DF oo war cusub ka soo saartay badqabka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaankaan ay ku xaqiijineyso bad-qabka tallaalka cusub ee Coronavirus, kaas oo dhawaan la keenay Soomaaliya, waxayna wasaaraddu beenisay warbixino ay ku tilmaantay been abuur, kuwaas oo halis caafimaad ka muujinayey tallaalkaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in hey’adda caafimaadka Yurub ay todobaadkii hore dabagal iyo xaqiijin ku bilaawday tallaalka Oxford/Astrazeneca, maadaama laga baahiyey warar abuuray halis cusub oo caafimaad, taas oo qaar ka mid ah dalka caalamka ku kaliftay inay dadkooda ka hakiyaan qaadashada tallaalkaas.

Dabagalkii ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Yurub ((MA) iyo Hay’adda Caafimadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda kale oo caafimaadka ka shaqeeya ayaa xaqiijiyeen waxtarka tallaalka Oxford/Astraeneca, waxaana la xaqiijiyay in uu ka madax-banaan yahay wax khatar ah, waxayna u fasaxeen dawladihii hakiyay inay dadkoodu qaadan karaan, waxaana ku dhaqaaqay istimaalka tallaalkan hadda ku dhaqaaqay dalal badan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Khibradda aan u leenahay ka hortaga cudurada looga hortagi karo tallaalka iyo baaritaanada aan ku sameynay dhammaan macluumaadka la xiriira Tallaalka Covid-19, ayaan nafareysa in aan ku kalsoonaano Tallaalka OXFORD/ASTRAHNECA, si uu uga qeyb qaato dabar-goynta cudurka Covid-19.”

Ugu dambeyntii qoraalka wadaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxay umadda Soomaaliyeed la wadaageysa in ay wararka iyo talooyinka caafimaad ka qaataan Wasaardda Caafimaadka, Hay’adda Caafimaadka Aduunka iyo soojeedinta khubarada caafimaadaka ku xeel dheer. Tallaalka COVID-19, wuxuu qeyb wayn ka qaadanayaa ka badbaadinta dadkeena cudurkaan halista badan ee aad ugu faafay Adduunka.”