26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Ganacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo fariin u diray madaxweyne FARMAAJO

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Ganacsatada jaadka ee ku sugan dalka Kenya ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo iyagoo ka cabanaya nolol xumo soo wajahday, waxeyna doonayaan in dib loo fasaxo qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya.

Dalladda ay ku mideysan yahiin haweenka jaadka kasoo dhoofiya Kenya oo ay ku jiraan hablo Soomaali ah ayaa tirsanaya nolol xumo soo wajahday kadib markii la joojiyay qaadkii ay Soomaaliya geyn jireen.

Xaawo Cabdi Jaamac oo la hadashay idaacadda adduunka la hadasha ee BBC–da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayey sheegtay iney ka cabanayaan joojinta qaadkii ay geyn jireen Soomaaliya halka la fasaxay jaadka laga keeno dalka Itoobiya.

Haweeneydaan waxey sheegtay iney saameyn ballaaran ku yeelatay isla markaana ay noloshooda ku tiirsaneyd ka ganacsiga jaadka, balse tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraadda saartay jaadka ka imaada Kenya ay culeysyo nololeed soo wajaheen.

“Markii hore jaadka waxaa loo joojiyay sababo la xiriira cudurka COVID19, balse markii dambe gebi ahaan waa la joojiyay inaan jaad geeyno Soomaaliya, taasina waa dhibaato waayo waa shqada kaliya aan naqaano,” ayey u sheegtay BBC-da.

Xaawo Cabdi waxey ugu baaqday madaxweyne Farmaajo in loo fasaxo jaadka ay u iib geyn jireen Soomaaliya ama gabi ahaanba jaadka laga xanibo in loo iib geeyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxey xanibtay jaadkii laga keeni jiray Kenya, waana arrimo labada dal u dhaxeeya oo dhanka diblomaasiyadda ah sida la fahamsan yahay.

Sheekh Xuseen Cali oo isaga oo sujuudsan geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Xuseen Cali oo si weyn looga yaqaanay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ku dhintay masjid ku yaalla isla gudaha degmadaasi.

Marxuumka ayaa geeriyooday, xilli uu ku sugnaa Masjidka loo yaqaano Muumino Ceelbuur oo ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka ay nafta ka baxday, isaga oo dukanayey Salaad Sunno ah, islamarkaana Sujuudsan, salaaddii Maqrib ka hor.

Sidoo kale dad ka mid ah Jameecada masjidka ayaa u gurmaday Sheekha, kuwaas isku dayey inay toosiyaan, balse waxaa markii dambe la ogaaday inuu dhintay marxuumka.

Jameecada ayaa sidoo kale uga baryey marxuumka oo ku dhintay khaatumo wanaagsan inuu Alle ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Qof nasiib badan ayaa hela naxariista iyo nimcada Rabbi, waana mid ka mid ah ducooyinka ugu muhiimsan oo ay muslimiintu Alle weydiistaan inuu u toosiyo khaatumada.

Xog: Xubnaha mucaaradka oo ‘sameysanaya’ gole iyo baabul ka socdo Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku aadan u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee la filayo in dalka laga qabto sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeeed ka bilaabi doono Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay caasimada soo gaari doonaan siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ka maqan dalka, waxaana xubnahaasi ka mid ah:-

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan Muqdisho ku sugan oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor dib uga soo laabtay safaro ay ku kala tageen wadamada Jabuuti, Kenya iyo Masar.

Sida ogaatay Caasimada Online waxaa socda qorshe gaar ah oo musharraxiintan oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha ku ‘sameysanayaan’ gole ay ku mideysan yihiin oo la filayo in looga dhowaaqo Xamar, waxaase ka horreeya shirar ay yeelan doonaan.

Ujeedka loo dhisayo golahaasi ayaa ah in musharraxiintu ay si isku mid ah ugu wajahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee inta badan musharraxiinta ayaa horey uga horyimid dhismaha guddiyada doorashada, iyaga oo shaaciyey in lagu soo daray shaqaale ka tirsan madaxtooyada iyo askar ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed.

Wararkii u dambeeyey qaraxii ciidamada AMISOM lagula eegtay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay mararayeen agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee lala bartilmaameedsaday miinadaasi.

Inta la xaqiijyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo kala ah aabe, xaaskiisa, gabar yar oo uu dhalay iyo wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxu ka dhacay.

Waa qaraxii labaad ee 24-saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona shalay weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga iskuul Buluusiya, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo isugu jira askar & dad rayid ah.

 

Magacyada xildhibaanada iyo siyaasiinta culeyska ugu badan saaray Qoor-Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa wajahaya culeys badan oo uga yimid dhinaca mucaaradka, gaar ahaan siyaasiinta ka soo jeeda degaanada maamulka Galmudug oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Shaqsiyaadka Madaxweyne Qoor-Qoor culeyska saaray waxay u badan yihiin xildhibaano mucaarad ah oo markii hore u ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan, isagana uu ka shaqeeyo sidii ay ku soo laaban lahaayeen.

Qoor Qoor ayaa hadda si toos ah ugu xirmay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu ka shaqeynayo sidii meesha looga saari lahaa dhammaan xildhibaanada ay is-khilaafsan yihiin.

Xildhibaanada culeeska saaray Qoor-Qoor ayaa kala ah.

1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa
2 – Xildhibaan Mahad Salaad
3 – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
4 – Senator Abdi Ahmed Dhuxulow dheg-dheer
5 – Senator Geelle Ugaas Dhageey
6 – Senator Abshir Bukaari iyo Xildhibaano kale.

Sidoo kale siyaasiinta culeyska saaray Madaxweyne Qoor-Qoor waxaa kamid ah siyaaisga Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame, Kamaal Guutaale. Sidoo kale wasiirada amniga iyo dekadaha oo sidoo kale ah xildhibaano ayaa qeyb ka ah dadka uu dooda kala dhaxeeyo Madaxweynaha Galmudug.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor, waxaana la sheegay in ay kawada hadleen arrimaha doorashada Soomaaliya iyo dooda laga qabo guddiyada magacaaban.

Guddiga heer dowlad gobaleed ee doorashada Soomaaliya islamarkaana kasoo gala Galmudug ayaa la sheegay in ay ku badan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamda NISA, waxaana qeyla dhaan badan ka muujiyay siyaasiin badan.

Xog: Cidda baahisay warqadii ay odayaasha Hawiye u dhibeen R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ka dambeeyeen in la baahiyo warqadii ay Odayaasha Hawiye u dhibeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xogo muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ay warqadaan gacanta u geliyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe, waxaana garab fadhiyay shan wasiir oo Hawiye ah.

Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax oo ka mid ah odayaasha Hawiye ayaa sheegay in warqadda aysan xitaa lahayn nuqul kale, ayna u dhiibeen Rooble, balse ay la yaabeen inay ku dhex-arkaan baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warqadaan ku wareejiyay Xoghayaha Joogta ee Xafiiskiisa, waxaana la sheegay inuu isagana la sii wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn gaartay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Amarka ah in la-baahiyo warqadaan ayaa la sheegay in laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya kadibna lala-wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, kadibna waxay gaartay warbaahinta.

Baahinta warqadaan ayaa loo maray shaqsiyaad caan ka ah baraha Bulshada ee Internet-ka, waxeyna ugu dambeyn ku faaftay Social Media-yaha oo dhan. Odayaasha dhaqanka ayaa daqiiqado kadib loo sheegay in warqadii la baahiyay waxaana dusha laga saaray mas’uuliyada baahinta warqadaas.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa dorraad magaalada Muqdisho ka sheegay in warqadaas ay geliyeen gacan amaan ah balse markii dambe loo soo sheegay in la faafiyay.

Ciidamada Abiy Ahmed oo kusii siqaya caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle

Mekelle (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kusii siqayaan caasimadda gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad ah oo ay u qabatay ciidamada TPLF inay isku soo dhiibaan.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay TPLF oo la xiriira sheegashada dowladda.

Ciidamad federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay “xoreeyeen” deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxay hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

Dowladda waa ay beenisay inay beegsatay shacab.

Magcayada xubno Shabaab ah oo uu Mareykanka ku daray liiska argagixisada

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggaamiyaha ciidan xul ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii bishii Janaayo ka dhacay saldhig ku yaalla Kenya, oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay Macallin Ayman oo ah hoggaamiyaha ciidanka Jaysh Ayman, iyo sidoo kale Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo maamula qeybta qaraxyada iyo warbaahinta, ay ku dartay liiska caalamiga ah ee argagixisada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in cutubka Jaysh Ayman ay fuliyeen weerarkii Janaayo ee ka dhacay xerada Camp Simba ee xeebta waqooyi ee Kenya, kaasi oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, laguna burburiyey diyaarad.

Sanaddii 2018, daraasad ay sameysya hay’adda Jamestown Foundation ayaa Jaysh Ayman ku qeexay dadaal ay Al-Shabaab gudaha Kenya uga sameyneysay ciidan si wanaagsan u tababaran, una qalabeysan oo Kenyan ah.

Xayiraaddan ayaa hakineysa dhammaan hantiada shaqsiyaadkan laga yaabo inay u taallo Mareykanka, waxayna dmabi ka dhigeysaa in lala macaamilo ama la caawiyo.

“Haddii ay hanti u taallo Mareykanka iyo haddii kaleba, cunaqabateenada waa ciqaab adag oo ku adkeyneysa shaqsiyaadka ama ururada lagu daray liiska inay lacago isaga gudbiyaan nidaamka maaliyadda ee caalamiga ah,” waxaa sidaas yiri Nathan Sales oo ah isu-duwaha ka hor-tagga argagixisanimada ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Sales waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka kale kala shaqeeneyso sidii Al-Shabaab loogu adeegsan lahaa dhammaan quwadaha iyo kheyraadka qaran.

Ilhaan Cumar oo eedeyn u jeedisay xukuumada Itoobiya

0

New York (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykana ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxa uga hadashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeysay in nooc kasta oo dagaal ah ay ka geystay gobolka Tigray ee dalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalladaasi ay ka dhasheen khasaare lixaad leh iyo barakaca dadka shacabka ah.

“Dowladda Itoobiya waxay xirtay kuwii ka soo horjeeday, waxay ku hanjabtay duqayn, waxayna nooc kasta oo dagaal ah la gashay mid kamid ah gobolladeeda gaar ahaan Tigray,” ayey tiri xildhibaanad Illhaan Cumar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dagaalka ka socda gobolka Tigray uu sii xoogeysanayo, waxaana duqeymo iyo dagaallo ay ka socdaan waqooyiga wadankaasi.

‘Dowladda waxaan ku diidan nahay inay garsooreyaal ka dhigto taageerayaasheeda’

Hargeysa (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle, oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka ayaa ka hadlay sababta ay siyaasiyiinta mucaaridku uga horyimaadeen guddiga doorashooyinka, ee dhawaan ay soo magacowday dowladda federaalka.

Musharaxa ayaa ugu horeyntii sheegay in mucaaridku aysan diidaneyn in dowladdu guddiyo soo magacawdo, balse ay ku diidan yihiin in taageerayaasheedii garsoor uga dhigto doorashada dalka, taasi oo meesha ka saareysa dhex-dhexaadnimadii laga rabay guddigaasi.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay ka leexatay hanaankii doorasho loo siman yahay, maadama ay keensatay dad ku asteysan taageerayaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Guddiga shuruudiisa waxay aheyd dadka tartamaya inay dhex dhexaad u noqon karaan dhamaan dadka tartamaya, oo ah inay noqdaan qoorta labada garab u dhaxeysa, balse waxay soo xushay dadkii ku asteysnaa inay taageerayaal u yihiin,” ayuu yiri Dahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Anaga waxa aan fiirineyno gacanta lagu magacaabay ma ahan, waxaa fiirinayaa qofka la magacaabay qof shalay madaxweynaha u caytamayay, u colaadinayay oo dadka kale uga soo horjeeday.”

Ugu dambeyntii waxa usoo jeediyay Daahir Geelle in dowladda federaalka ay bedesho guddiyadaasi xubnaha ku jira, isla markaana ay keento dad dhex-dhexaad ah oo ka madax-banaan xukuumadda hadda talada haysa.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalku ka madax adeygayso inay ka noqoto guddiyada ay dhawaan ku dhawaaqday, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in guddigaasi uu khilaafku ka taagan yahay loo bilaabay tobabaro la xiriira nidaamka doorashada.

Soomaaliya ma ka badbaadi kartaa dagaal la mid ah kan ka dhex-qarxay Tigrayga iyo dowladda federalka Itoobiya?

Maamulka Addis Ababa waxuu burburiyay hubkiisa ugu cuslaa, uguna casrisanaa ee yiillay Taliska Qaybta Waqooyi (Makelle,ama Mek’elle), kaddib markii uu gacanta u galay hoggaamiyaasha TPLF ee maamula gobolka Tigreeyga, kaasoo xiriirkiisa dawladda federaalka uu aad u xumaaday. 

Xeeldheerayaasha ciidanka ee gobolka ayaa rumaysan in Taliska Qaybta Waqooyi ay leeyihiin cudud ciidan oo lixaad leh tiro iyo tayoba, marka la barbardhigo qeybaha kale ee ciidanka Itoobiya, taasina waxaa suurtog-gal ka dhigay  labo xaaladood: (1) TPLF oo Itoobiya maamulaysay 27 sanadood, kuna talagashay inay qowmiyadaha kale ku cabburiso awood ciidan, si ay xukunka ugu sii raagto, iyo (2) Gobolka Tigreey oo dhaca cirifka waqooyi ee xuduud Itoobbiya iyo Eriteriya, halkaas oo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhexmaray labada dal 1998-2000, balse laga heshiiyay 2018.

Sida ay xaqiijinayaan ilo military, Ciidamada Itoobiya ayaa afar meelood meel (rubac) ka soo jeeda qowmiyadda Tigreeyga, oo qiyaas ahaan dhan 250 kun askari! Halka qowmiyadda Tigreeyga ay ka tahay 6% (boqolkii lix, halka qawmiyada Soomaalida ay ka tahay 6.2%) tiradda guud ee dadka Itoobbiya.

Si loogu xardho maskaxda da’ yarta ee reer Tigreey qiiro iyo qab ahaanba ayaa “Matxaf ka sheekenaya geesinimada halgamayaasha Tigreniya laga furay gobolka, halka TV-yada maxalliga ah laga sii daynayey muuqaallo dagaal oo laga soo qaaday dagaaladdii ay la galeen Taliskii Mingiste” oo Tigreey ay ka qaadatay qayb libaax (Reuters DEC 16, 2018).

Ilo diblomaasiyeed sida ay ku doodayaan waxaa jira qorshe labaad oo ay dejisteen hoggaanka TPLF kuna qotoma inay ku dhawaaqaan “ go’itaan” haddii ay lumiyaan hoggaanka Itoobbiya, taana waxaa caddeyn u ah in hoggaamiyeyaashii TPLF ay dastuurka Itoobbiya ku qoreen in “ qowmiyad waliba xaq u leedahay inay ka go’do dalka intiisa kale.”

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed waxuu diiday dhexdhexaadin ka timaada beesha caalamka ama inuu wax wadahadal ah la galo hoggaanka TPLF, isagoo ka baqaya inay hoggaanka TPLF doonayo in lagu kor xaajoodo qodobka dastuurka ee dhigaya “gooni-isutaaga.”

Inkastoo, Dr. Abiy ku doodayo inuu dagaalka qaadan doono muddo yar, balse waxaa cad inay Itoobbiya lugaha la gashay dagaal sokeeye oo qaadan kara waqti dheer, maadaama dowladda federalka ku adk a an doonto kala soocida Hoggaamiyaasha TPLF iyo Shacabka Tigreeyga. Dagaalkan waxuu dhaawici doona dhaqaalaha, iyo midnimada Itoobiya. Waxaana la odorasayaa in ay ka dhalan doonto dagaalada socda masiibo bina-aadamnimo oo aad u xunuun badan.

Haddaba Soomaaliya maxay cashar ah oo ay ka baran kartaa dagaalka ka socda Itoobbiya?

Dagaalka Itoobbiya waxaa asal u ah labo arrimood: (b) Dastuur loo qaabeeyey kala-tagga Itoobbiya, iyo (t) Dowlad goboleed leh cudud ciidan ka tiro iyo tayo badan booliiska deegaanka. Waxaa xaqiiqo ah, in labadaas arrimoodba ay ka jiraan dalka Soomaaliya!

Inkastoo aan ognahay in Itoobbiya ay ka dhaxashay boqortooyadii hore dal ballaaran oo qawmiyado aan is lahayn ka kooban, misna Dastuurka Itoobbiya  ayaa qeexay a in qawmiyadahan ay ismaamul xaq u leeyihiin iyo xitaa ugu dambayntii goosasho ay u furan tahay, haddana maanta labadan dawladood ee deriska ah meela fara badan, gaar ahaan nidaamka federaaliga, ayay wadaagaan, marka way dhici kartaa in mashaakilkaa ay kusoo biya-shubaan Soomaaliya. Eritrea markay goosatay iyadoo ka faa’idsanayso qodobka Dastuurka, adduunweynaha wuu aqoonsaday,  balse xaaladda Somaliland ma shabahdo tan Eritrea, waana taas mida keentay in ay weydo aqoonsi!

Haseyeeshee, maanta waa lays weydiin karaa sideebuu arrinkan u saamayn karaa Soomaaliya ama suurtaggal miyaa in khilaafka  maanta ka dhexeeya dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe uu gaaro heerkaas?

Ciidamada Daraawiishta maamul goboleedyada, iyo kuwa Ilaalada Xeebaha Puntland midkoodna ma hoos-tago Talisyada Ciidamada Federaalka, taas oo wiiqaysa awooda dowladda dhexe, isla-markaasna kobcinaysa awooda qabiillada khilaafka ka dhaxeeyo!

Weli waxaa taagan dalabka Axmed madoobe ku dalbanayo in laga daadgureeyo Ciidamada Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan xudduudda Soomaaliya iyo Kenya!

Waxgarad badan ayaa rumaysan in Dastuurka Federaalka Soomaaliya, hoos u dhigay xuquuqda muwaaddinka, isla-markaasna uu naaxinayo heyb-dhul-ku-sheegasho iyo anaaniyada.

Soomaaliya waxay u ooman tahay dastuur si hufan u damaanad qaada xuquuqda shakhsiga, isla-markaasna dareensiiya dhamaan muwaaddiniinta inay wada leeyihiin dalka. Sidoo kale, waxay indheer-garadka ku talinayaan in Maamul-Goboleedka uusan yeelan ciidan ka badan Booliiska Deegaanka (local police), kuwaas oo ku jaan go’an awooda dhaqaalaha, iyo baahida aminga deegaanka.

Shacabka Soomaaliyeed waxuu maanta marqaati ka yahay halka ay taladii iyo awaamiirta TPLF dhigtay mustaqbalka Shacabka Tigreega, iyo aayaha Itoobbiya. Waxaa xaqiiqo ah inay dhaan dabogaale wadaan siyaasiyiintii daruusta ka meersatay ee jilaya siyaasadda Soomaaliya.

Nidaamka dowladnimada casiraga waxaa lagu ilaaliyaa dastuur, iyo hay’ado ku qotoma qodobbo qaanuuni ah, kuwaasoo si isku mid ah u dhowra xuquuqda muwaaddinka iyo midnimada dalka.

Da’ yarta oo ah 75% tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed waa inay u halgamaan helitaanka dal loo siman yahay xuquuqda iyo waajibaadka. “Awoodda dadka ayaa aad uga xoog badan tan dadka xukunka haya” sidaas waxaa yidhi Weal Ghonin.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dowladda Soomaaliya oo magacowday guddiyo cusub iyo shaqada ay qabanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, Xamse Saciid Xamse ayaa magacaabay guddiyo kala duwan oo maamulaya tartanka maamul goboleedka iyo gobolka Benaadir ee sanadkan 2020-ka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay toddoba gudi oo cusub oo qeyb ka noqonaya maamulka tartanka furmaya, kaasi oo ay kasoo dhex muuqdeen shaqsiyaad aad loo yaqaano.

Guddiga cusub ayaa waxa kale oo ku jira qaar kamid ah ciyaartooyadii horee ee dalka, iyo dad kale oo ehel u ah arrimaha Isboortiga.

“Guddiyadaas kala duwan waxaan ka sugayaan in ay la yimaadaan wax qabad wanaagsan iyo in ay dar dar geliyaan howlaha loo igmaday” ayuu yiri Wasiirka ciyaaraha oo ka hadlay magacaabista guddiyadaasi.

Tartanka maamul goboleedyada oo labadii sano ee hore la qabtay 2016 iyo 2017, ayaa waxa keliya uu ku koobna kubada cagta, halka sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha fudud iyo kubadda koleyga.

Hoos ka aqriso guddiyada la magacaabay:

Guddiga Kormeerka Guud

1 – La Taliye Sare Maxamed Xuseen Haadi –Guddoomiye
2 – Saciid Jaamac Qorsheeel                        Ku-Xigeen
3 – Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf             Xoghaye
4 – Xildhibaan Cumar Cusmaan Waasare    Xubin
5 – Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed   Xubin
6 – Amb – Cabdiraxmaan Diinaari                   Xubin
7 – Farxaan Xasan Amed                            yoXubin

Guddiga Farsamada

1 – Prof – Muuse Maxamed Naasir      Guddoomiye
2Cabdiqaadir Ibrahim Gacal      Ku-Xigeen
3 – Dr – Yuusuf Shaqaaq                  Xoghaye
4 – Dr – Cali Cusmaan Cali            Kaaliye-Xoghaye
5Maxamed Cabdo                         Xubin
6 – Ibraahim Xuseen Rombe              Xubin
7 – Saciid Maxamed Xasan              Xubin
8 – Cabdiqani Saciid Carab              Xubin
9 – Khadiija Aadan Daahir                Xubin
10 – Cabdullahi Nuur Maxamed         Xubin
11 – Xasan Maxamed Maxamuud        Xubin

Guddiga Martigelinta,Dejinta Iyo Gaadiidka

1 – Isaaq Xaashi Jimcaale           Guddoomiye
2 – Basma Caamir Shakeeti        Ku-Xigeen
3 – Ikraam Cabdullahi Joogow        Xoghaye
4 – Cali Xsan Axmed                         Xubin
5 – Xasan Cabdi Abuukar                 Xubin
6 – Mulki Nuur Muudey                      Xubin
7 – Maxamed Maxamuud Samatar   Xubin

Guddiga Habmaamuuska Iyo Nabadageliyada

1 – Abuu Sheekh Axmed             Guddoomiye
2 – Cali Amin Xaaji Axmed              Ku-Xigeen 
3 – Cabdiraxmaan Cali Muuse      Xubin
4 – Nasr Maxamed Maxamuud     Xubin
5 – Xubno Ka Socda Wasaarada Amniga Gudaha  Xubin

Guddiga Maaliyadda

1 – Sadiiq Maxamed Maxamuud                Gudoomiye
2 – Abshir Cabdiraxmaan Maxamed         Ku-Xigeen
3 – Cabdiqani Maxamed Jeylaani               Xoghaye
4 – Yuusuf Maxamed Xasan                          Xubin
5 – Ismaaciil Maxamed Cabdi                      Xubin

Guddiga IT,Warfaafinta Iyo Xayeysiiska

1 – Ayuub Ismaaciil Cali                   Guddoomiye
2 – Maxamed Cusmaan Xassan         Ku-Xigeen
3 – Maxamed Cabdi Muudey                 Xoghaye
4 – Maxamed Cabdullahi Digarey              Xubin
5 – Maxamed Cabdiraxmaan Warsame     Xubin
6 – Cumar Ibrahim Cabdirsalaam              Xubin    

Guddiga Anshaxa Iyo Racfaanka

1 – Muxyidiin Maxamed Farqajaan           Guddoomiye
2 – Saaci Axmed Abuukar                           Ku-Xigeen
3 – Xamse Xaaji Cabdi                                Xoghaye
4 – Maxamed Xaaji Cali                                 Xubin
5 – Yuusf Maxamed Jaamac “Jaymis”            Xubin

 

Dabley hubeysan oo dil ka geysatay Laascaanood

0

Laasacaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay Garsoore maxkamadeed ku dileen gudaha magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullahi Salaad Wadaad-Yare, wuxuuna ahaa Garsoore ka tirsan maxkamadda magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay, kadib dhacdada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo dad lagu soo qab-qabtay.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ragga la soo qabtay oo lagu tuhmay dilka Garsooraha ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Laacsaabood ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay dilal qorsheysan oo qaar kood loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkadda ninkeeda

0

Washington (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyey waxay warbaahinta reer Galbeedku aad u hadal haysay sheeko ku saabsan gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka inay xiriirkii shaqo u jartay shirkadda la talinta dhinaca siyaasadda ee uu leeyahay seygeeda ay dhawaan guursatay.

Ilhaan Cumar ayaa dhawaan mar kale ku guuleysatay xubinnimada Golaha Congress-ka ee ay ku matasho gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minnesota.

Maalintii Axada ee todobaadkan ayey Ilhaan ku dhawaaqday go’aanka ay xiriirka dhaqaale ugu jartay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay seygeeda Tim Mynett, sida ay wargeysyo kala duwan qoreen.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo ka mid ah warbaahinta wax ka qoray sheekadan ayaa sheegtay in Ilhaan ay go’aankaas u sababeysay si ay taageerayaasheeda ugu caddeyso in aysan jirin arrin gaar ah oo kala dhaxeysa shirkaddaas.

Email ay Ilhaan Cumar u dirtay taageerayasheeda ayaa erayada ku qoran waxaa ka mid ahaa, “Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo in aysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in ololaha Ilhaan uu sidaas kusoo afjaray wadashaqeyntii uu la lahaa E Street Group, kaddib markii ay kala qeyb-sadeen lacag ku dhow $3 milyan oo dollar.

Ololaha Ilhaan ayaa ahaa macmiilka ugu weyn ee shirkadda Tim Mynett, wuxuuna soo tabiyay inuu sanadkan gidihiisa oo kaliya shirkaddan siiyay ilaa $1.1 milyan oo dollar, oo loogu sameeyay xayeysiimo iyo la talin dhinaca siyaasadda ah.

Warbaahinta qaar ayaa shaacisay in ilaa bishii July ee sanadkii 2019-kii uu ololaha Ilhaan shirkadda Tim siiyay lacag ku dhow $2.8 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilhaan Cumar ayaa bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay guursatay la taliyaheedii dhinaca siyaasadda, Tum Mynett, markaas oo ay shirkaddiisana isbahaysi la sameysatay.

Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor miyaa ka socda Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa ka hadashay wararka sheegayo in mooshin ka dhan ah madaxweyne Qoor Qoor laga abaabulayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cabdiweli Jaamac Barre oo ah Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug  oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyey in mooshin ka ah madaxweyne Qoor Qoor laga wado Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa xusay in madaxweyne Qoor Qoor uu magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cabdiweli Jaamac ayaa ujeedada kulamada uu Madaxweyne Qoor Qoor kula qaatay Magaalada Muqdisho xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ku sheegay inay tahay tabasho la xiriirta Guddiga doorashada.

Agaasimaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in mucaaradku ay cadaadis  saareen Madaxweyne Qoor Qoor iyo in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha laga abaabulayo magaalada Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey in Qoor Qoor laga wado mooshin xilka looga tuurayo,  kadib markii siyaasiyiinta mucaradka ah ay ka horyimaadeen xubnaha guddiyada doorashoyinka ee dhawaan uu soo magacaabay.

12 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, markii laga reebo Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan soo magacaabidda xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la rumeysan inay ka hor yimaadeen inta badan xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ee ku jira labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha inuu guddiga doorashada kusoo daray xubno ka tirsan hey’adda NISA.

Hoos ka dhageyso wareysiga Agaasime Cabdiweli Jaamac

Xog: Axmed Madoobe, Gaas iyo CC Shakuur oo qorshe cusub ka wada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Waxa saacadihii u dambeeyay ka socda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kulamo gaar ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo u dhaxeeya siyaasiyiin miisaan culus leh iyo qaar kamid ah murashaxiinta madaxtinimada dalka.

Kulamada ayaa lagu soo waramaya inay u dhaxeeyaan Madaxweynaha Jubbaland, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo weliba xubno kale oo siyaasiyiin ah, kuwaasi oo looga arrinsanayey doorashada dalka.

Xubnahan ayaa waxay diirada saareen guddiga doorashooyinka oo dhawaan mucaaridka dalku uu ka horyimid ku dhawaaqistooda, iyaga oo ku andacoonaya inay ku jiraan xubno u dhow Farmaajo iyo kuwo ka tirsan hay’adda nabad sugida dalka ee NISA.

Siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee kulankaasi ka qeybta ahaa ayaa sheegay inay sii socon doonaan kulamadooda, ilaa inta wax laga qabanayo walaaca ay ka qabaan hanaanka doorashooyinka.

Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee ku sugan Nairobi ayaa dhawaan u soo wareegi doona magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qorshahood ku aadan ‘doorasho loo siman yahay’ ka dar-dar gelin doona caasimada dalka, sida uu sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mucaaridka ayaa iyagu walaac xoogan ka qaba habka ay Villa Somalia u hirgelinayso heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka, kaasi oo si cad u dhigayey in doorashada dalka ay ku qabsoomto waqtigeeda, midaasi oo looga baaqsanayo dib u dhac.

FAHAD YAASIIN oo maanta MUQDISHO kula kulmay taliyaha sirdoonka dal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha sirdoonka Talyaaniga (AISE) Jeneraal Giovanni Caravelli oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasiya ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen iskaashiga dhanka sirdoonka ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay kulanka labad mas’uul, iyada oo gebi ahaanba laga gaabsaday faah-faahinta arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac iyo sababaha xiligan kusoo beegay booqashada taliyaha sirdoonka dalka Talyaaniga.

“Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Taliyaha sirdoonka dalka Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah, midaasi oo kor loogu qaadayo iskaashiga hay’adaha sirdoonka ee labada dal.

Kulankan ayaa imanaya xili ay NISA wajaheyso eedeymo la xiriira faro-gelin ku aadan doorashooyinka dalka, lamana oga in kulanka uu qeyb ka yahay arrimaha doorashooyinka, maadama aan laga hayn xog ka baxsan inta ay baahisay hay’addu.

Dagaalka Tigrayga iyo Abiy Ahmed oo isku rogaya dabar-goyn iyo gumaad (Warbixin)

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka u dhexeeya ciidanka Itoobiya iyo  jabhadda xoreynta shacabka Tigray waxa uu u muuqdaa mid siisoconaya, ciidanka dowladdu waxa uu sheeganayaa in uu horumar weyn ka sameeyey dagaalka, islmarkaana qabsaday deegano hor leh oo ay TPLF ku xooganayd kunayaal gudaha gobolka.

Madaxa jabhadda Tigrayguna waxa uu ku tilmaamay waxa socda ee dowladda federaalku ay wado ‘dagaal loogu talagalay in gumaad iyo xasuuq lagu geysto’.

Waxa jira cabsi sii kordheysa oo caalami ah taas oo kusaabsan in dagaalku sii fidayo siina baahayo Juquraafi ahaan islamarkaana xaalku faraha ka sii baxayo iyada oo dirirtu gaartay gobolka Amxaarada ee la deriska la ah gobolka Tigray, Amxaarada iyo Tigray waxa u dhexeeya sooyaal  xun iyo colaad gaamurtay oo jirta sanado badan oo ay isku hayeen gobolka Waqooyi iyo xukunka dalka.

Waaxda gurmadka iyo xaaladaha degdegga ee xukuumadda Itoobiya ayaa xaqiijisay in weerar loo adeegsaday gantaalaha meelaha fog gaara lagu qaaday gegooyinka ama garoonada magaalooyinka Baxardaar iyo Qandar kuwaas oo ka wada tirsan gobolka Amxaarada.

Xukuumadda ayaa waxay ku eedeysay Jabhadda TPLF inay ka dambeyso weerarka hayeeshee dhankooda hoggaamiyeyaasha jabhadda Tigraygu waxa ay sheegeen in weerarkaasi jawaab celin u ahaa weerar hawada ah oo ciidanka federaalku ku qaaday saldhigyo ciidan oo TPLF ku leedahay gobolka, iyada oo aan qarsan lana ganban Tigraygu waxa ay sheegeen in ay kadambeeyaan ayna leeyihiin mas’uuliyadda weerarka garoonada diyaaradaha ee Baxardaar iyo Qandar.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo sheegay in uu hubo ayna shaki la’aana tahay in Jabhadda kasoo horjeedda ay ku guuldareysan doonto dagaalka ayaa shaaciyey in uu muddo dhowr beri ah siiyey TPLF si ay isu soo dhiibto una badbaadiso nafta, hantida shacabka iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda Itoobiya ayaa sii wadda dhaq-dhaqaaqyadeeda dhinaca diblomaasiyadda, wasiirka arrimaha dibadda ayaa kulan ballaaran la qaatay ergooyinka diblomaasiyadda iyo safaaradaha shisheeyey ee jooga Itoobiya isaga oo u xaqiijiyey in howlagalka ciidan uu weli socdo islamarkaana sii socon doono, ujeeddada dagaalka ayuu ku sheegay in ay tahay in maxkamad la soo taago waxa uu ugu yeeray hoggaamiyeyaasha kooxaha fallaagada  jirriga ama burcadda ka dillacday gobolka.

Dagaalka ka socda dhulka iyo deegaanka gobolka haddana xaalka xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ayaa hadda u muuqda mid cakiran, hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dagaalka ka taagan gobolka Tigray ay ka carareen dad lagu qiyaasay 14000  oo qof kuwaas oo nafta ula cararay Suudaan oo deris la ah.

UNHCR ayaa waxay sheegtay in qulqulka qaxootigu uu ka awood badan yahay kana sarreeyo inta la maareyn karo ama loo heli karo meel ay dhinaca dhigaan iyo wax ay cunaan, wasiirka arrimaha gudaha ee Suudaan ayaa sheegay in ay filayaan in qulqulka xaqootiga ka soo cararaya dagaalku uu sii socon doono sida la odorosayana ay tiradu kor u dhaafi doonto 20 kun oo qof iyo kabadan haddii dagaalku ka sii socdo gobolka Tigray.

Waa dagaalka kiciyey welwelka iyo walbahaarka hay’daha xuquuqda aadanaha iyo bulshada caalamka iyada oo ay jiraan warbixino muujinaya in uu dhacay gumaad iyo dabar-goyn guud oo hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM dalbatay in lagu sameeyo baaritaan guud oo la xiriira gaboodfalka dhacay.

Qaramada Midoobay, MA iyo ururo kale oo caalami ah ayaa muujiyey sida ay uga welwelsan yihiin in xaalka dagaalka kataagan gobolka Tigray uu faraha ka baxay ama aan la xakameyn Karin islamarkaana dirirtu ku baahday deegaano hor leh taas oo macnaheedu yahay in ay dhici karaan xad-gudubyo la xiriira Isirka iyo haybta taasina ay qalqal gelin karto nabadgelyada guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Aljazeera, AFP & Mustaqbal

Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka dhan ah QOOR QOOR oo ka billowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa wuxuu soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda Guddiga doorashada Galmudug oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugida.

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xowli ah uga socdo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeedo madaxweyne Qoor Qoor, kadib markii la isku fahmi waayey guddigii uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha.

Siyaasiyiinta iyo xubnaha labada Gole ee Dowladda Soomaaliya ku matala Galmudug ayaa madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey in guddiga uu soo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan Hey’adda Nabad-Sugida Qaranka ee NISA.

Waxaa fashil kusoo dhamaaday kulamo ay wada yeesheen madaxweyne Qoor Qoor, xubnaha labada Gole ee Galmudug iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedo Galmudug ee ku sugan Magaalada Muqdisho kadib markii madaxweyne Qoor Qoor uu ku adkeystay inuusan waxba ka badaleyn guddiga uu soo magacaabay.

Xubnaha xildhibaannada mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ayaa si cad ugu sheegay madaxweyne Qoor Qoor inaysan marnaba aqbali doonin guddiga uu soo magacaabay, islamarkaasna uusan guddigaas wax doorasho ah ka qaban karin deegaanadaas illaa inta laga helayo guddiga ka madax banaan hay’adda NISA, sida ay hadalka u dhigeyn.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waayey saaxiibadiisii ugu waaweynaa ee ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo ay ugu horreeyaan Dhagey iyo Dhagdheer oo la rumeysan yahay inay laf dhabar u ahaayeen doorashadii Dhuusamareeb ka dhacday ee isaga lagu doortay, sidoo kalana waxaa ka hor yimid xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood wasiiro ka ah Maamulka Galmudug.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon-yahay, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku fashilmay daminta guuxa looga soo horjeeda, kadib markii uu kulamo albaabadu u xiran yihiin la qaatay xubnaha labada gole iyo siyaasiyiinta deegaankiisa ee kasoo horjeeda guddigaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankii u dambeeyay oo uu madaxweyne Axmed Qoorqoor la yeeshay xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug looga dalbaday inuu ka laabto Guddigii doorashada uu soo magacaabay oo ay saluugsan yihiin, kuna tilmaameen inuu yahay Guddi uu soo magacawday Taliyaha Nabadsugida.Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku adkeysanaya inuusan bedeli doonin xubnaha maamulkiisa ku metelaya guddiga doorashada, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow madaxtooyada Galmudug.

Si kastaba, waxa sii xoogeysanaya dhaliilaha dul hoganaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafadka, midaasi oo keeni karta in doorashadu dib uga dhacdo waqtigeeda, haddii aan wax laga qaban tabashada ku aadan guddigaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu dhawaan dib ugu laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo laga cabsi qabo in laga bilaabo mooshin isaga xilka looga qaadayo.

Dad badan oo ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax duhurnimadii Maanta lala eegtay Saraakiil Ciidan oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn taliska Booliska Gen. Kaahiye ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu fuliyey qof watay jaakad lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla agagaarka Dugisga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar jajab.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta xiray ciidamo badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 5 qof oo isugu jiro dad shacab ah iyo askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof oo isugu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda. Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay qofkii is-qarxiyey.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab oo looga bartay qaraxyada noocaan oo kale ah weli kama aysan hadlin qaraxa Maanta ka dhacay Muqdisho ee lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska.