25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sheekh Shariif oo maanta ku wajahan Baydhabo + ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay innoo u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay saacadaha soo socda ka amba-bixi doonaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro u ololeynta arrimaha doorashada, isaga oo sidoo kale booqan doono magaalooyin kale oo ku yaalla dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo Baydhabo kula qaadan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dareemayo halkaasi.

Safarka madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa ku soo aadaya, xilli uu shalay Baydhabo dib uga soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Khatar cusub oo laba afle ah – Maxaa Ruushka dib ugu soo celiyey Geeska Afrika?

0

Ruushka oo in mudda ah isha ku hayay xeebaha Geeska Afrika ayaa November 11, 2020 shaaciyay inuu heshiis lagu dhisayo saldhig taakulayn iyo dayactir la gaaray dalka Sudan. Saldhigga oo laga dhisi doono waqooyiga dekedda weyn ee magaalada Port Sudan waxuu hoy  u noqon doonaa ilaa 300 shaqaale – askar iyo rayidba leh, iyadoo markiiba ay ku soo xiran karaan ilaa 4 markab oo ah kuwa xambaara gantaallada qumbuladaha “nuclear propulsion system.” 

Muddada heshiiska oo 25 sanadood lagu sheegay waxey leedahay fursad lagu kordhin karo ilaa toban sanadood oo dambe. Saldhigga si joogta ah uma fadhin doonaan markiib, balse waxuu noqon doonaa xarunta saadka ee looga adeego maraakiibta Ruushka ee Badda Cas. Ilaa hadda lama oga inteebay baaxada saldhigga sii fidi doontaa mustaqblka. 

Marka la eego sida heshiiska loo qaabeyay waxaa muuqata in Sudan laga caawimi doono casriyaynta ciidamada iyadoo la hormarin doono cududda difaaca cirka. Saldhiggu waxuu noqon doonaa goob difaac oo aan looga duuli doonin waddamada kale. Balse waxuu war ka taagan yahay sida Ruushka uu uga qaybgeli doono sugidda nabadgeliyada iyo xasilinta gobolka iyadoo mararka qaarkood uu ku lug leeyahay adeegsiga Georgia, calooshood-ushaqaystayaasha “Wagner group iyo Rossiskie System Bezopasnosti Group” oo ku hawlan burburinta Liibiya. 

Dagaalkii Suuriya, wixii ka dambeyay Ruushka waxuu helay wadiiqadii uu boos  uga ciriirsan lahaa Afrika, waxuuna noqday dalka ugu hub keenista badan qaaradda, sida uu sheegay machadka Stockholm International Peace Research. Xiisaha Ruushka ee Afrika ma aha keliya mid dhaqaale, ee waxaa jira  dano siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeedba. Moscow waxay fursad u heshay inay buuxiso meeshii uu baneeyay Mareykanka. 

Warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in Ruushka inta uusan Sudan la gelin heshiiska uu ku guul darraystay gorgorton uu la waday Eritrea, Jabuuti iyo Somaliland. Wixii ka dambeyay burburkii Midowga Sofyeeti waxaa muuqatay in Moscow ay dhabarka u rogtay qaaradda Afrika, balse dabeesha waxay isbeddeshay kaddib markii dalalka reer galbeedka ah ay ku soo rogeen cadaadin iyo cunaqabateen dhaqaale oo ay sababeen arrinkii Yukraaniya. 

Ujeeddada Ruushku ma cadda mana aha in si joogta ah ciidamadooda loo keenayo qaaradda. Moscow waxay si rasmi ah uga tanaasushay siyaasadii “afgambiga” (awood ku muqiininta nidaamyada dowliga ah), balse kama tanaasulin sii fidinta dhaqammada tuhunka leh sida in qandaraaslayda Ruusku gacan ka geystaan awood ku heynta kalitalisyada, taas oo macnaheedu yahay inay raali ka tahay xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Way adag tahay in quwadaha waaweyn ee isku dul baacsanaya Afrika lagu qiimeeyo danta ay u hayaan qaaradda.  Dhibaatada ugu weyn ee qaaradda, gaar ahaan dalalka Geeska haysata ayaa ah iska horimaadka fikirka taageerista kali-talisnimada iyo hammiga dimuqraadiyadda ee uu gobolku horumar ka doonayo.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Shirka musharraxiinta oo go’aanno laga soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey shirkii musharraxiinta ee lixdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha laga wada-hadalay.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa illaa 18 qodob ayaa waxaa inta badan looga hadlay doorashada Soomaaliya 2020 iyo walaaca ay muujinayaan musharraxiinta.

Go’aannada shirka ka soo baxay ayaa waxaa loo kala qaaday 1- go’aanka maamulka doorashooyinka, 2- go’aanka ammaanka doorashooyinka &  3- go’aanno guud.

Sidoo kale waxaa murtiyeedka ka mid ah qodobo si gaar ah loogu dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo musharrax ah.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale ka horyimid guddiyada doorashooyinka ee la dhisay, iyaga oo dalbaday in dhammaan la-kala diro.

Qoraalkan oo saddex bog ka koobnaa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka looga baahayan inay Cabdi Xaashi u deyso xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ee guddiyada doorashooyinka, halka ay dalbadeen in xubnaha ka imaanaya beelaha Banaadiriga ee doorashada loo daayo odayaasha iyo waxgaradkooda.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ugu baaqay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin inuu baneeyo xilkaasi, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.

Shirkii musharaxiinta ee ka socda Muqdisho oo wax laga beddelay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalintii Shanaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka hadlayay srrimaha doorashooyinka iyo walaac ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka.

Waxay sidoo kale ku dhowaaqeen in waxa laga beddelay qorshihii shirka, oo ahaa in maanta lasoo gebegeyeeyo, waxaana lagu daray maalin dheeraad ah, sababo la xariira musharrixiinta oo ballaariyay kulamada wadatashiga ah ee ay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan kala yeelanayaan hannaanka ugu habboon ee ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Musharrixiinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee dalka oo talooyin muhiim ah ka siiyay sida ugu haboon ee loogu midoobi karo qabashada doorasho dalka u horseedda horumar waara.

Musharaxiinta ayaa madaxda warbaahinta madaxa-banaan u gudbiyay waxyaabaha ay ka cabayaan ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiyada ay soo magacaawday Xukumadda Soomaaliya oo musharixiintu rumeysan yihiin inay yihiin saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha madaxtooyada.

Afhayeenka midawga Musharrixiinta, Ridwaan Xersi Maxamed oo warbaahinta si kooban ula halay Maqribkii caawa ayaa caddeeyay in shirka lasoo gebagebeynayo berri oo Khamiis ah, lagana soo saarayo war-urtiyeed ay ku caddahay taladooda ku aaddan arrimaha doorashooyinka dalka.

Ridwaan Xersi Maxamed ayaa intaas ku daray in musharixiinta ay maanta aad uga doodeen, halka dalka uu ku socdo halka uu ka yimid iyo sida laga yeelayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihii uu shirka socday ay isla eegeen waxyaabo badan oo uu sheegay inay ku fashilantay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, sida wax ka qabashada Ammaanka, Dhaqaalaha, Dastuurka dalka, iyo maqaamka Muqdisho.

Laacib hore, Diego Armando Maradona oo geeriyooday

Tigre (Caasimada Online) – Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow geeriyooday kadib markii uu wadnaha uu wadnaha istaagay, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Tigre ee magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona ayaa waxa uu kasoo kabanayey qalliin dhowaan looga sameeyey maskaxda, ayada oo isbitaalka laga soo saaray 11-kii November, sida ay werisay warbaahinta dalka Argentina. Waxa uu ahaa 60 jir.

Waxyar ka hor inta aan lagu dhowaaqin dhimashiisa, ayaa warbaahinta Argentina waxay saaka werisay in Maradona ay asiibtay xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirta loogu yeeray gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buenos Aires.

Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa durba ku dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo sameynayo Maradona.

Maradona oo ahaa mid ka mid ah xidighii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta caalamka, ayaa dalkiisa kula guuleystay koobkii adduunka ee 1986-kii.

Maradona ayaa usoo cayaarayey kooxaha Napoli iyo Barcelona ee dalalka Italy iyo Spain, kuwaasi oo uu kula guuleystay koobab.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Dowladda Imaaraadka oo Visa-ha ka joojisy Somalia iyo sababta ka dambeysa

Dubaia (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xayiraad hor leh kusoo rogtay 13 dal oo u badan Muslimiin, isla markaana ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo laga joojiyey bixinta fiisooyinka cusub ee dalkaasi.

Imaaraadka ayaa dalalkaasi ka joojiyey fiisooyinka booqashada iyo shaqada ee uu hore u siin jiray muwaadiniinta kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Iran, Turkey iyo Syria, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waraaqda xanibaadan cusub ayaa waxa loo kala diray shirkadaha ka shaqeeya dalkaasi ee inta badan shaqaalaha ka qaata dalalka lagu soo rogay xanibaada.

Waxa lagu sheegay waraaqdaasi ‘in codsiyada shaqaaleynta cusub iyo fiisooyinka booqashada la joojiyay illaa ogeysiis dheeri ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabta kasoo saarto dalalkaas.

Xayiraadda fiisaha ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah muwaadiniinta Algeria, Kenya, Iraq, Lebanon, Pakistan iyo Tunisia, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa intaas kusii daray in amarkan cusub uu dhaqan galay Arbacada toddobaadkii hore oo ku taariikhsneyd 18-kii November, sida ku cad dukumentiyada ay soo xigatay warbaahinta.

Illaa hadda majiro war rasmi ah oo ay warbaahinta la wadaagtay hay’adda aqoonsiga iyo jinsiyadaha ee Imaaraadka, maadama ay xayiraadan khuseyso arrimaha socdaalka.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu xiriirka Imaaraadka iyo Somalia oo kamid ah dalalka uu ku soo rogay xanibaada fiisaha uu xun yahay xiriirkooda diblumaasiyadeed, kadib markii ay ka dhaweysatay dowladda ay is hayaan ee Qatar.

Al-Shabaab oo gurigooda ku dilay, aabe, hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhaleen

0

Waajid (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xasuuq aan loo meel dayin u geysatay qoys ka koobnaa 7 qof oo ku noolaa guri ku yaalo degmada Waajid ee gobolka Baay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen gurigaas oo uu daganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarkaan oo ay geysteen maleeshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo isugu jiro hooyo, Aabe iyo ilmihii ay dhaleen. Ilmaha la dilay ayaa waxaa ugu yaraa canug jiray sanad iyo bar.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Aabaha qoyska oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda inkastoo uu iska caabin xoog leh sameeyey, haddana ugu dambeyn waa uu geeriyooday kadib markii ay galaafatay rasaastii tirada badneyd ee kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas xoog leh oo daqiiqado badan socotay la dhacay guriga taasoo keentay inay geeriyoodaan dhammaan dadkii ku sugnaa.

Taliyaha Booliska Degmada Waajid Daahir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay hadda wadaan baaritaan ku aadan falkaas iyo qaabka uu u dhacay.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tacsi u diray ehelada ay ka baxeyn qoyskaas.

Degmada Waajid oo uu falka ka dhacay ayaa ka tirsan Gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya, waxayna Caasimadda Muqdisho u jirtaa illaa 302km dhanka Waqooyi Galbeed, waxayna u dhowdahay xuduudka itoobiya oo qiyaas ahaan u jirta 70km.

Maleeshiyo is-hortaagtay safarkii Cali Guudlaawe ee Beledweyne iyo xiisad taagan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale maanta dib u dhacay safar uu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulllaahi Xuseen (Guudlaawe) ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sababta baaqashada safarka madaxweyne Guudlaawe ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeedo safarkiisa ay aad ugu soo dhawaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Maleeshiyaadkan hubeysan, oo ku sugnaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne, ayaa la sheegay inay xalay usoo dhawadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaladaasi.

Waxaa fashil kusoo dhamaaday wada-hadal u socday xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyada hubeysan ee kasoo horjeedo safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku imaan lahaa magaalada.

Maleeshiyadaan hubeysan ayaa waxaa hoggaaminaya General Xuud oo ah sarkaal hore, islamarkaana kamid ahaa musharixiinta madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Generalkaan ayaa la rumeysan inuu aad uga soo horjeedo isbadalkii lagu sameeyey awood qeybsigii Maamulka Hirshabelle kadib markii xilka madaxweynimo laga wareejiyey Beesha Xawaadle oo horey u heysay.

Waxaa socdo dadaalo dheeraad ah oo la doonayo in xiisadaan lagu damiyo, balse aad ayey u yar tahay rajada ah in Madaxweyne Guudlaawe tago Magaalada Beledweyne sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Magaalada.

Abiy oo digniin culus oo ku saabsan daagalka Tigray u diray beesha caalamka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa si kulul uga hadlay baaqyo kala duwan oo dhawaan kasoo baxaya beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriira dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka maylka adag ee Tigrey-ga.

Abiy ayaa bayaan uu soo saaray uga digay inaysan beesha caalamka isku dayin tallaabooyin aanan la mahdin oo falal sharci darro ah oo ku aadan faragelinta xaalada ka taagan gudaha Itoobiya.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, xili ay isasoo tarayaan cadaadisyo caalami ah oo ku saabsan xabad joojin la dhex dhigo labada dhinac, isla markaana la gaarsiiyo gobolka Tigreyga gar-gaar bini-aadanimo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka codsaday beesha caalamka inay u diyaargaroobaan in ‘xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigreyga’.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay waajib tahay in beesha caalamku ay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah, iyada oo uu maamulka Tigreygu ku baaqay wada-hadal ay iska dhago tireyso dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay inuu soo dhaweynayo walaaca ay muujiyeen beesha caalamka, ee ka wal-walaya xaalada Itoobiya, kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan gaarsiineyn heerka ay maleysanayaan.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay beesha caalamku cadaadis xoogan ku saareyso dowladda federaalka Itoobiya in miiska wada-hadalka ay ku xaliso xiisada dagaalka isku rogtay ee kala dhaxeysa maamulka TPLF, midaasi oo uu ka biyo diiday Abiy Axmed.

Xaaf: Xalaalba maaha shirka musharaxiinta mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warramay aragtidiisa ku aadan shirarka siyaasadeed ee magaalada Muqdisho uga socdo musharraxiinta mucaaradka.

Xaaf ayaa sheegay in shirkan uusan aheyn mid xalaal ah, islamarkaana aysan ka soo bixi doonin wax natiijo ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sababta ku sheegay in madaxda qaar ee shirka fadhiso aysan dalkan waxba u qaban, isaga oo si gaar ah ugu dhagay Xasan Cali Khayre.

“Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo inta Ciidamo ii keen-saday xilkeygii iga soo ceersadey Dhuusamareeb ayaa ka mid ah shirka Muqdisho, maxow shir ka noqonayaa xalaalba maahane.” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay musharraxiintu ka muujinayaan guddiyada doorashooyinka, wuxuuna sheegay in kaliya ay wadaan mar-marsiiyo iyo inay carqaladeeyaan doorashada soo socota, isaga oo hoosta ka xariiqay in la wada ogaa sidii ay ahaayeen guddiyadii uu sanadkii 2016-kii magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Muqdisho ayaa marti galineyso shirar siyaasadeed oo iska soo horjeedo, kuwaas oo looga hadlayo doorashada, gaar ahaan muranka ka taagan guddiyadeeda.

Lafta Gareen oo weerar ku qaaday musharraxiinta

0

Baydhabo (Caasimada Online) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka & doorashooyinka.

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa weerar afka ah ku qaaday musharraxiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn inay wax weliba ka eegaan dhanka xumaanta.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inay dib u eegaan wixii ay horey u soo sameeyeen, si ay u ogaadaan xaqiiqada jirta, sida uu hadalka u dhigay.

Madaweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay ku qanacsan yihiin guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

“Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta Gareen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay madaxdA maamul goboleedyadu ay doorashada ka yihiin dhex-dhexaad, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka & danaha dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka oo ay cabasho ka keeneen midowga musharraxiinta dalka.

Amisom oo war cusub kasoo saartay doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyey doorka ciidamadooda uga aadan doorashada dalka, oo lagu wado inay dalka ka qabsoomto horaanta sanadka cusub.

Amb. Francisco oo warbixin ka siinayey golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay si balaaran uga qeyb qaadan doonaan doorashada amaankeeda.

Waxa uu xusay inay bilaabeen qorshaha ay ku taageerayaan amaanka doorashada, isagoona sheegay inay arrintani qeyb ka tahay gudashada waajibaadka ay AMISOM u joogto dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay AMISOM markasta dowladda Soomaaliya ay garab ku siineyso si loo diyaariyo, isla markaana loo qabto doorashooyinka kusoo fool leh dalka.

Francisco ayaa bogaadiyey qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ah, midaasi oo ay uga qeyb-galayaan doorashooyinka soo socda, isagoo xusay in lagu guuleystay hirgelinta qoondadaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay AMISOM dowlada ka taagerto dhinacyo badan oo ay kamid yihiin; howl-galada wada-jirka ah iyo qorsheynta amniga, iyada oo xiligana ay ka caawinayaan tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha lagu qabanayo doorashada.

Shariifo Cadow: Markii la weerary CC Shakuur ayaan u tegay Farmaajo, waxaana weydiiyey hal su’aal (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ugu ololeeyey Madaxweyne Farmaajo ayaa shaacisay su’aal ay jawaabteeda ka weysay madaxweynaha, maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxay sheegtay inay weydiisay sababta ku kaliftay inuu hoygiisa ku weeraro Cabdiraxmaan CabdiShakuur, balse uu uga jawaabi waayey.

“Waxaan ari Farmaajo dalkan 4.5 iyo dib u heshiisiin ayaa lagu joogaa ee maxay tahay sababta kugu kaliftay inaad weerarto Cabdiraxmaan oo dhibka intaas la eg aad geysato, odayaal iyo siyaasiyiin ceshada ayuu leeyehee maxaad ugu sheegan weysay caqabada uu kugu yahay? Ilaahaa marqaati ka ah labada dhafoor inta qabsaday ayuu ii jawaabi waayey,” ayey tiri Maamo Shariifo Cadow.

Sidoo kale waxay sheegtay in maalinkaas uu ku jiray safar uu ku aadayey Garowe, balse uu u balan qaaday in markii uu soo laabto uu soo wici doono, si ay ula raadiso xalka arintaas, hasa yeeshee uusan soo wicin.

“Tan kama aanaa filaneyn Farmaajo, sababtoo ah markaan dooraneynay qabiil looma fiirin, oo jaceyl kale looma fiirin, intaas oo amaal darro ah qof ku kacayna weli lama arin,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Shariifo Cadow.

Hadalkan ayey Maamo Shariif ka jeedisay shirka midowga musharaxiinta uga socda magaalada Muqdisho, kaas oo maanta ay ku biireen xubno ka socday qeynaha kala duwan ee bulshada.

Hoos ka Daawo

Daahir Geelle: Waxaan isku dayeynaa inaan Farmaajo bad-baadino si uu nabad ugu noolaado Xamar + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne,isla markaana ka mid ah midowga musharaxiinta ee shirku Muqdisho uga socdo ayaa sheegay in waxa ay ka shirayaan ay ka mid tahay maslaxadda madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in kali-talisnimadu markii laga soo tago dadka kale ay u darantahay qofka markaas xilka haya, isla markaana uu Farmaajo hadda u baahanyahay in lagala taliyo kaligi talisnimada.

“Naga rumeysta waxa aan u taaganahay waxaa ka mid ah, maslaxadda madaxweynaha xilka haya, kali-talisnimadu inteysan khatar ku noqon muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kale, waxay khatar ku tahay qofka markaas xilka haya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii xukunku halaabo ay is aaminidu yaraaneyso wax kastana halaabayaan.

“Anagu hadda makarafoon ayaan wax ku sheegeynaa, holl kan oo kale ah ayaan wax ka soo abaabuleynaa, laakiin xeryaha iyo qoryaha in wax lagu abaabulo ayey isku bedeleysaa, taas ayaan ka hor taaganahay Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hoos ka Daawo

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira walaaca musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay walaaca weli ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka ee uu horey ugu dhowaaqay.

Rooble ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo tabashada ay guddiyadaas ka muujiyeen musharraxiinta mucaaradka ee shirarka ku leh magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto musharraxiinta, si uu uga dhaac-dhiciyo waxa ay yihiin guddiayda la magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu la yeelan doono wada-tashiyo gaar ah, si xal mideysan loo wada-gaaro.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii laga gaaray doorashooyinka oo uu sheegay in lagu soo dhisay guddiyada lagu muransan yahay.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaaa weli isku hayo, sida loo wajahayo doorashada soo socota, gaar ahaan dhismaha guddiyada maamulaya doorashada.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho la qabanayo dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka, taas oo isugu jirta tan baarlamaanka & madaxweynaha.

SHIRKA musharaxiinta oo galay maalintii shanaad iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka midowga musharraxiinta oo galay maalintiisii shanaad.

Shirkan oo gaba-gabo marayo ayaa waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 10 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota 2020/2021-ka.

Musharraxiinta ayaa shirarkooda oo wada-tashiyo ah diirada ku saaray arrimaha doorashada, gaar ahaan muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay warbixino ka dhageysteen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, ururada bulshada rayidka ah iyo culimada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta shirka uu sii socdo, iyada oo ay ka qeyb-galayaan milkiilayaasha warbaahinta iyo xubno kale.

Intii uu socday shirkan waxaa sidoo kale lagu dhisay guddoon ay yeesheen musharraxiinta,kaas oo uu hoggaamin doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gaba-gabada shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-muriyeed ku aadan doorashooyinka iyo xaaladda dalka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo lagu qarxiyey duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano Haramcad oo marayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la qarxiyey ay ilaalo ka hayeen Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya wadada isku xirta labad Muqdisho & Afgooye.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay ku dhowaad 5 askari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq-dhaqaaqa halkaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale qaraxyo loogu weeraray Injineerada & shaqaalaha dhisaya wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka gobollada Banaadir & Sh/Hoose

Ciidamada ITOOBIYA oo ‘hareereeyey’ caasimada gobolka Tigray ee Mekelle

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada federaalka ee dalkaasi ay ku sii dhowaanayaan caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoog leh.

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay hareereeyeen caasimada Tigray ee Mekelle, halkaas oo ah xudunta dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale waxaa maanta ku eeg saddexdii cisho ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka ee TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Dagaalka ayaa ka sii daraya, iyada oo madaxda sare ee TPLF ay dhankooda ku gacan seyreen waqtiga loo qabtay, si ay isugu soo dhibaan dowladda.

Xaaladd ayaa haatan ah ah mid aad u adag, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay si weyn uu uga walaacsan tahay xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaa dhankeeda ka dhaga fureysatay baaqyada caalamiga ah ee ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo xiisada.

Itoobiya ayaa xiisad dagaal iyo colaad sokeeye gashay, kadib markii todobaadyo ka hor ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya

Xalka khilaafka ka taagan guddiyada doorashooyinka

Shirar kala duwan oo ka kala dhacey magaalooyinka Dhuus-mareeb iyo caasimadda dalka ee Mogadishu, waxaa la isla af gartey in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, oo ergo dooran doonaan xildhibaanada Gollaha shacabka, halka xillibaanada aqalka sarena maamulada dalka soo dooran doonaaan.

5ta Nofeember, markii guddiyada doorashooyinka lagu dhawaaqey, saacado ka dib waxaa ka hadley mucaaradka dalka iyo siyaasiyiin kale oo kamid yahay gudoomiyada xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur Warsame, iyo Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu Hassan Sheikh Mohamuud hogaamiyo, oo ay sheegeen in xubnaha guddiga doorashooyinka ay kamid noqodeen saraakiil ka tirsan hey’adda Nabad sugidda dalka oo magaceeda loo soo gaabiyo “NISA”. Intaas ka bacdina waxaa isa soo tarey eedo loo jeedinayo xukuumadda oo ku saabsan arinta  guddiyada doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka.

Dhanka kale xukuumada ayaa diidey iney wax ka bedesho Guddiyada doorashooyinka, sheegteyna iney doorashada sidaan ku dhici doonto, sheegteyna in loo hogaansamo awaamirtaguddiyadan ay bixiyaan.

Waxaa weli taagan dooda guddiyadan doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyadoo maalintii shaley (21/11/2020) shir u furmey xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu caasan iyagoona ka tashanaya waxa laga yeeli lahaa guddiyadan iyagoo horena baaqyo soo kala direy sheegeyna  inaan lagu qanci doonin doorasho qaabkan ku dhacda. welina lama oga xalka kama dambeyska ah ee ay soo saari doonaan maalmaha soo socoda.

HADIIBA AY ARINTU SIDAAN U CAKIRANTAHAY MAXAA XAL AH?

“Dowladu si bey wax u dooneysaa, mucaaradkuna sikale uuyuu wax u doonayaa”

Xaaladu markey sidaas tahay dhaqanka Soomaaliga waxaa uu isku dayaa in xal loo heloarimahan oo kale; iyagoo waan waan kabilaaba labada koox dhexdooda, iyagoo fiirinaayadanta guud ee dalka iyo abuurista jawi nabadeed iyo is aaminaad oo ka dhex dhalatadadyowga Soomaaliyeed.

Maamul ahaan dowlada Soomaaliya waxey ka kooban tahay saddex qolo oo kala ah:

1- Kuwa hadda maamulka haya

2- Kuwo mucaarad ah oo xil–doon ah

3- Bulshada Rayidka

Si dhibaatadan loo xaliyo Bulshada Rayidka ayaa ugu dhow in ey xaliyaan doodaha ceenkanah. Bulshada Rayidku waxaa ay isgu jiraaan Culimaa’udiin,  Aqoon yahano, iyo Odey-dhaqameedyo  metelaya dadka Soomaaliyeed dhamaantooda.

Sida caadada inoo ah bulshada Soomaaliyeed waxaa ay si dhab ah u taageeraan bulshadooda rayidka ee qumman. (Maqaalku kama hadlayo Shiikh Dowladeed iyo Aqoon yahan Jeebsiyaasi ku jira) wuxuu ka hadlayaa Bulshada rayidka saxda ah ee la wada yaqaano oo bulshada iskeeda u dooratey.

Saddexdan  qeybood ee Bulshada rayidka oo aan kor ku soo sharxey waxaa wada aamini karalabada kooxood oo isku haaya sida loo qaban lahaa doorasho lagu wada qanacsanyahy iyagoodoorkooda xalinta xilaafaadka ciyaaraya.

Dowlad Soomaaliya waxaa u furan iney Guddiyadan kasoo magacawdo Bulshada Rayidka eewadartu ogoshahay, iyagoo ilaalinaya is aaminaada bulshada iyo sharciyadda dowladdaladhisi doono.

Bulsho rayid goormee kaalin fiican ka qaateen doorka dowladnimo ee Soomaaliya?

1- Doorkoodii Gumeysi ladirirka ahaa, sidda dhalinyartii SYL sanadahoodi hore

2- Doorkii culimadii Soomaaliyeed ee kahortaga sharciga  qoyska (Family Law)

3- Nabad raadintii iyo wacyi gelintii bulshada Soomaaliyeed bur-burka kadib

4- Dowlad dhisidii 2012 lagu dhisey dowlad Federaaal ah IWM.

Gunaanad.

Doorasho kasta waxey u baahan tahay iney sharciyad ku dhisanaayo, taaas oo loo wadasimanyahay. Sinaan hadii meesha kabaxdo waxaa meesha ka baxaaya kalsoonida bulshadaiyo aqbalaada natiijada doorashada. Waxaa kaloo aad u muhiimsan in laxoojiyo doorkabulshada rayidka ee dowlad dhisida Soomaaliyeed.

Mohamed Abukar Isak – Waa cilmi baare madax-bannaan. Waxaad kala xiriiri kartaa Email [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Saddex arrin oo sababay in xildhibaanada BF ay noqdaan kuwii ugu liitay taariikhda

Labo boqol iyo sagaal (209) xubnood oo Golaha Shacabka ka tirsan ayaa jaamacad ka baxay. Boqol, afartan iyo siddeed (148) kamid ah heerka koowaad (bachelor degree) ayey ka gudbeen. Konton iyo saddex (53) kamid ah waa heerka labaad. Siddeed (8) xubnood ku talax tag (PhD) aqooneed ayey leeyihiin. Boqolleyda xubnahaas waa todobaatan iyo shan dhibic lix (75.6%) wadarta guud ee Golaha Shacabka.

Labo boqol sagaal iyo labaatan (229) xubnaha Golaha Shacabku waa dhalinyaro iyo da’ dhexdhexaad ah oo u dhiganta siddeetan iyo saddex (83%) boqolkiiba. Waa Golihii ugu aqoonta (warqadaha) iyo dhalinyarta badnaa ee ebid inna soo mara. Sidaa si lamida waa Golihii ebid isla xisaabtanka, kor joogteynta xukuumadda iyo metelaadda liitay taariikhda Soomaaliya.

Saddex (3) arrin ayaa sabab u ah ceebahaas:

1. dhalinyaro baahan oo horey noloshooda usoo maareyn inta aysan siyaasadda soo gelin oo Golaha ka buuxa;

2. Dhalinyaro aan wax waayo aragnimo ah laheyn oo shaqadii ugu horreysay u noqotay in ay xildhibaan noqdaan iyo

3. Duruufta Soomaaliya oo sahleysa in qof aan tayo, karti iyo sooyaal laheyn sahal wax ku noqdo.

Waxaan xog ogaal u ahaa sida xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Jubaland, ka yimid ku yimaadeen. Afartan iyo saddexda (43) xubnood ee Jubaland ka timid sodon iyo lix (36) kamid ah ayaa dhalinyaro wax kusoo baratay Kenya, Yurub iyo Waqooyi Amerika ah. Haddana waa xubnaha ugu metelaadda liita, ugu xisaabtanka yar, uguna saameynta hooseeya Golaha Shacabka.

Sababta Xildhibaanada ina metela u muunad liitaan waa in waayo arag iyo waayeel mashaqada dalkeenna hortaal wax fahamsan ku yar yahay.

Faro marnaanta iyo faqrigu waa cadow ka daran amni xumada, fadqallalada siyaasadeed iyo mashaqo kasta oo ummad ku habsata. Allah SWT ayaa Suuratul Quraysh si wacan ugu suureeyey in ‘‘gaajadu tahay cadow ka daran colaadda’’ asaga oo u manna sheeganaya Qureysh in uu faqri iyo collaad ugu badelay barwaaqo ka hor soo bixiddii Nebi Muxammad (CSW).

Xildhibaan faro–maran oo sahal rabbaayad ku noqon kara in laga feejignaado waaye tookadaan. Keliya dhalinyaro iyo aqoon (warqad) dad wata uma baahnin ee dad nololshooda soo maareeyey oo diyaar u ah in ay tan guud hagaajiyaan ha la doorto.

Ruux shaqo doon ah waa kaa shaqeysan sidii dhacday February 8, 2017 oo a Jazeera iyo SYL noqdeen xaruunta dhexe ee Xildhibaanada. Waa halkii Mahatma Gandhi ka yiri, ‘‘calool marani qaddiyad malahan= empty stomach has no principle!’.’

Mahad Geelle – Waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo degan gobolka Minnesota ee Mareykanka. Waxaad kala xiriiri kartaa facebook.com/mahadgelle 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid