Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maalmahii ugu dambeeyay waday inuu waan-waan ka dhex abuuro dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka ee diidan qorshayaasha loo dhigayo hanaanka doorashooyinka.
Ilo ku dhaw madaxweynaha ayaa sheegay inuu kasoo baxay xujadii ay ku xireen xubnaha mucaaradka taasoo aheyd inuu wakaalad kala yimaado madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Xogta waxey sheegeysaa in Qoorqoor uu helay wakaalada dhinaca dowladda dhexe, taasna ay keentay inuu dib u bilaabo la kulanka musharaxiinta mucaaradka, kuwaas oo si adag u diidan guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.
Dhanka kale, Qoorqoor wuxuu buuxinayaa kaalintii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horay u sheegay inuu u dhaxeyn doono musharaxiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe, balse lagu eedeeyay inuu dhinac ka yahay ololaha madaxweyne Farmaajo iyo dhibaatooyinka jira.
Si kastaba, Axmed Qoorqoor wuxuu wadi doonaa kulamo gaar-gaar ah uu la yeelanayo xubnaha musharaxiinta, wuxuuna isku dayi doonaa isagoo ka wakiil ah dowladda dhexe inuu la farisito xubnaha diidan hanaanka wax loo wado.
Sidoo kale tabashooyinka jira waxaa qeyb ka ah maamulka Jubbaland oo aaminsan in dowladda dhexe ay ka baxday heshiisyadii ay la galeen dowladaha xubnaha ka ah.
Nairobi (Caasimada Online) – Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye, isla markaana ka codsaday inay ixtiramaan go’aamada dalkiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.
Waxa kale oo uu xusay inay soo dhaweynayaan wada-shaqeynta dalalka caalamka, balse aysan ogolaan doonin xukuumadiisu in la hago oo wax loo yeeriyo, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno” ayuu yiri madaxweynaya Kenya, Uhuru Kenyatta.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo fara-gelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan”.
Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imanaya xili uu sii xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya, oo iyadu ku eedeysay xukuumadda Nairobi faro-gelin qaawan oo ka dhan ah, mana cada in beesha caalamka ay cadaadis ku saareyso arrintaas iyo inkale.
Kulanka oo ahaa mid uu dalbaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa looga hadlay, sidii lagu qaboojin lahaa xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne, ka dibna laga wadahadlo diidmada reer Hiiraan ka keenayn madaxtinimada Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.
Beledweyne waxaa saakay ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana xigay bannaanbax dhawr saacadood ka socday magaalada, iyadoo bannaanbaxa lagu diidanaa safar uu maanta Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku taggi lahaa magaaladaasi.
Kulankan ayaa geba-gabadii waxaa laga soo saaray afar qodob, oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay in la joojiyay socdaalkii Madaxweyne Guudlaawe ee Beledweyne.
Akhriso qodobada ka soo baxay kulanka
1 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ballanqaadayo inaanu Madaxweynaha Hirshabelle imaan doonin Beledweyne, inta xal laga gaarayo khilaafka jira iyo tabashooyinka ay reer Hiiraan qabaan.
2 – In Dowladda Soomaaliya aanay Ciidamada Qalabka Sida u adeegsan doonin dadka reer Hiiraan ee saluugsan Dhismaha Hirshabelle-da cusub.
3 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay dejiyaan xaaladda ka taagan Beledweyne, kana qayb qaataan sidii wadooyinka xiran loo furi lahaa.
4 – In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka Arrimaha Gudaha u soo gudbiyaan warqad ay kaga hadlayaan tabashooyinkooda ku aadan Dhismaha Maamulka cusub ee Hirshabelle, si uu u gaarsiiyo Madaxweynaha Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hargeysa (Caasimada Online) – Duuliye Axmed Dheere ayaa si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuusan ka damqan shacabka Soomaaliyeed ee argagixisada ku layso qaraxyada, isla markaana uu garab istaag u muujin ehelada dadkaasi.
Duuliyaha oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay qaraxii dhawaan ka dhacay makhaayadda Gelato Divino oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, isagoona ku eedeeyay in Farmaajo uu ka aamusay dhacdadaasi.
Waxa uu sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in dowladda Soomaaliya oo uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aysan marnaba ka fal-celin dhibaatada lagu hayo shacabka, taasi oo loo baahan yahay in laga gudbo, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa nasiib darro dowladdii looga baahna inay dadaal badan sameyso, oo aysan xaqiiqdii waxba sameyn, iyada oo xataa aan madaxda dowladda laga hayn tacsi” ayuu yiri Duuliye Axmed.
Sidoo kale waxa uu shaki galiyay in madaxda dowladda Soomaaliya ee hadda talada haysa, ay aqoonsan-yihiin mas’uuliyadooda, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda oo ay doortaan madax daacad ah.
Ugu dambeyntiina waxa uu duuliyuhu ka digay in Soomaaliya loo horseedo burburkii hore u dhacay, isla markaana wax walba lagu dhameeyo wada-hadal iyo wada-tashi, si meel looga soo wada jeesto qaswadayaasha.
Qaraxa dhawaan ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ayaa waxa ku dhintay Dhallinyaro badan oo Aqoonyahan ah, iyada oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.
Waxa kale oo kamid ahaa dadkii ku naf waayay qaraxaasi ismiidaminta ahaa qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu u qaabilsanaa safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee ka dhalatay doorashooyinka maamulkaas.
Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyntii xiisada gobolka Hiiraan la xiriiriyay dowladda federaalka, maadama uu sheegay inay hore iskaga dhago tirtay baaqyadii mucaaridka ee ahaa in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka HirShabeelle.
“Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.
Waxa kale oo uu sheegay in arrinta ka aloosan gobolka Hiiraan ay tahay mid tusaale cad oo horudhac ah u ah mugdiga kusoo wajahan dalkeena, isagoona ku baaqay in si wada-jir ah xil la iskaga saaro xal u helida mushkilada gobolka Hiiraan, iyada oo laga fogaanayo ficil kasta oo dab kusii shidi kara xiisada taagan.
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee ku noola maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isla markaana ay dalka ka abaabulayaan doorasho boob ah, sida uu hadalka u dhigay
“Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.”
“Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan,” ayaa ku yiri qoraalkiisa.
Ugu dambeyntiina waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan sidii looga hortegi lahaa fidno uu sheegay inay wado xukuumadda muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxa weli taagan xiisadii dagaal ee u dhaxeysay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF, xili ay horaanta toddobaadkan dhamaadka ah ay shaacisay xukuumadda Abiy inay si buuxda ula wareegtay caasimada gobolka Tigreyga ee Mekelle.
Wasiirka kobcinta dimuquraadiyadda ee dalka Itoobiya, Zadig Abraha oo wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in dagaalka Tigreyga uu soo gaba-gaboobay, isla markaana ay harsan tahay in gacanta lagu soo dhigo hogaanka TPLF.
Zadig Abraha ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay cadaalada horgeyn doonto hogaanka TPLF, oo hore loogu eedeyay “inay dalkooda Itoobiya ay khiyaameen”.
Waxa kale oo uu sheegay in hoos u dhacday awoodda TPLF, oo aysan waqti xaadirkan ay duruuftu u saamaxeyn inay dagaal sii wado, maadama uu ku dooday in ciidamo u dagaallama iyo hub culus midna aysan haysan.
Hogaanka TPLF ayaa tan iyo markii ay ciidamada Abiy Axmed la wareegen caasimada gobolkooda ku jira dhuumaaleysi, iyaga oo sheegay in uusan weli dhamaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.
“Weli fari kama qodna dagaalka, mana soo afjarmin, oo ma soo afjarmi doono” ayey yiraahdeen Debretsion Gebre-Mikael iyo Getachew Reda oo ah xubno sare oo ka tirsan hoggaanka TPLF oo la hadlay telefishanka Tigrey-ga.
Si kastaba, hogaanka TPLF ayaa weli ku madax adeygaya inay sii wadayaan dagaalka, xili ay iskaga baxeen caasimada Mekelle, oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay dowladda, oo iyadu ku doodeysa inuu soo dhamaaday dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.
Washington (Caasimada Online) – Qareen degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay boqolaal kun oo dollar siisay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.
Xeer-beegti federal ayaa Arbacadii kusoo oogtay Jeremy Wyeth Schulman,oo 45 jir ah, islamarkaana degan magaalada Bethesda, dacwado ay ka mid yihiin musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.
Sida lagu sheegay dacwadda, Schulman iyo xubno kale ayaa isku dayey inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014, sida lagu sheegay dacwadda.
Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.
Paul Butler, oo ka mid ah qareenada difaacaya Schulman, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay rumeysan yahay in xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay yihiin “kuwa si qaldan wax loogu sheegay” islamarkaana ay ku guul-darreysteen inay si waafi ah u baaraan una hubiyaan caddeymaha.
“Waxaan ku kalsoonnahay marka fursad loo siiyo inuu sheego sheekadiisa, in Mr. Schulman si buuxda looga beri yeeli doono inuu ku kacay wax fal-dambi ah, iskaba daa khiyaameyn,” ayuu yiri Butler.
Shirkadda sharci ee heshay lacagta, laguma magacaabin dacwadda.
Schulman ayaa hadda ka mid ah maamulayaasha shirkadda Schulman Bhattacharya, wuxuuna maamula qeybta dacwadaha la xiriira ganacsiyada ee shirkadda.
Website-ka shirkadda ayaa waxaa ku xusan in Schulman uu dowladda federaalka Soomaaliya ku matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).
Butler ayaa sheegay in dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya ay Schulman u xil-saartay inuu ka caawiyo in loo fasaxo hantida uga xayiran caalamka, oo ay ku jirto mid taalla dalka Mareykanka.
Dowladda Mareykanka wax dood ah kama qabto in inka badan 9 milyan oo dollar oo hantidaas ka mid ah dib loogu celiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay qareenka difaacaya Schulman.
“Muddo badan afar sano, Mr. Schulman iyo kooxdiisa waxay si aan daal laheyn uga shaqeeyeen inay caawiyaan qaran aad ugu baahan kheyraad maaliyadeed, si loo xaqiijiyo dib uga soo kabashada dowladda Soomaaliya ee inka badan 20 sano oo dagaal sokeeye ah. Mudadaas, Mr. Schulman wuxuu noqday la-taliye la aaminay iyo u ololeeyaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Butler.
Schulman ayaa la filayaa in markii ugu horreysay uu si horudhac ah maalinta Isniinta u horyimaado garsooraha maxkamad federal oo ku taalla magaalada Greenbelt ee gobolka Maryland.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.
Goodax Barre ayaa Cali Guudlaawe ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.”
“Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre.
Goodax Barre ayaa sheegay in Guudlaawe uu madaxweynenimada ku helay kadib markii beelaha dega gobolka Hiiraan uu ka horkeenay beesha Xawaadle, sida kursiga loo fadhiyo.
Waxa uu sidoo kale qiil u yeelay jabhadda ka dillaacday gobolka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jeneral Xuud, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay markii la handaday beesha Xawaadle, islamarkaana la bah-dilay.
Goodax ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe lagu caleemo saaro magaalada Beledweyne, taasi oo uu ku qeexay bahdil iyo inay la macno tahay “aan ku guursado malxiisna ii qasab iigu noqo.”
Waxa uu sidoo kale weeraray ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo uu sheegay in lacag lagu aamusiyey, islamarkaana uu ka badin waayey inuu jaad cuno.
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.
Axmed Madoobe oo shir gudoominayay shirka golaha xukuumadda Jubbaland ayaa golaha wasiirada uga waramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo dhismaha maamulka Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha wuxuu si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inuu dalka si guud u galo, wuxuuna ku adkeysanayaa in Jubbaland ay xaq u leedahay in loo madax banneeyo guddiga doorashada sida lagu qoray heshiiskii ay dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Muqdisho bartamahii sanadkaan.
Axmed Madoobe wuxuu si cad u sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhibaatooyin aan loo adkeysan karin ka geysanayaan gobolka Gedo, wuxuuna intaas raaciyay iney caqabad ku yahiin xasiloonida deegaankaas.
Wasaaradiisa arrimaha gudaha wuxuu ku bogaadiyay iney yagleeleen maamul loo dhiso degmada Afmadoow oo ay shacabka soo doorteen, wuxuuna qabaa iney bilow u fiican u tahay dhismaha dowladaha hoose ee maamulkiisa.
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saraakiishii ay kala wareegtay ururkii Ahlu-Sunna in dhammaantood laga soo qaado deegaanada Galmudug, isla markaana Muqdisho looga furo tababar, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Saraakiil u badan kuwii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ee dowladdu qarameysay ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan Akadeemiyada Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye, oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.
Tirada saraakiishaas ayaa gaareysa 64-qof, waxayna kala heystaan darajooyin kala duwan, iyadoo lagu war-geliyey dhamaantood in 10-ka bishan December ay ku soo xaroodaan dugsiga tababarrada ciidanka ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.
Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in dhamaantood laga soo qaado deegaanka iyo inta badabar aysan garaneyn heerka uu yahay dib loogu celiyo, isagoo nala wadaagay warqadaha amarkaas lagu bixiyey.
“Ma garaneyno sababta ka dambeysa arrintan, markii aan aragnay warqada ka soo baxday Taliska guud ee booliska, waxaan la xariirnay hoggaanka Akadeemiyada booliska ee Jeneraal Kaahiye oo warqadan lagu socodsiiyey, waxaan ku dhahnay maxay yihiin waxa aanaa aqoon ee aad hadda na bareysaan? Waxayna nagu dhaheen anaga waxaba kalama socono arrintiina, balse waxaa nalaku amray in aan tababar cusub idiin furno,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in magaciisa aanaa adeegsan.
Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Horta tuhun badan ayaan qabnaa arrintaana laba mid ayey noqoneysaa, in shaqa cusub naloo diri rabo iyo in deegaanka nalaga raafi rabo oo ay tahay qorshe doorashada la xariira.”
Sidoo kale sarkaalkan oo hadda ka tirsan qeybta booliska Soomaaliya ee Galmudug, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii ay wareejisay Ahlu-Sunna ayaa noo sheegay inay qabaan tuhun ah inuu ka dacwooday Madaxweyne Qoor Qoor oo qorshaha socda uu yahay dalab isaga ka yimid.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Qoor Qoor iskuma fiicneyn isaga iyo saraakiishii Ahlu-Sunna, taasina waxay ku kaliftay in dowladda dhexe uu ka dalbado ciidamo Haramcad ah, si uu u helo ciidan toos uga amar qaata.
Taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa 29-kii bishii dhamaatay soo saaray warqad lagu amray saraakiishaan inay ku soo xaroodaan dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyadoo warqadaas lagu socod siiyey qeybta guud ee booliska Galmudug iyo akadeemiyada booliska ee Jeneraal Kaahiye.
“Danta shqada Qaranka awgeed, saraakiisha magacyadoodu hoos ku qoranyihiin oo ka kala tirsan mid kasta fadhiga ku hor qoran, waxay tababar ugu xaroo doonaan Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye, laga bilaabo 10-12-2020,” ayaa lagu yiri warqadda Taliska guud ee booliska Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye ayaa lagu faray warqadaan in saraakiishaas markii ay soo gaaraan uu u xareeyo tababar, isla markaana uu u diyaariyo jiid, cunno, macalimiin, garoon iyo wixii kale ee xuquuq ah.
Arrintan ayaa loo maleynayaa inay la xariirto doorashada ka dhaceysa dalka, waxaana ka dhalatay hadal heyn badan, iyadoo dadka ugu badan ee ka fal-celiyey ay tilmaamayaan in saraakiishaan ay badankood isku heyb yihiin oo ay ka soo wada jeedaan Habargidir.
Saraakiishii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ayaa aad ugu xeel dheer arrimaha ammaanka, waxayna caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada kale marar badan ku fashiliyeen qorsheyaal ay wateen Al-Shabaab, taas oo inta badan deegaanada Galmudug ka dhigtay kuwo ka caagan dhagaraha Al-Shabaab.
Sidoo kale intii uu xukunka joogay Madaxweyne Qoor Qoor waxay marar badan ku guuleysteen inay soo qabtaan rag baxsad ah oo qaarkood demiyo ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho.
Tuulada Dadivank, ee ku taalla gobolka buuraleyda ah ee Caucasus, ayaa ah mid soo jirtay 800-oo sano waxaana ku yaalla dhismooyiin qadiimi ah.
Waxaa goobtaasi sidoo kale ku dhagan boor uu ku sawiran yahay, baadarigii reer Armenia ee lagu magacaabi jiray, Aabe Hovhannes, waxaana goobta ku qoran, “waad ku mahadsan tahay in aad halkan timaado,” isaga dhoolacadeynaya.
“Waxaan haysaa amar ah inaan ka hortagno in goobtan qadiimiga ah la burburiyo,” waxaa sidaasi yiri askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ee halkaas jooga.
Dowladda Ruushka ayaa dagaal qaraar oo ka dhacay gobolkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh ka dib, waxay halkaas u daad-gureysay 2,000 oo ah ciidamo nabad ilaalin ah oo heshiiska qeyb ka ahaa.
Dadivank waxay ka tirsan tahay degmada Kalbajar: waa mid ka mid ah dhowr goobood oo ay dhawaan Armenia ku wareejisay Azerbaijan, ka dib heshiis xabbad joojinta ahaa ee Ruushka uu dhex-dhexaadiyay.
khariirad muujinaysa heshiiska Heshiiska nabadda ee Karabakh
Xukuumadda Moscow ayaa bogaadisay heshiiskan waxayna sheegtay in heshiiska u caddeyn u yahay in Ruushka uu weli yahay mid saameyn ku leh Konfurta Caucasus.
Balse dagaalkii socday muddo lix toddobaad ah, ayaa sidoo kale soo shaac bixiyay sida ay awoodda Rushka u xaddidan tahay marka la eego goobihii ay ka talin jireen xilligii Midowgii Soofiyeet.
‘Galaangalka iyo raadka uu Turkiga yeeshay’
Turkiga ayaa dhankiis soo ifbaxay oo door ka ciyaaray goob Ruushka aan ka fogeyn oo lagu tirinayay in saameyntiisa ay aad u sareyso.
Waa arrinta la xiriirta taageerada Militari ee xukuumadda Ankara u fidisay Azerbaijan oo gacan ay ka siisay dagaalka, taasi oo looga adkaaday saaxibkii uu Ruushka ku lahaa gobolka ee Armenia.
Ruushka imika waxay ogolaadeen in kormeerayaal militari oo ka socda Turkiga, oo ka tirsan gaashaanbuurta Nato, ay yimaadaan koonfurta Caucasus, si ay u indha-indheeyaan xaaladda xabbad joojinta.
“Waxa ka dhacay gobolka Karabakh runtii waa musiibo juquraafi siyaasadeed ah oo ka dhan ah Moscow, taasi oo aan ku ekeyn oo kali ah Koonfurta Caucasus, balse sidoo kale saameynaysa guud ahaan goobihii ay Midowgii Soofiyeet ka talin jireen,” waxa sidaas sheegay Konstantin von Eggert oo ah khabiir arrimaha siyaasadda ka faalooda.
“Xaqiiqadii waxaan aragnay ciidamada Armenia oo ay Ruushka tababareen, oo ay ka adkaadeen ciidamadii Azerbaijan ee ay Tababareen Turkiga ayna qalabeeyeen”, ayuu hadalka ku daray.
Madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa saameyn muhiim ah ku yeeshay gobolka”, ayuu yiri Konstantin von Eggert.
“Gabagabada arrinta waxay tahay in dalalka doorka ka ciyaaraya gobolka ee kala ah Turkiga, Iraan iyo Shiinaha, ay awoodooda ku sii ballaarin doonaan bartamaha Aasiya iyo gaar ahaan Koonfurta Caucasus, iyaga oo aan wax wadaxaajood ah kala galayn, cabsi na aan ka qabin cawaaqib xumo uga timaadda Kremlin,” ayuu yiri Mr von Eggert.
Meel 15 daqiiqo oo masaafo ah u jirta magaalada Dadivank ayaa horey u ahayd goob ay ka taliyaan Armenia, waxaa se imika ku sugan ciidamo nabad ilaalin u jooga.
“Haddii aan nahay dadka reer Armenia, waxaan mar walba u maleyn jirnay in Putin uu yahay nin wanaagsan oo anaga na garab taagan,” waxaa sidaasi yiri Araik.
Laakiin qof walba fikirkaasi lama qabo. Markii aan la hadalnay qaar ka mid ah askarta Armenia oo iyagu dib uga soo gurtay gobolka Karabakh, waxay sheegeen in ay uga mahadcelinayaan Ruushka in uu dagaalka soo afjaray.
“Haddii uu dagaalkani sii socon lahaa dhammaanteen waa nala dili lahaa,” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah askar Armenia.
“Azerbaijan waxay haystaan lacag badan, hub iyo qalab militari oo ka badan kan aan inaga haysano.”
Cadaadis Ruushka uga imanaya dalalka dariska
Ruushka wuxuu sanadkan 2020 u ahaa mid ay culeysyo badan oo dhanka siyaasadda iyo Juquraafiga ah ka soo wajaheen wadamadii horey uga tirsanaa midowga Soofiyeet.
Dalka Belarus – oo madaxwayanha ka taliya ay Ruushka aad isugu dhaw yihiin, waxaa ka socda dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayaan in uu xilka ka dego hoggaamiyaha kaligii-taliska ah.
Bishii October kacdoon ka dhacay dalka Kyrgyzstan ayaa la yaab iyo kadis ku noqday Ruushka.
Bishii aanu soo dhaafnay musharaxii ay Moscow taageereysay ee doorashadii Moldova ayaa madaxwaynanimada looga adkaaday.
Waxaa doorashada ku guuleystay musharaxii u janjeeray dhanka reer galbeedka, Maia Sandu, oo ka adkaatay madaxwaynihii xilka hayay ee gacan saarka la lahaa Ruushka, Igor Dodon.
Balse wali tusaalaha dalka Moldova, oo dib u dhac uu ku yimid Ruushka, ayaa hadana mujinaya in Moscow ay wali galangal ku leedahay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah.
Dalka Ruushka waxay ciidamo ka joogaan dalka Moldova.
Askarta Ruushka ayaa halkaasi u jooga si nabad ilaalin ah.
‘Wadamada ha iska tagaan’
Ma faa’ido ayaa ugu jirta in Ruushka uu saameyn ku yeesho dalalka dariska la ah?
“Haddii aan xisaabino, dhaqaalaha Ruushka uga baxa maagelinta saameyntiisa in ay sii jirto intee buu la eg yahay? Imisa se Ruushku uu dhaqaalo ahaan, ganacsiga ku bixiyaa amaanka iyo maalgashiga iyo in aysan isku dhicin suuqa way ee uu Yurub ku leeyaha? Waxaan u maleynayaa in qiimeyntu ay noqoneyso, ‘ha la iska fasaxo dalalkan’,” waxa sidaasi yiri Alexander Gabuev, oo ah khabiir ka tirsan xarunta Xarunta Carnegie ee magaalada Moscow.
“Balse Aqalka Kremlin-ka dareen ahaan way ku xiran yihiin dalalkan, waxaana aqalka looga arrimiyo Ruushka joogo dad horey sirdoonka uga soo shaqeyn jiray kuwaasi oo meel kasta halis ka arka, una arka in geed kasta uu sirdoon reer galbeed ah ku hoos jiro,” ayuu intaa ku daray.
Waxaa muuqata in saameyntii Ruuushka ee Jamhuuriyadihii Midowga soofiyeed la soo xaddiday ayna soo baxeen dalal kale oo saameyn ku leh arrintan, sida Turkiga, Shiinaha, Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka dib markii Mudane Maxamed Cusmaan oo ka qaybgelay kulanka uu weydiiyay madaxweynaha sida uu ula dhaqmi doono dowladda Kenya haddii ay soo faraggeliso doorashada Soomaaliya (Machadka Raas Septembar 26, 2020).
Dowladda Soomaaliya ayaa Novembar 29, 2020 amartay in safiirka Kenya uu wadatashi u tago dalkiisa, kaddib markii ay ku eedaysay xukuumadda Kenya inay faraggelin ku samaysay heshiiskii doorashooyinka federalka ee ka dhici lahaa Jubbaland. Soomaaliya, waxay sidoo kale watashashi ugu yeeratay safiirkeedi u fadhiyay dalka Kenya.
Go’aanka dowladda Soomaaliya waxuu yimid maalin uun kaddib markii madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka soo laabtay Nairobi – Kenya uu shuruud uga dhigay doorashada Jubbaland in ciidamada Federaalka Soomaaliya laga saaro gobolka Gedo!
Waxaa xigtay in warmurtiyeed ka soo baxay madal ay ku kulmeen qaar ka mid ah musharixiinta “madaxweyne-doonka” ah, ay ku eedeyaan xukuumadda inay siyaasadda arrimaha dibadda u adeegsanayso olole doorasho, isla-markaasna ay abuurayso nacayb iyo cadaawad dhexmarta Soomaaliya iyo Kenya.
Haddaba su’aasha taagan ayaa ah nacaybka iyo cadaawadda ma waxaa abuuraya Soomaaliya mise Kenya?
Duullaankii lama filaanka ahaa ee ay ciidamada Kenya ku soo galeen gudaha Soomaaliya Oktoober 15, 2011 ayaa qiil looga dhigay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Balse diblomaasiyiinta ku xeeldheer arrimaha Bariga Afrika ayaa rumaysnaa inay jireen qorshayaal kale oo ay Kenya ka leedahay gelitaanka ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.
“Haddii cadaw ku soo weeraro, waa inaad daba-gashaa cadawgaas raadkiisa, waana inaad garaacdo meel walba oo cadowgaas uu joogo” sidaas waxaa yiri Yuusuf Xaaji oo ahaa Wasiirkii Difaaca Kenya.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sheegay in duullaanka Kenya uu hoos-u-dhigay kalsoonidii ka dhaxaysay labada dal ee labaatankii sanadood ee ugu danbaysay, waxuuna ku tilmaamay ficillada Kenya “kuwo aan wanaagsanayn” (CNN October 25, 2011).
Dhanka kale, Wasiirkii Arimaha Dibedda Soomaaliya Marwo Fawsiyo Xaaji Aadan oo islamarkaas ahayd Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa warqad cabasho ah u dirtay Midowga Afrika. Wasiiradda ayaa ku eedeynaysa ciidamada Kenya oo qeybta ka ah ciidamada AMISOM, in aysan ahayn nabad ilaaliyeyaal dhexdhexaad ah. Waxaa warqadda lagu xusay in Ciidanka Difaaca Kenya ay tageereen hal garab oo Soomaali ah oo ka dhan ah kuwo kale, ayna xireen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxayna hub culus u adeegsadeen goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah (BBC July 04, 2013).
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xaqiijisay caddaymaha shan weerar oo ay ciidamada Kenya ku burburiyeen xarumaha isgaarsiinta Shirkadda Hurmuud ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, iyo hal weerar ay ciidanka Kenya ku dileen ugu yaraan labo ruux oo rayid ah (AP November 15, 2019).
Kenya waxay gabbaad siisay baxsadka Cabdirashiid Janan oo loo haysto dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Hay’adda Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka codsatay inay soo xirto Cabdirashiid Janan, ayna gacanta u geliso dowladda Soomaaliya ( amnesty.org February 03 2020).
Dowladda Kenya waxay dhegaha ka furaysatay dalabka Soomaaliya, iyo kan Amnesty International, waxayna hubaysay maliishiyo ka amar-qaata Cabdirashiid Janan, kuwaas oo weerar ku soo qaadeen dhowr jeer Ciidanka Federaalka oo ku sugan gobolka Gedo xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa xusid mudan, in marar badan ay ciidamada Kenya ku dileen gudaha Soomaaliya dad raacato ah, ayna diyaaradaha dagaalka Kenya beegsadaan dadka iyo xoolahooda. Waxay sidoo kale, dhowr jeer gudaha Soomaaliya ka afduubteen dadweyne xoolo-dhaqto ah iyo oday dhaqamaydyo. Waxaana ugu dambaysay afduub ay ciidamada Kenya u geysteen afar qof oo ay ka qafaasheen deegaanka Daarusalaam ee degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. (goobjoog September 27, 2020).
Warbixin ay soo saareen kormeerayaasha Qaramada Midoobay (UN monitores) ayaa ku eedeysay ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM in ay fududeeyaan dhoofinta dhuxusha sharci darrada ee laga dhoofiyo dekeda Kismaayo, ganacsigaas oo malaayiin doolar uga soo xarooda sanadkii xagjiriinta Alshabaab (Reuters July 14, 2013)
Kenya oo ku xumeynaysa mowqifka dowladda federaalka ayaa taageertay doorashaddii uu hareeyay khilaafka iyo musuqa ee uu abaabulay Mudane Axmed Madoobe, taasoo uu muran weyn ka taagnaa ansixnimada hannaanka loo maray. Natiijada doorashada oo si weyn u kala qeybisay shacabka ku dhaqan Jubbaland.
Guddoomiyihii Xisbiga Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, Senator Yuusuf Xaaji iyo sirdoonka Kenya oo aan haysannin ogolaansha dal ku galka Soomaaliya ayaa si sharci darro ah uga soo degay garoorka diyaaradaha Kismaayo, kana qaybgalay xafladii caleemasaarka Mudane Axmed Madoobe. Nasiibdaro, waxaa xafladaas ku wehliyey xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya!
Kenya waxay sheeganaysaa qayb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Waxay dooneysaa inay sohdin-badeedka ay la wadaagto Soomaaliya dib u xariiqdo si ay u hantido aagga baaxaddiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, oo hodan ka ah khayraadka dabiiciga ah (kalluun iyo shidaal).
Mudane Faarax Macalin oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya ayaa tallaabada ay Soomaaliya hoos ugu dhigtay xiriirka Kenya ku tilmaamay inaysan la yaab ku noqon balse lala soo “daahay” waxuu qiray in Kenya faraggelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana uu yiri “Inay Soomaaliya maanta go’aan gaarto oo ay tiri yeysan nasoo faraggellin Kenya ma’ahan wax la yaab leh, oo wax waddan kasta samayn lahaa” (VOA December 01, 2020).
Indheergarad badan ayaa u arka tallaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadday dowladda Kenya mid ay digniin ugu dirayso qaar ka mid ah shisheeyaha dhaqanka ka dhigtay faraggelinta dalka. Waxaana suurto-gal ah, in haddii ay Kenya dib uga joogsan ficiladeeda foosha xun, ay xukuumadda Soomaaliya geyso Barlamaanka qaraar dhan ka ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ciidamadda AMISOM, ayna xukuumadda ka dalbato Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay la baxaan ciidanka Kenya.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ku dhacaayay koror, oo intiisa badan ka imaanayay dhanla kharashyada dowladda ayada oo in yar ama waxba ayna iska baddalin qaabki ama qaybaha ay miisaaniyaddu ka koobnayd. Kharashaatka shaqaalaha dowladda ayaa ah halka ugu badan ay ku baxaan kharashyada dowladda halka qayb aad u yar ee miisaaniyadda lagu kharash gareeyo raasumaalka iyo hantida ma guurtada. Sare u kaca ku yimid miisaaniyadda dowladda waxaa saamayn ku leh arrimo badan sida horumar dhanka siyaadaha canshuurta, kobaca dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, iyo tan ugu muhiimsan oo ah siyaasiyiinta oo kobaca miisaniyadda ugu dhiganyahay astaan waxqabad dowladeed iyo horumar dhanka maaliyadda dowladda. Dhawaan golaha wsiirrada waxa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2021 taas oo muujisay sare u kac ilaa 32% halkii sannadkii hore ay ahayd. Sidoo kale, miisaaniyaddii 2020 waxa ay 28% ka sarraysay midda sannadkii ka horreyay. Madaxda dowladda waxa ay ku micneeyeen in miisaaniyadda ay u ballaarinayaan si ay u kordhiyaan kobaca dhaqaale.
Xigasho: Wasaaradda Maaliyadda. Qiimaha lacagta u qoran milyan doolar
Dhaqaaleyahannada iyo siyaasad dejiyeyaashu iskuma raacsana in ballaarinta miisaaniyadeed ay caawinayso ama caqabad ku noqonayso dhaqaalaha. Kuwa u dooda ballaarinta miisaaniyadda waxa ay sheegaan in dowladdu ay awood u yeelanayso fidinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaale oo caawinaya habsami u socodka dhaqaalaha. Waxa ay sidoo kale soo jeediyaan in kobaca miisaaniyadeed ay gacmaha dadwaynaha galiso lacag taas oo dardar galinaysa kharashgarayntooda iyo kobaca dhaqaale. Kuwa ka aragtida duwan waxa ay sheegayan in dhiirriggelinta sare u qaadidda kharashgaraynta dadweynaha ay kaliya baddalayso heerka sicirka; ayada oo ka soo wareejinayso hantida gacmihii dadwaynaha (private sector) oo kaga fiican dowladda wax soo saarka wax ku oolka ah una soo wareejinayso gacanta guud (dowladda/public sector). Waxay sidoo kale curiyaaminaysaa dhismaha siyaasado dardar galiya kobaca, waxaana ka dhasha hoos u dhac miisaaniyadeed kaas oo cuslaynaya dib u habaynta maamulka maaliyadda guud (public financial management). Qayb wayn oo ka mid ah miisaaniyadda dowladda waxa ay aaddaa amniga kaas oo aan kordhinayn dakhliga aana horumarinayn habsami u socodka dhaqaalaha. Xogta dhaqaalaha-guud (macroeconomic data) ma taageerayso doodda ah in sare u qaadidda miisaaniyadda ay ka dhalato kobac dhaqaale ama mid ku yimaada wax soo saarka gudaha ee dal is baddal dhab ahna ma sammayso kali mid magac u yaal ah sida is baddalka sicirka, mushaarka iyo qiimaha lacagta.
Tirooyinka hoose waxa ay muhinayaan is-baddallada miisaaniyadda oo lala bar bar dhigay is baddalka kororka halbeegga wax soo saarka gudaha dhabta ah(real GDP)
Xigasho: Xogta IMFXigasho: Xogta IMF
Sawirradan waxa ay muujinayaan heerarka kobaca miisaaniyadda, heerka kororka halbeegga kobaca wax-soo-saarka gudaha (GDP) iyo heerka sicir-bararka. Miisaaniyadda dowladda federaalka waxa ay ku jirtay sare u kac halka kobaca dhabta ah uuna is baddalin. Kororka miisaaniyadda waxaa bar bar socday sare kac ku yimid heerka sicir bararka taas oo muujinaysa in lacagihii dhaqaalaha lagu soo kordhiyay ay ka qayb qaateen sicir koror ka yimid dalabaadka dadweynaha oo kordhay. Kobacii ugu sarreeyay ee ku yimaada kobaca wax-soo-saarka gudaha ee dhabta ah (real GDP) waxa ay ahayd 2015-kii kaas oo ay ahayda sannadkii ay miisaaniyadda dowladda ugu hooseesay. Xogta lixdii sanno ee ugu dambaysay waxa ay mujinaysaa xiriir ka dhaxeeya kororka miisaaniyadeed iyo sicir bararka, halka xiriir aan sii xooganayn uu ka dhaxeeyo kobaca dhaqaale iyo ballaarinta miisaaniyadeed.
Talo Soo Jeedin Ku Aadan Maamulka Miisaaniyadeed ee Wanaagsan.
Miisaaniyadda dowladdu waxa ay ka matalaysaa siyaasadda maaliyadda lagu hago dhaqaalaha loogana jawaab celiyo dhibaatooyinka dhaqaale waawayn ee dalku waajaho. Haddaba, machadka cilmi baarista Syndicate waxa uu soo jeedinayaa talooyinkan si loogu gudbo miisaaniyad wanaagsan, la saadaalin karo oo xasilloon.
• In lagu maamulo miisaaniyadda dowladda hab cad, ammaano leh, lana sii saadaalin karo ayada oo lagu jaan-goynayo mudnaan baahiyaha iyo hiigsiyada istiraatijadeed ee dowladda. Sidoo kale dowladda waa in ay dhistaa hab ama qaab dajinta miisaaniyadeed taas oo awood u leh in si wax ku ool ah ay kaga jawaabto baahiyaha horumarineed ee dalka.
• Inta lagu gudo jiro hawlaha miisaaniyad dejinta, maamulka miisaaniyadda iyo fulinta miisaaniyadda in la sameeyo kormeeridda iyo qiimaynta xaaladda dhaqaale ee dalka iyo hawlaha suuqa ayada oo si hoose loo eegayo heerarka sicirka, qiimaha lacagta, kharashgaraynta dadwaynaha. Ka qaybgal loo dhanyahay iyo doodda dhabta ee ku saabsan xulashada qaabka miisaaniyadda waa in ayadana lagu soo daraa hawlaha miisaaniyadda.
• Dowladda waa in tixgelin dheeraad ah ay siisaa xasilloonida miisaaniyadda iyo khatarta maaliyadeed ee ka imaan karta kororka miisaaniyadda. Dowladda waa in sidoo kale ay raacdaa habab loogu sare qaadayo tayada saadaalinta miisaaniyadda, qorsheyaasha maaliyadeed iyo fulinta miisaaniyadeed.
Warbixintan waxaa diyaariyey machadka darsaadka ee Syndicate Research Institute. Warbixino oo kale oo dheeri ah waxaad ka heli kartaa syndicate.so
Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa maanta ka dooday khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex qarxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxayna xubnuhu ka doodeen sida ay u arkaan xiriirka xumaaday ee labada dal, waxaana idiin soo gudbineynaa khudbadihii ugu sameynta badnaa ee xildhibaanada.
Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan u yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo kii Kenya dalkiisa wadatashi ugu dirtay, waxayna Soomaaliya ku eedeysay dowladda Kenya inay faro-gelin ku heyso arrimaheeda gudaha, isla markaana ay fashilineyso heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada.
Dhowr xildhibaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qaarkood qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday diblumaasiyad qar iska tuurnimo ah, isla markaana aysan Kenya ku dhaqaaqin faro-gelin ka dhacday arrimaha gudaha Soomaaliya.
Xildhibaan Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ayaa ka hadlay seddax qodob oo ku saabsan xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna yiri, “Mudane guddoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kalfadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xiriirka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yiraa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wadatashi dheeraad ah.”
“Tan labaad tallaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn.”
“Ta seddaxaad, waxaan doonayaa inaan dhaho Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Katoo Ole Metito oo jka tirsan baarlamaanka Kenya.
Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale aya yiri, “Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muu saamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye.”
Xildhibaan Aadan Barre oo sii hadlaayey ayaa yiri “Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey.”
Xildhibaan Cabdullaahi Bashiir Sheekh oo laga soo doorto Mandera North ayaa isna yiri, “Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraan tahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.”
Xildhibaan Nuux Juneed Sheekh oo laga soo doorto Suna East ayaa yiri, “Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. Oo waxaad is odhanaysaaba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho.”
Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.”
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu wada-hadallo ugu yeero musharaxiinta mucaaradka, si xal siyaasadeed loo gaaro, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Ilo-wareedyo ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay war-gelin ka heleen Villa Somalia, taasi oo ku saabsan qoraal uu soo saari doono madaxweynaha oo uu ku dalbanayo inay kulmaan.
“Cadaadis saaran awgiis, madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saarayaa qoraal uu ku dalbanayo in ay Madasha Musharaxiinta la kulmaan, oo ka wada hadlan sidii looga gudbi lahaa jawiga cakiran,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan Madasha oo la hadlay Caasimada Online.
Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa intaas ku daraya inay qoraalkan filayaan caawa. Caasimada Online oo sidoo kale la hadashay xubno ka tirsan Villa Somalia waa ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan xilliga lasoo saari doono qoraalkaas.
“Madaxweynaha wuxuu mar walba diyaar u yahay in xaaladda dalka xal loo helo,” ayuu ku hadal gaabsaday qof codsaday inaan la magacaabin oo ka tirsan madaxtooyada.
Musharaxiinta mucaaradka ayaa dhankoodana rumeysan in cadaadis xooggan oo ka dhashay go’aanadii ay Khamiistii tagtay kasoo saareen Muqdisho iyo midka beesha caalamka ay hoggaamisay in madaxweynaha uu dalbado kulamo.
Si kastaba, ma cadda sida heshiis kasta oo la gaaro uu u dhaqan-geli karo, ayada oo la xusuusto in qodobo ay horey ugu heshiiyeen madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada Qaran aanay meel-marin.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo bishii hore bartankeedii lagu dilay Soomaaliya, ayaa waxa kasoo baxaya faah-faahino dheeriya oo la xiriira qaabkii loo dilay sarkaalkaasi.
Sarkaalka la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, waxa kale oo uu horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.
Sida ay baahisay wargeyska The Guardian, sarkaalkan ayaa la dilay xili uu ku jiray howl-gal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmayey inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo sanadkii hore ka dhacay Kenya.
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in howl-galka uu ku geeriyooday sarkaalka Mareykanka ah ay si wada-jir ah u fulinayeen ciidamo gaar ah oo isku dhafa, kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan.
Weerarka lagu khaarajiyey Sarkaalka Amerikanka ah ee magaciisa la qariyay ayaa ka dhacay degaanka Gendershe, oo ah tuulo xeebeed qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-galbeed ka xigta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku guuleystay inay xili habeen ah 6-dii bishii November ee sanadkan ay miino ku qarxiyaan gaari ay saarnaayen ciidamadaasi, kaasi oo ay ku naf waayeen Sarkaalka ka tirsanaa CIA-da Mareykanka iyo Saraakiil kale oo Soomaali ah.
“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka ayaa waxaan ku duulnay 2:00-Am habeenimo. diyaarado, iyada oo askarteena lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay The Guardian.
Sidoo kale waxa uu sarkaalku sheegay in howl-galkaasi uu yimid kaddib markii la helay macluumaad sheegaya in seddex saraakiil sar-sare ah oo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkaasi ku sugan-yihiin degaanka Gendershe ee duleedka Marka.
Waxa kamid ahaa saraakiishaasi sida uu sheegay Sarkaalka la hadlay The Guardian, Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo ah khabiir sameeya waxyaabaha qarxa, sidoo kalena la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa qaraxyo badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, kaasi oo galaaftay nolosha boqolaal rayid.
Maxamed, oo sidoo kale loo garan ogaa “Injineer Ismaaciil”, ayaa dhawaan dowladda Mareykanku waxay ku dartay liiska waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah”, iyada oo si gaar ah looga xayirayo wixii hanti ah ee uu ku lahaan karo gobollada Mareykanka, isla markaana ka mamnuucaya dadka Mareykanka ah inay wax ganacsi ah la yeeshaan.
“Sarkaalkaasi waxa uu yahay 36-jir khabiir sare oo Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa, madaxa garabka warbaahinta ee Al-Shabaab iyo lataliyaha muhiimka ah ee Axmed Diiriye oo ah, hogaamiyaha Guud ee Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka.
Maxamed ayaa sidoo kale loo haystay inuu maleegayay weeraro is xig-xigay sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weerarkii bishii January ee sanadkan lagu qaaday xero milatari oo ku taal Kenya, oo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle Mareykan ah.
CIA-da Mareykanka ayaa inta badan Soomaaliya ka fulisa howl-gallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Puntland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey.
Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilada ka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.
Kadib markii maanta xasaanada laga qaaday xildhibaanada siddeeda ah ayaa waxa uu Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ku dhawaaqay inaysan ka bixi karin magaalada Garoowe, ilaa inta laga horgeynayo xubnahaasi maxkamadda sarre ee maamulkaasi.
Sidoo kale waxa uu xeer ilaaliyuhu sheegay inay xadidayaan dhaq-dhaqaaqyada mudaneyaashaasi, isla markaana ay gacan ku hayntodoa la wareegayaan ciidamada amaanka Puntland, ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa qorsheynaya in siddeeda xildhibaan oo si weyn uga soo horjeeda guddoonka baarlamaanka lagu xukumo xabsi guri, sida ay siyaasiyiin horeba loo galiyay xabsi gurigaas.
Xildhibaanada xasaanada lagala noqday ayaa loo haysta inay maalintii Isniintii ay is hor-istaag ku sameeyeen Kulan uu Wasiirka Qorsheynta Puntland ku hortegi lahaa Golaha Wakiilada.
Waxa kale oo eedeymaha loo haysto kamid ah inay siddeeda xubnood ay ku kaceyn falal kasoo horjeeda sharafta iyo karaamada Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kale ay sameeyeen carqaladeyn ka dhan ah howl-maalmeedka shaqo ee golahaasi, iyagoo aflagaado u geystay Guddoonka iyo Xubnaha kale ee Golaha, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud.
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hortimid xil uu madaxweynaha Soomaaliya maalintii shalay u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, kaasi oo ahaa inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in magacaabistaasi ay tahay mid laga leeyahay ujeedo lagu rabo in lagu maran habaabiyo aragtida iyo fahamka bulshada caalamka ee ku aadan madax-banaanida Somaliland.
“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden)” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Somaliland ayaa magaabista Yuusuf Garaad ku tilmaamtay mid ah “riyo maalmeed iyo sheegasho aan jirin”, iyadoona ku dooday in Soomaaliya aysan meelna ku laheyn gacanka cadmeed, marka lagu saleeyo xuduudihii gumeysiga ee khariidadda Qaaradda Afrika.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadeeda, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca madax-banaanideeda iyo xuduudahaba.
Waxay ku wargalisay beesha caalamka, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD inaysan Somaliland marnaba aqbaleyn magacaabista uu shalay sameeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal ay ku difaacan doonto qadiyadeeda.Ergeyga uu shalay
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.
“Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
Waxa kale oo lagu yiri “Waxay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay ay tahay indho sarcaad siyaasadeed”.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo shalay loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo dhoweeyay xilkaasi loo magacaabay.
Ugu horreyn Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey madaweynaha Soomaaliya, kalsoonida uu siiyey iyo xilka sare ee uu u magacaabay.
Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu si daacadnimo ah, kartina ay ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyadda culus ee loo xil-saaray.
Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu si hufan oo khibrad leh uga qeyb qaadan doono xilli kasto arrimaha waa weyn ee mandiqadda Geeska Afrika.
Halkan hoose ka aqriso:-
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood.
Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.
Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.
Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.
Ducada Aammiin.
Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn am aka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.