Xog: Mooshinka Kheyre oo khilaaf ka dhex abuuray labada aqal ee baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Golayaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya Mooshin laga wado Xukuumada Somalia, oo dhawaan la horkeeni doono baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Federaalka, oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka digaayo Khilaaf uu Mooshinka socdo ka dhex abuuro Golayaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Xildhibaanka ayaa Khilaafka ku micneeyay in labada Gole ay ku kala jabeen Mooshinka kadib markii Golaha Aqalka Sare uu difaacay Xukuumada uu Hogaamiyo Xasan Kheyre.

Xildhibaan Dalxa waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay wadaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada, halka Xildhibaanada Aqalka Sare ay difaacayaan Xukuumada Mooshinka laga geeyay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay warar la xiriira guux siyaasadeed oo ka dhex aloosan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ku aadan arrimaha Xukuumadda.

Docda kale, Khilaafkani ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanada labada Aqal ay noqdeen kuwo gooni u goosat ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com