayaa waxaa martiqaadka iska leh Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland aan wax xiriir toos ah la sameyn.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu ka qabsoomo hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, kulanka qadada ayaa la iskula qaadaa-dhigi doonaa halka uu ka dhacayo shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo weliba waqtiga uu furmayo.

Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegaya inay aad ugu ololaynayso kulankan, isla markaana ay rabto in la isla qaato isfaham guud si aysan u fashilmin wada-hadalka labada dhinac.

Xalay ayay ahayd markii Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad uu booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, isagoo damaanad amni u fidiyay si ay u tagaan xarunta Villa Soomaaliya.

Mahad Salaad oo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kula shiray hoteelka ay ka degan yihiin xayndaabka garoonka ee xerada Xalane, ayaa ku booriyay inay oggolaadaan in Madaxtooyada lagu qabto wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, Mahad ayaa xalay la shiray madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo kala hadlay ismari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.

Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii riday furitaanka shirka.

Amiirka Qatar oo arrin muhiim u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga wada-hadlay amniga, xasilloonida, iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka.

“Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Amiirka Qatar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyay in dowladdiisu si buuxda u garab taagan tahay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta uu door weyn ka qaato xasilloonida iyo kobaca dalka.

Wada-hadalka labada hoggaamiye ayaa sidoo kale taabtay xoojinta xiriirka labada dal iyo sii ambaqaadidda iskaashiga mustaqbalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sii xoojiyo fursadaha horumarineed ee Soomaaliya iyo in la helo taageero dheeraad ah oo ka timaadda Qatar si loo hormariyo mashaariicda muhiimka ah ee dalka.

Amiirka Qatar ayaa mar kale ku celiyay sida ay muhiim u tahay in la taageero dadaallada nabadeynta iyo xasilloonida ee socda gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyna, wada-hadalka ayaa ku soo dhammaaday isfaham buuxa oo ku saabsan sii ambaqaadidda iskaashiga labada dal iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaalaha ee mustaqbalka.

Qatar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida, ayaa mar kale lagu wadaa inay xoojiso taageerada milatari ee dalka.

Soomaaliya ayaa dabacsanaan wayn u muujisay Dooxa, si ay u noqoto beddelka Abu Dubai oo dhawaan ay kala tageen, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiisyadii horay loola galay Imaaraadka.

Maxay yihiin dhalinyarta uu Turkiga dib ugu soo celinayo Soomaaliya?

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya dib ugu soo celiso dhallinyaro Soomaali ah oo muddo ka badan afar bilood ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas.

Dhallinyaradan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa la sheegay inay Turkiga gaareen waqtiyo kala duwan, iyagoo damacsanaa inay halkaas uga sii gudbaan dalal kale.

Badankood waxaa la qabtay xilli ay isku diyaarinayeen safarro tahriib ah, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in laga soo kala qabtay goobo kala duwan, ka hor inta aan loo gudbin xabsiyo si baaritaanno iyo hubin sharciyeed loogu sameeyo.

Qaar ka mid ah dadka xiran ayaa eheladooda u sheegay in lagu wargeliyay in muddo ku dhow 72 saacadood gudahood dib loogu soo celin doono Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay ku booqdeen xabsiyada, iyagoo si rasmi ah ugu gudbiyay qorshaha la xiriira dib u celintooda.

Turkiga ayaa horey u masaafuriyay muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo qaarkood uu ka dhacay sharcigii deggenaanshaha, halka kuwo kalena la qabtay iyagoo isku dayayay inay si sharci darro ah uga sii gudbaan dalal ka tirsan Yurub.

Si kastaba, sanadihii u dambeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fududeysay soo celinta qaxootiga, muhaajiriinta iyo maxaabiista ku xiran dalalka dibadda.

Deni, Madoobe iyo mucaaradka oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo maanta madaxda golaha ay la kulmeen ururrada bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla xayndaabka garoonka ee xerada Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo shirka dhowaan uu goluhu la yeelanayo Dowladda Federaalka, si dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah.

Waxaa goobjoog ka ah kulanka madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirkan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo dhexmaray madaxda Puntland, Jubaland iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyagana looga hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku guda jira wadatashiyada ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkastoo weli la isku mari la’yahay goobta uu ka qabsoomayo shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo ay isku fahmi la’yihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Abiy oo Xasan Sheekh hortiisa ku muujiyay rabitaanka Itoobiya ee badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa mar kale muujiyay doonista dalkiisa ee helitaanka marin ku yaalla Badda Cas, xilli uu khudbad ka jeedinayay shir-madaxeedkii Midowga Afrika.

Shirweynahan oo Sabtii ka qabsoomay Addis Ababa ayaa waxaa madaxda madasha ku sugnaa kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Abiy ayaa khudbadiisa ku muujiyay in arrintan ay tahay mid istiraatiiji u ah nolosha dalalka dadka badan leh.

“Waddamada dadka badan kama joogsan karaan xad-gudubka juqraafiga,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyay in marin badeed la idku haleyn karo uu laf-dhabar u yahay ganacsiga, horumarinta warshadaha, sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhaqaalaha.

“Waxaa muhiim ah in la hubiyo marin bad oo ammaan ah iyada oo loo marayo iskaashi nabdoon,” ayuu Abiy shirka ka sheegay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay dooneyso marin bad oo nabdoon oo lagu gaaro wadahadal iyo iskaashi dan-wadaag ah, halkii ay ka dooran lahayd xiisado iyo isqabqabsi.

Wuxuu xusay in dekeduhu aysan ahayn oo keliya meelaha laga dhoofiyo laguna soo dejiyo badeecadaha, balse ay yihiin tiirarka isku xirka gobolka iyo barwaaqo wadaag ah.

Sidoo kale, Abiy ayaa ka hadlay jawiga caalamka ee hadda jira, isagoo sheegay in dunidu ku jirto marxalad isbeddel iyo hubanti la’aan leh, isla markaana Afrika u baahan tahay midnimo, kalsooni iyo tallaabo wadajir ah si ay uga gudubto duruufahaas.

“Waxaan ku noolnahay xilli kala guur iyo hubanti la’aan caalami ah. Xoogga Afrika xilligan wuxuu ku xiran yahay midnimo, kalsooni, iyo waxqabad wadajir ah.”

Itoobiya ayaa bad la’aan noqotay tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay sanadkii 1993, waxaana marar badan soo noq-noqday hadallada muujinaya sida ay u danaynayso helitaanka marin badeed.

Abiy ayaa markasya ku dooda in aysan macquul ahayn in dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof uu sii ahaado bad la’aan, wuxuuna helitaanka Badda Cas gaarsiiya arrin “jiritaan” u ah Itoobiya.

Inkasta oo uusan magacaabin deked ama dal gaar ah, hadalladiisu waxay kusoo beegmayaan xilli doodaha arrintan la xiriira ay ka taagan yihiin gobolka.

Damaca Itoobiya ee badda ayaa waxa uu xiisaddo hor leh ka riday dalal kamid tahay Soomaaliya, iyadoo isku-daygii ugu weynaa ee Itoobiya ay ku doonaysay marin badeed uu yimid 1-dii Janaayo 2024, markaas oo heshiis is-afgarad (MoU) la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskaas, Somaliland waxa uu Itoobiya siinayay marin badeed ganacsi iyo mid ciidan. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sheegay in heshiisku dhigayay in Itoobiya ay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Soomaaliya ayaa isla markiiba diiday heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay sharci-darro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe saxiixay sharci burinaya heshiiskaas.

Khilaafkaas ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo aad u adag oo u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho, iyadoo Soomaaliya wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiskaas, oo markii dambe fashilmay.

Bishii December 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay Baaqa Ankara, oo uu fududeeyay Turkigu, kaas oo horseeday in la soo afjaro xiisaddii, uuna mar kale xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu dib u soo laabto. Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Saciid Deni iyo caqabad ku noqoshada mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ah hoggaamiyaha maamulka ugu curadsan maamullada hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, ma aha maslaxad-doon, mana doonayo in Soomaaliya noqoto dal leh dowlad cagaheeda isku taagta. Haba iska ahaato dabeecad ay wadaagaan DFS iyo Puntland, oo hoggaamiyeyaashii soo maray ay giddigood ka sinaayeen in laga horyimaado hab-maamulka Dowladda Dhexe ee dalka.

Waxaa la xusuustaa AUN Kornel Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo iska diiday in uu la shaqeeyo Dowladdii Carta ee Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan; Cabdiraxmaan Faroole oo diidanaa wadashaqeyn in uu la yeesho Dowladdii Sheekh Shariif; si la mid ahna Cabdiweli Gaas oo diidanaa la shaqeynta dowladuhii kala dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Halka dowlad ee uu maamulkaas si dhab ah ula soo shaqeeyay ay ahayd middii AUN Kornel Cabdullaahi Yuusuf Axmed, taas oo la xusuusto in ay kab dhaqaale iyo taageero ciidanba la garab taagnaayeen xilligaas oo uu hoggaaminayay Puntland AUN Janaraal Cadde Muuse Xersi.

Waxaan shaki ku jirin in Faroole iyo Gaas doodooda ugu weyn ay ahayd in Puntland hesho xuquuq ka dheeri ah maamullada kale ee dalka iyo mudnaan gaar ah, oo ay arrimaha dastuurka iyo doodaha ku dhisan jireen, dabadeedna ku gorgortami jireen in ay helaan beddel mashaariic horumarineed.

Waxaase xaqiiqo ah in Saciid Deni yahay hoggaamiyihii ugu liitay ee soo mara Puntland, oo aan u daneynin in uu ku daneysto mooyee, uguna tabarta darnaa marka ay timaado doodaha geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Haddaba maxaan sidaas u leeyahay? Ma dulminayaa mise waxaan u heli karaa caddeymo ku filan? Hoos ka akhri sababta.

Ka bixitaankii Golaha Wadatashiga Qaran

Waxa uu horay uga tagay gogoshii Golaha Wadatashiga Qaran oo ahaa gole dastuuri ah oo uu qayb ka ahaa, si looga heshiiyo qodobada masiiriga ah ee ku hor gudbanaa qaran-dhiskeenna. Wuxuu shirka ka cararay horraantii muddada xilka Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taariikhdu markay ahayd 05/12/2022.

Goluhu waxa uu markaas ku heshiiyey dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen:

  • Asteynta awoodaha saddexda heer dowladeed: Dowladaha Hoose, Dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.
  • Federaaleynta garsoorka dalka oo ilaa hadda u dhisan qaabkii dhexe (centralized).

Inta kale waa saxiixeen, isaga waa iska diiday. Ma uusan codsan muddo dheeri ah si uu wadatashi u aado, dood kama furin miiska ama makarafoonnada bannaanka midna, mana la yaqaan aragtidiisa ku aaddan qeexidda awoodaha saddexda heer dowladeed iyo federaaleynta garsoorka dalka.

War-murtiyeedka kulankiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) waxaa saxiixay dhammaan Dowlad-goboleedyada kale iyo Dowladda Federaalka marka laga reebo Puntland. Sidaan qormada ku soo tilmaamay, Saciid fikrad ka duwan midda lagu heshiiyay ma keenin kadib shirkaas, fagaarayaasha bulshada lagula hadlo ee warbaahinta iyo doodaha furan, mana aadin wadatashi.

Lama arag isagoo isugu yeeraya labeenta siyaasadda Puntland: Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xubnaha labada aqal, wasiirradii hore ee heer Federaal iyo heer Puntland, diblumaasiyiinta iyo Isimada deegaanka, si uu ula wadaago ra’yiga uu ka qabo qodobada masiiriga ah ee ku xirnaa dhameystirka Dastuurka JFS, ugana dhageysto midka ay ku biiriyaan. Ugu dambeyn, wuu ka tagay gogoshii uu xaqa u lahaa, taas oo lagu macneyn karo diidmo ah in qaran taabagala uu hanaqaado iyo horusocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Diidmada wadahadalka ee Saciid Deni

Dowladda Federaalka kama aamusin arrinta la xiriirta tagitaankiisa. Waxaa loo diray ergo ka kala tirsan NCC, wuu ka cudurdaartay. Waxaa loo diray xubno Soomaali ah oo xal keeni kara, wuu diiday. Waxaa loo diray Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, waa lagu qancin waayay. Waxaa loo diray diblumaasiyiin ka socday dalal saaxiib la ah Soomaaliya, iyagana waa ka diiday.

Waxaa lagu kari waayay in waxa uu diidan yahay miiska ku diido. Ugu dambeyn waa laga quustay.

Ka maqnaanshaha shirarkii xigay

Wuxuu ka maqnaa shirkii Baydhabo lagu qabtay ee xigay kii ugu dambeeyay ee uu ka tagay. Waxaa gogosha halkaas loo dhigay bal in uu aqbalo casuumaadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed waana diiday. Halkaas waxaa looga soo heshiiyey qodobo ay ka mid ahaayeen:

  • Federaaleynta Hay’adaha Maamulka iyo Maaliyadda.
  • Mideynta dakhliga dalka iyo dhismaha hay’adaha dakhliga (Somali Revenue Authority).
  • Federaaleynta Hay’adaha Amniga Dalka.

Sidoo kale wuxuu ka maqnaa shirkii saddexaad ee ka dambeeyay kii uu ka tagay, oo isagana looga heshiiyey:

  • Nooca Doorashooyinka.
  • Tirada Xisbiyada Dalka ku habboon iyo qaabka ay ku soo baxayaan.
  • Qaab-maamulka Xafiisyada Qaranka noqonayaan, ma Baarlamaani mise Madaxtooyo (Parliamentarian or Presidential System) midood.

Khilaafka doorashooyinka Puntland

Dhankiisa, wuxuu watay doorashooyin gaar u tolan oo uu ka qabtay doorasho hal dhinac ah oo buuq badan hareeyay, isagoo lagu eedeeyay kicinta shacabka, hurinta ficillo qabyaaladeed, la dirirka qof walba oo ka ra’yi duwan, dulqaad yari iyo dabeecad xumo bannaanka u soo saartay shaqsiyadiisa dhabta ah ee ku sifeysan itaal-yaridiisa hoggaamineed.

Ugu dambeyn, wuu is doortay. Dowladda Federaalka way soo dhaweysay, Madaxweynaha JFS-na wuxuu ka qeyb galay caleemo-saarkiisa. Waxaa la filayay in uu dib ugu soo laabto wadahadaladii NCC kadib is-doorashadiisa, balse taasi ma dhicin.

Khilaafaadka gudaha Puntland

Saciid wuxuu la heshiin waayay Isimadii uu kuraasta Baarlamaanka Federaalka labadiisa aqal ka soo boobay xilligii doorashada 2022-ka, iyo sidoo kale xubnihii Baarlamaanka Puntland oo uu doorashadiisa 2024 iyana ka boobay. Wuxuu kala irdheeyay mudaneyaashii uu kuraasta u soo boobay ee heer Federaal oo uu isku haysan waayay. Wuxuu ku guuldarreystay inuu heshiis la gaaro siyaasiyiintii iyo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland oo ay ku kala tageen damaciisa guracan iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed ee deegaanka.

Maanta cid uu heshiis la yahay ma jirto marka laga reebo tiro kooban oo dadka u caaya, una qaabilsan Soomaali kala geynteeda, lagana xusi karo Wasiir Juxa, Wasiir Caydiid Dirir, Xildhibaan Dhaashane iyo qaaqlaha baraha bulshada ee Ayuub Geesdiir.

Wuxuu si aan gambasho lahayn isu-hortaagay u hoggaansanaanta awoodaha Dowladda Federaalka ee uu Dastuurka Federaalka siiyay, waxaana laga xusi karaa qodobada hoos ku qoran:

1. Siyaasadda arrimaha dibadda

Wuxuu ku eedeysan yahay inuu la safnaa dano ka horimaanaya maslaxadda qaranka, gaar ahaan xilligii xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu la safnaa cadowgii ciiddeenna soo hammiyay. Waxa uu xilligaas gacan haatinayay in uu Dowladda Itoobiya la saxiixdo heshiis sharci-darro ah oo uu ugu ogolaanayo Dekedda Garacad.

Wuxuu safarro kala duwan ku tagay Itoobiya xilliyadii ay xiisaddu taagneyd. Marar badan waxaase arrintaas ku dhiirran weysay Dowladda Itoobiya oo dhimbil dab ah ku noqday is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay maamulka gooni-u-goosatada Hargeysa fadhigiisu yahay, sabab la xiriirta muruqa diblumaasiyadeed ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala hortagtay dhagartaas.

Wuxuu ka gaabsaday in uu oraah ku taageero dadaalka lagu difaacayay midnimada iyo madaxbannaanida dalka, wuxuuse taa beddelkeeda hadal uu ka jeediyay Garacad ku sheegay in uu khayaali yahay dadaalka diblumaasiyadeed ee ka dhanka ah duullaanka Dowladda Itoobiya ku soo maagtay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wuxuu sii waday xagal-daacinta difaaca dalka, wuxuuna diidmo kala horyimid amarkii xiritaanka Xafiisyada Qonsuliyadeed ee Dowladda Itoobiya uga furnaa Garoowe iyo Hargeysa, gaar ahaan kan Garoowe, wuxuuna tilmaamay in Puntland u madax-bannaan tahay arrimaheeda, oo uu ula jeedo “wax walba waan u madax-bannahay.”

Waxaa uu heshiis kula soo galay magaalada Nairobi hoggaamiyaha gooni-u-goosatada Hargeysa, kaas oo uu hoosta uga xarriiqay in uu gacan ku siin doono in ay xaqiijiyaan rabitaankooda, wixii liddi ku ahna ay isku meel uga soo wada jeestaan. Waxa ayna is-tuseen in Dowlad-goboleedka Cusub ee Waqooyi-bari himiladaas halis ku yahay, sidaas darteedna ay u midoobaan sidii meesha looga saari lahaa.

Wuxuu ka gaabsaday ka hadalka aqoonsiga beenaadka ah ee ay Yuhuuddu siiyeen kooxda gooni-u-goosatada Hargeysa, isagoo Dowladda Federaalkana ku gacan-seyray laalidda heshiisyadii Dowladda Imaaraadka ee gayiga Soomaaliya kadib markii la dareemay in ay dhagarta Yuhuudda iyo Itoobiyaba ku soo maageen dalkeena, gadaalna ka taagneyd.

2. Difaaca qaranka

Wuxuu ka horyimid qaadista cunaqabateyntii hubka. Wuxuu ka cararay shirarkii GWQ ee NCC ee lagu gorfeynayay federaaleynta hay’adaha amniga dalka. Wuxuu si cad u diiday in DFS door ka qaadato arrimaha la dagaallanka argagixisada Khawaarijta iyo Daacish ee gudaha Puntland, mid toos ah iyo mid dadbanba.

3. Jinsiyadda iyo socdaalka

Wuxuu diiday nidaamka fiisaha online-ka ah (visa online) ee DFS hirgelisay si looga hortago argagixisada dalka ku soo qulquleysa, iyo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo sheegay in Puntland sameyn doonto kaar u gaar ah.

4. Lacagta qaranka

Wuxuu ka horyimid deyntii laga cafiyay dalkeena ee gaareysay 4 Bilyan iyo barka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland sameyn doonto lacag iyo bangi dhexe oo u gaar ah, taas oo si toos ah uga hor imaanaysa Dastuurka Dalka. Sidoo kale waxaa uu heshiisyo qarsoodi ah la galay shisheeye calooshood-u-shaqeystayaal ah oo uu kula heshiiyay kalluunka iyo kheyraadka macaadinta iyo dahabka gobolka Sanaag. Wuxuu jaray gabi ahaanba wadashaqeyntii mashaariicda DFS.

Si kasta oo ay DFS iyo Puntland isku khilaafaan, marnaba taariikhiyan ma istaagin fulinta mashaariicda horumarineed iyo wadashaqeynta hay’adaha kala duwan ee labada heer dowladeed. Sidaas darteed, Saciid Deni waa hoggaamiyihii ugu liitay ee Puntland soo mara iyo siyaasigii ugu qalafsanaa ee kala garan waaya danta qaranka iyo dantiisa gaarka ah.

W/Q: Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir Cumar Cabdiraxmaan Macow (Cumar Faaruuq)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Laftagareen oo amar siiyay saraakiisha Koonfur Galbeed + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey xaqiijinta amniga guud ee deegaannada maamulkaasi ayaa amar siiyay saraakiisha u xilsaaran amina ee uu la kulmay.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawishta, iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta iyadoo  diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada amni, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo sugidda nabadgelyada guud ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen oo kulanka ka hadlay ayaa faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana la laba jibbaaro howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Intaas kadib saraakiisha ka qayb-galay kulanka ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee guud iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobollada maamulkaasi.

Waxaa kale oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka shacabka ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray go’aanno wax ku ool ah oo lagu xoojinayo istaraatiijiyadda amniga iyo kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Baydhaba uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo xooggan.

Si kastaba, xaaladda ayaa hadda deggan, wuxuuna maamulka isku dayaa inuu ka hortago in tallaabo ciidan loo adeegsado isbeddal ka dhaca Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka iyo shirka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay, kadib shirar muhiim ah oo uu uga soo qayb-galay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa soo laabashadiisa si weyn looga dareemayaa caasimada oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh.

Sida uu qorshuhu yahay Villa Soomaaliya ayaa haatan xoogga saareysa furitaanka shirka ay la leedahay Golaha Mustaqbalka oo ay qayb ka yihiin madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Xasan Sheekh uu si deg-deg ah u gada-geli doono qabashada gogosha uu dhigay, si looga wada-hadlo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyo dastuurka.

Gogosha ayaa haatan wajahaysa caqabado waa wayn, waxaana weli lagu heshiin la’ahay goobta lagu qabanayo shirka, maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ka caga jiidayaan inay tegaan Xarunta Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad oo xalay booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sameeyay isku dayo uu ku qancinayo labada madaxweyne, isaga oo la sheegay inuu u fidiyay damaanad amni’ si ay u tegaan  Madaxtooyada, looguna qabto shirka ay la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale xalay la shiray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo kala hadlay is mari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ka ah.

Si kastaba, waxaan haatan socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo xal loogu raadinayo inay dhacaan wada-hadallada la qorsheeyay.

Faa’iido wayn oo laga helayo heshiiska cusub ee dalalka Somalia iyo Tanzania + Sawirro

0

Arusha (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan in muwaadiinta Soomaaliyeed ee tegaya dalkaas ay fiisaha ku heli karaan marka ay ka dagaan garoonka.

Heshiiska oo ah is-Afgarad (MoU) ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Duhulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.

Sida ku cad qoraal ay soo saareen labada dowladood heshiiskan waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya isu-socodka muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda, kuwaas oo laga dhaafay dal-ku-galka (visa).

Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta iyo ganacsatada.

Dhanka kale, waxaa loo mahadceliyay safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo isagu dadaal geliyay saxiixa heshiiskan oo muhiim ah shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda ee ka howlgala dalka Tanzania” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Screenshot

Mahad Salad ‘oo damaanad amni u fidiyay’ Saciid Deni iyo Axmed Madoobe haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad oo xalay booqasho ugu tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay in damaanad amni uu u fidiyay’ si ay u tegaan xarunta Villa Soomaaliya, looguna qabto shirka ay la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad oo dhex-dhexaadin sameeyay ayaa Axmed Madoobe iyo Deni kula shiray hoteelka ay ka dagan yihiin xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, isaga oo ku booriyay inay ogolaadaan in Madaxtooyada lagu qabto wada-hadallada u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, si xal loo gaaro.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA ayaa xalay la shiray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo kala hadlay is mari-waaga taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, waxaana Villa Soomaaliya ka gows adeegsayo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhowr cisho ku sugan gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Deni iyo Axmed Madoobe kuma qasbana inay tegaan Madaxtooyada ee inay Soomaaliya badbaadiyaan ayey u joogaan, Ninka dhallinyarada ah ee Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ahna shaqadiisa nin yaqaanna maaha,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wasiir ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran oo sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qasban yihiin inay tegaan Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ninkaas Wasiirka ka ah Gaashaandhigga waxa ay ahayd inuu ka hadlo Ciidanka NISA Jubbaland guulihii ay ka gaareen howdka Badda Madow oo lagu burburiyay warshadii qaraxyada Al-Shabaab”.

Kulamada ayaa weli sii socda, waxaana shirar gaar gaar ah ay hadda u socdaan labada madaxweyne iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ee iyana kasoo horjeeda qorshaha madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, unna weli taagan yahay is mari-waa xooggan oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.

Ciidan la wareegay saldhiggii militariga Mareykanka ee…

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Suuriya ayaa shaacisay Axaddii in ciidamadeedu ay si rasmi ah ula wareegeen gacan-ku-haynta saldhigga milateri ee Al-Shadadi oo ku yaalla gobolka waqooyi-bari ee dalkaas, tallaabadan oo timid maalmo uun kadib markii ay la wareegeen xarun kale oo istiraatiiji ah oo ku taalla soohdinta Urdun iyo Ciraaq.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Ciidamada Carabta ee Suuriya waxay la wareegeen saldhigga Al-Shadadi ee dhaca miyiga gobolka Xasaka, kadib isku-duwid iyo wada-hadal dhex maray dhanka Mareykanka.”

Saldhiggan ayaa ahaa fariisin muhiim ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalanka kooxda Daacish.

Magaaladan ayaa sidoo kale hoy u ahayd xabsi ay ciidamada Kurdiyiintu ku hayeen xubno ka tirsan kooxdaas xagjirka ah, ka hor inta aysan ciidamada dowladda la wareegin gacan-ku-haynta aaggaas bishii hore.

Ku dhawaaqistan Axadda ayaa kusoo aadeysa iyadoo Mareykanku uu Khamiistii xaqiijiyay inay banneeyeen saldhigga Al-Tanf ee ku yaalla xuduudda isku xirta Suuriya, Urdun iyo Ciraaq.

Isbedelka isbaheysiga

Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ayaa ahaa saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka ee dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish, iyagoo door weyn ka qaatay jabinta awooddii dhuleed ee kooxdaas sanadkii 2019.

Hase yeeshee, tan iyo markii uu dhacay maamulkii muddada dheer jiray ee Bashaar Al-Asad bishii Diseembar 2024, Washington waxay u janjeersatay dhanka dowladda cusub ee Dimishiq, iyadoo dhowaan ku dhawaaqday in baahidii loo qabay isbaheysiga Kurdiyiinta ay soo dhammaatay.

Inkastoo kooxda Daacish laga qabsaday dhulkii ay maamuli jirtay, haddana weli waa ay firfircoon tahay.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa Sabtidii sheegay in ciidamadoodu ay duqeeyeen in ka badan 30 bartilmaameed oo kooxdaas ay ku lahayd gudaha Suuriya bishan gudaheeda.

Bayaanka CENTCOM ayaa lagu xusay in duqeymahaas oo dhacay intii u dhaxeysay 3-dii ilaa 12-kii Febraayo lala beegsaday “kaabayaasha iyo goobaha hubka lagu keydiyo” ee kooxda.

Loolanka Turkey iyo Israel ee Soomaaliya oo xoogeystay iyo Ankara oo dirtay farriin culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoolatus milateri oo ay sameeyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga nooca F-16 dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa cirka ku shareeriyay saadaasha siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo diyaaradahan ay dul heehaabeen hawada magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga, ujeedka tallaabadan ayaa ahayd mid lagu ilaalinayo danaha Turkiga ee gobolka, laguna taageerayo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hase yeeshee, tallaabadan ayaa si toos ah u daba-socotay go’aankii bishii Diseembar ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Ankara ku tilmaamtay mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Soli Ozel, oo ah khabiir ku takhasusay cilaaqaadka caalamiga ah ee Turkiga, ayaa sheegay in farriinta ay xambaarsan yihiin diyaaradahaas ay ku socoto Israa’iil: “Ha ku ciyaarina danaheenna halkan.”

Waxa uu saadaaliyay in Soomaaliya ay noqon doonto furimaha cusub ee loolanka u dhexeeya labadan Ankara iyo Tel Aviv.

“Uma maleynayo inay toos u dagaalami doonaan, balse labada dhinacba waxay muujinayaan awooddooda,” ayuu yiri Ozel. “

Aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo Turkiga oo diraya F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa isku-day ay qolo walba xariiqda cas ugu dhigayso qolada kale.”

Kala-shaki

Dhacdadan ayaa ka tarjumaysa xurgufta sii kordheysa ee u dhaxaysa xiriirka Turkiga iyo Israa’iil, kaas oo horey u cakirnaa sababo la xiriira taageerada Ankara ee Xamaas iyo dagaalka Gaza.

“Waa bog cusub oo u furmay loolanka u dhexeeya labada dal, kuwaas oo hadda ah quwadaha milateri ee ugu tunka weyn Bariga Dhexe,” ayuu yiri Norman Ricklefs, oo ah madaxa shirkadda la-talinta siyaasadda juqraafiyeed ee Namea Group.

Gallia Lindenstrauss, oo ah khabiir ku takhasustay siyaasadda arrimaha dibadda ee Israa’iil, kana tirsan machadka daraasaadka amniga qaranka ee Tel Aviv, ayaa ku doodaysa in Israa’iil aysan dooneyn inay tartan la gasho Turkiga ama Soomaaliya.

Taa beddelkeeda, waxay sheegtay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo ballaarinta iskaashiga ay salka ku hayaan muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland oo ku beegan dalka Yemen, halkaas oo ay ku sugan yihiin fallaagada Xuutiyiinta oo sannadkii hore weerarro ku qaaday magaalooyinka Israa’iil.

“Xuutiyiintu waxay ahaayeen kooxdii ugu dambaysay ee weli gantaallo ku weeraraysa Israa’iil, iyagoo ka wakiil ah Iiraan. Tani waa khatarta ugu weyn ee Israa’iil haysata,” ayay tiri Lindenstrauss.

Si kastaba ha ahaatee, waxay qiratay in labada dhinac ay tallaabooyinka midba midka kale u arko mid shaki ku jiro. “Waxa Israa’iil u aragto difaac, Turkigu wuxuu u arkaa tallaabo ka dhan ah Ankara.”

Isbaheysiyo is-diidan

Shakiga Turkiga ayaa sii kordhi kara haddii Israa’iil ay qalab milateri geysto Somaliland si ay uga hortagto khatarta Yemen, qorshe uu khabiir Israa’iili ah sheegay inuu yahay yiigsiga Israa’iil.

Ricklefs ayaa ka digaya in Israa’iil ay u baahan tahay inay si taxadar leh u tallaabsato, marka la eego maalgashiga baaxadda leh ee Turkiga ku sameeyay Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay saldhigga milateri iyo safaaradda ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, wuxuuna heshiisyo la galay Muqdisho oo ku saabsan baarista shidaalka iyo difaaca badda.

“Turkiga ayaa gacanta ku haya dekedda Muqdisho, tababarka ciidamada, hay’adaha samafalka iyo NGO-yada. Sidaas darteed, Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay hamiga istiraatiijiyadeed ee Turkiga,” ayuu yiri Ricklefs.

Lindenstrauss ayaa xustay in loolanka Turkiga iyo Israa’iil ee Soomaaliya uu sii cakirayo soo ifbaxa laba isbaheysi oo iska soo horjeeda gobolka: “Dhinac waxaad ku arkaysaa Giriigga, Qubrus, Israa’iil iyo Imaaraadka. Dhinaca kalena waxaad arkaysaa Turkiga, Sacuudiga, Pakistan, Masar iyo Qadar,” ayay tiri.

Ricklefs ayaa xusay in xiisadahan ay horey ugu horseedeen iska horimaad meelo kale, sida Liibiya, halkaas oo ay ku loolameen kooxo kala taabacsan Imaaraadka iyo Turkiga.

Mar wax laga weydiiyay in xaalad taas la mid ah ay ka dhici karto Soomaaliya, Ricklefs wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in xaaladdu weli heerkaas gaartay.

“Uma maleynayo inaynu weli heerkaas gaarnay marka laga hadlayo Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri. “Run ahaantii, dhinaca kaliya ee door dhexdhexaadin ah ka ciyaari kara, xiisaddana qaboojin kara, waa Mareykanka.”

Daawo: Jubaland oo jawaab ka bixisay hadalkii Wasiir Cumar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifataax Mukhtaar oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa si kulul ugu jawaabay Waiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi oo shalay weerar afka ah ku qaaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Wasiir Cumar ayaa shaaca ka qaaday in dalka looga taliyo Madaxtooyada, isla markaana ay ku qasban yihiin inay tegaan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland oo hadda ka caga jiidayo in Xasan  ay ugu tegaan xafiiskiisa.

“Waddanka waxaa laga xukumaa Villa Soomaaliya. Deni iyo Axmed Madoobe waa ku qasban yihiin inay yimaadaan” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo isna sheegay in labada madaxweyne aysan ku qasbaneyn inay tegaan Villa Soomaaliya,balse ay u joogaan kaliya in dalka ay badbaadiyaan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wasiirka hadlay aanu garaneyn shaqadiisa, isla markaana ay ahayd inuu ka hadlo guulaha ciidamada ee howlgallada.

“Deni iyo Axmed Madoobe ma qasbana ee inay Soomaaliya badbaadiyaan ayey u joogaan,Ninka dhallinyarada ah ee Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ahna shaqadiisa nin yaqaanna maaha”. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ninkaas Wasiirka ka ah Gaashaandhigga waxa ay ahayd inuu ka hadlo Ciidanka NISA Jubbaland guulihii ay ka gaareen howdka Badda Madow oo lagu burburiyay warshadii qaraxyada Al-Shabaab”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, unna weli taagan yahay is mari-waa xooggan oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.

Rag qaraxyo iyo dilal ka gaystay magaalada Muqdisho oo..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Cali Iftiin Buule oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed oo isna magacyadiisa afgarashada ay kala ahaayeen (Baari, Biibaaye, Sacad).

Sida ay maxkamaddu sheegtay raggan ayaa waxaa lagu helay dilal & qaraxyo ka dhacay caasimada laguna guumaday Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn maanta laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada labadaas nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Maalmo kahor ayay ahayd markii sidana oo kale loo toogtay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo iyana la geeyay fagaaraha toogashada, kuwaas oo kooxa u qaabilsanaa madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

Turkey’s Çağrı Bey heads to Somalia for first overseas drilling

0

Mersin, Turkey – Turkey on Sunday dispatched a new deep-sea drillship to Somalia, launching Ankara’s first offshore drilling campaign beyond its own waters and raising the stakes on a frontier exploration bet off the Horn of Africa.

Energy Minister Alparslan Bayraktar oversaw a send-off ceremony at Taşucu port in Mersin as the seventh-generation “ultra-deepwater” drillship Çağrı Bey began a long voyage south, accompanied by Somali officials from the energy and maritime sectors.

Bayraktar said the vessel would be the first Turkish drilling ship to operate outside national waters, following the earlier deployment of a seismic research ship that mapped potential targets in Somali offshore blocks.

The minister said the ship’s trip to Mogadishu would take about 45 days and would not pass through the Suez Canal, but instead circle via the Atlantic and Africa’s western coastline.

Historic step

Turkish officials say that once the voyage ends, Çağrı Bey will drill an exploratory well in Somali waters called “Curad-1” — Somali for “firstborn” — aiming for about 7,500 metres, a demanding operation that usually comes with high costs and uncertain results.

Bayraktar cast the mission as a turning point for Turkey’s expanding energy ambitions, telling an event in Ankara a day earlier that the country would take “another historic step” by sending the vessel to search for oil off the coast of Somalia.

“This year will be a year of discoveries and good news for us,” he said.

Turkey has not revealed the investment size, precise drilling location, or results timeline.

Turkish officials have said the first overseas deepwater drilling operation is expected to begin in Somalia in February under a 2024 energy cooperation framework between the two countries.

The drilling push follows a months-long offshore survey by Turkey’s Oruç Reis seismic vessel, dispatched from Istanbul in October 2024 under the bilateral energy deal.

Turkey’s energy ministry has said Oruç Reis collected 3D seismic data over 4,464 square kilometres across three offshore blocks, completing a 234-day mission on June 6, 2025.

Seismic surveys can identify underground structures that may trap hydrocarbons, but only drilling can confirm whether oil or gas is present, and whether it can flow at commercially viable rates.

Frontier deepwater wells often take weeks to drill and then require testing and analysis before companies can judge whether a discovery is worth developing.

Decade-long ties

For Somalia, the arrival of a deepwater drillship is the most concrete step yet in a relationship with Turkey that began with humanitarian engagement and steadily widened into infrastructure, education, and security cooperation.

Recep Tayyip Erdoğan visited Mogadishu in August 2011 during a devastating famine, after which Turkey expanded its diplomatic and aid footprint.

In 2017, Turkey opened its biggest overseas military base in Mogadishu, a major training hub that anchored Ankara’s long-term role in building Somali security forces.

Last year, the two governments formalised a new security framework focused on Somalia’s long coastline, including Turkish support intended to bolster maritime security and counter illegal activities at sea.

They also signed an offshore oil and natural gas cooperation agreement covering exploration and production as well as downstream activities, as part of Ankara’s effort to expand its energy footprint.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud has portrayed resource development as a pillar of economic recovery, as Somalia seeks to widen domestic revenues while fighting a long-running Islamist insurgency and rebuilding institutions after decades of conflict.

Energy drive

For Ankara, the Somali operation fits a wider energy strategy that mixes domestic production with overseas ventures, at a time when Turkey remains a major importer of oil and gas.

Bayraktar has repeatedly argued that reducing import dependence is essential to economic resilience, while also advocating expanding domestic gas output in the Black Sea and ramping up drilling activity across multiple coastal provinces.

Turkey is also betting on nuclear power. The $20 billion Akkuyu Nuclear Power Plant in Mersin province – built by Rosatom – is expected to have a total capacity of 4.8 gigawatts.

Turkish officials have said that once all four reactors are operational, the plant should provide around 10 percent of the country’s electricity demand.

The combination of Black Sea gas, nuclear power, and new exploration campaigns is central to the government’s narrative of “energy independence” – a phrase Turkish officials link to greater fiscal room and geopolitical autonomy.

High-risk bet

Many geologists see Somalia’s offshore basins as promising, but the area is still lightly explored compared with other African coasts, mainly because of insecurity, weak institutions, and—until recently—a lack of steady, high-quality seismic surveys.

That makes Curad-1 a high-impact test. A dry hole would temper expectations and likely slow momentum.

A discovery, even a modest one, could ignite a rush of interest – while also heightening scrutiny of governance, revenue-sharing, and security in a country where politics is often volatile.

For now, both sides say the mission shows their partnership is moving from signing papers to drilling ships at sea.

As Çağrı Bey left Turkey’s southern coast, Bayraktar said the drilling push marked a shift beyond domestic exploration, casting Turkey as an “energy actor” able to operate abroad through partnerships—though the claim depends on what the drill bit finds beneath the seabed.

Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed oo xanuunsan

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu qorsheynayay inuu ku tago dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii la shaaciyay in Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, uu wajahayo “xaalad caafimaad.”

Madaxtooyada Turkiga ayaa warkan xaqiijisay Axadda, iyadoo sheegtay in go’aankan la qaatay kadib wada-hadal dhanka taleefonka ah oo dhex maray labada hoggaamiye.

Intii uu socday wada-hadalka, Erdogan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda lasoo deristay dhiggiisa, oo loo yaqaan MBZ, isagoo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah, sida ay sheegtay madaxtooyada.

“Madaxweyne Erdogan wuxuu caddeeyay inuu booqashada dib u dhigay sababo la xiriira xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Al Nahyan, wuxuuna xaqiijiyay inuu safarkaas ku tegi doono waqti kale oo ku habboon,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Warbixinta laguma faahfaahin nooca xanuunka ama xaaladda caafimaad ee haysata hoggaamiyaha Imaaraadka, mana la cayimin waqtiga rasmiga ah ee safarka dib loo qorsheeyay. Dowladda Imaaraadka wax war ah kama soo saarin arrintan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Ankara iyo Abu Dhabi ay isku dayayaan in ay xoojinayaan xiriirkooda kadib sanado badan oo ay ka dhex aloosnayd xurguf siyaasadeed iyo loolan goboleed, inkasta oo weli ay isku khilaafsan yihiin arrimaha qaar.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, labada quwadood ee gobolka ayaa kala taageerayay dhinacyo iska soo horjeeda colaadaha Bariga Dhexe, oo ay kamid yihiin dagaallada sokeeye ee Liibiya, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo go’doomintii diblomaasiyadeed ee la saaray dalka Qadar.

Khilaafkaas ayaa salka ku hayay kala-aragti duwanaansho dhanka fikirka ah oo ku aaddanaa Kacdoonkii Gu’ga Carabta iyo taageerada Turkiga ee dhaq-dhaqaaqyada Islaamiyiinta, taasoo Imaaraadku u arkayay khatar ku ah xasiloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, dabeylo diblomaasiyadeed oo cusub ayaa billowday sanadkii 2021, markaasoo Turkigu uu bilaabay dadaallo ballaaran oo uu ku hagaajinayo xiriirka waddamada Khaliijka, oo uu ku jiro Sacuudiga, si uu u helo maalgashi shisheeye oo lagu kabo dhaqaalaha dalkaas oo la daalaa-dhacayay sicir-barar iyo hoos u dhaca lacagta Lira-da.

Tan iyo xilligaas, labada dal ayaa si xowli ah u soo celiyay iskaashigooda. Sheikh Mohammed ayaa booqday Ankara dhammaadkii 2021, isagoo kormeeray saxiixa heshiisyo maalgashi oo qiimahoodu gaarayo balaayiin doollar. Erdogan ayaa isna booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka bishii Febraayo 2022, taasoo ahayd tii ugu horreysay muddo ku dhow toban sano.

Labada dowladood ayaa dhowaan dhaqan-geliyay heshiis iskaashi dhaqaale oo dhameystiran (CEPA), kaasoo ujeedkiisu yahay in ganacsiga labada dhinac la gaarsiiyo $40 bilyan shanta sano ee soo socota.

Safarka haatan baaqday ayaa la filayay in diiradda lagu saaro ballaarinta iskaashiga dhinacyada tignoolajiyadda gaashaandhigga, tamarta, iyo saadka, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed iyo kan dhaqaale.

Soomaaliya oo heshay taageero cusub oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya, iyadoo ururku uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaa’di’da aas-aasiga ah ee ururka.

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga hal-dhinaca ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland. Ururku wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta iyo heshiisyada lagu dhisay wadajirka Afrika.

Midowga Afrika ayaa sii adkeeyay mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in mabda’a dhowrista xuduudaha dalalka xubnaha ka ah uu yahay tiir-dhexaadka xasilloonida qaaradda.

Shirka hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii December 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf. Bayaankaas ayaa si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay tilmaameen in tallaabooyinka noocaas ahi ay abuuri karaan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo halis ah.

Sidoo kale, waxay ka digeen in aqoonsi aan loo marin hannaan sharci iyo wada-tashi caalami ah uu dhaawici karo kalsoonida iyo wadajirka dalalka Afrika. Arrintan ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelan karto nabadda iyo xasilloonida guud ee qaaradda.

Golaha Midowga Afrika ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay. Waxayna ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada ay wada saxiixeen.

Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa ku boorriyay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.

Waxay caddeeyeen in wada-xaajoodku yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xal waara oo lagu ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

Xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo soo saaray bayaan walaac leh

0

Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa soo saaray bayaan ay walaac ku muujiyeen, kuna saabsan tallaabooyin ay sheegeen inay ka hor imanayaan sharciga iyo xeerarka u degsan guddiga.

Xubnahan waxay sheegeen in kulamo dhowaan la qabtay aysan buuxin shuruudihii sharci ee kooramka iyo habraaca go’aan-qaadashada, sida ku cad Qodobka 14aad, faqraddiisa 2aad iyo 3aad ee Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27 Juun 2016, kaasoo lagu aasaasay guddiga. Waxay tilmaameen in go’aanno lagu gaaray qaab aan waafaqsanayn habraaca saxda ah, taasoo shaki gelinaysa ansaxnimadooda sharci.

Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu sheegay in ay jiraan khaladaad maamul iyo habraac oo saameyn ku yeeshay hufnaanta, wada-tashiga iyo sharciyadda kulamada guddiga, arrintaas oo xubnuhu ku tilmaameen mid dhaawici karta kalsoonida shacabka iyo waajibaadka guddiga.

Xubnaha bayaanka soo saaray ayaa si gaar ah uga digay ansixinta habraacyo shaqo iyo xeerar cusub, iyagoo sheegay in weli ay jiraan khilaafaad sharci oo aan la xallin. Waxay ku doodeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay wiiqi karaan midnimada hay’adda, isla markaana dhaawici karaan madaxbannaanida guddiga.

Dhanka kale, bayaanka waxaa lagu xusay in magacabid la sameeyay kadib doorashadii hoggaanka ee 4 Febraayo 2026, gaar ahaan 7 Febraayo 2026, iyadoo la tilmaamay in habka loo maray aanu si buuxda ula jaanqaadin sharciga iyo talo-wadaagga xubnaha.

Xubnahan waxay ugu baaqeen in si degdeg ah loogu laabto ku dhaqanka buuxa ee Sharciga Lr. 16 (27 Juun 2016), dibna loo eego ama loo hakiyo go’aannada muranka dhaliyay ilaa laga caddeeyo sharciyadooda. Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan sharci ah oo wadajir ah, isla markaana la xoojiyo wada-tashiga iyo go’aan-qaadashada ku dhisan is-afgarad.

Gabagabadii, xubnaha bayaanka soo saaray waxay carrabka ku adkeeyeen in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka loo aasaasay ilaalinta sharciga iyo difaaca xuquuqda aadanaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hay’addu u shaqeyso si waafaqsan sharciga, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda ay ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA