25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ururada bulshada rayidka ah oo walaac xoogan ka muujiyey doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay ururada u dhaqa-dhaqaaqa bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee la qorsheynayo in la qabto 2020 illaa 2021-ka.

Qoraalka ururada bulshada rayidka ayaa ugu horreyn waxaa walaac looga muujiyey hadallada kul-kulul ee ay warbaahinta isku marinayaan mucaaradka iyo dowladda.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ka fogaadaan wax-kasta oo keeni kara isku dhac ama qalalaase siyaadeed.

Warsaxafaadeedka ayaa sidoo kale looga dalbaday labada dhinac inay ka wada-shaqeeyaan doorasho ku dhacda waqtigii loo asteeyey.

Ugu dambeyn bulshada rayidka ayaa soo jeediyey in ololaha doorashada ee socda loo wajaho, si ay ku dheehan tahay mas’uuliyada,iyada oo la dhowrayo nabad-gelyada.

Bayaankan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey ay sii xoogeysaneysay xiisada u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka oo walaac ka muujiyey doorashooyinka.

Ciidamada amniga oo dad u soo qabtay dilkii Tiyeegow

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay, illaa saaka ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galka ayaa daba socday, dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegow) oo lagu toogtay xaafada Howl-wadaag.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo looga shakiyey inay ku lug leeyihiin toogashada Marxuum Xasan Tiyeegow oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub laga soo bixiyey guri ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan baaritaanadooda oo ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud iyo nabad-gelyada.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Beledweyne ka taagnaa xiisad ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Saudi Arabia: Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca oo loo xiray eedeymo culus

0

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa shaacisay in la bilaabay baaritaanka lacag lagu qiyaasay 325 milyan oo dollar, taas oo ay lunsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Wakaaladda ka hortagga musuq maasuqa ee dalka Sacuusiga ayaa sheegtay in dadka baaritaanka lagu hayo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin iyo ganacsato waa weyn.

Sidoo kale dadka lagu hayo baaritaankan musuq maasuqa la xariira waxaa kamid ah xubno ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baaray lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa, kaas oo ka bilaawday dalkaas, isagoo sheegay inuu taas muhiimadda koowaad siinayo.

Sannadkii 2017-kii ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato lagu xiray hoteel ku yaalla magaalada Riyadh, si loogu qasbo in ay lacag malaayiin dollar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda, dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalka Sucuudiga.

Xukuumadda ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, iyadoo la seddax laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan.

Tallaabadaas ayaa qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu bari-taaro dhaqaalaha dalka oo Coronavirus ku dhaawacmay.

Sidoo kale Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dowladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay Corona awgii, waxaa burburay dhaqaalihiisii.

Xog: Qoor Qoor oo bilaabay qorshe cusub iyo midowga musharaxiinta oo ka aqbalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa shir kale ku yeeshay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayeen doorashada dalka iyo fal-celintii ka dhalatay war-saxaafadeedkii ay soo saareen laba maalin ka hor.

Shirkaas waxaa dib uga biiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog ay shirkaas ka heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Qoor Qoor uu Musharaxiinta ka codsaday in iyaga iyo madaxda dowladda federaalka uu dhex-dhaxaadiyo.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dhankooda ka aqbalay Qoor Qoor  codsigiisa ah inuu dhex-dhaxaadiyo ayaga iyo hoggaanka dowladda federaalka.

Dhawaan war-saxaafadeed ay ka soo saareen shir u socday mudo lix maalmood ah ayey ku go’aamiyeen inay qaban doonaan doorasho u gaar ah, hadii dowladda dhexe aysan joojin boobka ay ku heyso doorashada iyo qodobo kale.

Hasa yeeshee waxaa u jawaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo u soo daliishaday Aayado  Qur’aan ah, isagoo ku baaqay in la qabqabto oo la dilo.

War kale oo ka soo baxay musharaxiinta ayey ku sheegeen inay dhab u qaadanayaan hadalka guddoomiye Cumar Filish, waxaana haatan cakiran xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu casuustaa kaalintii uu ku lahaa dib u bilaabashada wadahadallada doorashada ee dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, isagoo Dhuusamareeb isugu geeyey iyagoo aan isisoo hor fariisan in ka badan laba sano.

Haatan, waxaa laga dhursugayaa sida uu Qoor Qoor u maareeyo marxaladan siyaasadeed ee uu dhexda u xirtay, si uu ugu kala dab-qaado xulufada Madaxweyne Farmaajo iyo in ka badan 14 musharax oo is baheystay.

Sawirro: Banaanbaxyo xoog leh oo caawa ka bilaawday Beledweyne iyo dil ka dhacay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa salaadii Cishaha ee caawa kadib ka bilaawday banaanbaxyo xoog leh oo rabshado wata, kuwaas oo dadka dhigaya ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabeelle.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa fiidkii hore ee caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow) waxaana goobta ka baxsaday raggii geystay dilkaas.

Dadka mudaharaadaya ayaa ka careysan xarig loo geystay xubno ganacsato ah oo lagu eedeeyey horinta banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada, kuwaas oo lagu diidanaa in la weeraro jabhadda ku sugan duleedka Beledweyne ee uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa aad u kacsan, waxayna dadka banaanbaxaya gubayaan taagyaro, qaar ka mid ah dadkaasna waxay Caasimada Online u sheegeen in laga cabsi qabo in dabku qabsado goobaha ganacsiga iyo dhismayaasha magaalada.

Sidoo kale qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaa caawa laga maqlayaa rasaas, waxaana haatan Beledweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed.

Dadka reer Beledweyne ayaa gadoodsanaa tan iyo markii la gudaga galay dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle, waxayna haatan diidanyihiin in Madaxweynaha la doortay Cali Guudlaawe uu tago magaalada Beledweyne.

Soomaaliya oo ceyrisay safiirka Kenya ee Muqdisho, una yeeratay safiirkeeda

0

Muqdisho (caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay in safiirka loogu yeeray wadatashi la xariira faragelinta Kenya oo ay sheegtay dowladdu inuu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan derisnimada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamka, sidaas darteed waxaan la tashi ugu yeeranay danjiraheena… Dowladda Soomaaliya ma aqbali doonto falkasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaashaha dalkeenna,” ayuu yiri xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo warkan akhriyey.

Hoos ka Daawo

Xog: Sababta lagu doortay in Cali Guudlaawe lagu caleemo-saaro Beladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ka taagan qallalaaso ka dhashay in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uu tago gobalka Hiiraan.

Shalay waxaa magaalada ka dhacay banaanbaxyo rabshada wata ilaa haddana waxaa taagan xiisad la xariirta safarka madaxweynaha, ayada oo maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneral lagu magacaabo Xuud ay sheegeen inay la dagaalami doonaan haddii uu yimaado.

Guudlaawe iyo maamulka HirShabelle ayaa doonaya in caleemo-saarkiisa madaxweynaha uu ka dhaco Beledweyne, waxaana Caasimada Online ay ogaatay sababta iyo qorshaha arrintaas laga leeyahay.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” ayaa sheegay in sababta Beladweyne loogu doortay in munaasabada caleema-saarka lagu qabto ay tahay in loo soo wareejiyo xarunta maamulka ama laga dhigo, ayada ooh adda ay tahay Jowhar.

“Dastuurka waxa uu dhigayaa in caasimada lagu caleema-saaro Madaxweynaha marka Beladweyne waxay noqon doontaa caasimada rasmiga ah ee maamulka,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

“Caasimada iyo wasiirka arimaha gudaha haddii aan u keeni waayo shacabka Hiiraan aniga ayaa xilka ka tagaayo,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo la hadlay warbaahinta Beladweyne, xilli beeshiisa ay ku dhaliisay inuu xilkaas qaatay, xilli ay doonayeen xilka madaxweynaha.

Jeneral Xuud ayaa maamulka HirShabelle ku tilmaamay sharci wuxuuna ku dhaartay dagaal uu gobolka Hiiraan “uga xoreynayo” dowladda federaalka.

Axmed Madoobe oo si rasmi ah u aqbalay codsi ka yimid musharaxiinta mucaardka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo cabashada mucaaradka ee ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan arimaha doorashada, isaga oo aqbalay codsi ka yimid.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisa uu tixgelin doono cabashada musharaxiinta, islamarkaana uu beddali doono xubnaha 4-ta ee Jubaland ku matala guddiyada doorashooyinka qaranka, haddii laga helo shaqaale, askar ama dad aan dhex dhexaad noqon karin.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen in maamullada Jubaland iyo Puntland badalaan xubno shaqaale rayid ah oo guddiyadooda ku jiro.

Codsigaas kadib ayaa Caasimada Online waxay heshay xog sheegaysa in maamulada Jubaland iyo Puntland aqbaleen in ay badalaan xubnaha qaar ee ku matala guddiyada doorashooyinka qaranka, taasi oo Axmed Madoobe uu si rasmi ah u xaqiijiyey.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale shalay sheegay in dalka aysan doorasho ka dhici doonin, haddii aan wax laga qaban xaaladda gobolka Gedo iyo dhibaatada ay ka waddo dowladda federaalka.

“Waxaa la yiri doorasho sidaan haloo qabto maamul kastana laba magaalo ha ku qabto, anaga waxaa noo qiran inaan Kismaayo iyo Garbahaarey ku qabano doorashada, marka su’aashu waxay tahay Jubbaland maanta Garbahaarey ma ka talisaa? Jabhado iyo ciidan ayaa lagu sii daayey, maanta jabhadihii sagaashamaadkii ayaa wax lagu raadinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda federaalka ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey oo gobolka Gedo ay ku soo wareejiso Jubbaland.

“Doorasho kuma dhaceyso noocaan afduubka ah, dalkan waxaa looga baahanyahay wixii lagu heshiiyey in la fuliyo, madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda federaalka waxaa looga baahanyahay inay kala saaraan, nooca lagu heshiiyey inay doorashadu u dhacdo iyo ololahooda doorasho inay kala saaraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Maxaa ka jira in xildhibaan MUSTAFA DHUXULOW lagu xiray magaalada Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in lagu xiray Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo sidoo kale ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Khaalid Foodhadhi oo kamid ah wariyeyaasha ugu caansan Somaliland, ayaa sheegay in Mustaf Dhuxulow lagu xiray madaarka magaalad Hargeysa ee Cigaal.

Dhuxulow ayaa lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay saldhig ku yaala garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, kaasi loo taxaabay kadib markii ciidamada booliska ay ka qabteen madaarka, xili uu kasoo dagay diyaarad soo cago dhigatay garoonka.

Safarka Hargeysa ee Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa aheyn mid hore loo sii shaaciyey, lamana oga ila hadda inuu yahay mid uu u qasdiyay iyo ujeedka ka dambeeya safarkaasi.

Inkasta oo ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn sababta xariga Dhuxulow ayaa haddana waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in uu Transit ku ahaa garoonka Hargeysa, isla markaana uu kasoo degtay diyaaradii uu saarna mudadii ay ku sugneyd madaarka.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amiga iyo maamulka Madaarka oo ku aadan xariga Dhuxulow, oo saacadii u dambeysay si weyn looga hadal hayay baraha bulshada.

Deni oo beesha caalamka u gudbiyey walaac la xiriira doorashada Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, kuwaasi oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga.

Madaxweyne Deni ayaa wafdiga la wadaagay aragtida Puntland ee ku aadan xaalada kala guurka ah ee uu wajahayo dalku, isla markaana ay u dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib u dhac ku iman, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Wuxuu ugu horeyntii xusay in doorashada meel fog laga keenay, iyada oo u dambeysay heshiiskii 17-kii bishii 9-aad lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo saaray habraacyo loogu tala-galay in lagu fududeeyo in xiligeeda ay ku dhacdo doorashadu.

“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro, sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata,” ayuu yiri Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.”

Deni ayaa walaac ka muujiyey in si dhameystiran aan loo maareyn hanaanka doorashada oo xiligan ay ka dhiman tahay bilooyin kooban, isagoona sheegay inuu rajeynayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo kalsooni lagu wada qabo, isla markaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadu.

“Wixii tabasho ah oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.”

Madaxweynaha Puntland oo u muuqda mid iska dhowraya inuu si adag uga hadlo xaalada dalka oo xiligan laga deyrinayo, ayaa dabacsanaan xoogan ka muujiyey mowqifka ku aadan muranka doorashoyinka, halka madaxweynaha Jubbaland oo hore isku mowqif uga ahaayeen doorashada uu si adag ugu digay dowladda federaalka.

Si kastaba, waxa muddooyinkii dambe muran baahsan ka taagna doorashooyinka dalka, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka oo ay qaadaceen mucaaridku, halka ay weli ku madax adeygayso xukuumaddu, taasi oo abuurtay xiisado hor leh oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey kulan ay musharaxiinta ku yeesheen MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa la sheegay in ay uga hadleen waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda dalka, halka qaarkoodna ay ka warbixiyeen kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen, madaxda qaar ee dalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in shirkaan uu horudhac u yahay kulamo xariir ah oo musharrixiintu ay ku dardar gelinayaan dadaallada loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Warar kale ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay warbaahinta la hadli doonaan, iyaga oo ka hadli doonan dhacdooyinkii dalka ka dhacay sidoo kalena ay jawaab ka bixinayaan hadalkii Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Midowga Musharaxiinta war saxaafadeed ay ka soo saareen shir muddo 5 cisho socday ay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay kala dirto Guddiyada doorashada, sidoo kale ka dalbaday inuu xilka banneeyo Taliyaha Nabadsugida.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ka digeen haddii dowladda ku adkeysato inay sameyso doorasho aan loo dhameyn inay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo.

Dalka waxaa ka jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah iyo siyaasadaba ,waxaana maalmo ka hor Qarax ay ku dhinteen dhalinyaro badan oo aqoonyahaano ah, walina kama hadlin Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyin ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Itoobiya oo ku raad joogta madaxdii ururka TPLF iyo Debretsion Gebremichael oo hanjabaad soo diray

Mekelle (Caasimada Online) – Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigray, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigray ee Mekelle.

Lama oga ilaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigray Debretsion Gebremichael.

Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Hogaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay inay caddowga kusoo duulay la dagaalami doonaan ilaa qofka ugu danbeeya, kadib markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle.

Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Reuters hoggaamiyaha Jabhada xoreynta Tigray ee TPLF ayaa yiri: “Xasuuqa ay geysteen wuxuu sii kordhinayaa inuu keenna ugu danbeeya dhinto isagoo la dagaalamaya kuwa nagu soo duulay”.

Mar la weydiiyey hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael haddii ay sii wadayaan dagaalka ayuu sidoo kale sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku difaacayaan xauquuqdooda inay is maamulaan, taasina ay geeri ka xigaan.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abey qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso mamaul cusub.

Balse hogaamiyayaasha Tigray ayaa waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku raadinayaan xaqa ay dadkooda u leeyihiin aaya ka tashigooda.

C/rasjiid Janan oo shaaca ka qaaday ‘arrin uu ka diiday’ Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amiga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulamo qarsoodi ah oo uu si gaar gaar ah ula qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Janan oo wareysi gaar ah siiyey Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Fahad Yaasiin uu ka dhacay isla Kenya, bishii March ee sanadkii 2019-kii, islamarkaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan iska horkeen uu sheegay inuu doonayey in lagu sameeyo qabaa’illada dega maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii uu arrintaasi sameeyo in loo ballan qaaday in meesha ay ka saarayaan dacwadda isaga loo heysto.

Wasiirka amniga Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday kulan kale oo dhex-maray isaga madaxweyne Farmaajo, kaas oo xilli habeen ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta nabad-sugida, sida uu ku sheegay wareysiga lala yeeshay.

Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa xusay in madaxweynaha uu xilligaan uu kala hadlay arrimaha la xiriira doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay inuu ka dalbaday in uu la shaqeeyo, balse uu ka ‘diiday’.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Villa Soomaaliya aysan dooneyn inay si dhab ah ula heshiiso Axmed Madoobe, islamarkaana ujeedka uu yahay in meesha laga saaro.

“Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in  Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan Jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin,” ayuu wareysigan ku yiri wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeun wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee u dhexeeyey ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda, wuxuuna sheegay in lagu soo qaaday dagaalkaasi, kadibna ay dib isaga gurteen isaga iyo ciidamadiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada weli ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gobolka Gedo ay ku sugan yihiin degmooyinka gobolkaasi, waxaana marar badan madaxweynaha Jubbaland uu dalbaday in ciidamadaasi dib loogu soo celiyo Muqdisho.

QM oo war cusub kasoo saartay doorashada Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia iyo doorashooyinka, kadib wareysi uu siiyey Telefishinka Al-Jazeera.

James Swan ayaa wareysigan ku sheegay inay muhiim tahay doorashada soo socota lagu qabto waqtigii oo la asteeyey oo ah dhammaanka sanadkan iyo kan xiga ee 2021.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku aadan doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay in dhammaadka sanadkan diyaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inay taasi tahay howsha ugu culus oo haddii laga gudbo doorashada madaxweynaha fududeyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey jeediyay in si wadajir looga shaqeeyo ilaalinta nabad-galyada iyo in laga wada-shaqeeya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is-mari waa uu ka taagan yahay arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyadeeda oo ay walaac ka muujiyeen midowga musharaxiinta.

Dilaagii Muqdisho – Macallin Ilkacase iyo xubno kale oo lagu fuliyey dil toogasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji Axmed oo caan ku ahaa (Macallin Ilkacase) iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ilkacase ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa dilaagii ugu weynaa ee qarsanaa ee Muqdisho abid ay aragto, isaga oo shaqsiyaad badan oo isugu jira shacab iyo xubno dowladeed ku laayey dilal qorsheysan oo magaalada ka dhacay.

Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), iyo laba kale oo Shabaab ah oo la shaqeyn jiray laguna kala magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, ayaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo Xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamij gaar ah ka diyaarisay Macalin Ilkacase), kaas oo uu ku qiranayay in uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay dilal dhowr ah, sidoo kale uu xilal kala duwan kasoo qabtay Al-Shabaab.

Ilkacase oo ahaa Macallin Jaamacadeed balse si hoose ula shaqeeyaa Al-Shabaab, ayaa axa uu madax ka ahaa unug dilaa ah oo Muqdisho ku laayey dad badan, waxaana markii la qabtay aad u yaraaday dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.

Cumar Filish oo hanjabaad cusub u diray mucaaradka, oo uu ugu yeeray kuwa u adeegaya shisheeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa diginin iyo hanjabaad cusub u jeediyey musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka ah, maalmo kadib markii duqa Muqdisho Cumar Filish oo aayado qur’aan ah u adeegsaday in xubnahaas la dili karo.

Warqad xalay saq-dhexe kasoo baxday maamulka ayaa looga jawaabay qoraalkii ay musharaxiinta uga fal-celiyeen hanjabaaddii dil ee Cumar Filish, waxaana maamulka uu musharaxiinta ku tilmaamay “kuwo u adeegaya shisheeye.”

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu aad uga xunyahay Qoraalka lagu faafiyay baraha bulshada ayna soo saareen qaar ka mid ah murashixiinta Madaxweynanimada dalka 2021, oo lagu qoray eed iyo cambaarayn aan sal iyo raad lahayn oo loo jeediyay madaxda qaranka ee dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka loona tarjumay si khaldan, iyadoo ay murashixiinta ka lahaayeen qoraalkooda dano gurracan oo u adeegayo shisheeye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulka farriin u muuqata hanjabaad u diraya musharaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in xaqiijinta amniga iyo xasiloonida caasimadda dalka “ay tahay waajlb sharci uuna u xilsaaran yahay hirgalintiisa guddoomiyalta gobolka Banaadir ahna Duqa Muqldsho.”

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu mar walba ka digayaa hab dhaqan kasta (Hadal iyo Ficil), ee dhiira-galinaya dib u dhac iyo xasilooni darro taasoo keeni karta natiijo aan la mahadin, mana ogolaanayo maamulka Gobolka marnaba in ay taasi dhacdo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa loo fasiray mid lagu sheegayo in maamulka uu qaadi karo tallaabo uu qiil uga dhigayo in lagu sugayo amniga oo ka dhan ah mucaaradka.

Xog: Kulan Villa Somalia ku dhex-maray Farmaajo, Fahad, Rooble iyo Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu xalay madaxtooyada Soomaaliya ku dhex-maray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo madaxwenaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha nabad-sugidda, kuwaas oo la shiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Inkasta oo aysan caddeyn wax rasmiga ah ee kulanka looga hadlay, haddana saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in looga xaajooday arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyada muranka dhaliyey ee musharaxiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen.

Kulanka ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga beddelo, sidoo kalena uu is-casilo Fahad Yaasiin, iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, oo la rumeysan yahay inay soo magacowday dowladda federaalka, balse uu magaciisa un ka saxiixay, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Si kastaba, kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya rajadii yareyd ee laga qabay in Qoor Qoor uu kusoo laabto dhex-dhexaadnimo kana soo baxo gacanta Villa Somalia, mana cadda sida ay mucaaradka ugu kalsoonaan karaan tallabo kasta oo uu qaado hadda kadib.

Laba sabab oo Farmaajo ‘ku qasbeysa inuu ka aamuso’ qaraxii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inta aan la dooran, waxa uu ahaa qof aad u dhaliila madaxda dowladda Soomaaliya ee cambaareysa weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca dalka, isaga oo ku eedeynaya in camabareyn aysan wax qabad aheyn.

Waxa sidoo kale ballan-qaadyadiisa ka mid ah in wax ka qaban doono ammaanka oo aysan dhicin doonin tacsi iyo cambaareyn dambe, oo aan wadan ficillo jawaab ah

Ku dhowaad laba maalin, madaxweynaha weli kama uusan hadlin qaraxii xasuuqa ahaa ee ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee Muqdisho, kaas oo galaaftay nolasha sideed dhalinyaro oo u badan oo aqoonyahanno.

Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta madaxweynaha u aamusan yahay, balse  Farmaajo ayaan laba arrin dartood u cambaareyn karin qarax kasta, kuwaas oo kala ah.

1 – In uu si la mid ah madaxdii ka horreysay ku fashilmay ammaanka, islamarkaana uu wali ku jiro damac kale oo ah hoggaanka Soomaaliya, sidaas darteedna uusan heynin wax uu u sheego shacabka Soomaaliyeed. Mar kasta oo uu amniga ka hadlo ama qarax cambaareynaya ay soo baxeyso mid ka mid ah guul-darrooyinkiisa.

2 – In markii uu waday olalihiisa doorashada uu marar badan sheegay in aysan dhici doonin in dowladiisa cambaareyso oo kaliya weerada Al-Shabaab balse ay si dhab ah wax uga qaban doonto, taasna kuma uusan guuleysan Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa habooneyd in Madaxweynaha ugu yaraan muujiyo inuu ka xunyahay xasuuqa socda balse aamusnaanto ay tahay qeyb kamid ah raali ahaanshaha.

Ma ahan markii ugu horreysay in Madaxweynaha Soomaaliya ka gaabsado ka hadalka qaraxyo iyi weeraro ka dhacay Soomaaliya oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Ibraahim Axmed Cabdulle – Waa aqoonyahan degan Muqdisho.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF Somalia oo iska fogeysay ‘dib u dhaca’ doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlayey Telefishinka Universal ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Dubbe ayaa si gaar ah uga hadlay dib u dhac ku yimaada doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, wuxuuna eeda ugu weyn dusha ka saaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay la soo daaheen soo dirista xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka dalka.

“Wax kasta oo gaabis ah oo yimid xagga xukuumadda kama imaan, waxay ka yimaadeen maamullada qaar oo aan soo dirsan gudii\yada waqtigii loogu talagalay,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaaka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cabaqada labaad ee dib u dhaca keentay inay tahay soo dhisida xukuumadda iyo la wareegida howlaheeda shaqo oo uu hoosta ka xariiqay inay ka dambeeyeen heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Ugu dambeyn wasiira Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Doorashada soo socota oo isugu jirta tan iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa waxaa hareeyey buuq siyaasadeed, iyadoona haatan ay dood adag ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen musharraxiinta.

Jeneral Odowaa oo shaaca ka qaaday Al-Shabaab ‘lagu laayey’ howl-gal ay fuliyeen

0

Cadale (Caasimada Online)- Faahfaahino ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray deegaan lagu magacaabo Ceel-gub oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabbellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in 8-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay dileen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen kooxda, isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan oo ay nolosha ku qabteen.

Howlgalka oo lagu tilmaamay mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgub oo qiyaastii 10-KM u jira degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyuhu waxa uu sheegay in laga war-helay in deegaanka ay Shabaab isku uruursanayaan, sidaasna ay ciidamadu u qaadeen howlgal qorsheysan.

Jeneraal Odowaa ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka ee fuliyey howlgalkaas ay sii daba joogaan xubnihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee howlgalkaas ka baxsaday, iyagoo cagta mariyey fariisinkii ay ka sameysteen deegaanka.