25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Booliska UK oo xabsiga dhigay walaalka boqorka Ingiriiska

0

London (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska dalka Ingiriiska ayaa maanta xabsiga dhigay Andrew Mountbatten-Windsor, oo hore loogu yaqaanay Prince Andrew, kadib markii la helay dukumiintiyo cusub oo la xiriira dacwadaha dambiyada ee Jeffrey Epstein.

Sida lagu soo warramayo, Andrew waxaa laga qabtay gurigiisa ku yaalla Sandringham, iyadoo tallaabadan lagu saleeyay baaritaan ka dhashay eedeymo cusub oo ka soo baxay faylalka Epstein ee dhowaan la faafiyay.

Ciidanka Thames Valley Police ayaa xaqiijiyay inay wadaan baaritaan ku saabsan tuhun la xiriira “ku takri-fal awoodeed oo xafiis dadweyne” iyo xiriirro hore oo dhexmaray Andrew iyo Epstein.

Andrew ayaa hore uga fariistay howlaha boqortooyada, kadib muranno ka dhashay xiriirkiisa Epstein. Sannadkii tegay, Boqor Charles III ayaa ka xayuubiyay inta badan xilalkii iyo maamuusyadii uu hayay.

Dukumiintiyada cusub ee laga sii daayay Mareykanka ayaa tilmaamaya xiriirro isgaarsiineed iyo kulamo hore oo u dhexeeyay Andrew iyo Epstein, inkastoo Andrew uu horay u beeniyay dhammaan eedeymaha la xiriira falal sharci-darro ah.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, go’aanka kama dambaysta ahna la qaadi doono marka la soo gabagabeeyo wareysiyada iyo qiimeynta caddeymaha jira.

Dhanka kale, ilo ku dhow qoyska boqortooyada ayaa sheegay in Andrew uu hore u beeniyay wax kasta oo sharci-darro ah oo lala xiriiriyo Epstein, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo hay’adaha baaritaanka. Arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda ku hareereysan kiiska, iyadoo la sugayo natiijada kama dambaysta ah ee baaritaanka socda.

Jaamac oo war kasoo saaray go’aanka Golaha Wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay go’aanka maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada, kaasi oo ay ku meelmariyeen axdiyo dhowro.

Wasiir Jaamac ayaa uga mahadceliyay Golaha meel-marinta axdiyada muhiimka ah ee ka mid yihiin:

  • Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Hortagga Isku-Dhacyada Badda (COLREG 1972)
  • Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Mag-dhawga Waxyeellada Wasakheynta Shidaalka (1992)
  • Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga,
  • U-diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990)

Jaamac ayaa sheegay in meel-marinta axdiyadan ay muujinayso dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo badbaadada, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee saaxadda caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay laf-dhabar u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka iyo ganacsiga badda, iyagoo waafaqsan heerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiir Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan istiraatiijiga ah ay qeyb ka yihiin qorshayaasha wasaaradda iyo siyaasadda guud ee xukuumadda Dan-Qaran, ayna si toos ah u taageerayaan hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP), difaacidda danaha qaranka, iyo sare u qaadista kaalinta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiidka badda ee heer gobol iyo mid caalami ah.

DF oo shaqada ka joojisay diyaarado ka howlgala dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday in shaqada ay ka joojiyay diyaarado ka howlgalayay Soomaaliya, kuwaas oo buuxin waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka.

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday arrintan, iyada oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gaysay warbixin dhammeystiran iyo tallaabada ay ka qaaday diyaaradaha laga joojiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Golaha ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Si kastaba, Indhowaanahan ayaa waxaa isa soo tarayay cabashooyin laga muujinayay qaar kamid ah diyaaradaha ka howlgala garoonka Muqdisho, kuwaas oo duugoobay, maadaama ay shaqeynayeen muddo aad u dheer.

Waxaa sidoo kale dhowr jeer dhacday in qaar kamid ah diyaaradahaas ay soo wajahday cilado sababay in ay halis galaan qaar kamid ah rakaabka, waxaana kamid ah shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda Maxamed Bin Zayed

0

Abu Dhabi (Somalia Today) — Senator sare oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa Arbacadii beeniyey warar maalmihii lasoo dhaafay hareeyay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan (MBZ).

Graham, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X (horey u ahaan jirtay Twitter) ku sheegay inuu waqti 90 daqiiqo ah la qaatay hoggaamiyaha Imaaraadka, uuna ku arkay xaalad “caafimaad qab ah” iyo firfircooni, isagoo si kulul u weeraray dadka faafinayay wararkaas.

“Wuu nool yahay, wuu caafimaad qabaa,” ayuu yiri Graham, isagoo intaas ku daray in 64-jirka xukuma Imaaraadka uu yahay mid “maskaxdiisu aad u furan tahay, sidii horena ka wanaagsan.”

Farriinta Senator-ka ayaa timid kadib maalmo ay gobolka Khaliijka ka jirtay hadal-hayn xooggan iyo shaki, taasoo ka dhalatay markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu si lama filaan ah u baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa Abu Dhabi horraantii toddobaadkan.

Xafiiska Erdogan ayaa markii hore baahiyay – balse daqiiqado kadib tirtiray – bayaan tilmaamayay “dhibaatada caafimaad” oo lasoo deristay Sheekh Maxamed. Tallaabadaas ayaa dhalisay mowjado warar aan la xaqiijin ah oo baraha bulshada qabsaday, kuwaas oo sheegayay in hoggaamiyuhu uu galay xaalad degdeg ah ama xitaa uu geeriyooday.

Si loo damiyo wararkaas, Wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM) ayaa baahisay muuqaallo iyo sawirro muujinaya Graham iyo Sheekh Maxamed oo ku wada hadlaya qasriga Qasr Al Shati ee Abu Dhabi, iyagoo si qoto dheer uga doodaya arrimaha gobolka iyo dadaallada nabadda Bariga Dhexe.

Hase yeeshee, Axmed Cabdi oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa u sheegay warbaahinta Eglish-ka ee Somalia Today in qaabka adag ee uu Senator-ku u hadlay laga yaabo inay yeelato saameyn lid ku ah ujeedkiisa, taasoo sii dheereyn karta cimriga warka halkii ay ka damin lahayd.

“Marka mas’uul sare oo sharci-dejiye Mareykan ah uu dareemo inuu fagaare ka cadeeyo in hoggaamiye Khaliiji ah uu ‘nool yahay’ uuna ‘fiican yahay’, waxay abuuraysaa shaki hor leh oo ku dhasha dadka aan markii horeba la socon wararkaas,” ayuu yiri Axmed.

“Inkastoo ay dadka qaar qancinayso, haddana waxay muujinaysaa in shakigu uu gaaray heerar sare oo siyaasadeed.”

Graham, oo sidoo kale ah xulafo dhow ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa fursaddan uga faa’iideystay inuu ammaano Imaaraadka iyo go’aankii ay xiriirka kula yeesheen Israa’iil sannadkii 2020 (Abraham Accords). Wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid ka mid ah isbedellada ugu waaweyn ee taariikhda casriga ah ee Bariga Dhexe.

Wuxuu ugu baaqay dalalka kale ee gobolka inay qaataan waddada Abu Dhabi ee wax uu ugu yeeray casriyeynta, isagoo xaaladda gobolka ku sifeeyay loolan u dhexeeya “iftiinka iyo mugdiga.”

Senator Graham ayaa safarkiisa wuxuu kusii wajahan yahay dalka Sacuudiga si uu ula kulmo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, isagoo ammaanay aragtida Saudi Vision 2030.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli Washington ay isku dayeyso inay dheelitirto xiriirka ay la leedahay labada dal ee Khaliijka (Sacuudiga iyo Imaaraadka), kuwaas oo xiriirkoodu uu aad u xumaaday muddooyinkii dambe sababo la xiriira loolanka gobolka iyo saameynta ay ku leeyihiin Yemen iyo Soomaaliya.

Maxay ka dhigan tahay in shirka DF iyo mucaaradka lagu qabto Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah martigelisay furitaanka shir weyn oo siyaasadeed, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Qabsoomidda shirka ee gudaha Madaxtooyada ayaa ka dhigan mid muujineyso hore u socodka dowladnimada Soomaaliya, waxaana dhinaca kale loo arkaa guul siyaasadeed oo usoo hoyatay kooxda Villa Somalia oo iyagu dadaal geliyay in shirka ay martigeliyaan, si loogu qabto xarunta dalka looga arrimiyo, taas oo maanta dhacday.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo madaxda maamullada mucaaradka ayaa horey uga caga-jiidayay inay galaan dhimshaa xarunta madaxtooyada, balse wadahadallo horudhac ahaa oo dhacay Talaadadii ayaa lagu xalliyay tabashooyinkaas, iyadoo damaanad amni oo buuxda la siiyay madaxdaas.

Kulanka maanta oo furmay xilli barqadii ah, ayaa ku bilaabmay hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Ra’iisul wasaaraha, Taliyaha NISA iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si gooni ah arrintan ugu amaanay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ku adkeystay in la’isugu tego Xarunta Villa Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu tanaasulkooda uga mahadceliyay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland

“Waa ku mahadsanyahay MD Hassan Sheikh in uu ku adkeeysto in kulan ka uu la leeyahay xubno ka mid ah mucaaradka uu ka dhaco Villa Somaaliya. Go’aan qaadashadaasna wuxuu ugu hiiliyay sifaha Dowladnimada dalka. Waa ku mahadsanyihiin MD Puntland & Jubbaland in ay ka tanaasulaan mowqif-koodii hore ee ahaa Xalane halagu shiro. Go’aan qaadashadaasna waxeey ugu daneeyeen Dowladnimada dalka” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray xildhibaanka.

Waxaa kale oo uu ku daray “Intaas kadib, taladu waxeey tahay in la heshiiyo oo sidaas loogu daneeyo horusocodka hanaanka dowladnimada dalka si wadajir ah”.

Dhankiisa guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa boggaadiyay in shirka lagu qabto Madaxtooyad Qaranka, isaga oo dhinacyada ugu baaqay inay eegaan danaha guud ee daddka iyo dalka.

“Waa ifafaalo wanaagsan kullanka maanta ka furmay Guriga Ummadda (Villa Somalia) ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Ujeedku yuusan noqon in lakala adkaado balse diiradda la saaraa dannaha qaranka ee doorasho hufan, gurmadka abaarraha, adkaynta midnimada, illaalinta gobonnimada iyo amniga qaranka” ayuu isna yiri Taabid Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

NISA oo bilowday arrin ay ku farxeen shacabka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka ee NISA ayaa haatan gudaha magaalada Muqdisho ka bilaabay howl culus oo ay si weyn ugu farxeen shacabka caasimada, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha iyo ciidamada NISA ayaa waddooyinka waa wayn ka bilaabay inay ku afuriyaan shacabka Sooman, ee saaran gaadiidka iyo mootooyinka, taas oo si weyn loogu bogaadiyay Taliska guud ee hay’adda.

Ciidanka ayaa dadka u qaybinaya Timir iyo Biyo ay ku afuraan, waxaana fursaddaas ka faa’iideystay shacabka maraya waddooyinka iyo darawaallada gaadiidka.

Sidoo kale, waxay ciidamadu wadaan howlgal amni xaqiijin ah ah, taas oo ka dhigan in gacan ku sugayaan amniga, gacan kalena ay ku caawinayaan shacabkooda.

Arrintan ayaa si weyn loogu amaanay Taliska NISA, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo soo jiidasho leh, loiguna mahadcelinayo ciidamada amniga.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli dowladda Soomaaliya ay sii adkeyneysaa sugidda nabadgelyada, iyada oo heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa Booliska oo u xilsaaran dhammaan amniga guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo daafaha caasimada.

Xilli kasta oo la bgaaro Ramadaan waxaa Muqdisho ka dhici jiray falal ammaan darri sida qaraxyo iyo dilal ay soo maleegaan Al-Shabaab, taas oo hadda meesha ka baxday, waxaana beddealkeed haatan Khawaarijta lagu baacsanayaa furimaha hore ee dagaalka oo iyana shaqo adag ka hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista…

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Xubnaha  Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga aha ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo oo guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, iyada oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Intaas kadib Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa shirkooda maanta ku ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah;-

  1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
  2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
  3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Dhinaca kale, Golaha ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka.

Sidoo kale, waxaa guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Dawo: Sidee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni loogu soo dhaweeyey Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa goordhow gudaha u galay Madaxtooyada Soomaaliya oo muddo dheer aysan cag saarin, sababo la xiriira khilaafka culus ee kala dhexeeya dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ballaaran ugu soo dhaweeyay dhismaha Xarunta Villa Somalia oo aad oo qurxiyay, intii ay ka maqnaayeen.

Sidoo kale, waxaa Madaxtooyada gaaray xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, waxaa goordhow la filayaa inuu bilowdo shirka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka taagan.

Dhinaca kale, waxaa maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo la xiray inta badan jidadka gala Madaxtooyada, si loo sugo amniga guud, oo ay horay u damaanad qaaday dowladdu, kadib dalab ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo diidanaa in shirka lagu qabto Villa Somalia, balse dadaal dheer kadib aqbalay.

Taliyaha Nabad-sugidda ayaa qaatay doorka sugidda ammaanka, wuxuuna madaxda kasoo galbiyay xerada Xalane, kadibna wuxuu si nabad ah ku geeyay gudaha Villa Somalia oo loo qorsheeyay inay ka dhacaan wada-hadalladu.

Kulanka fumay ayaa  ku billowday hab-maamuus sare oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyay in furitaanka shirka maanta kaliya looga hadli xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.

Qabsoomidda shirka maanta ee gudaha Xarunta Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia, waxaase laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi doonto wada-hadallada bilaabanaya oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska

Mareykanka oo beddelay miisaanka dagaalka Shabaab iyo DF oo gaartay guulo weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgallada dhulka ee la ballaariyay iyo duqeymaha dhanka cirka ah ee uu Mareykanku taageerayo ay si weyn u beddeleen jiheynta iyo miisaanka dagaalka muddada dheer socday ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xukuumadda Muqdisho ayaa ku faantay guulo is-daba-joog ah, iyadoo sheegtay in la wiiqay awooddii kooxda, lagana qabsaday dhul ballaaran, isla markaana la beegsaday hoggaanka sare iyo shabakadaha qaabilsan sameynta walxaha qarxa.

Isbeddelkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) si tartiib-tartiib ah uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amniga qarankana ay si buuxda ula wareegayaan ciidamada Soomaaliya, ku dhawaad labaatan sano kadib markii Al-Shabaab ay soo ifbaxday.

Guulaha dhanka dhulka

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay dib u qabsadeen deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla gobollada Shabeellada Hoose, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbaland – dhulkaas oo qaarkood ay kooxdu maamulaysay sanado badan.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegay in deegaannada Jilib Marka, Gendershe iyo Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, oo muddo dheer ahaa saldhigyo ay ku xooggan tahay Al-Shabaab, ay haatan gacanta dowladda ku jiraan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay guulo laga gaaray gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada Taydaan iyo Yasooman, iyo hawlgallo laga sameeyay agagaarka Masjid Cali Gaduud ee Shabeellada Dhexe.

Dhanka Jubbaland, gaar ahaan aagga Kudhaa, wuxuu sheegay in hawlgallo wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Danab ee Mareykanku tababaray lagu dilay tobanaan dagaalyahan, lagun qabsaday gaadiid dagaal.

Doorka militariga Mareykanka

Doorka Mareykanka ayaa noqday mid muhiimad gaar ah leh, iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu fuliyo duqeymo lala beegsado hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, xarumaha tababarka iyo goobaha hubka, iyagoo xogta iyo isku-duwidda kala kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu burburiyay xarumo lagu farsameeyo walxaha qarxa (IEDs) iyo gaadiid walxahaas laga soo buuxiyay ka hor inta aysan weerarro geysan.

Cabdullaahi Axmed Cali, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ku sugan Muqdisho, ayaa aaminsan in awoodda dhanka cirka iyo sahanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ay beddeleen dheelitirka dagaalka.

“Wejiyadii hore ee dagaalka, labada dhinac waxay haysteen hub dhuleed isku mid ah, taasoo keentay is-mari-waa. Balse dowladda waxa ka maqnaa awood cir oo joogto ah,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu intaas ku daray in sahanka diyaaradaha uu sahlay in la ogaado dhuumashada kooxda iyo waddooyinka ay saadka u mariyaan, taasoo ciidamada dhulka u fududeysay inay horey u socdaan.

Diyaaradaha drone-ka ayaa waxaa qaarkood sidoo kale qeyb ka ah kuwo ay Turkigu siiyeen dowladda federaalka iyo kuwa ay si toos ah ayaga u maamulaan oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Caqabadaha jira iyo mustaqbalka

Khubarada amniga ayaa ka digaya in guulaha milateri oo kaliya aysan ku filnayn. Waxay ku talinayaan in deegaannada la qabtay lagu xoojiyo maamul wanaag iyo adeegyo bulsho si looga hortago in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabato, sidii horey u dhici jirtay markii ciidamadu ka baxaan.

Inkastoo dowladdu sheegatay in kumanaan dagaalyahan la dilay, haddana khubaradu waxay digniin ka bixinayaan in Al-Shabaab ay weli tahay koox adag oo awood u leh inay weerarro ka geysato gudaha caasimadda iyo gobollada, iyadoo weli maamusha dhul ballaaran oo miyi ah.

Dowladda ayaa ballan-qaaday inay dib-u-dhis iyo gargaar gaarsiin doonto deegaannada la xoreeyay, balse guusha kama dambaysta ah waxay ku xirnaan doontaa awoodda dowladda ee ah inay sugto amniga xilli ay sii yaraanayso joogitaanka ciidamada shisheeye.

Xogta shirka Xasan Sheekh iyo mucaaradka iyo saacadda uu si rasmi ah u furmayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah martigelineysa shir weyn oo siyaasadeed, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Kulankan oo lagu wado inuu furmo 11-ka barqanimo, ayaa ku bilaaban doona hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in furitaanka shirka diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.

Qabsoomidda shirka ee gudaha Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia. Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo madaxda maamullada mucaaradka ayaa horey uga caga-jiidayay inay galaan xarunta madaxtooyada, balse wadahadallo horudhac ahaa oo dhacay Talaadadii ayaa lagu xalliyay tabashooyinkaas, iyadoo damaanad amni oo buuxda la siiyay madaxdaas.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Villa Somalia ay ku guuleysatay in gogosha wada-hadalka la dhigo aqalka looga arrimiyo dalka, halkii markii hore ay madaxda qaar dalbanayeen goob dhexdhexaad ah.

Wararka ayaa sheegaya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Talaadada kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Kulankaas ayaa soo afjaray khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo labada maamul, waxaana la isla meel-dhigay qaabka loo wajahayo shirweynaha maanta furmaya.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, ayaa waxaa indhaha ku haya Beesha Caalamka oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxa kale oo soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah heerarka dambe ee shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Shirka u dhexeeya Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo furmay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Waxaa maanta si rasmi ah Xarunta Villa Soomaaliya uga furmay shirka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirka ayaa ku billowday hab-maamuus sare oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza, taliyaha NISA iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada.

Sidoo kale, waxaa shirkan oo xasaasi ah ka qeyb-galaya dhammaan madaxda ugu sarreysa ee Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Qaranka.

Furitaanka shirka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyada oo kadib loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.

Dhinaca kale, ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyada oo maanta la xiray inta badan waddooyinka gala Madaxtooyada, si loo sugo amniga, oo ay horay u damaanad qaaday dowladdu, kadib dalab ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo diidanaa in shirka lagu qabto Villa Somalia, balse dadaal dheer kadib aqbalay.

Qabsoomidda shirka maanta ee gudaha Xarunta Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia, waxaase laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi doonto wada-hadallada bilaabanaya oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

 

Somaliland oo si adag ugu jawaabtay madaxweyne Erdogan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadalladii uu shalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu ka jeediyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Erdoğan oo booqasho ku tegay caasimadda Itoobiya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo aqoonsiga Somaliland. Maamulka Hargeysa ayaa tan ku tilmaantay fara-gelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladeynayo xiriirrada ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaareynaysaa hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo ay u aragto faragelin aan la aqbali karin oo lagu carqaladaynayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda iyo dalalka gobolka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in go’aannada siyaasadda dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay tahay inay go’aamiyaan dowladaha iyo shacabka maxalliga ah, sidaas darteedna aan la aqbali karin in loolan shisheeye loo soo raro gobolka, si loo wiiqo xasilloonida iyo iskaashiga.

“Somaliland waxay xaq u leedahay in ay si madax-bannaan ula macaamisho cid kasta oo ay dan u aragto, iyada oo ku salaynaysa maslaxaddeeda qaran iyo rabitaanka shacabkeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Somaliland.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Erdoğan uu aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay mid “aan wax dan ah ugu jirin” Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa markaas oo uu barbar taagna Ra’iisul Wasaare Abiy ugu baaqay dalalka gobolka inay la yimaadaan xalal u gaar ah oo ay kaga gudbaan caqabadaha haysta, halkii ay ogolaan lahaayeen in fara-gelin shisheeye ay sii huriso xiisadaha.

“Turkigu wuxuu muhiimad siinaya madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka,” ayuu yiri Erdoğan, oo sidoo kale muujiyay in uusan doonayn in colaado iyo dhibaatooyin hor leh lagu sii kordhiyo gobol horeyba uga jirto xasillooni darro.

Si kastaba, aqoonsiga la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo hoggaanka Dowladda Federaalka uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga gobolka.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda, una adeegsaneysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ka horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Xamza iyo safiirka Qatar oo wada-hadal yeeshay iyo Xamza oo ku dhawaaqay hirgelinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Xamza ayaa intii kulanka socday ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxiixdeen.

Heshiisyadan uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in si rasmi ah loo bilaabayo hirgelintooda ayaa waxay la xiriiraan iskaashiga dhinaca difaaca iyo horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona tayeynta ciidamada qalabka sida iyo dib u dhiska dalka.

Danjire Dr. Cabdullaahi ayaa dhankiisa caddeeyey in Dowladda Qatar ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya, isagoo boggaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.

Qatar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, ayaa mar kale xoojinaysa taageerada milatari ee dalka.

Sawirro: Turkiga oo maanta DF Soomaaliya ku wareejiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

Qalabkan ayaa waxaa la kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Qalabkan oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amni iyo la dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiintan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Turkiga ayaa maalmihii dambe dalka keenayey saanad milatari, iyadoo garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay dhowr jeer kasoo degtay diyaarad xamuul milatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda Ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u dhaqan-galisay nidaam ka adag e-Visa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan-gelisay nidaam cusub oo si buuxda u xakameyn doona socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Federaalka ayaa saddex maalin ka hor dhaqan-gelisay nidaamkan oo loo yaqaano Electronic Travel Authorisation (ETA), kaasi oo qorshaha hirgelintiisa ay soo socotay illaa dabayaaqadii sanadkii 2025.

Nidaamkan ayaa si buuxda u xakamayn doona socdaalka dhammaan garoomada caalamiga ah ee dalka, sida; Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Boosaaso iyo garoomada kale ee dalka.

ETA-da cusub ayaa si toos ah ugu xiran nidaamka shirkadaha diyaaradaha ee Departure Control System (DCS) iyo nidaamka xog is-weydaarsiga rakaabka ee API/PNR, sida ay xaqiijiyeen illo si dhow ula socda arrintaan.

Kadib hirgelinta nidaamkan, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota guud ahaan Soomaaliya, haddii uusan horey oggolaansho uga haysan nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tan ayaa macnaheedu tahay in shirkadaha diyaaradaha aysan jari karin “boarding pass” ilaa oggolaanshaha laga xaqiijiyo nidaamka dowladda.

ETA-da ayaa siinaysa Dowladda Federaalka awood ballaaran oo la xiriirta socdaalka, oo ay ka mid yihiin: magaca rakaabka, taariikhda dhalashada, faahfaahinta baasaboorka, taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore, iyo sidoo kale faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku.

Nidaamkan ayaa sida muuqata ka sii adag midka haatan ay ka cabanayaan maamullada qaar ee e-Visa-ha, kaasi oo qasab ka dhigaya in qofka wata baasaboorka shisheeye ee ka degaya garoomada dalka, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, uu jarto fiisahaas ka hor socdaalkiisa.

Arrintan ayaa si toos ah u saameyn doonta shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah sida; FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin inay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan dhaqan-gelin doonto.

Dowladdu waxay si dhameystiran ula socon doontaa xogta rakaabka ay diyaaraduhu usoo qaadaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale hay’adda socdaalka u oggolaan doonta in qofka ay doonto laga reebo diyaaradaha.

Si kastaba, qorshaha hirgelinta nidaamkan cusub ayaa u muuqda mid amni iyo siyaasadba leh, oo dowladda Soomaaliya ku xoojinayso awoodda ay ku maamuleyso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taas oo si toos ah u taaban karta cid kasta oo ka hor timaadda.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli hore maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa, kaasi oo markii uu dhaqan-galay abuuray xiisad xooggan.

Ciidamada DANAB oo arrin cajiib ka sameeyay deegaan dhaca Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale muujiyey doorkooda muhiimka ah ee isku dhafan sugidda amniga iyo garab istaagga bulshada, xilli maanta ku beegan tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kadib howlgal lagu xaqiijiyey amniga oo argagixisada looga saaray deegaanka Jabad Godane ee hoostaga degmada Warsheekh, ciidamada Danab ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay gurmad bani’aadamnimo.

Waxay shacabka deegaanka gaarsiiyeen deeq ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loo yareeyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira halkaas, loona taageero qoysaska nugul inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u dareemayso qiimaha nabadda iyo is-caawinta, gaar ahaan bilahan barakeysan.

Sidoo kale, waxay muujinaysaa in howl-gallada Danab aysan ku ekeyn oo keliya dhinaca milatariga, balse ay barbar socdaan dadaallo lagu xoojinayo nolosha iyo rajada bulshada deegaannada laga xoreeyey cadowga.

“Ciidamadu waxay si dhow ula shaqeeyaan shacabka, iyagoo fahamsan in amniga dhabta ahi uu ku dhisan yahay kalsoonida iyo wadajirka bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka.

Deeqdan la gaarsiiyey shacabka Jabad Godane ayaa astaan u ah isku xirka amniga iyo samafalka, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida bulshada iyo rajada mustaqbalka. Waa fariin cad oo muujinaysa in marka dhul la xoreeyo ay la socoto dib u soo nooleyn nololeed iyo garab istaag dhab ah oo loo fidinayo dadka deegaanka.

SOOMAALIYA oo loo oggolaaday inay daabacdo baasaboorka…

0

Arusha (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo oggolaaday daabacaadda baasaboorka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Naqshadda baasaboorkan iyo go’aanka oggolaanshaha rasmiga ah ee daabacaaddiisa ayaa waxa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, ahna Wakiilka Joogtada ah ee u qaabilsan ururka EAC, Danjire Ilyaas Cali Xasan uu ku wareejiyey Wasiirka Amniga Gudaha, General Cabdullaahi Fartaag iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustafa Dhuxulow.

Go’aankan rasmiga ah ee la soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Isniintii ay dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira iskaashiga iyo socdaalka.

Sidoo kale, oggolaanshahan ayaa u suurtagelinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si buuxda u dhaqan-geliso tallaabooyinka farsamo ee la xiriira baasaboorka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Go’aankan ayaa dhigaya in laga bilaabo bisha December 2025, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u daabacan karto baasaboorka ururka EAC, kadib markii la dhammeystiray dhammaan habraacyadii sharci iyo farsamo ee looga baahnaa.

Arrintan ayaa dowladda Soomaaliya uga dhigan guul iyo horumar diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo xoojinaysa isdhexgalka dalalka gobolka, sare u qaadeysa wada-shaqeynta xubnaha EAC, isla markaana fududeyneysa isu-socodka muwaadiniinta ku nool dalalka ku mideysan ururka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 24-kii November 2023 ka mid noqotay urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC.

Xasan Sheekh oo looga digay in loo dilo sidii madaxweyne Cabdirashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Farxaan ayaa ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh uga digay inuu qaado waddadii lagu dilay madaxweynihii hore ee dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu sheegay inay ahayd dhibaato ka dhalatay doorashooyinkii xilligaas oo la boobay, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya boob kama dhici karo la’isma boobi karo lixdamaadkii doorashooyinkii dalka ka dhacay waxaa ka dhashay dhibaatooyin keenay in uu dhinto madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la dilay” ayuu yiri Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Farxaan Cali Axmed.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Ma-hadho ayay reebeysaa dhibaato ayay u abuureysaa madaxda, shacabka iyo dalka Soomaaliyd”.

Sidoo kale wuxuu ka digay in doorashooyinka ka dhacaya dalka in ay lamid noqdaan kuwii 2022-kii, ama lagu shubto.

“Runtii waxaan ka digeynaa in doorashada ay noqoto mid ay ku shubato oo ay dubato, daangeesato DFS. Waxaan rabnaa doorashada soo socota in aysan lamid noqon tii hore.” ayuu mar kale yiri siyaasiga Farxaan Cali Axmed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka socdaan shirar siyaasadeed oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, kuwaas oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo ka wadahadlayo xiisadda taagan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba

Muuse Suudi oo soo jeediyay arrin xasaasi ah oo ka dhan ah xildhibaannada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay kulankii maanta ee Baarlamaanka kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku adan xildhibaannada labada Gole, wuxuuna soo jeediyay in lala xisaabtamo xubnaha iska maqan.

Muuse Suudi ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaanno iyo senatarro la ganaaxay iyo kuwa kale oo aan soo xaadirin kulamada caadiga ah, haddana sidaas mushaar ku qaata, taas oo uu tilmaamay in aysan u fiicneen shaqada golaha.

“Dad ayaa Firinbi inta la joogay, kulamada waa laga joojiyay, Mushahaar kaan qaadano ayey nala qaataan iyagoo banaanka joogo” ayuu yiri Senator Muuse.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in xildhibaannada sidaas sameynaya loola dhaqmo sida askarta oo kale, isla markaana la saaro dhibic ay ku waynayaan mushaaraadkooda, haddii ay soo xaadiri waayaan fadhiyada Baarlamaanka.

“Horta qof aa mushaar ka go’een ogow askara lacag ayay qaataan dhibic ayaa la saaraa mushaarka ayaana ka go’aayo annagu waxaa nahay dad aan dhibic la saareen oo iska soconaayo, waa fool-xumo dadka lagu qiyaamaayo” ayuu sii raaciyay Senator Muuse Suudi.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in guddoonka uu ku dhaqamo xeer hoosaadka oo qeexaya tallaabada ku haboon ee laga qaadi karo xildhibaannada maqnaada iyo haddii uu dhaco xadgudub golaha dhexdiisa ah.

“Waxaa loo baahan yahay in shaqada la’iskula xisaabatamo, laguna dhaqmo xeer hoosaadka golaha, Aqalkeenna waxaa ku jira 5 fadhi kuwa aan imaan kana waa ku jiraan” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay la ganaaxay xildhibaanno kor u dhaafaya 50 Mudane, kuwaas oo ku buuqay kulamadii Baarlamaanka ee looga hadlayay wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.

Xog: Shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo ka dhacaya Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu si rasmi ah u furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka oo ugu dambeyn la qorsheeyay inuu ka dhaco xarunta Villa Soomaaliya oo ay isugu tegi doonaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in is aragii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland lagu go’aamiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada o u diyaarsan, iyada oo damaanad amni oo buuxda loo fidiyay xubnaha golaha.

Arrintan ayaa ka dhigan in xubnaha mucaaradka iyo guud ahaanba Golaha Mustaqbalka looga guuleystay in shirku ka dhaco gudaha Villa Somalia, halka markii hore madaxda qaar ay ka cagajiidayeen inay galaan Madaxtooyada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in maanta si rasmi ah loo guda-geli doono wada-hadallada, iyada oo diiradda lagu saarayo khilaafka taagan, gaar ahaan qorshaha geedi socodka dalkaoo ugu horreyaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Doodo adag ayaa jiri doono, maadaama dhinacyadu ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin qodobada laga wada-hadlayo, waxaase la filayaa in natiijo ay ku gaaraan shirarkooda oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo baahi wayn loo qabo in la gaaro heshiis mideysan, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro.

Shirka ayaa si weyn indhaha loogu hayaa waxaana sidoo kale kor kala socon doonto Beesha Caalamka oo labada dhinac ku cadaadisay qabsoomida kulankooda.

Xalay waxaa sidoo kale Muqdisho isku arkay Ra’iisul wasaare Xamza madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo muddo dheer uu ka dhexeeyay khilaaf daba dheeraaday, wuxuuna kulanaas muujiyay isku soo dhawaasho saddexda dhinac ah, iyada oo looga hadlay shirweynahooda maanta furmaya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.