25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Xog: Shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo ka dhacaya Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu si rasmi ah u furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka oo ugu dambeyn la qorsheeyay inuu ka dhaco xarunta Villa Soomaaliya oo ay isugu tegi doonaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in is aragii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland lagu go’aamiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada o u diyaarsan, iyada oo damaanad amni oo buuxda loo fidiyay xubnaha golaha.

Arrintan ayaa ka dhigan in xubnaha mucaaradka iyo guud ahaanba Golaha Mustaqbalka looga guuleystay in shirku ka dhaco gudaha Villa Somalia, halka markii hore madaxda qaar ay ka cagajiidayeen inay galaan Madaxtooyada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in maanta si rasmi ah loo guda-geli doono wada-hadallada, iyada oo diiradda lagu saarayo khilaafka taagan, gaar ahaan qorshaha geedi socodka dalkaoo ugu horreyaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Doodo adag ayaa jiri doono, maadaama dhinacyadu ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin qodobada laga wada-hadlayo, waxaase la filayaa in natiijo ay ku gaaraan shirarkooda oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo baahi wayn loo qabo in la gaaro heshiis mideysan, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro.

Shirka ayaa si weyn indhaha loogu hayaa waxaana sidoo kale kor kala socon doonto Beesha Caalamka oo labada dhinac ku cadaadisay qabsoomida kulankooda.

Xalay waxaa sidoo kale Muqdisho isku arkay Ra’iisul wasaare Xamza madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo muddo dheer uu ka dhexeeyay khilaaf daba dheeraaday, wuxuuna kulanaas muujiyay isku soo dhawaasho saddexda dhinac ah, iyada oo looga hadlay shirweynahooda maanta furmaya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xamza la yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah oo uu albaabada u xirnaa xalay la yeeshay madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo weli ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Xamza ayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xukuumaddiisa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka ayaa sheegay in jawi deggan uu ku qabsoomay shirkooda, lagana wada-hadlay arrimaha mudnaanta in leh dowladnimadda Soomaaliya.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha mudnaanta u leh dowlad-dhiska, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland.

Dhankeeda Puntland ayaa tiri “Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowladaha Puntland iyo Jubaland, H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Islaam, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya”.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo qado sharaf ahaa oo shalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka wada-hadlay khilaafka dhexdood ah. Kulanka ayaa sidoo kale ahaa mid hordhac ah oo ay dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirweynahooda soo socda.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in madaxdan oo ay ku jireen Axmed Madoobe iyo Saciid Den ay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadlay sidii loo wajihi lahaa gogosha taalla, iyada oo madaxweynuhu dalbaday in lagu qabto gudaha Villa Soomaaliya, inkastoo weli ay ka caga jiidayaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Erdogan oo Addis Ababa ka diray digniin culus oo ku saabsan Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa farriin adag u diray dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka, isagoo ka digay in Geeska Afrika uu noqdo fagaare ay ku loolamaan quwado shisheeye.

Shir jaraa’id oo uu wadajir ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo booqasho ku jooga Addis Ababa, ayuu Erdoğan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid “aan wax dan ah ugu jirin” Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa ugu baaqay dalalka gobolka inay la yimaadaan xalal u gaar ah oo ay kaga gudbaan caqabadaha haysta, halkii ay ogolaan lahaayeen in faragelin shisheeye ay sii huriso xiisadaha.

Madaxweyne Erdoğan ayaa diiradda saaray doorka dowladdiisa ee dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo la raacayo “Hannaanka Ankara”. Wuxuu u mahadceliyay labada dhinac sida wax ku oolka ah ee ay uga qeybqaateen wadahadallada.

“Marka xasilooni la helo, ma aragno wax caqabad ah oo hortaagan in Geeska Afrika uu gaaro maqaam soo jiita indhaha caalamka, marka la eego fursadaha dhaqaale ee ka jira,” ayuu yiri Erdoğan.

Wuxuu dib u xaqiijiyay in Turkigu uu ka go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, isagoo si cad u diiday colaado hor leh oo ka dillaaca juqraafi horey ula daalaa-dhacayay qalalaase baahsan.

“Waxaan doonayaa inaan si gaar ah u adkeeyo mowqifkeenna ku aaddan qaddarinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha ku yaalla aagga ay Itoobiya ku taallo,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in Turkigu uusan dooneyn inuu arko colaado hor leh oo ka dillaaca gobolka.

Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaan aaminsannahay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay xal u helaan dhibaatooyinka jira, si Geeska Afrika uusan u noqon fagaare ay ku loolamaan quwado shisheeye. Sidaas darteed, waxaan ku celinayaa in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uusan faa’iido u lahayn Somaliland ama Geeska Afrika.”

Turkiga, oo xubin muhiim ah ka ah gaashaanbuurta NATO, ayaa sanadihii dambe si weyn u ballaariyay saameyntiisa qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo uu ka taageero tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarinta, taasoo u sahashay inuu lug ku yeesho marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee caalamka.

Xoojinta xiriirka dhaqaale ee Itoobiya

Dhinaca xiriirka laba geesoodka ah, Erdoğan wuxuu si faan ku jiro u xusay in in ka badan 200 oo shirkadood oo Turkish ah ay ka hawlgalaan Itoobiya, kuwaas oo shaqo abuur u sameeyay qiyaastii 20,000 oo qof, iyagoo dalkaas geliyay maalgashi gaaraya $2.6 bilyan. Tani waxay Turkiga ka dhigaysaa dalka labaad ee ugu maalgashiga badan Itoobiya.

Shirkadaha qandaraasyada ee Turkiga ayaa dalkaas ka hirgeliyay 15 mashruuc oo waaweyn oo isugu jira waddooyinka tareennada, gaadiidka, warshado, goobo dalxiis iyo khadadka korontada.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii Turkigu safaaraddiisii ugu horreysay ee Saxaraha ka hooseysa ka furtay Addis Ababa sannadkii 1926-kii.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiisyo cusub oo ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha iyo tamarta. Gebagebadii kulanka, Madaxweyne Erdoğan ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed hadiyad ahaan u guddoonsiiyay gaariga korontada ku shaqeeya ee Turkiga sameeyo ee loo yaqaan Togg.

Erdoğan wuxuu sidoo kale ka hadlay xiriirka qarniyada soo jiray ee ka dhexeeya labada dal, isagoo xusay muhiimadda Itoobiya ee dhaqanka Islaamka. Hay’adda TIKA ee Turkiga ayaa dayactir ku sameysay Qabrigii iyo Masjidkii Najaashi, oo ahaa deegaankii ugu horreeyay ee Muslimiintu ku nabad galaan Afrika, tallaabadaas oo qayb ka ah ilaalinta dhaxalka dhaqanka iyo xoojinta saaxiibtinimada.

Sidoo kale, Hay’adda Maarif Foundation ayaa sii wadda hawlaha waxbarasho, iyadoo dhisaysa buundooyin dhaqan oo isku xira labada shacab.

Ugu dambeyntii, Erdoğan wuxuu hambalyada bisha Ramadaan u diray bulshada Muslimiinta ah ee Itoobiya, isagoo ballan-qaaday in Turkigu uu garab taagnaan doono shacabka gobolka “iyadoo lagu saleynayo iskaashi loo siman yahay iyo is-faham.”

Xasan Sheekh oo diray farriin culus kuna dhowaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Onine) –  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad uu kaga hadlay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan oo uu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa diray farriin ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan abaaraha ka jira gobollada, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, kuna dhibaateysan gudaha dalka.

“Sida aan wada ognahay dalka waxaa xilligan la joogo ka jira abaar aad u daran oo dad iyo duunyaba saameysay waxaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aan isu gurmano oo loo guntadu sidii aan u caawi lahayn dadkeenna ee ay abaartu saameysay, intii aan gacan kale wax ka sugi lahayn” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in bishaan Ramadaan looga faa’ideysto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada, sidoo kalena la xalliyo khilaafaadka weli ka jira dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal iyo is-qancin, si meesha looga saaro khilaafka soo laa laabtay.

“DFS waxaa ka go’an in ay geed gaaban iyo geed dheer u fuusho xal u helista wax kasta oo ragaadinaya midnimada iyo horumarka dalka, iyadoo loo marayaayo wada-hadal iyo is-qancin” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh

Waxaa kale oo uu u mahad-celiyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, waxaana arrintaas sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

DF Soomaaliya oo shaacisay in Imaaraadka uu ka joojiyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah u joojisay taageeradii dhanka amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya, tallaabadan oo ka dhalatay go’aankii Xukuumadda Muqdisho ay uga baxday heshiisyadii iskaashi ee labada dal u dhexeeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in kaalmada Imaaraadka ay u badneyd mid lagu xoojiyo hay’adaha milateriga iyo amniga qaranka.

“Inta badan taageerada Imaaraadku bixin jiray waxay ku qotontay dhanka amniga. Maadaama heshiisyadii la buriyay, ma jirto sabab sharci ah oo ay taageeradaasi kusii socon karto,” ayuu yiri Wasiirku.

Arrinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo bishii Janaayo ee sanadkan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay burisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan kuwii dhanka iskaashiga amniga.

Dowladda ayaa xilligaas ku eedeysay Abu Dhabi inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha, isla markaana ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana jiray tuhun ah in ay fududeysay aqoonsigii ay Israel siisay maamulka Somaliland,

Xiriirka diblomaasiyadeed

Inkastoo la hakiyay taageeradii amniga, Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Howlgalka Imaaraadka ee Muqdisho ay si caadi ah u shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud uu weli taagan yahay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa beneiyey wararka sheegaya in go’aanka Muqdisho uu xiriir la leeyahay eedeymaha caalamiga ah ee loo jeediyo Imaaraadka ee ku aaddan taageerada kooxaha hubeysan ee colaadaha Suudaan iyo Yemen.

Wuxuu ku adkeystay in tallaabadani ay salka ku hayso oo kaliya arrimaha laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii ugu dambeeyey caqabad weyn ku noqday midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isaga oo taageeraya maamullo diidan dowladda federaalka, iyo shisheeye dalka kala qeybinaya.

Go’aankii kasoo baxay Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta ka dhaqan-galay…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Iyada oo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaan maanta laga soomin qaybo ka mid ah dalka, waxaana dhaqan galay go’aan ay xalay shaacisay Ahlu Sunna Waljamaaca oo shaaca ka qaaday in maanta ay dhammeystiri doonaan 30-ka bisha Shacbaan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa go’aankaas ku dhawaaqay, wuxuuna tilmaamay in aragti ay ku soomi doonaan, kuna afuri doonaan.

“Waxaan buuxi doonaa 30 ka Shacabaan bari oo Arbaca ah Insha Allah” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaan maanta laga soomin gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Mudug ee hoostaga aamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku sugan Muqdisho oo iyaguna aan soomin maanta, isla markaana qaatay go’aanka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Arrintan ayaa si weyn loogu dhaliilay hoggaanka Culimada Ahlu Sunna, maadaama ay abuurtay khilaaf ku aadan dhalashada bisha Ramadaan oo maanta kow ah, lagana soomay inta badan gudaha dalka.

Goor sii horreysay oo xalay ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa shaacisay in deegaanno ka tirsan dalka laga arkay bisha Ramadaan, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba, waxayna ku dhowaaqday in maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa isna sheegay in bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, wuxuuna ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan. Waxaa kale oo raacay inta badan dalalka Islaamka.

Somali president, rivals hold ‘ice-breaker’ lunch ahead of talks

0

Mogadishu, Somalia – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met key opposition figures in Mogadishu on Tuesday in high-stakes talks to break a dangerous political deadlock over electoral reforms that has shaken the fragile Horn of Africa nation.

The “ice-breaker” lunch at the Decale Hotel, inside the heavily fortified Aden Adde International Airport complex, marked the first significant face-to-face engagement in months between the federal government and the opposition coalition, the Somali Future Council.

The bloc includes two of the country’s most powerful regional leaders — Jubaland’s Ahmed Madobe and Puntland’s Said Abdullahi Deni — who have sparred with Mogadishu over Somalia’s political direction.

Villa Somalia, the presidential palace, said the gathering aimed to “demonstrate goodwill” and build confidence ahead of a broader “national consultative” process expected to begin in the capital later this week.

Somalia now faces one of its most critical political tests since it re-established the federal government.

For more than a year, tensions have simmered over the push for universal suffrage and long-disputed constitutional amendments — issues that have frozen cooperation between the centre and federal member states.

‘Opening the door’

Prime Minister Hamza Abdi Barre, cabinet ministers, and a Future Council delegation joined Tuesday’s lunch.

Participants described the mood as cordial but cautious, with both sides trying to lower the temperature after weeks of heated rhetoric in local media.

“We attended a luncheon hosted by the president today. It was simply the opening of the conference,” said Abdullahi Arab, an opposition lawmaker who attended the gathering.

Arab said the meal settled no technical details, but it cleared the way for substantive talks.

He said speakers kept remarks short, focusing on “welcome messages and thanks,” rather than the divisive issues.

“From today onwards, meetings will begin directly,” Arab told reporters.

“Tonight through tomorrow, separate meetings will be held, leading to the main gathering where we will resolve every grievance.”

Officials and political insiders said the lunch also helped ease strains within the opposition camp itself.

They said Deni and Madobe held separate discussions to smooth over internal differences that have, at times, weakened a unified stance against the federal government.

Constitutional crisis

The looming negotiations return Somalia to a question that has repeatedly pushed it to the brink: how to organise elections in a country still battling a jihadist insurgency, coping with humanitarian pressures, and struggling to balance power between Mogadishu and the federal states.

With national elections due in 2026, Somali leaders remain deeply divided over whether to move from the indirect, clan-based “4.5” model to a one-person, one-vote system.

Under the current arrangement, clan elders and delegates select lawmakers, and lawmakers then choose the president.

Mohamud’s administration says direct elections will strengthen legitimacy and accountability. Critics say the push carries political motives, moves too fast in a volatile security environment, and risks further weakening Somalia’s fragile federal settlement.

Tensions spiked after lawmakers in Mogadishu approved constitutional changes in 2024 designed, among other things, to set Somalia on a path toward universal suffrage and to reshape executive powers.

The move triggered an open rupture with Puntland.

Puntland said it would act as an independent administration until Somalis endorsed the changes through a nationwide referendum, fueling fears of fragmentation.

Jubaland’s relationship with Mogadishu has also frayed.

The southern state suspended ties with the federal government in late 2024 after a bitter dispute over its local electoral process and subsequent legal challenges that targeted Madobe’s administration.

Recent turmoil

Tuesday’s outreach came weeks after chaos in Somalia’s parliament showed how combustible the constitutional file remains.

On January 28, lawmakers brawled and shouted during a joint session after the speaker tried to advance proposed amendments.

Opposition MPs warned the changes could unlawfully extend political mandates — a charge authorities have disputed, but one that resonates in a country with a long history of mandate fights.

The confrontation revived memories of the 2021 crisis, when an attempted term extension under the previous administration triggered armed unrest in Mogadishu.

That showdown split security forces along clan lines and forced a political climbdown to avert a wider descent into conflict.

Despite the friction, the government has pushed ahead with pilot steps toward direct voting.

In late December, Mogadishu residents cast ballots in a one-person, one-vote local election — the first such vote in the capital since 1969.

Officials hailed it as a milestone for democratic progress, while opponents criticised it as a unilateral move that lacked broad political consensus.

Security imperative

Beyond the political manoeuvring, Somalia’s leaders face a punishing security environment with little margin for error.

The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militant group continues to mount deadly attacks and has long exploited political divisions in Mogadishu to regroup.

Security analysts warn that the insurgency has regained momentum in parts of central and southern Somalia after government counteroffensives in recent years.

Villa Somalia said the upcoming talks would centre on “unity and the solidarity of the Somali people” as the country confronts the insurgency.

At the same time, recurrent drought has strained communities and governance capacity.

Aid agencies warn that climate shocks and insecurity deepen vulnerability across large swathes of the country, making political stability not only a governance issue but also a humanitarian imperative.

For Mohamud, the immediate challenge is to build enough consensus to set election rules that key regions will accept — while keeping security operations on track and reassuring international partners whose support remains central to Somalia’s state-building.

For the opposition, the talks offer a chance to push for a pause or reset in the constitutional process and to agree on a credible election pathway that avoids a repeat of Somalia’s familiar cycle: delays, brinkmanship, and violence.

Whether Tuesday’s symbolism turns into an agreement will likely hinge on two questions that have dogged Somalia for years: who controls the electoral roadmap, and how Somalia ultimately rewrites its constitution.

Ahlu Sunna Waljamaca oo ku dhowaaqday in beri….

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in maalinta berri ah ay dhammeystiri doonaan 30-ka bisha Shacbaan, xilli caawa dowladda Soomaaliya iyo inta badan dalalka Islaamka ay ku dhowaaqeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa goordhow go’aankan ku dhawaaqay, waxaana berri aan laga soomi doonin meelo kamid ah gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

“Waxaan buuxi doonaa 30 ka Shacabaan bari oo Arbaca ah Insha Allah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka fal-celiyay hadalka Sheekha oo abuurayo khilaaf dhalashada bisha Ramadaan ah oo caawa la xaqiijiyay in laga arkay gudaha Soomaaliya.

“Somalia laga arkay ayaa la dhahay waa la xaqiijiyay waa la dhaariyay dowladdii ayaa iclaamisay khilaaf ayaad wadaa Shiiqow ilaahey ka cabso ummadda tafaraaruq ha galin aniga Suufi ayaan dhinac ka ahay, lkn saan oo kale ma fiicno” ayiri Nuur Adduunyo oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka Ahlu Sunna.

Dhankiisa Zubeyr Jibriil ayaa yiri “Berri waa maalinta 1-aad ee Ramadaan khilaafka ma fiicna dadkiina iyo dowladdiina raaca”.

Goor sii horreysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa shaacisay in deegaanno ka tirsan dalka laga arkay bisha Ramadaan, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa sheegay in bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, wuxuuna ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan. Waxaa kale oo raacay inta badan dalalka Islaamka.

Maxay Villa Somalia ka tiri kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay kulan qado sharaf ah oo uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee ajiibay gogoshii Xukuumaddu ay u fidaysay 19 bishii Jannaayo 2026.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xubnaha kala duwan ee Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulankan looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, midnimada abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab

“Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullahi Carab oo u hadlay  xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa soo dhaweyn, lagana jeediyay hadallo kooban oo ku aadan in dhinacyadu ay muujiyeen niyad wanaag guud.

“Waxaan kasoo qayb-galnay annagoo ah Golaha Mustaqalka qado sharaf uu sameeyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta waxay ahayd uun shirka furitaankiisa khudbado gaagaaban ayaa meesha laga akhriyay oo isugu jiray soo dhaweyn iyo mahad-celin” ayuu yiri Cabdullahi Carab.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in shirarku sii socon doono, kadibna la’isugu imaan gogosha oo lagu dhammeyn doono wax kasta oo tabasho ah.

“Shirarka maanta wixii ka dambeeya si toos ah ayay u bilaaaban doonaan, waxaana caawa illaa berri soconayo shirar gaar gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo arrinta Dastuurka oo muddo dheer soo taagneyd.

Somaliland oo go’aan ka gaartay kiiska Farxiyo Fiska iyo Mubaarak Oktoobar

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska Farxiyo Axmed Cadaawe Geedi (Farxiyo Fiska) oo uu dhawaan u gacan qaaday Seygeeda oo isna fannaan kale ah Mubaarak Axmed Yuusuf (Oktoobar), kaas oo maanta xukun adag lagu riday.

Farxiyo Fiska oo horay uga hadashay dhacdadan ayaa sheegtay in si arxan darro ah uu u dilay seygeeda, isla markaana uu gaarsiiyay dhaawacyo daran oo illaa hadda ku yaallo jirkeeda. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in qol uu kusoo xiray, isla markaana muddo afar saacadood ah oo xiriir ah uu dilayay, uuna ceeji u gaystay.

“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayoow ma leh”, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay inuu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa”. ayay horay u tiri Farxiyo.

Intaas kadib waxaan maanta Maxkamaddu ay Mubaarak Oktoobar ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay, waxayna ku xukuntay hal sano iyo afar bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaa lagu ganaaxay xuquuqda madani oo ka dhalatay dhibaatada uu gaarsiiyay xaaskiisa, oo dhibane u noqotay gacan qaad uu ku sameeyay.

“Maxkamadda Degmada Hargeysa waxay dambi ku heshay dambiile Mubaarik Axmed Yuusuf in Aamina Saciid D/26 jir, kaas oo ku gefay qod 440 (1) X.C.G. Maxkamaddu waxay dambiilaha ku xukuntay xadhig ciqaabeed dhan 1 sano iyo 4 bilood iyo xuquuqdii madani ee ay ka xukuntay qod 440 (1) X.C.G.

Waxaa kale oo lasii raaciyay Xadhiga waxaa dambiilaha looga bilaabayaa maalintii xorriyadda laga qaaday oo ay taariikhdu ahayd 18/01/2026″. Haddaba taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaa la farayaa inuu xabsiga ku hayo dambiilaha ilaa inta uu xadhiga ka dhamaanayo iskana bixiyo xuquuqda madani”.

Kiiskan ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana soo farogeliyay fannaaniin kale oo garab istaagay Fiska.

Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan iyo Golaha Mustaqbalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobmay kulan qado sharaf ah oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka oo la filayo in wada-hadallo ay dhawaan uga bilowdaan gudaha caasimada.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac ah oo dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirkooda.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in madaxdan oo ay ku jireen Axmed Madoobe iyo Saciid Den ay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadlay khilaafka dhex-dooda, iyo arrimo ku aadan wada-hadallada bilaabanaya ee labada dhinac.

Xildhibaan Cabdullahi Carab oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb-galay ayaa sheegay in madasha laga jeediyay hadallo kooban oo soo dhaweyn ah, isla markaana dhinacyadu ay muujiyeen niyad wanaag guud.

“Waxaan kasoo qayb-galnay annagoo ah Golaha Mustaqalka qado sharaf uu sameeyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta waxay ahayd uun shirka furitaankiisa khudbado gaagaaban ayaa meesha laga akhriyay oo isugu jiray soo dhaweyn iyo mahad-celin” ayuu yiri Cabdullahi Carab.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in shirarku sii socon doonaan, kadibna la’isugu imaan gogosha oo lagu dhammeyn doono wax kasta oo tabasho ah.

“Shirarka maanta wixii ka dambeeya si toos ah ayay u bilaaaban doonaan, waxaana caawa illaa berri soconayo shirar gaar gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Ajendaha shirka guud ayaa noqon doono xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo arrinta Dastuurka oo muddo dheer soo taagneyd.

Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan

0

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhow shaacisay in Bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, waxayna ku dhawaaqday in maalinta berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib war kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa si rasmi ah caawa taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i’

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda Cishaa’i kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabta raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1447 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Waxaa kale oo berri inay Ramadaan tahay ku dhawaaqay dalalka Qatar iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo kamid ah waddamada Khaliijka Carbeed.

Dhinaca kale, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay in deegaanno ka tirsan gudaha dalka laga arkay bisha barakeysan ee Ramadaan, gaar ahaan waqooyiga dalka iyo magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhaba.

Si kastaba, Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynayaan dhammaan ummadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan.

Ku dhowaad $100 milyan oo laga dhacay howlgalka Midowga Yurub ee Somalia iyo shaqsi loo xiray

0

Nairobi (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in laga dhacay lacago badan, kadib markii nin u dhashay dalka Spain uu si khiyaano ah uga helay howl-galka lacag ka badan 80 milyan oo doollar.

Kiiskan ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Yurub (EPPO) oo xaruntiisu tahay Madrid. Baaritaankaas kadib, ninkaasi ayaa lagu riday xukun saddex sano oo xarig ah.

Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacin, ayaa lagu helay inuu iska dhigay bixiye adeeg oo la shaqeeya howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya, si uu u helo lacago aanu xaq u lahayn.

Falalkan ayaa la xiriiray dhaqaale loo qoondeeyay Howl-galka Midowga Yurub ee Dhismaha Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), kaas oo ka shaqeeya taageerada Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dalka.

Ujeeddada EUCAP Somalia ayaa ah kor u qaadista fulinta sharciga iyo xoojinta amniga badda Soomaaliya. Lacagaha loo qoondeeyay howl-galkan ayaa qayb ka ahaa taageeradaas.

27-kii December 2022, eedeysanaha ayaa diray email uu ku dalbanayo in lacag lagu wareejiyo akoon bangi oo uu isagu maamulayay. Wuxuu isu ekaysiiyay shirkad bixisa qalab caafimaad iyo adeegyo shaybaar.

9-kii Janaayo 2023, waxaa akoonkiisa lagu shubay 69,751.40 yuuro, kaddib markii la aqbalay codsigiisa. Lacagtaas ayuu ku helay si sharci darro ah.

Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional, gaar ahaan Qaybta Labaad, ayaa ku xukuntay saddex sano oo xarig ah. Sidoo kale, waxaa lagu ganaaxay 10 bilood, oo ku kacaya 10 yuuro maalintii.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay amartay in uu dib u bixiyo dhammaan lacagtii uu khiyaanada ku qaatay. Arrintan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu soo celinayo hantida si sharci darro ah lagu helay.

Xukunka oo la soo saaray 9-kii Febraayo 2026 ayaa noqday kiiskii ugu horreeyay ee Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional ku go’aamiso dacwad ay baartay EPPO ee Madrid, iyadoo weli ay furan tahay suurtagalnimada racfaan.

EPPO waa hay’ad madax-bannaan oo u qaabilsan Midowga Yurub baarista iyo dacwadeynta dambiyada wax u dhimaya danaha maaliyadeed ee Midowga Yurub.

Xog: Sheekh Shariif iyo Kheyre oo u guuray Xalane iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u guuraya xayndaabka garoonka Muqdisho ee xerada Xalane, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo kamid hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isna u guuraya Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Illo ka agdhaw labada mas’uul ayaa noo sheegayo in sababta ka dambeysa inay u guuraan Xalane ay tahay si uga baaqsadaan culeysyada uga iman kara Dowladda Federaalka, oo dhawaan ka celisay xayndaabka garoonka.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Shariif iyo Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa dhawaan, goor habeen dib looga celiyay xayndaabka garoonka, xilligaas oo kulamo muhiim ah la lahaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa hanaanka gelitaanka xayndaabka garoonka ee gudaha Xalane, taas oo xubnaha Golaha Mustaqbalka u arkaan mid looga dan leeyahay xadidaada dhaq-dhaqaaqooda, xilli hotelka Airport ee gudaha Xalane ay ku sugan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland oo u yimid wada-hadallada Villa Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadd siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, xilli aan weli la cayimin goorta ay furmayaan wada-hadallada masiiriga ah ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho, si la iskula qaadaa-dhigo halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Doodda ugu xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii ridday furitaanka shirka.

Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo kulan uga socdo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa haatan ku kulansan hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Hotelkan oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa kulan qado ah uga socdaa Xasan Sheekh, Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas oo horey kulamo dhowr ah uga yeeshay ajendaha shirka dhawaan furmaya.

Martiqaadka kulanka qadada waxaa fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay dalka dib ugu soo laabtay. Kulankan ayay dhinacyadu iskula faaqidayaan halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Kulanka oo gogol xaar u ah wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayay sidoo kale dhinacyada iskula soo qaadi doonaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Wada-hadallada ayaa dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay, iyadoo haatan doodda ugu xooggan ay tahay halka lagu qabanayo shirka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa muddo ka badan toddobaad ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo degay xayndaabka garoonka ee xerada Xalane.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka oo ay isku fahmi la’yihiin Villa Somalia iyo mucaaradka.

DF Soomaaliya oo maalgashi shisheeye u raadinaysa dekedaha dalka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika oo ay isugu yimaadeen madax, ganacsato iyo wakiillo ka kala socday heer gobol iyo heer caalami.

Khudbaddiisa ayuu ku faah-faahiyay isbeddellada ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in la abuuray jawi u fududeynaya maalgashiga.

Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in dalka uu leeyahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhinaca dekadaha, isaga oo ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in beeraha iyo kalluumeysigu ay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay ka jirto fursadda maalgashi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda iyo daneeyayaasha ka qeyb-galay madasha ganacsiga Afrika oo ka qabsoomtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dardargelinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sawirro: Wasiiro ka socda DF iyo saraakiil Turki ah oo ka degay Sabiid iyo Caanoole + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil Turki ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaannada ayaa waxaa dib u dejin loogu sameeyey qoysaskii ay kooxda Al-Shabaab ka dumiyeen guryahoodii, kana barakiciyeen deegaanadaas, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa markii ay kooxda ka xoreysay deegaanadaas waxay shacabka u ballanqaaday in dib loogu dhisi doono guryihii ay cadowga Khawaarijta ah ka burburiyeen, si looga shaqeeyo dib u soo kabashada bulshada.

Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo loo dhisay, kadib guryahoodii ay burburiyeen kooxihii Khawaarijta ahaa ee deegaannadaas laga xoreeyey.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol maalmeedka bulshada, loona dardargeliyo dib u dhiska deegaannada xorta ah.

“Dad deegaanka ah oo guryahooda ka burburay in dib loogu dhisay, tani waa billow waxaana rajaynayaa intaas iyo ka badan in aan u dhisno,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Waxaa uu intaas kusii daray “Adeegyadii maqnaa ayaa dib usoo noqonaya, waxaa naga go’an in uusan deegaankaan markale cadawga dib ugu soo noqon.”

Si kastaba, mashruucan dib u dejinta loogu sameeyay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, iyadoo inta la dhisay loo bixiyay tuullada SomTurk.

Dokumentiga qorshe sir ah oo dadka Soomaalida looga mamnuucayo dalka…

0

Canberra (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Liberal-ka dalka Australia ayaa si degdeg ah isaga fogeeyay dokumiinti sir ah oo banaanka u soo baxay, kaas oo soo jeedinayay in la adkeeyo shuruudaha dal-ku-galka (Fiisaha) ee dadka ka imaanaya dalalka ay colaaduhu ragaadiyeen, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Warbaahinta Australia ayaa baahisay in qorshahan, oo si hoose loo diyaariyay, uu dhigayo in la hakiyo ama gebi ahaanba la diido codsiyada fiisooyinka ee dadka ka soo jeeda deegaannada ay maamulaan kooxaha hubeysan ama argagixisada.

 Qorshaha ayaa lagu saleeyay sababo la xiriira “sugidda amniga qaranka”, halkii uu ahaan lahaa mamnuucis guud oo dalka oo dhan saameynaysa.

Si gaar ah, xusidda Soomaaliya ee qoraalkan ayaa dhalisay walaac xooggan, maadaama dalku uu muddo dheer la daalaa-dhacayay dagaallo sokeeye iyo kacdoonka kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno ka mid ah dalka.

Tani ayaa cabsi gelisay Soomaali badan oo ku nool Australia oo ku tiirsan barnaamijyada isu-keenidda qoysaska (Family reunification) iyo fiisooyinka bani’aaddannimada si ay ehelladooda u badbaadiyaan.

Hase yeeshee, madaxda sare ee Isbaheysiga Mucaaradka ayaa gaashaanka u daruuray in qorshahani uu yahay siyaasadooda rasmiga ah. Angus Taylor, oo ka mid ah hoggaanka sare ee mucaaradka, ayaa sheegay in dokumiintigaasi uusan lahayn sharciyad rasmi ah, uuna ahaa mid ay diyaariyeen xubno hore balse aan la horkeenin golaha sare ee xisbiga.

Sidoo kale, afhayeenkii hore ee arrimaha socdaalka ayaa beeniyay inuu wax ka ogaa ama taageeray qorshe si gaar ah u beegsanaya Soomaalida, isagoo xusay inuu walaac ka muujiyay qodobadaas markii hore.

Saameynta iyo walaaca bulshada

Dokumiintiga la dusiyay ayaa sidoo kale soo jeedinayay isbedello ballaaran oo lagu sameeyo hanaanka socdaalka Australia, sida in si degdeg ah dalka looga masaafuriyo magangalyo-doonka codsiyadooda la diido iyo in la dhaqangaliyo shuruudo adag oo la xiriira “Qiyamka Australia” (Australian values), tallaabadaas oo dadka u dooda xuquuqda aadanaha ay sheegeen inay dhibaato ku noqon karto qaxootiga iyo ardayda shisheeyaha ah.

Khubarada dhanka socdaalka ayaa digay in haddii la meelmariyo qorshe ku saleysan “deegaan”, ay ka dhigan tahay in qofka Soomaaliga ah aan lagu xukumin dhalashadiisa oo kaliya, balse lagu xiro deegaanka uu ku noolaa ama uu soo maray.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku dooday in tallaabada noocan ah ay ciqaab ku tahay dadka shacabka ah ee iyagu laftoodu ka soo cararaya dhibaatooyinka iyo amni-darrada kooxaha xagjirka ah.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa hadda ah mid ku kooban qoraal hoose oo aan weli noqon go’aan dowladdeed ama siyaasad rasmi ah, iyadoo xisbiga Mucaaradka uu sheegay inay soo bandhigi doonaan siyaasadooda rasmiga ah ee socdaalka waqti dambe.

Xog: Erdogan oo maanta ku wajahan Itoobiya iyada oo la filayo in Soomaaliya ay…

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah booqasho rasmi ah oo qaadan doonta hal maalin ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo saxiixa heshiisyo cusub oo iskaashi.

Booqashadan oo timid kadib casuumaad rasmi ah oo uu fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhanka warshadaha gaashaandhigga.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyada diblomaasiyadeed, labada hoggaamiye ayaa goobjoog ka noqon doona saxiixa heshiisyo iyo dokumiintiyo dhowr ah oo wada-xaajoodkooda lasoo gaba-gabeeyay, kuwaas oo quseeya dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga.

Safarka Erdogan ee Itoobiya ayaa ahmiyad gaar ah u leh xasiloonida gobolka, iyadoo Ankara ay doonayso inay xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan nabad ka dhalata inta u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho.

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, horraantii 2024.

Turkiga ayaa sanadkii hore ee 2025 qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, isagoo labada dal ku caawiyay inay saxiixaan “Baaqa Ankara” (Ankara Declaration), kadib markii madaxda labada dhinac lagu martiqaaday caasimadda Turkiga si loo qaboojiyo xiisadaha.

Dhinaca dhaqaalaha, Turkiga iyo Itoobiya ayaa kor u qaaday mugga ganacsigooda sanadkii 2025, kaasoo sameeyay koror dhan 5%, isagoo haatan taagan $253 milyan. Turkiga ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah afarta dal ee ugu maalgashiga badan dalka Itoobiya.

Baaqashada safarkii Imaaraadka

Dhinaca kale, qeyb kamid ah safarka Madaxweyne Erdogan oo ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xaalad caafimaad oo lasoo deristay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Beddelkeeda, Erdogan ayaa wada-hadal dhanka taleefonka ah la yeeshay dhiggiisa. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashi iyo tallaabooyinka lagu sii xoojin karo xiriirka, iyadoo laga duulayo danaha guud ee labada dal iyo labada shacab.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in labada mas’uul ay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay sii qoto-dheereeyaan xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhinacyada horumarinta. Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya labada dhinac.

Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay in kulanka baaqday dib loo qorsheeyo, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay kulmaan waqtiga ugu horreeya ee suurtagalka ah.

Xiisadda Awdal oo kasii dareysa iyo odayaasha dhaqanka Gadabuursi oo ku dhawaaqay…

0

Boorama (Caasimada Online) – Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Odayaasha dhaqanka Gadabuursi ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu ka been sheegay in lasoo xidhay nabada beelaha wada dega gobollada Awdal iyo Salal, xilli maalin ka hor uu dagaal culus ka dhacay ka dhacay deegaanno dhaca Salal.

Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada ay colaaduhu ka dheceen.

Bayaan kasoo baxay guddida ayaa lagu sheegay in wasiirku ku andacooday in colaaddii ka taagnayd deegaannadaasi la dhammeeyay, balse arrintaasi aanay sal ku lahayn xaqiiqada jirta, maadaama labadii maalmood ee u dambeeyay ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

“Wasiirku waxa uu si cad aan oo badheedh ah u aflagaadeeyay madax-dhaqameedka beelaha Gadabuursi oo uu ku sheegay dagaal-oogayaal nabada diidan, arrintaana waxa aanu ka leenahay wasiir way kaa hoostay ee waxa aad illoowday in madax-dhaqameedka reerku ay yihiin kuwa dhaliyay ee keenay nabadda iyo quruxda aad wasiirka ku tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka odayaasha dhaqanka beelaha Gadabuursi.

Dhanka kale, guddigu waxa ay tilmaameen in hadallada wasiirku muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore, iyaga oo xusay in ay jireen dadaallo nabadeed oo hore si wadajir ah u wadeen madax-dhaqameedka iyo mas’uuliyiinta xukuumadda.

“Waxa aanu bulshadayada iyo dawladda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanu si ku meel-gaadh ah u joojinay wada shaqeyntii aanu la lahayn wasiirka arrimaha gudaha, maadaama oo uu wasiirku ka baxay xeyndaabkii dawladnimo. Sidoo kalena uu lumiyey dhex-dhexaadnimadii.”

Ugu dambeyntii, Guddiga Dhaqanka Beelaha Gadabuursi waxay ugu baaqeen bulshada iyo xukuumadda Somaliland in si mideysan looga hawlgalo nabad waarta iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.

Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta wada shaqeynta iyo xasilloonida gobolka, iyaga oo caddeeyay inay sii wadi doonaan doorkooda nabadeynta iyo midnimada bulshada.

Xiisadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal ayaa kasii dareysa, kadib markii uu buray heshiis nabadeed oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in lagu soo afjaray colaadda taagan, taas oo kasoo bilaabatay joojintii buugga xeer Ciise ee magaalada Saylac.