25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo soo saaray qoraal xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in madaxda dowladda federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiirantahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobollada waqooyi, waxay aad uga xunyihiin, in hoggaanka sare ee dalka iska indha tirayo ilaalinta sharciga iyo hanaanka lagu heshiiyey ee loo dejiyey doorashada dalka.”

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumaddu weli ku adkeysaneyso oo ay tababareyso guddi sharci darro ah, iyadoo u jeedku yahay inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq,” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xubnaha DF ku metelaya Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada gobollada waqooyi aysan marti ka ahaan doonin ka talinta masiirkooda siyaasadeed.

“Hadaba iyadoo la raacayo hanaankii doorashadii dadbaneyd ee 2016-kii iyo waaya aragnimadii laga bartay, doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi waxay u baahatay in loo dejiyo habraac u gaar ah oo la isku waafaqsanyahay,  inta aan la bilaabin doorashada oo qeexaya maamulka iyo hufnaanta hanaanka doorashada,” ayaa yiri warkan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah masuulka ugu sareeya ee la doortay oo ka soo jeeda gobollada waqooyi uu dejiyey habraac dhameystiran oo loogu tala galay in lagu hago habsami u socoda doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi, isagoo kala tashaday arrintan siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland.

“Guddoomiyuhu waxuu magacaabay guddi doorasho oo lagu soo xulay wadatashi, buuxiyeyna shuruudaha habraaca loo dejiyey oo qaban kara doorasho u dhacda hab cadaalad ah oo daah-furan,” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa looga digay qaban-qaabada doorasho aan la isku waafaqsaneyn .

“Waxaan ka cosaneynaa xubnaha madasha wadatashiga doorashada dalka,  musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha, bulshada rayidka ah, iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay soo faro-geliyaan oo wax ka qabtaan cadaalad darrada socota” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkan.

Warkan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ay soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay u xareysnaayeen tababarka, waxaana xusid mudantahay in xubnaha guddigaas ay ka maqan yihiin metelayaashii Jubbaland iyo Puntland.

Xiisad ka taagan PUNTLAND oo maanta looga banaan-baxay magaalada Qardho

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay banaanbax weyn, iyada oo gebi ahaanba ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada.

Banaanbaxa oo qeyb ka ahaayeen ganacsatada magaalada ayaa la sheegay inay uga soo horjeedan sicir bararka dollarka oo maalmihii u dambeeyay ka taagna magaalada iyo guud ahaanba deegaanada Puntland.

Sarifka dollarka ayaa maraya halkii ugu sareysay magaalada Qardho, midaasi oo ay ka biyo diideen bulshada iyo ganacsatada maanta dhigayay banaanbaxa, xili ay ganacsatada qaar ay diideen in wax looga iibsado lacagta shillin Soomaaliga.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan awoodin sicir bararka xadhka goostay, oo sababay in la joojiyo qaadashada Shilin Soomaaliga oo laga isticmaali jiray magaalada Qardho iyo nawaaxigeedaba.

Waxa kale oo ay banaan-baxayaashu ugu baaqeen madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni inuu si deg-deg ah wax uga qabto arrinta, oo muddooyinkii dambe ka taagneyd guud aahanba deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen maamulka iyo madaxda dowlada inay tallaabo ka qaadan ganacsatada diida isticmaalka Shillinka Soomaaliga, si loo yareeyo culeyska ka dhashay sicir bararka.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhaceysay sicir bararka, iyada oo dhowrkii cisho ee u dambeeyay ay shacabku dhigayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi, xili uu maamulka deegaanadaasi tahli kari waayey wax ka qabashadeeda.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan madaxweynaha Puntland amray in canshuuraha deegaanada maamulkiisa lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah, maadama uu kasii daray sicir bararka ka taagan maamulka Puntland, taasi oo caro xoogan ka dhalisay deeganadaasi.

Maxamuud Sayid “Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse DF ayaa naga xoogtay”

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa si adag uga hadlay arrinta gobolka Gedo isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay iney ka xoogtay maamul ay dhismahiisa iyo xoreyntiisa dadaal dheer usoo galeen.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay taliska hay’adda Nabad sugidda oo arintaan uu dusha ka saaray, wuxuu sidoo kale qiray in maamulkii, odayaashii iyo siyaasiyiintii ay ku dhiseen maamulka Gedo ay joogaan xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

“Arrinta Gedo ayaa maalmahaan miiska Siiraan, Gedo waa gobol kamid ah Jubbaland, markii la dhisayay maamulkaan waxaa Gobolkaas ka yimid 500-Ergo, marxalado kala duwan ayaana laga soo maray” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dhawr sano ayey nagu qaadatay inaan ka xoreyno Al-Shabaab, waxaan gaarnay heer aan kala kaashano dowladii wakhtigaas jirtay, ma ahan wax loo dulqaadan karo”

Iyadoo ay taasi jirto ayuu hadana dowladda ku eedeeyay iney ka xoreysay gobolka Gedo markii ay Al-Shabaab ka xoreysteen dadaal iyo juhdi badan kadib wuxuuna yiri:

“Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse Dowladda dhexe ayaa naga xorreysay, waxa ay ku qabsatay dhalinyaro Xamar ay ka uruurisay”

Si kastaba arrinta gobolka Gedo waa dood taagan oo u baahan in la xaliyo si loo guda galo doorashada soo socota, waxaana hadda muuqata in dib u dhac ku yimid jadwalkii kal hore la dajiyay ee ku saabsanaa doorashooyinka guud ee dalka.

Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyahiin ciidanka DF

0

Afgooye (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraray xarun ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyahiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabelaha Hoose, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhawaqa rasaasta dagaalka ay maqlayeen dhawr saacadood, dagaalkana uu ahaa mid xoogan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Sida ay sheegen ma xaqiijin karaan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray ciidamada ku dagaalamay halkaas, balse Saraakiisha ciidamada Dowladda waxey sheegeen iney iska caabiyeen Al-Shabaab isal markaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha kala gaaray, walow website-yada taageera dagaalyahanada Al-Shabaab ee xogahooda gudbiya ay sheegeen in laba askari ay dileen dagaalyahanada.

Dhawaan ayey aheyd markii dowladda ay sheegtay in hawlgal laga sameeyay Shabeelaha Hoose lagu soo qabtay rag sar-sare oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib sheegashada dowladda, waxaana deegaanka Sabiid uu hoos tagaa dagmada Afgooye.

Maxaa ka jira in wiilka wasiir ka tirsan SOMALILAND uu gabar ku gowracay gurigiisa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si faah-faahsan uga hadashay dilka haweenay la sheegay inuu dilay wiil uu dhalay Wasiirka qorsheynta Somaliland Xasan Gafaadhi, xili ay ku sugneyd gurigiisa.

Dilka loo geystay haweenayda oo saacadihii u dambeeyay si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayey xukuumada Muuse Biixi ku sheegtay mid laga leexiyay xaqiiqda, iyadoo ku tilmaamtay maran habaabin aan sal iyo raad laheyn

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland, Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta kula hadlay xarunta taliska ayaa sheegay in dilkaasi uusan wax lug ah ku laheyn wiilka la sheegay inuu dhalay wasiir Gafaadhi, balse gurigiisa lagu dilay, kadib markii uu soo weeraray nin uu xiriir ka dhaxeeyay.

Faysal Xiis ayaa sheegay in marxuumada oo lagu magacaabi jiray Nasteexo Ismaaciil Aadan uu kusoo gar-garaacay Ninka dilka geystay, xili ay keligeed joogtay guriga, kadib markii ay ka furtay uu la dhacay faash uu sitay ninkaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in Ninka gacan ku dhiiglaha iyo marxuumada uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl, isla markaana uu ku dilay arrimo la xiriira hinaaso.

“Gacan ku-dhiigluhu waxa uu gabadhaas ku dilay hinaaso, maadama uu ka dhaxeeyay jaceyl isaga iyo marxuumada, taasi awgeed ayuu guriga u yimid oo uu ku garaacay oo faashkana uu qadaadka dambe kaga dhuftay labo jeer Allaha-u-naxariiste” ayuu yiri Faysal Xiis.

Waxa kale oo uu sii raaciyey “Falkaasi markuu dhacay kadib ciidamada boolisku howl-gal balaadhan ayey sameeyen, waxayna tageen goobtii uu deganaa gacan ku dhiigluhu, waxay kasoo saareen faashkii uu wax ku dilay iyo toorey kale oo uu haystay iyo weliba garan dhiig leh”.

Marka laga imaado hadalka kasoo baxay ciidamada booliska Somaliland, waxa saacadihii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada muuqaalo laga duubay ehelka haweenayda la dilay, kuwaasi oo dilkeeda la xiriiriyey wiil uu dhalay Xasan Gafaadhi, oo ah wasiirka qorsheynta Somaliland.

Ciidamo cusub oo maanta la wareegay amniga xarunta baarlamaanka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xalay ciidamada cusub la geeyey xarunta baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliiska ee maamulkaasi ayaa amniga xarunta waxa ay kala wareegeen ciidamadii horey u joogay halkaasi, kadib codsi ka yimid xildhibaanada.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan ka dalbaday madaxweyne Siciid Deni in ciidamo Booliis ah oo dhex-dhexaad ah la geeyo xarunta baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ciidamada horay u joogay xarunta wax ay sheegeen inay ahaayeen kuwo uu guddoomiyaha u adeegsanayey caburinta xildhibaannada ka aragtida duwan, sida ay hadalka u dhigeen.

Tallaabadan loo qaaday dhanka amniga e xarunta golaha wakiilada ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maalin ka hor buuq iyo fowdo ay hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka dowld goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo lagu kala tegay.

Imisa jeer ayey safaaradaha kala qaateen waddamada Soomaaliya iyo Kenya?

0

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jiray hummaag 10-kii sano ee ugu dambeysay, tan iyo markii ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiiskii badda April 7, 2009.

Heshiiskaas kadib, Soomaaliya waxay bilowday iney iska diido natiijada, baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay heshiiska October 8, 2011 halka dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh ayba dacwo geysay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey August 28, 2014.

Muddadaas dheer, oo ay joogeen madaxweyneyaasha Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyada oo uu jiro muranka badda, weliba dacwad socoto hadana waxaa caadi ahaa xiriirka labada dhinac, laakin tan iyo markii uu madaxtinnimada la wareegay madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu guud ahaan daal ka muuqdaa siyaasadda arrimaha dibadda, keliya ma aha inuu qeyb ka noqdo loolanka Khaliijka, ee waxaa uu la saxiibey ra’siul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed isaga oo dhabarka aadiyey Kenya, waxaana dhacday xilligiisa in labojeer la kala qaato safaaradaha.

Kenya iyo Itoobiya waa labad dal oo daris ah, loolan dheerna uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, isla markaana heysto dhul iyo dad Soomaaliyeed, iyada oo sidaa tahay xaaladdu waxay aheyd mid ka deggan sidii qarnigii hore, laakin Farmaajo ayaa qaatay siyaasad uu ku kala saarayo labadaasi dal, oo ah inuu soo dhoweysto Itoobiya oo ciidamo AMISOM iyo in ka badan oo sharci darro ah dalkeenna ka joogaan, uuna ceyriyo Kenya,

Haddaba  Halkan hoose ka Akhriso, Sooyaalka Loolanka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal:

February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Feb 16, 2019:- Kenya waxay la noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

March 6, 2019:  Kulan uu la joogay Abiy Axmed, Uhuru iyo Farmaajo oo ku shiray madaxtooyada Kenya ayaa ku heshiiyey in la soo celiyo xiriirka diblomaasi taasi oo keentay inuu safiirka Soomaaliya uu Nairobi dib ugu laabto May 2019-kii.

October 11, 2019: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, iyada oo loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah.

Februay 27, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

November 29, 2020:  Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Soomaaliya ay latashiyo ugu yeereyso safiirkeeda Kenya Maxamuud Tarsan halka ay dalkiisa la tashi ugu dirtay safiirkii Kenya ambassador Lucas Tumbo, arrintan ayey Villa Somalia ku sheegtay faragelin ay Nairobi ku heyso arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

November 30, 2020: Dowladda Kenay oo ka jawaabeysa ceyrintii Soomaaliya ee safiirka Kenya iyo lasoo noqoshada midkeeda ayaa sheegtay in aaney jirin warqad rasmi ah oo Muqdisho ka timid, oo loogu sheegay in safiirka Kenya uu dalkiisa u aado wadatashi iyaga oo intaasi raacisay

Arrinta kale, Soomaaliya waxaa ay Qaadka u isticmaashaa cadaadiskeeda halka Nairobi ay ku gorgortanto fiisayaasha iyo marinka Wajeer, arrintaas oo shirar badan laga galay tan iyo shirkii Adis Ababa July 2015kii ilaa shirkii IGAD ee Muqdisho September 2016-kii iyo shirkii March 2017.

Xilligan waxaa hakis ku jira qaadkii ka man jiray Kenya, go’aankaas ayey Muqdisho gaartay March sanadkan, inakata oo uu qaad ka yimaado Itoobiya.

Abdi Aziz Gurbiye – Waxa uu ka tirsan yahay warbaahinta Goobjoog

Midowga musharaxiinta oo war ka soo saaray go’aankii ay DF ka qaadatay Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyey isku dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu wuxuu ka welwelsan yahay saamaynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida ganacsiga ku leh dalka Kenya, ardayda wax ka barata, qaxootiga xeryaha Kenya ku jira, iyo dadka degan iyo kuwo safraya intaba.”

War-saxaafadeedka musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu muujiyey shaki ah in madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashadan ku geli doono Kenyaan naceyb, si la mid ah kii hore oo uu ku galay Itoobiyaan naceyb.

“Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 ay Kenya ay ahayd saldhigga ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo hal hayska ololihiisa doorashana uu ahaa in Itoobiya tahay cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, laakiin xilligan ay sida kale isku rogtay” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalka midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska waa inuu ku salaysnaadaa danaha joogtada ah ee dalku leeyahay ee aysan marba la rogrogmin rabitaaanka, laablakaca iyo ololaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.”

Muxuu Faarax Macallin ka yiri go’aankii ay DF Somalia ku ceyrisay safiirka Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeynkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo keentay in dowladda federaalka ay dalka ka cayriso safiirka Nairobi.

Faarax Macallin ayaa ugu horeyntii qiray in dowladda Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, midaasi oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah ee dalalka deriska ah.

Waxa kale oo uu garab istaag u muujiyey go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka kaga cayrisay safiirka Kenya, isla markaana ay ugu yeeratay safiirkeedii, kadib markii ay shaacisay inay tabashooyin dhowr ah ka qabto xukuumadda Nairobi.

“Inay Soomaalidii maanta go’aan gaarto oo ay tiri yeysan nasoo fara-gelin (Kenya), ma aha wax la yaab leh oo waa wax uu wadan kasta sameyn lahaa” ayuu yiri Faarax Macallin oo wareysi siinayey idaacada VOA.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in fara-gelinta Kenya ay inbadan soo jiitameysay, iyada oo si badheedh ah ugu gaftay qaranimada dalkeena.

Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowlada Itoobiya ay iyada laftigeedu ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, isaga oo eedeyntaasi la xiriiriyey xukuumaddii ka horeysay Abiy Axmed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay xukuumadda Nairobi u adeegsato fulinta danaheeda guracan, taasi oo qeyb ka noqoneysa faro-gelinta uu sheegay inay Nairobi ku hayso xukuumadda Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Axadii dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Axadii soo saartay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Faarax Macallin

Xog: DF oo wadda qorshe culus oo ka dhan ah Kenya – Maxa ka dhacaya Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbax lagu taageerayo go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu yeeratay safiirkeedii dalka Kenya, sidoo kalane ay fartay inuu wadatashi u aado dalkiisa kii Kenya.

Banaanbaxan ayaa qeyb ka ah qorshe sare loogu sii qaadayo xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, oo hadda la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in qorshuhu yahay in Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galo, islamarkaana halkaas looga dhawaaqo go’aano adag oo ah in dowladda ay talaabo adag ka qaadi doonto qof kasta oo si ka duwan sida dowladda uga hadla arrimaha Kenya.

Dadka ay dowlada rabto in ay hadalkaan ku cadaadiso waxay u badan yihiin siyaasiinta mucaaradka ah, Xildhibaano ka tirsan baarlamanka iyo warbaahinta oo ka sameysay falanqeyn badan.

Dhincyo ka tirsan xoogaga wadaniyiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa la sheegay in Villa Somalia ka dalbatay in la hakiyo ilaa amar dambe banaanbaxaas waxaana socda wadatashi ku saabsan go’aanka looga dhawaaqi doono.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris, hogaamiyaal kale oo ka tirsan mucaaradka iyo qaar kale oo bulshada kamid ah ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay go’aankii ay qaadatay oo lagu sheegay in ay tahay sabab la xariirta khilaafka kala dhexeeyo maamulka Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa taageereysay Axmed Madoobe tan iyo maalinkii uu xukunka yimid Farmaajo, iyo kasii hor, waxay intaas gaysatay tacaddiyo badan oo ka dhan ah shacabka Gedo, taasi oo dowladda federaalka aysan waxba ka qaban.

Jawaabta timid xilli ay laba bilood un ka hartay muddo xileedka Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dowladda ay xasarad uga abuureyso Jubaland, waxaana qorshahaas qeyb ka ah in Axmed Madoobe meesha laga saaro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ololihii doorashada 2017 ku galay naceybka Ethiopia, oo uu doorashadiisa kadib la saaxiibay, waxaana hadda qorshaha uu yahay in ololaha 2021 uu ku gal naceybka Kenya, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka

DF oo shaacisay tirada ay dadka deegaanka uga dileen Shabaab dagaalkii ay shalay kula galeen Bacaadweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug, iyadoo ugu horeyn bogaadisay shacabka ku nool deegaankaas oo si adag isaga caabiyey Al-Shabaab, kadib markii ay ka taag roonaadeen ciidankii dowladda ee halkaas ku sugnaa.

“Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda  argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Warkan waxaa lagu sheegay in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe uu Taliska ciidanka xoogga dalku u xaqiijiyay in Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne looga dilay 51 dagaalame, isla markaana looga qabtay lix qof oo dhaawac ah, kuwaas oo uu ku jiro ninkii weerarka hogaaminayay.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne uu tusaale cad u yahay “in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan in si fudud lagu joojin karo weerarrada Al-Shabaab.”

Sida lagu sheegay qoraalkan, warbixinta saraakiisha dowladdu siiyeen wasiir Dubbe waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weerarkaas ku dileen 15-qof oo isugu jira askar iyo shacab.

“Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray  ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo  maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka  go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Xiriir noocee ah ayaa ka dhaxeeya Fahad Yaasiin iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay si faah-faahsan uga hadlay xiriirka kala dhaxeeya agaasimaha Hey’adda Nabad-Sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Mudane Guuleed oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey inuu xiriirka kala dhaxeeya Fahad Yaasiin uu yahay mid siyaasadeed oo ku qotoma doorashada.

Cabdikariin ayaa sheegay in isaga iyo Fahad ay ahaayeen dad saxiibo isku dhow ah muddo badana, isla soo shaqeeyey balse aysan hadda jirin xiriir siyaasadeed oo labadooda ka dhaxeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Guuleed ayaa xusay inuu hadda isaga diyaar u yahay inuu badalo madaxweynaha Soomaaliya oo uu isaga iyo Fahad Yaasiin ku eedeeyey inay ku fashilmeyn u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cabdikariin oo wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in isaga iyo Xasan ahaayeen laba saaxiibo ah oo muddo badan kasoo wada shaqeeyey waxbarashada, isagoo xusay inuusan jirin xiriir siyaasadeed oo ka dhaxeeyo.

Hadalka kasoo yeeray Guuleed ayaa imaanaya xilli uu jiro tuhun ku saabsan xiriir hoose oo kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin, wuxuuna tuhunkaas soo bilowday markii Cabdikariin uu halmayo usoo diray Fahad Yaasiin waqtigii loo magacaabayey xilka Agaasimaha Hey’adda NISA.

Fahad Yaasiin iyo saaxiibadiisii hore ee Dam Jadiid ayaa kala go’ay markii Farmaajo la doortay, waxaana la rumeysan yahay inay horey isugu dhaceyn isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, xaqiiqda ah in Guuleed uu doonayo inuu ka jawaab tuhunkan iyo walaaca ay ku hayso, ayaa sii xoojinaya shakiga, ayada oo dad bada ay rumeysan yihiin in haddii aysan waxba jirin uusan Guuleed ka welweli lahayn.

Hoos ka daawo wareysiga Guuleed

Guddiga doorashada heer federal ee Xamar ku shirsan oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu guddiga shaqadiisa si caadi ah u bilowday, xilli ay ka maqan yihiin xubnaha Jubbaland iyo Puntland.

War-axaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga ay u suurtagashay dhameystirka qodobada kala ah:

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga uu hadda gacanta ku hayo sameynta shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in shirarka guddiga ay soo xaadirayeen kooram gaaraya 20 xubnood oo ka mid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga ku matalo Puntland iyo Jubbaland ay diideen inay ka qeyb galaan kulamada iyagoo taas shuruud uga dhigay inay fasax ka helaan maamulada soo magacaabay.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadaya ayada oo maanta ay xaqiiq noqotay in doorashada Soomaaliya ay wajahdsay dib u dhicii ugu horreeyey. Jadwalka doorashada ayaa waxaa ku xusan inay maanta ahayd in la billaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamanka, taasi oo aan dhicin.

Dhanka kale, guddiga ayaa waxaa weli ka maqan xubnaha matalaya maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, taasi oo su’aal gelineysa go’aano kasta oo ay qaataan.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay guddiga

War-saxaafadeed: Hawlaha u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal

Muqdisho (1da Diseembar, 2020): Shirkan Jaraa’id waxaan u qabannay inaan ku iftiiminno waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed ee Madaxda labada heer ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan;

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  1. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  1. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  1. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  1. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay. Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Wabillaahi Towfiiq

 

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar culus ku qaaday madaxweynaha Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacaka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeeda Galmudug ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Axmd Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in Qoor Qoor uu ka mashquulay arrimaha Galmudug, siiba dhinacyada ammaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug uu muddo bil ah u dhexeeyey magaalada Muqdisho iyo dalka Turkiga, islamarkaana uusan waxba u qaban dadkiisa.

“Madaxweyne Qoor Qoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka Galmudug uu faraha ka sii baxay, islamarkaana ay isugu darsameen dagaallada Al-Shabaab iyo colaad beeleedyo.

Tusaale wuxuu u soo qaatay amin xumo uu sheegay inay ku soo kororto wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel iyo sidoo kale weeraradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha maamulka Galmudug ee Ugaas Nuur.

Halkan hoose ka aqriso:-

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.

Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.

Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

BAL ADIGU WAX DHEH!
Hon. Mahad Salad

Jadwalkii doorashada ee Aqalka Sare ee baarlamanka oo fashilmay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalkii doorashada ee xildhibaanada aqalka sare ee horey loo soo saaray, kadibkii heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Qorshaha ayaa ahaa in 1 December ee 2020-ka oo maanta ku beegan in ay dowlad goboleedyada dalka ka bilaabato doorashada xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya aqalka sare, balse fashil ayaa ku yimid jadwalkii horey loo shaaciyey, sida uu muuqata.

Illaa iyo hadda ma jirto tallaab loo qaaday dhaqan-gelinta jadwalkaasi oo lagu caddeeyey in doorashada aqalka sare ay dhaceyso 1- da illaa 10-ka bisha December.

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa khilaafka ka taagan dhismaha guddiyadda doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale arrinta labaad ee dib u dhigtay jadwalkan ayaa ah in aysan weli maamullada Jubbaland iyo Puntland soo magacaabin guddiyadii doorashada ee heer dowlad goboleed, kuwaas oo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.

Si kastaba dib u dhacaan ayaa saameyn ku yeelanaya doorashada 2020/21, oo horey jadwalkeeda loo soo saaray, waxaana weli jira is-mari waa ka taagaan hannaankeeda.

Janan oo shaaciyey qorshe ‘ay usoo bandhigeen’ Fahad iyo madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ugu talogalay colaad sokeeye oo ay galaan maamulkaas, balse uu ku fashilmay kadib doorashadii Axmed Madoobe.

Wasiirka wuxuu sheegay in Farmaajo uu si cad u diiday inuu wadahadal la galo Axmed Madoobe, tiiyoo uu ku tilmaamay xarigii loogu geystay Muqdisho iney daba socoto markii uu diiday qorshahiisa.

Sidoo kale marka la tixraaco sheegashadiisa Janan wuxuu qiray inuu taleefoon kula hadlay madaxweyne Farmaajo bartamahii sanadkii lasoo dhaafay, waxaana u xigay kulan uu Fahad Yaasiin kula yeeshay Nairobi taasoo ay ka dhalatay in lagu balamo magaalada Muqdisho.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamijka Hanoolaato ayuu sheegay inuu kulan afara saacadood socday la qaatay Farmaajo isla markaana ay isku fahmii waayeen qorshayaasha loo soo bandhigay oo ay ka mid aheyd sida uu sheegay inuu usoo gacan galiyo gobolka Gedo, si xildhibaano taageersan looga soo saaro halkaas.

Janan wuxuu barnaamijka u sheegay isagoo ka feejigan iska horkeenka labada beelood ee Mareexaan iyo Ogaadeen ayuu diiday go’aankaas sida uu sheegtay, wuxuuna carabka ku dhuftay in madaxda dalka iyo taliyaha nabad-sugidda ay arinkaas hogaaminayeen.

Wasiirka Amniga wuxuu intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayay inuu colaad ka dhex abuuro Jubbaland isagoo adeegsanaya odayaal ay isku beel yahiin, wuxuuna sheegay in arinkaas darteed uu u laalay qorshayaashii loo soo bandhigay.

Wasiirka arrimaha dibedda oo aragti cusub ka muujiyay dagaalka Tigray, kana hadlay inay ciidamo geeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa markii u horeysay aragti dabacsan kaga fal celiyay xaalada dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya, xili uu Farmaajo taageero buuxda la garab istaagay howl-galka millateri ee toddobaadyadii u dambeeyay ka socday dalka Itoobiya.

Wasiirka, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay inaysan marnaba xukuumadda Soomaaliya aysan u sacabo tumeyn dagaalo saameyn ku yaalanaya gobolka, isla markaana ay markasta ka qeyb ka qaadanayso xasiloonada mandaqada.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalku ay faro-gelin ku sameynayn xaaladaha ka taagan gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

“Aragtida ay dowladda federaalka ka qabi karto wax ka socda dal kale gudihiisa ma jiraan, oo aan ka aheyn in aan wal-wal ka qabno dal deris nala ah oo xaalado dagaal ay ka jiraan, ma jeclin in khilaaf siyaasadeed uu ku yimaado Itoobiya, sida aan anagaba u jecleyn,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa keliya muujiyay wal-walka xukuumadiisa ee ku aadan in dagaalka Itoobiya uu sameeyo gobolka, isagoona ka gaabsaday inuu taageero u muujiyo dhinacyada ku dagaalamaya dagaalkaasi ee dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Sidoo kale waxa uu wasiirku beeniyay inay jiraan ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaatay dagaalkaasi, taasi oo uu ku tilmaamay “mid aan aheyn caqli-gal”.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa hore garab istaag ugu muujiyey howl-galka millateri ee dowladda federaalka Itoobiya ay ka wado gobolka Tigray, kaasi oo ay dhawaan xukuumada Abiy ay sheegtay inuu soo gaba-gaboobay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

Caro xoogan oo ka dhalatay go’aankii Deni iyo banaan-baxyo ka bilowday Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib go’aankii xalay ka soo baxay madaxweynaha Puntland, Mduane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in canshuuraha deegaanada maamulkaasi lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa arrintaasi ka dhalatay caro dadweyne iyo dibad-baxayo maanta ka billowday deegaanada Puntland.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waa weyn sida, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo si isku mid ah uga soo horjeeday amarka Deni.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah hoggaanka maamulkaasi, iyaga oo ku eedeeyey inuu uga sii darayo sicir bararka baahsan ee ka jira halkaasi.

Arrinta ugu ee ay salka ku heyso xiisadan ayaa ka soo billaabatay, kadib markii ganacsatada waa-weyn ay ka biyo diideen qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga ah, halka kuwa yar yarna ay kasoo horjeesteen adeegsiga lacagta Dollerka Mareykanka ah.

Sidoo kale xeel-dheerayaasha dhanka dhaqaalaha ayaa rumeysan in go’aankan uu uga sii dari karo xiisada dhaqaale ee ka taagan Puntland.

Si kastaba go’aanka xalay kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboledka Puntland ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da December ka dhaqan-galay maamulkaasi.

Musharaxiinta mucaaradka oo xalay furay shir labaad iyo qorshahooda cusub (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid wajiga labaad ee shirka musharraxiinta oo lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysa xaaladda waddanka iyo maareynta marxaladda doorashada.

Shirkan oo uu guddoomiyey guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo Raad-raaca go’aannadii lagu xusay war-saxaafadeedkii Midowga uu ka soo saaray shirkii 6-da cesho uga socday magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirka Midowga Musharrixiinta Soomaaliya xalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Ridwaan ayaa sheegay in shirka uu kusoo booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo doorka Galmudug.

Ridwaan ayaa sheegay in Qoor Qoor ay u sharxeen go’aanadii kasoo baxay shirkii hore, islamarkaana ay ka dalbadeen inuu fuliyo qodobada kaga aadan, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay u sheegtay in ay diyaar u tahay xoojinta geedi socodka Soomaaliya, islamarkaana ay raadin doonto xal waara.

Qoor ayaa laba habeen ka hor waxa uu Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble iyo Fahad Yaasiin, waxaana jira warar sheegaya inuu si buuxda u taageersan yahay madaxtooyada.

Hoos ka daawo Ridwaan

Xog: Kontoroollada Villa Somalia laga ilaaliyo oo la kordhiyay kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hanjabadii ka soo baxday midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la kordhiyay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, ayada si guudna loo adkeeyey ammaanka aagga Villa Somalia.

Ciidanka ilaalada Villa Somalia, gaar ahaan kuwa ku teedsan wadada hor marta Madaxtooyada ayaa lagu soo kordhiyay laba goob oo kale, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Goobaha ay ciidanka fadhiyaan ayaa kala ah Kontaroolka Xaawa Taako, mid cusub oo hadda la dhigay maqaayadda The Village ama albaabka beerta ku taalo xarunta Iskaashatada gaadiidka Gobolka Banaadir, Guriga Fiyooraha ee Fanaaniinta Qaranka, albaabka Akadeemiyada, Albaabka laga galo waddada aada madaxtooyada, mid cusub oo hadda la soo dhigay Taalada Axmed Gurey ama Masjidka Isbaheysiga iridkiisa iyo kontaroolkii Sayidka.

Goobaha aan soo sheegnay ayaa laba ka mid ah waxay yihiin kuwa cusub oo la soo dhigay maalmo ka hor. Dad badan ayaa is weydiinaya sababta loo soo kordhiyay ciidankaan xili waliba ay sii kordheyso walaaca doorasho iyo tan guud ee xaalada wadanka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagan hadal heyn badan oo ah “in dalka uu ku sii socdo meel xun oo halis ah.”

Mucaaradka oo qoraal xasaasi ah soo saaray Khamiistii, marnaba kuma hanjabin rabshado, hase yeeshee cabsida taagan ayaa ah in wax kasta ay dhici karaan, haddii xaaladda ay faraha ka baxdo.