25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DF oo si lama filaan ah mucaaradka ula xiriirisay go’aanka ka dhanka ah Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ka ceyrisay safiirka Kenya ee Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay xukuumadda Nairobi faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meesha looga soo duulo Soomaaliya, isla markaana laga soo abaabulo qorshayaasha ka dhanka ah dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in Nairobi ay tahay goobta lagu bur-buriyo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya, iyada oo laga waarido rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inaysan xukuumaddu ku deg-degin go’aanka Kenya, balse dowladda Kenya ay tallaabadaan oo kale qaaday 16-kii Bishii febaraayo sanadkii 2019-kii, hase yeeshe xukuumadda Farmaajo ay markasta muujineysay biseyl siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta mucaaridku shirar ku yeeshen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo markii dambena isugu yimid magaalada Muqdisho oo ay ku qaadaceen guddiyada doorashooyinka.

Mucaaridka ayaa inta badan kulamo iyo shirar ku qabsada dalka Kenya, inkasta oo maalmihii u dambeeyay ay u soo wareegen caasimada Soomaaliye ee Muqdisho, halkaasi oo ay kaga arinsanayeen xaalada cakiran ee dalka.

Midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo shalay war-saxaafadeed ayaa waxay walaac ka muujiyeen isku-dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Xog cusub oo laga helay dagaalkii ay shacabka ku laayeen Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn ee hoos taga gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa wareysi ku sheegay in dadka shacabka ah ee dagan deegaankaas ay la dagaalameen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha oo la hadlayay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dagaalyahanada ay banaanka magaalada ka qaateen gaadiidka ay soo bandhigeen, sidoo kalana ay dhaceen dhimashooyin iyo dhaawac, hase ahaatee ay si xun kaga adkaadeen.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney ka qabsadeen tiro qoryo ah iyo gawaari dagaal, sidoo kalana ay jab xun gaarsiiyeen dagaalyahanada uu ugu yeeray maleeshiyaad, wuxuuna qiray in saraakiisha iyo ciidamada dowladda ay soo gaareen iyadoo dagaalka lagu kala baxay.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa galay dadka shacabka, Ciidanka & saraakiishu waxa ay nasoo gaareen markii dagaalka uu dhacay kadib, dadka rayidka ah waxey go’aan ku gaareen sidii ay ka yeeli lahaayeen dadka dhiiggooda baneystay,” ayuu yiri gudoomiye Axmed.

Al-Shabaab waxey soo bandhigeen tiro gaadiid ah oo ay sheegeen iney qabsadeen, balse ma inkirin gudoomiyaha wuxuu sheegay iney duleedka deegaanka ka kaxeysteen.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maal ah, Gaadiidkaas wuu jiraa in ay wateen, meel ka baxsan Magaalada ayay si kedis ah ugu qaateen.”

Dhanka kale dowladda Federaalka ayaa bogaadisay shacabka deegaanka Bacaadweyn iyagoo sheegay iney garab siiyeen ciidamada dowladda oo khasaare gaarsiiyay dagaalyahanada Al-Shabaab walow wareysiga gudoomiyaha uu ku sheegay in saraakiisha iyo ciidankaba ay soo gaareen mar lagu kala baxay dagaalka.

Xog: Sababta ka dambeysa inaysan 17 maalin kulmin xildhibaanada BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan wax kulan ah yelan 17-kii cisho ee ugu dambeeyay, iyadoo dalka uu marayo waqtigii kala guurka.

Sida la xasuusto xildhibaanada waxey cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xukuumadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble 24-kii October 2020, iyadoo fadhigaas uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sheegay ineysan jirin wakhti ay fasax dheer ku qaataan.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney soo afjari doonaan kalfadhiga 7-aad, sidaas darteedna ay si dhaqso leh ku furi doonaan kalfadhiga 8-aad. 26-kii Oktoobar ayuu gudoomiyaha ka dhawaajiyay inuu furmay kalfadhigii 8-aad iyadoo loo baahan yahay iney dhameystiraan hawlo badan oo horyaalla maadaama aysan isku dhigmin wakhtiga u haray iyo waxyaabaha laga doonayo.

Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada ku wargaliyay iney isbuucii saddex maalmood kulmi doonaan si oo dar-dargaliyo hawlaha horyaalla baalarmaanka muddo xileedkiisa sii dhamaanayo.

Haddaba maxaa qabsaday wixii ka dambeeyay bartamahii November?

Wixii ka dambeeyay 16-kii November waxaa gaabis ku yimid kulamadii xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan laanta xeer dajinta, ma qabsoomin wax fadhi guud ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxey ku milmeen ololaha doorashada iyo xiisadaha ka jira dalka iyagoo u kala qeybsamay qaanadaha doorarka iska soo kala horjeeda, waxeyna qudhooda ku jiraan xusul-duub ku saabsan sidii ay kuraastooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Maalmahii dambe waxaa socday shirar u qabsoomay musharaxiinta mucaaradka, guddiga doorashooyinka uu muranka ku jiro oo hawlahooda iska wata, tabashada iyo cabsida laga qabo boob ku yimaada kuraasta waqooyi iyo kuwa banaadiriga oo wali jirta, waxaana jirta xiisad guud oo ay xildhibaanada golaha shacabka ku lug leeyahiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal & ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudey waxey 23-ka November 2020 ka qeybgaleen shirkii u socday musharaxiinta mucaaradka tiiyoo ay jirto iney kulamo gooni-gooni ah musharaxiinta kula yeesheen goobo kala gaddisan.

Waxaa la fahamsan yahay in ololaha doorashada ee jira ay saameyn ku yeelatay qabsoomidda kulamada u haray golaha shacabka.

Wiil hooyadiis iyo walaalkiis ku dilay Muqdisho kadibna isaga la dilay (Faahfaahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo aad u murugo badan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil lagu magacaabo Cabsiiye Caddaan uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd si xun u dilay, isla markaana dhaawacay walaalkiis la dhashay iyo wiil kale oo qaraabo ahaayeen.

Cabsiiye ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey kuna dhaawacay walaalkiis iyo wiilka kale ee qaraabada yihiin, kadib markii ay ku murmeen dhaxal dhul oo uu doonayay Cabsiiye in la iibiyo.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Dhaawac soo gaaray kadib ayaa loola cararay isbitaal Keysaney hase ahaatee saacad kadib ayuu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in marxuumka dilay hooyadiis uu ahaa qof maandooriyeysnaa oo balwadaha maskaxda dooriya isticmaalay xiligaasi.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayay guud ahaan dalka Somalia.

Maxay ka wada-hadleen Cosoble iyo safiirka Britain?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dalkeena Soomaaliya, Amb Ben Fender.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Mushurrax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulanka uula yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey inuu ahaa mid ah mid ah oo mira dhal ku soo dhammaaday.

“Waxaan kulan muhiim iyo mira dhal ah wada qaadanay Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somaliya Ben Fender kaas oo aan isla soo qaadnay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda guud ee Wadankeena Somaliya uu hadda ku suganyahay, si gaar ah Arimaha doorashada ee la filayo dhawaan in dalka ay ka qabsoonto taas oo aragtiyo isku mid ah aan ka qabnay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda adag ee weli ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa, si ay u dhacdo doorasho or iyo xalaal ah.

Dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si weyn ugu kala aragti duwan hannaanka loo wajahayo doorashada oo muran oogan uu ka taagan yahay.

Khilaafka baarlamaanka Puntland oo meel sare gaaray iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo qaarkood taageersan guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo kuwa kale oo ka soo horjeeda gudoomiyaha.

Xildhibaanada labada garab ayaa sidoo kale saacadihii u dambeeyey kulamo iska horjeeda ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiyaha ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Sidoo kale xildhibaanada taageersan guddoomiyaha ayaa kulamo iyana ku yeeshay Garoowe, kuwaas oo looga hadlayey khilaafka ka dhex aloolsan baarlamaanka Puntland.

Waxaa sidoo kale socda qorshe uu guddoomiyaha wado, islamarkaana ku doonayo in xasaanada lagala laabto illaa sideed ildhibaan mucaarad ah, kuwaas oo kala ah:-Xil.Saleebaan Faarax, Xil.Maxamuud Maxamed Barre, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xil.Cabdi Jamaal Cismaan, Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato ,Xil.General Baduugaaye iyo Xil.Muuse Jajabsay.

Xiisada siyaasadeed ee Garoowe ayaa sii xoogeysaneyso, waxaana saaka ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka u dhow xarunta golaha wakiilada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii uu buuq iyo fowdo uu ku soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland, kaas oo gabi ahaantiisba lagu kala kacay

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka amba-baxaya magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo Afrax ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi,

Sidoo kale ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaaladaas oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sidii uu qeyb uga noqon lahaa xoojinta hawlaha dib u heshiisiineed ee maamulka cusub ee HirShabeelle, si gaar ah xiisada ka dhalatay doorashadii lagu qabtay Jowhar ee ka taagan halkaasi.

Wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in dhowaan uu safar ku tago magaaladaasi, madaxweynaha cusub ee HirShabelle, Cali Guudlaawe, walow ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaasi oo ay is weyn uga soo horjeedaan maleeshiyaad ku sugan deegaanka Ceelgaal oo hoostaga magaaladaasi Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Mahad Salaad oo weerar xun ku qaaday Dubbe kadib hadalkii maanta kasoo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka fal-celiyey jirkii jaraa’id ee maanta uu Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo sheegay in Nairobi qalqal gelin amni iyo mid qaranimo ay ku heyso Soomaaliya.

Mahad Salaad oo qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “Dubbe Farmaajo isgaa waalan” ayaa Wasiir Dubbe waxa uu su’aalay “Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?”

Sidoo kale Mahad ayaa soo qaatay sirka intii aan la dooran madaxweyne Farmaajo isaga iyo musharaxiin kale oo ku sugan magaalada Nairobi. Isagoo qormadiisa aad ugu dhaleeceeyey wasiir Dubbe oo uu sheegay in aysan ka muuqan qaan gaarnimo siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad

DUBBE FARMAAJO ISAGAA WAALAN!

Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe maalin dhawayd waxaan daawaday isagoo ku masalaya “ISLAAN WAALAN” siyaasiin ay isku hayb yihiin, sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Wasiir hore Maareeye, Ra’iisul Wasaare ku xigeen hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo kuwa kale. Maantana shirkiisii jaraa’id wuxuu ku sheegay “In 10 musharax Nairobi ka soo baxaan ee Xamar yimaadaan waa qalad, doorashana maahan ee waa khalkhal gelin amniga dalka”. Wasiir Dubbe waxaan su’aalay: Nairobi-dii 2016 maxay uga duwantahay Nairobi-da 2020?!

Inkastoo Wasiir Dubbe uusan ahayn qaangaar-siyaasadeed marka loo fiirsado nuxurka hadalkiisa iyo marxaladaan kala guurka ah ee dalku marayo, hadana waxaan xasuusinayaa in Farmaajo  iyo musharaxiin badan oo sawirkaan idinkaga muuqada 2016-kii ololahooda doorashada ka soo bilaabeen Nairobi. Hotel Jazeera oo qiblo u ahayd mucaaradkii xiligaas Xasan Sheekh ka soo horjeedayna ay degaan u ahayd Fahad iyo Farmaajo iyo musharaxiin kaloo badan. Lacagta Fahad Qadar ka keenayna lagu qaybin jiray. Maalin gelinkeedna aan la dhihin xageed ka timaadeen iyo xagee u socotaan!

Lkn markaan dhuuxay magaca Dubbe aniga ayaa kaligey isqanciyay. Magaca “Dubbe” Soomaalidu waxay u taqaanaa BURRIS, waana bir kuusan oo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu tumayo ama farsamaynayo!

Inta badan magaca ama naynaasta qofka Soomaaliga ah loogu yeero waxay ka tarjumaan habdhaqanka iyo dabeecadda shaqsiyadeed ama shaqo ee qofkaas. Marka shaqada Dubbe Farmaajo u hayo intaas ayaan ku soo koobayaa yaanan sii badinne!

Hon. Mahad Salad

Midowga Yurub oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Abiy kadib dagaalkii Tigray-ga

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ka fiirsanaya inay joojiyaan taageerada miisaaniyadeed ee ay siin jireen xukuumadda Itoobiya ee Abiy Ahmed, sababo la xiriira xiisada Tigreyga ee dagaalka isku rogtay, oo toddobaadyadii u dambeeyay ka socotay waqooyiga dalkaas.

Midowga Yurub ayaa waxa uu hore taageero ahaan u siin jiray dowladda Itoobiya dhaqaale dhan 815-milyan oo euro, midaasi oo u dhiganta 975 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo lagu shubi jiray qasnada dowladda.

Sida ay baahisay wakaalada Bloomberg, mas’uuliyiinta Midowga Yurub oo kulmaya bishaan gudaheeda ayaa ka fiirsanaya sida ay ka yeelayaan lacagtaasi oo dabayaaqada sanadkan lagu wareejin lahaa xukuumadda Abiy Ahmed.

Mas’uuliyiinta midowga yurub ayaa lagu wadaa inay hakiyaan taageerada lacageed ee malaayiinta dollar, ka gadaal saameynta balaaran ee ka dhalatay howl-galka millateri ee uu Abiy Ahmed ku qaaday gobolka Tigreyga.

Arrinta u weyn ee Midowga Yurub uu u sababeyn doono joojinta taageerada Itoobiya ayaa lagu sheegay “saameynta rabshadaha Itoobiya ka socda ay ku yeesheen ilaalinta xuquuqda aadanaha”, kadib dagaalka dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa muddo ka dhago adeygaysa joojinta dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi, kaasi oo barakaciyey kumanaan dad ah oo ku noola gobolka Tigreyga, halka ay ku dhinteen boqolaal kale.

47 ka mid ah xildhibaanada DIR oo soo saaray go’aan ka dhan ah Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sarre, Cabdi Xaashi oo muddooyinkii dambe ku doodayey inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga metelaya goboladaasi.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi aahnba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal, isla markaana kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa gobollada Waqooyi ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wada-tashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda goboladaasi.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, ikasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi iyo hab-raacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxa war-saxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meel-mariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi dariiq ay usii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka ee lagu heshiiyey.

Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi ayaa muddooyinkii dambe isasoo tarayay, iyada oo ay u muuqato inay ku adkaatay xukuumadda, maadama ay dhabarka u jeediyeen Cabdi Xaashi tiradii u badneyd ee labada gole ku matelaysay gobolada Waqooyi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yusuf Garad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xilkan ayaa waxaa banneeyay la-taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo, Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda.

Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Danjire Yuusuf in u xilsaaray inuu sii amba-qaado doorka dalkeenu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wada-jirka ah ee heer Gobol.

Farmaajo ayaa u igmaday Danjiraha cusub inuu xooga saaro wax wada qabsiga, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Sidoo kale waxa wareegtada madaxweynaha lagu sheegay inuu Danjiruhu yahay xeeldheere diblumaasiyadeed, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa Danjiraha u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus, isaga oo kula dar-daarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Idiris oo hab muran dhaliyay uga hadlay loolanka Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo muddooyinkii ugu dambeeyay u muuqday shaqsi ku milmaya siyaasadda, aadna u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka.

Sheekha, oo dadka kasoo horjeeda dowladda dhexe ay ku eedeeyaan inuu qaab qabiil ah ula safan yahay madaxweynaha, ayaa qaab muran dhalisay uga hadlay arrimaha siyaasadda ee hadda xasaasiga mareysa.

Waxa uu barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay qoraal uu qaabkiisa ku saleeyay kubadda cagta kana dhigay in labada kooxood ay qaab ciyaar ah isku wajaheen, wuxuuna guusha siiyay dowladda dhexe isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya.

Labada kooxood uu ka hadlaayo wuxuu ugu magac daray kooxda (Jaziira) oo uu kala jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo koox uu ugu magac daray (Villa) oo uu kala jeedo dowladda dhexe.

Sheekh Maxamed Idiris wuxuu qoraalkiisa kusoo koobay in siyaasiyiinta Mucaaradka looga adkaaday wixii dhacay maadaama ay dowlad shisheeye dharkeeda soo xirteen, waana mid ka mid ah qoraalada aadka loog ahadal haayo baraha bulshada maanta.

Halkaan ka akhriso qoraalka Sheikh Maxamed Idris:

shacabka soomaaliyeed wuxuu daawanayaa ciyaarta tartanka (doorashada dadban) ee koobka soomaaliya 2020/21.

Maadaama aanu cod iyo ra’yi ku lahayn. Ciyaarta qaybteedii hore kooxda (jaziira) ayaa weerarka u badnayd oo dhawr goor shabaqa (villa) sigtay, laakiin kooxda (villa) ayaa difaac adag xiratay oo weeraradaas wiiqay.

Ciyaartii shalay galab ayaa ahayd mid kala bax ah oo la xiisaynayey, hayeeshee taktiiga ciyaarta iyo natiijadeeduba wexey noqotay lama filaan!

Kooxda (jaziira) ayaa garoonka ku soo gashay finaanado calanka kenya ku sawiranyahay! halka kooxda (villa) ku lebbisnayd finaanadda calanka buluugaa ee soomaaliya! Malaha tababaraha kooxda (Jaziira) kuma baraarugin in garoonka ciyaartu yahay soomaaliya, shacabka daawanayaana yihiin soomaali soocan, taasoo fursad lama filaana siisay kooxda (villa).

Sidaa awgeed ayaa natiijadii noqotay (5 iyo 0) lagu garaacay shabaqa kooxda (Jaziira) oo ay qaar iyagu si qalad ah isaga dhaliyeen! Ciyaartoyda (Jaziira) waxaa ka muuqdey koox aan ciyaarta isla haysan! halka kooxda (villa) ay mintideysey, gaar ahaan No. 9 iyo 10 oo weerar qorshaysan ciyaaray. Waxaan sugnaaba waa ciyaaraha fiinaalka inshallah.

DF Soomaaliya oo sheegtay sababta ay Kenya ugu aragto cadow, Itoobiyana saaxiib

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta SoomaaliyaCismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u faah-faahiyay sababta ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u kala dooratay dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya, oo mid ay ugu aragto cadow, midna saaxiib.

Wasiirka wuxuu xukuumadda Nairobi ku eedeeyay iney xad-gudub cad sameysay arrimaha gudaha Soomaaliya, wuxuuna si mid mid ah u dul istaagay eedda ay u hayaan dowladda Kenya.

Waxyaabaha ugu horreeya ee lagu eedeeyay Kenya waxaa ka mid ah, sida uu wasiirka sheegay, iney safarada ku dhibto shacabka Soomaaliyeed sidoo kalana aysan Kenya dhawrin darisnimada iyo madax bannaanida.

Wasiir Dubbe wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in Kenya ay marti-galiso dad uu ugu yeeray iney dhib ku yahiin dowladda Soomaaliya, taasina uu ku sheegay iney tahay wax dhinac marsan darisnimada.

Dhanka kale mar su’aal laga weydiiyay waxa wanaajiyay xiriirka Itoobiya, islamarkaana xumeeyay kan Kenya, wuxuu wasiirka sheegay in farqiga labada dal u dhaxeeya ay tahay in Itoobiya aysan ku lug laheyn siyaasadda Soomaaliya, halka Kenya ay waddo qaab dadban oo ay kusoo faragalineyso arrimaha jira.

Dhanka ganacsiga ayuu taabtay isagoo sheegay in Kenya ay diiday inay ka faa’iideysato wax soo saarka Soomaaliya, balse kaliya ay dooneyso iney iyadu dhaqaale ka sameyso, waana sababta ay dowladda u qaadatay go’aanka ka dhanka ah xukuumadda Nairobi.

Ugu dambeyntii wasiirka wuxuu Kenya ku eedeeyay iney ka baxeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, wuxuuna muujiyay iney taasi qeyb ka tahay waxyaabaha ugu weyn ee keenay inuu xumaado xiriirka labada dal.

Qormo: CALI COSOBLE oo farriin culus u diray Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qormo dheer ka qoray xaaladda maamulka HirShabelle ayaa talo muhiim ah u diray beesha uu ka soo jeeda ee Xawaadle & guud ahaan reer Beledweyne.

Talo ku socota tolkey Xawaadle

Runtii maanan jecleyn inaan Facebook idinkala soo hadlo, balse sida keliya ee aan hadalkeyga idinku soo gaarsiin karo dal iyo dibad ayaa sidan ah.

Walaalayaal,

waxaad muujiseen ineydaan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka asalka ah ee Hirshabeelle, cabashadiinana cid walba wey gaartay, Soomaalina wexey maanta marqaati ka tahay inaan Baladweyne laga sameyn karin wax eydaan oggoleyn.

Balse waxa iga hadalsiinaya ayaa ah ineydaan ceeboobin.

Inta aanan hoos ugu daadegin ujeeddada qoraalkeyga waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo qiso dhab ah oo dhacday oo uu Hawiye ku ceeboobay sannadkii 1991, markii la riday dowladdii Kacaanka, Jabhaddii USC-na ay la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho.

Allah u naxariistee adeerkey Xuseen Kulmiye Afrax ayaa mar uu M S Barre maalmo ka sii maqan yahay Muqdisho soo raadiyay odayaashii hoggaanka u hayay jabhadda oo ku shiri jiray Hotel Towfiiq. Markuu soo galay halkii ay ku shirayeen ayey osayaashii istaageen oo marxabbeeyeen odey Kulmiye ayagoo weliba si muxubbo leh u gacan qaadaya. Kursi ayaa markiiba lagu soo dhaweeyay, balse asagoo weli taagan ayuu odayaashii ku yiri “ma i taqaanaan”, dabcan wuu ogaa iney yaqaanaan balse ujeedduu ka lahaa. Wexey ugu jawaabwen “haa, waxaad tahay Xuseen Kulmiye, madaxweyne ku xigeenkii dalka. Wuxuu ku yiri adinka USC ah muxuu ahaa muraadkiina? Wexey ku jawaabeen inaan regime kii Barre xukunka ka ridno, dowlad dimuqradi ahna dhisanno. Markaa ayuu ku yiri ma waxaad moog tihiin inaan M S Barre iyo aniga afgembiga wada saneynay 21 Octobar 1969kii? Mase waxaad moog tihiin inaan 21kii sano wada soconnay oo aan madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka? Markaasey ku jawaabeen “waa runtaa”. Wuxuu ugu dambeyntii ku yiri “ inuu Maxamed Siyaad Xamar ka tago, aniga oo saaxiibkii ahaa, ku xigeenkiisii ahaa, 21kii sanana la socday aanan Xamar ka bixin oo aan weliba aniga idiin imaado dowladnimo kuma dhalineysaan. M Siyaad hadduu idinka baxsaday anigaa joogay, wexey aheyd inaad i soo xirtaan, subaxaa ayuuna halgankiina macne sameyn lahaa, laakin dad dowladnimo ka shaqeynaya ma eydaan noqon ee waxaad noqoteen qabiil careysan.

Sheekadaa mid la mid ah ayaa maanta ka socota Beledweyne iyo Xawaadle, waana ceebta aan idiin diidanahay.

Beledweyne waxaa jooga madaxdii Hirshabeelle intoodii badneyd. Waxaa Baladweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle, guddoomiyihii baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka Hirshabe, taliyihii booliska Hirshabeelle iyo xildhibaanno. Inta Jowhar ku hartayna wey idiin soo socdaan, marka laga reebo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Haddaad Hirshabeelle diidan tihiin, qof huwan shaar Hirshabeelle inuu idiin yimaado ma aheyn. Sidey wax u dhacayaan sow uma eka siduu sheegay Xuseen Kulmiye (AUN) 1991kii?

Sow idiinma muuqato inuu qaladan yahay xeerka idiin dhigan ee u oggol Dabageed, Luqman, Siraji, Xasan Dhicisow, Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle iney yimaadaan Baladweyne balse aan oggoleyn Cali Guudlaawe inuu yimaado? Xagee lagu arkay ilmo la rabo oo aabahoodna la diidaa?

Ma wexeydaan ogeyn hadduu Cali Guudlaawe diidi lahaa inuu Hirshabeelle madaxweyne ka noqdo, qolada buurta saaran iney la imaan lahaayeen nin kale oo asaga ku heyb ah oo kursiga raba.

Midda kale, Xawaadlow sow ceeb ma aha aha inaad tiraahdaan nooma imaan karo Cali Guudlaawe ayadoo ay Soomaali oo idil marqaati ka tahay inuu ku xigeen u ahaa laba madaxweyne oo Xawaadle ah?

Intaad diidi laheydeen nin dhallinyaro ah oo walaalkiin ah oo aan abidkiis wax idiin dhimin,  sow kama sharaf iyo qurux badna inaad u yeerataan oo aad weliba adinka casuntaan, oo aad si miyir leh ula shirtaan, oo aad fahamsiisaan caqabadaha iyo waxa qaldan ee u baahan in la saxo. Sow sidaa ma aheyn dhaqanka lagu yaqaan qabaa’ilka waaweyn ee isku kalsoon?

Tolow yeynaan u dhaqmin sida reer yar oo aan wada xaajood geli karin. Yeynaan ka diidin Cali Guudlaawe, aan soo dhaweysanno oo waan yeelan karnaaye aan yeelanno, lana ballanno.

Codsi walaal waxa ugu horreeya ee madaxaaga ku soo dhaca ha soo qorin laakin adoo wax ka eegaya dhanka wanaagga, anaaba huba fikirka ma qaldanee adigana caqligaaga wanaagsan nagu soo kaab.

Shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay GAROOWE iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda Air Jabuuti ay shil ku gashay garoonka magaaladaasi, taas oo sidday rakaab fara badan.

Shilka ayaa yimid, ka gadaal markii ay diyaaradda dhulka ku dhufsatay qeyba dambe, balse waxaa la sheegay in duuliyaha uu dadaalay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo in waxyeelo ay soo gaartay qeybta dambe ee diyaaraddaas oo laga leeyahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaraddaas ay si nabad ah u dageen.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa garoomada Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed, waxaana ugu dambeysay diyaarad siday qaar ka mid ah madaxda HirShabelle oo shalay ciladowday, taas oo markii dalbe si nabad ah uga soo degtay garoonka Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho qaarkood ‘oo la kulmay’ hanjabaad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in loo hanjabay dhowr qof oo ka mid ah maal-qabeenada ka soo jeeda Beesha Hawiye, kuwaas oo ah ganacsato ka qeyb galay shirkii mucaaradka ku yeesheen hoteel Jaziira ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ka hor shirka laga soo wacay lagana dalbaday in aysan ka qeyb gelin shirka, waxeyna dadka soo wacay oo ka tirsan dowladda u sheegeen in laga qaadi doono tallaabo adag haddii ay tagaan.

Ganacsatada oo amarkaas diiday ayaa ka qeyb galay shirka inkastoo ay diideen in la duubo ama la sawiro. Maalmo kadib waxaa la soo wacay xubnihii shirka ka qeyb galay qaarkood waxaana loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Xubno kamid ah mas’uuliyiin hore oo dhanka amniga ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ganacsatada loogu hanjabay la beegsan doono, waxaana sababta loogu sheegay in ay maal geliyaan musharaxiinta.

“Mucaaradku lacag dibada kama soo gasho mana heestaan hanti balse waxaan xaqiijinay in ganacsato Hawiye oo aad ku jirtid maal geliyaan waxaase mari doontaan wado aan ka soo laabasho laheyn,” ayaa lagu yiri dhowr qof oo ka mid ah dadkii kulankaas tagay waxaana laga wacay taleefono aan la aqoon.

“Numberadu iyo dadkaba waa kala duwan yihiin balse hal qaab iyo hal fariin oo isku mid ah ayaa soo gaartay inta ugu badan,” ayuu yiri mas’uulka aan la hadalnay.

Ma cadda, haddii arrintan ay ahayd mid ku kooban hanjabaad iyo cabsi gelin, iyo inay tahay arrin dhab ah oo ay xigi doonto tallaabo, hase yeeshee ganacsatada qaar ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin.

AXMED MADOOBE oo soo saaray dalab la xiriira DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad u jeedinayey ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka.

Waxa uu sheegay in Jubaland ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada doorasho dalkan uga dhacda qaabkii lagu heshiiyay, isla markaana ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashada qeybta ka dhaceysa deegaanadeeda, isagoo xusay in dalka ay astaan u tahay afartii sanaba mar inay doorasho ka dhacdo.

“Waxaan dooneynaa gobolka Gedo in gacanta Jubbaland lagu soo celiy… Waxaan rabnaa inaan Soomaali u hor-seedno doorasho xor iyo xalaal ah, waxaan rabnaa in Jubbaland ay la sinaato dowlad goboleedyada, waxaan Soomaali ka dalbaneynaa inay garta nada qaadaan, anaga iyo madaxda dowladda federaalka, in maamullada dhan ay doorashada qeybtooda qabsadaan, Jubbaland-na la dhaho anagaa u qabaneyna ma xaqbaa? Arrintaas waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaan u deynayaa inay garteeda qaadaan oo sheegaan waxa Jubaland inta kale ay uga duwantahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan madaxda dowladda federaalka,  kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan, sidii lagu yaqaanay buu yiri “figradaha xagjirka ah ee argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.”

“War colaad iyo aflagado waan ka soo daalnay, Shabaab ayaa takfiiri jiray cida ka aragtida duwan oo yiraahda waa waajib in la dilo,  maalmahaan waxaad moodaa in warkaasi uu ka bilaawday Muqdisho, waad maqleyseen maalin dhaweed … Dadkii Shabaabku murtadiinta u yaqaaneen haday A iyo B u kala baxayaan soo dhibaato maaha?,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri “Waxaan leeyahay dowladda Soomaaliya haku ciyaarinina dhuxul dab ah ayaad ku cayaareysaane, wax aadnaan garaneyn ayaad ku cayaareysaan, haku cayaarinina meel aadnaan horay u arkin ayaad maanta ku indha dilaacsateene, haku cayaarinina guriga aad ku jirtaan ee askariga AMISOM ilaaliyo, waxaan leeyahay Soomaaliyey gogol nabadeed isugu imaaw oo tasho, doorashadu sidii ay u dhici jirtay ha u dhacdo.”

Hoos ka Daawo

IRAN oo farriin cabsi leh gaarsiisay IMAARAADKA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Iran ayaa “si toos ah” ula xiriirtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.

Inkasta oo sirdoonka Israel ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xiriir ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka Janaayo.

“Mohammed bin Zayed waxa uu hanjabaad toos ah ka helay Iran. Cidna looma soo marin,” ayuu yiri il-wareed sare oo Imaaraati ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sida uu sheegay il-wareedkan, Iran ayaa ku tiri Mohammed bin Zayed “Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.”

Imaaraadka Carabta, oo 70km oo dhanka badda Gacanka ah u jirta Iran, ayaa xulufo la ah madaxweyna Trump, waxayna dhowaan xiriir rasmi ah la yeelatay Israel.

Sida uu sheegay il-wareedyo, xiriirka ay Iran sida tooska ah ula sameysay Mohammed bin Zayed ayaa yimid saacado ka hor inta aysan Imaaraadka Carabta soo saarin Axaddii qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ku cambaareysay dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Iran ayaa wacad ku martay in jawaab cabiran oo aan lagu degdegin ka bixin doonto dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Tehran ayaa rajeyneysa in maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden uu wax ka beddeli doono xiisadda Bariga Dhexe, ayada oo la rumeysan yahay in Biden uu doonayo in wada-hadal iyo xal wax lagu dhameeyo, si ka duwan Trump oo ay adeegsadaan Sacuudiga iyo Israel.

SACUUDIGA kaalin ma ku lahaayeen dilkii Fakhrizadeh?

0

Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uul ka tirsay dowladda Sacuudiga ayaa dhaleeceyn kula dhaqaaqay wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyadda Iran, kaas oo oo xukuumadda Riyadh ku eedeeyay iney kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh.

Jimcadii lasoo dhaafay ayey aheyd markii sayanisyahankan weerar qarax iyo rasaas ah lala eegtay isagoo ku socdaalaya magaalada Tehran ee xarunta jamhuuriyadda Iran, waxaana iska hor imaad dhexmaray ilaaladiisa iyo kooxaha weerarka soo qaaday ay sababtay inuu geeriyoodo Mohsen Fakhrizadeh.

Dilka kadib waxaa timid tuhun ay qabaan xukuumadda Iran, waxaana wasiirka arrimaha dibadda uu baraha bulshada soo dhigay qoraal uu shirqool ugu yeeray kulankii ay dyhawaan yeesheen dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, waxeyna jamhuuriyadda Iran rumeysan tahay in kulankaas uu horseeday dilka shaqsigaan kaalinta mugga leh ugu jiray.

“Wasiirka waa naf la caari, mana ahan wax walba oo xun kana dhaca Iran inuu ku eedeeyo boqortooyada” ayuu twitter-ka kusoo qoray Adel al-Jubeir.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “waxa is weydiinta leh waxey tahay managu eedeyn doonaan fatahaadaha iyo dhul-gariirada ka dhici doona Iran”

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in siyaasadda Sacuudiga aysan aheyn iney sameyso khaarijin, sidoo kale Sacuudiga waxaa lagu dhaliilay ineysan cambaareyn dilka saynisyahankan sida ay sameeyeen dowladaha kale ee khaliijka, taasoo banaanka soo dhigeysa xiriirka xun ee meesha yaalla iyo tuhunka ay banaanka keeneen jamhuuriyadda IRAN.

Inkastoo ay boqortooyada beenisay, hadana bishii lasoo dhaafay waxey warbaahinta madaxa bannaan sheegeen inuu jiray kulan dhexmaray Netanyahu oo uu wehliyo Yosef Cohen oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad iyo dhaxal sugaha boqortooyada Mohamed Bin Salman.

Mucaaradka oo looga digay fashil ka iman kara kulan ay la yeelan rabaan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo digniino loo jeedinayo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ku saabsan in aysan ka qeyb gelin ama aqbalin shirka Madaxweynaha Soomaaliya rabo inuu la qaato musharaxiinta mucaaradka.

Shirkan ayaa waxaa garwadeyn ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo sheegay inuu dhex-dhexaadinayo labada dhinac, inkasta oo la ogyahay inuu ku xiran yahay Villa Somalia.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo shaqsiyaad heer sare iyo xildhibaano ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu soo codsaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay oo kaliya inuu ku wiiqo awoodda mucaaradka, sidoo kalane isaga dejiyo culeyska ay saareen.

Xogta la helay ayaa sheegeyso in Madaxweyne Farmaajo rabo inuu sawir la galo, ballan-qaad aan dhaqan gelin-na ka soo qaado, islamarkaana uu kadib kala dilo, taas oo ugu dambeyn u suurta gelin karto qorshahiisa doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa horey heshiis ula galay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo aan waxba ka fulin.

Ilo wareedyo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, hay’adaha ammaanka iyo Villa Somalia ayaa sheegay in arrintaan ay gadaal ka riixayaan saraakiil Itoobiyaan ah oo dhowaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo aan taas la xaqiijin karin.

Go’aankii kasoo baxay musharaxiinta mucaaradka ayaa saameyn xooggan yeeshay, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay soo faro-geliso muranka ka taagan doorashada.