25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Doctor Yuusuf Axmed oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Dr. Yuusuf Axmed (Yuusuf Yare) lagu dilay aaga lagu magacaabo Fiyo Af-Madoow ee magaaladaas.

Dhaqtarka oo si weyn looga yaqaanay magaalada Kismaayo ayaa waxay xalay dilay kooxo ku hubeysnaa bastoolado, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah.

Dableyda fulisay dilka ayaa iskaga baxsaday goobta ay ku dileen Dr. Yuusuf Yare, halkaasi oo ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska oo ka bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo dableydaas.

Dr. Yuusuf Axmed ayaa kamid ahaa dhaqaatiirta ka howl-gasha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, isla markaana magac weyn ku lahaa bulshada magaaladaasi.

Waxa bilooyinkii u dambeeyay magaalada Kismaayo kusoo badaneyay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shaqsiyaadka magaca leh, iyada oo kal hore sidan oo kale ay dabley hubeysan magaalada ku dileen maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Maamulka Jubbaland ayaa inta badan balan-qaada inay cadaalad hor keeni doonaan kooxaha dilalka ka fuliya Kismaayo, inkasta oo aysan jirin ilaa hadda dad lala xiriirinayo dilalkii u dambeeyay oo gacanta lagu soo dhigay.

R/W Abiy Ahmed oo arrin halis ah ku eedeeyey TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka TPLF ee dagaalka kula jira ciidamadiisa.

Abiy Axmed oo warbixin siinayey baarlamaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyey TPLF inay sumeeyeen janaraal ka tirsan ciidamada militeriga ee dalkaasi, kaa oo ka howl-galayey saldhig ku yaalla gobolka Tigray, ka hor inta aysan bilaaban dagaallada labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in janaraalka la sumeeyey oo lagu magacaabo, Diriba Mekonnen uu dhibkii kasoo gaaray sunta uu ilaa iyo hadda kasoo kici la’ayahay isla markaana uu shaqada ku laaban waayay, tan iyo markii la sumeeyey

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas la sumeeyey, kaddib markii uu lasoo qadeeyey madaxda TPLF.

Abiy ayaa sidoo kale intaasi ku daray in tan iyo markii uu billowday dagaalka ay ku qaadeen gobolka Tigray in hal qof oo rayid ah aanan lagu dilin howl-galkaasi, balse waxaa hadalkaasi si weyn uga soo horjeestay hoggaanka sare ee gobolka Tigray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xukuumadda Itoobiya ay ku dhowaaqday wejigii ugu dambeeyey ee dagaalka waqooyiga dalkaasi ee u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF, waxaana dowladda ay sheegatay inay qabsatay caasimada Makelle.

Afar arrimood oo la xiriira khilaafka cusub ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa safiirka u fadhiya Kenya lagu amray inuu Muqdisho ka soo noqdo halka midkii Kenyana lagu wargeliyay inuu Nairobi aado.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib “faro-gelin qaawan oo Kenya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamul gobleedka Jubbaland.”

Maxaa khilaafkan cusub keenay?

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, oo bayaanka ka akhrinayay warbaahinta dowladda ayaa go’aankooda ku sababeey faragelin uu sheegay in ay kaga imanaysay Kenya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso umuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku haysa, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladaynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho 17-kii Sibteembar 2020,” ayuu yiri.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay wuxuu wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda, waxa uuna ballan qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan.

Wuxuu tilmaamay inay jawaab rasmi ah ka soo saari doonaan warka Soomaaliya ay soo saartay “iyagoo maraya wadiiqooyinka ku haboon.”

Dhankiisa-se xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan “marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.”

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan curfiga diblumaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxayso dano iyo darisnimo, waana dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah.

“Sidaas daraadeed dowladda Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la soo farageliyo ama lagu dhaqaaqo falkasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida iyo deganaanshiyaha dalkeenna,” ayuu yiri.

Safiirrada dib loogu yeertay maxay ka dhigan yihiin?

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku doodaya in safiirrada dib ugu laabanaya caasimadaha labada dal ay astaan u tahay in labada dhinac ay qaab kale isku afgaran waayeen.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC Somali la hadlayay ayaa sheegay: “Labada dowladood oo daris ah oo safiirrada isu soo celiya waxa ay tilmaamaysaa xiriirka diblumaasiyadeed oo meel adag galay, oo si kale la isku afgaran waayay, marka waxaan isleeyahay wax wayn ayaa la isku hayaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay madaxweynaha Jubaland ku “cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed” taas oo ay ku sheegtay “carqaladaynta” heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho kal hore lagu gaaray ee doorashada Soomaaliya.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aan eedahaas uga hadlay sida ay latahay ayaa sheegay: “Eedaymahaas la sheegayaa Kenya oo qura kuma saabsanee wadammo fara badan ayaa Soomaaliya soo faragelinaya, waxay u soo faragelinayaan in ay ka shaqeystaan si ay uga soo baxdo meeshaasi cidda ay iyagu rabaan.”

Wuxuu sheegay in hal qaab oo ay Soomaalida uga faraxalan karaan faragelinta wuxuu yiri: “Sida keli ah ee Soomaali ay isaga celin kartaa faragelintaas shisheeye ee doorashadeeda ama dalkeeda ku saabsan waxa weeye in la kasbado dadkaaga haddaad tahay dowladda Soomaalida.”

Saameynta arrintan ka dhalan karta maxay tahay?

Labadan dal ee dariska ah waxay wadaagaan dano muhiim ah iyadoo Kenya ay ku nool yihiin muwaadiniin badan oo Somaali ah kuwaas oo ka gaacsada amaba ku nool gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Waxaa kaloo jira qaxooti boqollaal kun oo Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhaadhaab iyo Kakuma kuwaas oo ay dowladda Kenya gacan u fidisay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya sannadkii 1991.

Haddaba tallaabadan ugu dambaysay maxay horseedi kartaa?

Waxaynu su’aashaas waydiinnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku dooday in “wax badan ay arrintaas kharibi karto”.

“Laba waddan ma ahan kuwa kala maarmi kara, oo jaarku ma kala maarmo ama isjeclaada ama isnecbaada Ilaahay baa iskiin baday, lamana kala kuuri karayo,” ayuu u sheegay BBC News Somali

Goormuu khilaafkan soo xoogaystay?

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-kii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Adduunka ee ICJ, dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa weli hortaalla ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, in kastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sannadkan hakisay duullimaadyada rakaabka iyo jaadka Kenya taas oo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay fafitaanka fayraska Korona.

Balse dowladda Soomaaliya dib ayey u furtay duullimaadyada, haddana jaadka weli waxaan saaran xiyaraad.

Kenya waxay maalin walba Soomaaliya u dhoofin jirtay jaad loo iib geeyo magaalooyinka kala duwan ee dalka.

Sida uu sheegay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaaradood oo jaad wadda ayaa maalin walba ka degi jirtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacasatada Kenya sannadkiiba la sheegay in ay ka soo galeysay lacag gaareysa $144 milyan oo doollar.

Dhanka kale goor sii horraysay ayuu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii wafdi uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu dhawaan tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo madaxda dhiggooda ah ay kala xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin “xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.”

Xog: Qorshe ka dhan ah guddoomiye Cabdirashiid Jibriil oo ka socda Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka bilaabay qorshe ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii uu shalay buuq badan uu hareeyay kulankii golaha.

Xildhibaanada oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu afduubtay golaha, isla markaana uu mas’uul ka ahaa wixii ka dhacay kulankii shalay.

Waxay ku eedeeyen guddoomiyaha baarlamaanka Puntland inuu gacan maroorsaday habsami u socodka howlaha & xarunta Baarlamaanka, isaga oo ciidamadiisa gaarka ah u adeegsada xildhibaanada, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay sheegen inuu kala qeybiyey golaha wakiilada Puntland, iyagoona ku eedeeyay in uu ka been sheego fadhiyada golaha oo siduu rabo ka yeelo.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay guddoomiye Cabdirashiid inuu baneeyo xilka, isla markaana uu is casilo ka hor inta aysan ka qaadin xilka, oo aysan ka keenin mooshin ka dhan ah.

Ugu dambeyntiina waxay si wada-jir ah dalab ugu jeediyeen Madaxweyne Deni, kaasi oo ay ka dalbadeen inuu la wareego sugid amniga xarunta baarlamaanka Puntland, oo uu ciidamo keensaday guddoomiyaha golaha, sida ay sheegen.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii lagu kala kacay kulankii ay shalay xildhibaanada baarlamaanka ku lahaayeen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxa hareeyay buuq faro badan, iyada oo uu guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qoraal kooban ka soo saaray arrintaasi, ayaa sheegay in kulankii shalay uu u hakiyey kadib markii ay buuq sameeyen shan mudane oo ka tirsan golaha.

DF Soomaaliya oo qiratay inuu ka dhacay khalad la xariira badda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa qiratay in manhajka cusub ee dhawaan ay soo daabacday uu ku baxay cabir qaldan oo laga qoray dheerarka badda Soomaaliya.

Manhajka cusub ee dowladda Buugiisa maadada Juqraafiga – fasalka 4-aad ee dugsiga sare ayaa qoraya in badda Soomaaliya dheerarkeedu uu yahay 2800 oo KM, halka cabirka saxda ah ee biyaha Soomaaliya uu yahay 3333-KM.

Qaladkan waxaa la ogaaday markii uu bartiisa Facebook-ga ku baahiyey, sidoo kalena uu warbaahinta la wadaagay mid kamid ah macalimiinta dhiga maadada Juqraafiga ee dugsiga sare.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay ka mahad celineyso fal-celintii uga timid bulshada ee ku aadaneyd qaladkaas dhacay.

“Waxaan ka cudur daaraneynaa guud ahaan khaladaadka ku jiri kara daabacaadda ugu horeysa, gaar ahaan khaladka hadda lagu arkay maadada Juqraafiga fasalka afaraad ee dugsiga Sare, ee ku saabsan dheerarka badda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan aaminsanahay maadaama daabacaadani ay tahay midii ugu horeysay inay soo bixi karaan khaladaad kale, waxaanse diyaar u nahay in mar walba wixii khaldan ee lagu arko manhajka la saxo daabacaadda xigta hadii Alle idmo.”

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo faah-faahiyey go’aanka ay ka qaateen Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadashay xiriirka diblumaasiyadeed ee sii xumaanaya ee dalka Kenya, xili ay shalay cayrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey VOA ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan ceyrin Safiirka Kenya balse ay xukuumadiisa Kenya ugu dirtay inuu wada-tashi la soo sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Safiirka Kenya lama eryin ee dowladda Soomaaliya iyada oo qabta tabashooyin waxay safiirka Soomaaliya u fadhiya ugu dirtay dowladiisa inuu lasoo sameeyo wada-tashi,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in kal hore ay sidan oo kale Kenya u yeeratay safiirkeeda, arrintana ay dabo socoto xiriirka labada dal, isla markaana ay qeyb ka tahay tabashooyin ay ka qabaan xukuumadda Nairobi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo xiligan xaalad cakiran ka abuurtay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Kenya inay cadaadis ku hayso madaxda maamul goboleedyada, iyada oo war-saxaafadeed ay shalay soo saartay si gaara ugu carabaabtay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka shalay ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Xog: Yaa ka dambeeyay, sideese ku timid in Mustafa Dhuxulow uu ka dago Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa lagu xiray Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, ahna xildhibaan, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu kasoo dagay Cigaal Airport.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa muddo ka yar 24-saac ku xirnaa saldhig ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kaasi loo taxaabay kadib markii ciidamada booliska ay ka qabteen madaarka, xili uu kasoo dagay diyaarad soo cago dhigatay garoonka.

Safarka Dhuxulow ayaa yimid kadib markii ay hay’ad Jarmal ah oo degan magaalada Hargeysa u soo saartay ogolaanshaha fiisaha Somaliland, si uu Hargeysa uga qeyb galo shir ka dhacayay.

Shirkada Jarmalka ah ayaa martiqaad iyo waraaq ogolaansho ah u dirtay Dhuxulow, taasi oo keentay in uu Xildhibaanku ka dago magaalada Hargeysa, maadama uu haysto warqad u fasaxeysa inuu deeganadaasi uu booqan karo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, waraaqdda uu sitay Dhuxulow ee hore loogu ogolaaday inuu kaga degi karo magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaanba la hakiyey kadib markii laamaha amaanka Somaliland ay ka war heleen inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Booliska madaarka ayaa xabsiga u taxaabay shalay kadib markii ay ku war-geliyeen in waraaqda ogolaanshiyaha ee uu sito la laalay, isla markaana la joojiyey.

Si kastaba, Somaliland ayaa saaka dib u siisay xorriyaddiisa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan golaha shacabka, sidoo kalena ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/2021-ka.

Xukuumada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in mas’uulkaasi ay ka soo masaafurisay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa inta badan xabsiga u taxaabta shaqsiyaadka xiriirka la leh dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta ka tirsan, iyada oo hore u soo saartay shuruudo ay ku xireyso siyaasiyiinta ka dagay deeganadeeda.

Kenya oo jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aankii DF kusoo ceyrisay safiirkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ramsi ah kasoo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ay shalay ku cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho, uguna yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayada oo u adeegsaneysa Axmed Madoobe inay carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya waxay sheegtay inaysan xiriir rasmi ah, mid qoraal ama mid af, ka helin dowladda Soomaaliya, taasi oo la xiriirta in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo wada-tashi loogu soo diray Nairobi.

Si kastaba, wasaaradda waxay sheegtay inay ka war heshay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo arrintaas la xiriira, kaasi oo ay sii daayeen warbaahinta.

“Dowladda Kenya waxay si qoto dheer uga xun tahay ficillada nasiib-darrada ah ee u muuqda inay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, inuu dalka ka tago, oo uu wada hadal ugu soo laabto dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ficilkan waxaa saldhig looga dhigay eedeymo aan sal lahayn, oo ku saabsan ‘faro-gelin socota oo Kenya ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ay ixtiraamtaa, oo ay ilaalisaa mabaad’ida caalamiga ah, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Kenya ayaa sheegtay inay ku celineyo taageerada ay u hayso tallaabooyinka ay qaadday dowladda federaalka ee la xiriira fulinta tub siyaasadeed ku saabsan siyaasad loo dhan yahay, oo ay ku jirto heshiiskii September ay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka gaareen hanaanka doorashada.

Waxay intaas ku dartay inay ku taageereyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed raadinta ay ugu jiraan nabad iyo xasillooni loo maro diblomaasiyad, ayada oo caawimaad ka gaysaneysa dib aas-aasidda

hay’adaha maamulka siyaasadeed, dib u habeynta laamaha amniga, ganacsiga, kaalmada horumarka iyo gargaarka bani’aadamnimada.

“Ujeedada dadaalladaan ayaa ah in la kobciyo nabadda, xasilloonida iyo deris-wanaagga oo dammaanad qaadaya aasaas adagna u noqonaya barwaaqada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shabaabkii ugu badnaa oo dagaalka Bacaadweyn lagu laayey iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

0

Bacaadweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas laga saaray maleeshiyadii ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ee saaka aroortii hore soo weerartay gudaha magaalada iyo taliska qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga.

Dagaalka oo muddo socday, islamarkaana ku billowday qaraxyo ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan inta badan magaalada iyo saldhiggii ay daganaayeen ciidamada 21-aad ee xoogga dalka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay 4 gaari oo kuwa dagaalka ah oo laba kamid ah ay saarnaayeen qoriga suugga.

Saacado kadib waxaa magaalada iyo banaankeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey dadka deegaanka Bacaadweyne, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab taasoo keentay in ugu dambeyn laga adkaado Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sida ay dadka deegaanka ah u xaqiijiyeen shabakadda Caasimada Online, dagaalkii labaad ee ka qarxay magaalada ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana dadka deegaanka u suurtagashay inay dib usoo celshaan laba kamid ah gawaaridii ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerarkii koowaad ku qabsatay.

Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay 4 ka mid ah maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo 3 kamid ah ay yihiin dhaawac aad u daran.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirada dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu laayey dagaalka iyo mid kamid ah kuwii gacanta lagu dhigay iyagoo nool oo la sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee dagaalka Maanta dhacay.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerarka ay aroortii hore soo qaaday ku dishay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa gudaha saldhigga 21-aad, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in 4 kamid ah 6-da askari ee la dilay la gowracay.

Waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Bacaadweyne, waxaana goobihii lagu dagaalamay dib u qabsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan gudaha Magaalada.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayo xilli Gobollada Mudug iyo Galmudug uu todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala sameynayeen Ciidamada DFS gaar ahaan qaybta 21-aad, askarta Galmudug & Al-Shabaab.

21-kii June 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay ku weerartay xeradaan, balse taliska qaybta 21-aad ayaa sheegay xiligaas in uusan khasaare gaarsiin qaraxaas, isla markaana ciidamada ay toogteen wadaha.

Ciidamada kooxda TPLF ‘oo soo riday diyaarad militari, qabsadayna magaalo cusub’

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada TPLF ee gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad militari, islamarkaana ciidamada federaalka dib uga qabsadeen magaalo, Axaddii.

Sheegashadooda ayaa imaneysaa ayada oo weli dagaalka gobolka uu socda xilli ay dowladda sheegtay Sabtidii inuu dhammaaday, kadib markii ciidamadeeda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle.

Weli ma jirto jawaab ay dowladda ka bixisay sheegashadan, oo uu ku dhowaaqay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, kaasi oo farriin qoraaladeed u diray wakaaladda wararka Reuters.

Sheegashooyinka dhinacyada isku haya gobolka Tigray ayey adag tahay in la xaqiijiyo, maadaama taleefonada iyo qadka Internet-ka ee gobolka Tigray uu go’anaa ama aad u xadidnaa, tan iyo markii dowladda ay ku dhowaaqday dagaalka, 4-tii November.

Abiy ayaa habeenkii Sabtida sheegtay in ciidamada dowlkadda ay qabsadeen caasimadda Mekelle. Wuxuu sidoo kale wacad ku maray inay soo xiri doonaan oo ay cadaaladda horkeeni doonaan “dambiilayaasha” TPLF.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa Reuters u sheegay in inkasta oo ay ka baxeen magaalada Mekelle, haddana ay sii wadi doonaan inay dagaalamaan.

Reuters + VOA

Xuseen Macallin: “Waxaa socda abaabul ku saabsan caga jugleyn diimeysan iyo dhiig baneysi siyaasadeed”

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Xuseen Macalin ayaa ka digay qatarta ka dhalan karta hadal uu dhawaan guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Filish uu dil ugu hanjabaya musharaxiinta mucaaridka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in halis weyn ay tahay in la isku dhex milayo siyaasadda doorashada iyo caga-jugleyn diimeysan oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Siyaasiyiin iyo mas’uliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Waxa uu xusay in arrinta noocaas ah lagu yaqaanay kooxaha xagjirka ah, oo iyagu baneysta dhiiga shacabka aan waxba galabsan, kuwaasi oo adeegsanaya aayado jeebkooda ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ii muuqata qatar in la isku dhex-milayo siyaasaddii doorashada iyo caga-jugleyn diimeysan oo looga bartay kooxaha xagjirka ah oo ummadda dhiigooda baneysan jiray, iyagoo adeegsanaya aayado jeebkooda ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in falalka mas’uuliyada dowladda ay ku cadeynayaan Villa Somalia inay wado abaabul dhiig baneysi ah, kaasi oo qatar hore leh u horseedi kara dalka.

Xuseen ayaa culimada ugu baaqay inay arrintan ka hortagaan inta aysan xidideysan oo xadhka goosan, isla markaana aan laga shalaaynin dhaq-dhaqaaqa Farmaajo bilaabay ee ah “in siyaasiyiinta aayado isugu dhiig baneystaan.”

Hadalka La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa imanaya xili uu dhawaan guddoomiye Filish uu sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono mucaaridka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo ku jira Suratul Axzab.

Aayadahaas ayaa aheyd:

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

Dhawaaqa Filish ayaa sidoo kale xiisad hor leh ka dhex abuuray dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, kuwaasi oo markii hore isku khilaafsanaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddiyada ka shaqeynaya doorashooyinka oo ay qaadaceen mucaaridku.

Somaliland oo Xamar ‘usoo masaafurisay’ Xildhibaan Mustafa Cali Dhuxulow

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa saaka dib u siiyey xorriyaddiisa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan golaha shacabka , sidoo kalena ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/2021-ka.

Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in mas’uulkaasi ay ka soo masaafurisay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa waxaa shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka dagay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ujeedka safarka Musharrax Mustaf Dhuxulow uu la xiriiray, kadib casuumaad uu ka helay hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

Weli war rasmi ah kama soo bixin Somaliland oo ku aadan xariga iyo masaafuriska mas’uulkaasi oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaaliya.

Xarigga la-gula kacay Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso ictiraaf ay uga go’eyso Soomaaliya inteeda kale ayaa si weyn uga soo horjeeda dowladda federaalka, waxaana weli sidii la rabay u socon wada-hadallada labada dhinac oo siyaabo kala duwan uga dhacay dalal dhowr ah.

Kulankii xildhibaanada baarlamanka PUNTLAND oo lagu kala tegay + Sabata

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Puntland ku lahaayeen magaalada Garoowe ayaa lagu kala tegay, kadib buuq hareeyey fadhigaas oo ahaa kii 19-aad ee golaha wakiilad dowlad goboleedka Puntland.

Kulankan waxaa shir guddoominayey, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Mudane  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen, ku xigeenkiisa koowaad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo ku xigeenka labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dooda ayaa ka dhalatay, ka gadaal markii xildhibaano ka tirsan golaha ay dalbadeen in wariyeyaasha laga saaro hoolka, taas oo uu ka horyimid guddoomiyaha, waxaana ka sii dhalatay arrintaas buuq hareeyey fadhiga baarlamaanka oo mar dambe lagu kala tegay.

Xildhibaanada gudbiyey codsiga ayaa doonayey inay soo bandhigaan cabasho ay sheegeen inay ka tirsanayaan golaha xukuumadda Garoowe.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay hakadka ku yimid kulanka baarlamaanka oo uu maanta hortegay wasiirka qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange,

“Waxaan hakiyey fadhigii maanta sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ka dib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii shaqada golaha.” ayuu yiri guddoomiyaha golaha wakiilada.

Si kastaba ajandaha kulankan ayaa ahaa la Xisaabtanka golaha xukumadda Puntland ee madaxweyne Siciid Deni, si ay xildhibaanadu su’aalo uga weydiiyaan xaaladda guud.

Al-Shabaab oo ‘dagaal kula wareegtay’ Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah iyo dagaal xigay oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyne oo ku yaalla bariga gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar dheel-masho ah ku ekeysay fariisimo ciidamada huwanta ay ku lahaayeen halkaasi, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaal kadib ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay gudaha u gashay xeryo ay ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku qabsatay illaa shan gaari oo nooca dagaalka ah iyo hubkooda, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale weli ma jiro wax faah faahin ah oo Galmudug ay ka bixisay dagaalkaasi & weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona haatan dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud & Mudug.

KENYA oo ka jawaabtay go’aankii ay Soomaaliya ku soo ceyrisay safiirkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa jawaab kooban ka bixisay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, uguna yareetay midkii Soomaaliya ee Nairobi.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid ayada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Nairobi “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

“Waxaan arrintan uga jawaabi doonnaa marinnada rasmiga ah, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Mr. Kamau.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid, ayada oo saraakiisha dowladda Kenya ay dhowaan muujinayeen inay doonayaan in Soomaaliya kala hadlaan ganacsiga, iyo fududeynta dhaq-dhaaqyada shacabka, xilli Soomaaliya ay mamnuucday jaadka Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray.”

Xog: DF oo qorsheyneysa inay dhisto maamul cusub oo Jubaland ah + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in maamul cusub ka dhisto Jubaland, kadib markii ay ku eedeysay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu u shaqeeyo dowladda Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ka ceyrisay safiirkii Kenya, una yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayada oo Nairobi ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Eedeynta Soomaaliya ayaa timid maalin kadib markii Axmed Madoobe uu sheegay in doorasho aysan ka dhici karin gobolka Gedo, illaa dowladda Soomaaliya ay halkaas ka saarto ciidamadeeda iyo maamullada ay ka dhistay gobolka ee aan hoos-tagin Jubaland.

Caasimada Online ayaa hadda ogaatay in ceyrinta safiirka Kenya iyo eedeynta ah in Axmed Madoobe uu u shaqeeyo Kenya ay ku xigi doonto inay dhisto maamul cusub, ayada oo ku doodi doonta inay ilaalineyso qarannimada iyo madax-banaanida dalka.

“Eedeynta la xiriirta u shaqeynta dal shisheeye waa mid aad u culus, waxayna albaabada u fureysa in dowladda ay qaaddo tallaabooyin ay markii hore ku dhiiran karin,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan dowladda oo codsaday inaan la magacaabin.

Maamulka cusub ayaa kadib qaban doona doorashooyink dalka ee qeybta Jubaland, maadaama aysan dowladda federaalka lasii macaamili karin maamul ay ku eedeysay inuu la shaqeynayo dal shisheeye, sida la qorsheynayo

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dowladda federaalka ay ku amarto ciidamada Kenya inay dalka ka baxaaan.

Dhammaan arrimahan ayaa shaki weyn sii gelinaya in dalka ay doorasho ka dhacdo, waxaana xubno ka tirsan mucaaradka ay rumeysan in dhammaan xasaradahan ay abuureyso dowladda federaalka ay tahay isku day uu madaxweyne Farmaajo kusii dheereysanayo xunkunka.

Muxuu xildhibaan MAHAD SALAAD ka yiri ceyrinta DF Somalia ee safiirka Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya shalay ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, uguna yeeratay midkeeda Nairobi Maxamuud Tarsan.

“Waxan maqli jiray “Habar dhali waysay aleelo ku waalatay”. Inta aan ognahay Kenya waxba kama halleyn Soomaaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in safiirka la sheegay in la eryey aanuba dalka joogin, xogtaas oo sidoo kale ay xaqiijisay Caasimada Online.

“Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa tallaaboyinka ku macneeyey isku day madaxweyne Farmaajo uu cadow cusub ugu abuurayo Soomaalida, taasi oo qeyb ka ah ololihiisa doorashada.

“Farmaajow waan ku ognahay 2017 Itoobiya ayaa CADOW ah in aad doorasho ku gashay, marka 2020 Kenya ayaa CADOW ah cod nooga heli meysid ee beenta iyo boor isku qariska maad naga dhaaftid walaalow!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xog: DF Somalia oo dalka ka ceyrisay safiir aan joogin, uguna yeeratay mid jooga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalka ka eriday safiirkii Kenya, ka dib markii ay xukuumadda Nairobi ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ogaatay in Lucas Tumbo, uusanba ku sugneyn Muqdisho oo labadii maalmood ee ugu dambeysay uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, waxayna tallaabada lagu ku soo aadaysaa, isagoo dalka ka maqan.

Sidoo kale Dowladda federaalka Soomaliya sheegtay inay u yeeratay Safiirkeedii Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in Tarsan uu qudhiisu maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Villa Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in ay madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa “ceeb iyo foolxumo” ku tilmaamay in safiir aanba dalka joogin la sheego in la eryey.

“Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhawaan waxa uu Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto uu ku eedeeyay inuu yiri “Waxaan bedeli doonnaa Madaxda Dowladda Federaalka,” ee haatan talada dalka haya, si buu yiri qaadkii Kenya loo geeyo Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay kulankii ay la qaateen madaxweyne Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay kulankii shalay xubno uu hoggaaminayey ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ay magaalada Garowe kula yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Qoraalka beesha caalamka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyagoo fariin u diray labada dhinacba.

Wakiil ku xigeenka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa sheegay in booshadii ay shalay ku tageen Garowe kuwii ka horeeyey ay ku tageen Baydhaba iyo Dhuusamareeb, dhawaana ay tegi doonaan Kismaayo iyo Jowhar, six al buuxa looga gaaro arrimaha doorashada iyo wada shaqeyn yarida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxa uu sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ay uga wadahadleen muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaa dhiirigeliyay soo nooleynta wadahadalka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, bilihii la soo dhaafay. Tani waxay ku lug lahayd in Madaxweyne Deni uu kaalin firfircoon ka qaatay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka billowday magaalada Dhuusamareeb bilihii Luulyo iyo Agoosto, taasoo horseeday shirarkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii Sebtembar iyo Oktoobar, markaas oo la isla gaaray heshiiskii qaabka doorashada,” ayuu yiri Raisedon Zenenga.

Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka qaran ay ku sii socdaan qorshihii loogu talagalay, waxa uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay in wadahadalladu ay sii socdaa. Isagoo balan qaada in beesha caalamku ay ka shaqeyn doonto iskaashi dhinacyada Soomaaliya midba midka kale uu la yeesho, inta lagu jiro diyaar garowga doorashada.

“Waxaan rumaysanahay in dib-u-billaabidda wada-hadalladaas, oo joogto ah, ay gacan ka geysan karto xallinta arrimaha taagan. Waxaan rajeynaynaa inaan ku nuuxnuuxsano in qaabka doorasho ee lagu heshiiyay aan dib loo furin laakiin waa in loo hirgeliyo si la aqbali karo, lagu kalsoonaan karo oo daahfuran,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “waxaan adkeynaynaa in tan ay ka mid noqon doonto in la xaqiijiyo in matalaadda qoondada haweenka boqolkiiba 30 ee doorashooyinka baarlamaanka iyo guddiyada hirgelinta laga miradhaliyo, iyo in wixii tabasho ah ee la xiriira xubnaha ka mid noqonaya guddiyada soo xulista ergada, guddiyada doorashada, guddiga Somaliland iyo Gedo lagu xalliyo is afgarad, laguna gaaro qaab lagu xaqiijinayo in guddiyadu aysan dhinacna u janjeerin taasina, taasina waxay ogolaanaysaa matalaad cadaalad ah oo kala duwan.”

Waxa uu sheegay inay rajeyneyaan in Puntland iyo dhammaan dowlad goboleedyadu ay dhowaan soo magacaabi doonan min sideeda xubnood ee ku meteli doona guddiyada doorashada, sidoo kalena baarlamaan goboleedyadu ay billaabi doonaan u diyaar garowga doorashadooda ee xubnaha Aqalka Sare.

“Dhanka arrimaha kale ee mudnaanta leh, waxaan sidoo kale Puntland iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ku dhiirrigelinaynaa inay la hadlaan Dowladda Federaalka si ay heshiis uga gaaraan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah, iyo barnaamijka 2021 ee maamulka cusub ee la filayo,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka QM Raisedon Zenenga.

Jubaland oo sheegtay sabab ay u magacaabi la’dahay guddiga doorashooyinka?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka 2020/21-ka.

Sayid Aadan ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday dooda ka taagan dhismaha guddiga doorashooyinka dalka, gaar ahaan sababta ay Jubbaland u soo magacaabi la’dahay xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad goboleed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shuruud uga dhigay soo gudbinta xubnahaasi in dowladda Soomaaliya ay marka hore fuliso ballan qaadyadii ay la gashay Jubbaland, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo oo ay weli ka howl-galaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay fulinta hehiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka aysan soo magacaabi doonin, illaa inta xal laga gaarayo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is-mari waa uu ka taagan yahay arrimaha doorashada & guddiyadeeda oo ay horey walaac uga muhiijiyeen musharaxiinta.