Tilmaamaha Doorashada Habka 4.5‏ ee 2016-ka.!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Ujeedada Maqaalkaan waxay tahay fasiraadda iyo soo bandhigidda sababaha lagu qaadan karo laguna fulin karo xulka/doorashada ku saleysan habka awood qaybsiga 4.5 beelood, kaaso ah kan ugu habboon, roon, leh mudnaanta marka la isbarbardbigo afarta hab ee Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) soo jeedisay. Afarta Hab ee la soo jeediyay waxay kala yihiin:

  1. Matalaad ku saleysan Xisbiyo Siyaasadeed
  2. Matalaad ku saleysan 18 Maamul/Dowlad Goboleed
  3. Matalaad ku saleysan 92 Degmo
  4. Matalaad ku saleysan Beelaha 4.5

Marka la darso faa’iidooyinka, faa’ido darrada, iyo shuruudaha hirgelinta hab kasta ee laga soo ururiyay ka qayb galayaashii shirarkii Wadatashiyada ee lagu kala qabtay Magalo Madaxyada Maamul/Dowlad Goboleedyada dalka iyo Magaalada Muqdishu waxay taagerayaan haboonnaanta habka 4.5 sannadka 2016. Sidoo kale, si guud, daarasad wareysi ah ee dhowaan uu faafiyay Machadka Daraasadaha Siyasadda ee Heritage, cinwaankeedu yahay “Soo Xulidda Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya 2016: Aragtida Shacabka” waxay taagereysa aragtida ah in “habka doorashada hal qof iyo hal cod” keli ah ay ka fiican tahay “habka xulidda beelaha 4.5 beelood.”

Ku dhaqanka saddexda Hab doorasho ee ugu horreya waxay u bahaan tahay jiritaanka hab matalaad (Political Representation) oo sharci ku qeexan, sharciyo xisbi iyo doorasho, deegaan maamuleed (Adminsitrative territories) ku cad sharci oo la isla oggol yahay, hay’ado maamul ee nabadgelyo iyo sharci fulin ee lagu kalsoonan yahay shaqadooda, diwaan gelinta codbixiyayaasha, iyo wacyi gelin aad u ballaaran si dadweynaha ugu qancaan natiijada doorashada. Dowladda Federaalka waxba kama qaban 3dii sano ee la soo dhaafay howlaha asaaska u ah hirgelinta saddexda hab doorasho ee ku kala saleysan Xisbi, Maamul/Dowlad Goboleed iyo Degmo. Waxaa mudan xusid in afarta hab doorasho ay kala duwan yihiin oo gef weyn tahay in la isku dhafo ama la isku jacburiyo.

Mudnaanta Matalaadda hab beeledka 4.5

Kaddib markii lagu dhawaaqay inaysan suura gal aheyn doorasho xor ah, xaq ah ee ku saleysan “hal qof hal cod”, isla markaana la diiday in dib loogu noqdo habkii xulashada la dhalliilay ee 2012 oo keli u ahaayeen 135 oday dhaqameed, waxaa Shacabka Soomaaliyeed lagu mashquuliyay inuu talo ka bixiyo hab doorasho lagu soo xulanayo/dooranayo 275 xubnaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ka hor bisha Agoosto 2016. Afarta hab ee kor ku xusan waxaa saldhig u ah in la helo tiro codbixiyayaal ah (Electoral Causus), taaso macnaheedu yahay in xildhibaan kasta ee 2016 ay soo doortaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu u dhexeyso 100 iyo 184 codbixiyayaal.

Qodobbada la isku raacsan yahay ee Matalaadda habka Beelaha 4.5 mudnaanta ku leeyahay waxaa ka mid ah in lagu soo dhaqmayay ilaa 2000, loogana soo gudbay muranka la xiriiray kala badnaanshaha xag tiro iyo kala mudnaan awoodda siyasadda dalka, laguna dhisay dowlad qarameed. Habka matalaada 4.5 waa mid ka dhibaato yar marka la barbardhigo saddexda hab kale oo aan laheyn jaangooyo siyasadeed iyo mid maamul si looga hortago loolan iyo muran siyasadeed oo hor leh, isla markaana suura gal tahay in jufo hoosaadyo beelaha qaarkood iska dhex arki doonin BFS madaama wax qaybsiga heerka degmooyinka u baahan tahay qorshe qaran. Dhibaatada saddexda hab kale waxay ka imaaneysa in bulshada ay weli ku kala aragti duwan tahay, ku kalana qaybsan tahay fikirka haboon ee lagu mideyn karo siyaasadda iyo xukunka dalka.

Habka mataalada dimoqradiga ah ee 4.5 ee 2016 wuxuu fursad u siinaya beelaha iyo jufooyinka Soomaaliyeed inay soo doortaan (election) mudanayaashooda hab aad uga duwan habkii 2012. Afarta beelood ee kala ah Digil iyo Mirifle, Darood, Dir, iyo Hawiye, waxay beel kasta lahaaneysaa 61 xildhibaan, halka beesha shanaad ay yeeleneyso 31 xildhibaan.

Looxa (table) hoose waxaa ku qeexan tirada xildhibaan ee jufo kasta ee 4.5 beelood tartan loogu galayo.

Kala qaybsiga xildhihnannada shanta beelood dhexdooda waa arrin dhib badan laga soo maray, waxaana talo u taal jufooyinka beelaha inay is afgarad iyo wadajir ka yeeshaan. Si kastaba, waa in beel kasta dhexdeeda ka gaarto heshiis oo laga maarmo intii sura gal ah dhexdhexaadin iyo faragelin dibedda. Arrintaas waxay gogol xaar u tahay ku dhaqanka habka dimoqradi ah oo mudnaanta siinayaa wadajoodka iyo is afgaradka bulshada.

Muran kama jiro in qabiilku door weyn ka ciyaaro isbaheysiga iyo kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka jira. Soomaalidu waxay aad ugu faanta Soomaalinnimada, dhinace kale waxaa sugan in abtirsiga qabiilka uu yahay dhaqan qotodheer ee Soomaaliyeed, kaaso qofka siinaysaa sheegasho ka mid ahaansho bulsho la yaqaan (inclusivity) iyo rajo difaac ama hiilo (protection) uu ku helayo ka mid ahaanshahaas. Tilmaanta qabiil (clan identity) waxay jaranjaro u tahay dib u heshiisinta iyo sugidda nabadda Soomaalida dhexdeeda ah.

Oday dhaqameedyada beelaha waxay beelaha dhexdooda ku leeyihiin door muuqda, wxayna kaalin weyn ka qadaanayaan nabadda iyo wadajirka bulshada guud ahaan. Odayaal dhaqameedyada waa keydka xeerka iyo dhaqanka bulshada, waxay kartidooda iyo magacooda ku fuliyaan heshiisyada beelaha dhexmara. Inkastoo ay jiraan maamul goboleedyo iyo hay’ado dowladeed oo kale, odayaal dhaqameedyada waa ugurmadayaasha deg deg ah marka ay dhibaato iyo colaad beeleed kacdo, waxayna ku guuleystaan inta badan inay dejiyaan xiisadaha colaadeed oo xalliyaan khilaafaadka taagan.

75% ee Shacabka Soomaaliyeed waxay kalsooni ku qabaan hab dhaqameedka xallinta khilaafyada bulshada marka loo eego hay’adaha dowladda federaalka sababtoo ah xaalushka xad dhaafay iyo garsoor xumidda ka dhex jira hay’adaha dowladda. Sidaa darted, odayaal dhaqameedyada oo ku jiraan culumada iyo shakhsiyad magac leh waxay awoodan inay si mas’uuliyad ku jirto hogaamiyaan maamulka hannaanka doorashada 2016.

Inta aanan u gudbin sharraxaadda tilmaamaha fulineed ee doorasho 4.5 beeled ee dimoqradiga ah, waxaa muhiim ah inaan hoosta ka xariiqo qodobbo malo fikri ah, tallaabooyin loo baahan yahay in la meelmariyo ka hor doorashada 2016, iyo mabaadi’ guud ee hoogaaminaya doorashada 2016 si loo hagaajiyo xalaalnimda iyo hufnaanta natiijada doorashada.

Malo Fikri ah (Assumptions):

  1. In Jiritaanka iyo ku abtirsiga qabiil sabab u aheyn damiir la’aanta, kartidarrada, ku takrifalka awoodda qaranka, cadaalo darrada iyo fashilka qofka ma’suulka ah. Dhaqanka, Diinta, iyo Dastuurka waxay ku boorinayaan qofka iyo bulshadaba dhaqanka, anshaxa, iyo caqiidooyinka wanaagsan ee qofka aadamiga laga rabo.Xumaanta iyo wanaagga waa kala cad yihiin. Qofka ayaa loo tilmaamay kala doorashada labadaas.
  2. In Hadafka dhowrista sinnaanta awoodda tiro ka dhex jirta qaybaha bulshada soomaaliyeed ay leedahay ahmiyad weyn inta laga gaarayo doorasho ku saleysan hal qof hal cod oo dalka oo dhan ka wada dhacda.
  3. In baahi gaar ah loo qabo doorasho ka fog (ka nasdahan) musuqmaasuq, xatooyo, and wax isdabamarin. Doorasho la musuqmaasuqo waxay burburinaysaa isku kalsoonaanta (bond) bulshada dhexdeeda, waxayna horseed u noqoneysa colaad siyasadeed.
  4. In ilaha ugu waaweyn ee musuqmaasuqa yihiin hay’adaha dowladda dhexdeeda, iyo faragelinta muuqata ama aan muuqan ee shisheeyaha.
  5. In faragelinta dowladda federaalka, Maamul goboleedyada, guddiga doorashada, iyo beesha caalamka ay xoojinayaan kalsooni darrada bulshada iyo qiimo tirka natiijada habka doorasho.
  6. In ragga iyo haweenka ay si siman ah u matalayaan beelahadooda (Clan constituency).
  7. In fashalka dowladda federaalka ee la xiriira inay dalka ka taabbageliso doorasho ku saleysan hal qof iyo hal cod oo xor ah loona simman yahay ay sabab u noqotay in shacabka soomaaliyeed ka shakiyo dacadnimada iyo hufnaanta hoggaamiyaasha dalka.
  8. In xildhibaan kasta uu qiyaas ahaan matalayo ilaa 40,000 qofood oo ah muwaadiin Soomaali ah.

Tallaabooyin ay tahay in la meelmariyo ka hor doorashada 2016:

  1. In la dhammeystiro Dastuurka qabyada ah si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, karaamada, iyo midnimada Soomaaliya oo leh nidaam dowladeed oo sharci ah.
  2. In xildhibannada 2016 laga xaarantimeyo inay qabtaan xil aan aheyn kan matalaada bulshada soo dooratay si loo hagaajiyo kala qaybsanaanta awoodda mas’uuliyadda hay’adaha Dowladda iyo xaqiijinta ilaalinta awoodda barlamaanka ee ah kormeerka (oversight) howl fulinta xukuumadda iyo hay’adaheeda si looga hortago daneysi gaar ah iyo wax qabad la’aan.
  3. In la fuliyo tallaabooyin xididada loogu siibayo musuqmaasuqa, ku takrifalka awoodda dowladeed, iyo gaar u lahaanshaha idaacadda iyo telefishinka dowladda. Waa in la abaabulo Korjooge caalami ah (International Watchdog) oo ilaaliya wax ka qabashada nooc kasta ee musuqmaasuqa iyo xuquuqda muwaadiinta.
  4. In la dejiyo, lana ansixiyo xeerar iyo awaamir ku saabsan sinnaanta tartamayaasha doorashada 2016 u leeyihiin isticmaalka Idaacadaha iyo Telefishinka Dowladda iyo Hantida kale ee Qaranka.
  5. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada xilka haya laga reebo inay ka qayb galaan tartanka doorashada 2016 sababtoo ah eedaha musuqmaasuq iyo awood ku fakri falka loo aaneynayo ay xumeeyeen xiriirka beesha caalamka iyo Soomaaliya.

Mabaadi’da Habraaca Doorashada 4.5 beelaha 2016:

Ayadoo wax laga beddelayo mabaadi’ida habraaca ka soo baxay MWQ, doorashada habka 4.5 ee 2016 waxaa hoggamin doona mabaadi’da hoos ku qoran:

  1. Waa in xulashada habka doorashada 2016 ka taliyaan khubaro Soomaaliyeed oo aqoon fiican u leh cilmiga doorashada iyo siyaasadda iyo dhaqanka Soomaaliya, waana in laga ansixiyo wakiillo bulshada Soomaaliyeed ka haysta kalsooni, kana madaxbannaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Beesha Caalamka. Qaabka loo hirgeliyay Wadatashiga Qaran ma laheyn nuxur, wuxuuna aad uga fogaa ku dhaqanka hab wanaagga loo maro ka wadatashiga nidaam doorasho.
  2. Waa in Matalaadda shacbiga ee ka soo baxaysa Doorashada 2016 ay xoojineyso midnimada shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed, iyo horumarinta maslaxadda guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
  3. Waa in Habka Doorasho Beeleedka 4.5 lagu dabaqo mabaadi’da dimoqradiga ah sida ka qayb galka dadweynaha, daahfurnaanta, sinnaanta, iyo nidaam ku dhaqanka.
  4. Waa in Maamulka Doorasha-beeleedka 2016 loo daayo bulshooyinka/Jufooyinka (Constituencies) la matalayo, isla markaana ay mas’uul ka noqdaan xallinta khilaafaadkoodka. Codbixiyayaasha wakiilka ka ah beelaha la matalayo (constituencies) waxaa lagu xulaya hab ku saleysan dhaqanka bulshada iyo nidaam la isku waafaqay saddex bilood ka hor taarikhda rasmiga ah ee doorashada.
  5. Waa in la garwaaqsado in Matalaadda Beelaha la mid tahay matalaadda deegaan iyo jinsi. Dhinaca kale, Barlamaanka iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada ayaa daboolaya baahiyada la xiriira danaha gaarka u ah deegaanka hab waafaqsan nidaamka Federaalka qabyada ah.
  6. Waa in beel kasta dhexdeeda uga heshiiso qaab (mechanism) loo xalliyo khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhalan kara tartanka iyo maamulka doorashada. Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka waa inay ka fogaadaan inay ka hordhacaan ama garabmaraan habka khilaaf xallinta la xiriira doorashada ee beeluhu ku heshiiyaan.
  7. Waa in la tixgeliyo in BFS 2016 uu matalayo maamul goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyed ilaa 2020.

Tilmaamaha (Guidelines) fulinta doorashada ku saleysan hab beeleedka 4.5:

  1. Jufo kasta (Constituency) ee dooranaysa xubin BFS iyo ka badan waxay qabanaysaa shir guud oo ay ku dooranayso Guddiga Hoggaminta Doorashada (Electoral Leadership Committee) ee ka kooban 5 xubin, Xoghayn (Secretaries) oo ka kooban 3 xubin, iyo Xubno Talo Farsamo (Advisory body) ka kooban 5 xubin, oo dhammaan mas’uul ka noqonaya maamulka doorashada Jufada la matalayo (constituency). Hogganka, Xoghyanta, iyo Xubnaha Talo Farsamo waxay ka koobnaanayaan xubno aqoon fiican, waayo aragnimo leh, laguna yaqaan hufnaan iyo wanaag.
  2. Magacyada iyo Saxiixyada Guddiga Maamulka Doorasho Jufo waxaa loo gudbinaya Hay’adda Qaranka ee kor ka Ilaalinta Doorashada 2016 (National Electoral Monitoring Body) oo ka kooban Xubno Madaxbannaan ee Bulshada Soomaaliyeed iyo Xubno ka tirsan Ururrada Caalamiga ah ee Ilaaliya Doorashooyinka.
  3. Xubnaha Maamulka Doorashada Jufo waa inay raacaan kuna dhaqmaan dhaqanka iyo xikmadaha wanaagsan ee qofka mas’uulka laga rabo, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada 2016.
  4. La socosho iyo danta guud darted, Guddiga Maamulka Doorsahda Jufo waa inuu u gudbiya warar sax ah oo run ah kuna saabsan maamulka doorashada guddiga Qaranka ee kor ka ilaalinta iyo la socodka Doorashada 2016, Xafiisyada Madaxabannaan ee Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Bulshada Ra’yidka, iyo Warbaahinta.
  5. Jufo doorasho kasta waxay xulaneysaa goobta ku habboon in lagu qabto doorashada. Jufo doorasho kasta waxay ku dhawaaqi doontaa goobta codbixinta doorashada saddex bilood ka hor maaliinta doorashada.
  6. Kursi Kasta ee Jufo loo qoondeyay waa in loo tartama, lamana oggola in kursi xildhibaan la siiyo ama lagu magacaabo qof doorasho la’aan.
  7. Musharraxiinta kursi xildhibaan kasta waxay u dhexeynayaan 2 ilaa 5 qofood. Guddigga Maamulka Doorashada Jufada iyo wax garadka beesha ayaa go’aan ka gaarayaa kala reebidda musharraxiinta ka badan 5 qofood.
  8. Musharrax kasta waa inuu qabtaa shirar iyo kulammo uu la yeelanayo Jufada uu matalayo si uu ugu gudbiyo aragtidiisa siyasadeed isla markaana su’aalo lagu weydiiyo.
  9. Jufo kasta waxay halkii xildhibaan u xulaneysaa 200 codbixiyayaal oo laga soo kala xulayo qaybaha Jufada ka kooban tahay: dhaqanka 20, haweenka iyo dhallinyarada 80, culumada iyo aqoonyahannada 50, iyo siyaassinta iyo ganacsiga 50. Waxaa kaloo tirada ka mid ah dadka laxaadka la’. Maalin ka hor maalinta doorashada ayaa 100 codbixiye laga soo dooranaya hab qori tuur ah.
  • Musharraxiinta waxay fursad u leeyihiin inay naqdiyaan codbixiyayaasha la xulay bil ka hor doorashada haddii ay jiraan sababo xulasho xumo iyo musuqmaasuq. Guddiiga Maamulka Doorashada Jufo ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaraya naqdinta musharraxaha.
  • Codbixiyaasha doorashada waa la dhaarinaya ka hor inta aysan gudan codbixintooda waxaana lagu dhaarinaya inay codkooda ku bixiyaan si waafaqsan u adeegidda danta soomaaliyeed iyo danta jufada ay wakiilka ka yihiin oo aysan codkooda ku bixineyn dan shakhsi ah, xigtanimo, laalush, qof jecleysi, qof neceyb, iyo eex.
  • Codbixinta waxay ahaaneysaa qarsoodi, ay markhaati ka yihiin musharraxiinta ama wakiilladooda, warbaahinta, wakiillada bulshada ra’yidka ah, iyo goobjoogayaal kale.
  • Doorashada xildhibaan kasta waxay qaadaneysa saddex wareeg. Xildhibaanka waa inuu helaa tiro ka badan kala bar codbixiyayaasha 100ka ah si uu u guuleysto.
  • Warqadaha codbixinta waa la gubaya haddii aysan cabasho maamulxumo codbixinta ah natiijada guusha lagu dhawaaqay. Natiijada doorashada iyo macluumaadka la xiriira xildhibaanka guuleysatay waxaa loo gudbinaya warbaahinta, barlamaanka, iyo hay’adaha kale ee dowladda oo shaqada ku leh doorashada.
  • Doorashada 2016 waxay socon doonta hal usbuuc oo ka bilaabmaya maalinta sabti ee bisha Luulyo tahay 16ka tahay, waxayna dhammaaneysa maalitna khamiista ee bisha Luulyo tahay 21ka, 2016.
  • Guddiga Maamulka Doorashada Jufo ayaa wada saxiixaya warqadda doorashada Xildhibaanka guuleysta.
  • Xildhibaanka la doorto wuxuu luminaya kursigiisa haddii muddo hal sano gudihiisa ay soo baxaan xog burineysa shuruudaha xildhibaan noqoshada ee Dastuuriga ah ayadoo loo marayo nidaam maxkamadeed.
  • Jufo kasta waxaa laga rabaa inay doorato xildhibaankeeda waqtiga loo qabtay. Haddii kale, kursiga xildhibaan waxaa lagu wareejinaya Jufo kale ee beesha si qori tuur ah.
  • Guddiga Maamulka Doorashada Jufo waxaa lagu taakuleynaayaa 100,000 doolar halkii xildhibaan. Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka waxay bixinayaan ilaa 60,000 doolar, halka Jufada Doorashada ay bixineyso 40,000 doolar. Guddiga Maamulka Doorashada Jufo wuxuu diiwan gelinaya deeqda ka timid xubnaha beesha. Wixii lacag dheeri ah ee la bixiyo waxay u muuqanayaan laalush dhalin kara burrinta doorashada haddii aan horey looga heshiin.
  • Marka laga reebo qodobbo gaar ah, marka la beddelayo xildhibaan dhintay ama is casilay, Beelaha oo dhan waxay raacayaan hab isku mid ah ee kor ku xusan.

Waxaan halkaan hoose ku tilmaamaan shax kuraasta lagu tartamayo Jufooyinka beelaha 4.5 dhexdooda kuna saleysan tusaale laga soo qaatay Barlamaanka 2012.

Table: Kuraasta Xildhibaan ee lagu tartamayo

4.5 Clans Clan Constituencies as per 2012 parliament Number of Competitive Seat(s) Electoral Caucasus=100 voters per MP
1. Fifth Clan 1.     Bajun 1 100
2.     Benadiri(Ashraf, Reer Faqi, Bandhabow) 3 300
3.     Benadiri(Shanshi, Qalin Shube, Gamedle) 3 300
4.     Barawe Bida 1 100
5.     Carab Somali 1 100
6. Carab Mohamud Salah 3 300
7.     Garjante 1 100
8.     Jareer Weyne Shabelle Hoose (Hintire and Elay Jabay) 2 200
9.  Jareer Weyne Shabellada Dhexe (Shidle) 2 200
10.  Jareer Weyne Lower Jubba (Mushunguli) 1 100
11. Jareer Weyne Hiiraan ( Makenne iyo Reer Shabelle) 2 200
12. Reer Aw Xassan 2 200
13. Rutis-(Madhiban) 2 200
14. Rutis (Yaxar) 2 200
15. Rutis (Tumal) 1 100
16. Rutis- (Yibir) 1 100
17. Rutis- (M/Dheri) 1 100
18. Ujuuraan 2 200
2.     Dir Clan 1.  Isaq/Habar Jeclo 2 200
2.  Isaq/Habar Jeclo 2 200
3. Isaq/Habar Jeclo 2 200
4. Isaq/Habar Yonis 2 200
5.  Isaq/Habar Yonis 2 200
6.  Isaq/Habar Yonis 2 200
7.   Isaq/Habar Awal 2 200
8.   Isaq/Habar Awal 2 200
9.   Isaq/Habar Awal 2 200
10. Isaaq/Ciidagale 2 200
11.Isaaq/Ciidagale 2 200
12. Isaq/Carab 3 300
13. Isaq/Carab 2 200
14.Isaq/Toljecel 1 100
15.Gadabuursi (Maxamed Case) 3 300
16.Gadabuursi     (Makaahil) 3 300
17. Gadabuursi (Habar Arfaan) 3 300
18.Banjamal 1 100
19. Biyamal (Ismin) 2 200
20. Biyamal (Gaadsan) 2 200
21. Biymal (Sa’ad, Daado) 2 200
22. Biyamal (Adeer=Daadrube) 1 100
23. Ciise (Dalol) 3 300
24.Ciise(Habar Abgaal) 5 500
25. Surre (Abdalle) 3 300
26.Surre (Qubeys) 2 200
27. Reer Aw Said 1 100
28. Madaluug 1 100
29.Wardey 1 100
3.     Digil & Mirifle Clan 1.     Ashraf 2 200
2.     Bagedi 2 200
3.     Dabarre 3 300
4.     Disow 1 100
5.     Elay 3 300
6.     Emed 1 100
7.     Eyle 1 100
8.     Gababweyn 1 100
9.     Gare 3 300
10. Garwade 1 100
11. Gasare Gude 1 100
12. Geladi 2 200
13. Gelidle 3 300
14. Hadame 4 400
15. Haraaw/ 1 100
16. Heledi 1 100
17. Hubeer 2 200
18.Jiido 3 300
19.Jilible 2 200
20.Jiroon 2 200
21. Luway 3 300
22. Leysaan 3 300
23. Macallin Weyne 2 200
24. Qomaal 1 100
25. Reer Dumaal 1 100
26.Shanta Calemood 3 300
27. Tuni 3 300
28. Waanjel 1 100
29.Xaruub/Hariin 3 300
30.Yantaar 2 200
4.Darod Clan 1. Cosman Maxamud 2 200
2.Ciise Maxamud 2 200
3. Cumar Maxamud 2 200
4.Nuux Maxamud 1 100
1.    Cali Jabra’il 1 100
6.     Cali Salebaan 1 100
7.     Biciidyahan 1 100
8.     Ugaar Saleban 1 100
9.     Sawaaqroon 1 100
10.  Awrtable 3 300
11.  Dashishle 2 200
12.  Leelkase =Mudug= (Mohamed Mumin, Reer Fiqi Ismail, Mumin Adan) 3 300
13. Lelkase=Bari, Nugal=(Mohamed Ali, Reer Hassan) 2 200
14. Dhulbahante (Farah Garad) 3 300
15. Dhulbahante (Mohamud Garad) 3 300
16. Dhulbahante (Bah Nugal) 2 200
17. Warsangeli (omar) 3 300
18. Warsangeli (Dubeys) 2 200
19. Ogaaden (Bah Geri) 1 100
20. Ogaaden (Cawlyahan) 3 300
21. Ogaden (Maqaabul) 2 200
22. Ogaaden (Maxamed Suber) 3 300
23. Ogaden (Cabdalle/Talamuge) 1 100
24. Bartire 2 200
25. Mareexan (Reer Hassan) 2 200
26. Mareexan (Ur Midig) 1 100
27. Mareexan (Wagardhac, Talho, Hawrarsame) 3 300
28. Mareexan (Dini=Bah Hawiye, Bah Ogaden) 4 400
29. Mareexan (Cali Dhere, Rer Axmed, Fiqi Yacqub) 3 300
30.Mareexan (Celi) 1 100
5.HawiyeClan Abgaal (Wa’aysle) 3 300
2. Abgal (Wacbudhan) 3 300
3. Abgaal (Harti) 3 300
4. Abgaal Hilibe 1 100
5.Abgaal Wacdaan 1 100
6.Mobileen 1 100
7. Ujeeden 3 300
8. Wadalaan 1 100
9.     Sarur 3 300
10. Salebaan (Farax) 1 100
11.Saleeban(Dashame) 2 200
12.  Cayr 3 300
13.Sacad (Cabdalle) 1 100
14.Sacad (Cawareere) 2 200
15.  Silcis 1 100
16. Xawadle Dige Samatalis (Cise Dige) 4 400
17. Xawadle Dige Samatalis (Yabar Dige) 1 100
18. Xawadle Cabdalle Samatalis 1 100
19. Xawadle Yusuf Samatalis 1 100
20. Xawadle Reer Ugas/Adeeraha 1 100
21. Baadi Cadde 3 300
22.  Gal Jecel 5 500
23.Jidle 1 100
24.  Jajelo 1 100
25.  Duduble (Mohamed Amal, Maqalsame) 2 200
26.  Duduble (Arse, Habar Awraden) 2 200
27.Murusade-Sabti 3 300
28.Murusade-Fol Ulus 4 400
29. Shiiqaal 3 300

Soomaaliya waxay aad uga welwelsan tahay mustaqbalkeeda. Musuqmaasuqa iyo maamulxumidda doorashada 2016 waxay uga dareysaa xaaladdaas. Doorashada dimoqradiga ah ee 4.5 beelaha Soomaaliyeed waxay ugu horreyn taraysa inaan looga darin xaalka welwelka leh ee hadda lagu jiro.

W/Q: Maxamud M Culusow

mohamuduluso@gmail.com