27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Shir xasaasi ah oo Xalane uga furmay Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka ee Mucaaradka ayaa galabta shir xasaasi ah uga furmay gudaha xerada Xalane ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.

Xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gudaha u galay xeyndaabka garoonka ee Xalane, iyaga oo u hoggaansamay habraaca amniga ee xerada, waxayna tageen ka hor 5:00 PM.

Golaha ayaa haatan waxaa u socdo shir xasaasi ah oo ay la leeyihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhex deggan hoteel ku yaalla halkaasi, waxayna ka arrinsanayaan is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta oo hadal kooban siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in shirkan ka mid yahay kulamdooda caadiga ah, uuna hordhac u yahay shirka guud ee ay dhawaan la gali doonaan kooxda Villa Soomaaliya.

“Shirkan waa shirarkii Golaha Mustaqbalka ee beryahan socday, waana shir caadi ah si caadi ah ayuuna u dhacayaa waxaan rajeynayaa inuu si guul ah noogu dhammaado” ayuu yiri Injineer Beyle oo ah afhayeenka mucaaradka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kulamadan waxaa kale oo ay hordhac u yihiin wada-hadallada loo ballansan yahay, horay dowladda ayaa hor istaag ugu sameysay”

Dhinaca kale, waxaa shirkan ka horreeyay kulamo kale oo maanta dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyana looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka oo ay isku fahmi la’yihiin Vila Soomaaliya iyo mucaaradka.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo saameyneysa xubnaha mucaaradka iyo hoteelka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar culus oo ku socda maamulka Hoteel Jasiira, kaas oo sidoo kale saameynaya mucaaradka.

Laamaha amniga Muqdisho ayaa ku wargeliyay maamulka Hoteelka in aan lagu qaban karin Jasiira kulan ay maanta lahaayeen Xildhibaannada la baxay Baarlamaanka xorta ah ee ka tirsan mucaaradka, kaas oo gabi ahaan la joojiyay.

Wararka ayaa sheegaya in amarkan uu toos uga soo baxay taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi, iyada oo sidaas uu ku baaqday shirkii ay ku ballansanaayeen xildhibaannadaas oo sidoo kale horay looga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa durbo dhalisay xiisad horleh, iyada oo xildhibaannada mucaaradka ay ka caroodeen, maadaama horay looga joojiyay golaha, hadane loo diiday inay ku shiraan magaalada dhexdooda.

Arrintan waxay kusoo aadeysa, iyada oo weli Baarlamaanka uu kasii doodayo wax ka beddalka Dastuurka, waxaana meel wanaagsan maraya doodda oo gaartay illaa cutubka 5-aad oo maanta ay ka shireen xildhibaannadu.

Si kastaba, Ismari-waa siyaasadeed ayaa hareeyay xildhibaanada labada Aqal iyagoo u kala qeybsamay mucaarad iyo muxaafad, taas oo si weyn looga dareemay golaha dhexdiisa.

Dhanka kale, waxaa halkeedii ah xiisadda u dhexeysa Villa Somalia iyo Golaha Mustaqabalka oo iyana laga dareemayo caasimada, oo hadda ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Waxaa kale oo aan la ogayn waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirkii ay ku balansanaayeen kooxda Villa Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Hub Laascaanood laga soo dhacay oo la geeyay Garoowe iyo dagaal qarxay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Booliska Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidanka amniga iyo maleeshiyaad waday ‘hub laga soo dhacay magaalada Laascaanood’ waxaana kadib dagaal toos ah uu dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dableyda hubeysan ay hubka geeyeen goob Cirtoogte ah oo ku taalla bartamaha Garoowe, waxaana meesha ugu tegay ciidamada amniga, kadibna waxaa sidaas ku bilaabatay israsaaseynta.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen wiil iyo gabar kamid ah dadka deegaanka, kuwaas oo ka agdhowaa goobta ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo la tuhusan yahay inay ku lug leeyihiin dhacdadaasi oo xalay laga dareemay magaalada Garoowe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan.

Garoowe ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo ciidanka dhexdooda ah iyo kuwa kale oo lagula dagaalamay maleeshiyaad hubeysan, waxayna gaysteen khasaare soo gaaray shacabka iyo burbur hantiyeed.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay isku dhaceen Ciidamada Booliska iyo kuwa ka tirsan Daraawiishta oo weeraray saldhigga dhexe ee Garoowe, halkaas oo ay askarta weerarka qaaday doonayeen inay kala baxaan laba nin oo lasoo xiray, inkastoo markii dambe arrintaasi xal laga gaaray.

Xamza oo xerada Xalane kula kulmay Deni iyo Madoobe iyo arrin cajiib ah oo dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulamo gooni-gooni ah gudaha Xalane kula qaatay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo labada madaxweyne goboleed ayaa ka wada-hadlay qabsoomidda shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, xilli la isku mari la’yahay goobta uu shirka ka dhacayo.

Xamza ayaa isku dayaya inuu hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ku qanciyo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee uu shirka ka furmi karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxtooyada Jubaland ayaa gebi ahaanba diiday in wax sawir ah laga qaado kulanka Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu koobay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland oo keliya, iyadoo la reebay wasiirradii iyo mas’uuliyiintii la socotay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhawaan sheegay in uusan aqoonsaneyn madaxweynenimada Axmed Madoobe, taas oo sii adkaysay xiisadda labada dhinac, kuwaas oo hore dagaal u dhexmaray.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay inaysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta la kulmay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane ayaa yimid kadib markii Farmaajo uu Booqasho ugu tegay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada caasimada.

Kulankan ayaa waxaa kasoo muuuqday xubno kamid ah xubno kamid ah kooxda ololaha Farmaajo oo ay ku jiraan gudoomiyeyaashii hore ee goblka Banaadir Cumar Filish iyo Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kuwaas oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqa socda.

Ujeedka ayaa ayaa is bariidin iyo kala war-qaadasho, waxaana sidoo kale uu kulanka qayb ka ahaa shirar waa wayn oo haatan ka socda caasimada, gaar ahaan xerada Xalane, kaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo is xig-xigay ula yeeshay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo iyana looga hadlay wada-hadallada la filayo inay yeeshaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka.

Waxaa sidoo kale xalay xeyndaabka Xalane galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo isna booqday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, isaga oo kala hadlay diyaar garowga shirka guud ee loo ballansan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa horay u xaqiijiyay inaysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ay ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DF oo maamulka Trump uga mahad-celisay guulo ay gaartay oo suurta-geliyey in….

Washington (Caasimada Online – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay kororka baaxadda leh ee hawlgallada milateri ee Mareykanku ka wado gudaha dalka, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo “muhiim u ah jiritaankeeda”, xilli aysan waxba ka soo qaadin hadallada kulul iyo jarista gargaarka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Inkastoo Washington ay u hakisay gargaarkii raashinka, isla markaana ay soo saartay digniino diblamaasiyadeed oo adag, haddana mas’uuliyiinta Muqdisho waxay ku adkeysanayaan in iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Mareykanka uu marayo meeshii ugu sarreysay abid.

“Mareykanku wuxuu weli yahay saaxiib muhiim ah oo aan kala shaqeyno iskaashiga amniga,” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Daahir Xasan Cabdi, oo la hadlay warbaahinta Vox ee Mareykanka. Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay diiradda saareyso “iskaashiga dhabta ah ee lagu gaarayo yiigsiga guud.”

Hadalladan ayaa ka tarjumaya xisaabtan siyaasadeed oo dhanka dowladda Soomaaliya ah, taasoo u muuqata inay go’aansatay inay u dulqaadato isbed-beddelka siyaasadeed ee Washington si ay u hesho taageerada dhanka cirka ah oo la sheegay inay tahay tii ugu xooganeyd taariikhda ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa fagaarayaasha ka weeraray Soomaaliya, isagoo dadka soo galootiga ah ee Soomaalida ku tilmaamay “qashin” hadal-jeedin uu sameeyay 2-dii bishii Diseembar. Hase yeeshee, milateriga Mareykanka ayaa si aamusnaan ah u kordhiyay hawlgalladooda heer aan la arag muddo tobanaan sano ah.

Sida ay muujineyso xogta la helay, ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii tagay ee 2025 fuliyay 125 duqeymood oo dhanka cirka ah iyo hal hawlgal oo dhulka ah, tiradaas oo laba jibaar ka badan wadarta guud ee hawlgalladii la fuliyay muddadii uu xilka hayay madaxweyne Joe Biden.

Xowliga hawlgallada ayaa sii kordhay sanadkan 2026. Tan iyo 1-dii bishii Janaayo, Mareykanku waxa uu fuliyay 28 hawlgal, taasoo ka badan wadarta sanadlaha ah ee maamulladii hore qaarkood.

Danjire Daahir ayaa meesha ka saaray in khilaafka siyaasadeed ee hadallada Trump uu saameyn ku yeelanayo xiriirka labada dal, isagoo sheegay in Muqdisho “aysan hadallada siyaasadeed u qaadanin siyaasad rasmi ah.” Waxa uu tilmaamay in wiiqitaanka awoodda argagixisada ee magaalooyinka waaweyn ay tahay caddeynta in xiriirku uu miro-dhal yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodeysa in dallada amni ee Mareykanka ay suurto-gelisay tallaabo dimoqraadiyadeed oo taariikhi ahayd dhammaadkii sanadkii hore. 25-kii Diseembar 2025, dadweynaha Muqdisho ayaa codkooda dhiibtay doorashooyinkii golaha deegaanka, taasoo ahayd markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo codbixin qof iyo cod ah laga sameeyo caasimadda, oo amnigeeda uu aad u hagaagay.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ayaa wajahaya caqabado dhanka bani’aadannimada ah. 7-dii bishan Janaayo, 2026, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii raashinka ee Soomaaliya kadib eedeymo la xiriira in mas’uuliyiin maxalli ah ay la wareegeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee dekedda Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay in 76 tan oo raashin ah oo loogu talagalay carruurta nafaqo-darrada haysato la dhacay – eedeyntaas oo Muqdisho ay beenisay. Gargaarka ayaa dib loo fasaxay horraantii bishan kadib markii la soo celiyey raashinka

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Trump uu bishii Nofeembar sidoo kale ku dhawaaqay in la joojinayo Maqaamka Ilaalinta Kumeel-gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku nool Mareykanka, iyadoo kumanaan qof lagu amray inay dalkaasi uga baxaan ka hor 17-ka Maarso 2026, haddii kale ay wajihi doonaan masaafuris.

Inkastoo ay jirto xiisaddaas, iskaashiga milateri wuxuu u muuqdaa mid aan saameyn ku yeelan. Hawlgalladii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya (ISIS-Somalia) ee buuraha Golis 1-dii bishan Febraayo.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in istiraatiijiyadda “Amniga oo kaliya” (Security-first) ay fashilmi karto haddii aan wax laga qaban dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo maamul wanaagga.

Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group, ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay joogtaa meel fiican oo aysan ka dhici karin,” balse wuxuu ka digay in guulaha la gaaray ay dib u noqon karaan haddii taageerada aan milateriga ahayn ay yaraato.

Joshua Meservey oo ka tirsan Hudson Institute ayaa isna shaki geliyay in duqeymaha oo kaliya ay keeni karaan xasilooni waarta. “Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya waa maqnaanshaha maamul maxalli ah oo tayo leh oo sharciyad haysta,” ayuu yiri.

Waqtigan xaadirka ah, Muqdisho waxay u muuqataa inay indhaha ka qarsaneyso hadallada Trump, inta ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku sii wadaan inay xakameeyaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka oo u gudubtay aragtida bisha Ramadaan

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Cirbixiyeennada ugu sarreeya dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyay inaan la arki doonin bisha Ramadaan maalinta Talaadada ah ee 17-ka Febraayo, taasoo ah maalinta la filayo in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqdo dhalashada bisha barakaysan.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan oo ku aaddan in Imaaraadku uu markan jebin karo dhaqankii soo jireenka ahaa ee uu ku raaci jiray Sacuudiga, iyadoo ay taasi kusoo aadeyso xilli uu sii xumaanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Sannado badan, Boqortooyada Sacuudiga—oo ah hooyada baraha ugu barakaysan Islaamka—waxay shaacinaysay dhalashada bisha maalmo ay saynisyahannada iyo cirbixiyeennadu ku tilmaameen in “aanay macquul ahayn” in la arko. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan weligood ka jawaabin dhaleeceyntan cilmiga ah.

Sacuudiga ayaa adeegsada jadwal loo yaqaan Umm al-Qura, kaasoo ku saleysan xisaab falag ah oo sanado horey loo sii dajiyay. Sida ku cad jadwalkan, maalinta koowaad ee Ramadaan ayaa sanadkan ku began Arbacada, 18-ka Febraayo.

Mowqifka cirbixiyeennada Imaaraadka

Si kastaba ha ahaatee, Akadeemiyadda cilmiga xiddigiska iyo hawada sare ee Sharjah (SAASST) ayaa toddobaadkii hore shaacisay in aysan cilmi ahaan suurtagal ahayn in bisha la arko Talaadada, 17-ka Febraayo, xitaa haddii la adeegsado teknoolajiyadda ugu casrisan. Waxay saadaaliyeen in Ramadaan ay bilaaban doonto Khamiista, 19-ka Febraayo.

Dhinaca kale, Maxamed Odeh oo ah Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Cilmiga Xiddigiska ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ayaa isna sheegay inaan bisha laga arki doonin Imaaraadka iyo Sacuudiga toona maalintaas.

“Wararka sheegaya in bisha la arkay, haddii ay yimaadaan, waxay xaqiijinayaan qaladka ay dadka qaar galaan iyagoo u maleeya inay arkeen bil aan cirka ku jirin,” ayuu yiri Odeh.

Khubaro badan ayaa rumeysan in Sacuudiga uu ku dhawaaqi doono in Ramadaan ay tahay Arbacada, iyadoo aan loo eegayn xaqiiqada sayniska, maadaama ay sidaas oo kale sameeyeen sanadihii hore.

Imad Axmed, oo aasaasaha ururka New Crescent Society ee dalka Ingiriiska, ayaa yiri: “Maalinta Talaadada ee 17-ka Febraayo 2026, cilmi ahaan ma suurtoobi karto in isha lagu arko bisha, ha noqoto indho qaawan ama teleskoob, meel kasta oo kamid ah Bariga Dhexe, Aasiya, Afrika ama Yurub.”

Wuxuu intaas ku daray in inkastoo ay tahay wax aan macquul ahayn, haddana ay filayaan in Sacuudiga uu sheegto in bisha la arkay.

Saameynta siyaasadeed

Dadka fallanqeeya arrimaha gobolka ayaa is-weydiinaya waxa uu Imaaraadku sameyn doono sanadkan. Inkastoo xiriirka siyaasadeed ee kala dhexeeya Sacuudiga uu yahay mid cakiran, haddana khubarada qaar ayaa aaminsan in Imaaraadku uu qaadan doono go’aanka Sacuudiga.

Axmed ayaa u sheegay Middle East Eye: “Waan aragnay cirbixiyeennada Imaaraadka oo xaqiijinaya inaan bisha la arki karin, sidoo kale guddiga aragtida bisha ee Cumaan ayaa sidaas oo kale sheegay. Balse weli ma arag Imaaraadka oo ka haraya Sacuudiga xilliyada Ramadaanka iyo Ciidda.”

Haddii Sacuudiga uu ku dhawaaqo dhalashada bisha, Imaaraadkuna uu raaco iyadoo ay khubaradiisu diidan yihiin, waxay taasi abuuri kartaa jahwareer weyn oo gudaha ah.

Sacuudiga ma ahan dalka kaliya ee adeegsada xisaabta falagga; Turkiga ayaa isna sidaas sameeya balse ma sheegto inuu bisha arkay.

Sanadkii 2024, dalalka Cumaan iyo Urdun ayaa diiday inay aqbalaan aragtida Sacuudiga ee dhalashada bisha, iyagoo soomay maalin kadib (12-kii Maarso halkii ay ka ahaan lahaayeen 11-kii Maarso).

Waxaa jirta rajo yar oo ah in guddiga aragtida bisha ee Sacuudiga ay markan qirtaan inaan bisha la arkin Talaadada, oo ay Ramadaanka ka dhigaan Khamiista. Tallaabadaas haddii ay dhacdo, waxay noqon doontaa mid taariikhi ah oo ay kaga leexdaan jadwalkooda Umm al-Qura ee horey u qorsheysnaa.

Xubnaha Mucaaradka oo loo ogolaaday in hubkooda ay la galaan xerada Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan xasaasi ah oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo diiradda lagu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyay, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa mucaaradka iyo tallaabooyinka dowladda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in si gaar ah kulankan loogu falanqeeyay is hortaggii lagu sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo labadii cisho ee lasoo dhaafay loo diiday inay hubkooda la galaan xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, taas oo keentay xiisad horleh oo u dhexeysa labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Shariif iyo Mahad Salaad ayaa xal looga gaaray arrintan, gaar ahaan habraaca amniga ee garoonka Aadan Cade iyo gelitaankiisa, iyada oo fursad la siiyay mucaaradka.

Ilo wareedyo ku dhow Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa innoo xaqiijiyay in la isla gartay in madaxdii hore loo ogolaado tiro kooban oo ciidan ah in ay la galaan gudaha garoonka iyo sidoo kale in madaxda mucaaradku ay ku wargeliyan laamaha amniga markii ay u socdaan gudaha xerada Xalane.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo aan la adeegsan karin albaab aan aheyn midka Marina Gate, halkaas oo habeenkii laga galo xerada Xalane, sida uu dhigayo habraaca amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore adkeysay gelitaanka garoonka, waxayna taasi sababtay inuu sameeyo mucaaradka, kadib markii laga soo celiyay aagga garoonka, loona diiday inay u gudbaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo hadda deggan hoteel ku yaalla gudaha garoonka Aadane Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale arrintaas ayaa sababtay inuu baaqdo kulan ay habeen hore lahaayeen mucaaradka iyo labada madaxweyne oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Somalia ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka.

Si kastaba, Lama iga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Nuxurka khudbadda Xasan ee shirka Talyaaniga iyo Afrika

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysam kaas oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyada oo madaxweynuhu khudbaddiisa diiradda ku saaray horumarka ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna.

Hoos ka akhriso khudbadda madaxweynaha oo dhammeystran;-

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee Talyaaniga iyo Afrika waxaa lagu guddoomiyay in laga gudbo hannaanka iskaashiga soojireenka ahaa, lana yagleelo iskaashi ku saleysan arrimaha hortabinta u leh Afrika iyo in Afrika ay iyadu go’aamiso masiirkeeda.

Marka laga ambaqaado aragtideenna, iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika waxa uu jidaynayaa ahmiyadda ay leedahay maalgelinta kaabayaasha halbowlaha ah ee horseedaya xasillooni iyo koboc dhaqaale oo waara.

Waxyaabaha hortabinta u leh Soomaaliya waa kuwo cad: xoojinta gegsiga bulshada, inaan dhallinyaradeenna u abuurno fursado shaqo, helitaanka cunto bulshada ku filan, iyo inaan dhaqaalaheenna ku xirno suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Horumarka ay Afrika ku tallaabsanayso waa inay saldhig u tahay ilaalinta gobonnimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka, si waafaqsan mabaadii’da Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mabaadii’dani ma aha kuwo la tiigsado oo kali ah; waa waajibaad sharci ah oo go’aaminaya badqabkeenna. Tallaabooyinka ay sida goonida ah Israa’iil ugu beegsatay madaxbannaanideenna waxay si toos ah u wiiqayaan nidaamka caalamiga, waana inaan si adag isaga diidnaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay iska diidaan nooc kasta oo faragelin dibadeed oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah, xasaradna ka abuuraysa gobolka, isla markaana dhaawacaysa kalsoonida u dhaxaysa wadammada.

Maadaama nabadda iyo horumarku aysan kala harin, Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika. Waxaan si gaar ah uga mahadnaqaynaa taageerada Talyaaniga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Talyaaniga iyo dhammaan bahwadaagta qaybta ka ah Qorshaha Mattei, iyadoo qorshahaas lagu hagayo kalsooni, xilkasnimo, dan-wadaag iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika oo barwaaqo ah.

Xamza oo qaabilay wafdigii ay soo dirtay Jaamacadda Carabta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, kaas oo oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuumta).

Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada-haday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta, kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.

Inta uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada dalka.

Dhankooda, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada dalka, iyaga oo caddeeyey in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan.

Dhanka kale waxaa kulankan lagu qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.

Booqashada wafdigan uu hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee ururka u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar ayaa ku soo beegantay 52 sano kadib markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta, waxayna horay ula kulmeen Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Imaatinka wafdigan ayaa sidoo kale salka ku haya indho-indheynta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka ururka iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Midowga Afrika oo baaq cusub ka soo saaray wada-hadallada Xasan iyo mucaaradka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bayaan ay soo saareen Khamiistii qeyb kamid ah uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Golaha ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojiso wada-hadal loo dhan yahay oo ay la yeelato maamullada is-hayaan iyo daneeyayaasha kale oo ah siyaasiyiinta mucaaridka.

Khilaafka taagan ayuu goluhu sheegay in uu saameyn weyn ku yeelan karo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu dib u dhigayo dadaallada xasilinta iyo dhismaha dowladnimada.

Golaha ayaa si cad u muujiyay muhiimadda in xaaladda taagan looga gudbo wada-hadal dhab ah, iyo heshiis ay dhinacyadu gaaraan, xilli weli Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka isku fahmi la’yihiin goobta uu shirka ka qabsoomayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.

Waxaa socda dadaallo dhexdhexaadin ah oo beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac, si ay u qabsoomaan wada-hadalladan masiiriga ah.

Si kastaba, madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan Golaha Mustaqbalka ay caawa ku lahaayeen xerada Xalane oo baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa mar kale baaqday kulan ay madaxda Golaha Mustaqbalka ku lahaayeen gudaha Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka caawa ayaa baaqday kadib markii dowladda adkaysay hanaanka gelitaanka xayndaabka garoonka ee gudaha Xalane.

Xalay ayay ahayd markii Xalane laga celiyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Xubnaha Shariif la socday, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab, ayaa shir la lahaa caawa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo deggan hoteel ku yaalla gudaha Xalane.

Dhankeeda, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa si degdeg ah isaga fogeysay eedeynta ah in madaxdaas la hor istaagay, iyadoo sheegtay inay diideen u hoggaansanaanta habraaca amniga Garoonka Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa caddeysay in “habraacaasi uu dhigayo in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.”

Wasaaradda ayaa ku eedeysay madaxda mucaaradka inay jebiyeen nidaamkaas: “Waxaa dhacday in qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyay.”

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabadaasi ay “halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka,” waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga, iyadoo sheegtay in “aanay jirin mas’uuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga.”

Si loo dejiyo xiisaddaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre ayaa xalay qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, isagoo booqashooyin isdaba-joog ah ku tegay hoyga madaxda ugu miisaanka culus mucaaradka.

Xamza ayaa ugu horeyn hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, kadibna wuxuu u gudbay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, halkaas oo uu sidoo kale ku sugnaa Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Si kastaba, lama oga sida mucaaradka uga jawaabi doonaan arrintan, maadaama xalay uun laga raalli-geliyay wixii dhacay, balse isla maanta dowladdu sii xoojisay hanaanka gelitaanka garoonka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Wafdi Jaamacadda Carabta ah oo yimid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee ururka u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar, waxaana ku wehliya xubno kale oo ka tirsan ururka.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugala shaqeyn lahaayeen xoojinta iyo horumarinta luuqadda Carabiga ee goobaha waxbarashada dalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo qaabilay wafdiga, ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan wada-hadallo rasmi ah oo ay la qaadanayaan xubnaha ka socda Jaamacadda Carabta.

“Maanta waxaan Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga oo soo gaaray dalka, waxaana ka wada-hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa luuqadda carabiga iyo waxbarashad Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Sidoo kale wuxuu xusay in booqashadan ay ku soo beegantay 52 sano kadib markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo caddeeyay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadallada uu wafdigani doonayo.

Imaatinka wafdigan ayaa sidoo kale salka ku haya indho-indheynta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka ururka iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta ka degay dalka…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee shirka ka qeyb-galaya.

Madaxweynaha ayaa madaxda ku bogaadin doona, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Socdaalka Xasan Sheekh ee Addis Ababa ayaa imanaya xilli Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay weli isku fahmi la’yihiin goobta uu ka dhacayaan wada-hadallada loo ballansan yahay, isla markaana ay socoto dhexdhexaadin beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxii DP World oo la eryay kadib fadeexaddii Epstein

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda caalamiga ah ee maamusha dekedaha ee DP World ayaa ku dhawaaqday isbeddel weyn oo lagu sameeyay hoggaankeeda sare, kadib markii la shaaciyay xog xasaasi ah oo ku saabsan xiriir hore oo dhex maray madaxii shirkaddaas iyo maalqabeenkii geeriyooday ee loo haystay dembiyada galmada, Jeffrey Epstein.

War saxaafadeed kasoo baxay DP World Jimcaha maanta ah ayaa lagu magacaabay Essa Kazim inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Maamulka, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay Agaasimaha Guud (CEO), iyagoo beddelaya Suldaan Axmed Bin Sulayem oo muddo dheer soo hoggaaminayay shirkadda.

Bin Sulayem, oo ah 69-jir, ayaa xilka guddoomiyenimada hayay tan iyo sanadkii 2007, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Guud laga soo bilaabo 2016. Qoraal kooban oo loo diray suuqa saamiyada ee Nasdaq Dubai ayaa lagu sheegay in is-casilaadda Bin Sulayem ay tahay mid “dhaqan-galaysa isla markiiba.”

Xiriirka Epstein iyo cadaadiska ganacsi

Go’aankan ayaa yimid xilli ay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ) soo bandhigtay dokumiintiyo muujinaya in Jeffrey Epstein uu Bin Sulayem ku tilmaamay “saaxiib dhow oo qaali ah,” isla markaana uu ka mid ahaa dadka uu aadka u aaminsan yahay.

Dokumiintiyada la helay toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa muujinaya in xiriirka labada nin uu sii socday xitaa kadib markii Epstein lagu helay dembi ah inuu si sharci darro ah u isticmaalay gabar aan qaan-gaarin sanadkii 2008. Is-weydaarsiga farriimahooda ayaa isugu jiray talooyin ganacsi, maalgashi, iyo arrimo shaqsiyadeed oo ay ku jiraan “haweenka duugista sameeya, kaftanka anshax-xumada ah iyo adeegyada galmada.”

Si kastaba ha ahaatee, Bin Sulayem laguma eedeynin wax dembi ah oo rasmi ah, hay’adaha dembi-baaristuna waxay caddeeyeen in magaca qofka oo lagu xuso faylasha Epstein aysan ka dhignayn inuu dembi galay.

Cadaadiska saaran mas’uulkan ayaa cirka isku shareeray toddobaadkan kadib markii shirkadaha caalamiga ah ee la shaqeeya DP World ay hakiyeen heshiisyo cusub, iyagoo dalbaday in shirkaddu qaaddo “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”

Waxaa ka mid ah, Sanduuqa hawlgabka ee labaad ee ugu weyn Canada (La Caisse), oo ay DP World wadaagaan maalgashi gaaraya $5 bilyan, kaasi oo sheegay inay hakiyeen dhaqaale cusub oo ay gelin lahaayeen shirkadda.

Sidoo kale, British International Investment, oo maalgashi ku leh afar dekedood oo Afrika ku yaalla, oo ay ku Berbera ku jirto, ayaa iyaduna hakisay mashaariic cusub.

Saameynta iyo dhaxalka Bin Sulayem

Bayaanka rasmiga ah ee DP World laguma xusin magaca Bin Sulayem, balse shirkadda waxay sheegtay in magacaabista cusub ay taageerayso istiraatiijiyadda kobaca iyo xoojinta silsiladaha saadka ee caalamiga ah.

Suldaan Axmed Bin Sulayem waxa uu ahaa mid ka mid ah tiirarka ganacsiga ee Dubai, isagoo kasoo jeeda qoys caan ah oo xiriir dhow la leh qoyska xukuma Imaaraadka ee Al Maktoum. Aabihii ayaa ahaa la-taliye sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada.

Waxa uu door weyn ka ciyaaray dhismaha Dekedda Jebel Ali oo noqotay xarun ganacsi oo caalami ah, iyo ballaarinta DP World oo maanta gacanta ku haysa ku dhowaad 10% ganacsiga konteenarada adduunka, isagoo shirkadda ka dhigay boqortooyo dhanka saadka ah (Logistics empire).

Waxa uu sidoo kale horey usoo hoggaamiyay shirkadda dhismaha ee Nakheel Properties, balse xilkaas ayaa laga qaaday xilligii qalalaasaha dhaqaale ee 2008 markii dib-u-habeyn lagu sameeyay deymihii lagu lahaa Dubai World.

Somalia opposition keeps talks on track after airport standoff

0

Mogadishu, Somalia – Somali opposition leaders pledged Friday to push ahead with national dialogue despite accusing government security forces of physically blocking two former heads of state from a crucial meeting, averting immediate fears of political crisis and showing the stakes of the ongoing power struggle.

The “Somali Future Council” said it remained committed to negotiations with the federal government, describing resolution of the country’s explosive electoral roadmap as a “national interest” that superseded political grievances.

The decision to remain at the negotiating table came despite a furious row earlier in the evening.

The Council said security forces stopped former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and former Prime Minister Mohamed Hussein Roble from entering the Aden Adde International Airport complex in Mogadishu.

The incident threatened to derail sensitive talks aimed at determining the framework for the 2026 elections, raising the specter of the violence that marred the previous transition of power.

Airport ‘blockade’

In a statement released late Thursday, the Council condemned the airport incident as a “targeted obstruction” but insisted it would not be baited into abandoning the political process.

“The Council is determined to prevent a constitutional vacuum and political chaos,” the group said, referring to the looming expiration of the government’s mandate in May 2026.

“Finding a solution to the electoral dispute is a national duty,” the statement added. However, it warned President Hassan Sheikh Mohamud against pursuing “political interests that further alienate the Somali people.”

The opposition leaders were en route to a hotel within the airport’s heavily secured “Green Zone” to finalize their common position before meeting government representatives.

The zone hosts foreign embassies and United Nations offices and remains the only venue in the capital considered safe enough for such high-level gatherings.

The Ministry of Internal Security dismissed allegations of a politically motivated blockade, attributing the standoff to a breach of protocol.

In a rebuttal issued shortly after the incident, the ministry said the opposition delegation tried to enter the airport perimeter with a large detail of armed bodyguards after the 5:00 pm curfew for such convoys, and via the wrong checkpoint.

“The protocol dictates that after 5:00 pm, entry is restricted to the Marina Gate, and no armed forces are permitted inside,” the ministry said. “No former officials were denied entry, but there were those who refused to comply with security procedures.”

Authorities warned that bypassing these checks poses a “risk to the safety and security” of the airport, a critical lifeline for the capital, which remains a prime target for Al-Shabaab insurgents.

Late-night diplomacy

Fearing a collapse of the talks, Prime Minister Hamza Abdi Barre launched an urgent diplomatic intervention late Thursday.

Barre visited the private residences of both Roble and Sheikh Sharif. There, he also met former Prime Minister Hassan Ali Khaire, another heavyweight in the Future Council alliance.

“The government’s door is always open,” Barre told the leaders, according to a statement from his office. He urged all parties to “sit down and find solutions.”

He said this would ensure the country could focus on the fight against Al-Shabaab insurgents—referred to by the government as “Kharijites”—and ward off “foreign interference.”

The Prime Minister’s office described the meetings as a gesture of “goodwill” meant to “create a calm atmosphere” so negotiations could proceed.

The standoff highlights the fragility of Somalia’s political settlement as the May 2026 deadline approaches.

President Hassan Sheikh Mohamud has been pushing to switch to a universal “one-person, one-vote” system. This would replace the current, complex, indirect model where clan elders select lawmakers.

However, the opposition coalition—which includes the leaders of the semi-autonomous states of Puntland and Jubaland—views the push as unrealistic, given the security situation and fears it is a pretext for a term extension.

The “Somali Future Council,” formed in Nairobi in late 2025, represents the most significant challenge to Mohamud’s administration, uniting disparate opposition figures under a single banner.

By choosing to stay in the talks despite the airport skirmish, the opposition appears to be betting on a strategy of engagement. However, the incident has undoubtedly hardened the atmosphere in Mogadishu.

“The leaders of the Federal Government… are well aware of the protocols and special status afforded to former presidents,” the Council’s statement read, calling the incident an act that “reflects on the honor of state institutions.”

UK shifts Somalia ties from aid to investment-driven partnership

0

Mogadishu, Somalia – The United Kingdom on Thursday announced a major strategic shift in its relationship with Somalia, pivoting from a traditional aid-based model to an “investment-driven” partnership aimed at strengthening Somalia’s sovereignty and security.

Visiting UK Minister for Africa Baroness Jenny Chapman unveiled the new policy in Mogadishu following high-level talks with President Hassan Sheikh Mohamud, as the fragile state navigates a critical security transition involving the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).

The visit, Chapman’s first to the capital, comes as international partners recalibrate their engagement with Somalia, looking to move beyond decades of emergency relief toward long-term state-building.

“The UK-Somalia partnership is delivering real impact, where it matters most,” Chapman said. “We’re partnering for a safer and more secure future for all Somalis.”

In a meeting at the presidential palace, President Mohamud briefed the British delegation on what he termed “visible successes” in state-building, security, and the country’s democratization process.

According to a statement from the Somali presidency, Mohamud underscored the strategic nature of the alliance, specifically in “security, development, and investment promotion,” thanking London for its consistent support in the fight against terrorism.

Somalia is currently engaged in an intensified military offensive against Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked insurgent group that has waged a bloody insurgency against the central government since 2007.

Chapman echoed the President’s sentiments, stressing that a stable Somalia is critical for the security of the wider “Horn of Africa region and the continent as a whole,” according to the Somali readout.

Investment over aid

While the UK remains a leading donor, the centrepiece of the visit was the declaration of a shift away from a simple “donor relationship”.

Chapman outlined a strategy designed to “strengthen Somali resilience… and deter irregular migration” by channeling support through national institutions rather than bypassing them.

A key example is the “Baxnaano” social protection system, a government-led safety net launched in 2019 with World Bank support.

Chapman praised the system, noting it is now delivering emergency cash transfers to over 500,000 drought-affected people, illustrating the viability of using state systems for humanitarian response.

The visit occurred against the backdrop of a significant reconfiguration of the international security architecture.

With the mandate of the previous African Union mission having evolved, the new AUSSOM force is now overseeing the final phase of the security transition.

Chapman met with AUSSOM and United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) leadership to reaffirm London’s backing.

The UK, a “penholder” on Somalia at the UN Security Council, plays a pivotal role in funding and training.

Chapman inspected a UK-supported UNSOS helicopter and visited British troops deployed under “Operation Tangham,” a military mission that trains the Somali National Army (SNA) in medical and logistical operations.

She noted that British support for UNSOS non-lethal logistics is “helping save lives and counter violent extremists”.

Pre-empting disaster

Despite the focus on long-term strategy, the immediate threat of climate change loomed large. Somalia, which has endured five consecutive failed rainy seasons in recent years, is facing a “rapidly escalating drought risk”.

To address this, Chapman announced £6 million ($7.5 million) in new humanitarian funding. However, officials framed this not as a reactive handout, but as part of a sophisticated “anticipatory action” strategy.

The funds are integrated with pre-arranged financial tools, including the African Risk Capacity (ARC) insurance scheme.

The activation of the ARC policy has already triggered $3.4 million in rapid payouts to the Somali government, alongside $2.15 million for the World Food Programme (WFP) and the Start Network.

“All of these mechanisms… are part of our efforts to increase the use of pre-arranged finance for early action,” Chapman said.

The new funding is part of a larger £61 million package for the 2025/2026 fiscal year, which officials say balances immediate needs with the “underlying drivers of crisis”.

Diyaarad milatari oo Turkiga leeyahay oo maanta kasoo degtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad millatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas, kana tirsan Ciidamada Cirka Turkiga, ayaa saakay ka soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka soo kacday Saldhigga Cirka ee Kayseri Erkilet ee dalka Turkiga ayaa si nabad ah uga degtay garoonka, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka safarkeeda.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in imaanshaha diyaaraddan uu la xiriiro iskaashiga milatari ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay.

Garoonka Kayseri Erkilet ayaa ah saldhig muhiim ah oo ay si weyn u adeegsadaan shirkadaha difaaca Turkiga, isla markaana door ka qaata howlaha milatari iyo kuwa saadka.

Diyaaraddan ayaa hore dhowr jeer u timid Muqdisho, xilli iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda Ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

Si kastaba, Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.

Waxaa la sheegaya in keenista diyaaradaha dagaalka ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda, oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.

Sheekh Bashiir, Umal iyo culimo waaweyn oo bayaan culus soo saaray, dalbadayna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed kuwooda u waaweyn ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee taagan, midnimada dalka iyo abaaraha.

Culimadan oo ay kamid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sh Maxamed Cabdi Umal, Sh Dr Maxamuud Maxamed Shibli, Sh Maxamuud Ciise Maxamuud iyo Sh Maxamed Idriis Axmed ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee jira heshiis dhab ah laga gaaro, isla markaan qodobada la isku hayona laga heshiiyo.

“Haddii ay dhici weydo in heshiis la gaaro, xalka qayb ha laga siiyo hoggaanka bulshada, si meesha looga saaro damacyada ku dhisan sad-bursiga iyo kala aragti duwanaanta, loona helo jiho kale oo dhex-dhexaad noqon karta,” ayaa lagu yiri bayaanka culimada.

Sidoo kale, culimada ayaa muujiyay muhiimada in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho oo hufan sharci ahaan iyo hannaan ahaan labadaba, una adeegaya danaha shacabka, meeshana laga saaro kalsooni xumada, talo maroogsiga iyo jiilaafyo siyaasadeed, dalkana looga turo inuu galo qalaalaaso siyaasadeed.

“Maadaama xilli kooban ka harsan yahay muddo xileedka xukuumadda hadda talada haysa, aysan ilaa iyo hadda jirin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay oo dalku qaado, waxaa lagama maarmaan ah, in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho.”

Waxay cod dheer ugu baaqeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culumada, aqoonyahanka kale iyo dhammaan qaybaha bulshada inay dareemaan marxaladda adag ee dalku marayo, ayna ka yeeshaan kulamo gaar ah, inta aan xaaladdu faraha ka bixin, madaxda Dowladdana kula xisaabtamaan xilka ay u igmadeen.

“Ilaalinta madax-bannaanida dalka waa waajib saaran muwaadin kasta, gaar ahaan madaxda u dhaaratay xilkaas culus, haddaba waa inaan marnaba la oggolaan, wax kasta oo farogelin dibadeed ah.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

بسم الله الرحمن الرحيم
BAYAANKA CULUMADA SOOMAALIYEED EE KU AADAN XAALADDA DALKA

Mahad dhammaanteed waxaa iska leh Allaha weyn, suubaneenii Nebi Muxammed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, Intaas kadib:

Culumada Soomaaliyeed iyagoo ka duulaya waajibka ka saran ilaalinta danaha guud ee umadda, kana ambaqaadaya xaaladaha qallafsan ee dalku maanta marayo sida:

Khilaafka siyaasadeed, midnimada dhaawacan, faragelinta siyaasadeed, xaaladaha amni, abaaraha baahsan ee jira, duruufaha dhaqaale, tahriibka faraha ka baxaya, qalaalaasaha siyaasadeed ee 35 sano soo jiitamayey, kalaguurka iyo fawdada adduunku u jiheystey.

Waxay soo saareen bayaankan ku wajahan madaxda Soomaaliyeed ee u ballansan shirka lagu qabanayo magaalada Muqdisho, kuwa deegaannada kale jooga, hoggaamiyayaasha bulshada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedka bayaanku yahay tilmaam iyo toosin.

Qodobada bayaanka

  1. Ugu horrayn dhammaan umadda Muslimka ah ee baaqani uu gaaro, gaar ahaan Soomaalida, waxaan xusuusinaynaa ku dhaqanka cabsiida Rabbi, iyo in maanka lagu hayo inay inaku soo aadan tahay maalinta la hortagi doono Maxkamadda Rabbi, xisaab iyo abaalmarinna ay jiri doonto.
  2. Culayska mas’uuliyadda: Si gaar ah waxaan xusuusinaynaa madaxda Soomaaliyeed heer federaal iyo heer State, culayska uu leeyahay xilka ay u qaadeen ummaddan, dhaartii ay magaca Allah ku mareen, xisaabta aakhiro ee sugaysa iyo inay u turaan bulshada ay mas’uulka ka yihiin, ogaadaanna haddii xaaladaha qallafsan ee dalku maanta marayo aysan ka badbaadin inay eeddeeda qaadi doonaan adduunka iyo aakhiroba.
  3. Midnimada dalka: Madaxda dalku waa inay u midoobaan ilaalinta midnimada dalka, aan la oggolaan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka dalka, arrimaha yimaadana lagu wajaho midnimo iyo wada tashi.
  4. Madaxbannaanida dalka: Ilaalinta madax-bannaanida dalka waa waajib saaran muwaadin kasta, gaar ahaan madaxda u dhaaratay xilkaas culus, haddaba waa inaan marnaba la oggolaan, wax kasta oo farogelin dibadeed ah.
  5. Khilaafka Siyaasadeed: Waxaan ku baaqaynaa in khilaafaadka siyaasadeed ee jira heshiis dhab ah laga gaaro, qodobada la isku hayona laga heshiiyo, haddii ay dhici weydo xalka qayb laga siiyo hoggaanka bulshada, si meesha looga saaro damacyada ku dhisan sad-bursiga iyo kala aragti duwanaanta, loona helo jiho kale oo dhex-dhexaad noqon karta.
  6. Doorashooyinka dalka: Maadaama xilli kooban ka harsan yahay muddo xileedka xukuumadda hadda talada haysa, aysan ilaa iyo hadda jirin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay oo dalku qaado, waxaa lagama maarmaan ah, in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho oo hufan sharci ahaan iyo hannaan ahaan labadaba, una adeegaya danaha shacabka, meesha laga saaro kalsooni xumada, talo maroogsiga iyo jiilaafyo siyaasadeed, dalkana looga turo inuu galo qalaalaaso siyaasadeed.
  7. Madaxweynaha: Culumadu waxay si gaar ah u xusuusinayaan madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud, mudane madaxweyne maanta dalku wuxuu marayaa marxalad aad u adag, culaysyo badan ayaana jira, sida aan ku tilmaannay arrarta bayaanka, sidaas awgeed waa inaad qaaddaa kaalinta odaynimo oo leh dulqaad, tanaasul iyo keenid xal dalka iyo dadkaba badbaadin kara, maantana waa maalintii taariikhda ku gali lahayd, aakhirona Allah ku weydiin doono, haddii aad ku guuleysatana ajar weyn aad ka heli doontid, marka fursaddaasi yeysan ku dhaafin.
  8. Hoggaanka bulshada: Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culumada, aqoonyahanka kale iyo dhammaan qaybaha bulshada inay dareemaan marxaladda adag ee dalku marayo, ayna ka yeeshaan kulamo gaar ah, inta aan xaaladdu faraha ka bixin, madaxda Dowladdana kula xisaabtamaan xilka ay u igmadeen.
  9. Abaaraha jira: Sida aan wada ogsoonnahay dalka maanta waxaa ka jira abaar baahsan, deegaannada qaarkoodna culays siyaado ah ayaa laga soo sheegayaa, haddaba waxaan ugu baaqaynaa dowlad iyo shacab labadaba in si wada jir ah loogu istaago arrinka gurmad weynna la fidiyo, dowladaha heer federaal iyo heer state-ba xil weyn la iska saaro badbaadinta dadka iyo duunyadaba.
  10. Gunaanad: Culumadu waxay ka rajeynayaan dhammaan dhinacyada baaqani ku socdo inay Allaah uga cabsadaan mas’uuliyadaha kala duwan ee ay umadda u hayaan, qof kastana uu kaalintiisa ka qaato xal u helidda arrimaha ku xusan baaqa culumada, waxaana Allaah weydiisanaynaa inuu dhammaanteen inagu aadiyo tubta iyo talada toosan. Aamiin.
    وبالله التوفيق

Culumada baaqa soo saaray:
1. Sh Bashiir Axmed Salaad.
2. Sh Maxamed Cabdi Umal
3. Sh Dr Maxamuud Maxamed Shibli.
4. Sh Maxamuud Ciise Maxamuud.
5. Sh Maxamed Idriis Axmed.
6. Sh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar.
7. Sh Daahir Aw-cabdi C/raxmaan.
8. Sh Dr Maxamuud Sh Axmed Xasan (Abuu sheyba)
9. Sh Axmed-daahir Xasan Xuseen.
10. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf Maxamuud.
11. Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil.
12. Sh Axmed Maxamed Saleemaan.
13. Sh C/waaxid Xaashi Xasan.
14. Sh Maxamed Cismaan Calasoow.
15. Sh Maxamed Macallin Axmed.
16. Shariif Maxamed C/raxmaan (Shariif Dawiil).
17. Sh Maxamed C/llaahi Xoosh.
18. Sh Mukhtaar Axmed Faarax.
19. Sh Cali Aadan Isxaaq.
20. Sh Axmed C/samad Cabdulle.
21. Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji-nuur.
22. Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan).
23. Sh Aadan Sheekh Cabdulle Diiriye
24. Sh Dr Aadan Sh Cali Saalax.
25. Sh Dr C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar Baarakallaah.
26. Sh Dr Aadan Sh Saciid Macallin Aadan (Bardaale).
27. Sh Dr Haaruun Sh Xuseen Cabdi.
28. Sh C/fataax Xasan Axmed (Shimbiroow).

اللهم هل بلغت، اللهم فاشهد

Diblomaasiyadda cusub ee Sacuudiga: Maxaa ka socda Addis, Qaahira iyo Asmara

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Socdaalka rasmiga ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Prince Faisal bin Farhan, uu ku tagay magaalada Addis Ababa Arbacadii, waxa uu calaamad u yahay weji cusub oo ka mid ah xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Riyadh iyo Geeska Afrika.

Booqashadan oo timid xilli ay gobolka ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo xawaare ku socda, ayaa daba-socota iskaashi soo jireen ah oo labada dal u dhexeeyay tan iyo xilligii ay Sucuudigu doorka weyn ka ciyaarayeen heshiiskii nabadda ee Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018.

Wasiirka oo si rasmi ah loogu soo dhoweeyay caasimadda Itoobiya, waxa uu siday farriin muhiim u ah xasilloonida labada dhinac ee Badda Cas, isagoo matalaya mid ka mid ah quwadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ugu saamaynta badan, dalalka badda cas, caalamka Islaamka iyo gobolka Carabta.

Soo celinta nabadda Eritrea iyo Itoobiya

Booqashada Prince Faisal ee Addis Ababa waxay xambaarsan tahay hadaf cad oo la xiriira dib u soo noolaynta doorkii dhexdhexaadinta ee Sucuudiga ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Boqortooyada Sucuudigu waxay dadaal ugu jirtaa inay mar kale nabad dhex dhigto labadan dal si loo soo afjaro xiisadda cusub ee soo kala dhex galay, iyadoo laga duulayo guushii taariikhiga ahayd ee sannadkii 2018-kii markaas oo heshiiskii nabadda lagu saxiixay magaalada Jidda.

Maalin kaddib booqashada Wasiir Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ee Addis, waxaa Asamar kadegay kuxigeenkiisa Inj Waliid Alkhariiji, kaas oo fariin lamid ah tan wasiirkiisa gaarsiiyay Afwerki. Labada wasiir ee Suuciga ah, labaduba waxay la kulmeen madaxda dalkaas, taas oo si dhab u caddaynaysa deddaalka Riyaad ka wado gobolka.

Tallaabadan ayaa xoogaysatay kaddib markii uu Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu bishii Diisamber, 2025, booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu sarreysa Boqortooyada.

Wax kayar laba bil kaddib booqashada Afwerki, 2-dii Febraayo, waxaa Riyaadh gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timothewos, halkaas oo lagu lafugaray xaalka gobolka si gaar ah Badda Cas iyo khilaafka Eritrea. Itoobiya ayaana aqbashay in Sucuudigu hormuud ka noqdo deddaalada gobolka.

Boqortooyada ayaana martigelisay maalin kaddib imaanshaha wasiirka Itoobiya, 3-dii Febraayo, Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Erdogan, waxaanana la wadaagay in labada dal ee Sucuudiga iyo Turkiye ay bilaabeen olole lagu nabdaynayo gobolka Geeska iyo Badda Cas, si hoos loogu dhigo kacsanaanta gacan ka hadalka ku socota.

Madaxweyne Erdogan ayaana 4-tii Febraayo usii gudbay Qaahira si uu u gaarsiiyo wadahadalka Sucuudiga iyo doonista in lagu dhammeeyo xiisadda Addis iyo Qaahira. Inkasta oo hindisaha boqor Salmaan ee nabdaynta gobolku bilow yahay haddana waxaa uu ku socdaa dardar xoog leh.

Maalintii 7-da bisha waxaa Qaahira yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Cabdifataax Alsiisi, kaas oo maalinkii xigay safar saaacado ah ku tegay Abu-Dhabi.

Maalin kadib, waxaa Addis Ababa gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada, Faysal bin Farhan, isagoo kulan la qaatay Raysal Wasaare Abiye gaarsiiyayna fariinta nabadda ee boqorka dalka Sucuudiga.

Isku gaynta safaradaas iyo xogta warbaahinta ayaa muujinaya in Sucuudigu rabo inuu isticmaalo saamayntiisa diblomaasiyadeed si looga fogaado wax kasta oo dib u hurin kara colaad ka dhex qaraxda labadaas dal, taas oo saameyn taban ku yeelan karta amniga guud ee marinka Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo kulanka Abiy Ahmed

Kulankii dhex maray Prince Faisal bin Farhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, waxa uu ahaa mid diiradda lagu saaray isku-xirka danaha amniga iyo kuwa dhaqaalaha ee labada qaran.

Labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, iyadoo Sucuudigu uu doonayo inuu hubiyo in Itoobiya ay door togan ka ciyaarto nabadgelyada marinnada caalamiga ah ee biyaha Badda Cas.

Sucuudi Carabiya oo hadda hoggaaminaysa dadaallo ballaaran oo lagu sugayo amniga badaha, waxay Itoobiya u aragtaa saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysan kara xasilloonida dhulka gudaha ee saameeya amniga gobolka oo dhan.

Wadahadalladan ayaa sidoo kale taabtay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga Sucuudiga ee Itoobiya, kaas oo markii horeba ku xoogganaa dhinacyada beeraha iyo tamarta, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo lagu xoojinayo dhaqaalaha labada dhinac.

Midnimada Suudaan iyo Mowqifka Adag ee Riyadh

Mawduuc kale oo muhiim ah oo miiska wadahadalka saarnaa waxaa ahaa xaaladda cakiran ee dalka Suudaan, halkaas oo Sucuudigu uu ka istaagay mowqif adag oo aan tanaasul lahayn. Prince Faisal ayaa hore u caddeeyay in Boqortooyada Sucuudigu aysan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku ah wadajirka dhul iyo dad ee dalka Suudaan, ama isku day kasta oo lagu kala qaybinayo qarankaas.

Riyadh waxay aaminsan tahay in xasilloonida Suudaan ay tahay tiir-dhexaadka amniga Geeska Afrika iyo dalalka Carabta, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhinacyada isku haya dalkaas ay u hoggaansamaan wadahadallada nabadda ee Jeddah.

Farriintan waxay si gaar ah ugu socotay quwadaha gobolka ee laga yaabo inay door ku leeyihiin faragelinta arrimaha Suudaan, xilli ay soo baxday Itoobiye ku lug yeelatay colaadda Suudaan, iyadoo Sucuudigu uu diyaar u yahay inuu isticmaalo culeyskiisa diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo qarannimada iyo midnimada Suudaan.

Nabadda gobolka iyo saamaynta diblomaasiyadeed

Ujeedada rasmiga ah ee booqashadan ayaa lagu sifeeyay mid loogu kuur-galayo horumarka gobolka iyo dadaallada nabadda, taas oo muujinaysa in Riyadh ay doonayso inay xoojiso doorkeeda dhexdhexaadinta ee colaadaha Geeska Afrika. Iyadoo aan wali la shaacin qodobo si gaar ah u taabanaya arrimaha xasaasiga ah ee gobolka, haddana falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Sucuudigu uu rabo inuu isku xiro taageerada uu siiyo Itoobiya iyo xasilloonida guud ee Afrika.

Addis Ababa, waxaa kusugan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalaya meertada 39aad ee kulanka heer wasiir ee Midowga Afrika. Soomaaliya ayaana olole wayn ugu jirta xaqiijinta Midnimada dalkeeda.

Boqortooyada ayaana bixinaysa deddaal wayn oo ku aaddan in laga hortago duulaanka Israa’iil kusoo qaaday Soomaaliya, waxayna kamid ah tahay qodobada ay kala hadlayso madaxda dalka Itoobiya.

Sikastaba, Sucuudiga ayaa xilligan ku hawlan ka shaqaynta galalka Midnimada Suudaan, Soomaaliy, Badda Cas iyo Niilka oo lagu daray khilaafka gacanka hadalka taagan ee Eritria iyo Itoobiya.

Isha: Somali Stream