28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Trump oo si rasmi ah u qoray amarka ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya iyo goorta ay ka baxayaan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa lagu wadaa inuu amro in kumanaan ciidamada Mareykanka ah laga soo saaro dalalka Soomaaliya, Iraq iyo Afghanistan, sida uu weriyey wargeyska New York Times.

Amarkan oo qabyo qoraal ah oo Isniintii la dhex-wareejinayey xarunta waaxda gaashanadhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa ilaa bar dhimaya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo gaaraya 4,500.

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ee Iraq ayaa lagu soo koobi doonaa in ka yar 3,000, halka dhammaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo gaaraya 700 lasoo saari doono.

Qorshaha ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaan saameyn ku yeelan doonin ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo badankood fuliya howl-gallada diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Ku sii-haynta ciidamadaas ee Jabuuti iyo Kenya ayaa sii wadi karta awoodda ay Mareykanka u leeyihiin inay fuliyaan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo arko inay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Howlgalkooda waxaa ka mid ah inay tababaraan ciidamada Soomaaliya, islamarkaana siiyaan talooyin la xiriira ka hor-tagga argagixisanimada.

Qorshaha Trump ayaa ah in dhammaan ciidamadan lasoo saaro ugu dambeyn 15-ka Janaayo, shan maalmood ka hor inta uusan xafiiska ka tegin.

Ma cadda in sidoo kale lasoo saari doono shaqaalaha kale ee Mareykanka sida wakiilada CIA-da, safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee degan xarunta Xalane.

Video: Xildhibaan Runsheeg iyo Cabdixakiin oo hadallo kulul isku dhaafsaday arrin la xiriirta guryaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay xildhibaanada golaha shacabka la hor geeyey guddiyada adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuq maasuqa ayaa hadal jeedintii xildhibaanada waxaa ka dhalatay dood adag oo dhex martay Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg iyo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Ugu horeyn Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg ayaa sheegay in xubnaha maanta la ansixiyey hadii lagu biiriyo hey’adaha adeega garsoorka ay cadaaladdu soo hagaagi doonto.

“Waxaa jira in markii lagu kala cararay magaaladaan Xamar, dadkii ku lahaa guryaha inay ka carareen, maantana qofkii lahaa markii uu soo istaagay ee uu dacwooday loo xukumay, laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ah in warqadda xukunka mar kasta gadaal laga raacinayo ‘racfaan ayaa kuu furan’ taas oo dacwadda ka dhigeysa mid aan weligeed dhamaan,” ayuu yiri Xildhibaan Runsheeg.

Xildhibaanka oo sii hadalayey ayaa yiri, “Waxaan goobjoog ahaa iyadoo dad aan wax sharciya wadan oo warqado faaliso ah wata ay racfaan qaadanayaan, maxkamadda sare markii uu kiisku u gudbana aan dadka dacwoonaya laga qabaneyn, dad waxaan aqaanaa 12-sano dacwad wada laguna dhageysto maxkamadaha dalka.”

“Qaadiyaasha waxaa la yiri waa madax banaantihiin, waxayna xukunadooda ku ridaan shilimaad yar oo ay qaateen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Maxamuud Axmed Runsheeg.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo goobta ka jeediyey hadal ka xanaajiyey Xildhibaan Runsheeg oo hadalka uga horeeyey.

Xildhibaan Cabdixakiin ayaa sheegay in dadka uu sheegay Xildhibaan Runsheeg ee mudada dheer ka maqnaa guryahooda ay qaarkood wataan farsamo kale oo guryaha laba jeer ay ku gadanayaan.

“Qoladii 30-ka sano guryaha laga heystay ayaa hadda la yimid farsamo kale oo marna gadaya rasiidkii guryaha, marna iibsanaya sabar-loogii guryaha, marka wax badan ayaa cadaaladda iyo maxkmadaha in la saxo u baahan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Hadalkaas waxaa ka carooday Xildhibaan Runsheeg waxaana kulanka ka bilaawday buuq iyo sawaxan, iyadoo mar kale uu Xildhibaan Runsheeg soo istaagay si uu ugu jawaabo Xildhibaan Cabdixakiin.

“Guddoomiye inta uusan ka tegin halkan Xildhibaan Cabdixakiin, waxaa lagaa rabay inaad dhahdo raali gelin bixi, sababtoo ah waxa uu u gefay dad Soomaaliyeed oo guryahooda ka qaxay, lagana heysto, balse hadii uu raali gelin bixin waayo, walaalkiis ayaa bixi doona,” ayuu yiri Xildhibaan Runsheeg.

Hoos ka Daawo dooda labada xildhibaan

Maxay ka wada-hadleen Shiikh Shariif iyo Qoor Qoor?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan doorashada 2020/2021 iyo dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif uu Qoor-Qoor u bandhigay tabashadooda ku aadan guddiyadaas oo ay horey u shaaciyeen hogaanka xisbiyadu inaan lagu kalsoonaan karin.

Sidoo kale ilo ku dhow kulankaasi ayaa shaaciyey in madaxweynaha Galmudug uu ballan qaaday in talooyinka iyo tabashada musharraxiinta u gaarsiin doono madaxda kale.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ku ballameen kulamo kale oo xal loogu raadinayo, sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii in ka badan 10 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha ay qaadacdeen guddiyadaasi, iyaga oo shaaca ka qaaday in aan lagu kalsoonan karin xubnaha la soo xulay oo ay tilmaameen inay isugu jiraan shaqaale tirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo askar ka mid ah hay’adda nabad sugida Soomaaliya.

Xog: Mucaaradka oo wada qorshe lagu xaqiijinayo in madaxweyne Farmaajo ay sharciyadda ka dhacdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ku dhowaaqaan guddi doorasho oo liddi ku ah kan ay magacaabeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Musharaxiinta ayaa tallaabadan qaadaya ayaga oo aan ku qanacsaneyn guddiyada la magacaabay, oo ay sheegeen inay ku awood sheegatay xukuumadda, sidoo kalena laga buuxiyey shaqaale dowaldeed iyo xubno sirdoon ah.

Haddii ay sidan sameeyaan, waxay halis iyo buuq hor leh gelin doonta doorashada dalka, taasi oo keeni karta inay dib u dhacdo. Balse musharaxiinta ayaa door-bidaya dib u dhac intii ay gali lahaayeen doorasho ay si buuxda u maamuleyso madaxtooyada, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jira in doorashada la qabto ka hor 8-da Febraayo oo muddo xileedkiisu ku eg yahay, isaga oo ka faa’iideysanaya maamul goboleedyo intooda badan uu gacanta ku hayo, iyo guddiyo doorasho oo ay saameyn xooggan ku leedahay madaxtooyada.

Dhankoodana, mucaaradka ayaa doonaya in doorashada ay dhowr bil dib u dhacdo, si marka waqtiga ka dhammaado Farmaajo uu ayaga ula mid noqdo, maadaama ay ka dhaceyso sharciyadda, sidaas darteedna ay la gorgortami karaan.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale taageersan qorshaha mucaaradka ayaga oo diidan ama dib u dhigaya magacaabista guddiyada doorashada heer dowlad goboleed, taasi oo xaqiijin karta inuu hirgalo qorshahan, halka saddex maamul goboleed kale ay noqdeen kuwa ay si toos ah u maamusho madaxtooyada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale si dadban qorshahan shaaca uga qaaday kadib wareysi uu siiyey Taleefishinka Universal.

“Madaxweyne Farmaajo waqtigu isaga ayuu ku socdaa oo laba bilood ayaa u harsan, waxaan leeyahay waqtiga ha iska lumin, wiilka Nabad sugidda kuu joogana yuusan waqtiga kaa lumin, doorasho aanaa raali ka aheyn lagu qaban maayo Muqdisho, taas ayaan balan qaadaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa inaan ku qanacnaa doorashada, siyaasiyiin ayaan nahay deegaanka ayaan ka soo jeednaa, waa u tartameynaa inaan xukunaan rabnaa, Puntland iyo Jubbaland waxaa ku saxanyihiin inay waxaan diidaan, kuwa yeelayna waa qaldanyihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Mucaaradka ayaa qorshaha kale ay damacsan yihiin in haddii wax kale ay waayaan ay guddiga ay magacaabayaan ay kula gorgortamaan dowladda, kuna qasbaan dowladda in labada guddi la isku daro.

Ugu dambeyntii loolanka hadda socda ayaa ah Farmaajo oo doonaya doorasho deg deg ah oo dhacda kahor 8-da Febraayo, iyo mucaaradka oo isku dayaya inay sharciyadda ka dhacdo kadibna ay miiska la fariistaan.

Xog: Hub loogu talo-galay Galmudug oo loo weeciyay Gedo – Yaa ka dambeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hub dhowaan loo qaaday deegaanada Galmudug loo weeciyay gobalka Gedo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in hubkaan oo diyaarad looga qaaday Muqdisho la geeyay Galmudug lana sheegay in lagu xureyn doono deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab islamarkaana maalmo kadib diyaarad kale lagu geeyay Gedo.

Lama oga sababta ka dambeysa hase yeeshee hubka ayaa waxaa gacanta ku haayay ciidanka dowladda ee ku sugnaa Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in amar Muqdisho laga siiyay hubkaas loogu weeciyay gobalka Gedo.

Gobalka Gedo oo ka tirsan Jubbaland waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka taagan muddo sanado ah xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo hore halkaas ugu dagaalamay.

Galmudug ayaa wali arintaan ka hadlin hase yeeshee waxaa jira cabasho hoose oo ay u gubbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Somalia isagoo u ballan qaaday in dhowaan hub kale soo gaari doono.

Hubkan la geeyey Gedo ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubaland uu dalbaday in ciidamada dowladda laga saaro gobolka, haddii aan sidaas la sameynna aysan gobolka ka dhici doono doorashada xildhibaanada baarlamanka federaalka.

Dad badan oo loo soo qab-qabtay dilkii Kuukaay Dheere

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Beledweyne ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey degmadaasi, kadib dilkii halkaasi loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii xaafada Buundo-weyn Cabdi Muxumed (Kuukaay Dheere).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska ay howl-galladaasi ku soo qab-qabteen dad lagu tuhmayo dilkaasi, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Taliyaha saldhigga Booliiska Beledweyne labo xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro, islamarkaana ay weli wadaan fal ka daba-tag ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in natiijada ka soo baxda ay soo gudbin doonaan saacada soo socda.

Dilka Kuukaay Dheere oo xalay dhacay ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib toogashada.

Beledweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo howl-gallo lagu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada Xoogga ay ka fuliyeen gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

War ka soo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galladaas oo ahaa kuwa qorsheysan laga sameeyey deegaano iyo degmooyinka hoostaga gobolladaasi, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in howl-galladaasi lagu bur-buriyey saldhigyo ay la haayeen Al-Shabaab, laguna soo qabtay saraakiil ka tirsan kooxdadaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada raggaas oo kala ah: madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali, madaxa maktabka waxbarashada dumarka ee deegaanka Ceel cade oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Jilacow & madaxa Zakawaadka ee gobollada Shabeelooyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Dhinaca kale labo xidigle Maxamed Saleebaan oo ah taliyaha ururka 4-aad ee ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa sidii looga adkan lahaa Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku dara inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta & bartamaha dalka.

Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay dagaalka Tigray

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Xukuumadda Jabuuti ayaa war cusub ka soo saartay colaadda iyo dagaallada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga gobolkaasi.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay dadaal kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale waxa ay Jabuuti intaasi ku dartay inay mar-weliba taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee Itoobiya.

“Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Dowladda Jabuuti waxay sidoo kale intaasi ku dartay in ay in si weyn uga walaacsan-tahay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ka soo yeeray Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli xaalad adag ay ka taagan waqooyiga wadanka Itoobiya oo ay haatan ka socdaan weeraro iyo dagaallo culus oo u dheexeya ciidamada milatariga TPLF iyo kuwa federaalka ee dalkaasi.

Dalalka Masar iyo Sudan oo billaabay dhoolatus militari iyo arrinta ka dambeysa

Khartoum (Caasimada Online) – Dalalka Masar iyo Suudaan ayaa si wada-jir ah u bilaabay dhoolatus millateri, kaasi oo ay wada sameynayeen ciidamada labada dal, oo xiisad xoogan kala dhaxeyso dowladda Itoobiya.

Dhoolatuska millateri oo labada dal ay ugu magac dareen ‘The Nile Eagles-1’ ayaa waxa uu labo maalmood ka hor ka bilowday saldhig ay ciidamada cirka leeyihiin oo ku yaala waqooyiga dalka Suudaan, waxaana uu socon doonaa ilaa 26-ka bisha November.

Waxa uu noqonayaa dhoolatuskan midkii u horeeyey ee labada dal ay si wada-jir ah u sameeyan, tan iyo markii uu xilka Suudaan hayey toddobaatamaadkii madaxweynihii hore, Jacfar Al Numeyri.

“Dhoolatuska si wada-jirka ah ay ciidamada cirka labada dal ay u sameynayaan waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo dhowr ah sida; qorsheyaal iyo maamulidda ciidamada cirka labada dal, duqeymaha iyo howl-gallada difaaca ah ee loo adeegsanayo iskaashiga dhanka ah diyaaradaha dagaalka labada dal” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidamada Masar oo ku xusnaa bayaan lasoo saaray.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray “Sidoo kale, ciidamada cirka waxay sameynayaan dhoolatus dhanka baadi goobka iyo badbaadinta”.

Masar iyo Sudan ayaa muddooyinkii dambe kor u qaadayey xiriirkooda diblumaasiyadeed, iyada oo ay Taliyeyaasha ciidamada ee labada dhinac ku kulmeen 31-kii bishii Oktoobar magaalada Khartuum, kuwaasi oo qalinka ku duugay in la xoojiyo iskaashiga dhanka militeriga

Dhoolatuska labada dal ayaa imanaya xili ay dowladda Itoobiya kala dhaxeyso xiisada webiga Nile, kaasi oo ay Suudaan, Masar iyo Itoobiya ku guul-dareysteen inay gaaran wada-hadal muranka ka taagan biyo xireenkaasi.

Waxa kale oo uu kusoo aaday dhoolatuska Masar iyo Sudan xili ay dowladda federaalka Itoobiya ay ku jirto dagaal gudaheeda, kaasi oo ay ku beegsaneyso maamulka Tigrey-ga oo gaashanka u daruuray xukuumada Abiy Axmed.

ABIY oo diiday cadaadis caalami ah kadibna qaaday tallaabo ka dartay dagaalka

Mekelle (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa diiday cadaadis kaga yimid beesha caalamka oo ku saabsanaa inuu soo geba-gebeeyo dagaalka gobolka Tigray, waxaana ay ciidamadiisa qaadeen tallaabooyin ka daray xiisadda.

Ilo-wareedyo militari iyo kuwa diblomaasiyadeed ayaa sheegay in ciidamada cirka Ethiopia ay si xooggan u duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

Boqolaal qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana ku barakacay 25,000 oo qof, hase yeeshee Abiy ayaa ku gacan seeray inuu joojiyo.

“Waxaan leenahay ‘waqti na siiya’. Ma qaadan doonto ilaa abid… waxa uu noqon doonaa howlgal kooban,” waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda ee howlgalka gobolka Tigray.

“Marna ma weydiisan Uganda ama dal kale inay na dhex-dhexaadiyaan,” ayuu yiri Ridwan, kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia kana codsaday inuu dhex-dhexaadiyo.

Ciidamada cirka ayaa xirmooyin bambooyin ah maanta ku riday gudaha iyo hareeraha magaalada Mekelle, sida ay afar ilo-wareedyo militari iyo diblomaasiyiin ah u sheegeen Reuters.

Illaa iyo hadda ma cadda waxyeelada iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan. Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ay arirntan kasoo saareen dowladaha Tigray-ga iyo Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa maanta sheegatay inay ciidamada federaalka “xoreeyeen” magaalada Alamata ee koonfurta gobolka Tigray-ga, oo gacanta ugu jirtay kooxda TPLF.

Hoggaamiyayaasha Tigray-ga weli kama aysan hadlin xaaladda Alamata.

Daawo Rooble: “Cadaalad darro ayaa la tirsanayaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, waxuuna mas’uuliyiintii uu ugu tegay u jeediyey dardaaran, isagoo sheegay in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto tayaynta hey’adaha Garsoorka.

Warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee bulshada ay u hayaan ayuu Rooble ka dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa hadal uu ka jeediyey kulankaas waxa uu ku balan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuq maasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qayb-galay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

“Cadaalad darro ayaa la tirsanayaa, farbaa la inku soo fiiqayaa, dadbaa ka cabanaya in kiisaskooda aan la qabaneyn, haddi aysan xubnaha garsoorku ka helin dantooda, dadku waxay noo sheegeen inay dulmanyihiin, waan ka dhageysanay, waaxana ka dhageysan doonaa, halkaana waa u badnaa doonaa, hadaan waqti dheer heysto xafiis ayaan ka furan lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Waxaa xusid mudan in dad cadaalad ka waayey hey’adaha  garsoorka dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab u dacwoodaan, waxaana halkaas ka dhalata in xukunka ay Al-Shabaab ka soo saaraan dacwadaha qaar ay fulintiisu dhib kale keento.

Hoos ka Daawo Rooble

Yaa faafiyay warqaddii ay beelaha Hawiye sida sirta ah ugu gudbiyeen Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi odayaal ah oo ay wakiisheen dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Hawiye ayaa 14-kii bishan la kulmay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo mudane Rooble u gudbiyay cabasho xoogan oo ay beeshu ka qabto tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda.

Muxiyadiin Xasan Afrax, oo ah Guddoomiyaha golaha horumarinta danaha beesha Mudulood, qeybna ka ahaa guddigii odayaasha ee la kulmay ra’iisal wasaare Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dusiyo warqaddii loo gudbiyey ra’iisul wasaaraha, oo baraha bulshada lagu faafiyo.

“Ra’iisal wasaaraha waxaan ugu tagnay arrin lid ku ah Beelaha Hawiye, arrintaas waan ka hadalnay waana u gudbinnay waxaan qabnay, isaguna si fiican ayuu nooga qabtay. Ra’iisal wasaaraha, wuxuu noo sheegay inuu arrintaas haddii ay jirto uu wax ka qabanayo” ayuu yiri Muxiyadiin Afrax.

Waxa kale oo uu ka gil-gishay waraaq lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay inay tahay waraaqdii ay Rooble u gudbiyeen guddiga la kulmay, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan munaasib aheyn, isla markaana arrintaasi ka raali-geliyay ra’iisal wasaaraha.

“Arrintaas waxaa isku ogeyn sidii raysal wasaaraha loogu dhiibay inay ahaato, iskuma ogeyn baro bulsho in loo qeybiyo iskuma ogeyn baro bulsho loo qeybiyo arrintaas xadgudub ku tahay odayaasha hawiye ayay ku noqoneysa Raysal wasaaraha waxba uma dhibeyso”

“Anaga waxay naga xumeyneysa magacii iyo is aaminidii, baraha bulshada iyo warbaahinta waxbaa la dhigaa, laakiin wax aan lagu talagelin ma fiicno in la dhigo” ayuu ugu dambeyntii yiri guddoomiye Muxiyadiin.

Guddiga ayaa dhawaan ra’iisal wasaaraha la wadaagay warqad ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay tabanayaan beelaha Hawiye ee dowladda looga baahanyahay inay wax ka qabato, isla markaana lagu dalbaday in dib loogu laabto guddiyada doorashada oo ay sheegeen inay ka buuxaan ciidamo iyo shaqaale dowladeed oo aan dhax-dhexaad noqon Karin.

Sidoo kale waxay dalbadeen in la joojiyo cadaadiska lagu hayo siyaasiinta Hawiye iyo bulshadaba, lagana fogaado qorshaha ay Villa Somalia ku dooneyso inay ku fujiso boorarka musharaxiinta Hawiye, xili dhowaan laga fujiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in odayaasha ay sidoo kale walaac ka muujiyeen ciidamo laga keenay Eritrea oo Soomaali ah iyo ciidan kale oo ajnabi ah, kuwaas oo ay ka qabaan cabsi ah in dalka lagu geliyo dagaalo sokeeye iyo in lagu sameesto dano gaar ah.

Ciidamada Abiy Ahmed oo magaalo kale oo muhiim ah ka qabsaday Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegtay inay qabsatay magaalo kale oo ku taala waqooyiga gobolka Tigray, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal uu ka socday gobolkaasi.

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay magaalada Alamata ka xoreeyen kooxda Tigrayga, xili uu dhawaan sidan oo kale uu Abiy Axmed u shaaciyey magaalo ay sheegen inay ka qabsadeen TPLF.

Abiy Ahmed ayaa dhamaadka toddobaadkii hore sidan oo kale u sheegay in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, iyaga oo ka adkaaday ciidamada deegaanka, oo uu ku eedeeyey xasuuq.

“Galbeedka gobolka Tigray waa la xoreeyey. Ciidamada dowladda waxay hadda kaalmo iyo adeeg bani’aadannimo siinayaan shacabka, wayna quudinayaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu xiligaasi soo dhigay twitter-ka.

Inta badan ma jirto faah-faahin ay dowladda federaalka Itoobiya ka soo saarto guulaha ay ka sheegato dagaalka kala dhaxeeya maamulka maylka adag ee gobolka Tigrayga.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hogaamiyaasha Tigray oo ku aadan sheegashada xukuumada Abiy iyo dhacdooyinka ka dhacay Alamata, oo u dhaw xadka gobolka Amxaarada, oo qiyaastii 120-km (u jirta caasimada gobolka Tigray ee Mekelle.

Dagaalka Itoobiya ayaa waxa uu galaaftay nolosha boqolaal ruux, iyada oo ugu yaraan 20,000 oo qaxooti ah ay uga qaxeen dalka Suudaan, iyada oo maamulka Tigray (TPLF) uu ku eedeyay in dagaalkaasi ay qeyb ka tahay Ereteriya, taasi oo taageereysa ciidamada federaalka.

Hogaamiyaha kooxda TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalka ciidamada federalka Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay adeegsadeen hub casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka, kuwaasi oo uu sheegay inay ku bur-buriyeen biyo-xireen iyo warshad sokorta.

“Abiy Axmed wuxuu dagaalkan ku qaadayaa shacabka Tigrayga, isagana masuul ka ah ujeeda ujeedada laga leeyahay ee ah dhibaatada dadka ee shacabka iyo burburka mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri

Waxa uu intaas kusii daray “Annagu ma nihin kuwii bilaabay khilaafkan waxaana muuqata in Abiy Axmed uu dagaalkan u qaaday isku day uu ku xoojinayo awoodiisa shaqsiyadeed, wana ka digeyna in Itoobiya ay noqoto dal fashilmay oo kala qeybsan”.

Si kastaba, dagaalka xukuumada Abiy Axmed iyo maamulka Tigrayga ayaa kasii daraya, xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in labada dhinac la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si xal waara looga gaaro xiisada dagaal ee ka dhex aloosan.

Golaha shacabka oo maanta ansixiyey guddi cusub oo uu muran ka taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa maanta kulan ay ku yeeshen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa lagu horgeeyay guddiyada golaha adeega garsoorka iyo xubno ka tirsan guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddiyadan oo ay hore u meel-mariyeen golihii wasiiradii xil-gaarsiinta, ayaa waxa uu maanta golaha shacabku ku ansixiyey cod aqlabiyada xubnaha guddiga adeega garsoorka.

Kulanka golaha oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka cadaalada iyo garsoorka dowladda federaalka Cabdulqaadir Maxamed, ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha qaabkii ay u ansixiyeen xubnaha guddiyadaasi.

Guddiyada uu maanta meel-mariyey golaha shacabku ayaa waxay mas’uuliyiin kamid ah Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay ku tilmaameen sharci darro, maadama xukuumadii hore u meel-marisay la riday ra’iisal wasaaraheedii, isla markaana ay aheyd ‘xil-gaarsiin’.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sidoo kale waxa lagu mariyey aqrinta saddexaad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyada oo loo qeybiyay xildhibaanada golaha qoondaha miisaaniyada 2021-ka.

DAL kale oo faro-gelinaya dagaalka Abiy iyo Tigray-ga iyo wararkii ugu dambeeyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa markii u horeysay si toos ah qeyb uga noqoneysa wada-hadal dhexmara maamulka Tigrayga iyo dowladda federaalka ee Abiy Axmed, sida ay wakaalada AFP u xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada Uganda.

Xukuumadda Museveni ayaa wada-hadalo dhexmara labada dhinac ku marti-gelin doonta magaalada Kampala, halkaasi oo ay tagi doonaan ergooyin ka socdo dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigrayga.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in ergooyinka labada dhinac ay isku hor-fadhiisan doonaan miiska wada-hadalka, kaasi oo xal rasmi ah loogu raadin doona dagaalka maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay.

Wada-hadalada labada dhinac ayaa sida lagu soo waramayo waxa garwadeen ka noqonaya madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, maadama la rumeysan yahay in uu xiriir dhow la leeyahay labada dhinac ee isku haya dagaalka Itoobiya.

Wararka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya in ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya uu tegi doono magaalada Kampala ee dalka Uganda, si uu qeyb uga noqdo wada-hadaladaasi, isaga oo matalaya dowladda federaalka Itoobiya.

Wada-hadalada lagu wado inay dhexmaraan maamulka maylka adag ee Tigrayga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa lagu soo afjari doona dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya, haddii ay labada dhinac isla qaataan xal kama dambeysa ah.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu sare usii kacay dagaalka labada dhinac, kaasi oo sababay dhimashada boqolaal ruux, halka uu barakaciyay ku dhawaad Labaatan kun oo qof, oo ka tallaabay xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.

Cumar Filish oo sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.

Duqa Muqdisho ayaa wareegtadan oo ay heshay Caasimada Online xilkii uga qaaday guddoomiyihii maamulka degmada Yaaqshiid, Muuse Geesey Jimcaale.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa xilkan u magacaabay Axmed Cabdullahi Cariif oo isla maantaba la wareegay xilkaasi.

Sababta is-bedalka loogu sameeyey maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu sheegay inay la xariirto baahi loo qabo in dadar-geliyo howlaha maamul ee degmadaasi.

Guddoomiyahaa ayaa sidoo kale la faray inuu si deg-deg ah xilka ula wareego, iyada oo laga dalbaday laamaha amnigana inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Dhanka kale guddoomiyihii hore ee degmada Yaashiid Muuse Geesey Jimcaale ayaa xilkan hayey tan bishii Julay ee sanadkii 2019-kii, wuxuuna ka mid ahaa taageerayaasha madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, gaar ahaan Xoogaga Wadaniyiinta.

Si kastaba xilka qaadista iyo magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maalin ka hor is-bedal lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Swan oo Qatar kala hadlay Somalia xiil uu jiro guux weyn

Doha (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo saacadihii u dambeeyay ku sugna dalka Qatar, ayaa kulano kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi.

James Swan ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda ahna ra’iisal wasaare ku -xigeenka dalkaas, Sheikh Mohamed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, kaasi oo ay kaga wada-hadleen xaalada Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa diirada lagu saaray xiriirka Qaramada Midoobey iyo Qatar, iyada oo lagu soo hadal qaaday marxalada kala guurka dalkeena iyo doorashada kusoo wajahan, oo maalmihii u dambeeyay uu dul hoganayey muran baahsan.

Dowladda Qatar ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo la rumeysan yahay inay galaan-gal xoog leh ku leedahay Villa Somalia, taasi oo meesha ka saartay xiriirka dowladdo kale oo carbeed.

Kulankan ayaa imanaya iyada oo uu soo baxayo guux aan si dhab ah loo ogeyn oo la xiriira in dowladda Qatar ay gacan xoogan ka geysanayso soo laabashada madaxweynaha hadda talada haya, oo wajahaya loolan adag.

Si kastaba, James Swan ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladaasi, iyada oo shalay la gaarsiiyey dacwad ka dhan ah madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Saraakiil sar sare oo shaqo looga eryey wiil Soomaali ah dartiis iyo sababta keentay

0

London (Caasimada Online) – Jaamacadda Manchester ee UK ayaa shaqo fariisin ku sameysay saraakiil cunsuriyeysay arday Soomaali ah oo wax ka barta jaamacaddaasi.

Zac Aadan oo 19 jir ah ayaa cunsuriyeen iyo xad-gudub kala kulmay saraakiisha shaqada laga eryey, iyaga oo marka hore weydiiyey in uu tusiyo aqoonsigiisa, waxayna geeyeen gidaarka hoolka Fallowfield, kadibna waxa ay ka qaadeen sawirro ku faafay baraha bulshada.

Saraakiisha ayaa waxa ay u sheegeen Aadan in uu u eg yahay nin ka ganacsada Daroogada, falkaasi oo uu aad uga carooday wiilka Soomaaliga ah oo dhiganayey sanadkiisa 1-aad ee jaamacadda.

Qoraal ka soo baxay jaamacadda ayaa sidoo kale sheegay in la baarayo dhacdadaasi iyo ujeedka gaarka ah ee laga lahaa.

Sidoo kale waxa ay jaamacadda Manchester intaasi u dartay inay ka welwelsan tahay sawirka ardaygaan ee lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhankiisa Zac Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka uu tusiyey kaarkiisa ay ula dhaqmeen saraakiishu si aan wanaagsaneyn oo saameyn ku yeelatay.

“Waxa aan gacanta ku haystay kaarkayga aqoonsiga, waxa ay isku dayeen in ay iga dhacaan, waxaa xigay in darbiga la igu dhejiyo, qofkasta oo Dhismaha Jaamacadda ku jiray waxaa loo sheegay wixii dhacay iyo in aan u hoggaansamay dalabka ilaalada,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn jaamacadda Manchester ayaa raalli-gelin ka bixisay falkan, iyada oo ka digtay in midab kala sooca uu caadi ka noqdo goobaha ay isugu tagaan ardayda.

Xog: A/Madoobe iyo Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah guddiyada doorashada

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa wali soo magacaabin guddiyada doorashada 8-da xubnood ah ee heer dowlad gobaleed, kuwaas oo qeyb ka ah guddiyada doorashooyinka qaranka iyo kuwa heer dowlad gobaleed.

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” iyo Saciid Cabdullaahi Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in ay shir gaar ah arintaan ka yeeshaan islamarkaana ay qaataan go’aankii ugu dambeeyay ee guddiyada ku dhiman.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin ku dhow dhow maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diidan yihiin sida ay hadda u socoto diyaar garowga doorashada Soomaaliya, gaar ahaan qaab loo maray dhismaha guddiyada Farsamada iyo Xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, siyaasiin iyo musharaxiin badan oo taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hore u diiday guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa heer dowlad goableed, waxeyna sheegeen in ay ku jiraan Shaqaale Dowladeed, Saraakiil ka tirsan NISA, xubno ka tirsan xafiiysada Madaxweynaha iyo Ra’iisul iyo qaar kamid ah taageerayaashii Madaxweyne Farmaajo ee baraha bulshada.

Machad-ka Cilmi baarista ee Heritage ayaa maalin ka hor warbixin uu saaray ku sheegay in guddigaan uusan aheyn mid dhex dhexaad ka noqon kara doorashada Soomaaliya waxeyna ku taliyeen in la badalo.

Si kastaba, lama oga go’aanka ay Villa Somalia ka qaadan doonto cabashada ka dhanka guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, inkasta oo ay u badan tahay inaysan marnaba dhageysan, maadaama taasi ay tahay wax aan looga baran.

Haddii ay ku adkeystaan Axmed Madoobe iyo Deni inaysan soo magacaabin guddiyada waxay halis gelineysaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

Daahir Geelle: Arrin aan laba sano ka hor madaxweyne FARMAAJO ka diiday ayuu hadda wasiir Dubbe ka yeelay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey in laba sano ka hor uu Madaxweyne Faramajo ka diiday inuu gudbiyo fariin lagu dhaleeceynayey mucaradka dowladda.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Farmaajo ay u yimaadeen xiligii uu wasiirka warfaafinta ahaa, isla markaana ay ku yiraahdeen faafi hadalka Madaxweynaha oo mucaaradka ku tilmaamayey siyaasiyiin xanaaqsan, balse uu ka diiday.

“Laba sano kahor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa mucaaradka ku sifeeyay “siyaasiyiinta xanaaqsan”. Anigoo wasiirka warfaafinta ah ayaa taageerayaashiisu iigu yimaaddeen inaan hadalkaas faafiyo. Waan ka diiday,” ayuu yiri Daahir Geelle oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Geelle ayaa sheegay in hadda fariin – tii lamid ah loo soo dhiibay wasiirka cusub ee warfaafinta Cismaan Dubbe, isla markaana uu faafiyey.

“Hadda, wasiirka cusub ee warfaafinta, Mudane Cismaan Dubbe, ayaa loo soo dhiibay nuqulkii labaad, wuxuuna hadalkiisii ugu horreeyay ee uu fagaare ka yiraahdo ku sifeeyay mucaaradka siyaasiyiin waalan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Daahir Geelle ayaa is weydiiyey cidda loo soo dhiibi doono nuqulka seddaxaad ee dacaayadda ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Farmaajo.

“Tolow, nuqulka saddexaad muxuu noqon doonaa, yaase loo soo dhiibi doonaa?! Udub dhexaadka madaxweynenimadu waa dhaqan iyo dhawaq suubban,” ayuu wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Geelle ku yiri qoraalkiisa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka jawaabay eedeymaha loo jeediyey madaxda dowladda federaalka ee ku aadan hanaanka ay u martay soo magacaabidda xubnaha guddiyada doorashooyinka dalka ayaa ku tilmaamay siyaasiyiin waalan.