25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Guul-darro taariikhi ah oo maanta ku dhacday Trump

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa Jimcaha maanta ah gaartay go’aan taariikhi ah oo ay ku laashay canshuurihii baaxadda lahaa ee uu Madaxweyne Donald Trump kusoo rogay badeecadaha caalamka, taasoo dharbaaxo weyn ku ah udub-dhexaadka barnaamijkiisa dhaqaalaha.

Go’aankan oo muujinaya kala qeybsanaan dhif iyo naadir ah oo dhanka aragtida ah, ayay maxkamaddu cod aqlabiyad ah oo 6-3 ah ku xakameysay awoodaha fulinta ee uu si ballaaran u adeegsanayo madaxweynaha Jamhuuriga ah.

Garsoorayaasha muxaafidka ah ee kala ah Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts, Amy Coney Barrett iyo Neil Gorsuch ayaa la saftay saddexda garsoore ee garabka bidix, si ay u ridaan xukunkan.

Xukunkan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya canshuurtii aasaasiga ahayd ee 10% ahayd ee Trump uu si iskiis ah ugu soo rogay ku dhawaad dhammaan waddamada adduunka bishii Abriil ee sanadkii 2025-ka, tallaabadaas oo uu ugu magac daray “Maalinta Xoreynta” (Liberation Day).

Sidoo kale, go’aankan wuxuu burinayaa canshuuraha kale ee aargoosiga ah ee la saaray saaxiibbada ganacsi ee ugu waaweyn Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mexico, Shiinaha, Midowga Yurub, Japan, iyo Kuuriyada Koonfureed.

“Madaxweynuhu wuxuu sheeganayaa awood aan caadi ahayn oo uu iskiis ugu soo rogi karo canshuuro aan xad lahayn dhanka cadadka, waqtiga, iyo baaxaddaba,” ayuu yiri Guddoomiye Roberts oo u hadlayay aqlabiyadda maxkamadda.

“Marka la eego baaxadda, taariikhda, iyo macnaha dastuuriga ah ee awoodda uu sheeganayo, waa inuu keenaa oggolaansho cad oo ka yimid Koongareeska si uu u adeegsado,” ayuu raaciyay.

Aqlabiyadda garsoorayaasha ayaa caddeeyay in sharciga awoodaha xaaladaha degdegga ah ee sanadkii 1977-kii—kaas oo Trump uu cuskaday si uu u meelmariyo canshuurahan—uusan gaarsiisnayn heerkii oggolaanshaha Koongareeska ee loo baahnaa si loo hareermaro Dastuurka, kaas oo awoodda canshuur-qaadista siinaya oo kaliya Koongareeska.

Jawaabta kulul ee Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay garsoorayaasha laashay canshuuraha, isagoo lixda xubnood ee Maxkamadda Sare ku eedeeyay inay “ka baqayaan inay sameeyaan waxa saxda ah.”

Shir jaraa’id oo uu qabtay saacado kadib markii maxkamaddu go’aanka soo saartay, madaxweynaha ayaa sheegay inuu “ceeb u dareemayo ” garsoorayaasha u codeeyay inay hor istaagaan canshuurihiisa.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay garsoorayaasha garabka bidix ee ku biiray saddexda muxaafidka ah, isagoo ku tilmaamay inay yihiin “kuwo ceeb ku ah qarankeenna.”

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan canshuuraha waa mid si qoto dheer looga niyad jabo, waana ceebeeneynaa xubnaha qaar ee maxkamadda, gabi ahaanba waan ceebeeneynaa, maadaama aysan lahayn geesinimo ay ku sameeyaan waxa u wanaagsan dalkeenna,” ayuu yiri Trump.

Go’aankan ayaa guul-darro taariikhi ku ah Trump, oo soo rogista canshuuraha ka dhigtay aalad iyo awood uu ku handado dalalka caalamlka, oo ay ku jiraan kuwo saaxiibo dhow la ah Mareykanka, sida Canada iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa, si kastaba, ballan qaaday inuu adeegsan doono “waddooyin kale oo beddel ah” si uu dib ugu soo celiyo canshuurihiisa, isagoo soo jeediyay suurta-galnimada inuu cunaqabateyn ganacsi kusoo rogo waddamada kale.

QATAR oo qalab difaac oo dal kale laga soo daabulay maanta keentay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha Milatariga Qatar ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay qalab difaac oo casri ah, kaasi oo laga keenay dalka Turkiga.

Qalabkan difaac ayaa waxaa dowladda Soomaaliya usoo diray dowladda Turkiga oo iskaashi milatari uu kala dhaxeeyo, isla markaan maalmihii dambe dalka keenaysay saanad milatari oo xooggan.

Diyaarad xamuul ah oo nooca Boeing C-17 Globemaster III oo leeyihiin Ciidanka Cirka ee Qatar ayaa maanta garoonka Aadan Cadde keentay qalabka difaaca hawada ee ASELSAN ALP-100G AESA Alçak İrtifa Radar.

Raadarkan oo leh awood gaareysa 185+ km, ayaa ah nooc 3D ah oo loogu tala-galay ogaanshaha bartilmaameedyada ku duulaya joog hoose sida; diyaaradaha, drones-ka iyo gantaallada.

ALP-100G wuxuu ka mid yahay nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah, isagoo adeegsanaya tiknoolajiyada AESA (Active Electronically Scanned Array).

Warbixinno la helayo ayaa tilmaamaya in qalabkan loo qorsheeyay goobta laga hirgelinayo xarunta dayax-gacmeedka iyo goobta laga tuuro gantaallada ee Turkigu ka dhisayo duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoojinta iskaashiga milatari iyo kan amni ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta hawada iyo horumarinta awoodda farsamo ee labada dal

Si kastaba, dowlad Turkiga ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay saanad milatari, iyadoo maantana ay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay dhowr mar kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas ah.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Xog ka cusub wada-hadalka DF iyo Golaha Mustaqbalka iyo Xasan oo ka cagajiidaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo saaka baaqday.

Kaddib baaqashadii kulankii maanta loo ballansanaa, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka cagajiidayo la kulanka guddiga kooban ee ay soo xuleen Golaha Mustaqbalka.

Sida aan hore u baahinay, madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa xalay yeeshay shir kadib markii ay ka soo baxeen wada-hadalladii Khamiistii ka furmay xarunta Villa Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay in xubno kooban loo diro wada-hadallada si ay ula fariistaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubnahan waxaa ka mid ah: Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni; madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed; ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre; Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur; iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Xubnahan ayaa goluhu u doortay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo abaaro qodobada la isku hayo, isla markaana natiijo wax ku ool ah looga gaaro wada-hadallada bilowday.

Kadib markii uu bannaanka u soo baxay go’aanka Golaha Mustaqbalka, waxaa la sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shardi uga dhigay mucaaradka inay u yimaadaan iyagoo dhammaystiran.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in Madaxweynuhu rabo inuu ka faa’iidaysto kala aragti-duwanaanshaha iman kara marka ay dhammaan hoggaanka mucaaradku wada joogaan.

Xasan ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in guddi kooban ay ku adkayn karaan gorgortanka, halka kulanka guud uu fursad u siin karo inuu dhex galo aragtiyaha kala duwan ee mucaaradka dhexdiisa, uuna sidaas uga faa’iideysto.

Wararka ayaa intaas kusii daraya, haddii mucaaradku ay ku adkaystaan go’aankan, madaxweynuhu uu ka maquuran doono inuu toos ula xaajoodo guddiga, uuna iska horgeyn doono guddi wasiiro ah oo u xilsaarayo inay la macaamilaan, halkii uu isagu si toos ah ula kulmi lahaa.

Tan ayaa haddii ay dhab noqoto adkeyn karta in si habsami leh u sii socdaan wada-hadallada jawiga degan Khamiistii uga bilowday Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

DF Soomaaliya oo xil sare u magacowday wasiiru-dowlihii hore ee Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Danjire Ku-xigeenka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya u magacowday Wasiiru-dowlihii hore ee Warfaafinta Puntland, Dr. Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir).

Ashkir ayaa sidoo kale noqonaya diblumaasi sare oo Soomaaliya ku meteli doona Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee dalalka xubnaha ka ah EAC, xilli dalka uu si rasmi ah ugu biiray ururkaasi sanadkii 2023.

Soomaaliya ayaa haatan dadaal ku bixinaysa sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha dhaqaale iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu-socodka iyo maalgashiga.

Dr. Ashkir ayaa lagu tilmaamaa xeeldheere ku takhasusay arrimaha Bariga Afrika iyo Carabta, isla markaana ah khabiir ku xeel dheer dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha dowladeed.

Intii uu ka tirsanaa xukuumadihii kala dambeeyey ee Puntland, Dr. Ashkir waxaa si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ka qaatay bud-dhigga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta iyo qorsheynta siyaasadda.

Ashkir ayaa sidoo kale si weyn loogu xusuustaa sida uu warbaahinta caalamka iyo tan Carabta uga difaacay qaranimada Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Si kastaba, ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo is-dhexgalka gobolka, iyadoo dalka uu doonayo inuu door firfircoon ka qaato horumarka waara, shaqo-abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha bulshada Bariga Afrika.

Xog: Ururka Xamaas oo si qarsoodi ah u billaabay in..

0

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa si rasmi ah u gada-gashay doorashooyin qarsoodi ah oo lagu dooranayo hoggaanka sare ee ururka.

Doorashadan ayaa la sheegay in Xamaas ay si qarsoodi ah uga wado qaybo ka mid ah Gaza, Daanta Galbeed iyo xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalalka dariska ah.

Doorashooyinkan ayaa lagu soo xulayaa xubno ka tirsan hoggaanka sare ee ururka, iyadoo habka doorashada ee Xamaas ay inta badan tahay mid gudaha ah, waxaana codka dhiibta xubnaha ururka iyo goleyaasha la shaqeeya.

Ma aha doorasho dadweyne oo ay ka qayb-galaan shacabka guud, balse waa hannaan ay ku doortaan hoggaankooda sare si waafaqsan nidaamka ururka u degsan.

Natiijooyinka doorashadan ayaa muujin kara jihada hoggaamineed ee Xamaas qaadan doonto mustaqbalka dhow, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in xal siyaasadeed loo helo dagaalka Gaza. Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka mid ah dhinacyada ka shaqeynaya wada-hadallo ku saabsan maamulidda Qasa marka uu dagaalku joogsado.

Doorashadu waxay ku soo beegmaysaa xilli ay Israa’iil dishay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii sare ee Xamaas, kadib weerarkii 7-da October 2023 ee ay kooxda ku qaaday koonfurta Israa’iil. Weerarkaas ayaa sababay dagaal ballaaran oo weli ka socda Marinka Gaza, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Tan iyo markaas, duqeymo iyo dagaallo dhulka ah ayaa si joogto ah uga socday Gaza, iyadoo Israa’iil sheegtay inay bartilmaameedsanayso kaabeyaasha milatari ee Xamaas. Dhanka kale, xaaladda bini’aadannimo ee Gaza ayaa si weyn uga sii dartay, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan barakac iyo baahi ba’an.

Xamaas ayaa horey u lahayd qaab dhismeed hoggaamineed oo ka kooban garab siyaasadeed iyo mid milatari, iyadoo hoggaanka sare lagu soo doorto muddo cayiman.

Hoggaamiyaha cusub ayaa la filayaa in dhawaan la shaaciyo, waxaana uu xilka hayn doonaa muddo hal sano ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxda.

Doorashadan ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn ku yeelan karto mustaqbalka wada-hadallada iyo jihada siyaasadeed ee Gaza. Si kastaba, nooca hoggaamineed ee la doorto ayaa go’aamin kara sida ay Xamaas uga falcelin doonto dadaallada dib-u-dhiska, xabbad-joojinta iyo wada-hadallada caalamiga ah.

TURKIGA oo beeniyay arrin laga faafiyay oo la xiriirta shidaalka Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa beenisay in si hal dhinac ah uga faa’iideysanayso kheyraadka dabiiciga ah iyo tamarta Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka.

Ankara ayaa sheegtay in faafinta wararka been abuurka ah looga dan leeyahay “leexinta xaqiiqda, loona wiiqo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.”

“Doodaha baraha bulshada ee isku dayaya in Turkiga loo sawiro sidii dal kaliya ka faa’iideysanaya sahminta saliidda Soomaaliya waa warar aan sal lahayn oo ujeedkoodu yahay in lagu dhaawaco iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga.

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka Turkiga: “Heshiiska ay wada saxiixdeen TPAO) iyo hay’adda batroolka Soomaaliya wuxuu si cad u qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin kaliya shacabka Soomaaliyeed.”

Ankara ayaa sidoo kale tilmaamtay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi wadajir ah, una dhexeeya laba dal oo madax-banaan.

“Sidaas darteed, waxaan si gaar ah u boorrineynaa in aan la rumeysan wararka been-abuurka ah iyo macluumaadka marin-habaabinta ah ee lagu bartilmaameedsanayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal”.

Turkiga ayaa maalmo ka hor soo sagootiyay markabka Cağri Bey, kaas oo ku soo wajahan Soomaaliya, si uu howlgal shidaal qodis ah uga fuliyo xeebaha dalka.

Markabkan oo ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa ayaa door muhiim ah ka qaadanaya soo saarista khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Hawl-galkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Si kastaba, hawlaha qodista ayaa la filayaa in bilaabo bisha April ee sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Booliska maamulka Waqooyi Bari oo xiray nin lacag dollar ah u geeyay saraakiil ciidan

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen nin isku dayay inuu lacag doollar ah laaluush ahaan u siiyo ciidanka.

Ninkan oo tagay saldhig uu kaga xirnaa gaari nooca Noah ah oo ay hayeen ciidamada, kaas oo loo haystay soo gelinta khamriga, ayaa isku dayay inuu laaluusho ciidanka si loogu sii daayo gaariga.

Taliska ciidanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Cabdiqani Saciid Cabdi, wuxuuna haatan ku jiraa gacanta booliska.

“Eedeysanaha ayaa watay lacag uu doonayay inuu ku iibsado sii-deynta gaariga, hase yeeshee ciidanka ayaa si adag uga horyimid falkaasi sharci-darrada ah, isla markaana goobta ku xiray,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Taliska Booliska Waqooyi Bari.

Taliska ayaa caddeeyay in aan la aqbali doonin wax musuq-maasuq, laaluush ama faragelin lagu sameeyo howlaha sharciga iyo amniga. Wuxuu sheegay in qof kasta oo isku daya inuu jebiyo sharciga uu mutaysan doono tallaabo waafaqsan qawaaniinta dalka.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Sharciga ka sarreeya laaluush

Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo C/Qani Saciid Cabdi, kaas oo isku dayay inuu laaluusho ciidanka si loogu sii daayo gaari nooca NOAH ah oo ay hayeen ciidamada, loona heystey soo gelinta Khamriga.

Eedeysanaha ayaa watay lacag uu doonayay in uu ku iibsado sii deynta gaadhiga, hase yeeshee ciidanka ayaa si adag uga horyimid falkaasi sharci-darrada ah, isla markaana isla goobta ku xiray. Lacagtii la soo bandhigayna waxaa loo qabtay caddeyn ahaan.

Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari waxa uu caddeynayaa in aan la aqbali doonin wax musuqmaasuq, laaluush ama faragelin lagu sameeyo howlaha sharciga iyo amniga.

Qof kasta oo isku daya inuu jebiyo sharciga waxa uu mutaysan doonaa tallaabo waafaqsan qawaaniinta dalka.

Ciidanku waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka wada shaqeynta la leh laamaha amniga, iyagoo ku boorrinaya in laga feejignaado falalka musuqmaasuqa ah, isla markaana lala soo socodsiiyo hay’adaha amniga cid kasta oo ku lug leh falal noocaas ah.

Allaa Mahad leh.

Screenshot
Screenshot

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyay in DF Soomaaliya si rasmi ah u bilowday bixinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in si rasmi ah ay Dowladda Federaalka u bilowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika.

Daabicista baasaboorkan oo dhawaan ogolaansho loo siiyay Soomaaliya ayaa wuxuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in uu qaadano karo qof kasta muwaadin ah.

“Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, shaqaalaha, iyo qoysaska, tan oo fureysa albaabka gobolka iyo dunida inteeda kaleba,” ayuu Ra’iisul Wasaare Xamza ku yiri qoraal u soo saaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in horumar weyn ku tallaabsaday baasaboorka Soomaaliga, uuna sare u kac sameeyay afartii sano ee u dambeeyay. “Baasaboorkeena oo sanadkii 2021-dii ku jiray kaalinta 111-aad ee dunida, ayaa hadda soo gaaray kaalinta 96-aad, sarena u kacay 15 buundo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Maanta dadkeena ma haystaan baasaboor oo kaliya, ee waxa ay haystaan baasaboor albaabo badan fura, abuura xiriiro, dunidana tusaya in Soomaaliya ay dib usoo laabatay.”

Hoos ka aqriso qoraalka Xamza oo dhameystiran:

Maanta Soomaaliya waxa ay biloowday bixinta Baasaboorka Bariga Afrika oo la siinayo shacabkeenna, ardayda, ganacsatada, shaqaalaha, iyo qoysaska, tan oo fureysa albaabka gobolka iyo dunida inteeda kaleba.

Ku biirista Bulshooyinka Bariga Afrika, waa astaan lahaansho, waxa ay fududeynaysa socdaalka, abuureysana fursado wadaag ah, taasi oo ka dhigan sare u kaca aqoonsiga uu dunida ka heley baasaboorka Soomaaliga ah.

Baasaboorkeena oo sanadkii 2021-dii ku jiray kaalinta 111-aad ee dunida, ayaa hadda soo gaaray kaalinta 96-aad, sarena u kacay 15 buundo. Maanta dadkeena ma haystaan baasaboor oo kaliya, ee waxa ay haystaan baasaboor albaabo badan fura, abuura xiriiro, dunidana tusaya in Soomaaliya ay dib usoo laabatay.

Waxaa muuqata kalsooni sii kordheysa oo uu adduunka ku qabo baasaboorka Soomaaliga ah dowlad wanaag iyada oo ay kordhayso kaalinta Basabboorka Soomaaliya ee heerarka caalamka.

Maanta muwaadhiniinta Soomaaliyeed waxa ay si xor ah ugu safri karaan ku dhowaad 40 waddan si dal ku-gal la’aan ah ama dal ku-gal garoonka laga qaato, taas oo faa’iido la taaban karo u ah muwaaddiniinta, ardayda iyo ganacsatadaba.

In badan oo ka mid ah bah-wadaagteenna caalamka ayaa noo fidiyay fursadda dal-ku-gal la’aanta ah ee dadka wata baasaboorka diblumaasiga, waxaanna rajo togan ka qabnaa in fursadaasi ay helaan shacabka intiisa kale.

Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, waxa uu xoojinayaa ganacasiga, dhaqaalaha iyo amniga gobolka, waxa uu fududeynayaa socdaalka, wuxuu balaarinayaa is-dhexgalka, isaga oo sare u qaadaya fursadaha jira sida waxbarasho, iyo isweeydaarsiga dhaqanka.

Sidoo kale waxa uu qiimo weyn u yeelayaa baasaboorka Soomaaliga ah, kaas oo hadda noqday summadda adkaysiga, hamiga dheer, iyo sare u kaca heybadda Qaranka. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shir-madaxeedkii dalalka Bariga Afrika ee 2024 lagu ansixiyey in Soomaaliya ku biirto ururkan Bariga Afrika.

Dadka Soomaaliyeed ma ahan kuwo faro-madhnaan la tagaya ururrada dunida, ee waa dal istaraatiiji ah oo leh xeebta Afrika ugu dheer, iskuna xiraya qaaraddan iyo Gacanta Carbeed, leh raasumaal dhaqaalaha buluugga ah, Dekedo, Kalluun, iyo xeendaabyo ganacsi, kuwaas oo Badweynta Hindiya u horseedi kara fursado wanaag ah oo barwaaqo sooran lagu gaaro.

Ka go’naanshaha Soomaaliya ee ka mid ahaanshaha Ururka Bariga Afrika waa mid giijisan, Soomaaliya waxa ay door firfircoon ka qaadanaysaa horumarka waara, ganacsiga, shaqo abuurka iyo sare u qaadista tayada nolosha ee dadka Bariga Afrika.

Xog: Shirka DF Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo baaqday maanta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta loo ballansanaa inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa baaqday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wada-hadallada ayaa dib loo sii amba-qaadi doona maalinta berri ah, iyadoo maanta kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac ka wadaan magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa la sheegay in dhinac walba uu gaarkii uga arrinsanayo qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saarayo wareegga soo socda ee wada-hadallada, si dhinac weliba uu usii xoojisto ajendaha u la shir tagayo.

Xalay, Madaxda Golaha Mustaqbalka oo shir muhiim ah ku yeeshay gudaha Xalane ayaa isku raacay in shirka berri loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay u diraan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab

Xubnahan ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.

Shirka berri ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qaban doono maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday.

Madaxda labada dhinac ayaa shalay isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Soomaaliya ma damaanad dibadeed ayay u baahan tahay si ay u difaacdo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya aysan u baahnayn dammaanad ka timaada dibadda, si ay u difaacato midnimadeeda iyo xuduudaheeda.

Arrintan ayuu wasiirku sheegay, kaddib markii wax laga weydiiyay in dowladdu ay ku kalsoon tahay in dalal kale aysan aqoonsan doonin Somaliland kaddib talaabada ay qaadday Israel.

Wasiir Dhaay ayaa sheegay in dunida maanta aanay jirin wax dammaanad ah oo la isku halayn karo, maaddaama xaaladda caalamku tahay mid isbedbeddelaysa, sidaas darteedna Soomaaliya ku kalsoon tahay mowqifkeeda sharci iyo dadaalka ay ugu jirto difaaca qaranimadeeda.

“Waxaan si buuxda uga hortagi doona wax kasta oo aan u aragno aqoonsi sharci-darro ah oo ka dhan ah waqooyiga Soomaaliya. Cid aan ka sugayno dammaanad si aan u difaacno qarannimadeenna ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda mar walba diyaar u tahay inay beesha caalamka u bandhigto xaqiiqada la xiriirta taariikhda, xuduudaha iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Dhaay ayaa waxa kale uu muujiyay in dowladda Soomaaliya ay doorbideyso in mowqifkeeda si nabad ah oo ku dhisan sharci loogu bandhigo caalamka.

“Soomaaliya waxay leedahay dadkeeda, sidaas darteedna iyada difaacan doonta jiritaankeeda iyo midnimadeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay dagaal diblumaasiyadeed adag ka gashay aqoonsiga Israel ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dalal badan oo kamid yahay Mareykanka ayaa si adag uga horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

Faah-faahinta qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inuu ka yimid gaari la shaaciyey inuu leeyahay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.

Gaariga sarkaalka ayaa loo badinayaa in lagu xiray walxaha qarxa, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee Muqdisho.

Weli lama soo warin khasaare uu geystay qaraxu, waxaana la sheegaya in xilliga uu dhacayay uusan gaariga la socon sarkaalka iska lahaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay Jeneraal Cabdirisaaq Afgaduud, kana tirsan hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Qaraxa kadib, waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, kuwaas oo markiiba guda galay baaritaanka qaraxa, kaas oo imanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyey.

Booliska ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxan oo saaka qalqal geliyey shacabka caasimadda, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka nastay dhawaaqa qaraxyada.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dadaal badan ku bixiyey xaqiijinta ammaanka caasimadda, iyadoo Muqdisho haatan ay martigelinayso wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

DF oo ka digtay qorshe ay Israel hadda damacsan tahay kadib aqoonsigii Somaliland

0

New York (Caasimada Online – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ugu aqoonsatay gobollada waqooyi galbeed ee Somaliland maamul madax-bannaan, waxayna ka digtay qorshe ay hadda damacsan tahay Tel Aviv oo ah in shacabka Falastiiniyiinta xoog loogu soo raro gudaha ciidda Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka, ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu si adag uga digay in arrintan ay Geeska Afrika u horseedi karto inuu ku dhex milmo qalalaasaha iyo saameynta taban ee colaadaha ka holcaya Bariga Dhexe.

Safiirka ayaa Golaha u caddeeyay in isku-day kasta oo lagu doonayo in xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub oo lagu soo rogo qaaradda Afrika ay dhaawacayso mabaadi’da asaasiga ah ee xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay abuureyso dhabbe halis ah oo hor leh.

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u diiday hindise kasta oo salka ku haya in Falastiiniyiinta si qasab ah looga barakiciyo deegaannadooda, ha noqoto gudaha dhulkooda ama in loo raro dalal kale. Danjire Abuukar ayaa falkaas ku sifeeyay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, kaas oo u dhigma “tirtirid isir”.

“Waa in beesha caalamku ay si wadajir ah uga hortagto isku-day kasta oo xoog ama cago-jugleyn loogu beddelayo qaab-dhismeedka bulshada ee dhulka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Danjiraha, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la dhawro shuruucda caalamiga ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in hawlgallada bani’aadannimo ee marinka Gaza uu saaran yahay culeys baaxad leh, inkastoo ay jirto xabad-joojin aad u jilicsan, wuxuuna ku baaqay in la helo taageero caalami ah oo joogto ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.

Xukuumadda Muqdisho oo muddo dheer taageero hagar la’aan ah la garab taagneyd in la helo dowlad madax-bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin, ayaa wacad ku martay inay iska caabin doonto faragelin kasta oo shisheeye—ha noqoto dhaqdhaqaaqyo aqoonsi diblomaasiyadeed ah ama fikrado la xiriira in dad la soo raro—kuwaas oo ay u aragto inay wiiqayaan shuruucda caalamiga ah iyo xuduudaha Soomaaliya ee dunidu aqoonsan tahay.

Dagaal laga cabsi qabo inuu Masar iyo Israel ku dhex maro Soomaaliya kadib markii…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay qiimeyn dhinaca amniga ah oo ka digaysa in xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Israa’iil ee Geeska Afrika ay gaartay meel xasaasi ah, taasoo kordhinaysa cabsida laga qabo in gacan-ka-hadal milateri oo dadban ama mid toos ah uu labada dal ku dhex maro ciidda dalka Soomaaliya.

Shabakadda wararka ee ku hadasha afka Cibraaniga ee Natsiv Net ayaa werisay in dhacdooyinkii is-xigay ee ilaa bishan Febraayo 2026 ay muujinayaan xifaaltan xooggan oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, kaas oo salka ku haya faragelintooda sii kordheysa ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu xusay, go’aankii muranka dhaliyay ee ay Israa’iil dhowaan qaadatay ayaa noqday barta isbeddelka. 26-kii bishii Diseembar 2025, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada gobolka gooni-isu-taagga ku dhawaaqay ee Somaliland, tallaabadaas oo ay si kulul u cambaareeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Masar.

Shabakadda ayaa sheegtay in Qaahira ay aqoonsigaas u aragto mid si qaawan ugu xadgudbaya madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ah isku-day ay Israa’iil ku doonayso inay saldhig istiraatiiji ah uga sameysato marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Daabulaad ciidan iyo dhoolatus milatari

Si ay tallaabadaas uga jawaabto, warbixintu waxay sheegtay in Masar ay dar-dargelisay daabulidda ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa in ilaa 10,000 oo askari oo Masaari ah qaar la geeyay dalka, qaar Kalena ay ku wajahan yihiin.

Ciidamadan ayaa qaarkood waxay qayb ka yihiin howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika, halka kuwa kalena ay ku joogaan heshiis difaac oo laba-geesood ah oo ay si toos ah ula galeen xukuumadda Muqdisho.

11-kii bishan Febraayo 2026, Masar ayaa dhoolatus milateri oo ballaaran ku qabatay magaalada Qaahira, kaas oo uu marti-sharaf ku ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixinta Israa’iiliyiinta ayaa dhoolatuskaas ku sifeysay “farriin culeyskeeda leh oo is-muujin ah,” taas oo si toos ah ugu wajahan Israa’iil iyo dalka deriska la ah Soomaaliya ee Itoobiya.

Masar ayaa horey u shaacisay inay si buuxda u diiddan tahay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay mid si toos ah u khatar gelinaya amnigeeda qaranka iyo badqabka isku-socodka ganacsiga badda ee marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

Inkastoo aysan jirin mas’uuliyiin Masaari ama Israa’iiliyiin ah oo si fagaare ah u sheegay inay isu diyaarinayaan dagaal toos ah, haddana warbixintan ayaa si dhab ah u iftiiminaysa xasaasiyadda gobolka iyo sida loolanka awoodaha shisheeye uu mar kale Geeska Afrika uga dhigayo fagaare lagu hardamo. 

Rajada Sacuudi Carabiya ee helitaan Nukliyeer oo sare u kacday kadib go’aanka Trump

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku wargeliyay Koongareeska dalkaas inuu wado qorshe uu Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula galayo heshiis dhanka tamarta nukliyeerka rayidka ah, kaas oo aan la socon shuruudihii adkaa iyo damaanad-qaadyadii looga hortagayay in Riyaad ay horumariso hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Sida ku cad dokumiinti loo diray Koongareeska oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa siyaasad soo jireen ah oo Washington ay ku xakameyn jirtay barnaamijyada nukliyeerka ee xulafadeeda.

Madaxweyne Trump iyo madaxweynihii isaga ka horreeyay, Joe Biden, ayaa labaduba Boqortooyada kala shaqeynayay waddooyin u gogol-xaaraya dhismaha warshaddii ugu horreysay ee Sacuudigu u adeegsado dhalinta korontada nukliyeerka.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu caalamka ka jiro walaac xooggan oo ku aaddan in dib loo bilaabo loolanka hubka nukliyeerka, gaar ahaan kadib markii horraantii bishan uu dhacay waqtigii heshiiskii ugu dambeeyay ee xaddididda hubka istiraatiijiga ah ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka, iyo sidoo kale xukuumadda Beijing oo si xowli ah u ballaarinaysa keydkeeda hubka nukliyeerka.

Walaaca siyaasiyiinta iyo khubarada amniga

Khubarada xakameynta hubka, siyaasiyiin badan oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, iyo xubno sarsare oo Jamhuuri ah – oo uu ku jiro Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio xilligii uu ahaa Senator – ayaa si adag ugu dooday in heshiis kasta oo lala galayo Riyaad uu yeesho xadeyn adag.

Shuruudaha ay dalbanayaan waxaa ugu weyn:

1- In Sacuudiga laga mamnuuco awoodda lagu tayeeyo (enrichment) Yuraaniyamka ama dib-u-warshadaynta shidaalka nukliyeerka, kuwaas oo loo arko waddooyin fududeyn kara sameynta hubka atoomikada.

2- In Sacuudiga uu aqbalo waxa loo yaqaan “Hab-maamuuska Dheeraadka ah” (Additional Protocol), kaas oo Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka (IAEA) siinaya awood ballaaran oo ay kormeero kedis ah ugu sameyn karto xarumaha aan horey loo diiwaangelin.

Ururka u dooda xakameynta hubka ee Arms Control Association (ACA) ayaa Khamiistii sheegay in maamulka Trump uu bishii Nofeembar warbixin horudhac ah u diray madaxda guddiyada Koongareeska.

Kelsey Davenport, oo ah madaxa siyaasadda xakameynta faafitaanka hubka ee ACA, ayaa tiri: “Warbixintu waxay kicineysaa walaac ah in maamulka Trump uusan si taxadar leh uga fiirsan khataraha ku gadaaman heshiiskan iyo tusaalaha xun ee uu gobolka uga tagi karo.”

“Daloolka” heshiiska iyo ujeedada Sacuudiga

Qabyo-qoraalka heshiiskan iskaashi oo loo yaqaan “123 Agreement”, ayaa dhigaya in shirkadaha Mareykanka ay udub-dhexaad u noqdaan barnaamijka nukliyeerka Sacuudiga si loo xaqiijiyo ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dokumiintiga ayaa wuxuu albaabka u furayaa in Sacuudigu uu aakhirka yeesho barnaamij lagu tayeeyo Yuraaniyamka.

Walaacan ayaa ah mid salka ku haya hadal uu sanadkii 2023-kii jeediyay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS), kaas oo ku hanjabay in boqortooyadu ay sameysan doonto hub nukliyeer ah haddii xafiiltankooda Iiraan ay sidaas sameyso.

“Haddii ay mid helaan, waa inaan anaguna mid helnaa si aan u ilaalino amniga iyo isku dheellitirnaanta awoodda Bariga Dhexe,” ayuu u sheegay telefishinka Fox News.

Ugu dambeyntii, ururka ACA ayaa sheegay in maamulka Trump uu heshiiskan rasmiga ah u gudbin karo Koongareeska ugu horreyn 22-ka bishan Febraayo.

 Sharciga Mareykanka ayaa dhigaya in haddii labada aqal ee Koongareeska (Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiilada) aysan muddo 90 maalmood gudahood ah ku meel-marin qaraar ay kaga soo horjeedaan, heshiiska “123 Agreement” uu si toos ah u dhaqan-geli doono, Riyaadna ay u oggolaan doonto barnaamijkeeda nukliyeerka rayidka ah.

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama aysan jawaabin codsiyo ku aaddan inay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis dekedaha kadib ceyrinta Imaaraadka

0

Riyaad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shalay kala saxiixday heshiis xasaasi ah oo ku saabsan dekedaha iyo gaadiidka badda.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan iskaashi ee khuseeya arrimaha gaadiidka badda iyo horumarinta dekedaha ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo lagu xaqiijinayo danaha labada qaran ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.

“Sacuudi Carabiya waa walaal weyn oo Soomaaliya garab ugu ah ilaalinta gobannimadeeda qaran iyo midnimadeeda dhuleed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray kadib saxiixa heshiiskan.

Heshiiskan ayuu sheegay inuu sahli doono kobaca dhaqaalaha, horumarinta dekedaha iyo gaadiidka badda, iyo sare u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta howl-wadeennada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha gaadiidka badda iyo dekedaha.

Heshiiskan cusub ayaa imanaya xilli dhawaan Soomaaliya iyo Sacuudiga ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, kaas oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii bil ee u dambeysay saxiixday dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee badda quseeya, taas oo door muhiim ah ka qaadaneysa xoojinta kalsoonida caalamiga ah, horumarinta ganacsiga badda, iyo ilaalinta danaha qaranka ee la xiriira kheyraadka iyo badqabka badaha.

Si kastaba, Sacuudiga ayaa u muuqda inuu isku dayayo buuxinta booska Imaaraadka Carabta, oo dhawaan Soomaaliya ay ka cayrisay gudaha dalka, sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii hore loola galay.

Diyaaradda Saldanadda Cumaan oo ku dhawaaqday duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso Muqdisho

0

Muscat (Caasimada Online) – Diyaaradda Saldanadda Cumaan ee SalamAir ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso duulimaadyo toos ah oo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Duulimaadyadan ayaa toddobaadkii laba jeer la fulin doonaa, maalmaha Axadda iyo Khamiista, iyagoo si rasmi ah u bilaabanaya 3-da Sebtembar 2026. Diyaaradaha SalamAir ayaa si toos ah uga degi doona Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee shirkadda duulimaadyada qiimaha jaban ee ay leedahay dowladda Cumaan si rasmi ah uga hawl-gasho Soomaaliya.

Shirkaddu waxay sheegtay in qiimaha tigidhada u dhexeeya Muscat iyo Muqdisho uu ka bilaabanayo $208, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah duulimaadyada ugu jaban ee ka shaqeeya khadkaas. Qiimahan jaban ayaa la filayaa inuu kordhiyo tirada rakaabka iyo isu socodka labada dal.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo kan ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan. Sidoo kale, waxay fududeyn doontaa isu socodka ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Khaliijka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa waddankii afraad ee Afrika ah oo ay SalamAir gaarto. Shirkaddu waxay hadda ka hawl-gashaa in ka badan 40 magaalo oo ku kala yaalla Aasiya, Afrika iyo Yurub.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in suuqyada Afrika ay yihiin kuwo muhiim u ah qorshahooda ballaarinta, isla markaana Soomaaliya ay leedahay fursado ganacsi oo sii kordhaya.

Maamulaha guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu ka tarjumayo koboca dhaqaale ee ka socda Soomaaliya. Wuxuu xusay in shirkaddu ay aragto mustaqbal ifaya oo ku aaddan iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya sannadihii u dambeeyay waxay sameynaysay koboc iyo horumar dhaqaale oo muuqda. Duulimaadyadeenna tooska ah waxay sii xoojin doonaan dhaqaalaha, waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo ganacsi iyo safar,” ayuu yiri maamulaha guud ee SalamAir.

Si kastaba, diyaaraddan ayaa ku soo biiraysa shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, sida Turkish Airlines, Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Kenya Airways, Flydubai, Air Arabia iyo Egypt Air.

Xog: Golaha Mustaqbalka oo doortay xubno gaar ah oo shirka berri uga qeyb-galaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa shir muhiim ah ku yeeshay gudaha Xalane, kadib markii ay galabta kasoo baxeen wada-hadalladii maanta ka furmay xarunta Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda golaha ayaa isku raacay in shirka berri loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay u diraan xubnahan:

  • Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni
  • Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed
  • Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre
  • Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo
  • Xildhibaan Cabdullaahi Carab

Xubnahan ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.

Shirka berri ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qaban doono maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday.

Madaxda labada dhinac ayaa maanta isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah marxaladaha dambe ee shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Sirdoonka Kenya oo shaaca ka qaaday in 1,000 muwaadin ka badan ay ku biireen…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyay in in ka badan 1,000 muwaadin oo Kenyan ah ay ku biireen ciidanka Ruushka.

Warbixin ay horgeeyeen Baarlamaanka Kenya, Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) iyo Agaasinka Baaritaanka Dambiyada (DCI) ayaa muujisay in dhalinyaradan ay ku biireen dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Warbixinta ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan sida dhalinyarada dalkaas looga qortay dagaalka dibadda. Baaritaanka hay’adaha amniga ayaa daaha ka qaaday in dhalinyaro badan lagu khiyaaneeyay qandaraasyo shaqo oo been abuur ah, kuwaas oo loo sheegay inay ka shaqeynayaan arrimo amni ama dhismo.

Inta badan dhalinyarada ayaa dalka uga bixi jiray fiisaha dalxiiska, iyagoo sii mari jiray magaalooyinka Istanbul iyo Abu Dhabi ka hor inta aysan u gudbin Ruushka.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in shabakado dad-dhexeeyayaal ah ay ku lug leeyihiin hawshan, kuwaas oo dhalinyarada ku qancinayay mushahar sare iyo fursado nololeed oo ka wanaagsan kuwa ay Kenya ka heli lahaayeen. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca la xiriira tahriibinta iyo ka faa’iideysiga dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

Khasaaraha ilaa hadda la diiwaangeliyay ayaa ah 39 qof oo dhaawac ah, 28 qof oo la la’yahay, iyo 89 qof oo weli ku sugan furimaha dagaalka. Tirooyinka kale ee ka harsan 1,000-ka qof ayaa la rumeysan yahay inay ku kala sugan yihiin saldhigyo tababar ama goobo kale oo militari.

Dawladda Kenya ayaa si adag u cambaareysay arrintan, waxayna sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Mas’uuliyiinta ayaa shaaciyay in bisha soo socota ay wafdi u diri doonaan magaalada Moscow si loo raadiyo xal iyo in dib loo soo celiyo muwaadiniinta ku go’doonsan dagaalka.

Si kastaba, Kenya waa mid ka mid ah dalalka muwaadiniintooda laga qoray dagaalka Ruushka. Dalal kale oo ku yaalla Afrika, Aasiya iyo Latin America ayaa sidoo kale la sheegay in dhalinyaro ka soo jeeda ay ku biireen ciidanka Ruushka, iyadoo qaarkood si toos ah loo qoray, halka kuwo kalena lagu qanciyay heshiisyo shaqo oo markii dambe isu beddelay hawl militari.

Warbaahinta caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa hore u sheegay in muwaadiniin ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Nepal, Hindiya, Cuba iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika lagu arkay furimaha dagaalka.

Qaar ka mid ah dowladahaas ayaa ku baaqay in muwaadiniintooda dib loo soo celiyo, kadib markii ay soo baxeen cabashooyin la xiriira khiyaano, qasab iyo xaalado adag oo ay la kulmeen.

Arrintan ayaa dhalisay dood caalami ah oo ku saabsan sharciyadda iyo anshaxa qorista ajaanibta ee dagaallada, gaar ahaan marka loo adeegsado marin habaabin shaqo ama dhaqaale.

Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah ayaa ku baaqay in la xoojiyo la socodka iyo ka hortagga shabakadaha qorta dhalinyarta si ay uga qayb qaataan colaadaha ka socda dalal shisheeye.

Xog: Xasan, Deni, Madoobe iyo madaxda mucaaradka oo is-faham hordhac ah gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo gabagaboobay maalintii koowaad ee shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo saaka ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka maanta ayaa lagu gaaray isfaham hordhac ah, iyadoo maalinta berri ah loo ballamay sii amba-qaadista wada-hadallada labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxda Puntland iyo Jubaland, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, iyo Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isku afgartay in si dhab ah loo wajaho wada-hadallada, taas oo durba keentay isfahamka hordhaca ah.

Dhinacyada ayaa si qoto dheer uga wad-hadlay doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed, maadaama inta badan madaxda maamullada muddo dhaaf ku fadhiyaan kursiga.

Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nuuca doorasho ee maamul goboleedyada waqtigooda dhaafay laga qaban doono. Labada dhinac ayaa isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamada berri iyo kuwa xigga lagu soo qaadi doono arrinta xasaasiga ah ee wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo la filayo in isfahan ballaaran laga gaaro, si looga gudbo caqabadaha hortaagan dhameysirka dastuurka KMG ah.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, ayaa waxaa indhaha ku haya Beesha Caalamka oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxa kale oo soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah heerarka dambe ee shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Booliska UK oo xabsiga dhigay walaalka boqorka Ingiriiska

0

London (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska dalka Ingiriiska ayaa maanta xabsiga dhigay Andrew Mountbatten-Windsor, oo hore loogu yaqaanay Prince Andrew, kadib markii la helay dukumiintiyo cusub oo la xiriira dacwadaha dambiyada ee Jeffrey Epstein.

Sida lagu soo warramayo, Andrew waxaa laga qabtay gurigiisa ku yaalla Sandringham, iyadoo tallaabadan lagu saleeyay baaritaan ka dhashay eedeymo cusub oo ka soo baxay faylalka Epstein ee dhowaan la faafiyay.

Ciidanka Thames Valley Police ayaa xaqiijiyay inay wadaan baaritaan ku saabsan tuhun la xiriira “ku takri-fal awoodeed oo xafiis dadweyne” iyo xiriirro hore oo dhexmaray Andrew iyo Epstein.

Andrew ayaa hore uga fariistay howlaha boqortooyada, kadib muranno ka dhashay xiriirkiisa Epstein. Sannadkii tegay, Boqor Charles III ayaa ka xayuubiyay inta badan xilalkii iyo maamuusyadii uu hayay.

Dukumiintiyada cusub ee laga sii daayay Mareykanka ayaa tilmaamaya xiriirro isgaarsiineed iyo kulamo hore oo u dhexeeyay Andrew iyo Epstein, inkastoo Andrew uu horay u beeniyay dhammaan eedeymaha la xiriira falal sharci-darro ah.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, go’aanka kama dambaysta ahna la qaadi doono marka la soo gabagabeeyo wareysiyada iyo qiimeynta caddeymaha jira.

Dhanka kale, ilo ku dhow qoyska boqortooyada ayaa sheegay in Andrew uu hore u beeniyay wax kasta oo sharci-darro ah oo lala xiriiriyo Epstein, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo hay’adaha baaritaanka. Arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda ku hareereysan kiiska, iyadoo la sugayo natiijada kama dambaysta ah ee baaritaanka socda.