Muxuu yahay ajendaha kulanka berri la isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulan wadajir ah, sida lagu ogeysiiyey fariimo loo diray xildhibaanada oo lala wadaagay ajendaha.

Kulanka baarlamaanka ayaa Talaadada berri akhrinta 2-aad lagu marsiinayaa ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka oo horay ay u meel marisay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Berri oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha Kulanka Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022,” ayaa lagu yiri fariintaan oo loo diray xubnaha golaha shacabka.

Sidoo kale senatorrada Aqalka Sare ayaa loo diray fariin ah “Dhammaan Senatorada Aqalka waxaa lagu wargelinayaa in maalinta berrito Juun 28, 2022 uu jiro kulan Wadajir ee Labada Aqal ee BFS, Ajendaha, Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.”

Kulankaan wadajirka ah ayaa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa oo hadda ay ku shaqeeyaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labada Aqal ayaa markii ay akhrinta ku dhameeyaan miisaaniyadda waxay u qaadayaan cod, waxayna miisaaniyadda sanadkaan oo gaareysa $918,666,761 ay noqoneysaa, tii ugu badneyd burburkii kadib oo xukuumadda Soomaaliya ay hor keento baarlamaanka.