25.6 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Shirka u dhaxeeyo Xaaf iyo Xildhibanada Federaalka oo ka bilowday Cadaado iyo xog ku saabsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhiibano ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo saacad ka hor gaaray Magaalada Cadaado ayaa hadda kulan albaabada u xiran yahay la leh Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaallle Gelle Xaaf.

Xildhibaanada shirka la leh xaaf ayaa waxaa kamid ah:

  • Xildhibaan Mahad salaad
  • Xildhibaan Zakariye
  • Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
  • Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare
  • Xildhibaan Xasan Macalin
  • Abshir Bukhaari
  • General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
  • Senetor Jawaahir
  • Xildhibaan Maryan
  • Xildhibaan Cabdicasiis

Xildhibaanadan ayaa waxaa hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari,  ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si ay u xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug iyagoo kulamo la qaadan doono dhinacyada is khilaafsan.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Fiqi ayaa barahooda Facebook ku soo qoray inay Cadaado u aadeen xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug, isla markaasna waxay dhawr jeer ka dhigeyn in la joojiyo faragelinta ay dowladda ku heyso Maamulka Galmudug.

Safarka Xildhibaanada ayaa imaaday kadib markii 17 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug inkastoo uusan waraaqdaan waxba kala socon Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Kulankaan ayaa la filayaa ina saacadaha soo socdo laga soo saaro war murtiyeed iyo go’aanka tobankaan Xildhibaan ee ku aadan kiiska Galmudug.

Sidoo kale waxay kulamo la qaadan doonaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyaga ku doodayo inay Xabsi Guri ku yihiin Cadaado.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online

- Advertisement -

Read more

Local News