Sacuudiga oo qiimo yaab leh ku xaraashay qunsuliyadii lagu gowracay Khashoggi

Istanbul (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa iska iibisay dhismaha qunsuliyadeedii ku taalay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga taasoo Sanadkii hore lagu dhex dilay Wariyihii dalkaas u dhashay ee Jamal Khashoggi sida uu sheegay TV laga leeyahay dalka Turkiga.

Haberturk TV ayaa sheegay Talaadadii in Dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga oo ku yaalay Xaafadda Levent  ee Magaalada Istanbul lagu iibiyey 45 maalin ka hor, 3 meelood hal meel qiimihii markii hore laga bixiyey.

TV-ga ayaa sheegay in Sacuudiga dhismo cusub ka iibsatay Xaafadda Sariyer  ee Magaalada Istanbul halkaas oo noqon doonto qunsuliyadda cusub ee Sacuudiga, waxayna daris la noqon doontaa midda Mareykanka oo halkaas ku taalo.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo la hadlay Middle East Eye  ayaa sheegay inaysan weli helin macluumaadka ku saabsan inay Sacuudiga iska iibisay Dhismaha qunsuliyaddii istanbul ee lagu dhex dilay Jamal Khashoggi.

Dowladda Sacuudiga ayaa lagama maarmaan ah inay fasax uga hesho iibinta dhulkaas Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, waxaana la aaminsan yahay sababta ay uga guureyso inay tahay sababo dhanka Amniga ah.

Saraakiil ka socotay Sacuudiga oo tagay Turkiga wax yar kadib dilkii Jamal ayaa warbixin farsamo oo ay soo saareen ku sheegay in aysan soo saari karin boorsooyinka ku jira Qunsuliyadda loona baahan yahay guri cusub.

Dowladda Sacuudiga ilaa hadda wax qunsul ah uma joogo Istanbul tan iyo dilkii jamal, balse waxay Safaaradda bixisaa adeegyada dal ku galka oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
caasimada@live.com