27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Xubno ka tirsan Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo soo saaray bayaan walaac leh

0

Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa soo saaray bayaan ay walaac ku muujiyeen, kuna saabsan tallaabooyin ay sheegeen inay ka hor imanayaan sharciga iyo xeerarka u degsan guddiga.

Xubnahan waxay sheegeen in kulamo dhowaan la qabtay aysan buuxin shuruudihii sharci ee kooramka iyo habraaca go’aan-qaadashada, sida ku cad Qodobka 14aad, faqraddiisa 2aad iyo 3aad ee Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27 Juun 2016, kaasoo lagu aasaasay guddiga. Waxay tilmaameen in go’aanno lagu gaaray qaab aan waafaqsanayn habraaca saxda ah, taasoo shaki gelinaysa ansaxnimadooda sharci.

Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu sheegay in ay jiraan khaladaad maamul iyo habraac oo saameyn ku yeeshay hufnaanta, wada-tashiga iyo sharciyadda kulamada guddiga, arrintaas oo xubnuhu ku tilmaameen mid dhaawici karta kalsoonida shacabka iyo waajibaadka guddiga.

Xubnaha bayaanka soo saaray ayaa si gaar ah uga digay ansixinta habraacyo shaqo iyo xeerar cusub, iyagoo sheegay in weli ay jiraan khilaafaad sharci oo aan la xallin. Waxay ku doodeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay wiiqi karaan midnimada hay’adda, isla markaana dhaawici karaan madaxbannaanida guddiga.

Dhanka kale, bayaanka waxaa lagu xusay in magacabid la sameeyay kadib doorashadii hoggaanka ee 4 Febraayo 2026, gaar ahaan 7 Febraayo 2026, iyadoo la tilmaamay in habka loo maray aanu si buuxda ula jaanqaadin sharciga iyo talo-wadaagga xubnaha.

Xubnahan waxay ugu baaqeen in si degdeg ah loogu laabto ku dhaqanka buuxa ee Sharciga Lr. 16 (27 Juun 2016), dibna loo eego ama loo hakiyo go’aannada muranka dhaliyay ilaa laga caddeeyo sharciyadooda. Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan sharci ah oo wadajir ah, isla markaana la xoojiyo wada-tashiga iyo go’aan-qaadashada ku dhisan is-afgarad.

Gabagabadii, xubnaha bayaanka soo saaray waxay carrabka ku adkeeyeen in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka loo aasaasay ilaalinta sharciga iyo difaaca xuquuqda aadanaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hay’addu u shaqeyso si waafaqsan sharciga, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda ay ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA

Dagaal beeleed mar kale ka qarxay gudaha Somaliland

0

Borama (Caasimada Online) – Dagaal beeleed u dhaxeeya beelaha Gadabuursi iyo Ciise ayaa maanta mar kale ka qarxay gobolka Salal ee maamulka Somaliland.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu sababay khasaare kala duwan, inkastoo faahfaahin rasmi ah weli aan laga helin, maadaama xaaladdu kacsan tahay.

Dagaalka maanta ayaa imanaya xilli shalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu ku dhawaaqay in heshiis laga gaaray colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal, taas oo kasoo bilaabatay joojintii buugga xeer Ciise ee magaalada Saylac.

Dagaalka dib u qarxay ayaa durba waxaa baaq kasoo saaray xisbiyada mucaaradka Somaliland, kuwaas oo beelaha ay colaadu u dhexayso ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan oo ay nabad qaataan.

Xisbiyada Kulmiye iyo Kaah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin colaadda socota, oo ay ku tilmaameen mid laga baaqsan karayay.

“Waa nasiib darro weyn colaadda maanta gobolka ka dhex jirta, dadka walaalaha ah, beelaha wada dega ee dhiigga iyo dhaqanka wadaaga. Waxa aanu ugu baaqaynaa in ay colaadda joojiyaan oo wada-hadal la iskugu yimaado, oo wixii la kala tabanayo laga wada-hadlo,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Kaah.

Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ugu baaqeen inay si degdeg ah u soo afjarto colaadda ka taagan deegaanada galbeedka Somaliland.

“Xukuumadda waxa aanu leenahay, waxa aanu doonaynaa in ay qorshe u samayso nabadaynta gobolka Awdal, kana bilaabato sidii xabbad joojin loo samayn lahaa, sidii ciidamo beeleedyada loo kala durkin lahaa, iyo sidii awood ballaaran oo qaran loogu kala celin lahaa.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, oo maalmihii dambe socdaal ku marayay gobollada ay colaadda ka taagan tahay, ayaa amar kasoo saaray in aan la arki karin dad shacab ah oo hubaysan, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda wax nabadda ka hortimaadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale markaas saxiixay heshiis nabadgelyo oo lagu sheegay mid lagu soo afjarayo colaadda, kaas oo lala galay odayaasha dhaqanka deegaanada uu maray. Hase yeeshee, sida muuqata, heshiiskaasi ma dhaqan-gelin, iyadoo muddo 24 saac ka yar uu dib u qarxay dagaalka.

Xasan Sheekh oo madaxda Afrika hor-dhigay arrin dib u eegis degdeg ah u baahan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayuu madaxweynuhu kusoo bandhigay muhiimadda in Afrika ay hesho kursi joogto ah oo Golaha Ammaanka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta.

Waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan.

Mudane Xasan ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda, xilli Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale.

Markabka shidaalka ka qodaya Soomaaliya oo kasoo dhaqaaqay Turkiga + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Turkiga laga soo sagootiyay markabka Cağri Bey, kaas oo ku soo wajahan Soomaaliya, si uu howlgal shidaal qodis ah uga fuliyo xeebaha dalka.

Markabkan oo ah nooca jiilka toddobaad oo leh awood farsamo oo sarreysa ayaa door muhiim ah ka qaadanaya soo saarista khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Munaasabadda sagootinta markabka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka Turkiga, munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta markabka Cağri Bey waxaa hoggaaminayay Wasiirka Batroolka Turkiga, waxaana sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, taasoo muujinaysa heerka sare ee iskaashiga labada dal.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashigan uu yahay mid wax weyn ka tari doona horumarka dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiisyo iskaashi oo dhinacyada dhaqaalaha iyo difaaca ah oo ay horey u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiisyadan ayaa ujeeddadoodu tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibta dagaal ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, kaasi oo qodistiisa dhawaan si rasmi loo bilaabayo.

Hawl-galkan ayaa daba socda heshiis taariikhi ah oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho horraantii sanadkii 2024, kaas oo shirkadda TPAO siinaya xuquuq gaar ah oo ay shidaal uga baari karto, kuna soo saari karto saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay, hawlaha qodista ayaa bilaaban doona horraanta sanadkan, iyadoo la beegsanayo keydadka ku jira badda gunteeda hoose, kuwaas oo horey loo aqoonsaday kadib sahan dhameystiran oo uu sameeyay markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis sanadkii 2025.

Qiyaasaha hordhaca ah ayaa muujinaya in Soomaaliya ay yeelan karto keyd gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal iyo gaas ah, in kastoo dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.











Xog: Ciidamo Turkish ah oo saldhigyo ka sameystay Shabellaha Dhexe + Ujeedka

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamo ka socda dalka Turkiga oo la geeyay furimaha hore ee dagaalka ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan cusub ay saldhigyo ka sameysteen deegaanka Bashaqle iyo xerada Qorillow oo ay horey uga howlgali jireen ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen aagga xeebta, iyaga oo ka bilaabay howlo amni xaqiijin ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, deegaannadan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyay in mustaqbalka laga hirgeliyo mashaariic hormarineed oo ay waddo xukuumadda Ankara, kuwaas oo ay kamid yihiin xeryo la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeed oo haatan lagu howlan yahay.

Dhanka kae, illaa iyo hadda Dowladda Federaalka iyo saraakiisha Turkiga mid-koodna weli kama aysan hadlin dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas ee Shabeellaha Dhexe.

Ankara ayaa dhawaan xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, waxayna dirtay maraakiib dagaal oo la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka loo soo saarayo Soomaaliya oo dhawaan la guda galayo.

Waxaa kale oo uu Turkigu Soomaaliya keenay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16, kuwaas oo imaashahooda uu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada waddan, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.

Si kastaba ha’ahaatee, Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaaro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Fadeexada Imaaraadka ku habsatay oo keentay xilal qaadis iyo dagaal dhexdooda ah

0

Dubai (Caasimada Online) – Isbedellada hoggaamineed ee dhowaanahan lagu sameeyay hay’adaha waaweyn ee xiriirka la leh dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda kuwo qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta ka dhalatay fadeexadda sii fideysa ee Jeffrey Epstein, sidaas waxaa sheegay ilo xog-ogaal ah oo la socda doodaha gudaha ee dawladda.

Bixitaankii dhowaan ee mas’uul sare oo ka tirsanaa shirkadda weyn ee dhanka saadka ee DP World ayaa yimid kadib markii ay soo kordheen su’aalo iyo baaritaanno la xiriira xiriir hore oo la sheegay inuu la lahaa Epstein.

Ilo wareedyada ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid degdeg ah oo looga golleeyahay in hay’adaha muhiimka ah laga fogeeyo shaqsiyaadka sumcaddoodu ay soo jiidan karto indhaha caalamka.

Go’aankan ayaa kusoo aaday xilli uu sii kordhayay walaaca maalgashadeyaasha caalamiga ah. Wararka ayaa sheegaya in dhowr hay’adood oo maaliyadeed ay billaabeen inay dib u eegis ku sameeyaan ama hakiyaan iskaashigii ay la lahaayeen shirkadda, iyagoo ka cabsi qaba in sumcaddoodu dhaawacanto.

Inkastoo saraakiisha dowladda iyo wakiillada shirkadaha aysan si fagaare ah u qirin xiriirka ka dhexeeya isbedellada hoggaanka iyo kiiska Epstein, haddana ilo wareedyo ayaa sheegay in go’aannada la dadajiyay markii la dareemay in baaritaannada sii socda ay halis gelin karaan hawlgallada caalamiga ah ee DP World iyo guud ahaan sumcadda Imaaraadka ee ah xarun ganacsi oo deggan.

Isbedelka hoggaanka ayaa loo fuliyay si degdeg ah, tallaabo ay dadka xog-ogaalka ah ku tilmaameen “xakamayn khasaare” oo loogu talagalay in lagu qanciyo saaxiibbada caalamiga ah, lagana hortago in dhibaatadu ay u gudubto waaxyaha kale ee dhaqaalaha dowladda.

Arrinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan su’aalo ku gadaaman maqnaanshaha diblomaasiyad u dhalatay Imaaraadka, Hind Al-Owais, taasoo la sheegay inay ka dhuumatay fagaarayaasha iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Warar hoose oo laga helayo ilo ku dhow dib-u-eegista gudaha ayaa tilmaamaya in kiiskeedu uu xiriir la yeelan karo dadaallo ballaaran oo lagu qiimeynayo shaqsiyaadka u nugul fadeexadaha caalamiga ah, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin xiriirkaas.

Isku-xirka labadan kiis ayaa xoojiyay aragtida falanqeeyayaasha ee ah in mas’uuliyiinta Imaaraadku ay qaateen istiraatiijiyad ah “xakamayn hoose”, halkii ay ka sameyn lahaayeen baaritaanno furan oo dadweynaha loo soo bandhigo.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha iyo dadka lala wadaagay qiimeynta gudaha, saraakiisha Imaaraadka ayaa si gaar ah uga walaacsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto waaxyaha istiraatiijiga ah.

DP World, oo maamusha dekedo iyo hanti dhanka saadka ah oo ku baahsan qaarado badan, ayaa loo arkaa laf-dhabarta awoodda dhaqaale ee Imaaraadka.

Khubarada ayaa digaya in haddii shirkaddu ay sii dhex-jiifto fadeexado, ay taasi wiiqi karto kalsoonida maalgashadeyaasha, carqaladeyn karto mashaariicda, isla markaana ay soo jiidan karto baaritaanno dhanka sharciga ah, oo kaga yimaada suuqyada caalamiga ah.

Waqtigan xaadirka ah, istiraatiijiyadda Imaaraadka ayaa u muuqata mid isugu jirta isbedel shaqsiyaad, xiriir dhow oo lala sameeyo saaxiibbada caalamiga ah, iyo dadaallo lagu xasilinayo kalsoonida iyadoo la yareynayo hadal-haynta dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in daah-furnaanta oo la xadido ay keeni karto khataro kale haddii maalgashadeyaasha iyo hay’adaha sharci-dejinta ay dalbadaan isla-xisaabtan dhab ah.

Ilo wareedyada ayaa intaas ku daray in weli ay socdaan dib-u-eegisyo kale oo lagu sameynayo hay’adaha dowladda, taasoo keeni karta isbedello hor leh iyo xubno kale oo xilalka laga qaado haddii ay soo baxaan walaacyo cusub.

Mudnaanta koowaad ee hadda la siinayo ayaa ah in la xakameeyo saameynta degdegga ah, lagana hortago in arrintu isku beddesho qalalaase hay’adeed oo baahsan.

Wasiir sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni tegayaan Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wada-hadallada la filayo inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dalka looga taliyo Xarunta Madaxtooyada, isla markaana ay ku qasban yihiin inay tegaan madaxda Jubbaland iyo Puntland oo haatan ka caga jiidayo in Xasan Sheekh ay ugu tegaan xafiiskiisa.

“Waddankan Villa Soomaaliya ayaa la xukumaa wayna imaanayaan oo waa ay ku qasban yihiin Villada”. ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Difaaca.

Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka oo uu ku eedeeyay inay gabeen shaqadooda, isla markaana ay buuq la joogaan dibadda Baarlamaanka, maadaama laga saaray kulmada golaha

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda dalka ay cakiran tahay, isla markaana uu taagan yahay is mari-waa u dhexeeya xubnaha mucaaradka iyo hoggaanka dalka, kaas oo ka dhashay doorashooyinka.

Kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeedo ayaa hadda ka socda caasimada oo marti gelineysa mowjado siyaasadeed oo waa wayn, maadaama ay dhinac uga sugan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo la safan mucaaradka dalka.

Waxaa kale oo aan illaa hadda la ogeyn goorta rasmiga ah ee uu furmi doono shirweynaha ay u ballan yihiin Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo ajendihiisa ugu wayn uu yahay hanaanka doorashada iyo arrimaha dastuurka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa ee xagga siyaasadda, waxaana usii dheer abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Xogta hub culus oo Turkiga uu keenay magaalada Muqdisho

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay Soomaaliya soo gaarsiisay hub culus oo ay ku jiraan noocyada Taangi ee ugu casrisan ee ay istcimaalaan ciidamada dalkaasi, kuwaas oo la keenay magaalada Muqdisho.

Hubkan ayaa laga soo dajiyay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu keenay markab ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.

Taangiyadan ayaa noocyadooda lagu kala sheegay M-60 M-48, kuwaas oo gaaraya dowr iyo toban xabo, waxaana loogu talagalay Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo u adeegsan doono dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo gaadiidka xambaara Taanyada o maraya wadooyinka, kana soo baxay dekedda, iyaga oo hubkaasi geeyay xarun gaar ah oo ay leedahay dowladda Soomaalya.

Ankara ayaa dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16, waxaana imaanshaha diyaaradahaas uu la xiriiray iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal, kaas oo muddooyinkan sii xoogeysanayay.

Turkiga ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, wuxuuna soo diray maraakiib dagaal oo la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Si kastaba ha’ahaatee, Turkiga ayaa muddooyinkii dambe ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Maxkamadda ciidanka oo go’aan ka gaartay kiiska Xeydar Mukhtar iyo Maxamed Qadar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo afgarashadiisu tahay Xeydar Mukhtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan.

Labadan nin ayaa loo haystay dilal iyo qaraxyo magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo ka dhacay 2025, iyadoo baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida uu codsaday qaadista kiisaskan.

Fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-tii December 2025, waxaana Maxamed Aadan Abuukar Shan lagu xukumay 15 sano oo xabsi argagaxiso ah.

Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa isna lagu xukumay 10 sano oo xabsi Aagagaxiso ah, balse Xafiiska Xeerilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

4-tii bishan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo dhageysatay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Maxamed Xeydar iyo Maxamed Qadar ayey maanta Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ku wada xukuntay min shan iyo toban sano oo xabsi argagixiso ah.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wacaagay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u dhageysanaysay dacwooyin loo haysto askar iyo xubno Al-Shabaab ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo qaraxyo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada dilka toogashada ah.

Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, kuwaas oo qaarkood yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo sugaya goorta lagu fulinayo xukunnada ay maxkamaddu ku riday.

Xamza oo war kasoo saaray guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya gaartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee dhawaan gaartay Soomaaliya, kadib markii ay ku guuleysatay kamid noqoshada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

“Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadaalka aan kala harka lahayn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu suurta-galiyay guushii Janaayo 2025, markaas oo Soomaaliya ku fariisatay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Guulle ku mahadsan gaarista guulaha aan gaarnay, guud ahaan dowladda iyo Dan-Qaran way ku mahadsanyihiin dadaalka joogtada ah ee ay dalka iyo dadkaba ku hoggaaminayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka aqriso qoraalka Xamza oo dhameystiran:

Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda.

Janaayo 2025 wuxuu dalkeena markii ugu horeysay 50 sano ka badan dib-u-fariistay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (UNSC 2025-2026). Waxaana suurtagaliyay arrintaas dadaalkii aan kala harka lahayn ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhex sameysay dunida, waana ku guuleysanay.

Dadkeenna iyo Dawladdeennuna si aan gabbasho lahayn, ayay ugu istaageen iska-difaacii weerarkii qaawanaa ee ay Isra’il kuso qaadday madax-banaanideena iyo Midnimada Qarankeena.

Bishaan hadda aynu ku jirno ee Feberaayo 2026, waxaa dalkeena usoo hoyatay guul kale oo taariikhi ah, kadib markii aan dadaal, ka go’naansho iyo mudnaansiin lanimid taas oo inoo sahashay inaan ku guuleysano kursi kale oo aan joogto ahayn, balse muhiim u ah difaaca danaha Qarankeena, kaas oo ah kursiga Golaha Midowga Afrika ee Nabadda & Amniga (AUPSC 2026-2028).

Waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee nagala qayb qaatay arintaas miro-dhalinteeda.

Guulle ku mahadsan gaarista guulaha aan gaarnay, guud ahaan Dowladda & Danqaran way ku mahadsanyihiin dadaalka joogtada ah ee ay Dalka & Dadkaba ku hoggaaminayaan.

Dispute deepens Within Somalia’s National Independent Human Rights Commission

0

Mogadishu, Somalia – Concerned members of Somalia’s National Independent Human Rights Commission have issued a formal statement raising serious questions about recent decisions and procedures within the institution.

The statement cites alleged breaches of the Commission’s establishing law, including concerns over quorum requirements, transparency in decision-making, and the approval of procedures while internal legal disputes remain unresolved.

Questions have also been raised regarding certain appointments made following the leadership elections in early February 2026.

According to the statement, these developments risk undermining institutional unity, public confidence, and the Commission’s independence. The concerned members have called for full adherence to the law, review of contested decisions, and resolution of disputes through lawful and collective processes.

Observers note that the situation may affect the Commission’s functioning and its engagement with partners.

See below the statement of concern.

PUNTLAND oo eedeyn yaab leh u jeedisay Wasiir Fiqi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo qoraal soo saaray ayaa eedeyn yaableh u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo siyaasad ahaan ay is hayaan xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Caydiid ayaa sheegay in Fiqi uu yahay Al-Shabaab, isla markaana uu isaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ay sabab u yihiin khilaafka ka jira dalka.

“Fiqi waa Al-Shabaab; khilaafka siyaasaddeed isaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ayaa asal u ah. Hasha geela cunta ee cabaadda weeye; shisheeyahana isaga ayaa afarta jeebba ku sita” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Axmed Macallin Fiqi uu horay ula saftay kooxda Daacish oo haatan dagaal adag ay kula jirto Puntland.

“Sanad iyo dheeraadkii ay Ciidanka Puntland dagaal kula jireen ISIS, wuxuu taageerayey ISIS. Wuxuu yiri: “Dagaal ma jiro ee Deni baa xayeysiis loo samaynayaa.” Dacaayadaha ISIS ay faafinayeen buu hormuud u ahaa, heer uu gaadhay in uu yiraahdo Boosaaso laga duqeeya Sudaan” —taas oo uu ula jeeday inaan Puntland ISIS ka adkaan” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweynihiisa ayaa masuul ka ahaa heshiiskii Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Ahmed, aakhirkiina ku shirbayay Abiy Ahmed Waa igaar Abgaal ah”.

Hadalkan ayaa u muuqdo mid ay Puntlad uga jawaabeyso dhaliilaha joogta ah ee Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo inta badan baraha bulshada ka weerara madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka cirka Soomaaliya oo 66 sano jirsaday – Maxaa sanadkan ku cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa u dabaaldegaya 66-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda, iyaga oo soo maray marxalado kala duwan oo taariikhi ah.

Sanadihii u dambeeyay, dib u soo kabashadooda iyo awooddooda howlgal ayaa si weyn u kordhaysay, iyadoo la helay diyaarado iyo qalab muhiim ah oo ka qeyb qaata sugida iyo sare u qaadista awoodooda.

Intii uu dalku soo maray waqtiyo adag, ciidamada Cirku waxay la kulmeen caqabado badan, iyaga oo mararka qaar ka hooseeyay ciidamada kale ee dalka oo helayay taageero dhinaca agabka iyo tababarka dhallinyarada cusub.

Sannadka 2026, Soomaaliya waxay haysataa diyaarado dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga, kuwaas oo ay kaxeeyaan duulliye Soomaali ah oo dhallinyaro dibadda lagu soo tababaray.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dhowaan la keeno diyaarado cusub oo dheeraad ah, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Cirka iyo doorkooda difaaca dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidanka Cirka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa sarreeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda Ciidanka Cirka ee XDS, kuwaas oo maanta u dabaal degaya sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amaanay adkaysigooda iyo heegankooda, isagoo tilmaamay in ay mudan yihiin taageero buuxda iyo maalgashi joogto ah si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amni ee casriga ah.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xooga saartay horumarinta ciidamada Cirka iyo kuwa Badda, iyada oo taageero ka helaysa dalal kala duwan, gaar ahaan Turkiga, oo dalka keenay diyaarado casri ah oo lagu xoojiyey awoodda ciidamada.

Warshaddii qaraxyada Al- Shabaab oo la burburiyay iyo maydad la geeyay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu burburiyay warshad qaraxyo ah, sidoo kalena lagu laayay xubno badan.

Howlgalka oo ahaa mid guuleystay ayaa si gaar ah uga dhacay dhulka Badda-madow ee u dhaxeya magaaooyinka Raaskaambooni iyo Badhaadhe, waxaana lagu beegsaday warshad qaraxyada u sameyn jirtay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Warshadda, lana fashiliyay qaraxyadii kooxda.

“Ciidanka Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida Jubbaland iyo ciidamada daraawishta Jubbaland ayaa gacanta kudhigay warshadii Miinada ee argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen dhulka Badda-madaw ee u dhaxeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan lagta Hola-wajeer iyo agagaarkeeda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka ciidanka Jubbaland ayaa hal meel kaliya kasoo qabtay ilaa 90 xabo oo miino ah, iyada oo sawirradooda lasoo bandhigay. Waxaa kale oo howlgalkan lagu soo qabtay miinooyin badan oo ay ciidamada soo bandhigeen.

“Miinooyinkan ayaa loo qorsheeyey in shacabka lagu waxyeeleeyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, waxaa magaalada Raaskaambooni la geeyay maydadka ku dhawaad 50 kamid ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu laayay aaggaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyada oo jabkii ugu cuslaa lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka.

Hogaamiye Shabaab ah oo lagu dilay dalka Yemen

0

Sanca (Caasimada Online) – Faah-faahin iyo macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay duqeyn bartilmaameed ahayd oo laga fuliyay dalka Yemen.

Hoggaamiyaha la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir Yaxye Cali, (Al Zabidi), kaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una joogay dalka Yemen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninkan oo asalkiisa Soomaali yahay uu qaabilsanaa isku xirka Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale lagu eedeeyay inuu hubka u kala gudbin jiray labada koox.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Cabdiqaadir Yaxye uu ka tirsanaa shabakad ku howlan soo gudbinta hubka, walxaha qarxa iyo kuwa kale ee kala duwan oo u kala gooshaYemen, Soomaaliya iyo dalal kale oo aan la shaacin.

Cabdiqaadir ayaa haysta baasaboorka Yemen, waxaana la sheegay in loogu sameeyay magaalada Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiinta, sida ku cad xogta baasaboorkiisa oo la baahiyay.

Xuutiyiinta ayaa xiriir toos ah la laleh Al-Shabaab, oo ah koox xagjir ah oo fadhigeedu yahay gudaha Soomaaliya, waxayna arrintaas sii kordhineysa walaaca ku saabsan iskaashiga mintidiinta ee ka gudba xuduudaha ee gobolka.

Falanqeeyeyaasha amniga waxay aaminsan yihiin in iskaashigan uu ku jiri karo kala wareejinta hubka, is-dhaafsiga tababarrada, iyo wadaagista sirdoonka badda, gaar ahaan iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay ballaariyaan saameyntooda ayna carqaladeeyaan waddooyinka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga.

Dilkan ayaaa imaanaya iyada oo horay loo shaaciyay in Al-Shabaab ay xubno u dirsadeen Yemen, kuwaas oo tababar lagu soo siisay Xudeydaha oo ka tirsan dalkaasi.

Sawirro: DF Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay habraaca African Peer Review Mechanism (APRM), oo uu aas-aasay Midowga Afrika, kaas oo dalalka xubnaha ka ah ururkan ay isku qiimeeyaan, iskulana xisaabtamaan, si loo hormariyo maamul wanaagga.

Ku biirista Soomaaliya ee African Peer Review Mechanism (APRM) ayaa timid, intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM oo lagu qabtay Addis Ababa, waxaana habraacan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

APRM ayaa ah nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul intaba.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo faah-faahsan;-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay African Peer Review Mechanism (APRM), oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista (MoU), taas oo muujinaysa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojinayo hannaanka dib u habaynta dowladeed.

APRM ma aha hannaan kormeer dibadeed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexeeya dalalka Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee APRM waxay caddeyn u tahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan oo isla xisaabtan leh, maareyn dhaqaale oo mas’uuliyad ku dhisan iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Tallaabadani waxay sidoo kale sii xoojinaysaa kaalinta Soomaaliya ee qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka Ajandaha 2063: Afrikada aan doonayno, kana tarjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka waara.

Ku biirista APRM waa astaan muujinaysa in Soomaaliya ay si kalsooni leh uga qaybqaadanayso hannaannada wadajirka ah ee qaaradda, iyada oo door firfircoon ka qaadanaysa kor u qaadidda maamul wanaagga iyo iskaashiga Afrika.

Loolanka Imaaraadka iyo Sacuudiga oo hareeyey shir madaxeedka Midowga Afrika

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Loolanka u dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee ka aloolsan Geeska Afrika ayaa mugdi gelinaya shir-madaxeedka Midowga Afrika ee toddobaadkan, inkastoo inta badan hoggaamiyeyaasha qaaraddu ay isku dayi doonaan inay ka fogaadaan inay la saftaan dhinac gaar ah.

Wax markii hore ka billowday xifaaltan ka socda dalka Yemen ayaa haatan kusoo fiday Badda Cas, isagoo gaaray gobol ay aafeeyeen colaado kala duwan – laga soo bilaabo dagaalka Soomaaliya iyo Suudaan illaa loolanka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya iyo dalka Liibiya oo kala qeybsan.

Sanadihii ugu dambeeyay, Imaaraadka ayaa noqday jilaa saameyn xooggan ku leh Geeska Afrika – gaar ahaan dalalka Suudaan, Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, iyo Jabuuti – isagoo adeegsanaya maalgashi gaaraya balaayiin doollar, diblomaasiyad adag iyo taageero milateri oo hoose.

Sacuudiga ayaa ahaa mid aan buuq badneyn, balse diblamaasiyiintu waxay sheegayaan in Riyaad ay dhisayso isbaheysi ay ku jiraan Masar, Turkiga iyo Qadar.

“Sacuudigu wuu soo baraarugay wuxuuna xaqiiqsaday inay lumin karaan gacan ku haynta Badda Cas,” ayuu yiri diblamaasi sare oo Afrikaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. “Way hurdeen muddadii uu Imaaraadku hawlihiisa ka waday Geeska Afrika.”

Markii hore, loolanku wuxuu diiradda saarayay Badda Cas iyo Gacanka Cadan – oo ah laba marin oo muhiim u ah gaadiidka badda – balse haatan wuxuu u siqayaa dhulka gudaha ah.

“Maanta waa Soomaaliya, balse sidoo kale waxay ka socotaa Suudaan, Saaxil iyo meelo kale,” ayuu yiri dublamaasigu.

Dhinac doorasho qasab ah

Inkastoo colaadahan ay leeyihiin sababo maxalli ah oo xooggan, faragelinta dowladaha Khaliijka ayaa dalalka, gobollada iyo xitaa hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ku qasbeysa inay kala saftaan dhinacyada is-haya, sida ay sheegeen diblamaasiyiintu.

Michael Woldemariam, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika oo wax ka dhiga Jaamacadda Maryland, ayaa sheegay in jilayaasha gobolka, oo ay ku jiraan Ereteriya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), ay ka welwelsan yihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee “muruqa weyn” ee Imaaraadka.

“Sacuudigu laga yaabee inuu raadiyo inuu xadido ama yareeyo saameynta Imaaraadka ee Geeska, balse waxay ku xiran tahay sida ay wax u dhacaan,” ayuu yiri. “Imaaraadku wuxuu gacanta sare ku leeyahay gobolka – wuxuu leeyahay joogitaan milateri oo xooggan iyo xiriirro dhaqaale oo culus.”

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee Yemen iyo Geeska Afrika ay khatar ku yihiin amniga qarankooda.

Saraakiisha sare ee Imaaraadku waxay ku doodayaan in istiraatiijiyadoodu ay xoojiso dowladaha si ay ula dagaalamaan xagjirka, halka khubarada Qaramada Midoobay iyo reer Galbeedku ku doodayaan inay mararka qaar huriso colaadaha, ayna awood siiso hoggaamiyeyaasha kali-taliska ah, eedeymahaas oo Imaaraadku beeniyo.

Saraakiisha iyo dublamaasiyiinta lagu wareystay warbixintan ayaa diiday in magacooda la shaaciyo xasaasiyadda arrinta awgeed.

Ka fogaanshaha dagaalka Khaliijka

Aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ah tusaalaha ugu cad ee xiisadaha la hurinayo.

Soomaaliya ayaa jartay dhammaan xiriirkii ay la lahayd Abu Dhabi, iyadoo ku eedeysay inay saameyn ku lahayd aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Muqdisho ayaa tan iyo markaas heshiis difaac la gashay Qadar, halka Turkigu uu diyaarado dagaal u diray caasimadda si uu awood u muujiyo.

Xiisadaha ayaa sidoo kale u dhexeeya dalka martigelinaya Midowga Afrika ee Itoobiya iyo Ereteriya, kuwaas oo qarka u saarnaa dagaal muddo billo ah. Hoggaamiyaha Ereteriya ayaa dhowaan booqday Sacuudiga, safar ay falanqeeyayaashu u arkeen calaamad muujinaysa taageerada Sacuudiga.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa kala taageera dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka Suudaan, sida ay sheegeen dhammaan ilo-wareedyada iyo khubarada la wareystay. Imaaraadka waxaa lagu eedeeyaa inuu taageero saadka ah siiyo ciidamada RSF, halka dowladaha la safan Sacuudiga ay u badan yihiin inay taageeraan SAF.

Masar, oo xulufo la ah Sacuudiga, ayaa la sheegay inay gaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga sameeyo xuduudda ay la wadaagto SAF, ayna u adeegsatay inay ku duqeyso RSF gudaha Suudaan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in Itoobiya ay ka faa’iideysato taageerada Imaaraadka, Reuters-na waxay toddobaadkan ogaatay in Itoobiya ay martigelineyso saldhig ku yaalla galbeedka dalkaas oo lagu qoro laguna tababaro dagaalyahannada RSF.

Itoobiya si fagaare ah kama aysan hadlin warkan.

Dagaalka adeegsiga wakiilada

Guud ahaan gobolka, Sacuudigu wuxuu inta badan ku dhaqmaa xulafada iyo wakiillada, halkii uu si toos ah u geli lahaa, sida ay khubaradu sheegeen.

Woldemariam ayaa sheegay in dalalka Afrika ay u badan tahay inay si taxadar leh u tallaabsadaan.

“Xitaa jilayaasha Geeska ee ka walaacsanaa saameynta Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay ka taxadaraan inta ay doonayaan inay ku dhex milmaan dagaalka u dhexeeya labadan awoodood ee Khaliijka,” ayuu yiri.

Geeska Afrika ma ahan xiisadda kaliya ee ku jirta ajandaha shirka Midowga Afrika. Dagaal ayaa ka socda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo (DRC), waxaana gobolka Saaxil ku fidaya kacdoonnada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Balse colaadahaas waxay u badan tahay inaysan ka muhiimsanaan doonin (take a back seat) tan Geeska Afrika.

Alex Rondos, oo ahaan jiray wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan gobolka, ayaa sheegay in Geeska Afrika uu noqday fagaare labaad oo ay ku loolamaan Bariga Dhexe.

“Sacuudiga iyo Imaaraadku ma si buuxda ayey u fahamsan yihiin cawaaqibka?” ayuu yiri. “Geeska Afrika ma ogolaan doonaa inuu u burburo loolankan shisheeye iyo xulafadooda Afrikaanka ah?”

Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa haatan kulamo gaar gaar ah ka bilaabay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya oo uu shirku ka dhacayo.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Abiy Axmed aya waxa uu ku sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada-hadleen iskaashiga ay wadaagaan labada waddan, gaar ahaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

“Waxaan maanta kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka aan wadaagno” ayuu yiri Aby.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Afrika, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka qayb-galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika, isaga oo ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, ugana hadlay horumarka ganacsi iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

Shirkaas yaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sheegtay in xilligan diyaar u ah inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan guud ahaan Qaaradda Afrika oo barwaaqo ah.

Farmaajo oo arrin xasaasi ah ka dalbaday Axmed Madoobe iyo Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay kulan maanta la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan ee dhaliyay khilaafaadka ka jira dalka.

Sidoo kale, wuxuu Farmaajo ka dalbaday labada madaxweyne in ay sii wadaan dadaalkooda, ayna ka miro-dhaliyaan inay guuleystaan wada-hadallada la filayo inay la yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyey dadaallada ku aaddan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Kulan salaan iyo is-xog waraysi ah ayaan maanta la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan.

Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyey dadaallada ku aaddan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka.

Waxaan ku bogaadinaya labada Madaxweyne niyad samida iyo doonistooda ku aaddan in la gaaro xal waara oo loo dhan yahay.

Hadaba, si aan loo dayicin fursadda wada hadalka waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu la yimaddo tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah.

Ugu danbayn, waxaan ku baaqayaa in xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka jira aysan naga mashquulin gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saamaysay abaarta daba-dheeraatay, lana muujiyo tallaabooyin cad-cad oo wax-ku-ool ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaalaysan.

Shir xasaasi ah oo Xalane uga furmay Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka ee Mucaaradka ayaa galabta shir xasaasi ah uga furmay gudaha xerada Xalane ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.

Xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gudaha u galay xeyndaabka garoonka ee Xalane, iyaga oo u hoggaansamay habraaca amniga ee xerada, waxayna tageen ka hor 5:00 PM.

Golaha ayaa haatan waxaa u socdo shir xasaasi ah oo ay la leeyihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhex deggan hoteel ku yaalla halkaasi, waxayna ka arrinsanayaan is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta oo hadal kooban siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in shirkan ka mid yahay kulamdooda caadiga ah, uuna hordhac u yahay shirka guud ee ay dhawaan la gali doonaan kooxda Villa Soomaaliya.

“Shirkan waa shirarkii Golaha Mustaqbalka ee beryahan socday, waana shir caadi ah si caadi ah ayuuna u dhacayaa waxaan rajeynayaa inuu si guul ah noogu dhammaado” ayuu yiri Injineer Beyle oo ah afhayeenka mucaaradka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kulamadan waxaa kale oo ay hordhac u yihiin wada-hadallada loo ballansan yahay, horay dowladda ayaa hor istaag ugu sameysay”

Dhinaca kale, waxaa shirkan ka horreeyay kulamo kale oo maanta dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyana looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka oo ay isku fahmi la’yihiin Vila Soomaaliya iyo mucaaradka.