26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shariif Xasan: “Madaxweyne FARMAAJO wuxuu toshay jaakad kaligiis u gasha”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahad Maxamed Guuleed oo sheegay in doorashada soo socota wareega koowaad lagu kala bixi doono.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu doonayo in kaligiis uu tartamo, isagoo sheegay in horay loo soo arkay nin kaligiis tartamay, balse la mahdin waayey.

“Mahdi Guulleed waxuu yiri Baydhaba hal wareeg ayaan ku guuleysanay, Baydhaba wixii ka dhacay waa la ogaa dad ayaa la xirxiray, wixii kale ee ka dhacayna waa ogeydeen, Galmudug inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Jowhar inkastoo iyadana dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha talada haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu sidoo kale ku eedeeyay in uusan diyaar u aheyn in doorasho lala galo, balse uu doonayo wax uu kaligiis maamusho.

“Illaa Carta ayaan dowladnimada Soomaaliya ku soo dhax jiray, weli ma arag doorasho hal wareeg ku soo dhamaata, waxaan arki jirnay doorasho leysku daalo oo la baahdo oo wareegyo dhowr ah leysla maro, sidaa daraadeed doorasho hal wareeg ah waan diidnay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shariif Xasan.

Hadalkan ayuu madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ka jeediyey shirka Muqdisho uga socda maalinkii afaraad musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo sacadaha soo socda, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysanyihiin musharaxiinta iyo xubnihii kale ee dib uga biiray, iyadoo arrinta ugu weyn ee laga gadooday ay tahay guddiyada loo soo xulay inay doorashada maamulaan oo la sheegay inay ku jiraan xubno ka kala tirsan NISA iyo shaqaalada dowladda.

Hoos ka Daawo Shariif Xasan Sheekh Aadan

Jawaari iyo dhinacyo kale oo miisaan culus oo ku biiray shirka ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa caawa ku biiray shirka musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya uga socda magaalada Muqdisho.

Prof. Jawaari ayaa hadda kulan gaar ah la leh musharaxiinta oo shirkoodu uu galay maalinkiisii  afaraad.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu waday in lasoo gabagabeeyo shirka, balse ma dhicin oo waa uu sii dheeraaday waqtigiisu, illa hadana lama shaacin waqtiga lasoo gabagabeynayo.

Tan iyo shalay waxaa si – is daba joog ah shirka musharaxiinta ugu biirayey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin kale, sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa galabta ka qeyb galay shirka.

In kastoo aan la cadeyn goorta la soo gabagabeynayo shirka, hadana wararkii u dambeeye ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in xataa laga yaabo berri inuu ku darsado.

War-murtiyeedka shirkaas ka soo bixi doona ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, isla markaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi.

Wararkii u dambeeyey qoys Muqdisho lagu qarxiyey iyo dad badan oo ku dhintay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar uu xalay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya u geystay qoyskiisa kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyey xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Falka uu askarigaan geystay ayaa yimid kadib markii isaga oo soo cabay waxyaabaha maanka dooriya uu xalay gurigiisa tagay kadibna uu muran soo kala dhex galay isaga iyo qoyskiisa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku qarxiyo Bam Gacmeed, waxayna goob joogayaal sheegeen in dhammaan qoyska ay ku sugnaayeen hal qol oo guriga ka tirsan.

Weerarka uu askarigaan u geystay qoyskiisa ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Cali Kariim, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac .

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay 4 qof oo ay ku jirtay hooyada dhashay askariga lagu eedeeyey inuu falka geystay, sidoo kalana dadka dhintay waxaa ku jiro wiil uu dhalay askariga.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo uu ku jiro askarigii falka geystay, walaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawaca askariga uu yahay mid aad u daran.

Askariga falka geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ciidamada Dowladda isagoo dhaawac ah.

Dhacdadaan ayaa waxay la yaab ku noqotay dadka dariska ah iyo dhammaan kuwa Muqdisho dagan, mana ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu geysto fal noocaan oo kale ah, waxaana ugu dambeysay falkii uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda rasaas xoogan ugu furay qoys uu Gabar ka qabay.

Xog: Muudey oo cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre kadib qirasho uu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo shalay ka qeyb galay shirkii musharaxiinta xilka madaxweynaha uga socday magaalada Muqdisho, ayaa ka garaabay xil ka tuuristii Xasan Cali Kheyre.

Muudey ayaa cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre, isaga oo qirtay inuu isagu ka dambeeyay fulinta qorshihii lagu riday xukuumaddii uu hogaaminayey, sida ay xubno goob joog ah u sheegen Caasimada Online.

Waxa uu shirkaasi oo albaabadu u xirnaayen uga waramay qaabkii uu u dhacay abaabulkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala laabtay xukuumaddii Kheyre, isagoona xusay in qorshahaasi uu intiisa badan lahaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa cafiska uu ka dalbay Cabdiweli Muudey ku aqbalay shirkii shalay oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh.

Muudeya ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajiyey in Kheyre ay u wanaagsaneyd in xilka laga qaado marka loo fiiriyo xaalka uu xiligan taagan yahay dalka, maadama uu wajahayo doorasho ay ku xeeran yihiin dareeno badan.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale uu Xasan Cali Kheyre ka garaabay weerarkii 17-kii December 2017 ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoona raali-gelin buuxda ka siiyey arrinkaasi.

Cafiska Muudey ayaa sidoo kale u muuqda mid qeyb ka ah is-laab-xaadhashada siyaasiyiinta, maadama xiligan la isku diyaarinayo doorasho, midaasi oo ay ku kala aragti duwan yihiin mucaaridka iyo madaxda u sareysa dalka.

UK oo war kasoo saartay muranka doorashada, farriin culusna u dirtay madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si adag uga hadashay khilaafka weyn ee ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, kuwaasi oo ay kasoo horseejteen musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka

Dowladda UK ayaa madaxda iyo hoggaanka dalka ugu baaqday inay furaan saaxadda siyaasadda, islamarkaasna ay ogoladaan aragtiyada kala duwan ka hor inta aan la gaarin doorashada 2020-21.

Diblumaasi ka tirsan howlgalka UK ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa laguna magacaabo James Roscoe oo Shalay hadal ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in codeynta doorashada Soomaaliya ay noqoto mid xalaal ah, islamarkaasna ay raali ka wada yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya.

“Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan,” ayuu yiri Roscoe.

Sidoo kale Roscoe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo in ammaanka uusan faraha ka bixin inta ay socoto doorashada, si aysan taas fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Roscoe oo ka hadlayey weerarada laga beegsado kooxaha samafalka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo waxyeelada loo geysto dadka shacabka ah ayaa sheegay inay arrintaas walaac weyn ku heyso isla markaasna ay mudan tahay in si adag wax looga qabto.

“Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimada,” ayuu ku daray.

Shirka Qaramada Midoobay oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ugu dambeyntii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Musharixiinta ku shirsan Muqdisho oo Sheekh Shariif u doortay shir guddoon!

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021 oo ku shirsan maalintii 4 aad magaaladda Muqdosho ayaa gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, halka Afhayeen loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore.

Shirkii midowga Musharixiinta ayaa maanta waxaa ku biiray culimada Suufiyada iyada oo galinka dambe ee maanta ay ka qayb galayaan xubno ka tirsan ganacsatada magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay shirkaan ayaa waxaa la soo gabangabeeyo maanta oo talaadaa hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in ay suurta galtahay in uu dib u dhaco ilaa maanlinta bari ah oo ku beegan 25 bisha November 2020.

Saddexdii maalmood ee shirka u socday Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa kulamo gaar gaar la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada rayidka.

Muxuu Mareykanka ka yiri khilaafka hareeyey gudiyada doorashada Soomaaliya?

0

New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Kelly Craft ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya & arrimaha doorashada soo socota, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka.

Kelly Craft oo hadal ka jeedisay kulan ay golaha ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in ay wada-hadallo yeeshaan hoggaanka dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka, si xal wadajir ah loo gaaro.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in doorashadu ay noqoto mid wada-ogol ah oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo hadalkeeda sii wadata ayaa tusaale u soo qaadatay muranka ka taagan guddiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

“Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka,” ayey tiri Kelly Craft.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya laga dareemayo xaalad siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ka socdo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dowladda Sacuudi Carabiya oo soo saartay war aan laga fileyn oo la xiriira Qatar

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibbadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay kula heshiinayso dawlada Qatar oo uu xiriirkoodu go’ay saddex sanno ka hor.

Amiir Faysal oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters inay hadda raadinayaan waddo lagu dhamaynayo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, waxaana uu intaa ku daray inuu sii jiri doono shuruudahoodii illaa khilaafka laga dhamaynayo.

“Waxaan sii wadaynaa inaan diyaar u ahaano la xiriirida walaalaheena Qatar waxaanna rajeynaynaa in ay si dhab ah uga go’antahay kaqeyb qaadashadaas,” ayuu yiri. “Laakiin waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno welwelka amni ee sharci ee afar geesoodka waxaanna u maleynayaa inay jirto waddo taas loo maro,” oo lagu xallinayo “mustaqbalka dhow”.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay inuu hadda jiro wada hadalo si hoose u bilowday labada dhinac inkastoo uu faafaahin uu ka bixin halka ay marayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Qatar Sh. Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa todobaadkii hore sheegay inay jirin cid ka faa’iday go’doomintii Qatar la saaray sanadkii 2017 ee ay dawladaha Khaliijka xiriirka ugu jareen isagoo intaa ku daray in dalkiisa uu ku rajo weyn yahay in khilaafku dhamaan doono daqiiqad kasta.

Balse  Yousef Al-Otaiba, oo ah danjiraha Imaaraadka ee Mareykanka, ayaa u sheegay warbaahinta Israa’iil inuusan rumeysnayn in heshiisku uu soo dhowaanayo. “Uma maleynayo in si dhakhso leh loo xaliyo sababtoo ah uma maleynayo in ay jiraan wax wax isdhaafsi ah,” ayuu yiri al-Otaiba.

Al-Shabab oo ‘gubay’ gaadiid iyo DF oo war kasoo saartay

0

Xudur (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey gaadiid ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku gubeen duleedka degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Somalia.

Gaadiidkan oo ahaa nooca qaada xamuulka, islamarkaana u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Xudur, sida lagu sheegay warka Booliiska.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in gaadiidkaasi oo gaarayey illaa todobo dab la qabad-siiyey xilli ay marayeen deegaanka Emed Kooeey ee gobolka Bakool.

“Abaare 08:00 fiidnimo Alshanaab ayaa ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Beledweyne kuna sii jeeday Xudur” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska.

Al-Shabaab ayaa horey u go’doomiyey degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahano Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay weli ka heystaan degmooyin iyo deegaano dhowr ah.

Wasiir amniga xukuumadda, Xasan Xundubeey oo farriin culus u diray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta musharaxiinta madaxweynaha, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada isagoo sheegay in amniga ay iska leeyihiin shacabka, cid kastana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan amaanka.

“Waxaan baaq u dirayaa mas’uul kasta oo wadanka jooga oo mas’uuliyad raadinaaya, hadey ahaan laheyd xildhibaanimo, ama madaxtinimo, amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay, waa naga danbeyn doonaa, bulshada Soomaaliyeed ayaa iska leh, qof gaar ah ma leh, inaan wada ilaalino, iyagana waa og yihiin, anagana waan ognahay, waa ku baraarujinayaa, waana ka codsanayaa, amniga ayaa naga wada weyn, baaqaasi ayaa dirayaa, mucaarad iyo muxaafid waa u siman yihiin amniga,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Wuxuu intaa raaciyay wasiirka Xundubeey in ka wasaarad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga ayna ka hortegayaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, wax walba oo dhibaato keenayana ay gacanta ku qabanayaan si amniga loo ilaaliyo, ciddii diidana sharciga lagu qaadi doono.

Wuxuu intaa raaciyay in inta ay tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo.

Fariintaan wasiirka amniga ayaa kusoo beegmaysa xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shirweyne ballaaran oo ay leeyihiinkooxaha mucaaradka ee murashaxiinta xilka madaxweynaha , kuwaasi oo dhaliilo u jeediyay nidaamka doorasho ee dowladda dooneyso in ay u dhacdo doorashada, kana digeen qalalaaso in dalku uu galo haddii aan wax laga badelin nidaamka dowladda qorsheysay.

Madaxweyne TRUMP oo qaatay go’aan lama filaan ah

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xil-wareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska.

Trump ayaa sheegay in hay’adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay “sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo”, inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada.

Maamulka adeegyada guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay “guulaystaha hadda”.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump.

Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto.

Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd.

Go’aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay’adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay.

Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay’adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan.

Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan.

Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo.

Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen.

Ms Murphy waxay iyaduna sheegtay wakiillada dimuqraadiga ee Aqalka golaha wakiillada iney qorsheeyeen Isniinta iney xildhibaannada uga warbixiso dib u dhaca yimid.

Madaxweyne Trump wuxuu cadaadis xooggan uu uga imaneyey xubnaha sarsare ee xisbiga dimuqraadiga oo ay ku jiraan shaqsiyaada ay Trump aad isugu dhow yihiin.

Isha: BBC.

Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli uu jiro muran xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli ay jiraan walaacyo badan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa ku gacan seeray sida uu ku socdo hanaanka doorashada iyo guddiyada la magacaabay, waxayna shir ka fureen Muqdisho, ayada oo la filayo inay qaadacaan.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.

Wuxuu intaas ku daray inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda. 

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri “Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%.”

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

La-taliyihii amniga ee Deni oo ku geeriyooday Turkiga

0

Ankara (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa Turkiga ku geeriyooday Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo maalman arrimo caafimaad u joogay dalkaasi.

Marxuumka oo haatan ahaa la-taliyaha amniga madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Khaliif Ciise Mudan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isaga oo sanadkii 2019-kii ka mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sanadkii 2011-kii soo noqday wasiirka amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa Duuliye, sidoo kalena wuxuu soo noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidanka cirka dowladdii uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Halkan hoose ka aqriso taariikh nololeedka maruumka

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe isla magaaladda Boosaso sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

1974-kii wuxuu dhammeystey jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday Duuliye sare (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jiray Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management.

Khilaafka u dhaxeeya Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi C/laahi oo gaaray meel sarre

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ee labada gole ayaa sarre usii kacay, kaasi oo hadda ka dhex aloosan ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre ee baarlamaanka.

Mahdi Guuleed oo xukuumada u hadlay ayaa dhowr jeer weerar culus ku qaaday Cabdi Xaashi oo isagu ku doodaya inuu mudan-yahay in guddiyada doorasho ee xildhibaanada waqooyi uu soo magacaabo, taasi oo ay ku taageeren mucaaridku.

Haddaba, guuxa khilaafkaasi ayaa gaaray deegaanada Somaliland, iyada oo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaankaasi ay ka digeen in murankaasi uu horseedo tafaraaruq kala qeybiya bulshada waqooyi.

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo arrintaasi ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in khilaafka ka dhexeeya guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu yahay wax laga xumaado, maadama labadii mas’uul ee ugu sareeyay la iska soo horjeediyay.

“Muqdisho sida aad ogtahay calankii shanta gees ee shanta Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa Dastuurka ugu qoran, in Soomaali shanta Gobol calankaasi ka dhexeeyo, reer Jabuuti ayaa Barlamaanka ku jira, kuwa Itoobiya ka tagay baa ku jira, kuwa NDF Kenya ka yimid ayaa ku jira, iyo kuwii Soomaaliya ayaa jooga, shantii Soomaaliyeedba Barlamaanka Soomaaliya way ku jiraan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyey “Haddii qabiil loo eego waan ka xumahay in labadoodii ugu sareeyey ee mid ahaa  guddoomiyaha guurtida ee aqalka sare ee Soomaaliya, midna ahaa Ra’iisal wasaare ku-xigeen in la iska soo hor jeediyey, waxay ku tahay gunimo, waxay ku tahay fool xumo, waxaan leeyahay waar labadiinu ha wada hadlina.”

Siyaasiga ayaa taageero u muujiyey Cabdi Xaashi oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in wax laga weydiiyo xulista guddiyada gobolada waqooyi, maadama uu yahay mas’uulka u sareeya ee metela, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdi Xaashi haddii uu yidhi ‘Haddii gobol lagu sheegayo iyo haddii qabiil la eegayaba, waxaan ahay ninkii ugu sareeyey ee wax ha laga iga weydiiyo’ xaq buu u leeyahay, Mahdi-na waxaan leeyahay is kaashada oo ha kala baydhina, anigu waxaan idiin arkaa niman shaqo tagay, Soomaali oo dhan baa u shaqo tagta meesha oo anigu idinku eedayn maayo ee iska shaqaysta, laakiin idinku ha iska hor imanina.”

Shirka musharraxiinta oo maanta la soo xirayo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka musharaxiinta mucaaradka uga socda gudaha magaalada Muqdisho oo galay maalintiisii afaraad ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo, kaas oo laga soo saari doonaan war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2020/2021-ka.

Musharraxiinta ayaa si gaar ah xooga u saaray muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee ay horey ugu dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka ku biiran shalay iyo xalay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

War-murtiyeedka shirka oo galabta soo bixi doono ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, islamarkaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Intii uu socday shirweynahan waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka, iyadoona sidoo kale maanta lagu casuumay culimada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi.

Xarunta Gobolka Banaadir iyo xafiisyo kale oo mar kale korontada laga jartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale adeegga korontada laga jartay xarunta maamulka Gobalka Banaadir.

Korontadaan ayaa la jartay Sabtidii waxayna shalay maqneyd maalintii saddexaad. Goobaha ay ka maqan tahay ayaa kala ah Aqalka Dowladda Hoose, Xarunta ururka Dhalinyarada iyo Xarunta laga qaato Dhalashada iyo Sugnaanta ee dad dhigista.

Xubno kamid ah maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag ki dhowaad $500, 000 lagu yeeshay dowladda Hoose, lacagtaas oo ah mid is gaar-gaartay.

Hore ayaa sidaan oo kale looga jartay Korontada iyo Biyaha waxeyna ka maqaneed muddo aan ka yareen 6 maalmood, markaasi oo wada-hadal kadib dib loo soo daayey.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaale la’aan iyo maamul xumo, waxaana la sheegayaa in si qaldan loo isticmaalo lacagta canshuurta ah ee soo gasho gobalka Banaadir, oo markii horeba aad u yareyd.

Gobolka Banaadir ayaa soo xareeya dhaqaale malaayin dollar ah, hase yeeshee waxaa kasoo gaara kaliya 15%, waxaana inta kale qaata dowladda federaalka, maadaama aysan lahayn il kale oo dhaqaale oo gobollada dalka ah.

La-taliyaha amniga qaranka Ethiopia oo Muqdisho kula kulmay Farmaajo, soona gaarsiiyey farriin ka timid Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaaraha Ethiopia Gedu Andargacho ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, oo uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo, isaga oo soo gaarsiiyey farriin ka timid Abiy Ahmed

Gedu Andargacho oo maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaludin ayaa goordhow bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka wada-hadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray.

Socdaalka La Taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xilka looga qaaday war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga hadashay xaalada Itoobiya, iyadoo markii dambe bartiisa Twitter-ka ku beeniyay inuu jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka Itoobiya.

Xog: Mursal oo walaac ka muujiyay sida Villa Somalia ay u waddo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa caawa ka qeyb-galay shirka musharaxiinta mucaaradka ee Muqdisho.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ogaatay in kahor shirkaas uu dhowaan Villa Somalia la wadaagay cabasho uu ka qabo maamulka doorashada Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xog helid la’aan ka heysato sida ay doorashada u maamulayaan saaxiibadiisa Villa Somalia.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa weydiisatay Madaxweynaha in lala socodsiiyo sida ay wax ku socdaan lagana qeyb geliyo shirarka muhiimka ah ee doorashada, maadaama uu yahay garab xukuumada dhinac taagan oo la shaqeeyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaan ay kala shakiyeen kadib markii guddoomiye Mursal la sameeyay go’aano badan oo aan lala wadaagin, xilli uu dagaal xooggan usoo galay madaxtooyada darteed, sharciyo bandanna u jebiyey.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhankiisa bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiinta mucaaradka ah qaarkood isagoon la tashan Villa Somalia, oo ah halka laga maamulo, wuxuuna ugu dambeyn caawa tegay shirkooda Hotel Jazeera.

Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Mursal, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Fahad Yaasiin, ayaa la sheegaa in ay yihiin saaxiibo heshiis ku ah sida ay hadda dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada Soomaaliya, balse waxaa maalmihii dhowaa soo baxay kala shaki.

Xubno Mursal ku dhow qaarkood ayaa sheegaya inay dareemayaan in maadaama dano badan laga dhameystay Mursal, ay hadda u muuqata inaysan Villa Somalia u baahneyn, taasi oo ay ku sheegeen qalad weyn, maadaama weli dalka aysna doorasho ka dhicin.

Mursal ayaa garab weyn u noqday Villa Somalia, markii ay loolanka xooggan ku jirtay, wuxuuna hay’addii sharci-dejinta baarlamanka ka dhigay qeyb ka mid ah fulinta.

Daawo: Muuse Suudi: “Reer Ow-Xasan iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada dalka, isagoo aad u eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in labadaas nin uu mudo dheer ka xishoonayey, balse hadda kadib aan loo dul waadan doonin, isagoo ku eedeeyey inay siyaasadda dalka ku cayaarayaan.

“Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Senatorka ayaa sheegay in musharaxiinta uu Muqdisho shirku uga socdo ee diidan sida ay wax u socdaan ay uga damqasho badanyihiin sida wax loo maamulayo.

“Dadka  shiraaya waa ka qandho badanahay, waxaana uga qandho badanahay, dalka lagu cayaaraayo iyo dadka tirada badan ee aamusan, deeqdoodana la cunaayo ayaan ka qandhanahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Qaranka la beeleeyey, isla markaana la beegsaday kuwii ka soo jeeday hal beel, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo dhimo awooda ciidankaas marar badan loo diray meelo khatar ah oo miinooyin lagu laayey, sida uu hadalka u dhigay.

Ragga xukumada booliska iyo Nabad sugidda yaa waaye, ciidanka Qaranka meeqa ayey ku leeyihiin, shilin ayaan kugu gumeysanaa wax soconaaya maaha, sababtoo ah canshuurta dadkoodaa laga qaadaa, gobolkiisii ciidan ayuu leeyahay oo talis u gooni ah ayuu leeyahay, kaagana isagaa xukumaaya, wax la qaadan karo maaha” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo ka tirsan golaha Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo

Shirkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya oo soo geba-geboobay iyo R/W Rooble oo hadal culus ka sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, shirkaasi oo ahaa mid Golaha Ammaanka xog lagaga siinayey hawlgallada Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo hawlgalka AMISOM ee Midowga Afrika.

Shirka, oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada siyaasadeed ay muhiim u yihiin wax ka qabashada arrimaha taagan ee Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey jilayaasha siyaasadda in wada-hadallo dhexdooda ah ku dhameeyaan wax kasta.

Waxaa iyaguna ka hadlay wakiillada xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin wakiillada Maraykanka, Britain iyo Faransiiska.

Ugu dambayn waxaa shirka ka hadlay oo soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, iyo ka qaybgalka dumarka ee heerarka kala duwan ee dawladda.

Waxa uu sheegay inuu xafiiskiisu guddi u saaray soo dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay inay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha.

Xigasho: VOA