Imaaraadka oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyey gargaar caafimaad + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde.

Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO.

Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland.

Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis.