Fal-celin xooggan oo ka dhalatay xiisadda NISA iyo Hormuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xiisadda ka dhex aloosan Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud, taasi oo salka ku haysa dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa hay’adda NISA ku eedeysay ku tagri-fal awoodeed iyo weerar ka dhan ah, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Hormuud ayaa sheegtay in aysan bixinayn xogta macaamiisha oo ay u aragto sharci darro, halka NISA ay sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso;

Xasan Cusmaan Diiriye: “Dadka sharciga ayaa wada deeqa wax walbana isagaa saxaya ee haloo wada hogaansamo.”

Cabdishakuur Wehliye ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa nasiib daro aad u weyn in maanta shirkadihii dalka weerar lagu qaado.”

“Waxaa la qarinayo waxyar maahan Hormuud hadaa sidii loo baahnaa loo wajahay,” ayuu yiri Maxamed Goodame oo ka fal-celiyay xiisadda ka dhex tafan NISA iyo Hormuud.

Mukhtaar Maxamed Cali: “Hormuud Telecom shacabka Soomaliyeed ee aad u shaqaysaan ayaa garabkiina tagan cidna caga juglayn iyo handaad waxba la idiinka qaadi maayo.”

“Dhibka Al-Shabaab idiin gaysato kama hadli kartaan kanna waad ka hadlaysaan sow maahan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Beddal.

Cabdiqaadir Maxamed Cadde: “Hay’adda Nabad-sugida Qaranka waa in ay raali galin ka bixisaa arrinkaan.”

Khaliif Aadan: “Sharciga dalka ilaaliya amarka hay’adaha ammaankana u hogaansama dalkaan intii aad kusoo baashaali karteen waa soo qaadateene.”

Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa xad-gudub aad u wayn oo lagula kacay Shirkada Hormuud.”

“Hormuud in toosh laga daba qaato waa hore ayaan ubaahneyn hey’adaha amniga ha guuleystaan,” ayuu yiri Galad Garaad.

Mursal ayaa isna waxa uu yiri “Ilaaliya xogta macaamiisha sidoo kalana la shaqeeya hey’adaha amniga Qaranka masuulka ka ah. Mahadsanidiin.”

Abas Cabdullaahi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xogta macaamiisha waxaa ka muhiimsan bad-qabka bulshada waana in shirkadu u hogaansantaa amar kasta oo amniga dalka lagu xaqeejinaayo.”

“Amnia waa muhiim dadka la daba socdo sifaha sharciga ah ee maxkamad jideeysan lagu daba socdo u fasaxa, wixii kale waa qalad aan ku jirin xeyndaabka sharciga. Amniga waa muhiim,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed.