25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

War cusub oo kasoo kordhay wax ka beddalka Dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa soo gabagabeeyay dooddii socotay ee wax ka beddalka Dastuurka, xilli weli ay taagan tahay tabasho ay qabaan xubnaha mucaaradka.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii amba qaadida doodda ku saabsan cutubka 9-aad ee dastuurka KMG ka ah, waxaana xildhibaanada labada Aqal ay dood xasaasi ah ka yeesheen qodobada cutubka sagaalaad ee Dastuuka Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubka 9-aad oo diiradda saarayo Garsoorka, kaas oo ka kooban afar madax iyo 25 qodob oo muhiim ah.

Cali Shacbaan ayaa sidoo kale u mahadceliyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka qayb-galay doodda, inkastoo la ganaaxay xildhibaannada mucaaradka oo hadda ka maqan fadhiyada golaha ee arrimaha Dastuurka.

Arrintan waxaa si wayn uga soo horjeedo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo haatan wada-hadal kula jira Madaxtooyada, kuwaas oo weli ku adkeysanaya ku shaqeynta Dastuurkii 2012-kii, kaas oo hadda wax badan laga beddalay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Daawo: Wasiir ka tirsan DF oo jawaab siiyay Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Deegaanka & Isbadalka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray madaxweynaha maamul-goboleedka Puntaland Saciid Deni, kaas oo ku aadan Dastuurka KMG ka ah.

Deni oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddalka lagu wado Dastuurka, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Dastuur ay sameysanayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dastuurkan meelaha lagu mal malooqaayo oo dadka la leeyahay ma tagi kartaan cid uu Dastuur u noqonaayo ma jirto runtaa idiin sheegayaa, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe hadduu Dastuur u noqonaayo ayaga ayay jirtaa, Dalkaan cid aan la aqoon inay qabsadaan ayuu halis ugu jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Bashiir Goobe oo isaguna si weyn u difaacay kooxda Villa Somalia, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Dastuur ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed, iyaguna ay u yihiin wakiilo la igmaday.

“Madaxweyne Saciid waa nin odey ah madaxda dalka ayuuna kamid yahay waxaana u hayaa xushmad, laakiin sida uu u dhigay ma’aha Dastuurka Xasan Sheekh oo madaxweynaha JFS maleh guddoomiyaha Baarlamaankuna maleh, isaguna maleh. Ummadda Soomaaliyeed-baa iska leh annaguna waxaa nahay wakiiladii dadka uga ahaa inay Dastuurkaan sameeyaan awoodana u lahaa, waana u fadhinaa waana sameyneynaa” ayuu ku jawaabay Wasiir Bashiir.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in haatan xildhibaannadu soo gabagabeeyeen doodii socotay ee wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad, isla markaana haatan kadib ay ka shaqeyn doonaan ansixinta.

“Hadda waxaa noo soo gabagboobay doodii, guddiga ayuu dib ugu noqonayaa waxaana ku xiga ansixinta Dastuurka kumeel gaarka ah” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyada oo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka.

Shirka Xasan Shekeh iyo mucaaradka oo furmay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Waxaa mar kale maanta Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay kulan labaad oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadwed dalka.

Kulanka oo ah mid xasaasi, isla markaana dib uu dhacay laba jeer oo hore ayaa waxa guddoominayabmadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza, taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee xukuumadda Dan-Qaran.

Dhanka mucaaradka waxaa shirka qayb-galaya xubnaha Madasha Samatabixinta iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo goordhow gaaray gudaha xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xasan Sheekh.

Labada dhinac ayaa maalmahan ku maqnaa wadatashiyo gaar gaar ah oo ku aadan wadahadalka, iyada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu ka laabtay go’aankii ay horay ugu diideen in ay wada-hadal toos ah la galaan dowladda, waxayna meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, kadibna ku dhawaaqay in ay si buuxda uga qayb-geli doonaan shirka haatan ka socda xarunta Villa Soomaaliya

Sida qorshuhu yahay waxaa shirka maanta diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Muxuu Saciid Deni ka yiri wada-hadallada Villa Somalia iyo doorashooyinka 3 maamul?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan la yeeshay qaar kamid ah bulshada Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Deni ayaa ugu horreyn ka hadlay wada-hadallada ay kula jiraan Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay dhab ka tahay oo ay doonayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed, si looga gudbo xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.

“In la heshiiyo ayay danta dalkaan ku jirtaa, runtii annaga dhab buu naga yahay heshiisku, Dalkaan in uusan culays kale sii fuulin baa na damqaysa” ayuu yiri Siciid Deni

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay doonayaan Golaha Mustaqbalka in la aado doorasho, wuxuuna farta ku fiiqay saddexda maamul ee la safan dowladda Dhexe ee ka haray doorashooyinka, isla markaana ku darsaday muddo dheeraad ah.

“Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed waa in ay doorasho galaan sida ugu dhakhsaha badan, kadibna loo soo jeesto doorashada Dowladda Dhexe” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xaaladda Muqdisho, isaga oo sheegay in weli ay lix jeclo ay ka hayso caasimada iyo inuu sii arko dadkiisa, gaar ahaan degmadii uu daganaa ee Howl-wadaag.

“Xamar waa naloo kala sheekeyey, cid iiga lexo jeclo badan ma jirto dadka in aan arko rabaa, waxaan garanayaa Xamar siday ahayd berisamaadkii. “Waxaan jeclaan lahaa caawa in aan Howl-wadaag joogo, dadka Soomaaliyeed waa walaalo.”ayuu sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in la sii amba qaado wada-hadallada uu dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo markii labaad ka dhacaya Xarunta Villa Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirka maanta diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta. Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Maxamed Bin Salmaan oo warqad xasaasi ah u diray Maxamed Bin Zayed walaalkiis

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin sarsare oo Mareykan iyo reer Galbeed ah oo la hadlay wargeyska Middle East Eye, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan (MBS), ayaa dhambaal “aad u dheer” u diray La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka, Tahnoon bin Zayed, isagoo si adag uga cawday dhaqdhaqaaqyada iyo faragelinta Abu Dhabi ee dalalka Suudaan iyo Yemen.

Warqaddan, oo la diray toddobaadyo un ka hor, ayaa xambaarsaneyd liis tafatiran oo ku saabsan tabashooyinka Riyadh, iyadoo dhanka kalena albaabka u furtay wada-hadal iyo dhexdhexaadin uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Khaalid Bin Salmaan, oo ah dhaxal-sugaha walaalkiis.

Dhambaalka ayaa si toos ah ugu socday Tahnoon bin Zayed, oo loo yaqaan “Sheekha Sirdoonka” (The Spy Sheikh), waxaana lagu caddeeyay in Sacuudigu uusan mar dambe “u dulqaadan doonin” dagaalka sokeeye ee Suudaan, xilli dalka ay deriska yihiin ee Imaaraadku uu taageero xooggan siinayo ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF.

Sidoo kale, Riyadh ayaa dhambaalkan ku difaacday faragelinteeda milateri ee Yemen, iyadoo ku sifeysay tallaabo lagama maarmaan u ah sugidda amniga qarankeeda. Sacuudiga ayaa bishii Diseembar weerar ku qaaday xulafada gooni-u-goosadka ah ee uu Imaaraadku taageero ee koonfurta Yemen, wuxuuna tan iyo xilligaas billaabay olole uu ku doonayo inuu gabi ahaanba meesha uga saaro saameynta Imaaraadka ee dalkaas.

Warqadda ayaa dib u xaqiijisay in Sacuudigu uu Yemen u arko “mandiiqad hoos timaada awooddiisa iyo saameyntiisa”, isla markaana Riyadh ay qorsheyneyso inay si buuxda “mas’uuliyadda” ula wareegto dalkaas colaaduhu halakeeyeen ee xuduudda la wadaaga.

Maxamed Bin Salmaan ayaa warqaddiisa ku tilmaamay go’aanka Imaaraadku uu taageerada milateri ku siiyay Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC) oggolaansho la’aan inuu yahay “khad cas”. Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee xiisaddan sii huriyay waxaa kamid ah:

Duqeyntii Mukalla: Dabayaaqadii bishii Diseembar, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeeyay shixnad hub ah oo Imaaraadku lahaa oo ku sugnayd dekedda magaalada Mukalla.

Taageerada dowladda: Sacuudiga ayaa taageero xagga cirka iyo sirdoonka ah siiyay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, si loo wiiqo awoodda STC.

Fashilinta qorshe dhuumaaleysi ah: Warqadda ayaa si kulul Imaaraadka ugu eedeysay inay horraantii bishii Janaayo soo agaasimeen howlgal qarsoodi ah oo Yemen looga saarayay hoggaamiyihii hore ee STC, Caydaruus Al-Zubaydi, kadib markii lagu soo oogay dambi ah “khiyaano qaran”.

Doorka Washington iyo farriinta dadban

Mas’uuliyiinta reer Galbeedka ayaa Middle East Eye u sheegay in inkastoo warqaddu aysan lahayn saxiix rasmi ah, haddana qiimeynta sirdoonka Washington ay muujineyso inuu soo diray Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale, dhambaalka ayaa u muuqday mid loo qoray in Washington ay aragto, si Sacuudigu u soo bandhigo dhibaatooyinka uu ku qabo Imaaraadka, inkastoo eray-bixinta warqadda lagu xusay in xiriirka labada dal uu yahay “mid walaaltinimo.”

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkan si fagaare ah u qirtay markii ugu horreysay khilaafka u dhexeeya labadan dal ee xulafada la ah Washington. “Runtii khilaaf ayaa u dhexeeya,” ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay inuu “si aad u fudud u xallin karo.”

Sida warqadda lagu xusay, Sacuudiga ayaa muujiyay “yaab” ku aaddan in Imaaraadku aaminsan yahay in Riyadh ay ku cadaadisay Mareykanka inuu cunaqabateyn saaro Abu Dhabi.

Middle East Eye ayaa horey u kashiftay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu uu qorsheynayay inuu Trump ku cadaadiyo arrinta Imaaraadka iyo taageeradooda RSF markii uu booqday Aqalka Cad bishii Nofeembar.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in ololahaas Riyadh uu ahaa dhibicdii ugu dambeysay ee Imaaraadka ku dhiirrigelisay inay taageeraan duullaankii ciidamada gooni-u-goosadka Yemen bishii Diseembar.

 Waa kuma Tahnoon bin Zayed?

Dhambaalkan ayaa iftiiminaya doorka muhiimka ah ee uu Tahnoon bin Zayed ku leeyahay dejinta xasaradaha dalkiisa. Wuxuu kamid yahay lixda carruur ah ee loo yaqaan “Bani Fatima” – oo ah wiilashii uu dhalay aasaasihii Imaaraadka Sheekh Saayid Bin Suldaan iyo xaaskiisii Faaduma Bint Mubaarak, waana koox uu ku jiro Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed Bin Saayid.

Tahnoon, oo lagu yaqaan muraayadaha madow ee indhaha oo uu u xirto xaalad caafimaad darteed, ayaa maamula hanti-qaran oo lagu qiyaaso hal trillion oo doollar.

Mas’uuliyiin Mareykan iyo Carbeed ah oo la kulmay ayaa ku tilmaamay shaqsi “ka debecsan kana tallaabo ogaal badan” madaxweynaha walaalkiis ah. Tusaale ahaan, isaga ayaa hormuud ka ahaa soo celinta xiriirkii Imaaraadka iyo Qadar kadib go’doomintii 2017.

Isku soo wada duuboo, warqaddani waxay hoosta ka xarriiqaysaa in maaraynta khilaafkan diblomaasiyadeed ee culus uu noqon doono “arrin qoys” oo ay u xusul-duubayaan walaalaha maamula labadaas dal ee awoodda badan.

Dalalka Cararbta iyo Islaamka oo jawaab kulul ka bixiyey hadalladii Mike Huckabee

0

Riyadh (Caasimada Online) – Isbaheysi ka kooban dala Carab yo kuwa Islaam ah ayaa Axaddii si adag u dhaleeceeyay hadallo ka soo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, kaas oo si dadban u xalaaleeyay in Israa’iil ay dhulal hor leh ka goosato waddamada Carabta ee deriska la ah.

Dalalkan ayaa ka digay in hadalladan xanafta leh ay qalalaase hor leh u horseedi karaan gobol markii horeba xasarado la daalaa-dhacayay.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay hormuud ka ahayd Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa 14 waddan iyo saddexda urur goboleed ee ugu waaweyn dunida Islaamka waxay ku tilmaameen hadallada Danjire Mike Huckabee inay yihiin kuwo “khatar ah, xaaladdana sii hurinaya,” isla markaana ah xadgudub qaawan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Qeyladhaantan ayaa dhalatay kadib wareysi xasaasi ah oo uu Huckabee siiyay weriyaha muxaafidka ah ee Mareykanka, Tucker Carlson. Markii wax laga weydiiyay sheegashada dhuleed ee Israa’iil, danjiraha ayaa soo xigtay aayad ku jirta Baybalka oo qeexaysa in dhulka Yahuudda uu ku fidsan yahay “laga soo bilaabo Webiga Niil ilaa Webiga Furaat,” isagoo raaciyay: “Waa caadi haddii ay dhammaan wada qaataan.”

Huckabee, oo ah barasaabkii hore ee gobolka Arkansas, xiriir dhow-na la leh dhaqdhaqaaqa Masiixiyiinta Wacdiyaha ah (Evangelicals) ee Mareykanka, isla markaana in muddo ah taageere weyn u ahaa deegaameynta Yahuudda, ayaa markii dambe isku dayay inuu jilciyo hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in Israa’iil aysan qorsheynayn inay ku fido dalalka madax-bannaan ee deriskeeda ah. Si kastaba ha ahaatee, raalli-gelintaas ma aysan damin carada ka dhalatay gobolka oo weli la tacaalaya cawaaqibka dagaalkaG.

Waddamada saxiixay baaqa Axadda soo baxay waxaa ka mid ah: Saudi Arabia, Masar, Jordan, Imaaraadka, Indonesia, Pakistan, Türkiye, Qatar, Kuwait, Oman, Bahrain, Lebanon, Syria, iyo Falastiin, iyo ururada; Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Isbaheysigan ayaa sheegay in erayada danjiraha ay “khatar weyn” ku yihiin amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, iyagoo ku eedeeyay inuu isku dayayo “in la sharciyeeyo in lala wareego dhulal ay leeyihiin dad kale.”

Waxay sidoo kale ku booriyeen Washington inay si cad u qeexdo mowqifkeeda rasmiga ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo dowladda Israa’iil aysan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Dalalkan ayaa isku dayay inay kala saaraan fikirka xagjirka ah ee Huckabee iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee rasmiga ah ee Mareykanka, iyagoo xusay in hadalladiisu ay ka hor imaanayaan “aragtida” uu soo bandhigay Madaxweyne Donald Trump iyo qorshaha ballaaran ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza.

Murankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Daanta Galbeed (West Bank), taas oo ay Israa’iil xoog ku haysatay tan iyo dagaalkii 1967-kii.

Toddobaadkii hore, xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa oggolaatay in la bilaabo diiwaangelin dhuleed oo rasmi ah oo laga sameeyo Daanta Galbeed markii ugu horreysay tan iyo 1967, tallaabadaas oo Falastiiniyiinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay ku tilmaameen “la-wareegid dadban”.

Golaha Mustaqbalka oo ka laabtay qodob caqabad ku ahaa wada-hadallada Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga laabtay go’aankii ay horay ugu diideen in ay wada-hadal toos ah la galaan dowladda, iyagoo meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, isla markaana ku dhawaaqay in ay si buuxda uga qayb-gelayaan shirka ka dhacaya xarunta Madaxtooyada.

Go’aankan dib-u-soo-nooleynta ah ayaa kasoo baxay kulan xasaasi ah oo xubnaha Golaha oo ay ku midaysan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ay galabnimadii Sabtida ku yeesheen xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa soo afjareysa is-mari-waagii labadii maalmood ee la soo dhaafay hakiyay wada-xaajoodka, kaas oo salka ku hayay shuruudo ay kamid ahaayeen in aanay hor fariisan guddi wasiirro ah haddii uusan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud goobjoog ahayn, iyo khilaafyo la xiriiray arrimaha farsamada.

Intii uu shirku socday, xubnaha golaha ayaa isku raacay in aan dhexdooda lagu kala qaybsamin ajandaha, iyagoo wixii farsamo ah dib u dhigay si xoogga loo saaro nuxurka guud.

Waxay sidoo kale isla garteen saddex qodob oo xasaasi ah oo ay la tegayaan shirka Villa Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; in Dastuurka dalku uu yahay kii la ansixiyay sanadkii 2012-kii iyadoo wax-ka-beddel kasta oo dhowaan lagu sameeyayna loo arko waxba kama jiraan, in maamul goboleedyada waqtigoodu dhammaaday ay durbadiiba qabsadaan doorashooyin dadban, iyo in Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Is-afgaradkan dhexmaray xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la rumeysan yahay in uu salka ku hayo dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay waday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Taliyaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay xubno ka tirsan golaha si meesha looga saaro caqabadaha, iyadoo haatanna indhuhu ku jeedaan dhanka madaxtooyada oo jawaab laga sugayo si loo dhaqaajiyo wada-hadallada.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Xaaladdan murugsan ee dhanka siyaasadda ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay qaybo kamid ah dalka ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay abaaro baahsan, taas oo si xooggan u saameysay nolosha dadka iyo duunyada intaba.

Xogtii ugu dambeysay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka ee Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu dib furmo shirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo hakad galay labadii maalmood ee lasoo dhaafay sababo la xiriira wada tashiyo ay wadeen labada dhinac.

Shirka oo ah midkii labaad oo ka dhacaya Madaxtooyada ayaa waxaa mar kale guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo ay ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa iyana maanta tegaya Villa Soomaaliya madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo dhammaan xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka ee horay uga qayb-galay furitaanka kulankii hore ee labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirka maanta diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maanta la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qaban doono maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday, taas oo ay ka taagan tahay dood culus oo u dhexeysa labada dhinac.

Madaxda labada dhinac ayaa maanta isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah marxaladaha dambe ee shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Mareykanka oo shaaciyey in Israel xaq diini ah u leedahay in ay qabsato Bariga Dhexe

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa wareysi xasaasi ah oo uu bixiyay ku sheegay in haddii la raaco fasiraadda Baybalka, ay Israa’iil sheegan karto lahaanshaha dhul baaxad leh oo koobaya inta badan waddamada gobolka Bariga Dhexe.

Hadalkan ayaa ka soo dhex muuqday wareysi uu Danjiruhu siiyay weriyaha caanka ah ee Tucker Carlson, kaas oo dhowaanahan uu u dhexeeyay khilaaf xooggan oo salka ku haya aragtidooda is-diidan ee ku aaddan Israa’iil iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Intii uu socday barnaamijka “Tucker Carlson Show” ee soo baxay Jimcihii, Carlson ayaa weydiiyay Danjire Huckabee sida uu u arko aayad la sheegay in ay ku jirto buugga Bilowga ee Baybalka (Genesis 15:18), taas oo sheegaysa in Ilaahay uu Nabi Ibraahim iyo faraciisa u ballan-qaaday dhulka u dhexeeya “Wabiga Niil ilaa Webiga Furaat”.

Carlson ayaa ku dooday in taageeridda aayaddaas ay ka dhigan tahay in Israa’iil ay xaq u leedahay “asal ahaan dhammaan Bariga Dhexe,” oo ay ku jiraan dalalka Urdun, Suuriya, Lubnaan, iyo qaybo ka mid ah Sacuudiga iyo Ciraaq.

“Ma hubo in aan heerkaas gaari karno,” ayuu ku jawaabay Huckabee. “Wuxuu noqon lahaa dhul aad u weyn.”

Markii uu Carlson ku cadaadiyay inuu ka jawaabo su’aasha ah in Israa’iil ay xaq u leedahay dhulkaas, Danjiraha ayaa si la yaab leh u yiri: “Waa caadi haddii ay dhammaan wada qaataan,” inkastoo uu dib ka jilciyay hadalkiisa, isagoo xusay in Israa’iil aysan hadda qorsheynayn inay wada qabsato Bariga Dhexe, balse ay xaq u leedahay inay ku noolaato dhulka ay haatan haysato.

Khilaafka fikirka ee Carlson iyo Huckabee

Danjire Huckabee ayaa caan ku ah mowqifkiisa adag ee uu ku taageero Israa’iil, isagoo ka duulaya caqiidadiisa Masiixiga Evangelical, wuxuuna horey u aaminsanaa in Yahuuddu ay xaq diini ah u leedahay dhulka Daanta Galbeed.

Dhanka kale, Tucker Carlson ayaa isku beddelay mid si weyn u dhaliila siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Israa’iil, isagoo shaki geliyay faa’iidada istiraatiijiyadeed ee ay Washington ka hesho xulafanimadaas.

Carlson ayaa dhawaan barnaamijkiisa ku soo bandhigay dhibaatooyinka la sheegay in loo geysto Masiixiyiinta ku nool gudaha Israa’iil, arrintaas oo keentay in Huckabee uu ku martiqaado dalkaas si ay si toos ah isugu weydiiyaan xaqiiqada jirta.

Wareysigan ayaa sidoo kale daaha ka qaaday xiisad kale oo labada nin u dhexaysa. Danjire Huckabee ayaa si adag u naqdiyay wareysi uu Carlson dhawaan la yeeshay Anthony Aguilar, kaas oo ku andacooday in Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay dileen wiil yar.

Huckabee ayaa beeniyay eedeyntaas, isagoo sheegay in wiilkaasi uu nool yahay. “Waa nasiib-darro in Tucker uusan Anthony Aguilar u weydiin su’aalo adag sidii uu aniga ii weydiiyay,” ayuu Danjiruhu ku soo qoray bartiisa X (Twitter).

Dhacdooyinkan is-barkan ayaa kusoo idlaaday eedeyn kale oo ka timid Carlson, kaas oo sheegay in ciidamada ammaanka Israa’iil ay xabsiga dhigeen markii uu garoonka diyaaradaha ka dhoofayay, kadib wareysigii uu la yeeshay Huckabee.

Hay’adda Garoomada Israa’iil ayaa warkaas si cad u beenisay. Huckabee ayaa isna difaacay nidaamka amniga ee Israa’iil, isagoo soo qoray: “Qof kasta oo ka baxa ama soo gala Israa’iil (iyo xitaa dal kasta) baasaboorkiisa waa la eegaa, waxaana la weydiiyaa su’aalo amni oo joogto ah.”

BF oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan – Maxaa maanta dhacaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee BFS, oo weli sii wada doodooda ku aadan wax ka beddalka dastuurka, ayaa gaaray cutubka 9-aad oo ay maanta ka doodeen wax ka beddalka lagu sameynayo qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka sare.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyey Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray soo jeedimaha wax ka beddalka Dastuurka.

“Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal. Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta waxa uu ahaa dib U eegista dastuurka, marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka, gaar ahaan cutubka 9-aad, qodobadiisa 130-aad ilaa 154-aad” ayaa lagu warsaxaafadeedka.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in dooda cutubka 9-aad ee Dastuurka ay sii socon doonto islamarkaana la sii amba qaadi doono kulanka kan xiga, si ay fursad ugu helaan xildhibaannada.

Jawiga kulanka ayaa ahaa mid deggan, iyada oo dooda ay u dhacday sidii loogu talagalay, waxaana goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Dastuurka KMG ka ah oo u mahadceliyay xubnaha labada Aqal.

Dhanka kale, waxaa weli kulankan bannaanka ka jooga xildhibaannada mucaaradka ah oo ganaax ku maqan, kadib buuqii ay ka sameeyeen golaha, si ay u hor istaagaan doodda socota ee wax ka beddalka Dastuurka Soomaaliya.

Arrintan waxaa si wayn uga soo horjeedo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo haatan wada-hadal kula jira Madaxtooyada, kuwaas oo weli ku adkeysanaya ku shaqeynta Dastuurkii 2012-kii, kaas oo hadda wax badan laga beddalay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Xog: Aamina Eelaay iyo Laftagareen oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka, lagana soo doorto Koonfur Galbeed ayaa maanta faah-faahin ka bixisay waxa ay isku hayaan iyada iyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Aamina oo maanta hadal-siisay warbaahinta ayaa sheegtay in iyada iyo Laftagareen ay isku hayaan siyaasadda, ayna dhaliishan tahay hoggaamintiisa.

Sidoo kale waxa ay ku dooday in isagu aanu siin kursiga ay hadda ku fadhiso ee Baarlamaanka, balse ay leedahay beesheeda, sidaasna ay ku timid.

“Aniga Beel ayaa isoo dooratay ee kursi ima siin Laftagareen, waxaana naga dhexeeyo siyaasad oo kaliya” ayay tiri Xildhibaan Aamina Eelaay.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in horay loogu diiday inay tegto magaalada Baydhaba, isla markaana maamulka la wareegeen qoysta madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigtay.

“Baydhaba aniga waa la’iiday xittaa inaan dhimasho dhacday u tego ciidana nalooma ogoleyn hal qoys ayaa la wareegay meesha” ayay raacisay Aamina.

Xildhibaannadan ayaa muddo kamid ahayd xubnaha taabacsan maamulka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaase dhawaan ay kasoo muuqatay shirka mucaaradka ee looga soo horjeeday Cabdicasiis Laftagareen.

Maamulka ayaa hadda wajahaya xaalad siyaasadeed iyo kuwa ciidan, waxaana xoogeysanaya dhaqdhaqaaqa looga soo horjeedo Laftagareen & xukuumadiisa.

Maxaa kasoo baxay shirkii ay maanta yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta soo gabagaboobmay kulan gaar ah oo ay maanta xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku yeesheen xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, kaas oo ay diiradda ku saareen wada-hadallada ay ku jiraan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn xubnaha Golahan oo ka kooban madaxda Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa isku-raacay in ay berri oo Axad ah si buuxda uga qayb-galaan shirka Villa Soomaaliya, kadib markii ay dowladdu ka gows-adaygtay guddi gaar ah oo ay u saareen in ay kala-hadlaan doorashooyinka, iyo wax ka beddalka lagu sameeyay Dastuurka kumeel gaarka ah.

Sidoo kale waxa ay isla mel dhigeen qorshaha ay la tegayaan shirka berri loo ballansan yahay inuu ka dhaco Madaxtooyada Qaranka, kaas oo uu mar kale guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo ay isla garteen xubnaha golaha saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin;-

  1. Dastuurka Soomaaliya in uu yahay kii 2012 , wax ka bedel kasta oo lagu sameeyeyna uu yahay waxba kama jiraan.
  2. In Dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay Doorashooyinkooda qabsadaan, iyagoo gelaya doorasho dadban.
  3. In Dowladda Federaalka ah ay qabato Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo shacab oo ku dagaalamay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo maanta ka dhacday qaybo kamid ah degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda Soomaaliya oo burburin waday iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay tageen xaafadda Gumbacoole oo xiriirisa labada degmo, waxaana dagaal kala hortegay shacabka oo diidanaaa in laga barakaciyo dhulkaas oo ay dagan yihiin qoysas badan oo danyar ah.

Shacabka ayaa adeegsanayay dhagaxyo, halka ciidankuna ay u adeegsadeen rasaas, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiya ayaa sheegay in xaafadda ay soo weerareen ciidamo Boolis ah, isla markaana lagu dilay ugu yaraan 1 qof, laguna dhaawacay 7 kale oo 2 kamid ah xaaladoodu liidato.

“Taliyaha saldhigga Kaaraan, kan Heliwaa iyo taliyaha qaybta ayaa kusoo duulay xaafadda Gumbacoole waa xaafad wayn oo ballaaran oo kasoo bilaabata laamiga Soos intana usoo gaartay jidka Jamhuuriyo ee Cali Geeddi, dhinaca kalena u tegay illaa Gubadley” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Illaa 10 kun oo qoys inay barakiciyaan ayay rabeen meesha dagaal ayay kusoo qaadeen 7 qof ayaa dhaawac ah hal qofna waa dhintay intaas ayaa dhacday shacabkana weli wuxuu dhooban yahay xaafadda”.

Sidoo kale wuxuu ninkan kamid ah shacabka deegaanka ku dooday in ay haystaan dukumintiyo, isla markaana la rabo in la boobo dhulkooda, taasina ay kasoo horjeedaan.

“Dadkan ma dagana dhul dowlo waxay dagan yihiin dhul dukuminti leh wax digniin ah oo horay loo siiyay ma jirin,” ayuu mar kale yiri goobjooguhu.

Xaaladda ayaa hadda deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay halkaasi.

Xog: DF oo Pakistan ka soo iibsatay lix diyaarad dagaal oo ah nooca JF-17 Thunder

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay dib u soo nooleyso awooddeedii dhinaca dagaalka cirka oo muddo dheer aan shaqeynin, iyadoo la filayo in dhowaan dalka la keeno lix diyaaradood oo ah kuwa dagaalka nooca JF-17 Thunder oo laga soo iibiyay dalka Pakistan.

Warar ay tebinayaan falanqeeyayaasha arrimaha difaaca iyo indha-indheeyayaasha gobolka ayaa tilmaamaya in diyaaradahan ay haatan diyaar u yihiin in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Tallaabadan, haddii ay hirgasho, waxay noqon doontaa mid taariikhi ah oo muujineysa weji cusub oo ku aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo meesha ka baxay wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii.

Faahfaahinta heshiiska  

Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa muujinaya in diyaaradahan ay qayb ka yihiin wada-hadallo xiriir ah oo suurtagal ka dhigaya in Soomaaliya ay docda dambe iibsato illaa 24 diyaaradood oo ah nooca casriga ah ee JF-17 Thunder Block III, heshiiskaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay ku dhawaad $900 milyan oo doolar.

Diyaaradda JF-17, oo ah mid fudud oo loo adeegsan karo howlgallo kala duwan, isla markaana ay si wadajir ah u soo saareen shirkadaha Pakistan Aeronautical Complex iyo AVIC Chengdu ee dalka Shiinaha, ayaa soo jiidatay indhaha dalal badan oo raadinaya diyaarado dagaal oo jaban balse awood sare leh.

Dalalka horey u gatay ama xiiseynaya diyaaradahan waxaa ka mid ah: Myanmar, Nigeria, iyo Azerbaijan oo haysta, iyo Ciraaq, Bangladesh, Indonesia, Liibiya, iyo Suudaan oo xiiseynaya.

Marka loo eego Soomaaliya, diyaaradahan ayaa ah beddel gacan-qabsi ah oo ka kharash yar qalabka qaaliga ah ee reer Galbeedka, sida diyaaradaha F-16 ee Mareykanka, kuwaas oo qiimahooda iyo kharashka dayactirkooduba uu aad u sarreeyo.

Nooca JF-17 Block III ee lala xiriirinayo Soomaaliya waa kan ugu horumarsan taxanahan, wuxuuna ku qalabaysan yahay: Qalab isgaarsiineed oo casri ah, raadaar awood badan oo loo yaqaano AESA, iyo awood kor loogu qaaday dhanka xanbaarsiga iyo isku-xirka hubka cul-culus.

Qalabkan ayaa Soomaaliya siinaya awood dhinacyo badan taabaneysa, taas oo u sahlaysa in la fuliyo difaaca hawada, weerarada dhulka, iyo howlgalada sirdoonka iyo indha-indheynta.

Maal-gelinta iyo iskaashiga  

Warbixinnada soo baxaya ayaa xusaya in dhaqaalaha ku baxaya iibsiga diyaaradahan ay bixinayaan dalalka Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, arrintaas oo la jaanqaadeysa danahooda istiraatiijiyadeed ee ku aaddan xasilinta gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Turkiga ayaa horey Soomaaliya u siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo tababaro ciidan, sidoo Kalena dalka keentay diyaaradaha F-16, halka Sacuudiguna uu dhawaanahan heshiisyo iskaashi dhanka milateriga ah la saxiixday Muqdisho si looga hortago xasilooni-darrada iyo faragelinta shisheeye.

Taageeradan ayaa Soomaaliya u sahlaysa in ay casriyeyso ciidamadeeda iyadoo aan culeys dhaqaale la saarayn miisaaniyadda dowladda oo aad u xaddidan, xilli dalku uu wajahayo dagaalo ka dhan ah kooxaha hubeysan iyo muranno dhuleed.

Imaatinka diyaaradahan ee magaalada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay inay dib u soo celin doonto awoodda iyo madaxbannaanida hawada ee magaalooyinka istiraatiijiga ah sida: Berbera iyo Hargeysa (Waqooyi), Kismaayo (Koonfur), iyo Raas Caseyr iyo Raas Kambooni (Cidhifyada dalka).

Deegaannadan ayaa xuddun u ah ilaalinta xeebta Soomaaliya oo dhererkeedu yahay 3,300 km iyo bedka dhulka oo gaaraya 637,000 km², halkaas oo gacan-ku-heynta hawadu ay inta badan ahaan jirtay mid aan cago adag ku taagnayn.

Cunaqabateyntii hubka ee la qaaday  

Horaantii sanadkan, wafdi ka socda Ciidamada Cirka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Cirka, Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali, ayaa booqday caasimadda Islamabad ee dalka Pakistan si ay u dardar-geliyaan wada-hadalladan.

Kulamadan heerka sare ah ayaa muujinaya in dhinacyadu ay ka gudbeen wada-hadalladii hordhaca ahaa, una tallaabeen iskaashi difaac oo rasmi ah.

Soo iibsiga qalabkan culus ayaa imanaya waxyar un kadib markii QM ay si buuxda uga qaadday Soomaaliya cunaqabateyntii hubka ee saarneyd in ka badan 30 sano. Khabiirada ayaa aaminsan in tallaabadan ay wax weyn ka beddeli karto isu-dheellitirka awoodda gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay yareyn karto baahidii loo qabay in diyaarado shisheeye loo adeegsado howlgalada ammaanka gudaha.

Haddii lixda diyaaradood ee wejiga koowaad ay yimaadaan sida la qorsheeyay, waxay Soomaaliya siin doonaan awood difaac oo degdeg ah, iyagoo jidka u xaaraya in waddanku yeesho ciidan cir oo casri ah oo kaalin weyn ka qaata nabadgelyada guud ee gobolka. 

Al-Shabaab oo toogasho ka fulisay 2 magaalo – Yaa lagu dilay?

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay toogashooyin ka fuliyay goobo fagaare ah oo ku yaalla magaalooyinka Kunyobarrow iyo Bu’aale oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu fuliyay dad lagu eedeeyay kiis xasaasi ah.

Toogashada koowaad oo ka dhacday magaalada Bu’aale ee  gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay kooxdu sheegtay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale fagaare ku yaalla deegaanka Kunyobarrow ee gobolka Shabeellaha ayaa lasoo wariyay in lagu dilay 5 qof oo kale oo ay kooxda ku eedeysay inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Raggan ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen dadka deegaanka, waxaana kooxda ay u aragtay inay jawaasiis ahaayeen, sidaasna lagu toogtay.

Dhammaan eagga la dilay oo wadartooda gaareyso illaa 10 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ragga lagu fuliyay toogashada lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna ugu dambeyn lagu fuliyay xukunkii lagu ridday.

Dhanka kale, fagaaraha lagu toogtay raggan waxaa loogu yeeray shacabka deegaanka oo goobjoog ahaa, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan Khawaarijta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay dilalka toogashada ah, waxayna horay u dishay shaqsiyaad ay ugu eedeysay inay ahaayeen jawaasiis kamid ah kuwa maanta la toogtay.

Si kastaba, dhacdooyinkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu wajaheyso cadaadis xooggan oo ay kala kulmayaan howlgallada dowladda Soomaaliya iyo duqeymaha saaxibada caalamiga ah oo lagu cuuryaamiyay awooddii argagixisada, laguna laayay maleeshiyaad badan.

Laftagareen oo ciidan cusub ku diyaarsaday magaalada Baydhaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaareen) oo haatan wajahaya xaalad siyaasadeed oo culus ayaa haatan ciidamo cusub ku diyaarsaday magaalada Baydhaba, kuwaas oo uu maanta soo bandhigay.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa booqasho iyo dhiiragelin ugu tagay ciidamadan oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in cutubyadan lagu biirin doono Ciidanka Daraawiishta Galbeed, si ay uga qayb qaataan howlaha amniga.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey in maamulkiisa  ay ka go’an tahay taageeridda iyo tayeynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Sidoo kale, booqashadiisa ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee ay Koonfur Galbeed ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

Soo bandhigidda ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli maamulka Laftagareen uu wajahayo xaalad adag, iyo mowjado siyaasadeed oo uga imaanaya xubnaha mucaaradka ee doonaya inay keenaan isbeddal dhab ah.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Baydhaba uu ka qarxay dagaal dhex-maray ciidanka amniga iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kuwaas oo ku sugnaa qaybo kamid ah magaalada, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Muuse Biixi oo dalbaday in la shaaciyo faah-faahinta heshiiska Israel kadib shaki…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa inay soo bandhigto faahfaahinta heshiiska dhaliyay in Israa’iil ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan.

Farriin muuqaal ah ayuu Muuse Biixi—oo ah hoggaamiye weli saameyn weyn ku dhex leh siyaasadda iyo beelaha Somaliland—ku caddeeyay in dastuurka maamulkaasi uusan oggolayn tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa mabaadi’da diinta Islaamka.

Wuxuu si adag carrabka ugu dhuftay in Somaliland aysan marnaba taageeri doonin falal dhibaato u keenaya Muslimiinta, isla markaana aysan ka faa’iideysan doonin dhibaatada haysata bulsho kasta oo Muslim ah.

Muuse Biixi, oo xilligii dowladdii milateriga ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Cirka Soomaaliya, ayaa horey u cambaareeyay xasuuqa Israa’iil ka waddo Gaza xilligii uu xafiiska joogay.

“Xukuumaddu weli ma aysan shaacin wixii lagu heshiiyay Israa’iil, waxaana laga sugayaa inay sidaas sameeyaan,” ayuu yiri Biixi. “Haddii ay soo baxdo in heshiisku uu jebinayo dastuurkeena, uu dhibayo qof Muslim ah, ama uusan si siman ugu adeegayn danaha labada dhinac, markaas fagaaraha ayaan ka hadli doonaa.”

Madaxweynihii hore, oo looga adkaaday doorashadii u dambeysay ee Somaliland, ayaa noqonaya siyaasigii ugu sarreeyay ee fagaare uga dalbada in la soo bandhigo heshiiskan xasaasiga ah.

Faahfaahinta heshiiska iyo shaki jira

Israa’iil ayaa ah dalka kaliya ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee Somaliland u aqoonsaday qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Ku dhawaaqistan oo dhacday 26-kii Diseembar ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay dalal badan oo Afrikaan iyo Muslimiin u badan.

Inkastoo Hargeysa aysan si rasmi ah u shaacin qodobada heshiiska, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku celceliyay in qorshaha heshiiskan uu yahay in Falastiiniyiinta laga soo barakiciyo Gaza lana keeno Somaliland, iyo in saldhig milatari oo Israa’iil leedahay laga hirgeliyo Badda Cas.

Bishii Janaayo, Deeqa Qaasim oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa warbaahinta Channel 12 ee Israa’iil u sheegtay in la isku soo qaaday arrinta saldhig milatari, balse ay ku xirnaan doonto nuxurka heshiiska rasmiga ah marka la furto safaaradaha labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay eedeymaha Soomaaliya ee ku aaddan soo dhaweynta qaxootiga xoogga lagu soo barakiciyay ee Gaza ama martigelinta saldhig milateri oo Yahuuddu leedahay.

Falanqeeyayaasha ayaa se aaminsan in Israa’iil aysan aqoonsateen Somaliland haddii aysan ka dhex arkin dano istiraatiijiyadeed oo ka dhan ah Iiraan iyo xulafadeeda gobolka.

Falcelinta culimada iyo kooxaha hubeysan

Aqoonsiga Israa’iil kadib, waxaa magaalada Hargeysa ka dhashay dood adag oo u dhaxeysa culumada diinta.

Dabayaaqadii bishii Janaayo ee 2026-ka, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, oo ka mid ah culumada sida weyn loo ixtiraamo, ayaa sheegay in Israa’iil ay haysato dhul Falastiin leedahay, sidaa darteedna xiriir diblomaasiyadeed oo lala sameeyo uu yahay xadgudub weyn.

Go’aanka Israa’iil ayaa sidoo kale soo jiitay indhaha kooxaha hubeysan ee gobolka. Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab ayaa wacad ku maray inay beegsan doonaan joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland.

Sidoo kale, kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyin dhowr ah oo ay ku jiraan Muqdisho iyo Boorama, iyagoo si weyn uga soo horjeeda go’aankan.

Dhinaca diblomaasiyadda caalamiga ah, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo dhowaan booqday Itoobiya ayaa si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil.

Shir jaraa’id oo uu Addis Ababa kula qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayuu Erdogan uga digay in arrintani ay sii hurin karto gobol markii horeba xasarado la daalaa-dhacayay.

“Geeska Afrika ma ahan inuu noqdo fagaare ay ku dagaallamaan quwado shisheeye,” ayuu yiri Erdogan.

Ugu dambeyntii, Midowga Afrika oo shir-madaxeedkoodii sannadlaha ahaa ku soo xiray magaalada Addis Ababa ayaa dhankooda cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ugu baaqay Tel Aviv inay dib uga laabato go’aankeeda halka dhinac ah.

Shirka DF Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo mar kale baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maalintii labaad oo xiriir ah baaqday shirkii loo ballansanaa inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo Khamiistii ka furmay Villada, si loo bilaabo wadahadallada labada dhinac.

Shirka oo lagu waday in dib loo sii amba qaado maanta oo Sabti ah ayaa mar kale baaqday, waana maalintii labaad, iyada oo sababta lagu sheegay dood adag oo weli ka taagan qodobada qaar, waxaana  haatan socda wada-tashiyo ay wadaan mucaaradka oo wada kulama gaar gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay guul-darraysteen isku-dayo la doonayey in ka hor miiska wadahadal ee Villa-Somalia la gaaro is-afgarad u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, waxaana jira is mari-waa xooggan oo labada dhinac ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kooxda Madaxtooyada ayaa weli ku adkaysaneysa hannaankeeda doorashooyinka qof iyo cod oo ka dhaca Dowladaha-hoose, halka xubanaha Golaha ay doonayaan in doorashooyin dadban marka hore laga qabto dowlad-goboleedyada aan doorashooyinka gelin kadibna Dowladda-Dhexe la qabto ka hor 15-ka May.

Dhanka kale, gelinka hore ee maanta oo Sabti ah Golaha Mustaqbalka ayaa yeelanaya shir-doceed ay kaga doodayaan qorshahooda Doorashooyinka Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo uu mar hore madaxdooda ka dhamaaday muddo xileedka, welina sii jooga xafiiska.

Si kastaba, ilaa hadda waxa laga hadlayo waa keliya doorashada dalka, waxaana weli harsan arrinta Dastuurka oo iyana dood ay ka qabaan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka, maadaama ay haatan Villa Somalia ku howlan tahay wax ka beddalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa hadda sii wada kulamadooda, waxaana habeen hore ay yeesheen shir muhiim ah oo ka dhacay xerada Xalane, iyaga oo isku raacay in shirka loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay u diraan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab

Xubnahaas ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.

Shirka la’isugu imaan doono ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, oo hadda miiska saaran, si xal looga gaaro, kadibna loo gudbo qodobada kale

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xilli xasaasi ah, waxaana dalku wajahayaa abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo oo gaaray meeshii ugu xumeyd, taas oo saameysay qoysas badan oo danyar ah oo ku nool Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda dagaal ee IRAN iyo Trump oo ku dhowaaqay in…

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ka digay inuu qaadi karo duqeymo xaddidan oo ka dhan ah Iiraan, xitaa iyadoo diblomaasiga ugu sarreeya Tehran uu sheegay inay rajeynayaan in maalmaha soo socda ay soo bandhigaan qabyo-qoraal heshiis cusub, kadib wada-hadallo dhanka Nukliyeerka ah oo ay la yeesheen Washington.

Mar la weydiiyay in Mareykanku uu qaadi karo tallaabo milateri xilli wada-xaajoodyadu socdaan, Trump wuxuu yiri: “Waxaan filayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa arrintaas.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa wareysi uu siiyay teleefishinka ku sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu soo dhammaystiro qabyo-qoraalka heshiiska “labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda” si loogu diro Washington.

“Uma maleynayo inay waqti dheer qaadaneyso, malaha asbuuc gudihiis waxaan billaabi karnaa wada-xaajoodyo dhab ah, oo gundhig leh, si aan u gaarno gunaanad,” ayuu Araghchi ku yiri barnaamijka Morning Joe ee taleefishinka MS NOW.

Culeys militari iyo diyaar-garow dagaal

Xiisadda u dhexaysa labadan dal ee cadaawadda ay ka dhexeyso ayaa cirka isku shareertay, iyadoo maamulka Trump uu riixayo in Iiraan ay tanaasul sameyso. Taas beddelkeeda, Washington ayaa gobolka Bariga Dhexe soo dhoobtay ciidamadii ugu badnaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo la filayo in maraakiib dagaal iyo diyaarado hor leh ay soo gaaraan gobolka.

Labada dalba waxay bixiyeen calaamado muujinaya inay diyaar u yihiin dagaal haddii wada-hadallada barnaamijka Nukliyeerka Tehran ay fashilmaan.

“Waxaan u diyaar garownay diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si la mid ah sida aan ugu diyaar garownay dagaal,” ayuu yiri Wasiir Araghchi.

Cali Vaez, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Iiraan kana tirsan Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa sheegay in Iiraan ay “tallaabo kasta oo milateri u arki doonto mid halis ku ah jiritaankeeda.”

Vaez waxa uu intaas ku daray inuusan rumeysneyn in madaxda Iiraan ay is-yeel-yeelayaan marka ay ku hanjabayaan inay aargoosan doonaan.

Wasiir Araghchi ayaa sidoo kale sheegay in dhiggiisa Mareykanka aysan dalban in Iiraan ay gabi ahaanba joojiso tayeeynta ama kobcinta Yuraaniyamka wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada, taas oo ka hor-imanaysa waxa ay mas’uuliyiinta Mareykanku si fagaare ah u sheegeen.

“Waxaan hadda ka hadleynaa sidii loo xaqiijin lahaa in barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, oo ay ku jirto kobcinta Yuraaniyamku, uu yahay mid nabadeed, weligiisna uu ahaan doono mid nabadeed,” ayuu yiri Araghchi, isagoo raaciyay in Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin kalsooni-dhisid ah si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada Caraqji, isagoo xusay in Trump uu si cad u sheegay in Iiraan aysan yeelan karin hub Nukliyeer ah ama awood ay ku tayeeyso Yuraaniyamka.

Caqabadda Koongareeska

Hadallada madaxweyne Trump ayaa wajihi kara caqabad iyo diidmo uga timaada sharci-dejiyeyaasha Mareykanka, kuwaas oo ku doodaya in madaxweynuhu uu ogolaansho ka helo Koongareeska ka hor inta uusan qaadin wax duqeyn ah.

Senator Tim Kaine oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Jimcihii sheegay inuu gudbiyay qaraar awoodaha dagaalka ah, kaas oo madaxweynaha ku qasbaya inuu talaabadaas qaado.

Inkastoo ay adag tahay in qaraarkan uu sharci noqdo, haddana wuxuu muujinayaa walaaca ay xildhibaannadu ka qabaan siyaasadda arrimaha dibadda ee gardarrada ku dhisan ee maamulka Trump.

“Haddii qaar ka mid ah saaxiibbaday ay taageerayaan dagaal, waa inay yeeshaan dhiiranaanta ay ugu codeynayaan dagaalka, oo ay isla-xisaabtan kala horyimaadaan bulshada soo dooratay, intii ay ku dhuuman lahaayeen miisaskooda hoostooda,” ayuu yiri Sen. Kaine.  

Shir xasaasi ah oo Golaha Mustaqbalka uga socda Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa haatan shir xasaasi ah ku leh xeyndaabka garoonka ee Xalane, kaas oo ay ka qayb-galayaan madaxa Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Io wareedyo lagu kalsoon yahay aya innoo xaqoojiyay in kulanka socdo oo ah mid xasaasi ah diirrada lagu saarayo caqabadaha hortaagan shirka ay la leeyihiin Villa Soomaaliya, kaas markii labaad maanta baaqday.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay qorsheynayaan in aragti mideysan ay ka qaataan ajendaha shirka, si ay ula gorgortamaan kooxda Villa Soomaaliya oo ay isku hayaan doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Golaha uu go’aan kama dambeys ah ka gaaro qodobada miiska saaran, iyaga oo mideynayo aragtiyadooda kala duwan, waxaana kadib ay toos u wajihi doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulan maanta mucaaradka ay laba uun mid noqon doonoyo inay mowqif isku mid ah qaataan ama inay muwaafaqo waayaan oo dhexdoodu toos u kala jabaan, taas oo fursad siin karta Villada.

Horay ayay u dhacday, waxaana xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta oo mar wada-hadal kula jiray dowladda ay u kala jabeen laba garab, kuwaas oo qaarkood ay la heshiiyeen madaxweynaha, halka kuwa kale ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda, ayna la safan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba