27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Diblomaasiyadda cusub ee Sacuudiga: Maxaa ka socda Addis, Qaahira iyo Asmara

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Socdaalka rasmiga ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Prince Faisal bin Farhan, uu ku tagay magaalada Addis Ababa Arbacadii, waxa uu calaamad u yahay weji cusub oo ka mid ah xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Riyadh iyo Geeska Afrika.

Booqashadan oo timid xilli ay gobolka ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo xawaare ku socda, ayaa daba-socota iskaashi soo jireen ah oo labada dal u dhexeeyay tan iyo xilligii ay Sucuudigu doorka weyn ka ciyaarayeen heshiiskii nabadda ee Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018.

Wasiirka oo si rasmi ah loogu soo dhoweeyay caasimadda Itoobiya, waxa uu siday farriin muhiim u ah xasilloonida labada dhinac ee Badda Cas, isagoo matalaya mid ka mid ah quwadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ugu saamaynta badan, dalalka badda cas, caalamka Islaamka iyo gobolka Carabta.

Soo celinta nabadda Eritrea iyo Itoobiya

Booqashada Prince Faisal ee Addis Ababa waxay xambaarsan tahay hadaf cad oo la xiriira dib u soo noolaynta doorkii dhexdhexaadinta ee Sucuudiga ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Boqortooyada Sucuudigu waxay dadaal ugu jirtaa inay mar kale nabad dhex dhigto labadan dal si loo soo afjaro xiisadda cusub ee soo kala dhex galay, iyadoo laga duulayo guushii taariikhiga ahayd ee sannadkii 2018-kii markaas oo heshiiskii nabadda lagu saxiixay magaalada Jidda.

Maalin kaddib booqashada Wasiir Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ee Addis, waxaa Asamar kadegay kuxigeenkiisa Inj Waliid Alkhariiji, kaas oo fariin lamid ah tan wasiirkiisa gaarsiiyay Afwerki. Labada wasiir ee Suuciga ah, labaduba waxay la kulmeen madaxda dalkaas, taas oo si dhab u caddaynaysa deddaalka Riyaad ka wado gobolka.

Tallaabadan ayaa xoogaysatay kaddib markii uu Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu bishii Diisamber, 2025, booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu sarreysa Boqortooyada.

Wax kayar laba bil kaddib booqashada Afwerki, 2-dii Febraayo, waxaa Riyaadh gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timothewos, halkaas oo lagu lafugaray xaalka gobolka si gaar ah Badda Cas iyo khilaafka Eritrea. Itoobiya ayaana aqbashay in Sucuudigu hormuud ka noqdo deddaalada gobolka.

Boqortooyada ayaana martigelisay maalin kaddib imaanshaha wasiirka Itoobiya, 3-dii Febraayo, Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Erdogan, waxaanana la wadaagay in labada dal ee Sucuudiga iyo Turkiye ay bilaabeen olole lagu nabdaynayo gobolka Geeska iyo Badda Cas, si hoos loogu dhigo kacsanaanta gacan ka hadalka ku socota.

Madaxweyne Erdogan ayaana 4-tii Febraayo usii gudbay Qaahira si uu u gaarsiiyo wadahadalka Sucuudiga iyo doonista in lagu dhammeeyo xiisadda Addis iyo Qaahira. Inkasta oo hindisaha boqor Salmaan ee nabdaynta gobolku bilow yahay haddana waxaa uu ku socdaa dardar xoog leh.

Maalintii 7-da bisha waxaa Qaahira yimid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Cabdifataax Alsiisi, kaas oo maalinkii xigay safar saaacado ah ku tegay Abu-Dhabi.

Maalin kadib, waxaa Addis Ababa gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada, Faysal bin Farhan, isagoo kulan la qaatay Raysal Wasaare Abiye gaarsiiyayna fariinta nabadda ee boqorka dalka Sucuudiga.

Isku gaynta safaradaas iyo xogta warbaahinta ayaa muujinaya in Sucuudigu rabo inuu isticmaalo saamayntiisa diblomaasiyadeed si looga fogaado wax kasta oo dib u hurin kara colaad ka dhex qaraxda labadaas dal, taas oo saameyn taban ku yeelan karta amniga guud ee marinka Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

Iskaashiga Istiraatiijiyadeed iyo kulanka Abiy Ahmed

Kulankii dhex maray Prince Faisal bin Farhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali, waxa uu ahaa mid diiradda lagu saaray isku-xirka danaha amniga iyo kuwa dhaqaalaha ee labada qaran.

Labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, iyadoo Sucuudigu uu doonayo inuu hubiyo in Itoobiya ay door togan ka ciyaarto nabadgelyada marinnada caalamiga ah ee biyaha Badda Cas.

Sucuudi Carabiya oo hadda hoggaaminaysa dadaallo ballaaran oo lagu sugayo amniga badaha, waxay Itoobiya u aragtaa saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysan kara xasilloonida dhulka gudaha ee saameeya amniga gobolka oo dhan.

Wadahadalladan ayaa sidoo kale taabtay sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga Sucuudiga ee Itoobiya, kaas oo markii horeba ku xoogganaa dhinacyada beeraha iyo tamarta, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo lagu xoojinayo dhaqaalaha labada dhinac.

Midnimada Suudaan iyo Mowqifka Adag ee Riyadh

Mawduuc kale oo muhiim ah oo miiska wadahadalka saarnaa waxaa ahaa xaaladda cakiran ee dalka Suudaan, halkaas oo Sucuudigu uu ka istaagay mowqif adag oo aan tanaasul lahayn. Prince Faisal ayaa hore u caddeeyay in Boqortooyada Sucuudigu aysan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku ah wadajirka dhul iyo dad ee dalka Suudaan, ama isku day kasta oo lagu kala qaybinayo qarankaas.

Riyadh waxay aaminsan tahay in xasilloonida Suudaan ay tahay tiir-dhexaadka amniga Geeska Afrika iyo dalalka Carabta, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhinacyada isku haya dalkaas ay u hoggaansamaan wadahadallada nabadda ee Jeddah.

Farriintan waxay si gaar ah ugu socotay quwadaha gobolka ee laga yaabo inay door ku leeyihiin faragelinta arrimaha Suudaan, xilli ay soo baxday Itoobiye ku lug yeelatay colaadda Suudaan, iyadoo Sucuudigu uu diyaar u yahay inuu isticmaalo culeyskiisa diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo qarannimada iyo midnimada Suudaan.

Nabadda gobolka iyo saamaynta diblomaasiyadeed

Ujeedada rasmiga ah ee booqashadan ayaa lagu sifeeyay mid loogu kuur-galayo horumarka gobolka iyo dadaallada nabadda, taas oo muujinaysa in Riyadh ay doonayso inay xoojiso doorkeeda dhexdhexaadinta ee colaadaha Geeska Afrika. Iyadoo aan wali la shaacin qodobo si gaar ah u taabanaya arrimaha xasaasiga ah ee gobolka, haddana falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Sucuudigu uu rabo inuu isku xiro taageerada uu siiyo Itoobiya iyo xasilloonida guud ee Afrika.

Addis Ababa, waxaa kusugan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalaya meertada 39aad ee kulanka heer wasiir ee Midowga Afrika. Soomaaliya ayaana olole wayn ugu jirta xaqiijinta Midnimada dalkeeda.

Boqortooyada ayaana bixinaysa deddaal wayn oo ku aaddan in laga hortago duulaanka Israa’iil kusoo qaaday Soomaaliya, waxayna kamid ah tahay qodobada ay kala hadlayso madaxda dalka Itoobiya.

Sikastaba, Sucuudiga ayaa xilligan ku hawlan ka shaqaynta galalka Midnimada Suudaan, Soomaaliy, Badda Cas iyo Niilka oo lagu daray khilaafka gacanka hadalka taagan ee Eritria iyo Itoobiya.

Isha: Somali Stream

Mucaaradka oo mowqif ka soo saaray wada-hadalka kadib dhacdadii Shariif iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay weli ka go’an tahay “ka qeybgalka iyo ka mira-dhalinta wadahadallada lagu jaangooynayo jihada siyaasadeed ee dalka,” inkastoo ay si adag u cambaareeyeen dhacdo ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada dowladda ku sameeyeen madaxdooda sare, xilli ay ku wajahnaayeen kulan muhiim ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha xalay, ayaa lagu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa diyaar-garowga wada-xaajoodka la filayo inuu dhex-maro iyaga iyo Dowladda Federaalka, si looga baaqsado firaaq dastuuri ah iyo qalaalase siyaasadeed.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal-u-helista khilaafaadka doorashada ay tahay dan qaran, balse waxay walaac ka muujiyeen tallaabooyinka amniga ee lagu beegsaday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha ayaa qoraalkooda ku sheegay in “Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha amniga ay ka warqabaan maamuuska iyo habraacyada gaarka ah ee ay leeyihiin Madaxweynayaashii hore,” iyagoo intaas ku daray in falkaasi aanu ahayn mid shakhsi balse uu yahay mid “ka turjumaya sharafka hay’adaha dowliga ah iyo joogtaynta nidaamka dowladnimo.”

Waxay sidoo kale uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku mashquulo “dano siyaasadeed oo sii kala fogeynaya dadka Soomaaliyeed.”

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa si degdeg ah isaga fogeysay eedeynta ah in madaxdaas la hor-istaagay, iyadoo soo saartay war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan habraaca amniga garoonka Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa caddeysay in “habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.”

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu eedeeyay madaxda mucaaradka inay jebiyeen nidaamkaas: “Waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey.”

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabadaasi ay “halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka,” waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga, iyadoo sheegtay in “aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga.”

Si loo dajiyo xiisaddaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, isagoo booqashooyin is-daba-joog ah ku tegay hoyga madaxda ugu miisaanka culus mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horreyn hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, kadibna wuxuu u gudbay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, halkaas oo uu sidoo kale ku sugnaa Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan ayaa lagu tilmaamay qeyb ka mid ah “niyad wanaagga madaxda dowladda” iyo dadaallada lagu abuurayo jawi deggan oo dalka horey loogu wadi karo. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa madaxda u xaqiijiyay in gogosha dowladda ay fidsan tahay.

“Albaabka madaxdana waa furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-helista arrimaha taagan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza, isagoo ku baaqay in loo midoobo la-dagaallanka “cadowga Khawaariijta” iyo ka hortagga faragelinta shisheeye.

Tallaabada Ra’iisul Wasaaraha iyo mowqifka Golaha Mustaqbalka ee sii wadidda wadahadalka ayaa muujinaya in inkastoo uu jiro muran dhanka habraaca amniga ah, haddana geeddi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka uu weli yahay mid socda.

Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta (JKIA) ku xiray Cabdinaasir Cige, oo loo yaqaan Naasir Cige, oo horey u soo noqday la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, sheegayna in uu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mas’uulkan ayaa loo qabtay eedeymo la xiriira falal wax-is-daba-marin iyo khiyaano, waxaana si degdeg ah loogu gacan geliyay Waaxda Dembi-baarista ee Kenya (DCI) si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in 37-jirkan, oo heysta dhalashada dalalka Soomaaliya iyo Australia, lagu qabtay Terminaalka 1A ee garoonka JKIA, xilli uu kasoo degayay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways, isagoo ka yimid dalka Australia, soo marayna magaalada Johannesburg.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga, xarigga Nasa Cige ayaa yimid kadib markii nidaamka socdaalka uu bixiyay digniin (Alert) la geliyay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2026-ka. Digniintaas ayaa la sheegay inay salka ku haysay kiis la xiriira “lacag ku helid qaab khiyaano ah” (Obtaining money by false pretenses).

Eedeysanaha ayaa markii hore lagu hayay saldhigga booliska ee garoonka JKIA ka hor inta aan loo gudbin xarunta DCI-da ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay intii uu ku sugnaa garoonka ku sheegay inuu aaminsan yahay in xariggiisa uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, uuna tuhunsan yahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lug ku leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee Kenya.

“Waxaan ku xiranahay Kenya, waxaana i haya ciidamada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu ku yiri muuqaalka uu baahiyay.

“Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in haddii ay wax igu dhacaan, waxaa loo haystaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamza, oo isoo dhex-maray dowladda Kenya, marar badanna waa idin sheegay in lacag badan la igu bixiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ay tahay markii sagaalaad oo la isku dayo in la xiro ama la dilo, sida uu hadalka u dhigay, oo lacag badanna lagu bixiyey.

Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya ayaa warkooda ku beeniyay sheegashadaas, iyagoo aan marnaba soo hadal qaadin wax la xiriira argagixiso, waxayna ku adkeysteen in kiisku yahay mid la xiriira dembi maaliyadeed iyo digniin horey u taallay waaxda socdaalka.

Rejo xumo laga muujiyey shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa laga muujinaya rejo xumo weyn ka hor inta uusan furmin.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xulafada mucaaradka ayaa sheegay in wax natiijo ah aysan kasoo baxayn shirka.

Xildhibaan Jacfar ayaa arrintaan u sababeeyay hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyay in uusan daacad ka ahayn wada-hadallada, isla markaana wax walba uga weyn yihiin rabitaankiisa iyo damiciisa shaqsiga.

“Haddaan sii sheegayaaye, shirka waxba kama soo baxayaan ee madaxda timid howshooda ha qabsadaan, kuwa Muqdisho-na ha is diyaariyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo habeen hore hadal ka jeediyay kulankii xildhibaanada mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka.

Tan ayaa imaneysa xilli Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay weli isku fahmi la’yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, waxaana socota dhexdhexaadin beesha caalamka ka dhex wado labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka uu ka dhaco Villa Soomaaliya, halka mucaaradka ay rabaan inuu ka qabsoomo gudaha Xalane, maadaama Villada ay walaac amni ka qabaan.

Si kastaba, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sheegay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kim Jong Un oo gabadhiisa ku wareejinaya xukunka dalka

Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa u muuqda mid sii adkeynaya awoodda gabadhiisa si ay u noqoto dhaxal-sugaha xilka ugu sarreeya dalkaas, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya inay haatanba talo ku yeelato go’aamada masiiriga ah ee siyaasadda, sidaas waxaa Khamiistii shaaca ka qaaday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed oo soo xiganaya warbixin xog-warran ah oo ay siiyeen hay’adaha sirdoonka.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed (NIS) ayaa sheegtay inay si dhow isha ugu hayso in gabadhaas, oo la rumeysan yahay in magaceedu yahay Kim Ju Ae, ay kasoo muuqan doonto shirka weyn ee soo socda ee Xisbiga Shaqaalaha ee talada haya, iyo qaabka loo soo bandhigi doono, iyadoo la eegayo haddii la siin doono wax xil ama magac rasmi ah.

“Horey sirdoonka (NIS) waxay Kim Ju Ae ugu tilmaami jireen qof ‘baraneysa xilka dhaxalsugenimada’, balse maanta eraybixinta la adeegsaday waxay ahayd inay ku jirto heer ah ‘dhaxalsuge si hoose loo magacaabay’,” ayuu yiri Xildhibaan Lee Seong-kweun oo la hadlay warbaahinta kadib kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay la qaateen saraakiisha sirdoonka.

Ju Ae, oo la aaminsan yahay inay ku jirto da’da tobaneeyada, ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu soo bandhigayay warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi, iyadoo aabaheed ku wehlisa kormeerrada melleteri, oo ay ku jiraan goobaha lagu tijaabiyo hubka. Tani ayaa sii xoojisay saadaasha dadka fallanqeeya arrimaha gobolka oo aaminsan in gabadhan loo diyaarinayo sidii ay u noqon lahayd hoggaamiyaha afaraad ee dalkaas.

Sirdoonka NIS ayaa rumeysan in doorka ay ku leedahay munaasabadaha dadweynaha uu muujinayo inay billowday inay talo ku biiriso siyaasadda, isla markaana loola dhaqmayo sidii hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan dalkaas, sida ay sheegeen xildhibaannada kala ah Lee iyo Park Sun-won.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowaan ku dhawaaqday in Xisbiga Shaqaalaha uu qaban doono shirweynihii sagaalaad dabayaaqada bishan Febraayo, waana dhacdo la filayo in lagu soo bandhigo qorshaha siyaasadeed ee sanadaha soo socda ee dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa sheegay in Hoggaamiye Kim Jong Un uu si toos ah u hagayo dhismaha gujis weyn oo la filayo inuu qaadi karo illaa 10 gantaal oo ah kuwa ballistigga ee laga rido badda hoosteeda. Gujiskan oo culeyskiisu yahay 8,700 oo tan, ayaa la sheegay in laga yaabo in loo qaabeeyay inuu ku shaqeeyo tamarta Niyukleerka.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda in gujiskan uu si rasmi ah ugu shaqeyn doono tamarta Niyukleerka iyo inuu noqon doono mid si buuxda u hawlgala sidii loogu talagalay, sida ay xildhibaannadu kasoo xigteen falanqeynta sirdoonka.

Kadib dhacdadii xalay, Xamza oo hoygooda ku booqday Shariif iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed xilli xalay Madaxweynihii hore iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka laga celiyay Xalane.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban kasoo saaray booqashadan ayaa sheegay inay qeyb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayso wada-hadalka, horeyna u abuurtay jawi kasta oo xasillooni oo dalka horey loogu wadi karo.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ahaa Golaha Mustaqbalka, qeybna ka ahaa xubnihii xalay laga celiyay Xalane, halkaasi oo ay kulan kula lahaayeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furan yahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan si dalka uu horey ugu tallaabsado, loogana xoreeyo kooxaha argagixisada, meelna looga soo wada jeesto faragalinta dibadeed ee lagu sameeyay dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Xamza iyo Maxamed Rooble ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha gogosha wada-hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay weli ka go’an tahay “ka qeybgalka iyo ka mira-dhalinta wadahadallada lagu jaangooynayo jihada siyaasadeed ee dalka,” inkastoo ay si adag u cambaareeyeen dhacdo ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada dowladda ku sameeyeen madaxdooda sare, xilli ay ku wajahnaayeen kulan muhiim ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha xalay, ayaa lagu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa diyaar-garowga wada-xaajoodka la filayo inuu dhex-maro iyaga iyo Dowladda Federaalka, si looga baaqsado firaaq dastuuri ah iyo qalaalase siyaasadeed.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal-u-helista khilaafaadka doorashada ay tahay dan qaran, balse waxay walaac ka muujiyeen tallaabooyinka amniga ee lagu beegsaday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay sidoo kale uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku mashquulo “dano siyaasadeed oo sii kala fogeynaya dadka Soomaaliyeed.”

DF oo ka hadashay sababta mas’uuliyiinta mucaaradka looga celiyay Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay wixii caawa ka dhacay xayndaabka garoonka Muqdisho ee Xalane, halkaasi oo laga celiyay Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habraaca sugida amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu dhigayo in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

“Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in xalay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee dalka ay ku xad-gudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo.

“Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeyneysaa in habraaca soo jireenka ah ee sugida amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, islamarkaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.

Habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeyneysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorrineysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Aqoonsiga Somaliland oo diidmo kale oo adag la kulmay – Maxaa dhacay maanta?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo maanta soo saaray bayaan, ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay maamulka Somaliland.

Golaha ayaa muujiyay diidmadiisa aqoonsi kasta oo la siiyo maamulka Somaliland oo loo aqoonsado dal madax-bannaan, isagoo mar kale adkeeyay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa una diidnay aqoonsiga ay Israa’iil siisay waxa loogu yeero Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ku baaqeynaa in laga noqdo go’aankaas,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Kulanka heer wasiir ee ka dhacay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, ayaa lagu caddeeyay in cidna aysan lahayn awood ama sharciyad ay ku beddesho xuduudaha dal xubin ka ah Midowga Afrika.

Sidoo kale, waxay si cad u sheegeen in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo aan lahayn wax saameyn sharci ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty oo guddoomiyay shirka golaha, ayaa ka digay isku day kasta oo dibadeed oo lagu kala qeybinayo Soomaaliya ama lagu abuuro saldhigyo militari oo ay yeeshaan dalal aan ka tirsanayn kuwa ku teedsan Badda Cas, taasoo uu ku tilmaamay xadgudub ku ah mabda’a madaxbannaanida iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha dalalka.

Badr ayaa sidoo kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Masar u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Waxa uu sheegay in hadalkan uu wakiil uga yahay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi.

Si kastaba, shirka oo ay fadhiyeen dhammaan wasiirrada arrimaha dibadda Afrika iyo guddoonka ugu sarreeya ururka ayaa muujiyay taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Xasan iyo wafdi sare oo ka socda UK oo wada-hadal ku yeeshay Villa Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika, Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la-dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Jenny Chapman, ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay xustay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dowladood ay ku xoojinayaan iskaashiga istiraatiijiyadeed, nabadgelyada, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga si loo gaaro horumar waara.

Sheekh SHARIIF iyo mas’uuliyiin kale oo caawa laga celiyay Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa goordhow laga celiyay xayndaabka garoonka Muqdisho ee Xalane, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubnaha Shariif la socday, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab, ayaa shir la lahaa caawa madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo degan hoteel ku yaalla gudaha Xalane.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa celinta Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha la socday ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Weli kama hadlin dowladda arrintan, oo imaneysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hanaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

Xalay ayay ahayd markii kulan ballaaran oo u dhexeeyay Madaxda Golaha Mustaqbalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka JFS uu ka dhacay Airport Hotel, oo ku yaalla xayndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin madaxda Jubaland iyo Puntland iyo mucaaradka, ayaa xildhibaannada taabacsan mucaaradka ka dhageystay warbixin la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee golaha iyo isku daygooda ka hortagga meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale, kulankaas waxaa looga arrinsaday arrimaha uu Golaha Mustaqbalka la hortagayo shirka loo ballansan yahay, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa dhankooda si cad u sheegay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli bilo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aan Muqdisho laga tageyn illaa xal laga gaarayo hanaanka doorashada dalka, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku yeeshay Addis Ababa, iskuna raacay…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Badr Abdelatty.

Kulanka ayaa qabsoomay intii ay socdeen shirarka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadista iskaashiga qotada dheer ee labada dal.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta ku aaddan isku-duwidda diblomaasiyadeed, arrimaha nabadda iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga. Arrimahan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah horumarinta danaha labada shacab.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la joogteeyo wada-shaqeynta dhow ee marinnada diblomaasiyadeed ee jira, si loo hormariyo danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh iskaashi ballaaran, iyagoo horey u gaaray heshiis dhanka amniga ah. Labada dal ayaa iskaashigooda sii xoojiyay kadib heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ku dooneysay Addis Ababa inay ku gaarto biyaha Soomaaliya.

Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo sidoo kale dhawaan ciidamo u soo dirtay gudaha dalka. Sidoo kale, Qaahira waxay door weyn ka qaadaneysaa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo hub iyo qalabba siinaysa.

Diyaaradda Israel oo shaacisay in loo fasaxay hawada Soomaaliya

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Arkia ee laga leeyahay dalka Israa’iil ayaa shaacisay in hawada Soomaaliya dib loogu fasaxay, xilli dhawaan Tel Aviv ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Arkia ayaa sheegtay in haatan ay ku duuli karto hawada Soomaaliya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay dib ugu oggolaatay in ay hawadeeda isticmaasho.

Go’aankan ayaa yimid kadib dadaallo xooggan oo ay sameeyeen dhinacyo ay kamid yihiin Israa’iil iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia.

Dhinaca kale, shirkadda ayaa sheegtay inay khasaare weyn la kulantay kadib muddo laba toddobaad ah oo dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday in diyaaradahoodu maraan hawada Soomaaliya.

Waxay sheegeen in duulimaadyadoodii Thailand ay ku qasbanaadeen inay maraan jid dheer oo wareeg ah, taasina ay keentay in shidaal badan ay diyaaraduhu isticmaalaan, uuna qaato safarku waqti dheeraad ah, halka kharashkuna kordhay.

“Waxaan hadda dib u isticmaaleynaa jidkii gaabnaa ee ka gudbayay hawada Soomaaliya,” ayay sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Arkia.

Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii Janaayo ee sanadkan qaaday tallaabo “farsamo” oo u dhiganta xannibaad marka si kale loo eego, taas oo si weyn u saameysay shirkadda Arkia.

Si kastaba, tani waxay ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ay haatan shirkadda diyaaradaha Israa’iil u cusboonaysiisay ruqsadda oggolaanshaha maritaanka hawada Soomaaliya, xilli ay Israa’iil ku kacday xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya kadib markii ay sheegtay inay “dal madax-bannaan” u aqoonsatay maamulka Somaliland.

Kenya oo ku dhawaaqday goorta ay fureyso xadka Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay fureyso xadka Mandheera ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay in bisha April ee sanadkan ay Kenya dib u furi doonto xadka Soomaaliya, oo horey loogu xirey sababo la xiriira adkaynta amniga.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu soo celinayo xiriirkii bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeyay shacabka ku nool xadka.

“Wax la aqbali karo maaha in bulshooyinka xuduudda ku nool ay ka go’naadaan eheladooda iyo deriskooda Soomaaliya, sababo la xiriira xirnaanshaha marinkaas,” ayuu yiri Ruto oo ka hadlayay magaalada Mandheera.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tallaabadani ay kor u qaadi doonto barwaaqada iyo iskaashiga labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dib u furista xadka labada dal ayaa la filayaa inay fududeyso isu-socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana ay dhiirrigeliso ganacsiga iyo xasilloonida deegaannada xuduudka.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay in xiritaanka xadka Soomaaliya uu salka ku hayay dadaallo lagu adkeynayo amniga iyo ka hortagga weerarro kaga iman kara kooxda Al-Shabaab, oo dagaal uga socdo gudaha Soomaaliya.

Senate-ka Mareykanka oo walaac ka muujiyo arrimo ay ku lug leedahay Somaliland

0

Washington (Caasimada Online) — Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay warar soo baxaya oo tilmaamaya in Somaliland ay ku lug leedahay fududeynta tababarka maleeshiyada RSF ee dalka Suudaan.

Risch ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in Itoobiya ay martigelineyso xero tababar oo ay maalgeliso dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo loogu talagalay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF) iyo in marinada saadka ee ciidamadaas ay sii dhex mari karaan Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter-ka), ayuu Senator Risch ku sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo xaaladda sii hurinaya, isla markaana ay sabab u noqon karaan in Mareykanku uu RSF u aqoonsado urur argagixiso shisheeye (FTO), taasoo cawaaqib xun ku yeelan doonta dhinacyada gobolka ee taageerada dadban siiya kooxdan.

Hadalka Risch ayaa yimid kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay dhawaan daabacday baaritaan ay ku sheegtay in Itoobiya ay xero qarsoodi ah oo ku taalla xadka Suudaan ku tababareysay kumanaan dagaalyahanno RSF ah, iyadoo la sheegay in taageerada dhaqaale ay bixineyso dowladda Imaaraadka. Hase yeeshee, dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas ku xusan warbixinta.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo qarxay bishii Abriil 2023, uuna u dhexeeyo ciidamada milatariga dalkaas iyo kuwa RSF, ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale. Dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyay eedeymo culus oo la xiriira xasuuq iyo gabood-fallo ka dhan ah bani’aadannimada, gaar ahaan gobolka Darfur.

Dowladda Mareykanka ayaa horey mowqif adag uga qaadatay kooxda RSF, iyadoo ku eedeysay inay geysatay xasuuq, waxaana cunaqabateyn lagu soo rogay hoggaamiyahooda Maxamed Xamdaan Daqalo (oo loo yaqaan Xameeti) iyo shabakadaha ganacsi ee ku xiran.

Tallaabada uu Senator Risch ku xusay Somaliland ayaa sidoo kale ah mid xasaasi ah, maadaama uu Senatarku yahay mid ka mid ah xubnaha ugu saameynta badan ee Congress-ka Mareykanka ee u ololeeya xoojinta xiriirka Washington iyo Somaliland.

Risch ayaa horey u taageeray sharciyo lagu dhiirrigelinayo iskaashi ballaaran oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta, in kastoo uusan gaarsiisnayn heer aqoonsi caalami ah.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii balse aan weli helin aqoonsi caalami ah, ayaa ku taalla marin istiraatiiji ah oo ku yaalla Gacanka Cadan. Dekedda Berbera oo ay maalgelin ku sameysay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, ayaa ahayd udub-dhexaadka xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Imaaraadka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in digniinta Senator Risch ay caqabad ku noqon karto ololaha Somaliland ee Washington, maadaama ay ku soo beegmayso iyadoo magaca Somaliland — xitaa haddii ay tahay si dadban — lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan marinada hubka iyo taageerada dagaalka Suudaan iyo xasuuqa halkaas ka socda.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan iska fogeeyay eedeymaha noocaan ah, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

DF oo ruqseeysay tiro kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka + Sababta

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay kiiska ciidamo dhawaan dibad-bax cabasho ah ka dhigay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in laga goostay mushaaraadkooda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaas laga saaray liiska, sababo la xiriira ansha xumo, waxayna ku eedeysay howl gudasho la’aan iyo inay isticmaaleen maandooriye.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo waafaqsan xeerarka iyo nidaamka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay jiraan tiro askar ah oo laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha, hawl-gudasho la’aan, iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo hab-dhaqanka ciidan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu caddeeyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si joogta ah u helan xuquuqdooda, isla markaana ay u dheer tahay daryeel iyo ka war-qabka dowladooda.

Hoos ka akhriso go’aanka oo faah-faahsan;-

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinaysaa in, kaddib baaritaanno iyo tallaabooyin anshaxeed oo waafaqsan xeerarka iyo nidaamka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay jiraan tiro askar ah oo laga saaray ciidanka sababo la xiriira anshax-xumo, isticmaalka maandooriyaha, hawl-gudasho la’aan, iyo falal kale oo ka hor imanaya sharciga iyo hab-dhaqanka ciidan.

Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda u helaan si joogto ah, uuna yahay hay’ad qaran oo huwan sharaf, anshax, iyo u adeegidda shacabka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka iyo kalsoonida shacabka.

Tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo:

– Nidaamka anshaxa iyo isla-xisaabtanka.

– Ka-hortagga isticmaalka maandooriyaha iyo fal-dambiyeedka gudaha ciidamada.

– Tayeynta iyo kor u qaadista xirfadda iyo kartida ciidanka.

– Ilaalinta bedqabka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan in cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya anshaxa ciidanka, nabadgalyada, ama sharciga ay wajihi doonto ciqaab waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa ciidamada.

Daawo: Qoys Suuriyaan ah oo si xun loogu dhibaateeyay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Somaliland ayaa jir-dil xooggan u gaystay qoys Suuriyaan ah oo ku dhaqan magaalada Hargeysa, kana mid ah qaxootiga Carbeed ee ku nool halkaasi.

Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinaya tacadiyo kala duwan oo loo gaysanayo Aabaha qoyska oo da’ ah, kaas oo ay si bareer ah ugu xadgudbeen ciidamada tegay gurigiisa, waxayna u garaceen si xun.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyska ayaa sheegay in aysan helin cadaalad, ayna u baahan yihiin badbaado deg-deg ah, sida ay ku sheegeen farriin ay direen.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa waxaa looga haday dhacdadan, waxaana talisku sheegay in Aabaha qoyska loo soo jaray waaran soo qabasho ah, kadibna uu ka dhaga adeegay amarka ciidanka.

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay. Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo baaanka lagu sheegay in taliska uu ka xun yahay falka dhacay, isla markaana tallaabo laga qaaday ciidankii sameeyay, kadibna la soo xiray.

“Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla”.

Wasiir Fiqi oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa jawaab kulul siiyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo xalay Xalane ka jeediyay khudbad dhalisay hadal-heyn xooggan, taas oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

Sciid Deni ayaa si weyn u dhaliilay xildhibaannada Hawiye iyo dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ‘Xamar’ ay tahay halka laga kala goynayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan fiirinaayay 2021-kii halkan waaan joogi jirnay xildhibaannada hawiye ee meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meesha ay aadeen ayaan garan waayay horta marka waxaan is iri malaha Xamar waa meesha dalka laga kala goynayo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Madaxweyne Saciid Deni uu ku fashilmay shaqadiisii, isaga oo intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray ay yihiin kuwa calaacal ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u jeclahay siyaasi shaqadisii ku soo fashilmay marka uu makarafoonka qabsado oo calaacalo, dhulka isku dhifto, mararka qaar is-qiireeyo, ilmeeyo, ka dibna ku soo gabagabeeyo dalka ha la badbaadiyo. Ninka sidaas dhahaya waa kan marka Soomaaliya iyo shisheeyo isqabto la safan shisheeyaha, weliba u soo raaca oo dibindaabyo iyo kala dhantaalid midnimada umadda iyo dalka shaqo ka dhigta” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inuu mar walba la safto shisheeyaha, sidoo kalena uu kala jabinayo dalka, sidaasna uu kusii rabo inuu xukumo dalka oo dhan.

“Ninka sidaas dhahaya waa midka safka dalka kala jabinaya, ku hadaaqa Xiriirka ayaan u jaray dawladda Federaalka iyo gobolkayga lama soo geli karo haddana Raba inuu dalkaas xukumo” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waa ninka oranaya Villa Soomaaliya ma rabo oo hotel hoolkiis ayaan ka jeclahay in aan kulamo ku qaadanno. Dalkan dad difaacanaya, dhiigga u huraya, shisheeye aan u loogayn ayuu haystaa, ma dhici doonto inuu u gacangalo khaa’inul wadan calooshii la cayaar ah!.!”.

Inta badan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku adeegsada hadallo kul-kulul oo ay isku marinayaan hawada, kuwaas oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee dalka, siina adkeynaya khilaafka ka jira dalka.

Xogta kulan xasaasi ah oo u socda Sheekh Shariif, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku maqnaa Nairobi ayaa haatan kulan gaar ah la leh madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka oo saaxafadda ay dibad joog ka tahay ayaa ka socda gudaha Airport Hotel oo ay dagan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diiradda lagu saarayo wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka, kaas oo weli buuq uu ka taagan yahay.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegaya in Shariif uu wado dadaalo dheeraad ah oo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo midnimada golaha, si ay niyadsami ugu galaan wada-hadallada loo ballansan yahay, si loogu gaaro xal waara.

Sidoo kale waxa ay ka tashanayaan dalabka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan in shirka lagu qabto Xarunta Villa Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay xalay yeesheen xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo isna ka dhacay Airport Hotel, oo ku yaalla xayndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay degan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland.

Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin Jubaland, Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa xildhibaannada taabacsan mucaaradka ka dhageystay warbixin la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee golaha iyo isku-deygooda ka hortagga meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.

Xog: Xasan Sheekh oo safar dibadeed u baxaya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha socda uu u baxo safar dibadeed oo deg-deg ah, isagoo kusii jeeda dalka dariska ah ee Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in madaxweynaha uu ka qayb-galayo meertada 39-aad ee shir-madaxeedka madaxda iyo dowladaha Midowga Afrika oo ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doono shirka, taas oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaaray amniga iyo la-dagaallanka A-Shabaab.

Waxaa kale oo la filayaa in madaxweynuhu uu madasha ka caddeeyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan faragelinta madax-bannaanida dalka, gaar ahaan aqoonsiga sharci-darrada ah ee ay dhowaan Israa’iil siisay Somaliland.

Inta uu Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay Addis Ababa waxaa kale oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda ku sugan magaaladaasi, isaga oo kala hadli doono danaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Sanadkan waxaa Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha 55-ta dal ee Afrika diiradda lagu saarayaa caqabadaha waaweyn ee ka jira qaaradda iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Soomaaliya ayaa shalay loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul taariikhi ah oo muujineysa horumarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dib u soo noqoshadeeda kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba.

Doorashadan waxay muujineysaa in Soomaaliya ay dib u heshay kalsoonida beesha caalamka iyo xubinimada firfircoon ee arrimaha nabadda iyo ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. “Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah”

Si kastaba, ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kor u qaadeysa sumcadda Soomaaliya ee caalamka, iyada oo muujineysa in dalka uu si tartiib-tartiib ah uga soo kabanayo caqabadihii amni iyo siyaasadeed ee soo maray.

Daawo: DENI oo khudbad hadal-heyn dhalisay ka jeediyay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay ka qay-galay shir xasaasi ah oo ka dhacay xerada Xalane ayaa jeediyay khudbad dhalisay hadal-heyn xoogan, taas oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

Saciid Deni ayaa dhaliilay xildhibaannada Hawiye iyo dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ‘Xamar’ ay tahay halka laga kala goynayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan fiirinaayay 2021-kii halkan waaan joogi jirnay xildhibaannada hawiye ee meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meesha ay aadeen ayaan garan waayay horta marka waxaan is iri malaha Xamar waa meesha dalka laga kala goynayo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda hadda joogta Villa Somalia iyo dadka ka agdhaw waxay dhahayeen malaha madaxda ma imaaneyso, la idinka tagi maayo halkan ayaa nila joogayaa. Dalkaan in la wada-hadlo oo af loo saaro ayaa loo baahan yahay,” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan samatabixin ayuu u baahan yahay mustaqbal fiican ayuu u baahan yahay in xeerarka iyo shuruucda la dhigtay la ilaaliyo ayuu u baahan yahay”.

Hadalkan ayaa si weyn loogu dhaleeciyay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo haatan u hanqal taagaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hadalkiisa uu u muuqdaa mid siyaasadeysan, maadaama ay is hayaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo u muuqdaa mid sii adkeynaya culeyska siyaasadeed ee taagan, maadaama cabaqado xooggan ay hor dadban yihiin shirka la filayo inuu dhex-marayo madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.