27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Daawo: DENI oo khudbad hadal-heyn dhalisay ka jeediyay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay ka qay-galay shir xasaasi ah oo ka dhacay xerada Xalane ayaa jeediyay khudbad dhalisay hadal-heyn xoogan, taas oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

Saciid Deni ayaa dhaliilay xildhibaannada Hawiye iyo dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ‘Xamar’ ay tahay halka laga kala goynayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan fiirinaayay 2021-kii halkan waaan joogi jirnay xildhibaannada hawiye ee meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meesha ay aadeen ayaan garan waayay horta marka waxaan is iri malaha Xamar waa meesha dalka laga kala goynayo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda hadda joogta Villa Somalia iyo dadka ka agdhaw waxay dhahayeen malaha madaxda ma imaaneyso, la idinka tagi maayo halkan ayaa nila joogayaa. Dalkaan in la wada-hadlo oo af loo saaro ayaa loo baahan yahay,” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan samatabixin ayuu u baahan yahay mustaqbal fiican ayuu u baahan yahay in xeerarka iyo shuruucda la dhigtay la ilaaliyo ayuu u baahan yahay”.

Hadalkan ayaa si weyn loogu dhaleeciyay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo haatan u hanqal taagaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hadalkiisa uu u muuqdaa mid siyaasadeysan, maadaama ay is hayaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo u muuqdaa mid sii adkeynaya culeyska siyaasadeed ee taagan, maadaama cabaqado xooggan ay hor dadban yihiin shirka la filayo inuu dhex-marayo madaxda Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Xasan oo shaaciyey qorshe 3 weji ah oo lagu fashilnayo aqoonsiga Israa’iil ee S/L

0

Riyadh (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday istiraatiijiyad saddex-waji leh oo dowladdiisu ku doonayso inay ku fashiliso go’aankii ay Israa’iil dhawaan ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in Muqdisho ay xiriir dhow iyo iskaashi toos ah la leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo quwadaha kale ee gobolka si loo go’doomiyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay waddo dadaal diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo mowqif mideysan oo Carabta, Islaamka iyo Afrikaanku ay kaga soo horjeedaan tallaabada uu ku tilmaamay “mid aan laga fiirsan” oo ay qaadday Israa’iil.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dhammaadkii sannadkii 2025-ka ku dhawaaqay inay Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan—tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay midnimada iyo madax-bannaanida dhulkeeda, taas oo abuuri karta cawaaqib xumo ku baahda meel ka baxsan Geeska Afrika.

“Waxaan si cad oo aan gabasho lahayn u xaqiijinayaa in aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland uu yahay xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay qaranimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu ku dooday in aqoonsigani aanu ahayn mid astaan uun ah, balse uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo Israa’iil ay ku doonayso inay galaangal milateri iyo mid siyaasadeed ku yeelato marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab-al-Mandab. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aanay aqbali doonin inay noqoto masraxa lagu xalliyo colaadaha laga soo waarido dalalka shisheeye.

Qorshaha saddexda waji

Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha saddexda waji ee dowladdiisu dajisatay:

Wajiga koowaad: Waa abaabulka cadaadis sharci iyo mid diblomaasiyadeed oo loo marayo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Maadaama Soomaaliya ay hadda xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay inay dalbadeen fadhi rasmi ah oo looga hadlo arrintan, taas oo uu ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed.

Wajiga labaad: Waa dhismaha mowqif mideysan oo “Carab, Islaam iyo Afrikaan ah.” Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudiga, isagoo xusay taageerada Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan. Waxa uu hoosta ka xariiqay in ilaalinta midnimada Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirto amniga guud ee Badda Cas.

Wajiga saddexaad: Waa wada-hadal qaran oo gudaha dalka ah, kaas oo lagu xallinayo tabashooyinka jira, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo doodda gooni-goosadka, lana xaqiijiyo in khilaafaadka lagu dhammeeyo qaab dastuuri ah iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Muhiimadda Baab-al-Mandab  

Xasaasiyadda gobolka ayaa sii kordhaysa marka la eego istiraatiijiyadda marin-biyoodka Baab-al-Mandab, oo ah halka ay isaga kala gooshaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa shidaalka xambaara.

Marin-biyoodkan, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waa halbowle ay marto qiyaastii 12% ganacsiga dunida. Joogitaanka quwado shisheeye oo iska soo horjeeda, gaar ahaan galaangalka cusub ee Israa’iil, ayaa la aaminsan yahay inuu wax ka beddeli karo dheelitirka awoodda gobolka, isla markaana uu halis gelin karo danaha dalalka Carabta ee xeebaha ku yaalla sida Masar iyo Sacuudiga.

Tani waa sababta ay Soomaaliya uga digayso in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn arrin maxalli ah oo qura, balse ay tahay mid saamayn ku leh amniga caalamiga ah.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa dhisatay hay’ado dowladeed iyo hannaan doorasho, iyadoo dhawaan Madaxweyne u dooratay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”. Inkasta oo ay ku naaloonayso xasillooni ka duwan tan Koonfurta Soomaaliya, haddana weli ma ay helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoon si toos ah u magacaabin dalal gaar ah, ayaa digniin u diray jilayaasha gobolka ee eeganaya “danaha gaaban,” hadalkaas oo loo fasirtay fariin ku socota dalalka xiriirka ganacsi la leh Somaliland, sida Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Waxa uu tusaale u soo qaatay burburka iyo kala-qaybsanaanta ka jirta Suudaan iyo Yemen, isagoo ka digay in haddii aan laga hortagin qorshahan, ay “dabka ku sii shidi karto” dalalka Badda Cas, oo ay ku jiraan Masar iyo Urdun.

Xogta kulan caawa ka dhacay hoteelka ay Muqdisho ka degan yihiin Deni iyo Madoobe + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo u dhaxeeya Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ka dhacay Airport Hotel, oo ku yaalla xayndaabka garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa xildhibaannada taabacsan mucaaradka ka dhageystay warbixin la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee golaha iyo isku-deygooda ka hortagga meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga arrinsaday arrimaha uu Golaha Mustaqbalka la hortagayo shirka loo ballansan yahay, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Jubaland iyo Puntland, oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa si cad u sheegay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda hadda joogta Villa Somalia iyo dadka ka agdhaw waxay dhahayeen malaha madaxda ma imaaneyso, la idinka tagi maayo halkan ayaa nila joogayaa. Dalkaan in la wada-hadlo oo af loo saaro ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan Muqdisho ka tageyn illaa xal laga gaarayo hanaanka doorashada dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

“Muqdisho marti kuma nihin, ma aanan u iman in laba maalin joogno ee waxaan u nimid in Soomaaliya xalkeeda gaarno, talo la wada leeyahay. Wixii saaxiibkay Xasan Sheekh shalay ka wada shaqeynaynay baa ka shaqeynayn ee isaga naga maqan isaguna ha kusoo biiro,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madoobe ayaa sidoo kale u mahadceliyay xildhibaannada sida adag uga horyimid meelmarinta wax ka beddelka, oo haatan dooddiisa ka taagan tahay Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waan ka xumahay wax badan oo dhacaya oo xildhibaannada xorta ah ku dhacaya. Xildhibaannow waxaad u shaqeyseen wixii la idin soo doortay ee dadka ku metelayseen, aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, waana wax aan ka wada shaqeyn doono illaa inta u dambeysa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Madoobe.

Dalkii labaad oo qaaday tallaabo ka dhan ah DP World kadib fadeexaddii soo baxday

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay hakisay maalgelintii ay shirkadda British International Investment (BII) la lahayd shirkadda DP World.

Go’aankan ayaa yimid kaddib eedeymo la xiriira xiriir la sheegay inuu dhex maray Agaasimaha Guud ee DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, iyo Jeffrey Epstein, oo si weyn loogu yaqaanay fadeexado galmo iyo dambiyo la xiriira tacaddi.

BII oo ah hay’ad maalgelin horumarineed oo ay leedahay dowladda UK ayaa sheegtay inay si weyn uga naxday eedeymaha la soo bandhigay, isla markaana ay si dhab ah u qiimeynayso xaaladda taagan.

Hay’addu waxay caddeysay in aysan samayn doonin maalgelin cusub oo ay la yeelato DP World. Hakinta maalgelinta BII ayaa ka dhigeysa hay’addii labaad ee tallaabo noocan ah qaadda muddo ka yar 24 saacadood.

Dowladda Canada ayaa iyaduna si rasmi ah u joojisay maalgelinta mustaqbalka ee la xiriirta DP World, sida uu ku dhawaaqay Sanduuqa hawlgabka ee labaad ee ugu weyn dalka Canada, La Caisse (CDPQ).

Sanduuqan oo balaayiin doollar ku maalgeliyay mashaariicda dekedaha ee shirkadda, ayaa sheegay inay “hakiyeen raasumaalkii dheeriga ahaa” ee ay gelin lahaayeen shirkadda, ka dib markii ay soo baxeen xogta xiriirka Bin Sulayem iyo Epstein.

Tallaabooyinkan is xigxigay ayaa ku soo beegmay xilli la sii daayay iimayllo muujinaya xiriir dhex-maray Agaasimaha DP World iyo Jeffrey Epstein. Iimaylladaas ayaa tilmaamaya in xiriirkaasi uu socday xitaa kaddib markii Epstein lagu xukumay dambiyo culus sanadkii 2008.

Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan hab-maamulka shirkadaha waaweyn iyo xiriirrada ay la leeyihiin shakhsiyaad muran badan dhaliyay. Waxaa sidoo kale dib loo eegayaa heerarka anshaxa iyo isla xisaabtanka ee shirkadaha ka faa’iideysta maalgelinta caalamiga ah.

Sanadkii 2021, BII oo markaas loo yaqaanay CDC Group ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay DP World oo ku saabsan maalgelinta mashruuc ballaaran oo ka socda qaaradda Afrika. Mashruucaas ayaa ku saabsanaa horumarinta iyo ballaarinta dekedo ku yaalla Senegal, Masar iyo Berbera.

Sanduuqa BII ayaa ballanqaaday maalgelin bilow ah oo dhan $320 milyan. Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in $400 milyan oo dheeraad ah lagu maalgeliyo muddada dhowr sano ah si loo xoojiyo kaabeyaasha dekedahaas.

DP World ayaa dhinaceeda ku darsatay saamiyadeeda saddexda dekedood ee mashruuca. Shirkaddu waxay hore u sheegtay inay filayso inay ku kordhiso maalgelin dheeraad ah oo gaaraysa ilaa $1 bilyan, si loo dardargeliyo kobaca ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha.

Si kastaba, eedeymaha la xiriira hoggaanka sare ee shirkadda ayaa hadda khatar gelinaya mustaqbalka mashruucyadaas. Maalgashadayaal badan ayaa muujinaya feejignaan dheeraad ah, iyagoo ka baqaya saameynta sumcad-darrada ku yeelan karta maalgashigooda.

Tan iyo markii la sii daayay dukumentiyada la xiriira Jeffrey Epstein, hoggaanka shirkadda DP World ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya.

Shirkaddu waxay la tacaaleysaa hoos u dhac ku yimid kalsoonidii iyo sumcaddii ay ku lahayd suuqyada caalamiga ah, iyadoo su’aalo badan laga keenayo mustaqbalka xiriirrada maaliyadeed ee ay la leedahay hay’adaha waaweyn.

Sawirro: Dhisme heer sare ah oo laga hirgeliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka…

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Tanzania, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka ee u fadhiya Tanzania, iyo xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Dhismaha cusub ee degaanka safiirka, oo ka turjumaya hal-adayg diblomaasiyadeed, ayaa qeyb ka ah dadaallo uu hormuud u ahaa Danjire Ilyaas Cali Xasan, kaasoo ka bilaabay hirgelinta iyo dayactirka dhismaha safaaradda.

Xoghaye Xamsa Aadan Xaadoow ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo ku bogaadiyay Danjire Ilyaas hirgelinta dhismaha safaaradda iyo degaanka safiirka.

Isaga ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in dhismaha cusub iyo xarumaha safaaradda ee la casriyeeyay ay yihiin hanti qaran oo loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Danjire Ilyaas ayaa u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhismayaasha safaaradda.

Daawo: Masar oo soo bandhigtay ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay usoo direyso Soomaaliya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya illaa 1,100 askari. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatus milatari oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Labada dal ayaa si wadajir ah u baahiyay muuqaallo muujinaya heerka diyaargarowga ciidamada, qalabka ay adeegsanayaan, iyo awoodda milatari ee ay la hawlgali doonaan.

Muuqaalladaasi waxaa kasoo dhex muuqday diyaaradaha nooca AT-802U, helicopter-da dagaalka ee Mi-24 Hind, kuwa qaada ciidamada ee Mi-17 iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.

Sidoo kale, waxaa la arkayay gaadiid gaashaaman oo u adkeysan kara qaraxyada iyo miinooyinka, kuwaas oo loogu talagalay inay iska difaacaan weerarada ka dhaca goobaha colaadaha.

Dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u daneynaysay kamid noqoshada howl-galka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howl-galka, wallow ay markiiba dambe isfaham la gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Howl-galka cusub ee AUSSOM, aya si rasmi ah u billowday 1-da Janaayo 2025.

Masar ayaa ka mid ah waddamada sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, iyadoo ka taageerta dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray guusha maanta la gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, kadib guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeena.

“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.

Ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa Soomaaliya siinaysa cod iyo awood ay ku saameyn karto go’aannada muhiimka ah ee la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka qaaradda.

Waxay sidoo kale u oggolaaneysa Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaadato qorsheynta iyo hirgelinta siyaasadaha la xiriira nabad-dhisidda, difaaca xuquuqda aadanaha, iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Si kastaba, ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kor u qaadeysa sumcadda Soomaaliya ee caalamka, iyada oo muujineysa in dalka uu si tartiib-tartiib ah uga soo kabanayo caqabadihii amni iyo siyaasadeed ee soo maray.

Soomaaliya oo ku guuleysatay ka mid noqoshada…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul taariikhi ah oo muujineysa horumarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dib u soo noqoshadeeda kaalinta ay ku lahayd saaxadda qaaradda iyo tan caalamkaba.

Doorashadan waxay muujineysaa in Soomaaliya ay dib u heshay kalsoonida beesha caalamka iyo xubinimada firfircoon ee arrimaha nabadda iyo ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay musharaxnimadeeda. “Taageeradan wadajirka ah waxay muujineysaa iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan Afrika nabdoon, xasilloon, isla markaana barwaaqo ah”

Doorashada Soomaaliya ayaa ah fursad lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo ku biirista Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay Soomaaliya siinayso cod iyo awood ay ku saameyn karto go’aannada muhiimka ah ee la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka qaaradda.

Waxay sidoo kale u oggolaaneysaa Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaadato qorsheynta iyo hirgelinta siyaasadaha la xiriira nabad-dhisidda, difaaca xuquuqda aadanaha, iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Doorashadan ayaa sidoo kale kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee caalamka, iyada oo muujineysa in dalka uu si tartiib-tartiib ah uga soo kabanayo caqabadihii amni iyo siyaasadeed ee soo maray.

Si kastaba, xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa in Soomaaliya ay diyaar u tahay mas’uuliyad iyo hoggaan dhab ah, kana qeybqaata nabadda, horumarka, iyo wadajirka Afrika.

Macdanta Soomaaliya oo la iibgeynayo: DF iyo maalgashadayaal caalami ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay maalgashadayaal caalami ah.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Cape Town, xilli Wasiir Daahir uu ka qayb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika, waxaana qeyb ka ahaa madax ka socotay Empire Investment Bank iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika, President Adv. Mtho Xulu.

Empire Investment Bank oo ah bangi caalami ah oo maalgelin ku sameeya shirkadaha ka shaqeeya macdanta ayaa xaruntiisu tahay dalka Shiinaha.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madaxda ka socotay bangiga iyo rugta ganacsiga si faah-faahsan ugu soo bandhigay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya hodanka ku tahay.

Madaxdaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

Sidoo kale, madaxda bangiga iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ayaa qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad macdan iyo mid badeed oo ballaaran, isla markaana ay muhiim tahay horumarinta iyo sare u qaadidda maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

Markab dagaal oo uu soo diray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid maraakiibta dagaalka Turkiga oo lagu magacaabo TCG SANCAKTAR ayaa maanta soo gaaray xeebaha Soomaaliya, wuxuuna hordhac u yahay maraakiib kale oo kusoo wajahan dalka.

Markabkan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xeebaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale booqasho ku tegay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo tAliska Ciidanka Xooggq Dalka Soomaaliyeed oo ka qayb-galay soo dhaweynta markabka dagaalka ee Turkiga.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa fuulay dusha sare ee markabkan, waxaana sidoo kale ku wehliyay Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga.

Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.

Sidoo kale, booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo dhawaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah.

Diyaaraddaas oo ay lahaayeen ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiri karo iskaashi milatari oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.

Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.

Si kastaba, Dowladda Turkiga ayaa dhawaan xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo haatan maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.

Baarlamanka oo maanta qaadaya tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo haatan kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa sii wada doodooda ku aadan wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, xilli ay weli ka taagan tahay xiisad culus.

Baaralamaanka ayaa maanta qorsheynayo inuu soo gabagabeeyo doodda cutubka 5aad oo ka hadlaya Nidaamka Federaalka iyo Baahdanaanta Awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Gole ee Baarlamaanka aya Isniintii sidaan oo kale usoo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta  wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, maadaama Baarlamaanku sii wado wax ka beddalka Dastuurka oo ay si weyn u diidan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Waxaa kale oo arrintan ay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan la filayo in madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka ay ka shiraan xaaladda taagan, si heshiis looga gaaro is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira dalka.

Ajendaha shirkan oo berri wixi ka dambeeya furmi doono ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Wakiillada beesha caalamka oo dhankooda dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay wada-hadallada Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda diyaar garowgiii ugu dambeeyay oo ku aadan qabsoomida shirka u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxa Jubaland iyo Puntland.

Inta badan xubnaha Golaha ayaa ku sugan caasimada, waxaana kaliya hadda ka maqan madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku maqan safar dalka dibaddiisa ah, balse la sugayo.

Sidoo kale, waxaa haatan diyaar garow xooggan wada labada dhinac oo ku aaddan wada-hadallada la filayo in berri wixii ka dambeeya ay ka bilowdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saari doono khilaafka dalka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo xalay ku hoyday caasimada ayaa kulamo ka bilaabay Xalane, iyaga oo qaabilay xubnaha mucaaradka oo ay iska xog wareysteen xaaladihii u dambeeyay iyo wada-hadalka bilaabanaya.

Dhankeeda Villa Somalia ayaa wadda kulamo gooni gooni ah oo ku aadan ballanta ay la leedahay Golaha Mustaqablka, waxaana warar hoose ay sheegayaa in madaxweynuhu u ololeynayo in shirka lagu qabto Villa Somalia, maadaama ilaa iyo hadda aan si rasmi ah looga heshiin goobta uu ka dhacayo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshahan, kuwaas oo shak wayn qaba, sidoo kalena ciidan la yimid magaalada Muqdisho.

Ajendaha shirkan oo isha aad loogu hayo ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka

Karaash oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah ayaa yimid, kadib markii uu Karaash booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo dhaweeyay Villa Somalia.

Intaasi kadib Axmed Karaash ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira deegaanka iyo horumarka laga gaaray dhismaha maamulka cusub, maadaama la dhammeystiray, isla markaana madaxweynuhu ka qayb-galay caleema saarkii dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey dadaalkii ay gelisay dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo haatan xubin ka ah dowlad-goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta labada dhinac iyo sidii ay hay’adaha Dowladda Federaalka u gaari lahaayeen deegaannada maamulkaasi.

Axmed Karaash ayaa maalmahan kulamo kala duwan ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo uu la yeelanayay madaxda sare ee dowladda dhexe.

Kulamadaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyada oo haatan la filayo in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Wadatashiga, kaas oo ay ka qayb-galayaan madaxda Jubbaland iyo Puntland oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashada iyo wax ka beddalka lagu sameeyay Dastuurka dalka.

Imaaraadka oo Itoobiya ka sameeyey xero lagu tababaro ciidan u dagaalami doona…

Addis-Ababa (Caasimada Onlien) – Baaritaan qoto dheer oo ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daaha ka rogay in dowladda Itoobiya ay dalkeeda ku martigelinayso xero tababar oo qarsoodi ah, halkaas oo lagu diyaarinayo kumanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan ciidanka gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF).

Xeradan oo ku taal deegaanka Menge ee gobolka Benishangul-Gumuz, ayaa qiyaastii 32 kiiloomitir u jirta xadka Suudaan. Sida ay xaqiijiyeen siddeed ilo-wareed oo kala duwan, oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, dhismaha xeradan iyo saadka ciidanka waxaa maalgelisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kale halkaas geysay khubaro dhanka tababarka ciidanka ah.

In kasta oo Reuters ay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin ujeeddada rasmiga ah ee xerada, wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aysan marnaba qayb ka ahayn colaadda ka taan dalka Suudaan.

Baaritaankan ayaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay 15 qof oo xog-ogaal u ah dhismaha xerada, iyo falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka. Sawirro ay qaadday shirkadda teknoolajiyada hawada ee Vantor, ayaa muujiyay in xeradu ay ka kooban tahay in ka badan 640 teendho.

Shirkadda falanqaysa arrimaha difaaca ee Janes ayaa qiyaastay in xeradu ay qaadi karto ugu yaraan 2,500 oo askari, balse xogaha sirta ah ee Itoobiya ayaa sheegaya in awoodda xeradu ay gaari karto illaa 10,000 oo dagaalyahanno ah.

Sida lagu xusay qoraal sir ah oo ay aragtay Reuters, bishii Janaayo ee sannadkan waxaa xerada tababar ku qaadanayay ku dhowaad 4,300 oo askari oo ka tirsan RSF, kuwaas oo la filayo inay xoojiyaan dagaalka ay kooxdu ka dhex waddo gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan.

Xeradan ayaa ku taal meel istiraatiiji ah oo u dhow Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), taas oo walaac xooggan ku abuurtay diblomaasiyiinta gobolka. Waxaa laga cabsi qabaa inay aaggan u beddesho furun dagaal oo khatar ah haddii colaaddu ay ku fido xuduudaha.

Sidoo kale, baaritaanka ayaa muujiyay dhismooyin cusub oo laga samaynayo garoonka diyaaradaha ee Asosa, kuwaas oo falanqeeyayaashu sheegeen inay la mid yihiin kaabayaasha loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Xiriirka milatariya ee u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo dowladda Imaaraadka ayaa sii xoogaysanayay tan iyo sannadkii 2018. In kasta oo milatariga Suudaan ay marar badan ku eedeeyeen Imaaraadka inay hubaynayaan kooxda RSF ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdan Daqalo (Hemedti), Abu Dhabi ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahaas.

Dagaalka Suudaan oo qaraxay bishii Abriil ee 2023, ayaa sababay barakac ballaaran, macaluul, iyo xasuuq ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana hadda muuqata in faragelinta shisheeye ay dabka kusii shubayso colaaddaas aan dhammaadka lahayn.

Madaxa shirkadda DP World oo ay ku soo baxday fadeexad culus oo la xiriirta Epstein

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Thomas Massie oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa shaaca ka qaaday in ganacsadaha u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, Sultan Ahmed bin Sulayem, inuu yahay shakhsigii uu Jeffrey Epstein u diray fariin email ah oo ku saabsan “muuqaal jirdil ah.”

Bin Sulayem ayaa ah Guddoomiyaha iyo Maamulaha Guud ee DP World, oo ah shirkad weyn oo ka shaqeysa saadka iyo dekedaha oo xarunteedu tahay Imaaraadka.

Fariimahan ayaa qeyb ka ahaa faylasha Epstein oo ay sii deysay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ), balse magaca qofka loo diray ayaa markii hore ahaa mid laga tiray (redacted). Si kastaba ha ahaatee, sharci-dejiyeyaasha ayaa loo oggolaaday inay arkaan faylasha oo aan waxba laga tirin.

Epstein ayaa email diray 24-kii Abriil, 2009, kaas oo u qornaa:“Halkee joogtaa? Ma fiican tahay? Aad baan u jeclaystay muuqaalkii jirdilka (torture video),” isaga oo muujinaya inuu Bin Sulayem uu yahay qofka uu ka helay muuqaalka.

In kasta oo magaca qofka fariinta loo diray markii hore qarsoonaa, ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, Todd Blanche, ayaa sheegay in qofkaas lagu aqoonsaday faylka lambarkiisu yahay EFTA00666117, kaas oo si cad u sheegaya magaca “Sultan Bin Sulayem.”

Xiriirka ka dhexeeyay labada nin

Dokumiintiyada Waaxda Caddaaladda ayaa muujinaya in Bin Sulayem uu ahaa saaxiibka Epstein, iyagoo is-weydaarsaday fariimo ku saabsan xiriirro galmo. Ganacsadahan reer Imaaraad ayaa sii watay xiriirka uu la lahaa Epstein muddo sannado ah, xitaa ka dib markii Epstein lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga galmada gabdhaha yaryar sannadkii 2008-dii.

Xildhibaan Massie, oo horkacayay dadaalkii Congress-ka ee lagu baahiyay faylasha Epstein, ayaa bartiisa X (horey loo oran jiray Twitter) ku qoray: “Waxay u muuqataa in Sultan uu fariintan soo diray. Waaxda Caddaaladda waa inay arrintan dadweynaha u soo bandhigtaa.”

Go’aanka soo baxay ayaa durba saameyn ku yeeshay ganacsiga DP World. Sanduuqa hawlgabka ee labaad ee ugu weyn dalka Canada, La Caisse (CDPQ), ayaa ku dhowaaqay inay joojiyeen dhammaan heshiisyadii mustaqbalka ee ay la geli lahaayeen DP World.

Sanduuqan oo balaayiin doollar ku maalgeliyay mashaariicda dekedaha ee shirkadda, ayaa sheegay inay “hakiyeen raasumaalkii dheeriga ahaa” ee ay gelin lahaayeen shirkadda, ka dib markii ay soo baxeen xogta xiriirka Bin Sulayem iyo Epstein.

Ilaa hadda, ma jirto tallaabo sharci ah oo laga qaaday Bin Sulayem, oo ah mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saamaynta badan dhanka ganacsiga ee magaalada Dubai.  

Macawiisleyda iyo ciidanka DF oo jidka u galay Shabaab – Maxaa dhacay maanta?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay maanta si wadajir ah u qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo dhabagal ahaa ayaa ciidamada waxa ay ku beegsadeen maleeshiyo ka tirsan kooxda oo ku socday deegaanka Waabweyn, halkaas oo ay biyo doonteen, waxaana goobta lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho leh.

Ugu yaraan lix xubnood ayaa goobta lagu dilay, iyada oo sidoo kale la burburiya gaari booyad ah oo ay wateen xilliga uu dhacayay weerarka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyey weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo la socotay gaari booyad ah, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan lix dhagarqabe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale saraakiisha hormuudka u ahaa weerarka ayaa sheegay inuu dhacay sidii loo qorheeyay, isla markaana uu guul kusoo dhammaaday.

“Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan, Ciidamada ayaa jidka ugalay dhagarqabayaasha la dilay oo biyo u soo doontay deegaanka, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi uu u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lasii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii ka cararay goobta la weeraray.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa ka hortegga abaabulka ay Khawaarijta ka waddo Hiiraan, si loo curyaamiyo damaceeda isku ballaarinta ee gobolka.

Kooxda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay isku fidineysay deegaannada HirShabelle, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday kadib culus ay soo saartay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulkaasi.

Muxuu yahay ujeedka wafdiga DF ee gaaray dalka Itoobiya?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda uu dirtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-galayo shirweyne muhiim ah.

Wasiir Cabdisalaan Cali oo ka qayb-galaya Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Addis Ababa, oo lagu wado in uu maanta si rasmi ah uga furmo shirka oo si gaar ah uga dhacaya Xarunta Midowga Afrika.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyada oo Soomaaliya ay madasha la tagi doonto doodeeda ku aadan xaaladaha ay wajaheyso oo ay ugu horreyso arrimaha diblumaasiyadda, gaar ahaan xadgudubka Israa’iil ee madaxbanaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.

Wasiirrada ka qayb-galaya shirka waxa ay dib u eegayaan, ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin, warbixinta Shirkii 51aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaar-garowga doorashooyinka iyo magacaabista hay’adaha Midowga Afrika, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, iyo horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.

Sidoo kale inta uu shirku socdo, wasiirku waxa uu kulamo laba-geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan nabadda iyo amniga, iskaashiga gobolka, iyo horumarka waara.

Shir-Madaxeedka sannadkan waxa uu ku qabsoomayaa halku-dhigga ah, Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Amman ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, iyadoo la muujinayo muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.

Horay ururka ayaa si buuxda garab istaag ugu muujiyay Dowladda Federaalka, isaga oo meel adag iska taagay gar-darrada Israa’iil iyo xadgudubka ay kula kacday Soomaaliya.

Si kastaba, Maalmihii uu dambeeyay wasiirka arrimaha dibadda ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ku aaddan arrimaha diblumaasiyadda, isaga oo xiriiro la sameeyay inta badan saaxiibada Soomaaliya ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Somaliland hires Trump-linked lobbyists in bid for US recognition

0

Washington, USA — Somalia’s northern breakaway territory of Somaliland has launched an aggressive influence campaign in Washington, hiring high-powered Republican strategists in a bid to capitalize on its recent recognition by Israel and secure formal backing from the United States, Drop Site reports.

The move by the self-declared republic, which has functioned as a de facto independent state since 1991, has triggered a defensive counter-offensive from the federal government of Somalia.

Mogadishu, a long-standing recipient of US security aid, is struggling to maintain its “One Somalia” policy as the Horn of Africa undergoes its most significant geopolitical shift in decades.

According to a Foreign Agents Registration Act (FARA) filing, the Somaliland government has retained Nestpoint, a Dallas-based private equity and government affairs firm, to “develop and execute a comprehensive strategy to secure international recognition.”

The one-year contract, signed in October and registered in late December, pays the firm $7,500 monthly. Its primary mission is to engage US government stakeholders and pitch Somaliland as a stable, democratic, and pro-Western investment hub in a volatile region.

Bid for recognition

The lobbying push is led by a circle of prominent Republican strategists with direct ties to President Donald Trump. Stuart Jolly, who served as a national field director for Trump’s 2016 campaign and formerly ran the pro-Trump Great America PAC, is listed as the chief lobbyist.

“Their ability to bridge the gap between diplomatic advocacy and economic development makes them the ideal partner to help Somaliland take its rightful place on the world stage,” Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi said in a statement.

The campaign has gained momentum following Israel’s historic decision on December 26, 2025, to become the first UN member state to officially recognize Somaliland.

That recognition was followed by a high-profile visit from the Israeli Foreign Minister to Hargeisa in January 2026, where both sides announced plans to exchange ambassadors.

For Somaliland, the Israeli breakthrough has provided the “proof of concept” its lobbyists are now shopping to a Trump administration known for its skepticism of traditional multilateralism.

Mogadishu pushes back

Somalia, which views Somaliland as its northern province, has long maintained an established presence on K Street. But the latest shift has forced a tactical escalation.

In September, Mogadishu hired the Virginia-based Arsenal Government and Public Affairs Group for $44,000 a month to bolster its standing.

The firm, led by Iraq war veteran Christopher Neiweem, has focused on Somalia’s role as a vital partner in the fight against al-Shabaab, the al-Qaeda-affiliated group that remains a top US counter-terrorism priority.

While the filing listed Trump associate Roger Stone as a “political expert,” Stone has since publicly denied a formal role, stating the inclusion of his name “took me by surprise.”

Nevertheless, the firm has already demonstrated its reach, securing an interview for Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Newsmax, where he praised the Trump administration’s airstrikes against militants.

The diplomatic friction peaked on January 12, 2026, when Somalia abruptly cancelled all commercial and security agreements with the United Arab Emirates (UAE).

Mogadishu accused the UAE of being the “architect” behind the Israel-Somaliland deal to protect its $442 million investment in the strategic deepwater port of Berbera.

Battle for the Red Sea

The struggle is not merely over status but over the control of the Bab el-Mandeb Strait, through which nearly 15 percent of global trade passes.

“This issue is now bigger than Somalia,” a Mogadishu-based analyst told AFP, speaking on condition of anonymity. “The custom has been that African borders are left as they were at independence. By recognizing Somaliland, Israel has opened a Pandora’s box.”

Egypt, Turkey, and Saudi Arabia have moved to support Somalia, fearing that a fragmented state could lead to regional instability.

Turkey has reportedly deployed F-16 jets to Somalia as a show of force, while Saudi Arabia has initiated talks for a new Red Sea security coalition.

Somali officials have also alleged a darker “quid pro quo” behind the recognition, claiming Somaliland agreed to host an Israeli military base and resettle Palestinians displaced from Gaza. Somaliland has dismissed these claims as “baseless and politically motivated.”

Trump holds the key

Despite the diplomatic flurry, Somaliland faces significant legislative hurdles. The “Republic of Somaliland Independence Act,” introduced in the House in June 2025 by Republican Rep. Scott Perry, remains stalled in committee.

However, Somaliland’s leadership remains bullish. At a private dinner in Davos last month, President Abdullahi reportedly met with Trump Organization CEO Eric Trump to pitch investment in Berbera.

“We expect that everyone at this table will support the recognition of Somaliland,” Abdullahi told the attendees, according to reports.

A spokesperson for Eric Trump later denied that any meeting took place, saying it was only a brief photo opportunity.

For the Trump administration, the choice is between the long-standing security partnership with a fragile Somalia and the potential strategic benefits of a stable, self-reliant Somaliland that is already in the Israeli and Emirati orbit.

“In this administration, you have to convince the guy at the top,” said Omar Mahmood, a senior analyst at the International Crisis Group. “Somaliland is betting that its stability and its new friends in Jerusalem and Abu Dhabi are enough to get in Trump’s ear.”

Somali regional leaders arrive in Mogadishu for high-stakes talks

0

Mogadishu, Somalia — Two Somali regional leaders arrived in the capital on Tuesday with heavily armed security escorts, ending a tense standoff and clearing the way for high-stakes talks on the country’s electoral future.

Said Abdullahi Deni, president of the semi-autonomous northern state of Puntland, and Ahmed Mohamed Islam, the leader of southern Jubaland known as “Madobe,” landed at Aden Adde International Airport within hours of each other.

The arrivals followed a week of high drama in which the federal government initially blocked their advance security teams from landing, sparking a diplomatic row that drew rebukes from the United Nations and the European Union.

Deni was met by a delegation of lawmakers and opposition figures before being escorted to the fortified Halane compound, an international enclave housing foreign embassies and the UN mission.

Madobe, who arrived shortly before him, was similarly escorted to the high-security zone.

The two leaders are in Mogadishu to attend a summit with President Hassan Sheikh Mohamud’s administration and the “Somali Future Council,” an opposition coalition.

The agenda includes the stalled constitutional review, national security, and a worsening drought, but the primary flashpoint remains the roadmap for upcoming elections.

Security standoff

The arrival of the regional leaders marks a tentative de-escalation after a confrontation on February 1, when aviation authorities denied landing clearance to aircraft carrying the leaders’ security personnel and weaponry.

The federal government defended the move at the time, citing a violation of security protocols for the high-security airport precinct. However, the opposition and regional administrations described it as a “hostile act” intended to sabotage the dialogue.

Under pressure from international partners, President Mohamud’s office reversed the ban on Monday, authorizing the leaders to bring their full security contingents “without preconditions.”

“The President authorized the leaders to arrive in Mogadishu with their full security contingents and weaponry,” a senior official told Somalia Today on condition of anonymity.

Despite the concession, the trust deficit remains deep. Officials from Puntland and Jubaland had initially demanded a public apology, arguing the government had endangered their personnel by ordering flights to turn back mid-air.

Electoral deadlock

The core of the dispute lies in Mohamud’s drive to replace Somalia’s complex clan-based indirect voting system with a “one-person, one-vote” model.

While the federal government describes the shift as a necessary democratic reform—pointing to successful municipal polls held in Mogadishu in December—regional leaders accuse the presidency of centralizing power.

Puntland effectively withdrew from the federal system in March 2024 after parliament passed controversial constitutional amendments without its consent.

Deni’s administration has stated it will not recognize federal institutions until a nationwide referendum endorses those changes.

The political rift has already caused friction within the legislature. Last month, proceedings in the House of the People were suspended after a brawl broke out between pro-government and opposition MPs during a debate on the constitutional review.

Security at stake

The international community has repeatedly warned that political infighting risks distracting from the fight against Al-Shabaab. The Al-Qaeda-linked group continues to wage a deadly insurgency despite a “total war” offensive launched by the government in 2022.

The UN mission (UNTMIS) and the EU’s ambassador to Somalia, Francesca Di Mauro, have urged all parties to establish a “conducive environment” for talks to ensure security gains remain intact.

Somalia is currently in the midst of a delicate security transition, with the African Union’s successor mission, AUSSOM, scheduled to support local forces through the end of 2026.

Beyond security, the summit faces a looming humanitarian crisis. The UN humanitarian plan for 2026 warns that millions of Somalis remain vulnerable to emergency conditions due to a combination of conflict and erratic weather patterns.

As the regional leaders settled into the Halane compound on Tuesday, the focus turned to whether the face-to-face meetings could bridge the divide between Mogadishu’s centralizing ambitions and the regions’ demands for federal autonomy.

NISA oo khaarijisay hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab + Magaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaran ee (NISa) ayaa shaacisay in howlgal bartilmaameed ahaa oo sideedii bishaan ay ka fulisay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa magaca sarkaalka ku sheegtay Maxamed Sahal Iidle oo magaciisa afgarashada ahaa (Abuu Usaama), sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale  Hay’adda NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu aad ugu dhawaa hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye, sidoo kalena loo diyaarinayay inuu beddao horjoogihii maaliyadda Cabdullahi Wadaad oo isna la dilay bishii hore.

Xilliga la dilay Abuu Usaama ayaa ku howlanaa uruurinta lacago baad ah, waxaaana howlgal ku beegsaday ciidanka NISA iyo saaxibada caalamiga ah.

Maxamed Sahal Iidle (Abuu Usaama) ayaa horay usoo noqday horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, horjoogaha dabagalka baadda shacabka, iyo xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada.

Howlgalkan waxaa xigay mid kale oo ay maanta ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame, kaas oo isna lagu dilay ugu yaraan 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga a waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan maleeshiyada Khawaarijta, iyada oo jab lagu gaarsiiyay howlgallo ka kala dhacay koonfurta iyo bartama dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.